-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Kismaayo ku daah furay saddex mashruuc oo la xiriira xalka-waara iyo yareynta saboolnimada oo laga hirgelinayo deegaannada dowlad goboleedyada Jubaland iyo Koonfur Galbeed, Saddexda mashruuc ee maanta la daah-furay oo kala ah; XALDOON, NEGAAD iyo SEPOW, ayaa looga golleeyahay in wax looga qabto saameynta uu isbeddelka cimilladu ku yeeshay baracayaasha ku nool Soomaaliya, La-qabsiga Isbeddelka Cimillada iyo Xalka waara ee dadka ku dhaqan Dooxada Wabiga Shabeelle ee uu saameeyay barakaca iyo xoojinta ka qeyb-qaadashada Horumarinta dhaqan-dhaqaale ee Dumarka Jubaland. Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahadceliyey hey’adaha iyo dowladaha mashaariicdani ka taageeraya Soomaaliya, isaga oo soo bandhigay xaaladda dhabta ah ee ka jirta deegaannada ay saameeyeen roobabka daadadka wata ee El-nino. Mudane Xamsa ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo barmaanijyada xalka waara u noqon kara dhibaatooyinka soo noq-noqda ee dalkeenna saameeya. Munaasabadda daah-furka mashariicda, ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanno, Wasiirro ka socday Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Danjiraha Midowga Yurub iyo masuuliyiin ka tirsan Safaaradda Jarmalka ee Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam , ayaa xarigga ka jaray dhismaha xarunta cusub ee Wasaaradda Caafimaadka dowlad-goboleedka Jubbaland oo loo dhisay qaab-casri ah. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in hirgelinta xarunta cusub wasaaradda ay ku soo aadday xilli muhiim ah oo gobolka ay ka socdaan dadaallada wax ka qabashada cudurrada ka dhasha daadadka iyo fatahaadaha biyaha ee la xariira caafimaadka Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Wasaaradaha Caafimaadka heer federaal iyo heer dowlad-goboleed in heegan ay galaan, si looga hortago cudurrada faafa ee ka dhasha biyaha wasakhaysan, isla markaana ay ka yeeshaan qorshe cad. Madaxda Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland oo uu Ra’iisul Wasaaruhu kulan la qaatay, ayaa soo bandhigay qorsheyaashooda la xiriira wax ka qabashada saameynta roobabka daadadka wata iyo adeegyada kala duwan ee ay wasaaraddu siiso bulshada ku nool deegaannada Jubbaland. Source: goobjoog.com
-
Jigjiga (Caasimada Online) – Guddoomiyaha ONLF Cabdiraxman Sheekh Mahdi Maadey ayaa markii u horreysay ka hadlay khilaafka ka dhex jira gudaha ururka ONLF. Maadey ayaa meesha ka saaray cabsida burbur uu horseedo khilaafka mudada dheer ka dhex jira gudaha ururkiisa, kaasi oo uu sheegay in uusan waxba u dhimeyn, sida uu hadalka u dhigay. “Intii halganku socday kolba qolo ayaa go’aysay oo ururka ka baxaysay, waa un qayb halganka kamid ah markaa halgamayaasha in isbaddelku ku dhaco waa un wax dabiici ah, qofku ikhtiyaarkii ayuu ururka ugu jiraa,” ayuu yiri Guddoomiye Maadey. Waxa uu intaas kusii daray “Midnimada waan jecelnahay walaalaheen naga tagay waanu jecelnahay oo waanu soo wada halganay laakiin way naga leexdeen, balse geediga halganku wuu soconayaa ONLF-na shaqsi ka tagay iyo qof dhibaateeyay waxba uma noqonayso.” Maadey ayaa sidoo kale waxa ka hadlay waxa ka hirgalay heshiiskii iyaga iyo Itoobiya, isagoo sheegay in Itoobiya ay ka dhaqan-gelisay oo keliya xabad joojinta. “Heshiiska inaga iyo Itoobiya waxay Itoobiya ka hirgalisay kaliya xabad joojinta, balse qodobadii kale oo ay kamid ahaayeen dib u dejinta ciidanka aysan waxba kama hirgalin illaa hadda,” ayuu yiri Guddoomiye Maadey. Si kastaba, ONLF ayaa waxaa muddo waxa ka dhex jira khilaaf sababay markii dambe in ururkii uu u kala qaybsamo labo dhinac, oo si siman xafiisyo ugu kala leh gudaha degaanka Soomaalida. Illaa haddana majiro wax xal ah oo laga gaarey khilaafkaasi, inkasta oo marar kala duwan la isku dayay in xal la helo haddana arrinkaas khilaafku iyo kala