-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Jigjiga (HOL) — Ethio Telecom, Ethiopia's longstanding telecommunications leader, has officially launched 5G services in Jigjiga city, marking a significant leap in the nation's digital infrastructure. Following the rollout in Addis Ababa and Adama, this development places Jigjiga among the first Ethiopian cities to access ultra-fast 5G connectivity. Source: Hiiraan Online
-
Mareykanka ayaa u soo diray Masar saddexdii diyaaradood ee ugu horreeyay oo gargaar bini’aadannimo u wada Gaza. Maraykanka ayaa ballan-qaaday in uu caawinayo Falastiiniyiinta inta lagu guda jiro xabbad-joojinta Xamaas iyo Israa’iil oo xulafada la ah Mareykanka. Duulimaadyada gargaarka ee siday cunnada, sahay caafimaadka iyo dharka qaboobaha ayaa ah kuwii ugu horreeyay ee oo ay leeyihiin militariga Mareykanka oo siday gargaar tan bilowgii dagaalka. Duulimaadyada ayaa billowday maalin uun kadib markii madaxweyne Joe Biden uu sheegay inuu uga faa’iideysan doono kordhinta xabbad joojinta si uu gargaar badan u keeno Gaza. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo gargaar bini’aadanimo u diray Marinka Gaza kadib Xabbad-joojintii Israa’iil iyo Xamaas appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo ka qeyb galay munaasbaad kooban oo lagu wareejinayay qalab loogu tala-galay in looga faa’iidaysto wax soo saarka calafka xoolaha, ayaa sheegay in agabkani uu wax weyn ka tari doono horumarinta iyo helidda calaf ku filan xoolaha deegaanka. Mashruucan oo lagu magacaabo RAAISE PROJECT ayaa waxaa maalgelinaysa Midawga Yurub iyada oo ay fulintiisa iska kaashanayaan hay’adda FAO iyo Waasaaradda Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Jubaland, ayaa xoogga saaraysa sare u qaadista Wax soo saarka Dalka ee ILED (Inclusive Locol Economic Development), waxaana looga golleeyahay in xoolaha ku nool Jubaland ay helaan daaq ku filan, maadaama ay saameyn ku yeelatay dhulkii daaqa ku haboonaa isbeddelka cimillada adduunka. Madasha wareejinta qalabkan waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Wasaaradda xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eeley), Wasiirka Wasaaradda Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Dowladda Jubbaland mudane Mohamed Nuur Cali (Nuuraani) iyo masuuliyiin kasocday Hay’adda FAO. Madaxwaynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa sheegay in qalabkan uu muhiimad gaar ah u leeyahay horumarinta wax soo saarka dalka ee dalagyada noocyada kala duwan leh. Madaxwaynaha ayaa faray Wasaaradda Xannaada xoolaha in qalabkan looga faa’iidaysto soo saaridda calaf ku filan xilliyada jiilaalka xoolaha ku dhaqan deegaanka. PUNTLAND POST The post Jubaland oo horumarinaysa Wax soo saarka Calafka Xoolaha appeared first on Puntland Post.
-
Hargeisa during the night Hargeisa maalintii Is Hargeisa Safe? Hargeisa is the capital of Somaliland, a self-declared republic that is not recognized by any other country. While Somaliland is relatively stable compared to the rest of Somalia, Do you think Hargeisa is a safe place to travel? The capital of Somaliland, Hargeisa has a lot to offer and is very safe for travel with delicious cuisine and a vibrant culture, which makes it an amazing place to visit. However, how safe is it really? The country of Somaliland is very safe, and Hargeisa is the safest city, so there is no need to feel vulnerable when walking around the city. However, it is mandatory for foreigners to travel outside Hargeisa with at least one member of the Special Protection Unit (SPU), a police unit dedicated to protecting foreigners. Hargeisa is a safe place for tourists and foreigners, and there have been no crimes committed