Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Beledweyne (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha ciidamada Macawiisley Cali Jeyte Cismaan ayaa ka hadlay xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay wax ka bedelka dastuurka dalka oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu doonayo in dalka loo raro nidaam madaxtooyo oo madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen ah, iyadoo meesha laga saarayo ra’iisuk wasaaraha. Cali Jeyte ayaa sheegay in maalmahaan uu soo gaarayo guux siyaasadeed oo ka dhashay arrimaha dastuurka, isagoo hal arrin kula taliyey baarlamaanka dalka. “Waxaan maalmahaan maqlayaa in la isku heysto sharciyada dalka, waxaan ka soo mid ahaa baarlamaanka 7 ilaa 8 sano, kadib rag iyo gabdho badan ayaa nooga dambeeyey oo qori isku dhiib ayuu ahaa, waan ganayaa marka waxyaabaha la isku qabto,” ayuu yiri hoggaamiye Cali Jeyte. Wuxuu sheegay in la sheeg sheego sareynta sharciga, balse wixii siyaasadu ogoshahay sharciga lagu xalaaleeyo. “Nin diidan arrimo siyaasadeed, waxaan codsanayaa in warkiisa aan maanta lagu dabaqin marxaladda uu dalkeenu ku jiro,” ayuu yiri Cali Jeyte oo Hiiraan ka soo diray farriintaan. Hogaamiye Cali Jeyte ayaa ku celceliyey in dalkeenu uu maanta ku jiro dagaal, isla markaana ay jirto xaalad halis ah, “Meel khatar ah ayuu maanta dalku marayaa, hadii dastuur iyo wax lamid ah la isku qabsado waxaa soo noolaa doona cadowga Soomaaliya,” ayuu yiri Cali Jeyte. Ugu dambeyntii wuxuu Cali Jeyte farriin u diray baarlamaanka dalka, “Saaxiibadey baarlamaanka ku jira waxaan ka codsanayaa wax kasta oo dib u dhac Soomaaliya ku keeni kara in laga fogaado,” ayuu yiri Cali Jeyte. Hadalka hoggaamiye Cali Jeyte ayaa ku soo aadaya xilli uu maanta Xasan Sheekh furay kalfadhiga 4-aad ee baarlamaanka dalka oo lagu wado in maalmaha soo socda la hor geeyo arrimaha wax ka bedelka dastuurka. Waxaa baarlamaanka ka dhex jira guux siyaasadeed oo weyn, kaas oo qaarkood ay ku diidan yihiin qorshaha wax looga bedelayo dastuurka, halka xukuumadu ay dadaal ku bixineyso sidii loo ansixi lahaa qorshaan wax ka bedelka dastuurka. Hoos ka daawo Cali Jeyte The post Daawo: Muxuu JEYTE ka yiri wax ka beddelka dastuurka? appeared first on Caasimada Online.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle oo shir jaraa’id Muqdisho ku qabtay ayaa soo bandhigay tiro koobka ay hayaan ee ku saabsan khasaaraha ay daadadka roobka deyrta ka dhashay iyo fatahaaduhu ay ka geysteen Soomaaliya. Ugu horeyn Maxamuud Macalin wuxuu shaaciyey in dadka ku dhintay dadadka iyo fatahaadaha ay tiradoodu marayso 96 qof, dadkaas wuxuu sheegay inay ku jiraan 28 qof oo hal goob ku geeriyootay. 28-kaas qof ayaa dhintay kadib markii ay la degtay doon ay ku marayeen aagga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, wuxuuna Guddoomiye Maxamuud sheegay in dhimashada dadkaas ay Shabaab sabab u ahaayeen. “Dadka dhintay ee 96-da qof ah waxaa ku jira 28 qof oo hal doon ku dhintay aagga Jamaame, waxay dadkaas ka cararayeen Al-Shabaab oo u diiday meel ay maraan, ayaga oo eryanaya ayey doontii la qalibantay, waana geeriyoodeen, allaha u naxariisto,” ayuu yiri Guuddoomiye Maxamuud Macalin. Dadka ku dhaawacmay xaaladaha uu sababay roobkaan wuxuu tiradooda ku sheegay lix qof, sidoo kale wuxuu soo bandhigay tirada xoolaha ay dileen daadadka ku dhuftay koonfurta Soomaaliya. Ilaa 4,000 (afar kun) oo xoolo ah ayuu sheegay inay ku geeriyoodeen fatahaadaha ku dhuftay Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu sheegay in hantida kale ee ku burburtay sida guryaha, gaadiidka iyo wixii la mid ah ay ku qiimeeyeen $200,000 (labo boqol oo kun oo dollar). Dowladda federaalka ayaa sameysay wax un gurmad ah oo la kala gaarsiiyey dadka ay musiibadaasi saameysay, kuwaas oo ay ugu daranyihiin reer Gedo iyo dadkii ku noolaa magaalada Beledweyne oo ka qaxay biyo harqiyey magaaladaas. Dhulka ay joogaan Al-Shabaab oo wabiyadu ay maraan, sida Jilib iyo Jamaame oo hadda la sheegay in 28 qof ay hal doon oo qalibantay ay ku dhintaan, ayaan weli la gaarsiin wax gargaar ah, mana muuqato fursad lagu gaarsii karo. Hoos ka daawo faahfaahinta guddoomiye Maxamuud The post Daawo: 28 qof oo Shabaab ‘sababday’ oo hal goob ku dhintay kadib markii doon ay…. appeared first on Caasimada Online.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii uu maanta furmay kalfadhiga 4-aad ee baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana uu madaxweyne Xasan Sheekh xildhibaanada ka hor sharaxay sida uu doonayo in loo dedejiyo dhameystirka dastuurka ayaa waxaa hadlay qaar ka mid ah xildhibaanada. Xildhibaan Saadaq Cabdullahi Cabdi oo ka mid ah xildhibaanada diidan in hoggaanka dalka loo raro nidaam Madaxtooyo oo madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen ah ayaa cadeeyey mowqifkiisa. Xildhibaan Saadaq ayaa sheegay in xasaasiyad badan ay ka taagan tahay kalfadhigaan, maadaama ay arkaan arrimo culus oo ku saabsan wax ka bedelka dastuurka oo kooxda Madaxweynaha ay gadaal ka riixayaan. “Madaxweynuhu wuxuu u muuqdaa nin raba in baarlamaanka uu ku adeegto, balse taasi waa fowdo dhali doonta fowdo kale, waxaana ka cabsanaa in baarlamaankaan la xakamey waayo,” ayuu yiri Xildhibaan Saadaq. Wuxuu sheegay in xildhibaanadu ay xasaasiyad ka qabaan heshiiskii golaha wadatashiga qaran oo la doonayo in la marsiiyo baarlamaanka, iyadoo ay ku jirto in labo xisbi lagu soo koobo siyaasadda dalka, in muddo xileedka hey’adaha dowladda laga dhigo 5-sano iyo in kursi madaxweyne ku xigeen lagu bedelo kursiga ra’iisul wasaaraha. Sidoo kale wuxuu sheegay xildhibaan Saadaq in golaha wadatashiga qaran oo doonaya inay baarlamaanka wax u meeriyaan aysan ayagu heysan wax sharciyad ah, sidaas darteed shaqada wax ka bedelka dastuurka ay ku filan yihiin labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. “Xildhibaanada qaar wadatashi ayey ka yeesheen arrinta wax ka bedelka dastuurka, mana shaqey doonto sida ay wax u rabaan kooxda madaxweynaha iyo golaha wadatashiga qaranka, shaqadaan waa shaqo baarlamaan, nidaam qof ama qolo gaar ah u adeegaya dalkaan kama shaqey doono,” ayuu yiri Xildhibaan Saadaq. Sidoo kale wuxuu sheegay xildhibaankaan, in beelaha qaar, sida beesha uu ka soo jeedo ee Digil iyo Mirifle ay xad gudub ku tahay arrinta uu doonayo inuu baarlamaanka marsiiyo madaxweyne Xasan Sheekh. “Kalsoonida ka dhex jirta Madaxweynaha iyo beesha Digil iyo Mirifle waa mid aad u hooseysa, dhowr jeer ayaan madaxweynaha ula tagnay arrimo khuseeya masiirka beeshaan, waana ka meer meeray, maalintii Teendhada lagu soo doortay ayaa noogu dambeysay,” ayuu yiri Xildhibaan Saadaq. Hoos ka daawo The post Daawo: Xildhibaano ka hor-yimid qorshaha wax ka bedelka dastuurka ee Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online.