qaybsanaantu wali waa mid jirta, waana ka gaabsaday guddoomiye Maadey ka hadalkeeda. The post Guddoomiyaha ONLF oo ka hadlay cabsi la sheegay inay soo wajahday kadib markii… appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa shalay gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland. Xamza ayaa hal sano iyo bar kahor ka soo tagay magaalada Kismaayo, isaga oo Axmed Madoobe kasoo qaatay Xildhibaan u muuqday abaalmarinta kaalintiisi fududeynta dib usoo doorashadii Axmed Madoobe. Xamza Cabdi Barre ayaa ahaa guddoomiyihii guddiga doorashada ee maamulka Jubbaland 2019-kii, markaas oo la qabtay doorasho aan nooceeda hore loogu arag labada heer dowladeed ee Soomaaliya, iyada oo la xasuusto in guddigii doorashada uu qabaa’ilka ku yiri kursi walba 3 qof u keensada kadibna qofkii uu Axmed Madoobe qaato ayaa Xildhibaan idin ah. Inkasta oo qof walba diiwaankiisa meel ku sugayo maalinteeda, haddana booqashada Xamza ee maanta ee magaalada Kismaayo ayaa wadan wax su’aallo siyaasadeed ah oo ka imaanaya reer Jubbaland. Markii Xamza laga dhigay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, dad badan oo reer Jubbaland ah ayaa ku kala qeybsamay sida uu kaalin uga qaadan doono xal siyaasadeedka gobolkaasi kala taagna dhowrka sano. Qaar waxay qabeen in uusan wax aragti ah ka laheyn arrimaha Jubbaland ama uusan u abuurneyn dhiiranaan siyaasadeed, qaarna waxay qabeen inuu gacanta ka qaban karo Axmed Madoobe. Sanad kadib magacaabistiisi qolada hore ayaa u dhoweyd xaqiiqada oo ra’iisul wasaaruhu si weyn ayuu uga baxsaday inuu furo qadiyada Jubbaland xilli uu Axmed Madoobe si weyn ugu raftay reer Gedo, dhinaca kalena uusan waxba u hanbeynin qabaa’ilka kale ee deegaanka. Siyaasadda qeybta badbaadada mar adiga ayaa isfurta marna duruufaha ayaa ku furta. Xamza oo u dhowaa inuu magac xumo siyaasadeed ka qaado sida uu iskaga indho tiray arrimaha Jubbaland, ayaa waxa furtay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isagu dagaalka ka dhigay ajendihiisa koowaad, gadaalna iskaga dhigay arrimaha doorashooyinka ee heer maamul goboleed. Inkasta oo ay jiraan dad badan oo weli diidan inuu Axmed Madoobe iska fadhiyo meesha, haddana Xamza xitaa haddii uusan rabin inuu wax ka qabto ama uusan ka qaban karin wuxuu hadda haysta fursad uu iskaga jeedin karo dadka reer Jubbaland, taasi oo ah qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh iyo heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran. Safarka ra’iisul wasaare Xamza ee magaalada Kismaayo wuxuu kusoo aadaya iyada oo uu taagan yahay qorshe ku saabsan in la beddelo haykalka dowladnimada oo la tirtiro jiritaanka kursiga ra’iisul wasaaraha, iyada oo la qaadanayo nidaamka madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen. Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) hoggaamiyaha Jubbaland oo wax ka saxiixay heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee la gaaray 27-kii May ayay hadda wararka sheegayaan inuu cago jiid bilaabay kadib markii uu la kulmay dad badan oo siyaasiyiin ah oo ay magac guud wadaagan, kuwaasi oo diidan isbeddelka uu wado Xasan Sheekh. Ra’iisul Wasaare Xamza inkasta oo uu xafiiskiisa sheegay inuu Kismaayo u tegay u kuur-galida xaaladaha daadadka, la-dagaalanka argagixisada iyo inuu mashaariic dhagax dhigo, haddana taas waxaa ka muhiimsan in uu Axmed Madoobe dib ugu soo qanciyo inuu kaalintiisa ka qaato fulinta heshiiskii hore loo wada galay. Madaxda maamullada qaar ayaan hore idinku sheegnay inay hal ujeedo ka lahaayeen heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee bishii May, qoddobkaas oo ahaa muddo kororsigooda, balse aanay dhamaan qoddobada kale rabin inay kala shaqeeyaan madaxweyne Xasan Sheekh, taasi oo hadda u soo shaac baxeysa si tartiib ah. The post Xujo weyn oo hortaalla Ra’iisul Wasaare Xamza appeared first on Caasimada Online.
