-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Israa’il iyo Xamaas ayaa isla gartay in mudda laba maalin oo dheeri ah lagu kordhiyo heshiiskii xabbad-joojinta afarta maalin ahaa. Muddo kordhinta heshiiskan xabbad-joojinta oo ay ku dhawaaqday dowladda Qatar, ayaa sare u qaaday rajada laga qabo in la helo xabad joojin dheeraad ah. Waxaa kale oo la filayaa in arrinntani ay suurageliso sii deynta dadka ay weli labada dhinac kala haystaan 33 maxbuus oo Falastiiniyiin ah oo ay sii deysay Israa’iil ayaa dhawaan gaaray bariga Qudus iyo magaalada Ramallah ee ku taalla Daanta Galbeed. Labada maalmood ee lagu kordhiyay heshiiska xabbad joojinta ayaa laga raja qabaa in labada dhinac ay is weydaartaan tiro kale oo maxaabiis islamarkaana gargaar dheeraad ah la geeyo marinka Gaza. PUNTLAND POST The post Israa’iil iyo Xamaas oo laba maalmood ku kordhiyay heshiiskii xabbad-joojinta appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay guddiga wada-xaajoodka arrimaha doorashooyinka Puntland. Saciid Deni oo xiisad xooggan kala dhaxeyso siyaasiyiinta mucaaradka, ayaa xeer madaxweyne ku soo saaray magacaabida guddigan oo 7 xubnood. “Markuu arkay baahida loo qabo in la magacaabo guddiga wada-xaajoodka Arrimaha Doorashooyinka. Iyadoo oo laga duulaayo in ay dalka ka dhacdo Doorashada Madaxtooyada iyo Golaha wakiilada taasi oo ku dhacda hannaanka dimuqraadiyadda ee hal qof iyo hal cod,” ayaa lagu yiri magacaabistan oo ay shaacisay Madaxtooyada Puntland. Guddigan ayaa waxa uu Saciid Deni guddoomiye uga dhigay Cabdi Faarax Siciid Juxa, oo ah wasiirka arrimaha gudaha dowlad-goboleedka Puntland. Sidoo kale waxaa guddigaan xubno ka ah; Maxamed Cabdiraxman Dhabancad, Xassan Yuusuf Majabe iyo Dr’s Naciima Cabdiraxmaan. Guddigan ayaa sida muuqata uu madaxweynuhu kasoo xushay golihiisa wasiiradda, sidoo kalena waxay u badan yihiin xubno ku mayal adag qabashada nooca doorasho ee uu rabo madaxweynaha billooyinka u harsan yihiin. Magacaabidda guddigan ayuu Deni sheegay inuu kala tashaday madaxweyne ku-xigeenkiisa Axmed Karaash, guddoonka Golaha Wakiillada iyo weliba xisbiyada siyaasadda. Lama oga waxa ay guddigan ka goyn karaan ismari-waaga doorashooyinka ee u dhaxeeya mucaaradka iyo Deni, ayada oo horey siyaasiyiinta mucaaradka ay u diideen in ay wada-hadal la galaan madaxwehbe Deni. Mucaaradka ayaa sheegay in Deni uusan diyaar u aheyn wada-hadalka hanaanka doorasho ee la isku haya, iyaga oo xusay in Deni uu horey u sheegay in uusan marnaba wada-hadal ka gali doonin doorashada uu rabo ee qof iyo cod, taasi oo ay diidan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka. Hoos ka aqriso magacyada xubnaha guddigan; 1. Cabdi Faarax Siciid Juxa (Guddoomiye) 2. Ibraahim Cartan Xaaji Bakiin (Xubin) 3. Dr. Naciima Cabdiraxmaan (Xubin) 4. Cabdullahi Maxamed Xassan (Xubin) 5. Maxamed Cabdiraxman Dhabancad (Xubin) 6. Xassan Yuusuf Majabe (Xubin) 7. Xassan Caballa Xassan Xubin Si kastaba, Dhinacyada isku haya arrimaha doorashooyinka Puntland ayaa waxaa xilligaan lagu cadaadinaya inay iskugu yimaadan miiska wada-hadalka, ayada oo beesha caalamka ka digtay rabshado kale oo ka dhaca Garoowe, kuna baaqday in wax weliba lagu dhammeeyo wada-hadal iyo deganaan. “Ma jirto wax marmarsiinyo ah oo loo haysto rabshad ama hanjabaad xoog. Cabashada waa in lagu dhammeeyaa si nabad ah oo loo marayo wada hadal. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay khilaafkooda ku xalliyaan qaab nabadee,” ayaa lagu yiri farriinta xubnaha beesha caalamka. “Waxaan si dhow ula soconaa xaaladda, waxaana ku baaqaynaa in si deg-deg ah loo dejiyo xiisadda iyo wadahadallo degdeg ah oo ay yeeshaan madaxda siyaasadda iyo kuwa kale ee deegaanka.” The post Saciid Deni oo qaaday tallaabo cusub oo la xiriirta xiisadda taagan appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Ruushka ayaa ka dhabeysay mid ka mid ah ballan-qaadyadii gargaar ee madaxweyne Vladimir Putin, ayada oo Soomaaliya ay noqotay dalkii ugu horreeyey ee hela, waxaa sidaas sheegtay dowladda Soomaaliya. Markab xamuul oo sida shixnad gargaar oo gaareysa 25,000 oo tan oo haruur ah ayaa iman doona Soomaaliya maalmaha soo socda, sida uu sheegay safiirka Ruushka ee Jabuuti Mikhail Golovanov, sidoo kalena qaabilsan Soomaaliya. Mikhail Golovanov, ayaa Sabtidii soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ka hor imaanshaha shixnadaha, si