-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Alle ha u naxariisto Gaashaanle Sare Nuur Farey, Taliyihii Guutada 14-ka October ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa maanta lagu dilay gobolka Shabeelaha Hoose. Wararka hordhaca ah ee la helay ayaa sheegaya in taliyaha uu toogtay qof hubeysan xilli uu ku sugnaa goob hawlgal amni ka socday lama xaqiijij karo ninka dilay taliyaha in uu ka tirsanaa Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya. Markii falka dilka ah uu dhacay kadib, Ciidamada Amniga ayaa si degdeg ah uga falceliyay, waxaana isla goobta lagu dilay eedeysanihii toogtay Taliyaha. Xaaladda ayaa si gaar ah loo baarayaa, iyadoo la filayo in dowladda Federaalka Soomaaliya ay si rasmi ah uga hadasho dhacdadan murugada leh. Gaashaanle Sare Nuur Farey waxa uu ahaa halyay ka mid ah saraakiisha ugu firfircoon ee Ciidanka Xoogga Dalka, door muuqda ka soo qaatay dagaallada lagula jiro kooxaha nabad-diidka ah ee ka howlgala gudaha dalka. Source: goobjoog.com
-
Wararka naga soo gaaraya degmada Boondheere ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in hoobiyayaal lagu garaacay qeybo kamid ah degmadaas, taasoo sababtay khasaare gaaray dad rayid ah. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dhowr madfac oo hoobiye ah ay ku dhaceen xaafado ka tirsan Boondheere, iyadoo wararka hordhaca ah ay tilmaamayaan in ugu yaraan laba qof ay ku dhaawacmeen weerarka. Dadka ku dhaawacmay hoobiyeyaasha ayaa marayay wadada. Waxaa wali socota baarista ku saabsan cidda ka dambeysay weerarkan iyo ujeedkiisa, mana jirto ilaa hadda cid si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda hoobiyeyaasha lagu weeraray degmada Boondheere. Mas’uuliyiinta amaanka weli kama hadlin dhacdadan, waxaana la filayaa in faahfaahin dheeraad ah laga bixiyo saacadaha soo socda. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa looga hadlay xarrigga loo gaystay guddoomiyaha Urur-Siyaasadeedka Shacabka, Cabdiraxmaan Saleebaan Jaamac oo u xiran dowladda Soomaaliya, wuxuuna Boolisku soo bandhigay kiis xasaasi ah oo loo haysto siyaasigan. Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Cabdiraxmaan laga soo xiray degmada Xamarweyne, loona haysto inuu ku kacay falal liddi ku ah amniga qaranka, balse ma bixin faah-faahin dheeri ah. Booliska ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in guddoomiyaha la horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan. “Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga Boliiska Xamarwayne oo gudanaya waajibaadka Qaranka ayaa soo xiray eedeysane C/Raxmaan Suleymaan Jaamac, kaas oo ku kacay falal liddi ku ah amniga Qaranka. Waxaana la horgeyndoonaa Maxkammada Awooda u leh Insh-Allah” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Booliska. Taliska Booliska ayaa sidoo kale farriin culus u diray dadka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay inay ka fogaadaan inay dhiirogeliyaan kooxda Al-Shabaab. “Waxaa lagu wargalinayaa muwaadiinta soomaaliyeed in ay ka fogaadaan dhiiragalinta Cadawga Khawaarijta ah Ruux walba oo ku kaca falal liddi ku ah Ammanka Qaranka Waxa uu wajihidoonaa hay,addaha Cadaalada” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka. Dhanka kale, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa si adag u cambaareeyay xarig uu ku tilmaamay sharci darro oo ay laamaha ammaanka dowladda Federaalka u geysteen Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Shacabka, Mudane Cabdiraxmaan Saleebaan Jaamac. Farmaajo ayaa sheegay in arrintani ay muujinayso jihada siyaasadeed ee uu qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, gaar ahaan nooca doorasho ee uu hiigsanayo. “Xarigga sharci darrada ah ee laamaha ammaanka Federaalka Soomaaliya ay u geysteen Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Shacabka Mudane Cabdiraxmaan Saleebaan Jaamac waxa uu muujinayaa nooca doorashada ee uu doonayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hannaanka siyaasadeed ee uu qaatay,” ayuu yiri Madaxweyne hore Farmaajo bayaan uu soo saaray maanta. Sidoo kale, Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa isna si xooggan u cambaareeyay tallaabada ee ay ciidamada ammaanka ay ku xireen siyaasiuga Cabdiraxmaan Saleebaan Jaamac. “Falkaani oo u dhigma afduub siyaasadeed, wuxuu xisbiga Himilo Qaran u arkaa mid gebi ahaanba baalmarsan shuruucda iyo dastuurka dalka, wuxuuna sidoo kale xarigaani waji gabax ku yahay Xukuumadda Federaalka ah maadama ay madaxda dowladu caado ka dhigteen caburin joogta ah oo taabanaysa ururada siyaasadda iyo saxaafadda xorta ah” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Xisbi Siyaasadeedka Himilo Qaran. Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso xilli hadda dalka ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo u dhexeyso madaxda sare ee dalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka, taas oo ka dhalatay sida loo wajahayo hanaanka doorashooyinka 2026-ka, waxaana haatan laga war sugayaa natiijada kasoo bixi doonto gogosha uu dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh.