-
Addis Abeba – Members of Ethiopian Navy have been deployed to the eastern part of the country to help in preventing the damages of ongoing flooding following recent heavy rains. More than 30 people were recently killed by floodings in the #Somali regional state alone. According to Ethiopian National Defense Forces (#ENDF) the Ethiopian Navy accepted the request for the deployment of its members and deployed the forces some 1,250 kilometers away from the headquarters where they were welcomed by Ethiopian Disaster Risk Management Commission Commissioner, Amb. Shiferaw Teklemariam and Brigadier General Teshome Yimer, Commander of the Corps. During the occasion, Ambassador Shiferau said that the Ethiopian Navy members will provide the necessary support to save lives in the areas that are affected by the ongoing flooding. In his remarks about the welcome given to the team, Colonel Kebede Michael, Head of Naval Education and Training of the Ethiopian Navy, and the coordinator of the team, said that: “the general explanation given to us about the situation will allow us to clearly understand the conditions for doing our work and enable us to carry out the mission expected of us safely.” AS Source Addis Standard Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daah-furay Hiigsiga Soomaaliya ee 2060-ka. Hiigsiga 2060-ka ayaa saldhig u ah horumarinta nolasha, xoreynta iyo xasilinta, dhismaha kaabeyaashe dhaqaalaha iyo dowladnimada dalkeenna. Munaasabaddan oo ay ka soo qeyb-galeen masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda, wakiillada beesha caalamka iyo ururrada bulshada Rayidka ah ayaa lagu soo bandhigay qorsheyaasha muddaysan ee horyaalla shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, iyada oo la xaqiijiyey awoodda aan u leenahay in aan wadajir u gaarno hiigsigaas. Madaxweyne Xasan ayaa khudbad uu ka jeediyey munaasabadda waxa uu sharraxay caqabadaha soo laa-laabtay ee dib dhigay nolasha dadka Soomaaliyeed oo ay ugu horreyaan colaadaha, amni darrada, abaaraha iyo fatahaadaha isdaba jooga. Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in uu muhiim yahay hiigsigan oo isku xiraya jiilasha maanta iyo kuwa mustaqbalka. “Maanta, waxaan bilaabaynaa safar cusub, safar u horseedaya dalkeenna barwaaqo iyo horumar. Hiigsiga Qarn ee 2060-ka waxa uu muujinayaa sida ay nooga go’an tahay in aan ka gudubno caqabadaha hadda jira, annagoo aasaas adag u abuurayna jiilasha soo socda,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Hiigsiga 2060-ka ayaa ka kooban saddex qeybood oo muhiim ah, kuwaasi oo kala ah; 1.Yoolalka dhow (2023-2025): waxa uuna yoolkan ku saleysan yahay xasilloonida, dabargoynta argagixisada iyo xal u helista arrimaha banu aadannimo. 2. Yoolalka Muddada Dhexe (2025-2040): Dhismaha awoodaha hay’adaha, dib u habaynta qaab-dhismeedka dowladda iyo xaqiijinta maamul muaamul wanaagga. 3. Yoolalka Muddada Fog (2035-2060) oo xoogga saaraya horumarinta dhaqaalaha, kor u qaadidda heerka nolosha iyo isku-duubnida bulshada. The post Sawirro: Xasan Sheekh oo daah-furay Hiigsiga Somalia ee 2060 – Muxuu yahay? appeared first on Caasimada Online.
-
Murrashax Cirro oo khudbad dheer oo loo guuxay u jeediyay Taageereyaasha xisbiga Waddani London(Qaran news)-Murrashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa shaaciyay in ololihiisa doorashooyinka uu xuddunta uu ka bilaabayo ka dhigay London. Waxaanu ugu baaqay jaaliyadda iyo Taageereyaasha xisbigaas inay u diyaar garoobaan doorashada madaxtooyada ee lagu wado inay dalka ka qabsoonto 13ka November 2024ka. Murrashax Cabdiraxmaan Cirro wuxuu si qoto-dheer khudbadiisa ugaga hadlay midaynta Somaliland iyo difaaca dalka, waxana ra’yi caamka bulshadu ku sifaysay khudbad hoggaamiye oo ay ka go’an tahay horumarinta Somaliland. Waxa kaloo uu Murrashax Cirro wuxuu ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono horumarinta dalka iyo mideyntiisa, waxaanu uga xog warramay Jaaliyadda Somaliland dagaalada ka socda qaybo ka mid ah dalka, sicir bararka iyo hoos u dhaca dhaqaalaha.Murrashax Cirro oo khudbad dheer oo loo guuxay u jeediyay Taageereyaasha xisbiga Waddani London(Qaran)-Murrashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa shaaciyay in ololihiisa doorashooyinka uu xuddunta uu ka bilaabayo ka dhigay London. Waxaanu ugu baaqay jaaliyadda iyo Taageereyaasha xisbigaas inay u diyaar garoobaan doorashada madaxtooyada ee lagu wado inay dalka ka qabsoonto 13ka November 2024ka. Murrashax Cabdiraxmaan Cirro wuxuu si qoto-dheer khudbadiisa ugaga hadlay midaynta Somaliland iyo difaaca dalka, waxana ra’yi caamka bulshadu ku sifaysay khudbad hoggaamiye oo ay ka go’an tahay horumarinta Somaliland. Waxa kaloo uu Murrashax Cirro wuxuu ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono horumarinta dalka iyo mideyntiisa, waxaanu uga xog warramay Jaaliyadda Somaliland dagaalada ka socda qaybo ka mid ah dalka, sicir bararka iyo hoos u dhaca dhaqaalaha. HALKAN GUJI SI AAD U DAAWATID KHUDBADA MUSHARAX CABDIRAXMAAN IRRO Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta soo saartay xukunka Dable Boolis Cabdikaafi Nuur Yuusuf, oo isagu muwaadin u dilay muran kala dhexeeyay askari kale. Cabdikaafi ayaa loo soo xiray dil bareer ah oo u geystay marxuum Cali Cabdi Cali, falkaasi oo ka dhacay xaafadda Macalim Nuur ee degmada Dharkeenley 5-tii bishii September ee sanadkan. Muran dhex-maray marxuumka iyo Sarkaal Booliska ka tirsan ayuu eedeysanaha soo dhex-galay, waxaana xigtay dharbaaxo uu ku dhuftay marxuumka oo ku sugnaa dukaan ay hooyadii ledahay. Dhaqaaq yar kadib eedeysanaha ayaa xabad uu ka tuuray qoray AK47 ah madaxa qaaday marxuumka, oo isla goobtii ku naf baxay. Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada Qalabka sida ayaa codsaday qaadista kiiskan waxaana laga ogolaaday lix iyo tobankii bishaan. Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siyay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn ku xukumay Maanta Cabdi Kaafi Nuur Yuusuf dil toogosho taasoo ah qisaasta marxuum Cali Cabdi Cali. Waxaa sidaas warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Abdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida. The post Maxkamadda ciidamada oo ku dhowaaqday xukunka Cabdikaafi Nuur Yuusuf appeared first on Caasimada Online.