against them. Hargeisa is one of the safest cities in the world for foreign tourists, regardless of how negatively associated it is with Somalia. We invite you to sit beside a busy street and sip Somali tea while watching the world go by. Although there are many problems in the world, that does not mean that there are no problems at all. What Happens if I Get Lost in Hargeisa? If you find yourself lost in Hargeisa, the best thing to do is to ask for directions from a local. The people of Hargeisa are generally very friendly and helpful, so you shouldn’t have any problem getting directions to where you need to go. If you’re still feeling lost or confused, you can always ask a police officer for help. More Travel Tips for Hargeisa’s Safety When it comes to safety while travelling, there are a few extra things to keep in mind when travelling to Hargeisa. Here are a few travel tips for staying safe in Hargeisa: Be aware of your surroundings at all times and trust your gut instinct. If something or someone makes you feel uneasy, it’s best to avoid them. Keep valuables such as money and jewellery hidden away and out of sight. Avoid walking alone at night, especially in unfamiliar areas. If possible, try to stick to well-lit streets and areas where there are people around. If you do take taxis, make sure they are from a reputable company and that the driver is legitimate. It’s also best to agree on a fare before getting in the vehicle. Conclusion Hargeisa can be a safe place to live, but it is important to be aware of the potential risks before moving there. Whenever you are exploring unfamiliar territory, it is always best to err on the side of caution. There are certain areas of town that are more dangerous than others. It’s possible to ensure that your time in Hargeisa is both safe and enjoyable with a little research and planning. Qaran News
-
Garadag(Qaran news)-Degmada Gar-adag ee gobolka Sanaag ayaa laga dhagax-dhigey Ceel-biyood Riiga, kaas oo hirgelintiisa ay iska kaashanayaan wasaaradda horumarinta Biyaha Somaliland iyo hay’adda Mercy USA. Munaasibada dhagax-dhiga Ceel-biyoodkan waxa ka qayb galay, wasiir ku xigeenka wasaaradda biyaha, guddoomiyaha gobolka Sanaag, Saraakiil ka socday hay’adda Mercy USA, maamulka degmada Gar-adag iyo Waxgaradka, odayaashaa iyo dadka degmadaasi iyo marti Sharaf kale. Wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland Mudane Maxamuud Jaamac Warfaa, ayaa sheegay in wax weyn uu ka tari doono haddii Ceel-biyoodkan la dhagax dhigey uu guulaysto biyo yaraantii ka jirtay degmada Gar-adag. Waxaanu yidhi.“Ceelka aanu halkan ka dhagax dhigeyno, waxa iska kaashaday wasaaradda horumarinta biyaha iyo Hay’adda Mercy USA, in badan ayaad baahideeda qabteen, oo sugeyseen ceel in uu noqdo, ILLAAHEY waxaan ka baryayna in uu noqdo Ceel biyo macaan, oo aad ku qabowsataan, oo aad ka cabtaan dad iyo xoolaba. Waxaan ILLAAHEY ka baryayna in nabadda iyo barwaaqada inoo barakeeyo, oo aynu kuwaaro, ceelkan 300 mitir ayaa la qodayaa, qosdistiisana waxa fulinaysa shirkada Durdur, waxa la idinka doonaya qodistiisa iyo abnigiisa, ilaalintiisa, iyo dadka ceelkan ka qayb qaadaya hawshiisa soo dhaweyntiisaba” Masuul ka tirsan hay’adda Mercy USA ayaa sheegay in ay tahay markii u horraysay ee ay Ceel-biyood ka hirgeliso gudaha Somaliland, waxa uu xusay in markii hore ay baraagaha dayactiri jireen, balse mashruucani hadda ka balaadhan yahay, waxa uu intaas ku daray haddii ceelkani hirgelo in beebabkii biyaha gaynlaha magaalada ay ku xidhiidhin doonaan, waxaanu bulshada degmada Gar-adag ka codsaday Mashruucan inay soo dhaweeyaan isla markaana si fiican ugala shaqeeyaan. Aqoonyahanka, waxgaradka iyo bulshaweynta