  4. Somaliland oo walaac ka muujisay ku biirista Soomaaliya ee ururka dhaqaalaha Bariga Afrika Hargeysa(Qaran news)-Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa walaac xooggan ka muujisay ku biirista ay Soomaaliya Ururka dhaqaalaha Bariga Afrika ee EAC. Waxayna ku sifaysay go’aankaasi xadgudub cad ku yahay madax-bannaanida Qarannimada JSL. Sidaasna waxa lagu sheegay Warmurtiyeed ay maanta soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo lagu sharraxan siday sharciyan u kala madax-bannaan yihiin Somaliland iyo Soomaaliya oo ahaa laba dal oo isku biiray, hase ahaatee kala tagay 18kii May 1991kii. Waxa Xukuumaddu sheegtay muddadii Somaliland ay ka mid ahayd Soomaaliya ay kala kulantay cubudhin iyo tacadiyo badan oo horseeday inay labada dal kala dhaqaajiyaan. Sheegashada Soomaaliya ee dhulka Somaliland waa mid aan sal iyo raad toona lahayn oo ka hor imanaysa xaqiiqada jirta iyo tan sharciga ah,”ayaa lagu yidhi Warmurtiyeedkaas Xukuumadda Somaliland waxay intaas ku dartay “Soomaliya xaq uma laha inay Somaliland ku metasho madal caalami ah iyo mid goboleed toona. Waxaan u soo jeedinaynaa Midowga Afrika (AU), Qaramada Midoobay (UN), iyo dalalka xubnaha ka ah ururka dhaqaalaha bariga Afrika EAC inay aqoonsadaan jiritaanka iyo madax-bannaanida Somaliland. Ku biiritaanka Soomaaliya ee EAC iyada oo aan ogolaansho ka haysan Somaliland waa Cadaalad darro aad u weyn oo wiiqaysa mabaadi’da shuruucda caalamiga ah.” “Jamhuuriyadda Somaliland waxa ka go’an inay si nabad ah oo waxtar leh ula macaamisho beesha caalamka. Waxaan raadineynaa xal caddaalad iyo sinaan ah oo aqoonsan xaqa aan u leenahay aayo ka talinta iyo rabitaankeena aqoonsi caalami ah. Waxaan si dhab ah u rajaynaynaa in AU, UN, iyo wadamada xubnaha ka ah ururka dhaqaalaha bariga Afrika ay ilaaliyaan rabitaanka dadkayaga iyo xaqa ay u leeyihiin inay aayo ka tashigooda yeeshaan,”ayaa lagu soo gunaanaday war-saxaafadeedkaas ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland. Qaran News
  5. Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa bayaan yaab leh oo ay soo saartay walaac uga muujisay ku biirista Soomaaliya ee ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), oo shalay si rasmi ah loo xaqiijiyey. “Waxaanu si xooggan aaminsannahay in go’aankani yahay mid xad-gudub cad ku ah qaranimada, madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Somaliland,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland Somaliland ayaa sheegtay inay diidan tahay in Soomaaliya ay ururkaas ku metesho Somaliland, sida ay hadalka u dhigtay. “Soomaaliya xaq uma laha inay Somaliland ku matasho madal caalami ah iyo mid goboleed toona. Waxaan ugu baaqeynaa Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, iyo dalalka xubnaha ka ah EAC inay aqoonsadaan madax-bannaanida Somaliland,” ayey tiri wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland. Waxay intaas ku dartay “Sheegashada Soomaaliya ee dhulka Somaliland waa mid aan sal iyo raad toona lahayn oo ka hor imanaysa xaqiiqada jirta iyo tan sharciga ah. Somaliland waligeed kama ay mid noqon Soomaaliya ilaa 1991-kii.” “Ku biiritaanka Soomaaliya ee EAC iyada oo aan ogolaansho ka haysan Somaliland waa cadaalad darro aad u weyn oo wiiqaysa mabaadi’da shuruucda caalamiga ah.” Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa guul taariikhi ah ku tilmaamay ku-biirista Soomaaliya ee ururka EAC, isaga oo xusay inuu dadaal ku bixinayey tan iyo mudo xilideedkii hore ee 2012- 2016-kii ka mid noqoshada dalladan, maadaama ay fursad u tahay dadka Soomaaliyeed oo helaya suuq caalami ah, fursado ganacsi iyo socdaalka oo u fududaanayaa. “Maanta oo aan furnay bog cusub oo ka mid ah taariikhda Soomaaliya, waxaa sharaf weyn ii ah in aan idin hor istaago annagoo si rasmi ah uga mid noqonayno xubnaha dallada Bulshada Bariga Afrika. Tani kaliya kama tarjumeyso hiigsigeenna ee waa ifafaalo mustaqbal wanaagsan, fursado iyo awoodaha bulshadeenna. Waxaan dalladan ugu soo biirnay in aan xoojinno xiriirka saaxiibtinimo, ka qayb-qaadanno horumarka wadajirka ah, doorna ku yeelanno mustaqbalka wanaagsan ee shucuubta gobolka,” ayuu yiri madaxweynaha. Soomaaliya ayaa noqotay dalkii 8-aad ee xubin ka noqda ururka EAC, waxayna ku biireysaa Burundi, Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, Kenya, Rwanda, South Sudan, Uganda, aiyo Tanzania. The post Somaliland oo war yaab leh kasoo saartay ku biiriista Soomaaliya ee ururka EAC appeared first on Caasimada Online.