-
Tiro hoobiyeyaal ah oo lagu garaacay nawaaxiga Madaxtooyada
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya tiro hoobiyeyaal ah oo goordhow lagu garaacay agagaarka dhismaha xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo jugtooda si weyn looga maqlay gudaha caasimada. Illaa 4 hoobiye ayaa la sheegay inay ku dhaceen xaafaddo aad ugu dhow xarunta madaxtooyada, gaar ahaan degmooyinka Warta Nabadda iyo Boondheere ee gobolka Banaadir. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in mid kamid ah madaafiicda uu ku dhacay Tiyaatarka Qaranka, waxaana ku dhaawacmay hal oo kamid ah howldeennada Tiyaatarka. Sidoo kale laba ruux oo ayaa ku dhaawacmay hoobiye kale oo ku dhacay barxadda Warta Nabadda, halka lasoo wariyay in mid kale uu ku dhacay guri ay dagan yihiin dad shacab ah oo isna ku yaalla degmada Boondheere ee gobolka Banaadir. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha hay’adaha amniga oo ku aadan hoobiyeyaasha lagu garaacay agagaarka xarunta Villa Soomaaliya. Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana si caadi ah u socda dhaq-dhaqaaqa waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa madaxtooyada oo ah meesha la weeraray. Marar badan kooxda Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale hoobiyeyaal ugu garaacday caasimada, waxaana lagu bartilmaameedsaday madaxtooyada iyo xerada Xalane. Weerarkan waxaa ka horreeyay mid kale oo dhowaan lagu qaaday garoonka Aadan Cadde oo madaafiic lagu garaacay, xilli uu kasoo degagay ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo booqasho hal maalin ah ku yimid magaalada Muqdisho, kadibna dib uga laabtay. Waxaa kale oo xigay weerar kale oo hoobiyeyaal ah oo Al-Shabaab ay ku garaaceen xaafado ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo isna gaystay khasaare kala duwan. Dhammaan weeraradan ayaa kusoo aadayo xilli haatan dowladda Soomaaliya ay dagaal adag kula jirto Khawaarijta, isla markaana la’isku hayo furimaha hore ee dagaalka. Kooxda ayaa muddooyinkii u dambeeyay xoogga soo saartay gobollada Shabeelooyinka oo haatan ay ka socdaan dagaallada, waxaana sidoo kale lagu arkay deegaanno u dhow Muqdisho, sida Ceelasha Biyaha, Lafoole, Xaawo Cabdi iyo dhinaca jidka degmada Balcad. -
Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Caalamka ayaa weli cadaadis xooggan ku haysa Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayada oo dalbaneysa in gogosha wadatashiga qaran ee uu dhawaan ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud laga dhigo mid ballaaran oo ay ka qeyb galaan dhammaan dhinacyada saamaynta ku leh siyaasadda dalka. Diblomaasiyiinta ku sugan Xalane ayaa ku baaqay in aan la koobin wadahadalka oo keliya la-dagaallanka argagixisada, sida ay damacsan tahay Villa Somalia, balse sidoo kale lagu daro arrimaha siyaasadeed ee weli taagan, gaar ahaan khilaafka ka dhashay isbeddelka Dastuurka iyo hannaanka doorasho ee dalka. Waxay hoosta ka xariiqeen in loo baahan yahay wadahadal furan oo horseeda wadar-ogol siyaasadeed iyo xasillooni waarta. Sida ay xaqiijinayaan ilo xog-ogaal ah, safiirradu waxay muujinayaan baahida degdegga ah ee loo qabo hannaan doorasho oo loo dhan yahay, islamarkaana ka tarjumaya xaqiiqada siyaasadeed ee dalka. Waxay sidoo kale adkeeyeen muhiimadda ay leedahay wadashaqeynta ka dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada si loo ilaaliyo midnimada dalka, loogana hortago khilaafyo hor leh oo wiiqi kara dadaallada nabadeed. Dhinaca kale, Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay magaalada Muqdisho kulan wadatashi ah la yeeshay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug, iyadoo lagu lafaguray sidii loo dardargelin lahaa howlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada, sida ay sheegeen ilo ku dhow Madaxtooyada. Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli uu madaxweynaha toddobaadkan ku dhawaaqay gogol wadatashi qaran oo uu sheegay in ay ka qeyb geli doonaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo qeybaha bulshada, si loo helo aragti mideysan oo ku saabsan la-dagaallanka argagixisada. Qorshahan ayaa si weyn loo soo dhaweeyay, gaar ahaan mucaaradka iyo ururada bulshada rayidka ah. Si kastaba, warar hoose oo laga helayo Villa Somalia ayaa muujinaya in wali aan si rasmi ah loo shaacin jadwalka iyo ajandaha gogosha wadatashiga, balse uu qorshuhu yahay in diiradda la saaro la-dagaallanka argagixisada. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jirta baaq xooggan oo ku wajahan Villa Somalia si ay u ballaariso kulanka, una furto dhinacyada siyaasadda sida Puntland iyo Jubbaland oo aan wali qayb ka ahayn wadahadalka. Kulanka Madaxweynaha iyo saddexda hoggaamiye goboleed ayaa loo arkaa hordhac u ah wadahadallo isdaba-joog ah oo lagu doonayo in lagu mideeyo aragtida siyaasadeed ee dalka, iyadoo la wajahayo xaalado amni iyo siyaasadeed oo isbiirsaday. Madaxweynaha ayaa kulankan ku qabtay magaalada Muqdisho, maalmo kaddib markii uu dalka dib ugu soo laabtay safar hal maalin ah oo uu ku tagay dalka Turkiga.
-
Ganacsatada jaadka iyo shakhsiyaad ka agdhow Madaxtooyada Puntland ayaa ku muransan soo dejinta jaadka laga keeno dalka Kenya ee loo yaqaan Mirowga, sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan guddiga ganacsatada Jaadka. Ganacsatada jaadka oo canshuur-bixiyaal ah ayaa ka gadoodsan tallaabo shakhsiyaad xiriir la leh madaxtooyada Puntland ku raadinayaan in ay keligood jaadka ka soo daabulaan dalka Kenya, islamarkaana dhammaan ganacsatada kale iyaga ka iibsadaan jaadka. Shakhsiyaadka xiriirka la leh madaxtooyada Puntland oo adeegsanaya shaatiga dowladda ayaa isku dayaya in ay awood ku muquuniyaan ganacsatada jaadka ee canshuur-bixiyaasha ah, si meesha looga saaro ganacsigooda sida tooska ah uga yimaada waddanka Kenya. Khilaafka ganacsatada jaadka iyo madaxtooyada Puntland ayaa marar kala duwan soo noq noqday, kaddib markii shakhsiyaad awood ka haysta madaxtooyada ay shaatiga dowladda u adeegsadeen dhibaataynta ganacsatada maxalliga ah ee jaadka keenta. PUNTLAND POST The post Ganacsatada Jaadka iyo Madaxtooyada Puntland oo ku muransan soo dejinta jaadka Mirowga ah appeared first on Puntland Post.
-
Xog: Jaamac oo diidan inuu wareejiyo xilka wasiirka difaaca