uu u soo gaarsiiyo dowladda Soomaaliya farriinta raashinka mucaawinada ah. Xukuumadda Moscow ayaa ballan qaaday inay gargaar cunto ah siinayso dalalka Afrika, taasi oo qayb ka ah heshiiskii uu madaxweyne Vladimir Putin kaga dhawaaqay shirkii Ruushka iyo Afrika ee bishii July ka dhacay magaalada St. Petersburg. Horaantii bishan, wasiirka beeraha ee Ruushka Dmitry Patrushev ayaa sheegay in laba shixnad oo haruur bilaash ah ay u ambabaxeen Burkina Faso iyo Soomaaliya, wuxuuna sheegay in horaanta bisha soo socota ay gaari doonaan labada dal. Shixnado dheeri ah oo ku socda Eritrea, Zimbabwe, Mali, iyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ayaa la qorsheeyay inay yimaadaan dhammaadka sanadka. Sida uu sheegay Patrushev, ilaa 200,000 oo tan oo haruur ah ayaa la geyn doonaa lixda waddan ee Afrikaanka ah ee ay soo food saartay cunto yarida. Qabanqaabada bixinta haruurka bilaashka ah ee wadamada Afrika ayaa la sameeyay kadib markii Moscow ay diiday inay cusbooneysiiso Hindisaha Haruurka ee Badda Madow. Heshiiskan ayaa waxaa markii hore garwadeen ka noqday QM iyo Turkey bishii July 2022, waxaana loogu talagalay in lagu fududeeyo dhoofinta haruurka Ukraine ee loo dhoofiyo suuqyada caalamka, gaar ahaan dalalka saboolka ah, taasi oo Moscow ay ku beddelaneysay in laga qaado cunaqabateynta reer galbeedka ee ka hortagayey dhoofinta wax soo saarka beeraha Ruushka. Moscow ayaa ka baxday heshiiska bishii Luulyo, iyada oo ku eedaysay waddamada reer galbeedka inay sii wadaan inay adkeeyaan dhoofinta maraakiibta cuntada iyo bacrimiyayaasha Ruushka. Soomaaliya ayaa noqonaysa dalkii ugu horeeyay ee lasiiyo deeqdan raashinka ah tan iyo markii uu billowday qorshahan, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA. Sabtidii, dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay xukuumadda Moscow kaalmada ay siisay, ayada oo sheegtay inay ka faa’ideysan doonaan kumanaan qoys. The post PUTIN oo ka dhabeeyey ballan-qaadkii Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Washington (Caasimada Online) – Shan nin oo ay qabteen ciidamada Mareykanka kadib markii ay markab ganacsi ku afduubteen meel u dhow xeebaha Yemen ayaa noqday Soomaali, mana ahan Xuutiyiin, waxaa sidaas sheegtay wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka. Weeraro dhowaanahan socday oo lala beegsanayey maraakiibta ganacsi ayaa waxaa fulinayey Xuutiyiinta, waxaana loo arkay inay qeyb ka yihiin rabshadaha kusii kordhaya gobolka ee la xiriira dagaalka Israel iyo Xamas. Hase yeeshee weerarkii ugu dambeeyey ayaa Pentagon-ka uu sheegay in qiimeyn horudhac ah ay muujineyso inay fuliyeen koox hubeysan oo Soomaali ah. “Waxaan ognahay inaysan aheyn Xuutiyiin,” waxaa sidaas weriyayaasha u sheegay afhayeenka Pentagon-ka Jeneral Pat Ryder, oo intaas ku daray “Inkasta oo burcad-badeednimada gobolka ay hoos u dhacday, haddana dhacdadan waxaa cad inay la xiriirtay burcad badeednimo.” Dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ee fadhiggeedu yahay magaalada Cadan ayaa ku eedaysay Xuutiyiinta inay weerareen markabka MV Central Park xilli uu marayey Gacanka Cadmeed Axaddii. Markabkan oo sitay calanka Liberia, islamarkaana ay maamusho shirkadda Zodiac Maritime, ayaa diray wicitaan caawimaad, waxaana ka jawaabay ciidamada Mareykanka ee markabka USS Mason. Shanta nin ee weerarka soo qaaday ayaa isku dayay in ay ku baxsadaan doomo yaryar oo ay wateen, balse ciidamada Mareykanka ayaa ka daba tagay oo ku ridey rasaas digniin ah, “taasi oo keentay in ay is dhiibaan ugu dambeyntii,” sida uu sheegay Ryder. Waxaa hadda lagu hayaa markabka USS Mason dushiisa, ayuu yiri. Si kastaba, in ka yar 90 daqiiqo kadib, laba gantaal oo ballistic ah oo laga soo riday Yementa ay maamulaan Xuutiyiinta ayaa ku soo dhacay meel 10 mile badeed (18 kilomitir badeed) u jirta markabka USS Mason. Markabka Mareykanka ayaan u jawaabin, isku mana dayin inuu ka hortago gantaallada sababtoo ah looma arkin khatar oo waxay ku dhaceen biyaha, ayuu yiri Ryder. Waxa uu sheegay in aysan wali caddeyn in gantaallada ballistic ga ah ay beegsanayeen USS Mason. Dowladda Soomaaliya ayaan weli wax jawaab ka bixin warka sheegaya in dabley Soomaali ah ay ka dambeeyeen weerarka markabka ganacsi MV Central Park. The post Mareykanka oo sheegay inay Soomaali fuliyeen weerarkii loo maleeyey Xuutiyiinta appeared first on Caasimada Online.