  6. Hargeysa,(Qaran news)-Xildhibaan Caydiid Cabdi Maxamed oo ka tirsan golaha guurtida JSL, ayaa guddoomiyaha Golaha Guurtida ka difaacay edaymo uga yimi siyaasi Cali Gurey oo uu xildhibaanku sheegay inuu caadaystay maagistiisa iyo inuu ka sheego wax aan jirin. Waxaanu xildhibaanku ugu baaqay Siyaasi Cali Gurey inuu ka waantoobo hadalada qadafka ah ee uu masuuliyiinta qaranka mar marinyo. Xildhibaan Caydiida ayaa sidoo kale sheegay in ka gole ahaan ay ansixinayaan xeerarka Doorashooyinka ee ay bulshada iyo dalkuba ku heshiiyay, waxaanu ugu baaqay bulshada in aanay sas ka qaadin mudad bisha ah ee guddida la siiyay oo uu sheegay kaliya in ay sugaan ansixinta qaabkii bulshadu soo dhawaysay ee heshiiska lagu wada ahaa waxaanu yidhi. Qaran News
  7. Mogadishu (HOL) - Somali President Hassan Sheikh Mohamud announced that the government is prioritizing efforts on debt relief, lifting the arms embargo, and liberating areas under al-Shabab control this year. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad Dastuuri ah u jeediyay labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda guud ee waddanka iyo guulo usoo socda Soomaaliya bisha December. Xasan Sheekh ayaa baarlamanka ka dhex sheegay 5 arrimood oo masiiri ah, kuwaas oo ay tahay in sida ugu haboon wax looga qabto. Saddex kamid ah waxa uu tilmaamay in laga rabo Beesha Caalamka, halka labada kalena ay go’aan ka gaaristeeda leedahay Soomaaliya. “Waxaa jirta 5 arrimood oo muhiim innoo ah inaan gaarno, 5-taas arrimood 2 kamid ah go’aan ka gaaristeeda waxaa iska leh Soomaalida, 3 kamid ah Beesha Caalamka ayaa iska leh go’aan ka gaarista” ayuu yiri madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Labada ay leedahay Soomaaliya oo ay tahay inay go’aan ka gaarto waxa uu sheegay inay yihiin dagaalka kooxda Al-Shabaab iyo sidoo kale dhammeystirka Dastuurka KMG ka ah. “Labada aan annaga go’aankeeda aan leenahay waxaa waayay dalka inaan Shabaab ka xorayno, qodobka labaad ee go’aan ka gaaristeeda aan leeanahay waa Dastuurka KMG ka ah inaan dhammeystirno” ayuu mar kale yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in marka leego saddexda qodob ee u taalla Beesha Caalamka oo ah dayn cafinta, cunaqabateynta iyo aqbalaaddii Soomaaliya ee Dalladda EAC inay ka rajo wanaagsan yihiin labada qodob ee laga rabo in Soomaalida ay go’aamiso. “Asbuuca ugu horreeya bisha Diseembar cunaqabateynta hubka ayaa nalaga qaadayaa, sidoo kale isla bishaas ayaa deynta nalaga cafinayaa,” ayuu yiri madaxweynaha oo ka hadlaya labada guul ee Soomaaliya usoo socda. “Haddaan idinla kaftamo saxdexdii Beesha Caalamka go’aankeeda leedahay ayaa ka rajo wanaagsan, labada kale ee aan annagga go’aankeeda leenahay” ayuu yiri madaxweynuhu. Si kastaba,Xasan Sheekh ayaa maanta khudbad soconaysay wax ku dhow saacad ka jeediyay furitaanka kalfadhigga 4-aad ee labada Aqal, isaga oo ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin xiisadda Puntland, doorashada Somaliland iyo dagaalka weli ka soconaya Sool. The post Soomaaliya oo laba guul oo taariikhi ah gaareysa December appeared first on Caasimada Online.
  9. Xukuumadda Somaliland oo ugu Baaqday Guurtidda inay Dedejiyaan Xeerka Doorashooyinka Hargeysa(Qaran news)- Wasiirka Wasaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland ahna Afhayeenka Xukuumadda Md. Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) ayaa ugu baaqay Golaha Guurtidda Somaliland inay dedejiyaan xeerka Doorashooyinka. Wasiir Cali Mareexaan wuxuu sheegay in madaxweynuhu uu aqbalay go’aamadii Guddida Madax dhaqameedka Bariga Burco, isla markaana saddex maalmood kadib go’aankaas uu u gudbiyay Golaha Wakiillada. Wasiirka Warfaafintu wuxuu sheegay inay xukuumaddu dhiirigeliso dardargelinta xeerkaas mooyee aanay jirin sabab ay ku farogelisaa. Waxaanu tilmaamay in madaxweyne Muuse ay ka go’an tahay qabsoomida doorashooyinka iyo xeerkaasba. Wasiir Cali Mareexaan wuxuu Golaha Guurtidda u soo jeediyay inay xeerkaas dedejiyaan iyagoo ka eegaya danta iyo midnimada dalka. Qaran News