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa la sheegay inuu diidan yahay inuu xilka ku wareejiyo wasiirka cusub, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, oo la magacaabay 17-kii Maarso. Ilo xog ogaal ah oo ku dhow arrintan ayaa sheegay in Wasiir Jibriil uu weli sugayo wareejin rasmi ah, balse ay muuqato in wasiirkii hore uusan diyaar u ahayn inuu fududeeyo hannaan xil wareejin. Ilaa hadda lama shaacin sabab rasmi ah oo keentay dib-u-dhaca, hase yeeshee warar hoose ayaa tilmaamaya in Ra’iisul Wasaaraha uusan wali ka jawaabin cabasho rasmi ah oo uu gudbiyay wasiirka cusub. Warbixino lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale sheegaya in dowladda Turkiga—oo ah lammaanaha milatari ee ugu dhow Soomaaliya—ay ka soo horjeedo xil ka qaadista Cabdulqaadir Maxamed Nuur. Turkigu waxa uu door weyn ku leeyahay amniga Soomaaliya, isagoo siiya ciidanka tababar, qalab iyo taageero gaar ah oo loogu talagalay unugyada khaaska ah. Dhawaan, wasiirkii hore ayaa bartiisa Facebook soo dhigay sawir uu la taagan yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, arrin loo fasiray inay tahay farriin siyaasadeed oo muujinaysa xiriirka dhow ee uu la leeyahay Ankara. Jaamac ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ku wehliyey safarkii uu dhowaan ku tegay Ankara, oo la xiriiray arrimo amni, taasi oo muujisay in uu weli haysto taageerada madaxweynaha iyo dowladda Turkiga. Arrimahan ayaa imanaya ayada oo Dowladda Federaalka ay weli la daalaa-dhacayso weerarro sii kordhaya oo ay kooxda Al-Shabaab ka fulinayso gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose, taasoo sii xoojisay baahida ay u qabto taageerada milatari ee Turkiga. Dhanka kale, ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegay in dhowr dal oo xiriir amni la leh Soomaaliya ay cadaadis ku saareen Villa Somalia in la beddelo wasiirkii hore si loo xoojiyo iskaashiga dhanka amniga, si gaar ahna dowladda Mareykanka. Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo horey u soo noqday Qunsulka Soomaaliya ee Turkiga, ayaa la aaminsan yahay inuu xiriir dhow la leeyahay hay’adaha sirdoonka Turkiga. Arrintan ayaa walaac ku abuurtay qaar ka mid ah saaxiibada caalamiga ah ee ka howlgala amniga Soomaaliya, kuwaas oo ka cabsi qaba in xogaha sirdoonka muhiimka ah ay si xad dhaaf ah ugu tiirsanaadaan hal waddan oo keliya. -
Ayadoo maalmahan la hadal-hayay in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uu booqasho ku tagayo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka gobolka Sool, islamarkaana warar kala duwani ay safarkiisa ka soo baxayeen, ayaa waxaa arrintaas si rasmi ah u shaaciyay Maamulka Khaatumo. Wasiirka Caddaaladda iyo arrimaha Diinta maamulka SSC-Khaatumo Jeneraal Cabdi xasan Xijaar ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu uu dhowaan booqan doono deegaanadaas, asagoo intaas ku daray amniga dhulkaasi uu yahay mid aad u wanaagsan, islamarkaana soo dhoweynta masuulka 3-aad ee dalka ugu sarreeya ay u diyaarsan yihiin. Soomaaliland iyo Puntland ayaa si weyn u diiddan booqashada Ra’iisul Wasaaraha ee magaalada Laascaanood, balse dadka deegaanka ayaa u arka tillaabo taariikhi ah, maadaama taniyo burburkii dalka madaxda ugu sarreysa dowladda dhexe aysan gobollladaas tagin. Source: goobjoog.com
-
BEENIN WAR BEEN-ABUUR AH Qarannews (5 April), Xarunta war-qabadka Qarannews ayaa waxa xalay soo gaadhay war shegayay in Musharax Ahmed Aden Ismail (Keyse Gurey) uu ka tanaasulay hankiisii ahaa in u noqdo musharaxa Golaha Wakiiladda ee Gobolka Togdheer, doorashada isku-sidkan ee Golaha Wakiilada iyo ta degaanka ee lagu wada in ay ka qabsoonto dalka May, 2026. Warkaasi oo la sheegay in uu ka shaaciyay shir ay isku yimaadeen labaataneeyo dhallinyaro ah oo ka dhacay Maamuus Hotel shalay galabnimadii. Hadaba, si aan wax uga ogaano jiritaanka iyo xaqiiqda warkaasi ayaa waxa aanu la xidhiidhnay Keyse Gurey oo ku markaasi ku sugnaa gurigiisa uu ka degan yahay magaalada Hargeysa subaxnimadii saaka. Waxa uu Keyse yidhi “walaal annigu shirkaasi ma joogin waxaana soo qaban qaabiyay nin dhallinyaro ah oo isna hore u sheegay in uu yahay musharax. Mana garanaayo meesha uu warkaasi ka yimid, balse waxa uu u eegyahay in uu yahay mid sameys (macmal) ah. Waxaanse idinka iyo cidii kale warkaasi gaadhayba u cadeynaya in warkaasi waxba ka jirin. Anniga oo ka faa’iideysanaya fursadan, waxa kale oo aan dhawaaq dheer ku sheegayaa in aanu jirin shir reerku ku balansan yahay oo lagu kala reebaayo musharaxiinta reerka. Balse waxa jiray shir ay ka soo qeyb galeen ergooyin oo ka qabsoomay Burco, 22-23/02/2025 oo ku saabsanaa magaha iyo qoomaha ku taagan reerka. Shirkaasi oo aan dhicin sidii la rabay ayaa loo balamay marka uu roobku da’o (xilliga gu’ga) in la iskugu yimaado Shirweyne. Marka doorashada is qorto ama si dhab ah loo ogaado waqtiga ay qabsoomeyso ayaa la kala ogaan doonaa musharaxa ay isku raacaan reerku, hadii allah yidhaahdo. Waxa aan kaga baxayaa hadalkayga, ma aha wax iyo ama sunne fiican in xildhibaankii reerka oo weli ku fadhiya kursigii, muddo xileedkiisina dhamaan la isku dul qabsado. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si adag u cambaareeyay xarig uu ku tilmaamay sharci darro oo ay laamaha ammaanka dowladda Federaalka u geysteen Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Shacabka, Cabdiraxmaan Saleebaan Jaamac. Farmaajo ayaa sheegay in arrintani ay muujinayso jihada siyaasadeed ee uu qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, gaar ahaan nooca doorasho ee uu hiigsanayo. “Xarigga sharci darrada ah ee laamaha ammaanka Federaalka Soomaaliya ay u geysteen Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Shacabka Mudane Cabdiraxmaan Saleebaan Jaamac waxa uu muujinayaa nooca doorashada ee uu doonayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hannaanka siyaasadeed ee uu qaatay,” ayuu yiri Madaxweyne hore Farmaajo bayaan uu soo saaray maanta. Isagoo ka hadlayay saameynta arrintan ay ku yeelan karto hannaanka dimoqraadiyadda iyo xasilloonida siyaasadeed ee dalka, Farmaajo wuxuu ku baaqay in si degdeg ah xorriyaddiisa dib loogu celiyo Cabdiraxmaan Saleebaan Jaamac. “Annaga oo muujinayna iinta uu xadgudubkaani ku yeelanayo xasilloonida siyaasadeed iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka, waxaan ugu baaqaynaa Madaxweynaha in uu xorriyaddiisa si deg deg ah ugu soo celiyo Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Shacabka ee sida sharci darrada ah loo beegsaday,” ayuu raaciyay. “Hay’adaha ammaanka heer Federaal waxaan ku adkaynaynaa waajibaadka Dastuuriga ah ee ay u xilsaaran yihiin, iyaga oo ka fogaanaya tallaabooyinka noocaan ah ee wiiqaya kalsoonida shacabka Soomaaliyeed iyo sumcaddooda ciidannimo,” ayuu yiri. Ugu dambeyn, Madaxweynihii hore ayaa Madaxweynaha hadda talada haya ugu baaqay in uu ka fogaado ficillo sababi kara hubanti la’aan siyaasadeed, isla markaana uu mudnaan siiyo dib u heshiisiinta iyo midnimada qaranka. “Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaan mar kale ugu baaqaynaa in uu ka waantoobo ficillada keenaya mugdiga iyo hubinti la’aanta siyaasadeed ee uu dalku ku jiro, marxaladdan adagna uu mudnaan siiyo soocelinta wadajirka iyo midnimada, si aynu awood ugu yeelanno in Qaranka Soomaaliyeed aynu ka samatabixinno duruufaha amni iyo jiritaan ee ku xeeran,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Farmaajo.