degmada Gar-adag ayaa wasaaradda horumarinta biyaha iyo hay’adda Mercy USA, uga mahadceliyay qodista Ceel-biyoodkan, sidoo kale waxa ALLE ka baryeen in uu noqdo ceelkii biyo macaan laga helo ee ay kaga raystaan biyo yaraanta ka jirta degmada Gar-adag iyo degaanada hoos yimaada. Gaba-gabadii guddoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Muuse, ayaa siweyn u soo dhaweeyay dhagax-dhiga Riig-biyoodka degmada Gar-adag waxaanu wasaaradda biyaha iyo hay’adda Mercy USA, uga mahadceliyay ku dhiirashada in Ceelkan laga qodo degmada Gar-adag. Qaran News
-
MOGADISHU (Xinhua) -- Somali National Army (SNA) backed by local forces on Tuesday killed six al-Shabab militants and injured others during an offensive operation at an area in Galmudug State, central Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah Mudanayaasha golaha Shacabka ee Barlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa si wayn u dhaliilay hanaanka madaxweyne Xasan Sheekh uu ku doonayo wax ka badalka Dastuurka. “Xasan wuxuu dalka ku maamulaa hadda hab madaxtooyo waana ay caddahay. Shirarka isaga dalka matala, Xildhibaanada isaga qaabilaya taas dood kama taagna,” ayuu ku yiri waraysi uu siiyay Barnaamijka Awooda Shanaad ee Dalsan TV. Hogaamiyahan ku caan baxay Mucaarad-nimada ayaa dadka qeyb ku tilmaamaan in uu u cabiro si aan gabasho lahayn iyada oo mar-marka qaar lagu tilmaamo macalin jaamacadeed oo ka faalooda siyaasadda Soomaaliya taasi oo uu kaga duwan yahay siyaasiyiinta kale. “Dhaqaale iyo Awood iyo wakhti ha isaga lumin madaxweyne arintaas. Hadii ay Barlamaanka meel mariyaan xitaa aniga ma aqbali doono,” ayuu ku yiri isaga oo sii hadlaya. Kalsoonida Beelaha ayuu ku tilmaamay mid sal u ah hanaankaan Barlamaamiga ah isla markaana aanau suurtagal ahayn in madaxweyne oo kaliya uu iska qaato awooda isaga oo tusaale usoo qaatay madaxweynayaash Puntland iyo Somaliland oo haatan lagu kari la’yahay qabashada Doorashada labadaasi maamul. Wax ka badalka Dastuurka ayay horey u diideen madaxweynayaal iyo ra’iisul wasaarayaal hore iyaga oo ka digay in isu-dheeli tirnaanta awooda fulinta ee dowlada federaalka ay Dheeliso. Puntland ayaa iyadu dhawaan ku celisay in aan marna arintaasi qeyb ka ahayn isla markaana aanay aqbalayn. Madaxweyne Xasan Sheekh oo muddo ku eedeyn jira madaxweyne Farmaajo inuu iskiis isku koobay awoodda dalka, islamarkaana raadinayey muddo kororsi iyo kali-talisnimo, ayaa hadda u muuqda inuu cagta saaray dhabbahaas oo kale. The post CC Shakuur: Xasan Sheekh isagaa awooddii isku koobay appeared first on Caasimada Online.
-
A former child refugee from Somalia has been named as this year's winner of the prestigious UNHCR Nansen Refugee Award. Source: Hiiraan Online
-
The death toll from weeks of persistent rain and resultant flooding in Kenya has risen to at least 120 people, Interior Minister Raymond Omollo said on Tuesday. Source: Hiiraan Online
-
Four-time Olympic gold medal winner Mo Farah, who was born in Somalia and trafficked to Britain as a child, joined the UN migration agency on Tuesday as its first global goodwill ambassador. Source: Hiiraan Online
-
Twenty people have died in a bus crash in southern Ethiopia with more than 30 others sustaining injuries, the local authorities have said. Source: Hiiraan Online
-
Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa Jowhar laga bilaabay xalinta dagaal khasaare badam heystay oo maalmo ka hor dhex maray ciidamada Danab ee Jowhar degan iyo booliska maamulka HirShabeelle. Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida, qeybta 27-aad G/Sare Maxamed-Amiin Aadan Cabdulle ayaa Jowhar u tegay xalinta wixii dhacay. Dagaalkaan ayaa ka soo bilowday weerar la sheegay in ciidamada booliska HirShabeelle ay ku qaadeen ciidamo ka tirsanaa Danab oo ku dhex sugnaa magaalada Jowhar. Hal askari ayaa markaas laga dilay Danab, halna dhaawac ayaa looga qabtay, laakiin Danab oo ka careysan weerarkaas ayaa maalinkii dambe jidka u gashay guddoomiyaha baarlamaanka HirShabeelle, waxaana la isku furay rasaas badan. Khasaare u badan dhaawacyo qaarkood soo gaaray masuuliyiin ka tirsan maamulka HirShabeelle ayaa ka dhashay halkaas, waxaana ka hadlay guddoomiye Luqmaan Xaaji oo dalbaday in jawaab cad uu taliska ciidanka xoogga ka bixiyo weerarkaas. Guddoomiye Maxamed-Amiin oo fagaare kula hadlay ciidanka Danab ee Jowhar ku sugan ayaa saraakiisha iyo askarta kula dardaarmay in aysan xabad dambe ku ridin cid aan cadowgooda, sida Al-Shabaab. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa kormeeray oo fagaare kula hadlay ciidamo ka tirsan kuwa maamulka HirShabeelle, isagoo yiri “Dhiigga bini’aadamka lama daadiyo, hadii aad wax saxeyso, ha sameyn qalad kale oo kaga dhigin arrinta qalad qalad ku sax,” ayuu yiri. Maalmahaan guddoomiye Maxamed-Amiin ayaa ku sugnaa Jowhar, si xal looga gaaro qalalaasihii ka dhacay magaalada iyo isku dhacyadii ciidan ee cabsida ku abuuray dadka shacabka ah. Hoos ka daawo The post Maxaa ka cusub dagaalkii Danab iyo ciidanka HirShabelle? appeared first on Caasimada Online.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Dallada ay ku midaysan yihiin siyaasiyiinta Mucaaridka ah ee Puntland ayaa ka horyimid guddi qaabilsan wada-hadalka arrimaha doorashooyinka oo uu xalay magacaabay madaxweyne Deni. War-saxaafadeed ka soo baxay dallada Mucaaridka ayaa lagu caddeeyay in ay diyaar u yihiin wada-hadal dhab ah oo ku saabsan hirgelinta doorasho hufan oo nabdoon kuna dhacda wakhtigeeda 8 Jan 2024. Mucaaridka ayaa ku tilmaamay guddiga uu magacaabay madaxweyne Deni mid lagu xagal-daacinayo dadaallada ay hormuudka u yihiin odayaasha dhaqanka SSC-khaatumo si uu u sameeyo mudda kororsi sharci-darro ah. Dallada Mucaaridka ayaa sidoo kale ku baaqay in fursad la siiyo dadaallada nabad raadinta oo ay wadaan odayaasha dhaqanka SSC si loo dejiyo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan muranka arrimaha doorashada islamarkaana aan laga hor dhicin dadaalkaasi. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran Dalladda mucaaradka Puntland waxa ay u taagantahay ilaalinta xasiloonida, midnimada, Shuruucdii lagu dhisay Dowladnimada Puntland iyo badqabka mawaadiniinta Puntland. Dalladdu waxay horay u sheegtay haddana cadeeyneysaa in ay diyaar u tahay wadahadal dhab ah oo lagu xaqiijinayo qabsoomidda doorasho hufan, nabdoon waqtigeediina ku dhacda. Hadaba, warqadii 27/11/2023 madaxweynahu soo saaray kuna magacaabay guddi wadahadal, dalladu waxay u aragtaa in ay ahayd mid is burineysa daacad-darrana ka muuqato, dhinac ka sheegaysa wadahadal dhinaca kalena ay ka muuqato rabitaankiisa mudda korarsi. Dalladdu waxay mar walba tageeraysaa guddoonkii isimadu ay horay u gaareen 01/11/2023, waxayna soo dhaweyneysaa dariiq kasta oo nabadgalyo ah, laguna gaari karo qabsoomida doorashada madaxtinimada Puntland, in ay ku dhacdo waqtigeedii dastuuriga ahaa (08.Jan.2024) si waafaqsan Dastuurka Dowladda Puntland qodabkiisa 79-aad. Dalladdu waxay soo jeedinaysaa in fursad lasiiyo dadaalada nabadeed ee ay hormuudka ka yihiin Isimada Dhaqanka SSC-khaatumo, culimada, ganacsatada, haweenka, qurbo-joogta, bulshada rayidka ah iyo beesha caalamka. Dalladu waxay shacabka Puntland ugu baaqaysaa inay u diyaar garoobaan doorasho ku dhacda wakhtigeedii 08.01.2024. = DHAMMAAD = The post Mucaaradka Puntland oo caddeeyey mowqifkooda tallaabadii uu qaaday DENI appeared first on Caasimada Online.