  10. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbad taariikhi ah ka jeediyay furitaanka kalfadhiga 4aad, kulankiisa 1aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya. Khudbadda Madaxweynaha ayaa taabanaysay dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin waxqabadkii muddada 18ka bilood ahayd ee ay hay’adaha dawladdu ku tallaabsadeen himilooyinka u yaalla ee ay tahay in ay hantaan. Madaxweynaha ayaa adkeeyay garab istaagga shacabka Soomaaliyeed ee ku saamoobay isbeddelka cimilada oo sababay in ay da’aan roobab fatahaado wata, kuwaas oo ka da’ay qeybo badan oo dalka mid ah, gaar ahaan maamul goboleedyada Jubbaland, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo qeybo ka mid ah Galmudug, fatahaadahaas oo sababay xaaladda daran ee El Niño. Madaxweynaha ayaa ugu baaqay in guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo cid kasta oo gacan ka gaysan karta gurmadka fatahaadaha in ay ka gaysato, isaga oo sidoo kale faray hay’adaha dawladdu in ay u guntadaan samatabixinta shacabka Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay fatahaadahaas. Dhinaca kale, Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isdultaagay in afartii bilood ee ugu danbaysay uu dhaqaalaha dalku kor u kacay 25%, isaga oo tilmaamay in arrintaasi ay ku dhacday ka dib markii si wadajir ah Xukuumadda Danqaran, BJFS iyo hay’adaha kale ee dawladdu iska kaashadeen dhiirrigalinta waxsoosaarka gudaha, ganacsiga iyo dardargalinta ladagaallanka argaggaxisada. Madaxweynaha JFS ayaa ku nuuxnuuxsaday guulaha badan ee laga gaaray ladagaallanka argaggaxisada khawaarijta ah ee Al-Shabaab, isaga oo sheegay in loo la dagaallamay cudud ahaan, caqiiddo ahaan iyo laga cunaqabateeyo baaddii baaddilka ahayd ee ay ka qaadi jireen shacabweynaha Soomaaliyeed. Guulahaas waaweyn ayuu Madaxweynuhu ku sheegay in ay ku yimaaddeen iskuduubnaanta shacabka Soomaaliyeed iyo duullaanka safmarka ah ee Ciidamada Xoogga Dalka oo garansanaya Xooggaga Difaaca Shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa si gaar ah u maamuusay kaalinta Ciidamada Xoogga Dalka iyo Xoogagga Difaaca Shacabka Soomaaliyeed, isaga oo si weyn u sheegay doorkooda shariifka ah ee ku aaddan ladagaallanka argaggaxisada khawaarijta ah ee Al-Shabaab, isaga oo sidoo kale tilmaamay in dhammaan degaannadii ka hoos xoroobay Khawaarijta la gaarsiiyay adeeg dawladeed oo dhammaystiran. Madaxweynaha ayaa caddeeyay xilliga kamadanbaysta ah ee ciidamada ATMIS ka bixi doonaan dalka, isaga oo sheegay in Disenbar 2024 uu askariga ugu danbeeya ka huleeli doono dalka. Madaxweynaha ayaa sheegay in muddadaas ka hor uu dalku ka xoroobi doono gacanta cadowga argaggaxisada ee Khawaarijta Al-Shabaab, isaga oo tilmaamay in uu mar dhow ku noqon doona furimaha dagaalka. Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in Xukuumadda Danqaran iyo golayaasha kale ee dawladdu ay ku guulaysteen hirgalinta siyaasadda dawladda ee “Soomaali dunida heshiis la ah”, isaga oo intaas ku daray in dawladdu dadaallo badan galisay xoojinta xiriirka arrimaha dibedda iyo Soomaaliya oo dunida oo dhan heshiis la ah oo si siman wax u la wadaagta. Madaxweynuhu waxa si faahfaahsan u sheegay ahmiyadda ay leedahay ku biiritaanka Dalladda Bulshada Bariga Afrika, isaga oo si qotadheer u sheegay faa’iidooyinka waaweyn ee shacabka Soomaaliyeed ka heli doonaan suuqaas weyn. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ganacsata Soomaaliyeed ku baraarujiyay in wixii maanta ka danbeeya ay si xor ah ugaga ganacsan doonaan dalalka ku bahoobay Dalladda Bulshada Bariga Afrika, iyaga oo ku leh xaq iyo xuquuq dhowrsoon. Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbaddiisa ku daahfuray hiigsiga ‘Soomaaliyada Cusub’ ee ah Soomaaliya horumarsan, isku filan, dastuur aan qabyo ahayn leh, dhaqaalaheedu kobacsan yahay, amni ah oo Khawaarijta iyo argaggaxisada xor ka ah, khayraadka dalkeedana ka faa’iidaysata. Madaxweyne, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa labada gole ee BJFS ku bogaadiyay hawsha qiimaha leh ee ay dalka u hayaan, isaga oo ku ammaanay waxqabadkii ballaarnaa ee ay muddada kooban ku qabteen, sida ansixinta sharciyo dalka muhiin u ah. Gabagabadii, Madaxweynaha ayaa BJFS ka rejeeyay in ay meelmarin doonaan heshiisyada iyo sharciyada dalka iyo dadkaba danta u ah, isaga oo, sidoo kalana, u rejeeyay in ay hawlahooda u gudan si xilkasnimo iyo hufnaan leh. Source: goobjoog.com
  11. Ololaha Xakameynta Tacadiyada Haweenka oo ka Bilaabmay Somaliland Hargeysa(Qaran news)- Wasaaradda Shaqo-gelinta Arrimaha Bulshada Iyo Qoyska JSL ayaa maanta si rasmiya u furtay ololaha 16 ka cisho ee ka hortaga tacadiyadda ka dhanka ah haweenka iyo dadka nugul. Waxaana madasha kaso qayb galay xubno kamida golaha wasiirada dalka, agaasimayaal guud , qaybo kamida hay,adaha madaxa banaan. Waxaa dhamaanba ma’suuliyiintii madasha kasoo qayb-galay ay dul istaageen dhibaatooyinka tacadi ee la xidhiidha dadka nugul. Iyada oo guud ahaanba lagu bogaadiyay hogaanka wasaaradda oo ugu horeeyo Wasiirka Wasaaradda mudane Eng Cali Cumar Maxamed (Eng Cali xoorxoor ) Wasiir ku xigeenka wasaaradda iyo agaasimaha guud ee wasaaraddu shaqada baaxada leh ee ay qaranka u hayaan. Qaran News