-
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saldhigga Boliiska ee degmada Xamarweyne ayaa nin lagu eedeeyay inuu ku luglahaa falal amniga lid ku ah, sida ay sheegtay war qoraal ah oo ka soo baxay qeybta guud ee Taliska Booliska Gobolka Banaadir. Ninkan oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Suleymaan Jaamac, oo ku eedeysan inuu ku kacay falal liddi ku ah amniga Qaranka, Boolisku faahfaahin dhameystiran kama bixin falalka uu ku howlanaa. Booliska oo sheegay inay eedeysahan maxkamad awood u leh gal dacwadeedkiisa horgeyn doonto, ayaa bulshada ugu baaqay inay la soo wadaagaan xogaha dadka ay uga shakisanyihiin maleegidda falalka amniga lidka ku ah. Ninkan ayaa ka tirsanaa mid kamid ah xisbiyada dalka oo lagu magacaabo Shacab, waxanaa xariggiisa cambaareeyay mucaaradka iyo xisbiyada madax-bannaan, balse dowladdu faahfaahin dheeraad ah kama bixin xariggiisa markii laga reebo in lagu eedeeyay falal amniga lid ku ah. Source: goobjoog.com
-
Qaahira (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin Masri ah ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay si ula kac ah u hurinayso xiisado, kadib markii ay si been ah u sheegtay in dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ka socda waqooyiga Sinai ay jabinayaan heshiiskii nabadeed ee labada dal ay gaareen. Diblomaasi sare oo ku sugan Qaahira ayaa u sheegay Middle East Eye (MEE) in xiriirka Masar iyo Israa’iil uu hoos u dhacay ilaa heerkii ugu liitay tan iyo markii uu billowday dagaalka Gaza, iyadoo cabsi laga qabo in duullaanka cusub ee Israa’iil uu hordhac u yahay qorshe barakicin qasaba ah oo lagu saari karo Falastiiniyiinta ka harsan gudaha Gaza. Falanqeeyayaal Israa’iiliyin iyo Falastiiniyiin ah ayaa sidoo kale ka digay in maamulka Israa’iil uu xoojinayo khilaafka si uu u beddelo ra’yiga shacabka oo uu uga dhigo mid ka soo horjeeda Masar — arrin lagu micneeyay in lagu fududeynayo barakicinta Gaza, isla markaana lagu horumarinayo yoolalka istiraatiijiyadeed ee Israa’iil ee gobolka. Assaf David, agaasimaha barnaamijka “Israel in the Middle East” ee Machadka Van Leer ee magaalada Jerusalem ahna bare ka tirsan Jaamacadda Cibraaniyada, ayaa MEE u sheegay: “Hurinta waa muuqataa. Waxaan aaminsanahay in xukuumadda Netanyahu ay si dhab ah ugu go’an tahay qorshaha nadiifinta qowmiyadeed.” “Haddii dareenka shacabka Israa’iil ee ku wajahan Masar is beddelo, arrintu way u fududaanaysaa. Sidaas darteed, dagaal lagu abuuro Masar wuxuu dhigayaa salka qorshahan.” Warbixino marin habaabin ah Warbaahinta Israa’iil ayaa toddobaadkan werisay in Masar ay kordhisay joogitaanka ciidan ee waqooyiga Sinai — xuduudda Gaza — iyadoo ka tallaabeysa xaddiga ciidanka ee lagu oggol yahay heshiiska, isla markaana la dhisay kaabayaal cusub oo ku yaalla dekedaha iyo saldhigyada cirka. Mas’uuliyiin Israa’iili ah ayaa sheegay in arrimahan lala wadaagay Qaahira iyo Washington. Wasiirka difaaca Israa’iil, Israel Katz, ayaa Khamiistii sheegay in Israa’iil aysan oggolaan doonin in Masar ay jebiso heshiiskii Camp David ee 1979. Balse sarkaal sare oo hore oo Masar ah ayaa u sheegay MEE in aysan jirin wax jabin ah oo dhacay, isagoo xusay in joogitaanka ciidan iyo dhaq-dhaqaaqyada kale ee milatari ay waafaqsan yihiin heshiiskii asalka ahaa iyo wax-ka-beddelladii xigay. Janaraal Ahmed Ibrahim Kamel — oo hore u soo noqday madaxa hay’adda sirdoonka milatari ee Masar iyo ku xigeenka agaasimaha guud ee sirdoonka — ayaa sheegay in isbeddel lagu sameeyay heshiiska sanadkii 2005 uu Masar u oggolaaday inay geyso hal cutub oo ka tirsan ciidanka ilaalinta xuduudaha, kuwaas oo si buuxda u hubeysan, isla markaasna la geeyay xadka Gaza kadib markii Israa’iil ay ka baxday halkaas. Wuxuu sidoo kale sheegay in howlgaladii la dagaalanka argagixisada ee Sinai muddadii u dhexeysay 2013 ilaa 2021 ay ahaayeen kuwa si buuxda loola kaashaday Israa’iil. Kamel wuxuu MEE u sheegay: “Sida caadiga ah, Israa’iil iyo warbaahinteeda marin-habaabinta ahi ma bixinayaan xaqiiqooyinka oo dhan, gaar ahaan isbeddellada lagu sameeyay lifaaqa milatari ee heshiiska. Waxay si joogto ah u diidaan inay Masar u aqoonsadaan la-hawlgalaha nabadda, iyagoo doorbidaya inay ku muujiyaan Masar mid dhibaatada qayb ka ah. Taasi waxay si gaar ah ugu muuqatay xasaradda Gaza ee sanadkii iyo bar ee la soo dhaafay.” Sayed Ghoneim, oo ah cilmi-baare ka tirsan Machadka Daraasaadka Sare ee Ciidanka Masar iyo janaraal hore, ayaa isna u sheegay MEE in Israa’iil ay si qaldan u fahantay qodobbada heshiiska. Wuxuu xusay in ay jiraan hannaan sharci ah oo u oggolaanaya Masar iyo Israa’iil inay wax ka beddelaan abaabulka milatari iyadoo aan la baabi’in heshiiska, isagoo tusaale u soo qaatay ciidamadii Masar ee loo diray xuduudda Rafax sanadkii 2021. MEE waxay la xiriirtay Ciidanka Caalamiga ah iyo Kormeerayaasha (MFO), hay’adda caalamiga ah ee la aasaasay si ay u kormeerto fulinta heshiiskii 1979, si loo weydiiyo haddii ay diiwaangeliyeen wax jabin ah oo dhowaan dhacay. Hase yeeshee, wax jawaab ah lagama helin waqtiga la daabacayay warbixinta. Safiiro maqan Cabsi sii kordheysa oo laga qabo in Israa’iil ay qorshaynayso barakicin qasab ah oo loogu raro Falastiiniyiinta Gaza dhanka Sinai — taasoo ay sal u tahay soo jeedintii hore ee Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump — ayaa sii xumeysay xiriirka labada dal. Diblomaasi Masri ah oo codsaday in magaciisa la qariyo ayaa u sheegay MEE in xiriirka