-
Xarardheere (Caasimada Online) – Beesha Reer Xaaji Saleebaan ee Habargidir ayaa wareejiyay ciidan cusub oo loogu tala-galay ka qeyb qaadashada dagaalka kooxda Al-Shabaab. Nabadoonnada iyo odayaal kasoo jeeda beesha Reer Xaaji Saleebaan ayaa ciidankan geeyay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, waxayna ku biirayaan ciidamadii hore ugu sugnaa halkaasi, ee qeybta ka ah dagaalka socda. Nabadoonnada iyo Odayaasha oo shir jaraa’id ku qabtay Xarardheere ayaa sheegay inay ku soo biireen halganka socda qeybaha dhiman dhameystirkiisa, sidoo kalena ay tallo wadaag la noqdaan dadka halkaasi degan. “Waxaa kusoo biirnay in aan wax kasta oo wanaag ah oo loo sameynayo degmada Xarardheere iyo dadkeeda in aan qeyb ka ahaano,” ayuu u dhignaa hadalka Nabadoonnada iyo Odayaasha beesha ee halkaasi ka hadlay. Sidoo kale waxay ku baaqeen in aan la siyaasadeyn dagaalka socda, oo beelaha kalena ay kaalintooda ka qaatan gulufka socda ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, “Waxaa naga mamnuucan oo anagu iska mamnuucnay oo walaalaha kalena ka dooneyna in aan la siyaasadeysan halganka lagula dirirayo Khawaarijta.” “Dadka kasoo jeeda degmada Xarardheere waa inay soo gurmadaan, oo wax ka xasiliyaan dalka, horumarkiisana wax ka qabtaan. Umadda Soomaaliyeed ee gobolkaan kasoo jeeda waa ugu baaqeyna, nabadda na deeqda oo derisnimada iyo walaalnimada na deeqda.” Sidoo kale waxay ku baaqeen in degmada loo dhameystiro adeegyada muhiimka, maadaama ay muddo gacanta ku haysay kooxda Al-Shabaab oo laga xoreeyay, islamarkaana ay hesho dhamaan adeegyada dowliga ah. “Ballanteenu waxay tahay in Khawaarijta cirib-tirno, oo dal, diin iyo dad intaba duleystay. Waana in taakulo nooc walbana loo fidiyo ciidamada kala duwan ee dagaalka ku jir.” Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo: Beesha Saleebaan oo wareejisay ciidan cusub oo qeyb ka noqon doona… appeared first on Caasimada Online.
-
Gaza (Caasimada Online) – Israel iyo Xamaas ayaa Isniinti shalay isla ogolaaday in muddo laba maalin oo dheeraad ah ah lagu kordhiyo heshiiski xabad-joojinta afarta maalin ahaa oo ku ekaa xalay. Muddo kordhinta heshiiskan xabbad-joojinta oo ay ku dhawaaqday dowladda Qatar, ayaa sare u qaaday rajada laga qabo in la helo xabad joojin dheeraad ah, waxaa kale oo la filayaa in arrintani ay suuragiliso sii deynta dadka ay labada dhinac kala hayaan. 33 maxbuus oo Falastiiniyiin ah oo ay xalay sii deysay Israel ayaa aroornimadi hore ee saaka oo Talaada ah gaaray bariga Qudus iyo magaalada Ramallah ee ku taalla Daanta Galbeed. Baski waday Falastiiniyiinta laga soo daayay xabsiyada Israel ayaa marki uu soo galay waddooyinka Ramallah la kulmay sacab iyo qeylo farxadeed oo ay kusoo dhaweeyeen Falastiiniyiinta Ramallah. Dhanka Israel, ilaa 11 Israa’iiliyiin ah oo isugu jiray dumar iyo carruur oo ay sii daayeen Xamaas ayaa xalay gaaray Israel. Tiradaasi ayaa ka dhigtay Israa’iiliyiinta ay sii deysay Xamaas ilaa iyo hadda in ay gaarayaan 51 iyo 19 kale oo isugu jiray muwaadiniin kasoo jeeda dalal kale. Halka Falastiiniyiinta la sii daayay ay yihiin 150. Labada maalin ee lagu kordhiyay heshiiska xabbad joojinta oo kala ah Talaadada maanta ah iyo Arbacada berrito ah ayaa laga raja qabaa in labada dhinac ay is weydaartaan tiro kale oo dad ah. Sidoo kale gargaar bani’aadannimo oo dheeraad ah ayaa la filayaa in la geeyo Marinka Gaza. The post Israel yo Xamaas oo ku heshiiyay hal arrin oo cusub appeared first on Caasimada Online.