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo ka hadlaayay furitaanka Kalfadhigga 4-aad ee Baarlamaanka labada Aqal ayaa xaqiijiyey in baarlamanku isku dayi doono in wax laga beddelo dastuurka. Aadan Madoobe ayaa shaaca ka qaaday in Kalfadhigan xoogiisa diiradda lagu saari doono arrimaha Dastuurka iyo sidii loo dhameystiri lahaa, si looga baxo qaybo qoraalka. “Kalfadhiga Afaraad ee baarlamaanka waxaa looga doodayaa cutubyada Dastuurka KMG ka ah,” ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in dastuurka wax laga beddelayo, islamarkaana qodobada isbeddelka ay ka mid yihiin qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh ee ah in dalka uu yeesho madaxweyne iyo ku-xigeen iyo laba xisbi siyaasadeed. Aadan Madoobe wuxuu farriin u diray xildhibaanada Soomaaliyeed, isaga oo ka codsaday inay muhiimad gaar ah siiyaan kulamada soo socda, maadaama lagu go’aaminayo Dastuurka. Guddoomiyaha ayaa sheegay in xildhibaanada looga baahan yahay dhabar adeeg iyo inay ku dadaalaan sidii kumeel gaarnimada looga bixin lahaa dastuurka Soomaaliya. “Dhammaan xildhibaanada sharafta leh waxaan kula dardaarmayaa in Kalfadhigaan 4-aad ee maanta innoo furmaya u dhabar adeegaan juhdi badana ay geliyaan ka doodista dastuurka, si uu dastuurkeena uga baxo kumeel gaarnimada” ayuu mar kale yiri. Dhankiisa, guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ka hadlay arrinta Dastuurka ayaa xoojiyay sida loogu baahan in xilligan la dhammeystiro. Cabdi Xaashi ayaa sidoo kale tilmaamay in Dastuurka uu noqday mashruuc furan, isaga oo xusay inuu noqday midka socda, uuna ku baxay qarash aad u fara badan. “Dastuurka Soomaaliya wuxuu noqday kan ugu waqtiga dheer ugu qarashka badan uguna khaladaadka badan” ayuu khudbaddiisa ku yiri guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Dowladda federaalka ayaa haatan ku howlan wax ka beddalka Dastuurka, waxaana hormuud ah madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan uun shaaciyay inuu dalka u guurayo nidaam cusub oo ah madaxweyne iyo sidoo kale madaxweyne ku xigeen. The post Daawo: Aadan Madoobe oo si rasmi ah u xaqiijiyey wax ka beddalka dastuurka dalka appeared first on Caasimada Online.
  13. Currently, most travellers need a visa to enter China China is trialling visa-free travel for citizens from France, Germany, Italy, the Netherlands, Spain and Malaysia for a year, its foreign ministry said. From December to 30 November 2024, ordinary passport holders from these countries can do business or travel in China without a visa for up to 15 days. This is to help “promote China’s high-quality development and opening up”, spokeswoman Mao Ning said on Friday. Currently, most travellers need a visa to enter China. The rare examples of those exempt include citizens of Singapore and Brunei, who are entering China for business, tourism, family visits and transit for no more than 15 days. It was only in March that China began issuing all types of visas again. In March 2020, it had imposed strict travel restrictions in the wake of the coronavirus pandemic. For three years, China had some of the world’s strictest Covid curbs, with travel restrictions, numerous lockdowns and frequent testing requirements. Its zero-Covid policy, which hit the economy hard, was only lifted last December. Tens of millions of international visitors came to China each year prior to the pandemic. Bbc Qaran News
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furay Kalfadhiga 4-aad ee baarlamaanka ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda cakiran ee maamulka Puntland. Xasan Sheekh ayaa khudbaddiisa kusoo hadal qaaday muranka hareeyay doorashada maamulkaas ee u dhexeeyo madaxweyne Saciid Deni iyo xubnaha mucaaradka ah. Madaxweynaha ayaa sheegay inuu la socdo dhiilo uu sheegay inay kasoo cusboonaatay Puntland, balse wuxuu ku baaqay inay laga wada-hadlo wax kasta oo khilaaf ah. “Waxaan ka xunahay khilaafka dhiilada ah ee haatan ka muuqdo dowlad goboleedka Puntland, waxaana adkanaynaa baaqyada ah in wada-hadalka iyo isu dhagalugnaanta baaqyada waxgaradka ay yihiin xalka ugu haboon ee maanta jiri kara” ayuu yiri. Sidoo kale, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dalbaday labada dhinac ee isku haya doorashada Puntland inay qaataan baaqyada waxgaradka, si loo qaboojiyo xiisadda. “Hala dhageysto ayaan leenahay dadka waxgaradka ah ee markaa iyaga aan siyaasadda dan ka lahayn, laakiin danta Umadda deganaanshaha deegaanka ay u muuqato” ayuu yiri. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayadoo weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo Puntland oo ay ka taagan tahay hubanti la’aan ka dhalatay muranka hareeyay doorashooyinka. Si kastaba, waxaa weli halkiisii ah khilaafka dowladda federaalka ah kala dhexeeya hoggaamiyaha Puntland Saciid Deni, kaas saameyn ku yeeshay wada shaqeyntooda. The post Daawo: Xasan oo si adag uga hadlay xiisadda Puntland appeared first on Caasimada Online.