hadda uu ka xun yahay sidii uu ahaa tan iyo 7-dii Oktoobar 2023. Wuxuu sheegay in Masar ay diiday inay aqbasho waraaqaha aqoonsiga safiirka cusub ee Israa’iil, Uri Rothman, oo la magacaabay bishii Sebtembar ee la soo dhaafay. Shaqaalaha safaaradda Israa’iil ee Masar iyo wadamada kale ee Carabta ayaa intooda badan laga daadgureeyay sababo la xiriira amniga, iyadoo Israa’iil ay kaliya si kooban u joogto safaaraddeeda Qaahira. Masar iyaduna ma hayso safiir rasmi ah oo jooga Israa’iil kadib markii aan la magacaabin beddelka Khaled Azmi, oo si qarsoodi ah uga tagay xilka toddoba bilood kahor. Si kastaba, falanqeeyayaal ayaa sheegay in ay jiraan arrimo kale oo ka baxsan barakicinta shacabka Gaza oo sidoo kale saameynaya xiriirka labada dal. Assaf wuxuu qiray in yoolka ugu weyn ee Israa’iil uu yahay in la abuuro xaalad horseedaysa in dadka Gaza loo raro dhulka Masar. Laakiin wuxuu sidoo kale xusay in arrintu ay muujinayso khilaafyo siyaasadeed iyo is-qabqabsi ka dhex jira dowladda Israa’iil, iyo sidoo kale loollanka Masar iyo Qatar ee ku saabsan doorka dhex-dhexaadinta wadahadallada xabbad-joojinta ee u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas. Wuxuu intaas ku daray in xiriirka Masar iyo Israa’iil inta badan gacanta ugu jiray hay’adaha milatari iyo amniga ee Israa’iil, kuwaasoo xiriirkaas u maareeyay si masuuliyadi ku dheehan tahay, iyagoo sal ka dhigaya heshiisyada nabadeed ee labada dhinac. Assaf wuxuu sidoo kale sheegay in fadeexadda loo yaqaan “Qatargate” — taasoo lala xiriiriyay la-taliyeyaal ka tirsan xafiiska Netanyahu oo lagu eedeeyay xiriirka saraakiil Qataari ah — ay muujineyso in laga yaabo in xukuumadda Israa’iil ay qorsheyneyso in Masar laga riixo doorka dhexdhexaadinta. Xariiqda cas ee Sisi Ameer Makhoul, u dhaqdhaqaaqe Falastiini ah oo qoraa ka ah Israa’iil, ayaa sheegay in Israa’iil ay doonayso in xaalad degdeg ah lagu barakiciyo shacabka Gaza, iyada oo la adeegsanayo duqeymo xooggan si ay ugu qasbanaadaan inay u guuraan dhulka Masar. Wuxuu sidoo kale xusay in Israa’iil ay raadinayso yoolal istiraatiiji ah oo ay ka mid yihiin ballaarinta dekedda Ashdod si ay u gaarto Gaza — qeyb ka ah mashruuc lagu sameynayo marin ganacsi oo isku xira Aasiya iyo Yurub iyada oo loo marayo jasiiradda Carabta — iyo la wareegidda ilaha gaaska badda ee xeebaha Gaza. Sidoo kale, qorshuhu wuxuu ka mid ahaa dhismaha kanaal cusub oo la tartama kanaalka Suweys — oo laga bilaabo Deir al-Balah ee Gaza loona mariyo dekedda Eilat ee Badda Cas — taasoo sidoo kale ku lug leh barakicinta beelaha Bedouin ee Negev. “Dhammaan arrimahani waxay khatar ku yihiin ammaanka qaranka Masar waxayna wiiqayaan istiraatiijiyadda gobolka. Arrintaas waxay Israa’iil ku khasbaysaa inay xiriirka ku adkayso ama Masar isku daydo inay cabburiso,” ayuu yiri. Masar iyo dalalka kale ee Carabta ayaa si adag u diiday in Falastiiniyiinta laga raro Gaza, iyadoo Masar ay soo jeedisay qorshe kale oo ay taageerayso Jaamacadda Carabta oo ku saleysan in Gaza dib loo dhiso iyadoo aan dadkeeda laga raraynin. Madaxweyne Abdel Fattah el-Sisi ayaa barakicinta ku tilmaamay “xariiq cas” oo khatar ku ah ammaanka qaranka Masar. Israa’iil ayaa mar kale qaaday duullaan ballaaran oo ka dhan ah Gaza, iyadoo Qaramada Midoobay Khamiistii sheegtay in laba-meelood meel dhulka Gaza ah lagu soo rogay amarro barakicin ah ama uu noqday “goob mamnuuc ah,” waxaana ka mid ah magaalada Rafax iyo inta badan koonfurta Gaza.
-
𝗚𝗨𝗨𝗦𝗛𝗔 𝗗𝗔𝗪𝗟𝗔𝗗𝗔 𝗗𝗝𝗜𝗕𝗢𝗨𝗧𝗜 𝗞𝗔 𝗦𝗢𝗢 𝗛𝗢𝗬𝗦𝗔𝗬 𝗛𝗢𝗚𝗔𝗔𝗠𝗜𝗡𝗧𝗔 𝗠𝗜𝗗𝗢𝗪𝗚𝗔 𝗔𝗙𝗥𝗜𝗖𝗔 𝗜𝗬𝗢 𝗪𝗔𝗔𝗬𝗔𝗛𝗔 𝗞𝗨 𝗚𝗘𝗗𝗔𝗔𝗠𝗔𝗡. Shirkii midowga Africa ee ka dhacay Addis-ababa 15 iyo 16 February 2025 waxa gudoomiye loo doortay Mohamoud Ali Yusuf oo ah wasiirka arimaha dibada Djibouti mudada afarta sanadood ee inagu soo fool leh hogaamin doona. Waxa uu ahaa tartan u dhexeeyey dawladaha Geeska Africa oo iyagu leh hogaaminta afarta sano ee soo socda waxaanu tartankaasi dhex maray dawladaha Djibouti, Kenya & Madagascar oo ay ka kala socdeen Mohamoud Ali Yusuf ( Djibouti) , Raila Odinga ( Kenya ), iyo Richard Randriamandrato ( Madagascar). 𝘎𝘌𝘌𝘚𝘒𝘈 𝘈𝘍𝘙𝘐𝘊𝘈 𝘏𝘖𝘎𝘈𝘈𝘔𝘐𝘕𝘛𝘈 𝘔𝘐𝘋𝘖𝘞𝘎𝘈 𝘈𝘍𝘙𝘐𝘊𝘈 𝘌𝘌 𝘋𝘑𝘐𝘉𝘖𝘜𝘛𝘐 𝘔𝘈𝘟𝘈𝘠 𝘒𝘜 𝘚𝘖𝘖 𝘒𝘖𝘙𝘋𝘏𝘐𝘕 𝘋𝘖𝘖𝘕𝘛𝘈𝘈? Waa su’aal u baahan jawaab in loo helo , maadaama Gobolka Geeska Africa yahay gobol aan xasilooni amni iyo mid siyaasadeed oo rasmi ahi ka jirin mudo dheer , sidoo kale ka mid ah gobolada marka Africa inteeda kale loo eego ugu hooseeya xaga dhaqaalaha , nolosha iyo horumarka. Waxa aan is leeyahay wax badan la qaban kari maayo oo ururka midowga Africa laftiisa ayaan awoodiisa iyo aaminaadiisu midina weynayn , kaliya waxa lagu guuleystay uun in Africa urur ay wada leedahay sameysato , yoolka ugu weyn iyo hiigsiga midowga Africa waxaa la yidhaahdaa 2063 Africa horumarsan , degan , nabdoon oo dunida la jaanqaada in la gaadho , laakiin sida wax u socdaan ma muuqato. Geeska Africa oo ka mid ah meelaha u baahan in hawl weyn laga qabto sida Somaliland & Somalia , xaaladaha Sudan , Erateria iyo Djibouti , south Sudan lafteeda iyo siyaasadaha baaxaa degaya ee marba dalal is xulafaysi yeelanayaan , sida Somaliland iyo Ethiopia, Ethiopia iyo Somalia , Djibouti iyo Somalia , waa hawl weyn oo u taala midowga Africa. 