-
Qaran News
-
Mogadishu (PP News Desk) — A group of Somali MPs has today launched a caucus to “rectify governance and oppose illegal amendments to the draft constitution”. Dubbed Kutlada Toosinta (the rectification caucus”, the caucus commended the Federal Government of Somalia for its war against Al-Shabaab and made it clear “that we support the government on all its national security endeavours” to liberate territories still under Al-shabaab forces. A federal MP reading the mission statement of the Rectification Caucus in Mogadishu. (Photo credit: Dalsan TV). The caucus expressed dismay over the recent declaration from the the National Consultative Council made up of several federal member states to amend the federal constitution to limit political parties to two and change the President-PM system to President-Vice President. “We oppose any steps to amend the constitution without national consensus” said an MP who read the mission statement of the caucus at the gates of the Federal Parliament premises. Professor Afyare Elmi: “The members of the parliament and the opposition politicians have a responsibility to initiate a constructive dialogue. Silence is not an option. Change should only come after an inclusive and comprehensive debate.” Meanwhile, Professor Afyare Elmi, a political scientist at the City University in Mogadishu, cautioned against unilateral amendments to the federal constitution of Somalia. “The current government should not be allowed to hastily and arbitrarily change the country’s fragile and incomplete political settlement. It took 10 years and multiple conferences to establish the Third Republic. Shariah as the basis of legislation, Clan power-sharing, federalism, political dispensation every 4 years, and a parliamentary system are the major components of our political settlement” Professor Elmi tweeted. Last week, Puntland State of Somalia called on Somalia’s federal legislators not to lend a hand to illegal attempts to amend the federal constitution under duress. © Puntland Post, 2023. The post Somalia MPs form a caucus against illegal constitutional amendments appeared first on Puntland Post.
-
Safiirka Taiwan oo Booqday Wasaaradda Deegaanka Isbeddelka Cimilaďa. Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada jamhuuriyadda Somaliland Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee wasaaradaasi Mudane Maxamed Cabdilaahi Ducaale ayaa maanta xarunta Wasaaradda Deegaanka ku soo dhaweeyey Danjiraha Dawladda Taiwan u fadhiya jamhuuriyadda Somaliland Mr Allen iyo xubno kale. Ugu horeyn, Danjire Allen ayaa ku bogaadiyey Wasaarada Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada dedaalada ay wado ee wax lagaga qabanayo dhibaatooyinka deegaanka iyo Isbedelka Cimilada dalka Somaliland. Waxa uu si gaar ah ugu hambalyeeyey Wasiir Shugri casuumada ay ka heshay dalka Imaaraadka ee ay kaga qaybgelayso shirka COP-28 oo lagu qabanayo dalka Isu-taga Imaraadka Carabta 30 November ilaa 12 December, 2023. Danjire Allen waxa kale oo uu xusay in dalka Taiwan uu ka qayb-galayo shirkan, isla markaana iska-kaashan karaan Somaliland dedaalada Diblomasiyadeed ee labada dal. Ugu dambayntii Wasiir Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare iyo Agaasime Maxamed Cabdilaahi Ducaale oo iyaguna kulankaasi ka hadlay ayaa safiirka Taiwan iyo xubno wehelinayey uga mahadceliyey bookhashadooda ,iyagoo uga waramay dadaalada wasaaradda deegaanka Somaliland ee ilaalinta deegaanka. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay magacaabay ergey cusub, kaasi oo lagu beddelay Maxamed Cabdi Waare, madaxweynihii hore ee HirShabelle. Madaxweynaha ayaa Ergeyga Gaarka ah ee u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka u magacaabay Xildhibaan Cumar Ibraahim Xaashi, sida ku cad wareegtadan oo ay goordhaweyd baahisay Villa Somalia. Ergeyga Xasilinta iyo Ilaalinta Rayidka ayaa u xil-saaran xakameynta qasaaraha rayidka ah ee ku sugan deegaannada ay ka socdaan howl-gallada xoreynta dalka iyo Xasilintooda. April 2023 ayay aheyd markii madaxweynaha uu madaxweynihii hore ee HirShabelle Maxamed Cabdi Waare u magacaabay ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada. Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan? Khadar Maxamed Berxood: “Cabdi Waare ma lagu booday mise musuqii ayaa soo qabtay.” “Xukuumadda iyo ergada wee iska ag dhaw yihiin madaxweynaha caadi ma ahan dad wa qancis sida hore loogu socon laha,” ayuu yiri Gacal Xuseen. Maxamed Cabdirashiid Kheyre ayaa isna waxa uu yiri “Ergadii hore meel ku sheega?.” “Hambalyo Xildhibaan Cumar Xaashi Allaha kula garab-galo hawsha cusub ee lagu idmay,” ayuu yiri Axmed Ceydiid. Cabdulqadir Maxamed Tahliil: “Nin saaxiibtinimo iyo dad isku wad ku fiican inaad tahay waxaa lagu garanaa xukuumaddii inaad ka garab dhistay xukuumad kale oo wadda ergo ah.” Cali Yare Cabdi ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Shaqo waanaagsan Mudane.” “Ergay? Ma dal kale ayaa loo magacaabay? Sow dalku malahan xukuumad leh wasiiro?,” ayuu yiri Cawil Cali Xaashi. Cabdullaahi Yare Cabdi: “Waare ma danjiraa laga dhigi rabaa tolow.” “Xasan Sheekh waxa ugu wayn ee uu ilaaliya waa saaxiibtinimada hadaad saaxiibo tihiin xil ku waayi maayo meel aan jirinba intuu magac u sameeyo uu mushaar wasiirna kuu qori,” ayuu yiri Sahal Muumin. Cabdullaahi Cabdi ayaa isna waxa uu yiri “Soomaaliya Ergay gaar ah oo qof loo magacaaba ma harin, waa isku dhammaaatay. Magacaabiidda soo socota eray bixinteeda ayaa ka dhib badnaan doonta magacaabisteeda.” The post Fal-celin xooggan oo ka dhalatay tallaabadii uu shalay qaaday madaxweyne Xasan appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Aadan Kulane oo loo yaqaano (Kulane Jiis) oo kamid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya, gaar ahaan garabka mucaaradka ayaa weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo sidoo kale ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Kulane Jiis ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka ee ay hoggaamiyaan Xasan Sheekh iyo Xamza inay ka gaabisay xaaladaha adag ee ka dhashay fatahaadaha ku dhuftay dalka. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in u gurmashada dadka ay uga mashquuleen arrimo siyaasadeed, sida wax ka beddalka dastuurka, sida uu hadalka u dhigay. “Dowladii laga rabay gargaarka, guddiyo iyo abaabulka ganacsatada inay maanta siyaasad lasoo aadeyso baarlamaanka oo ay ka hadleyso in dastuurka la beddalo oo ay ka hadleyso in nidaamka dowladda la beddalo” ayuu yiri xildhibaan Cabdullaahi Aadan Kulane (Jiis). Waxaa oo kale oo uu yiri “Dadkii oo biyaha dhex jiifa in siyaasad lagu kor furo oo madaxweynihii kaambeyn xildhibaanu ugu yeerto oo uu yiraahdo dastuurka hala beddalo nama qabato”. Xildhibaanka oo sii hadlaya ayaa sidoo kale duray booqashada uu ra’iisul wasaaraha ku tegay Jubbaland, wuxuuna sheegay in dadkaas aysan u baahneyn igu sawir ee ay u baahan yahay ficil iyo in la gaarsiiyo kaalmo bani’aadanimo oo deg-deg ah. “Deegaankaas igu sawir uma baahna, uma baahna hadal, wuxuu u baahan yahay ficil dhab ah” ayuu mar kale yiri Xildhibaanku. Hadalkan ayaa Xildhibaan Cabdullaahi Aadan Kulane waxa uu ka sheegay Kudlad la magac baxday Toosin Qaran oo maanta xildhibaanada mucaaradka ah uga dhawaaqeen Muqdisho. Kudladan ayaa ka shaqeyn doono la xisaabtanka hay’adaha kala duwan ee dowladda dhexe iyo ilaalinta dastuurka, sida ay shaaciyeen xildhibaanada dhisay. “Ujeedada guud ee Kudlada waa metalaadda shacabka Soomaaliyeed, isla xisaabtanka iyo kor-joogteynta hay’adaha dowladda, dajinta iyo ilaalinta shuruucda dalka” ayay yiraahdeen. The post Kulane Jiis oo weerar ku qaaday Xasan Sheekh iyo Xamza + Video appeared first on Caasimada Online.