-
Nin oday ahaa oo Deegaanka Hargeysa ku noolaa dabayaaqadii qarnigii 18aad ilaa Horaantii qarnigii 19aad oo la odhan jiray DHallin Illeeye, ayaa goor galab ah waxa Galbeedka Hargeysa kasoo baxay iyaga oo Togga-Herer dacal raacaya rag Culimo ah oo Galbeed ka yimid oo Baqallo u raranyihiin ama Kutubta iyo Agabka u sidaan, Baqasha waxa iska dhala Geenyo iyo Dameer, Marka ay kaa fogtahay ama ay kaa durugsan tahay waxa aad moodaysaa Faras, Degelka ama Deegaanka Dhulka Hooyo waagaa waxa ugu Qaalisanaa waxa uu Ahaa Faraska, Faraskana Xiligaa wax la saaro waxa uu ahaa Kooraha iyo Shalmadii raacaysay, ninka Guud koraana waagaa waa nin Xaragoonaaya oo Gadiid u yahay iyo Nin Dirir u heenseestay oo ku Duulaan tagaaya Mooyaane Farduhu muu ahayn Mid Agab lasaarto sida Awrta!, wax Baqal ahna deegaanka lagama aqoon, oo yaa Geenyo Dameer u Tu’i ku naaloodayba, Marka ay Geenyadu ama Farduhu xanuunsadaan Dadkeenii hore Dab iyo Dhir ayey wax ku Dabiibi jireen oo marka ay Gamaanka Faras bukoodo oo kaliya ayaa Dameer uu ag joogsan jiray si Dabkii Faraska lagu Dabiibi lahaa Dameerka loogu dhejiyo, halka qiimo badnaanta Farasku uu lahaa. Hadaba Ninkii odayga ahaa ayaa amakaag, qaadanwaa’ iyo yaab ku noqotay Fardahan heeryeysan ee Agabka Culimada u sida Suu yidhi Waar Malaha Hadaynaan Togagaa Herar ka Ag Guurin in Maalinta Danbe Goroyo Heeryeysani inagaga soobixi!, Waxa layidhi Maalintii danbe iyada oo Hawd lagasoo hayaamay oo Dadku usoo guuray Togga-Herer iyo nawaaxigiisa, deegaanku waxa layidhi wakhtigaa wuxuu ahaa mid Dhir iyo duur miidhan ah, oo Ugaadhuna ka buuxdo, ayaa maalin Kuray Togga kasoo toocsadeen Ugaadhii usoo biyo doonatay ee dhex joogtay, ugaadhaa Waxa ku jirtay Goroyo tiro badan ugaadhii iniba meel ayey u yaaceen se waa meel Alle wax ka wadaye Gorayooyinkii dhankii reeruhu degenaa ayey Duurkii usoo raaceen oo waxa ay ku soo beegmeen reero digaaya oo Aqaladii dhisanaaya mise geeshkii Goroyada ahayd markay kaynta mudh kasoo yidhaahdeen iyaga oo Maqiiqan oo kurayda Baacsanaysa qayladooda ka didsan ayey reerihii Agabkoodii jiidheen goroyooyinkii mid Kabad walwaalata mid Caws xanbaarada mid Dhiilo isku xidhxidhan qorta sudhata oo dhabarka u ridata, Dhankii Jameeco-weyn ayey ula Roorreen oo waagaa ahayd degelka Hargeysa Meesha deegaan ahaan loo degenaa, saa layidhi Dhalinow Gorayo Heeryeysanina inagusoo baxdaye wax dheh? Suu yidhi Waar Hadaba Meesha inaga Rara!. Waxa aan uga Socdaa Jamhuuriyadii Barakaysnay Ummadii wada lahayd ee Muslinka Hooyoleyda isku Afka Dhaqanka iyo wax kasta wada wadaagaysana waa la kala irdheynayaa oo lakala fogaynayaa ilaa Xisbiyadii Qaranka iyo shacabkii Qaranka oo Shishiiye ayaa loo sacabo tumayaa oo dalkii Loo camiray Haday tahay ganacsigii oo dhan, sida Suuqii timo jarka iyo Biraha iyo Maryaha, oo caagadaha dacaska Duuga ah ee Dib loosoo dhalaaliyey ah ayaa maryihii lagu doorsadaa oo ay itoobiyaanku la wareegeen iyo nimanka Dhulka carbeed kasoo qaxay ee dhaqaalihii Dalka siiba cuntadii iyo suuqii dhismaha la wareegay, halka Muwaadiniinti ciddi Shaqaalayn weyday, iyana waxa jira Indhoyar macdantii iyo hargihii Xoolaha la wareegay, oo Cid wax lihi jirin, halka masuuliyiinta axsaabta aan xil hayn habeen iyo Dharaar Kornaylada Fashilmay ku Shinbir waaqlaynayaan, se ta maanta socota ee ah in niman Oromo ah oo Waaqeffana Gaalo sawaaban ah oo Illaahay iyo Nabigii Maxamed ahaa NNKH Rumaysnayd oo Tukube Dheer oo ay leeyihiin waa tukubihii Illaahay wata Waar subxaanalee ilaahay ma raqaybaa muxuu usha ku falayaa, Dalkii keenay oo leh waa walaalihiin, ma inakaa isku Af iyo Diin iyo Dhaqan ah! Waar Bal amuurtan eega!, Hadaba Hadaan Xukuumadaa Kulmiye ee Caleentoodii Caddaatay ee Fashillantay ee Qarankii Fashiliyey aan layska Ridin oo layska qaban beri Buudiis ayey Dalka keeni oo waa inaka ee Masaajidada u baneeya wacyi haka jeediyaane ayey odhan!, Dal hadii Askari Qabsado Dagaal buu ku Dumaa!. Khadar Hooyoley (Fartaag). Fartaagmuwaadin@gmail.com Qaran News
-