𝘔𝘈𝘟𝘈𝘠 𝘠𝘐𝘏𝘐𝘐𝘕 𝘏𝘈𝘞𝘓𝘈𝘏𝘈 𝘏𝘖𝘙𝘠𝘈𝘈𝘓𝘈 𝘔𝘐𝘋𝘖𝘞𝘎𝘈 𝘈𝘍𝘙𝘐𝘊𝘈 𝘚𝘈𝘕𝘈𝘋𝘈𝘏𝘈 𝘐𝘕𝘈𝘎𝘜 𝘚𝘖𝘖 𝘍𝘖𝘖𝘓 𝘓𝘌𝘏 ? Africa arinkeegu waa halkii uu ka gabyey Abwaan Abdilahi Suldan timocade ee ahaa ” Markuu dab bakhtiyoba meel kalaa dogob ka qiiqaaye ” oo ah marka la is yidhaahdo raysate ba dhibaato hor leh ayaa bilaabanta , markaa lama yareysan karo hawlaha horyaalla midowga Africa, laakiin hadii aynu wax ka taataabano ; 1- Waxay ku beegmeen xili aduunkii dhaqaalaha ku bixin jirey xasilinta Africa sida USA, UK iyo EU dib uga fekerayaan dhaqaalaha caawimada ah ee Africa la siiyo , arinkaasi oo caqabad hor leh ku noqon doonta hogaanka cusub ee loo doortay midowga Africa. Maxay ahaayeen lacagaha Africa la siiyo ee wadadamada iyo ururada aynu soo sheegnay siin jireen qaarada Africa? Qaarada Africa waxay noqotay aduunka meesha ugu hayaanka badan ee dadkeegu ku qulquleen wadamada Europe iyo maraykanka , arimahani oo sababay culeysyo badan oo ay dareemeen dawladaha Europe iyo maraykanka oo dadka inta ugu badani tagi jireen. Haddaba markii mudo dheer la darsayey waxaa la isla gartay in Africa la xasiliyo oo dawladaha ka jira la taageero si fursad loogu helo in dadka soconaya u negaadaan , sidoo kale kheyraadka dihin ee wadamadooda looga faaiideeyo. Qorshahaasi waxa kale oo qaatay qaramada midoobay ( UN ) iyo Baanka Aduunka ( World Bank ) oo iyaguna qorshe daraasadahaasi laga helay ku jaangooyey siyaasadooda lagu maamulo mucaawimooyinka iyo taakulooyinka horumarinta , inkasta oo aan ilaa hadda ujeedo la taaban karo la gaadhin. 2- Colaadaha soo noq-noqda ee dawladaha Africa oo intooda badani ka yimaadaan awood ku dirir , kala hororsiga khayraadka iyo dhinaatooyin xuduudaha dawladaha Africa ah dhib ururku mudo dheer war bixino faro badan iyo xeerar ka soo saarayey. 3- Abaaraha , isbadelka cimilada iyo faqriga oo qaarada Africa saameyn xoogan ku yeeshay , gaar ahaan isbadelka cimilada aduunka ee ay sababeen wadamada wershadaha ka horumaray waxay dhibtiisa ugu badani saameysaa qaarada Africa, waa dood taagan oo madax badan oo qaarada ahi ku dhiiratay inay ka hadasho. 4- Cudurada faafa iyo caafimaad darida oo qaarada Africa tahay halka aduunka ugu nugul marka aad eegto sidii ay u saameeyeen cudurada HIV/AIDS , Anthrax, Avian influenza, chicugunya, cholera, covid-19, Crimean-Congo haemorrhagic fever , Dengue Fever , Ebola Virus Disease, Hepatitis B virus , Hepatitis C virus, Hepatitis E Virus, lassa fever, Malaria , Marburg virus disease, measles, Meningococcal meningitis , middle east respiratory syndrome, mpox, plague, poliomiyilties, rift valley fever, tuberculosis, yellow fever, zika virus. 5- Dagaalada aaraa iyo aragti ku dirirka ee loo yaqaano argagixisada oo qaarada Afrika gaar ahaan galbeedka, badhtamaha , waqooyiga iyo barigaba halis weyn ku haya oo aan baryahaa laga gayoonayn ayaa ka mid ah hawlaha ururka ugu adag ee horyaalla. 𝘏𝘖𝘎𝘈𝘈𝘔𝘐𝘕𝘛𝘈 𝘋𝘑𝘐𝘉𝘖𝘜𝘛𝘐 𝘏𝘈𝘓𝘒𝘈𝘠 𝘒𝘈 𝘉𝘐𝘓𝘈𝘈𝘉𝘐 𝘋𝘖𝘖𝘕𝘛𝘈𝘈 𝘏𝘈𝘞𝘓𝘈𝘏𝘈 ( 𝘈𝘜 ) 𝘔𝘈𝘟𝘈𝘠𝘚𝘌 𝘙𝘈𝘈𝘋 𝘒𝘈 𝘛𝘈𝘎𝘐 𝘋𝘖𝘖𝘕𝘛𝘈𝘈 ? Maah-maah qalaad baa tidhaahda ( Charity begins home ) oo macno ahaan loo soo qaato hawl walba hoygaaga ayaa laga bilaabaa , markaa dalka Djibouti mandaqada uu ku yaallo ee hogaaminta iska leh ayaan filayaa inuu xalkeeda iyo xasilinteeda ka bilaabi doonto hawlaha qaarada Africa ee laga sugayona waxaa ugu waaweyn ; 1- Qadiyada Jamhuuriyada Somaliland iyo Soomaaliya dhex taala, oo ah kiis taagnaa muddo dheer , hogaaminta Djibouti arinkaasi waxa uu u noqon doonaa bar bilow iyo meel wax ka bilaabmaan , hadii lagu guuleystona waxay noqoneysaa taariikhda Djibouti kaga suntanaan doonto hogaaminteedu dawladihii uga horeeyey hogaaminta AU ( legacy). 2- Degananshaha nabadeed ee gobolka Geeska Africa oo aan fadhiyin oo u baahan in si dhab ah loo lafo guro dadka gobolkani ku nool ee lagu qiyaaso laba boqol afartan iyo sideed milyan ( 248 ee qof u horseeda mustaqbal iyo nolol wanaagsan. 3- Ururka gobolka Geeska Africa leeyahay ee IGAD oo aan awood badan lahayn ama aad u liita marka urur goboleedada kale loo eego oo isagana dib u dhis iyo kor u qaadid lagu sameeyo. 4- Gobolka Geeska Africa oo loo sameeyo urur goboleed dhaqaale sida Ururka dawladaha bariga Africa ah oo fududeeya ganacsiga , maalgashiga , isku socodka dadka iyo kor u qaadida is-ahaanshaha dadka gobolka Geeska Africa ku nool. 𝘑𝘈𝘔𝘏𝘜𝘜𝘙𝘐𝘠𝘈𝘋𝘈 𝘚𝘖𝘔𝘈𝘓𝘐𝘓𝘈𝘕𝘋 𝘔𝘈𝘟𝘈𝘠 𝘜𝘎𝘈 𝘋𝘏𝘐𝘎𝘈𝘕 𝘛𝘈𝘏𝘈𝘠 𝘎𝘜𝘜𝘚𝘏𝘈 𝘋𝘑𝘐𝘉𝘖𝘜𝘛𝘐 𝘌𝘌 𝘏𝘖𝘎𝘈𝘈𝘔𝘐𝘕𝘛𝘈 𝘔𝘐𝘋𝘖𝘞𝘎𝘈 𝘈𝘍𝘙𝘐𝘊𝘈? Dadka Jamhuuriyada Somaliland ayaan guud ahaan ku farxin in Djibouti hogaamiso midowga Africa iyaga oo ku sababaynaya qodobadan soo socda ; 1- Xidhiidhka Jamhuuriyada Somaliland iyo Djibouti oo mudooyinkii ugu dambeeyay aan wanaagsanayn ka dib markii danaha dawladaha iyo tartanka istaratijiyaduhu sababeen waji dadab xoogan. 2- Tartanka dekedaha iyo horumarka ee ka dhexeeya Djibouti iyo Somaliland oo dadka jamhuuriyada Somaliland u arkaan inay Djibouti uga faaiideysan doonto xilkaasi weyn ee hogaaminta midowga Africa. 3- Djibouti oo aan dhex-dhexaad iyo kaalin cadaaladeed siyaasadeedu ku fadhiyin marka Jamhuuriyada Somaliland iyo Soomaaliya arimahooga noqoto , arinkaasi oo halis ku ah masiirka qaranka jamhuuriyada Somaliland iyo qadiyada jamhuuriyada oo midowga Africa iyo wadamo badani hore uga garaabeen sharcinameeda , xaqnimadeeda iyo kasbashadeeda aqoonsi caalamiya inay hesho. 𝘔𝘈 𝘋𝘏𝘐𝘊𝘐 𝘒𝘈𝘙𝘛𝘈𝘈 𝘐𝘕 𝘋𝘑𝘐𝘉𝘖𝘜𝘛𝘐 𝘏𝘖𝘎𝘈𝘈𝘔𝘐𝘕𝘛𝘌𝘌𝘋𝘜 𝘚𝘖𝘖 𝘋𝘌𝘋𝘌𝘑𝘐𝘚𝘖 𝘈𝘘𝘖𝘖𝘕𝘚𝘐𝘎𝘈 𝘑𝘈𝘔𝘏𝘜𝘜𝘙𝘐𝘠𝘈𝘋𝘈 𝘚𝘖𝘔𝘈𝘓𝘐𝘓𝘈𝘕𝘋? Waa su’aal aad in la isku weydiiyo ay noqoneyso xiligan oo dhinaca dadka jamhuuriyada Somaliland ka istaageen maaha e dhinac kale laga soo istaagi karo sababahan awgood; 1- Djibouti hadii ay si ka madax banaan nidaamkii siyaasada dalkooga ku hogaamiyaan midowga Africa waxaa dhici karta inay noqdaan dalka qaata libinta dhameystirka Geeska Africa iyo bariga Africa arimaha yaalla oo qadiyada jamhuuriyada Somaliland ka mid tahay oo horena u saaran miiska midowga Africa iyaga oo war bixintii xaqiiqo raadinta ee 2005 na xaqiijisay inay jamhuuriyada Somaliland mudan tahay aqoonsi. 2- Djibouti hadii ay ku daaleen iyaga oo dal ah arimaha soomaalida oo muddo 35 sanadood ah ay la raadinayeen nabadgalyo , dawlad dhis iyo deganaansho reer Muqdisho, suuragal ma tahay hindisaha laba dal oo deris ah walaalo ah in lagu dhameyn karo Somaliland iyo Soomaaliya xaaladooda , Haa waa la odhan karaa in fekerkaasi yimaado oo laga fekero inaan Geeska Africa ragaad sii ahaan sanooyin badan oo dambe. Mohamed Abdi Jama Dhimbiil Mohamed hormood@hotmail.com Qaran News