-
Police arrested seven suspects over terror claims in an operation in the Hawinga area within Alego-Usonga in Siaya County. Source: Hiiraan Online
-
Nairob (Caasimada Online) – Jabriil Ibraahim Cabdulle oo uu dhawaan madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya,u magacaabay inuu noqdo safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xilkaas culus ee loo dhiibay. Danjiraha cusub ayaa marka hore u mahadceliyay madaxweyne Xasan, maadaama uu igmaday shaqo qaran oo weyn, isaga oo ballan qaaday inuu gudan waajibaadkiisa. Jabriil Ibraahim ayaa sidoo kale ka hadlay xiriirka labada waddan ee Soomaaliya iyo Kenya, isaga oo soo hadal qaaday mad-madowgii soo kala dhexgalay 5 sano ee lasoo dhaafay. “Muhiimadda ugu weyn waxaa waayay xiriirka labada dal wuxuu kusoo aadayaa, ayada oo 5-tii sanno ay u dambeysay uu iska xumaa, sabab badan oo aad la socotaan” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in madaxweynuhu siiyay awood dheeraad ah, taas oo uu ku macneeyay igmasho aan caadi aheyn oo aysan helin safiiradii isaga ka horreeyay. Danjiraha cusub ayaa sidoo kale sheegay inuu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka labada waddan oo hadda meel wanaagsan jooga, uuna sii hormarin doono. “Aniga waxaa layga rabaa inaan isku toltolo, waxaan aad ugu mahad-celinayaa madaxweynaha oo toos madaxweynaha kale ugala hadlay mas’uuliyaddan, igmasho aan caadi ahayn siiyay oo dhahay awoodeyda uu haystaa oo 100% in howlaha looga baahan yahay qabto” ayuu mar kale yiri safiirka cusub ee dowladda Soomaaliye ee dalka Kenya. Waxaa kale oo uu yiri “Waxaa muuqda in xiriirka labada dal uu hadda Speed ku socdo anne waxaa la’ii yiri dhinacyada ka gal baasha haynteeda iyo shaqeynteeda”. Magacaabistan ayaa imaaneysa, kadib markii Danjire Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) uu soo afmeeray shaqadii diblomaasiyadeed ee Kenya ee uu ahaa safiirkii Soomaaliya u fadhiya dalkaasi muddo shan sano ah. Si kastaba, Jabiriil ayaa ku lug lahaa nabad dhiska iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya, isaga oo madax ka ahaa hay’adda CRD oo shaqooyin wanaagsan kasoo qabatay Soomaaliya, sidoo kale waxa uu horay isugu soo sharraxay xilka madaxtinimo ee dalka. The post Xog: Jabriil oo la siiyay awood aan la siin safiiradii hore ee Soomaaliya ee KENYA appeared first on Caasimada Online.
-
Dadka Soomaaliyeed waxay isugu sheekeeyaan inay yihiin dad caqli badan, anigu nafteyda waan rumeysanahay arrinkaas, waxaana filayaa inuu yahay hadal dhab ah oo jira, hasa yeeshee mararka qaarkood ay ka xoog badantahay Qar Iska Xoornimmada qofka Soomaaliga ah!…Waxaa kaloo caqli badnaantaas mararka qaarkood qariya rabitaanka qofka oo gaara heer uusan wax kale arkeyn wixii uu rabay mooyee, waana meesha ay maahmaahda Soomaaliyeed ka tiraahdo Nimeey Meeli U Caddahay Meeli Ka Madow! Marka laga hadlayo dimuqraadiyadda iyo inay dadka ama shacabka ay awoodda leeyihiin dowladnimmaduna iyagu tahay, ma aha in sidii taas loo gaari lahaa loo maro Burbur, iyo DHiigga shacabka oo daata! Balse aan is weyddiinee haddii magaallada Garowe dagaal ka dhaco, oo sidii horay u dhacdayba shacabka lagu laayo, oo la qaxo oo burbur uu dhaco, oo sidaas lagu gaaro doorasho Qof iyo Cod ah ma waxay ka dhigantahay guul iyo horumar la gaaray?!….Madaxweyne Deni wali talada gacantiiseey ku jirtaa, xalkuna ma noqdo mana aha Anigaa Gar Leh ama waa layga gardanyahay, Marka?!….. Puntland doorasho qof iyo cod ah waxyaabo ka mudan bay baahi u qabtaa, dhankii laga eegaba, sida hadda muuqatana doorasho qof iyo cod ah xataa haddii la jeclaa xaqiiqada taal ee ah in la baro-kaco oo la burburo, oo lays dilo, laguma bedelan karo si loo gaaro doorasho qof iyo cod ah!…Sida ay sheegayaan xogaha natiijadii labadii dagaal ee Boosaaso iyo Garowe ka dhacay waxaa ku dhintay ilaa sagaashameeyo qof oo isugu jira dad shacab ah iyo dhinacyadii dagaalamayay! Dagaalladaas dekedda Seylac laguma difaaceyn! Waxaa la sheegaa oo waliba aan anigu rumeysnahay in Xasan SHiikh Maxamuud uu xoolo ku bixinayo inuu dagaalkaas qarxo, laakiin maamulka Puntland iyo qolyaha ay is hayaan dhibaatada aad geysataan Xasan SHiikh looma qabsan doono, lagumana baneeysan karo in dadka iyo dalka dagaal la geliyo, waxaana dhinnacyada is haya ay tahay inay maanka ku hayaan Xasan SHiikh Maxamuud inuusan ahayn qof ay eeddu qabato ama ay damqeyso dhibaatada dadka Soomaaliyeed!. Guud ahaan xaaladda Puntland ayaa