Paris (Caasimada Online) – Aabe ku nool dalka Faransiiska ayaa qirtay inuu dilay saddex gabdhood oo uu dhalay, kadib markii uu u gacan galay booliska. Ninkaan ayaa iskiis isugu dhiibay adhiibay booliska, waxaa sidaas sheegay ilo-wareedyo ka tirsan dacwad oogayaasha iyo booliska. Ninkan oo 41 jir ah, ayaa tegay saldhigga booliska ee magaalo xeebeedka waqooyi ee Dieppe “si uu u sheego inuu dilay saddexdiisa caruur,” waxaa sidaas yiri dacwad oogaha magaalada. Booliska ayaa sheegay inay meydka saddexda gabdhood ka heleen gurigiisa magaalada Alfortville, oo ku taalla duleedka koonfurta bari ee magaalada Paris. Laba ka mid ah caruurta ayaa midi lagu dilay, sida ay sheegeen booliska, halka mida kale loo maleynayo inuu ceego ku dilay. Waxaa la helay ayaga oo dedan, halka midka saddexaadna uu meydkiisa dul saarnaa kursiga fadhiga, sida ay muujinayso natiijada hore ee baaritaanka. Aabaha ayaa 2021-kii lagu helay dambi rabshadeyn qoys, ayuu yiri qof ku dhow kiiska. Waxaa la soo saaray amar u diidaya inuu u dhowaado qoyskiisa, balse markii dambe waa laga qaaday. Ninkan ayaa la dhigay xabsiga booliska, sida ay sheegeen dacwad oogayaasha. The post Aabe si arxan darro ah u dilay seddax gabar oo uu dhalay appeared first on Caasimada Online.
-
Xog Ururin Lagu Sameeyay Jaamacadaha Culuumta Caafimaadka Hargeysa(Qaran news)-Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta soo qaban qaabisay kulan balaadhan oo lagu eegayay maxsuulkii iyo natijadii kasoo baxday xog-ururin lagusoo sameeyay Jaamacadaha dalka ee bixiya Culuumta Caafimaadka gaar ahaan dhakhaatiirta, Si loo hubiyo inay bilaabeen hirgellinta manhajkii Cusbaa ee loo diyaariyay in lagu tababaro dhakhaatiirta. Kulankan ayaa waxaa furitaankiisa goob-joog ka ahaa, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr-Maxamed Cabdi Xergeeye, Agaasimaha Komishanka Tacliinta Sare, Agaasimaha Komishanka Xakamaynta Xanuunka HIV/ADIS-ka, Agaasimaha Mihnadlayaasha Caafimaadka, Madaxa Haayadda THET, Madaxa Kings Glopal Health Partnership, Agaasimaha Waaxda Cududda Shaqaalaha, Mudan iyo Marti Sharaf kale. Masuuliinta kasoo qayb-gelay Kulankan oo dhamantood hadalka iska daba qaatay ayaa bogaadiyay Xog-ururintan iyo in la helo Manhaj ay ku midaysan yihiin Jamaacaddaha bixiya Culuuta Caafimaadku si kor loogu qaado aqoonta ay qaadanayaan Ardaydda baranaysa Caafimaadka gaar ahaan Dhakhaatiirta. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr-Maxamed Cabdi Xergeeye oo kulankan hadalo kala duwan ka jeediyay ayaa dhankiisa sheegay in ay muhiim tahay helida manhaj midaysan oo ay isticmaalan Jaamacaddaha kala duwan ee dalka ee bixiya Culuumta Caafimaadku, isagoo u mahadceliyay Jaamacaddaha ilaa hadda isticmaalay manhajkan cusub, isagoo kuwa aan ilaa hadda isticmaalin ugu baaqay inay isticmaalan maadaama oo ay Jaamacadduhu yihiin kuwa soo saara dhakhaatiirta kala duwan ee u adeegaya Bulshadeena. Manhajkan ayaa waxaa si wada jir ah iskaga kaashaday Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Hay’adda THET iyo Hay’addaha kale ee ay Wasaaradda wada shaqaynta leeyihin. Qaran News
-
Wasiirka cusub ee Diinta oo kulankiisii koowaad la yeeshay Wasaaradiisa Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi ayaa Maanta kulankiisii u horeeyay la qaatay Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda. Kullanka oo Isugu Jirey is barasho iyo is xog-waraysi waxa Goob Joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sh.Aadan Cabdilaahi Cabdulle oo ugu horeyn isagu kulankaasi Furey . Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo Hadalka isaga dambeeyay ayaa Wasiirka Cusub kusoo Dhoweeyay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ,waxaanay Balan-qaadeen in ay si wanaagsan ula shaqayn Doonaan Wasiirka . Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo isna Kulankaas ka hadlay ayaa Agaasimaha Guud iyo Agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradaba uga mahad-naqay Hawlaha shaqo ee ay Qaranka u hayaan. waxaanu Wasiirku kula dar-daarmay in ay sii laban-laabaan hawlaha Qaranka si Loo Kobciyo Xidhiidhka ay Wasaaraddu la leedahay Bulshada Somaliland . Qaran News
-