  15. Qaar kamid ah xisbiyada siyaasadda Puntland ayaa si rasmi ah maanta u caddeeyay mowqifkooda hirgelinta hannaanka doorashada qof iyo cod, oo ay ku muransan yihiin dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaridka ah. War-saxaafadeed ka soo baxay qaar kamid ah xisbiyada Puntland ayay ku taageereen in la dhammaystiro hannaanka xisbiyada badan ee qof iyo cod oo lagu qabto doorashada Baarlamanka iyo Madaxtooyada Puntland ee 2024. Waxay sheegeen in ay u taagan yihiin doorasho qof iyo cod ah oo ku dhacda si xor iyo xalaal ah, si loo dhammaystiro hannaanka dimuqoraaddiyadda Puntland, waxaana ay shacabka ugu baaqeen in ay diyaar garoobaan diiwaan-gelinta doorashada. Xisbiyada ayaa sidoo kale ku baaqay in tartanka iyo loollanka siyaasadda Puntland uu noqdo mid ku dhisan nabadgelyo lagana dheeraado siyaasad hubaysan iyo mid beelaysan, si looga baaqsado wax dhibaato amni iyo xasilooni-darro keeni kara. PUNTLAND POST The post Qaar kamid ah Xisbiyada Siyaasadda Puntland oo caddeeyay mowqifkooda doorashada qof iyo cod appeared first on Puntland Post.
  16. Xaafad si casri ah loo dhisay oo lagu magacaabo ARAGSAN VILLAGE ayaa laga hir-geliyay magaalada Hargeysa, xaafadan oo si qurux badan loo dhisay ayaa waxa ay ku taalla agagaarka Buurta kala jeexan ee galbeedka magaalada Hargeysa. Xaafadan oo ay dhistay shirkadda KAABSAN GROUP ayaa waxa xadhiga ka jaray Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, sidoo kale waxa ka soo qayb-galay xafladdii xadhigga lagaga jarayay xaafada ARAGSAN VILLAGE, xubno wasiirro ah, Xildhibaano, safiiradda dalalka Turkiga iyo Taiwan mas’uuliyiinta shirkadda Telesom, Dara-Salaam Bank, Kaabsan Group iyo siyaasiyiin kale oo tiro badan. Xaafadan si casri ah loo dhisay loona dhammaystiray dhammaan adeegyadii ay dadku u baahnaayeen sida goobihii cabaadada (Masaajidkii) goobohii waxbarashada gaar ahaan Iskuulkii iyo madaaristii lagu baranayay qur’aanka kariimka ah, goobaha ganacsiga oo aad ka helayso wax kaste oo aad u baato, goobihii ay carruurtu ku ciyaarayeen, goobihii jimicsiga iyo dhammaan wax kasta oo qofku u baahan yahay. Ugu horrayntii waxa munaasibadii xadhig ka jarka ka hadlay guddoomiye ku-xigeenka shirkadda Kaabsan Group Cabdiwahaab Xaaji Cali Axmed iyo guddoomiyaha Kaabsan Group Mahad Muxumed Faarax oo iyagu faah-faahin ka bixiyay dhismaha xaafadan bilicda leh, qaabka ay u dhiseen iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay. “Xaafadan ARAGSAN VILLAGE maxay kaga duwan tahay xaafadaha kale, horta halkan waxa leh dadka afka Soomaaliga ku hadla oo dhan, reer Muqdisho ayaa wax ku leh, reer Habuuti ayaa wax ku leh, reer Jigjiga ayaa wax ku leh, reer Nairobi ayaa wax ku leh, waxaan isleeyahay reer Hargeysa marka ay faanayaan waxa ay ku odhanayaan anigu reer Jameeco ayaan ahaa, marka haddii u uku yidhaa ninka reer Hargeysa reer Jameeco ayaan ahaa war uma laabna oo waa Halkii Hargeysa laga aasaasay, ninka reer Sheekhna waxa u uku odhanaya reer Dariiqada ayaan ahaa waana bulsho aan qabyaalad ku dhisnayn, dadka xaafadan ka soo baxana waxa ay ku faani doonaan inay reer ARAGSAN isku ahaayeen carruurtoodu insha Allah” “Haddii aynu eegno dhinaca tayada (Quality), sideedaba cimilada iyo dhismuhu waxa ay leeyihiin xadhiidh togan oo isku mid ah waana ta sababtay adduunyada in aan qofku guri iska dhisan karin illaa Injineer haysan, waayo gurigu waxa uu la mid yahay hubka oo kale waxaanu wax yeeli karaa dadyow aad u badan, annaga taa ku dadaalayna taa oo tayada (quality) ilaalinayna ayay nagu kaliftay in aanu shirkadahan ajaanibka ah keeno dadkeena uga faa’iidayno, waxaanu shirkadda Turkiga u dooranay