lagu macneyn karaa colaad ay lama huraan tahay inay xabbadu qaraxdu marka la eego sida dhinacyadu u dhaqmayaan, hasa yeeshee wax kasta oo dhaca haddii ay wanaag ku dhammaadaan iyo haddii ay xummaan ku dhammaadaan waxaa dusha u ridanaya waa dowladda, waayo mas’uuliyadda ugu weyn ee dowladda saaran waa ilaalinta amniga iyo nabad gelyada dad-weynaha ama dadka shacabka ah, cidda la rabo khatarta markaas taagan inay shacabka si nabad ah uga gudbiso waa dowladda! Mana jirto arrin intaas ka weyn oo dowladda uga muhiimsanaan karta ammaanka nafta iyo hantida dad-weynaha, taasi macnaheeda ma aha in dhinaca kale uusan xil ka saarneyn amniga shacabka, iyadoo waliba mar kasta ay iyagu yihiin dhinaca lagu eedeynayo kuwa bilaabaya dagaalka. Waxaa iyagana aan kaalintii laga rabay ka soo bixin murashaxiinta kale, xisbiyada, iyo siyaasiyiin magac ku leh gobolka, oo aan innaba ha yaraatee wax xil ah iska saarin nabadeynta iyo wax ka qabashada xiisadda colaadeed ee dul hoganeysa Puntland. Waxyaabaha dhaqanka siyaasadda ku cusub waxaa ka mid ah in labada dhinac ay si cad oo bareer ah isugu hub urursanayaan iyagoo aan mar keliya midkoodna midka kale talo iyo wada hadal ku dayin!… waxaa taas ka daran labada dhinac inaysan midna ka muuqan wax dhiilo ah oo uu ka qabo dhibaatada ay wajahayaan dadka shacabka ah iyo qaxa iyo bara kaca ka socda magaallada Garowe! Arrintaas waa astaan aad u xun oo wallaaceeda leh, waana astaan loo baahanyahay inay shacabka arkaan ayna fahmaan xil-kasnimo darrada jirta baaxadda ay leedahay! Arrintan ayaa waxaa ay si gaar ah ceeb ugu tahay madaxda maamulka iyo hay’adaha amniga Puntland oo aan iyagu haba yaraatee dad-weynaha aan wax xog ah ama diginiin ah ka siinin khatarta jirta inta ay la egtahay iyo talooyin la xiriira ammaankooda, waxaana labada dhinac ka muuqanaysa mas’uuliyad daro, xil-kasnimo yari, iyo inaysan wax dan ah labadaba ka lahayn dhibaato kasta oo shacabka soo gaarta. Waxaa iyadana xusid mudan, in aamusnaanta iyo is dhego tirka maamulka Puntland ay ka dhalatay xiisad shacabkii dhexdiisa ka aloosantay, maadaama ay dad shacab ah oo aan xil kas ahayn ay noqotay in mid kasta sidii uu jeclaa dad-weynaha wax ugu sheego ama uu talo u siiyo, iyadoo qaarkood ay leeyihiin ha la qaxo! Kuwa kale ay leeyihiin wax baan dilaynaa!…intaas oo dhanna aysan maamulka waxba u sheegin shacabka jahadii laga wareeriyay, waxayna ku wanaagsanaan lahayd in arrimaha la xiriira ammaankooda iyo badbaadada si maalinle ah loogu war geliyo ama talo looga siiyo…DHanka kalana, waxaa shacabka naftiisa waajib ku ah inay diyaarsadaan waxyaabaha gargaarka degdegga ah, iyo inay hay’adaha caafimaadka ay diyaariyaan xarumo ku baahsan magaallada oo loogu talo galay in meel kasta oo magaallada ka mid ah si dhaqso ah oo fudud loo gaarsiiyo gargaarka degdegga marka loo baahdo. Golaha SHacabka ee dowlad goboleedka Puntland ayaa isagana u muuqda inuusan kaalintiisii qaadan, iyadoo dhinaca kalana uu shaki weyn ka dhashay cabashada ay soo jeediyeen guddigii xildhibaannada ahaa ee loo xil saaray xeerkii doorashooyinka, kuwaasoo siday sheegeen xeerkii ay soo diyaariyeen inta la tuuray iyaga oo aan waxba loo sheegin la yiri kalsoonidii waa lagala noqday, middaa oo iyada laf ahaanteeda abuuri karta tuhun iyo madmadow hor leh, waxaana guddigaas oo ka koobnaa 11 xubnood, oo guddoomiye uu u ahaa Saadiq Garaad Abshir ay sheegeen inay sameynta xeerka ku saleeyeen baaritaan iyo talooyin ay ka soo ururiyeen qaybaha kala duwan ee dadka Puntland, waxay kaloo si faahfaahsan u bayaamiyeen in talo soo jeedintoodii uu guddoonka qariyay, middaas oo iyadana ah arrin kor u qaadeysa ama xoojineysa in wax ka jiraan cabashooyinka ay qabaan guud ahaan mucaaradka. Si kastaba ha ahaatee, Puntland waxaa hor yaala arrin, runtii, sida ay xal uga gaarto uu noqon doono midka salka u noqon doona aayaha iyo mustaqbalka Puntland, uma jeedno inaan xal waafi ah la gaari kareyn, mana aha inaysan Puntland lahayn kartidii ay kaga gudbi lahayd khilaafka, waxaana madaxdeeda iyo siyaasiyiinteeda dhaqan u ahaa inay qiimeeyaan xaaladaha uu guud ahaan dalka ku suganyahay iyo in dhibaatooyinka jiraa looga gudbo midnimmo iyo wada jir. Waxaa iyadana in maanka lagu hayo ay tahay in dhibaatada Puntland ku dhacda ay run ahaantii dib u dhac weyn ku tahay guud ahaan dalka, isla markaasna ay ka dhalan karaan dhibaatooyin soo gaara qaybo kale oo ka mid ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya aan guurno Geeddi Caano Leh Hasa Yeeshee Yuusan Inoo DHalin Haamo DHiig Ah!