-
Shocking Development: Family Members of Somalia’s Foreign Minister Join Al-Shabaab Reports are coming in that several family members of #Somalia’s Foreign Minister, Ahmed Moallim Fiqi, have joined the notorious terrorist group Al-Shabaab, which has been escalating violence in Somalia in recent months. Sources indicate that Fiqi’s younger brother has publicly announced that he and his family have pledged allegiance to the group. This development raises serious concerns as Al-Shabaab continues to gain ground, with fears mounting that they could soon take full control of the capital, Mogadishu. As the group strengthens, there are growing worries about the lack of effective action from the dominant clan that Al-Shabaab heavily depends on, which has not yet initiated significant countermeasures in the region. Source Inside Africa Qaran News
-
Mogadishu, Somalia – The international community is intensifying pressure on the Federal Government of Somalia to ensure its recently announced national consultation, led by President Hassan Sheikh Mohamud, becomes a genuinely inclusive platform for all influential political stakeholders, sources in Mogadishu told Caasimada Online on Saturday. Diplomats based in the heavily fortified Halane area of the capital have called for the dialogue to extend beyond the government’s primary focus on combating the Al-Shabaab insurgency. They stressed that critical political issues, including disputes over constitutional amendments and the electoral framework, are essential for lasting stability. “There is a clear need for an open and comprehensive dialogue that leads to broad political consensus and sustainable peace in Somalia,” a diplomatic source familiar with the discussions told AFP anonymously. Concerns over limited scope President Mohamud announced the national consultation earlier this week, stating it would involve political leaders and various segments of society to forge a unified vision against terrorism. The initiative received initial support from opposition groups and civil society organizations. However, sources within Villa Somalia, the presidential palace, indicate that the planned agenda for the consultation mainly concerns security matters. This has prompted unease within the international community and among some domestic political actors who fear crucial political grievances could be overlooked. Further raising concerns is the apparent non-inclusion of Puntland and Jubbaland, two significant Federal Member States that have historically experienced strained relations with the central government regarding power and resource sharing. These regions have not yet been part of the consultation process, leading to calls for their immediate involvement to guarantee the dialogue’s legitimacy and effectiveness. A recent report by the International Crisis Group highlights the complexities of Somalia’s federalism and the need for inclusive political processes. President holds talks with regional leaders President Mohamud held a consultative meeting in Mogadishu on Friday with the presidents of South West, Hirshabelle, and Galmudug states. According to sources close to the presidency, discussions centered on intensifying operations against terrorist groups. This meeting follows President Mohamud’s recent one-day trip to Turkey, a nation increasingly playing a notable role in Somalia’s development and security sectors. International partners are underscoring the urgency of establishing an inclusive electoral process that reflects Somalia’s intricate political landscape. They also emphasized the need for strong cooperation between the Federal Government and Federal Member States to safeguard national unity and prevent conflicts that could undermine peace efforts. Somalia has faced decades of political instability and conflict. Disagreements over authority and resources have often marked the relationship between the central government and the Federal Member States. The ongoing constitutional review and preparations for future elections represent critical junctures requiring broad political consensus to ensure a stable and democratic future for the nation. Reuters reported in March on the pressures facing President Mohamud to foster unity ahead of potential elections. Diplomats in Halane, a secure compound hosting numerous international missions, are closely monitoring the situation. They advocate for a dialogue that tackles the underlying causes of instability in Somalia, not merely its symptoms. They believe that a limited focus on counterterrorism, without addressing fundamental political issues, risks providing only a temporary solution and could lead to future tensions and conflicts.