Ciidanka Qaranka oo ka Hadlay Kormeerka Taliyahoodu ku tagay Buqdharkeyn Hargeysa(Qaran news)- Afhayeenka Ciidanka Qaranka Gaashaanle sare Cabdi Dheere ayaa ka hadlay kormeerka Taliye Nuux Taani ku tagay fadhiisimada Ciidanka Qaranka ee jiida Buqdharkeyn. Afhayeen Cabdi Dheere wuxuu sheegay in koreerka Taliyuhu ku tagay deegaanada ee jiida buqdharkeyn ay la xidhiidho xog ogaal u noqoshada xaaladda ciidanka iyo ta deegaankaba. Afhayeenku wuxuu intaas ku daray in ciidanka Qaranku guulaysan doono, horena u guulaysan jiray. Waxa kaloo uu bogaadiyay shacbiga Somaliland ee jecel ciidankooda Qaranka iyo guulihiisa. Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online) – Meydadka afar nin oo dhalinyaro ah ayaa maanta laga helay Beer ay leeyihiin ciidamada Kenya, wuxuuna dilka dhalinyaradaas ka careysiiyey dadka deegaanka. Afarta dhalinyarada ah ee meydkooda la helay ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen beerta dalaga ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Uasin Gishu ee Rift Valley. Raggaan ayaa la sheegay in qorshahoodu uu ahaa inay gurtaan Galey ka soo hartay dalaggii beeraha Kenya ee dhawaan soo go’ay. Ilaaladii beerta ayaa la sheegay in ay qabteen dhalinyarada oo ay garaaceen ilaa ay ka dhintaan, taas oo aad looga carooday, maadaama ay xiri kareen, iyagoo aan dilin. Dadka ku nool deegaanka uu falkaas dil wadareedka ah ka dhacay ayaa tilmaamay in meydadka qaar qabaan dhaawacyo rasaas ah. Afar nin oo kale oo iyaguna beerta ku soo duulay ayaa weli laga daweynayaa dhaawacyo ay ka mid yihiin rasaas iyo nabaro soo gaaray. Dadka deegaanka ayaa aad ugu xumaaday dhacdadaan waxaan ay sheegen in ay aheyd in ciidamada ilaalada ah ay qabtaan dhalinyaradan intii ay dilka u geysan lahaayeen. Sarkaal ka tirsan booliiska Kenya ayaa sheegay in uu socdo baaritaan culus oo arrinta ku saabsan. The post Ciidamada Kenya oo garaac ku dilay afar dhallinyaro ah appeared first on Caasimada Online.
-
PRESS RELEASE Egypt: African Development Bank approves $131 million to promote private sector development and economic diversification The program supports the Egyptian government’s efforts through a robust public reform matrix to facilitate increased private sector development ABIDJAN, Ivory Coast, November 27, 2023/ — Finance Programme name: Private Sector Development and Economic Diversification Support Program – Phase I (PSD-EDSP I) Total amount: US$131 million Background Confronted with significant external shocks in the last few years, Egypt has made substantial efforts to mitigate the impacts of the COVID-19 pandemic and Russia’s invasion of Ukraine on the domestic economy and preserve resilience. After addressing these shocks through emergency measures that benefited vulnerable communities, the government firmly committed to implementing appropriate mid- to long-term measures to build a resilient economy through private sector development, economic diversification, and green transition. The program supports the Egyptian government’s efforts through a robust public reform matrix to facilitate increased private sector development by improving the business environment and diversifying sources of green growth. Specific objectives of the programme: Contribute to improving the business environment by adding new incentives for private sector investors and reducing delays in obtaining investment licenses. Strengthening the framework for competition and commercial justice. Promoting key productive sectors, including manufacturing and agribusiness. Supporting green transition by allocating the necessary land to renewable energy investments and promoting green hydrogen. Beneficiaries Direct beneficiaries: Egyptian State, private industries and agri-business operators. Indirect beneficiaries: Local SMEs, especially women-owned businesses. Expected results By promoting private sector development and supporting economic diversification and green transition, the PSD-EDSP I will: Boost private investment from 3.3% of GDP in 2021/22 to 4.3% in 2024/25. Reduce the processing time for business licenses from 28 days in 2022 to 10 days in 2025. Increase manufacturing value from 14.2% of GDP in 2021 to 17% in 2025. Increase the area of state-owned lands dedicated to renewable energy investments up to 30,000 square kilometers by 2025. Distributed by APO Group on behalf of African Development Bank Group (AfDB). About the co-financing of the program: PSD-EDSP was designed in collaboration with other development partners, as illustrated by the adoption of a joint Policy Matrix co-financed by the Japan International Cooperation Agency (JICA) and Korea Economic Development Cooperation Fund (EDCF) under the “Korea-Africa Energy Investment Framework”. SOURCE African Development Bank Group (AfDB) Qaran News