…. The post Geeddi Caano Leh yuusan inoo dhalin Haamo DHiig ah! appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada Golaha Shacabka, isla markaana u badan xubnaha mucaaradka ayaa maanta Kudlad la magac baxday Toosin Qaran uga dhawaaqday magaalada Muqdisho ee caasimada dalkeenna Soomaaliya. Xildhibaannadan oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka warbixiyay ujeedkooda iyo sidoo kale Kudlada ay maanta ku dhawaaqeen, taas oo kusoo aaday xilli xasaasi ah. Khaliif Cabdi Cumar oo kamid ah xildhibaanadaas ayaa akhriyay warsaxaafadeed ay soo saartay Kudlada, isaga oo sheegay inay u taagan tahay ilaalinta dastuurka dalka. “Annagoo ah xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee JFS waxaan halkan kaga dhawaaqeynaa magaca Kudlada Toosin Qaran, magacaas oo u taagan ilaalita dastuurka iyo xeer hoosaadka Golaha Shacabka” ayuu yiri Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar. Xildhibaanka ayaa tilmaamay in sidoo kale Kudladan ay meteleyso guud ahaan shacabka Soomaaliya, loona dhisay la xisaabtanka hay’adaha kala duwan ee dowladda dhexe. “Ujeedada guud ee Kudlada waa metalaadda shacabka Soomaaliyeed, isla xisaabtanka iyo kor-joogteynta hay’adaha dowladda, dajinta iyo ilaalinta shuruucda dalka” ayuu yiri. Sidoo kale xildhibaannadan ayaa kasoo horjeestay qodobadii kasoo baxay shirarkii u dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaranka iyo wax ka beddalka dastuurka Soomaaliya. “Kudladan waxay walaac ka muujineysaa qodobadii kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaran ee aan loo dhammeyn, kuwaas oo qaarkood ah ay ahaayeen kuwa ka hor imaanayo dastuurka iyo heheshiiyadii ay Soomaali wax ku dhisatay” ayaa la sii raaciyay qoraalka. Waxaa kale oo lagu yiri “Waxaan soo jeedineynaa in wax ka beddalka dastuurka uusan ahayn wax koox gaar ah ay go’aan ka gaari karaan maadaama uu yahay heshiis siyaasadeed”. Ugu dambeyn xildhibaannada ku dhawaaqday Kudlada cusub ayaa ka hadlay fatahaadaha iyo dagaalka Al-Shabaab, waxayna farriin u direen xukuumadda federaalka Soomaaliya. “Waxaan fareynaa xukuumadda in shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan fatahaadaha ay gurmad deg-deg ah gaarsiiyaan” ayaa lagu soo gabagabeeyay. The post Xildhibaanada mucaaradka oo Kudlad cusub maanta uga dhawaaqay Muqdisho, kana horyimid… appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa xarigga ka jaray dhismaha xarunta cusub ee Wasaaradda Caafimaadka dowlad-goboleedka Jubbaland oo loo dhisay qaab-casri ah. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in hirgelinta xarunta cusub wasaaradda ay ku soo aadday xilli muhiim ah oo gobolka ay ka socdaan dadaallada wax ka qabashada cudurrada ka dhasha daadadka iyo fatahaadaha biyaha ee la xariira caafimaadka Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Wasaaradaha Caafimaadka heer federaal iyo heer dowlad-goboleed in heegan ay galaan, si looga hortago cudurrada faafa ee ka dhasha biyaha wasakhaysan, isla markaana ay ka yeeshaan qorshe cad. Madaxda Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland oo uu Ra’iisul Wasaaruhu kulan la qaatay, ayaa soo bandhigay qorsheyaashooda la xiriira wax ka qabashada saameynta roobabka daadadka wata iyo adeegyada kala duwan ee ay wasaaraddu siiso bulshada ku nool deegaannada Jubbaland. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Xamsa oo xariga ka jaray xarunta cusub wasaaradda Caafimaadka Jubaland appeared first on Puntland Post.
-
Urur u dooda xuquuqda Muslimiinta Mareykanka ayaa abaal-marin lacageed oo dhan $10,000 ku bixinaya ciddii keenta xog ku saabsan nin toogasho la beegsaday saddex arday oo Falastiiniyiin ah. Golaha Xidhiidhka Mareykanka iyo Islaamka ee CAIR ayaa sidoo kale ku boorriyay mas’uuliyiinta inay baadhaan “ujeedda” ka dambeysay toogashada, iyagoo tixraacaya “kor u kac aan hore loo arag oo nacaybka iyo rabshadaha ka dhanka ah Muslimiinta si gaar ah Falastiiniyiinta”. Hisham Awartani, Tahseen Ahmed iyo Kinnan Abdalhamid ayaa nin ku toogtay meel u dhow Jaamacadda Vermont Campus xilli ay u socdeen casho, sida ay sheegeen booliiska Burlington. Taliyaha booliiska Burlington Jon Mura ayaa sheegay in laba ka mid ah dhibanayaasha ay xaaladdoodu wanaagsan tahay; Midka saddexaadna waxaa soo gaadhay dhaawacyo aad daran. Booliska ayaa baadigoobaya hadda ninka weerarka lagu tuhmayo. Source