-
Introduction: A Paradox of Self-Destruction In a paradox that continues to haunt Somalia’s fragile political landscape, the very architects of the federal state—its politicians, intellectuals, and elite powerbrokers—are now the same forces unraveling the delicate institutions they once championed. While they decry the dysfunction of governance, they simultaneously contribute to its demise through sabotage, egotism, and relentless pursuit of parochial interests. This investigative report peels back the layers of political narcissism, hypocrisy, and elite betrayal that have crippled Somalia’s quest for stability in 2025. The Perversion of Federalism When the Federal Government of Somalia (FGS) was conceptualized in the early 2010s, it was hailed as a compromise—a political architecture designed to accommodate Somalia’s clan-based realities, decentralize power, and foster unity in diversity. Yet, more than a decade later, it has become a battlefield for personal gain. Senior politicians, including some former federalists, now openly question the legitimacy of the very system they once helped design. Several regional leaders, after benefiting from federalism’s decentralization to seize regional power, now actively oppose FGS directives and participate in campaigns that weaken national cohesion. “They champion federalism when it suits them and reject it when national interests require cooperation,” says a former advisor to the Prime Minister, who requested anonymity. “It’s not governance. It’s selective loyalty.” Narcissistic Politics: The Erosion of Statesmanship At the heart of Somalia’s political dysfunction is a leadership culture shaped less by service and more by self-aggrandizement. Narcissism among elites and politicians has replaced vision and statesmanship. Social media feeds of Somali political figures offer a disturbing glimpse: constant self-praise, minimal policy discussions, and personal attacks. Leaders celebrate their photos more than their programs. Intellectuals act as tribal influencers rather than thought leaders, often wielding their platforms to incite, not inspire. “Somalia is not suffering from a lack of ideas,” notes political scientist Dr. Amina Warsame. “It’s suffering from the ego-driven sabotage of those who think they must either rule or ruin.” Double Standards and Clan Weaponization Somali elites exhibit a deeply entrenched pattern of double standards. When the FGS acts in ways that favor their clan or region, it’s “national leadership.” When it doesn’t, it’s “clannism” or “authoritarianism.” This selective outrage has become a form of political currency. Intellectuals, particularly those in the diaspora, have become major culprits. While publishing papers on governance and unity, many secretly fund or cheerlead clan militias, often using academic legitimacy to mask their partisan loyalties. This dual behavior undermines state-building efforts. It creates a society where the loudest voices are also the most duplicitous—and where the government’s legitimacy is determined by its favorability, not its legality. The Culture of Political Assassination and Elite Hatred Hatred among the elite is no longer ideological; it is deeply personal. Political rivalries routinely escalate into defamation campaigns, blackmail, and even assassination plots. Reformists within the government are often sidelined, if not targeted outright, by coalitions of the old guard—warlords in suits—determined to maintain their influence at any cost. This has created a toxic political culture where good governance is impossible, and where every appointment, policy, or project is immediately judged not on merit but on perceived loyalty. Socio-Economic Despair: A Nation Held Hostage The consequences are devastating. In 2025, Somalia is facing some of its most acute humanitarian and economic crises in recent memory. Inflation has eroded household purchasing power, with consumer price indices soaring by an estimated 25% in the last year alone. Youth unemployment has soared past 70%, and public confidence in institutions is at an all-time low. Yet instead of leading recovery efforts, Somalia’s political elite are locked in endless infighting. Ministries are paralyzed by corruption allegations, such as the widely reported diversion of donor funds intended for drought relief. Regional states refuse to coordinate with Mogadishu. Donor funds are mismanaged or redirected to political campaigns. The nation is held hostage by those entrusted to liberate it. International Community: Enablers by Inaction The international community, while vocal on paper, has often enabled this toxic dynamic by rewarding strongmen who appear “stable” or “cooperative.” As long as a leader can deliver a security report or host a donor meeting, they are treated as legitimate—despite their role in undermining federal cohesion and democratic norms. Meanwhile, reformers within the system—civil servants, youth activists, and a handful of honest politicians—are left without allies, isolated and exposed. Contributing Factors: Climate Change and External Influence Adding to the instability, climate change has exacerbated existing vulnerabilities. Prolonged droughts, unpredictable rainfall, and rising sea levels have displaced communities, strained resources, and increased competition over fertile land. This climate-induced stress has provided fertile ground for conflict, as marginalized groups are more easily recruited by militant factions. Furthermore, external actors have played a destabilizing role. Regional powers, driven by their own strategic interests, have often supported competing political factions, fueling internal divisions. The flow of arms and financial support to these factions has undermined efforts to build a unified and stable Somalia. The Way Forward: A National Reckoning Somalia does not need another donor conference. It needs a cultural and political reckoning. A new leadership ethos must emerge, one grounded in humility, service, and truth. The cult of personality must give way to institutional strength. Diaspora intellectuals must choose: be part of the solution or stop masquerading as neutral actors while fueling divisions. Federalism must be rescued from opportunists and reimagined as a national compact—not a bargaining chip. Donors must tie funding to integrity, not convenience. Supporting corrupt actors for the sake of “stability” only prolongs Somalia’s pain. Conclusion: The Mirror of Accountability In the end, Somalia’s tragedy in 2025 is not just about poverty or insecurity. It is about betrayal—the betrayal of a nation by its best-educated, most privileged, and most powerful citizens. If Somalia is to rise, it must first hold a mirror to those who broke it from within. About the Author Prof. Abdinasir Ali Osman is a highly respected senior researcher, consultant, and trainer with over 35 years of experience in the humanitarian, development, and institutional capacity-building sectors. His career spans across the private, public, and non-profit sectors, where he has played a critical role in shaping policies, building institutions, and implementing large-scale programs in Somalia and beyond. As a leading expert in humanitarian, governance, peacebuilding, and development, Prof. Osman has dedicated his life to advancing local capacity, institutional resilience, and sustainable development. His work has influenced policy decisions, empowered young professionals, and strengthened governance frameworks in fragile and conflict-affected environments. You can reach him through email: ipi2024@hotmail.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la shiray Madaxweynayaasha Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed, iyadoo shirka ay dib uga soo biireen Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka. Labo qodob ayaa ugu muhiimsanaa kulankii maanta, qodobka koowaad wuxuu ahaa dagaalka Al-Shabaab, kaas oo madaxda dowlad goboleedyada iyo madaxweynaha ay isku aragti ka ahaayeen, waxaana lagu balamay in la dardar geliyo. Dhinacyada ayaa qeybihii hore ee kulankoodii maanta ku balamay in dagaalka Al-Shabaab si garbo siman ah looga bilaabo deegaanada ay ka joogaan seddaxda dowlad goboleed, iyadoo lagu malamay in waqti kooban lagu soo afjaro kooxda. Intaas kadib, waxaa loo gudbay gorfeynta qaabka loo dhigayo gogoshii uu ku baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo aad looga dooday dhinacyada ay tahay in lagu casuumo. Madaxda dowlad goboleedyadii joogay kulanka ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh kula taliyey inuu raadiyo Jubbaland iyo Puntland, iyagoo u sheegay in hadii uu kuwaas soo helo uu wax kasta xalin karo. Kulanka Madaxda oo caawa soo gaaray ayaa lagu balamay in mar kale la isku soo laabto, si loo sii gorfeeyo qaabka loo dhigayo gogosha uu ku baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh. Markii la dejiyo ajendaha gogoshaas, sidoo kalena la isla qaato dhinacyada mudan in lagu casuumo ayaa la iclaamo doonaa, sidoo kale waxaa jira safar dibadda ah oo soo galay Xasan Sheekh, balse markii uu soo laabo ayaa la guda geli doonaa furitaanka gogosha. Ra’iisul Wasaare Xamza iyo guddoomiye Aadan Madoobe ayaa taladooda ku biiriyey madaxda oo kulankoodii maanta ku gorfeeyey arrimaha dagaalka iyo qorsheynta gogosha uu ku baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh.
-
Maamulka SSC-khaatumo ayaa xaqiijiyay in Ra’iisul Wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ku soo wajahan yahay magaalada Laascaanood. Wasiirka Caddaaladda maamulkaas Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo warbaahinta kula hadlay magaalada Laascaanood ayaa sheegay “maamul ahaan iyo ka shacab ahaanba waxaanu u diyaargaroobaynaa imaanshaha R’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo iman doona Laascaanood”. Wuxuu intaas ku daray in maamulka SSC-Khaatumo yahay midka ugu amniga badan Soomaaliya laga soo bilaabo Buuhoodle ilaa Ceerigaabo. Wasiir Xijaar ma uusan sheegin xilliga rasmiga ah ee Ra’iisul Wasaase Xamse imanayo Laascaanood. PUNTLAND POST The post Maxaa ka jira in Ra’iisul Wasaare Xamse imanayo Laascaanood? appeared first on Puntland Post.