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa markii u horraysay magacaabay guddi qaabilsan Wada-xaajoodka Arrimaha doorashooyinka Puntland Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Siciid Deni ayaa lagu magacaabay guddiga oo ka kooban 7 xubnood islamarkaana dowladda ku matali doona Wada-xaajoodka Arrimaha doorashooyinka Madaxtinimada Puntland Wareegtada ayaa lagu caddeeyay in Madaxweynuhu guddigan magacaabay markii uu arkay “baahida loo qabo in la magacaabo guddiga wada-xaajoodka Arrimaha Doorashooyinka. Iyadoo oo laga duulaayo in ay dalka ka dhacdo Doorashada Madaxtooyada iyo Golaha wakiilada taasi oo ku dhacda hannaanka dimuqraadiyadda ee hal qof iyo hal cod”. Magacyada guddiga ayaa kala ah: 1. Cabdi Faarax Siciid Juxa (Guddoomiye) 2. Ibraahim Cartan Xaaji Bakiin (Xubin). 3. Dr. Naciima Cabdiraxmaan (Xubin).. 4. Cabdullahi Maxamed Xassan (Xubin) . 5. Maxamed Cabdiraxman Dhabancad (Xubin). 6. Xassan Yuusuf Majabe (Xubin). 7. Xassan Caballa Xassan Xubin. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo magacaabay guddiga wada-xaajoodka Arrimaha Doorashooyinka Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa markii u horraysay magacaabay guddi qaabilsan Wada-xaajoodka Arrimaha doorashooyinka Puntland Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Siciid Deni ayaa lagu magacaabay guddiga oo ka kooban 7 xubnood islamarkaana dowladda ku matali doona Wada-xaajoodka Arrimaha doorashooyinka Madaxtinimada Puntland Wareegtada ayaa lagu caddeeyay in Madaxweynuhu guddigan magacaabay markii uu arkay “baahida loo qabo in la magacaabo guddiga wada-xaajoodka Arrimaha Doorashooyinka. Iyadoo oo laga duulaayo in ay dalka ka dhacdo Doorashada Madaxtooyada iyo Golaha wakiilada taasi oo ku dhacda hannaanka dimuqraadiyadda ee hal qof iyo hal cod”. Magacyada guddiga ayaa kala ah: 1. Cabdi Faarax Siciid Juxa (Guddoomiye) 2. Ibraahim Cartan Xaaji Bakiin (Xubin). 3. Dr. Naciima Cabdiraxmaan (Xubin).. 4. Cabdullahi Maxamed Xassan (Xubin) . 5. Maxamed Cabdiraxman Dhabancad (Xubin). 6. Xassan Yuusuf Majabe (Xubin). 7. Xassan Caballa Xassan Xubin. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo magacaabay guddiga wada-xaajoodka Arrimaha Doorashooyinka Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ballaarinaya latashiyada ku aaddan xaqiijinta hiigsiyada dalkeenna ayaa kulamo la qaatay dhallinyarada, aqoonyahanka iyo hormuudka bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa uga warbixiyey dhallinyarada iyo aqoonyahanka uu la kulmay arrimaha uu muudnaanta siinayo, kuwaas oo ay ugu horreyso xoojinta fursadaha shaqada, kobcinta dakhliga, yareeynta saboolnimada, ciribtirka Khawaaijta, dhammeystirka dastuurka iyo xaqiijinta hiigsiga Soomaali heshiis ah, isagoo ku ammaanay dhallinyarada Soomaaliyeed sida ay uga go’an tahay difaaca dalka iyo xoojinta dowladnimada. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si gaar ah u dul istaagay fursadaha ugu jira dhallinyarada Soomaaliyeed ka mid noqoshada Dalladda Bulshada Bariga Afrika, waxa uuna ka rajeeyey in ay si mug leh uga dhex muuqan doonaan Dalladan, maadaama dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku tilmaaman yihiin hal-abuur, firfircooni iyo adkaysi. Dhankooda, Haldoorka uu la kulmay Madaxweynuhu ayaa soo bandhigay aragtida ay ka qabaan arrimaha qaran ee uu la wadaagay Madaxweynaha Jamhuuriyaddu, iyagoo xusay ahmiyadda ay u leedahay dalkeenna in la dhammeystiro dastuurka, xoreynta deegaannada, qaadista cunaqabateynta hubka, deyn cafinta iyo dib u dhiska ciidamada. The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Bulshada Rayidka ah appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo wareysi cusub bixiyay ayaa si yaab leh uga hadlay xiisadda arrimaha doorashooyinka ka dhalatay ee ka taagan