-
New York (Caasimada Online) – Ayada oo Soomaaliya ay ka taagan tahay xaalad bani’aadanimo oo aad u adag oo ka dhalatay fatahaadaha iyo daadadka Elnino ayaa waxaaa Qaramada Midoobay ay 5 milyan oo dollar ugu deeqday dowladda Soomaaliya. Lacagtan ayaa wax looga qabna doonaa xaaladaha bani’aadanimo ee ka dhashay fatahaadaha ku dhuftay dalka, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay. Sidoo kale waxaa ay intaasi ku dartay inay si dhow ula socoto dhibaatooyinka isa soo taraya bani’aadanimada ee ka dhashay xaaladda Elnino oo fara kulul ku haysa Soomaaliya. “Shaqaalaha bani’aadantinimada ayaa shaqeeya habeen iyo maalin si ay uga jawaabaan baahiyaha isa soo taraya, iyagoo qaadaya tillaabooyin, si ay u yareeyaan saameynta degdega ah ee El Nino iyo dhisidda adkeysiga bulshooyinka,” ayaa lagu yiri qoraalka UN-ka. Deeqdaan lacageed waxa ay kusoo aaday, yada horay 25 milyan oo dollar oo ka timid Sanduuqa Gargaarka Bani’aadannimo ee Soomaaliya iyo Sanduuqa Dhexe loogu deeqay dowladda dhexe, taas oo iyana loogu talagalay wax ka qabashada xaaladaha deg-degga ah. Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad adag, taas oo si weyn looga dareemay inta badan gobollada dalka oo ay ku dhufteen daadad iyo fatahaado is wata. Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee SoDMA ayaa horay u sheegtay in daadadka ilaa hadda ku dhinteen ku dhawaad 100 qof, kuna barakaceen in ka badan 900,000 oo qof “96 ka mid ah dhimashada, 28 ka mid ah waxay ku dhinteen dooni la dagtay iyagoo al-Shabaab ka cararayay,” ayuu yiri Guddoomiyaha SODMA. Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa horay saaxibada caalamiga ah iyo hay’adaha samafalka ka dalbatay in gargaar bani’aadanimo lala soo gaaro dadka Soomaaliyeed. The post Soomaaliya oo loogu deeqay malaayiin dollar oo cusub appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland ayaa u mahadceliyay Ciidamada Booliska Gobolka Mudug oo ka qayb qaatay wareejinta Gabar hal sano iyo bar jirta oo laga soo xaday hooyadeed. Gabadha yar oo lagu magacaabo Sihaam Cabdi Axmed oo laga soo xaday Hooyadeed Ebyan Cali Cumar Waxaana Soo Xaday Maxamed Mooryac Xasan oo hadda ku jira Gacanta Booliska. Gabadhaas oo lagu kala wareejiyay Xafiiska Guddoomiyah Gobolka oo Gabadha lagu xanaanaynayay isla Guriga Gudoomiyaha Gobolka Mudug, Faysal Sheikh Cali inta Hooyadeed aan lagu wareejin ka hor. Hooyada ayaa ka mahadcelisay in markale aya gabadheeda hesho waxaa kaloo xusid mudan ehelada ninka gabadha soo xaday oo ka qayb qaatay helitaanka Gabadhaas lasoo xaday. PUNTLAND POST The post Booliska Gobolka Mudug oo hooyadeed ku wareejiyay gabar yar oo la soo xaday appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa shalay kala wareegay dowlad goboleedka Jubbaland xaruntii uu ku lahaa magaallo xeebeedka Kismaayo gobolka Jubbada Hoose, xiili uu booqasho uu ku joogo Ra’iisul wasaare Xamza. Ujeedka ayaa ah in dib u dayactir lagu sameeyo, kadibna dib-u-howlgeliyo, si adeegyada uu biyxo Bangiga Dhexe ee dalka loo gaarsiiyo deegaannada maamulka Jubbaland. Munaasabadda wareejinta ee xarunta Bangiga Dhexe ee degmada Kismaayo waxaa goobjoog ahaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre iyo madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland oo labaduba boggaadiyay tallaabada shalay la qaaday. Waxaa sidoo kale munaasabadda goobjoog ahaa Guddoomiyaha Maamulka Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi, Wasiirro iyo masuuliyiin ka tirsan hey’adaha dowladda ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed. Xamza oo goobta ka hadlay ayaa ku tilmaamay dib-u-howlgelinta laanta Bangiga dhexe ee Kismaayo tallaabo muhiim ah oo qeyb weyn ka qaadan doonta horumarinta dhaqaalaha iyo in bulshada loo dhaweeyo adeegyada dowladda. Sidoo kale wuxuu maamulka Bangiga Dhexe ku ammaanay dib-u-howlgelinta xarumihii uu ku lahaa dalka, si adeegyada uu bixiyo loogu soo dhaweeyo bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollada, taas oo muujineysa in hey’adaha dowladdu ay soo xoogeysanayaan. Ra’iisul wasaaraha ayaa horay sidoo kale Kismaayo ku daah furay saddex mashruuc oo la xiriira xalka-waara iyo yareynta saboolnimada oo laga hirgelinayo deegaannada Jubaland iyo Koonfur Galbeed. Saddexda mashruuc ee la daah-furay oo kala ah; XALDOON, NEGAAD iyo SEPOW, ayaa looga gol-leeyahay in wax looga qabto saameynta isbeddelka cimillada ee Soomaaliya. The post Sawirro: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo maamulka Jubbaland kala wareegay… appeared first on Caasimada Online.