inay yihiin dadyowga lagu faano ee adduunyadda wax ka dhisa, 10kii sanno ee u dambaysay marka aad eegto taariikhda cimilada waxa jiray is-bedelo waaweyn, Dabaylaa dhacayay, duufaano ayaa dhacayay, xiliyo ayna roobabku di’i jirin ayay da’ayeen, adduunyadda kalena waynu la qabnaa si aynu waxaas oo dhan uga gaashaamano waxa la odhan karaa ugu dambayntii waxa aanu dhisnay guryo la isku halayn karo” ayuu yidhi Cabdiwahaab Xaaji Cali Axmed. Guddoomiyaha Kaabsan Group Mahad Muxumed Faarax ayaa isaga oo sharaxaad ka bixinaya xaafadda ARAGSAN ayaa waxa uu yidhi “Mashruucani waxa uu ka kooban yahay 66 guri, oo halkii guriga oo ka kooban yahay dabaq sare iyo dabaq hoose, guri waliba waxa uu ka kooban yahay 6 qol oo hurdo ah oo qol waliba uu suuligiisii gudaha ku leeyahay waxa kale oo uu wataa fadhigii iyo cuntadii waxa kale oo uu wataa laba madbakh (kitchen) oo kale dambeeya, waxa uu wataa beertii oo xaga dambe looga sameeyay” Axmed Kilaas Faarax isaguna ka mid ah dadka guryaha ka iibsaday xaafadan cusub ee ARAGSAN VILLAGE ayaa ka hadlay sida ay ugu faraxsan yihiin guryahooda iyo xaafadda cusub ee hoyga u noqon doonta. Dhan kale wasiirka wasaaradda ganacsiga Maxamuud Sacad Saajin iyo guddoomiyaha rugta ganacsiga Jamaal Caydiid oo iyaguna madasha ka hadlay ayaa xaafadda ARAGSAN VILLAGE ku tilmaamay horumar ballaadhan oo ku soo kordhay Somaliland lana jaanqaadaya caalamka. Ugu dambayntii Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici ayaa isaguna madasha ka hadlaya ayaa shirkadda Telesom ku ammaanay maalgashigan ballaadhan ee ay samaysay iyo bilicda iyo quruxda ay ku soo kordhisay dalka. Source
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo maanta khudbad ka jeediyay furitaanka Kalfadhiga 4-aad ee labada Aqal ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka Al-Shabaab. Ugu horreyn Sheekh Aadan ayaa ku boggaadiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud go’aankiisa ku aadan dagaalka adag ee haatan lagula jiro kooxda Al-Shabaab. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in baarlamaanka Soomaaliyeed uu qayb ka yahay dagaalkan, isla-markaana xildhibanadu ay tageen furinta hore ee dagaalka. Sidoo kale wuxuu shaaciyay in laba xildhibaan ay uga dhaawacmeen dagaalka socda, kadib markii ay tageen jiidda hore, gaar ahaan koonfurta gobolka Mudug. “Waxaad ogtihiin inay ku dhaawacmeen xildhibaano iyo senataro ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu kamid yahay xildhibaanka Golaha Shacabka ugu da’da weyn Cabdisalaan Dhabancad, sidoo kale waxaa dhaawacmay Senataro Cabdi Qaybdiid oo runtii dalkan xilal badan kasoo qabtay” ayuu yiro guddoomiye Aadan. Aadan Madoobe ayaa sidoo kale qiray in dagaalka xildhibaanada uu muujinaayo sida ay uga go’an tahay in dalka laga ciribtiro kooxaha Khawaarijta ah. “Taas waxa ay muujineysaa dadaalka iyo ka go’naashaha xildibaanadeena iyo Ummadda Soomaaliyeed inay naftooda u huraan xoriyadda iyo sharafka dalka” ayuu sii raaciyay. Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo guullo waa weyn ay kasoo hooyeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka. The post A/Madoobe oo shaaciyay tirada xildhibaanada lagu dhaawacay dagaalka Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  18. Hundreds of people, including foreign nationals in Djibouti, participated in the African Peace March in solidarity with Palestinians in the Djiboutian city of Arta on Friday, Anadolu Agency reports. Source: Hiiraan Online
  19. The building that houses Sophiya Halal Mini Market suffered significant damage from the fire that started on Friday morning. Source: Hiiraan Online