maamulkaas, gaar ahaan magaalada Garoowe. Saciid Deni ayaa wareysi uu siiyay Hanoolaato wuxuu ku sheegay in aad loo buun-buuniyay xaaladda nabad-galyo ee ka dhalatay ismari-waaga siyaasadeed ee u dhaxeey isaga iyo mucaaradka Puntland. Inkasta oo uu garawshiyo ka bixiyay saameynta iyo walaaca dadka ka qabaan arrinta, haddana waxa uu sheegay in dadka lagu barakiciyay warar been abuur ah oo lagu faafiyay baraha bulsahda. “Waxaa aad uga walaacsanahay dhibaatada ay dhaliyeen wararka been abuurka ah ee lagu faafiyay Social Media-ha,” ayuu yiri Saciid Deni oo sheegay in xaaladdu degan tahay oo aysan jirin xaalad aloosan oo ay degan tahay xaaladda caasimada Puntland ee Garoowe. “Haddii khilaaf iyo is af-garan waa’ uu jirina wada-hadal iyo in miiska dushiisa lagu xaliyo ayaa rejaynaynaa,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo hoos u dhigay xiisadda ka dhalatay arrimaha doorashooyinka maamulka. Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in dad reer Puntland ay u istaageen xaaladda sidii loo dajin lahaa, isaga oo meesha ka saaray in ay jirto nabad-galyo darro iyo cabsi dagaal oo ka taagan gudaha maamulka. Si kastaba, Mucaaradka iyo maamulka Deni ayaa isku-mari la’ nooca doorasho ee maamulkaasi, iyada oo mucaaradka uu rabo inay ku qabsoomto hanaankii hore ee ku yimaadeen madaxda hadda joogta, halka Deni uu rabo taasi beddelkeeda. Arrintan ayaa sidoo kale keentay inay shacab fara badan ka baracakaan guryahooda, iyaga oo ka cabsi qaba in mar kale uu dagaal culus ka dhaco halkaasi. Dhinacyada isku haya arrimaha doorashooyinka Puntland ayaa loogu baaqay inay iskugu yimaadan miiska wada-hadalka, ayada oo beesha caalamka ka digtay rabshado kale oo ka dhaca Garoowe, uguna baaqday in wax weliba lagu dhammeeyo wada-hadal iyo deganaan. “Ma jirto wax marmarsiinyo ah oo loo haysto rabshad ama hanjabaad xoog. Cabashada waa in lagu dhammeeyaa si nabad ah oo loo marayo wada hadal. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay khilaafkooda ku xalliyaan qaab nabadee,” ayaa lagu yiri farriinta xubnaha beesha caalamka. “Waxaan si dhow ula soconaa xaaladda, waxaana ku baaqaynaa in si deg-deg ah loo dejiyo xiisadda iyo wadahadallo degdeg ah oo ay yeeshaan madaxda siyaasadda iyo kuwa kale ee deegaanka.” The post Saciid Deni oo si yaab leh uga hadlay xiisadda ka taagan Garoowe appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Labo askari oo ka tirsanaa ciidanka xasilinta caasimada Muqdisho ayaa maanta meel fagaare ah looga siibay tuutaha ciidamada qaranka, kadib markii lagu helay xad-gudub ay u geysteen bulshada. Labadaan askari ayaa maanta la soo hor taagay ciidankii ay ka tirsanaayeen, kadibna waxaa ciidanka hortiisa tuutaha uga siibay Gaashaanle Aadan Jeelle Taliyaha guutada Boolis Militeri. Labadaan askari ayaa lagu helay kiis la xiriira dhac dadweyne, waxaana laga dhex qabtay caasimadda, iyadoo guud ahaan fagaarahaan looga ruqseeyey ciidamada qaranka. “Labadaan askari oo ka tirsanaa ciidankaan waxay ka been sheegeen dhaartii ay mareen, waxay dhac u geysteen shacab masaakiin ah, iyagoo ugu awood sheeganaya tuutaha iyo qorigii lagu iibiyey canshuurta shacabka,” ayuu yiri Taliye Jeelle. Taliyaha oo sii hadlaayey ayaa yiri “Labadaan nin maanta wixii ka dambeeya askar maaha,” wuxuuna ciidanka hortiisa uga siibay tuutaha. Ciidamadii fadhiyey goobta ayaa muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin in la ruqseeyey askartaan, “shacabka ayaaly ku laabanayaan, looma baahna askari markii awood la siiyo shacabkiisa u adeegsanaya,” ayuu yiri Gaashaanle Jeelle. Goobta ciidankaan lagu ruqseeyey askartaan waa xero ciidamada xasilinta Muqdisho ay ku leeyihiin xaafada Waxaracadde ee degmada Heliwaa, halkaas oo lagu feyliyey askar badan, si loo hor-geeyo labada askari ee fagaaraha looga saaray ciidanka. Sidoo kale goobta waxaa ku sugnaa saraakiisha wacyi-gelinta ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo ciidamada xasilinta caasimada ku baraarujiyey in bulshada ay u dhaarteen aysan kula kicin wax xad-gudub ah. Hoos ka daawo The post Daawo: Labo askari oo maanta ciidamada DF looga arrin ay ka gaysteen Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
