Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo haatan ku sugan magaalada xeebeedka Kismaayo ee xarunya kMG ka ah ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah, isaga oo sidoo kale su’aallo uga jawaabay bulshada ku dhaqan magaaladaasi, kadib kulan uu la yeeshay. Xamza ayaa arrimaha wax laga weydiiyay waxaa kamid ah xiriirka isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh iyo haddii uu xaqiijin karo inay isla dhameysan doonaan muddo xileedkooda. Ra’isul wasaaraha ayaa si daah-furay uga jawaabay su’aashaasi, wuxuuna sheegay in kaliya uu xaqiijin karo inay sii jiri doonto saaxibtinimadooda oo soo bilaabatay kahor kursiga, balse aanu hubin in ay sii wada joogayaan xafiiska inta uga hartay waqtigooda. “Mustaqbalka Ilaaahey SWT ayaa og oo garanaayo waxa dhacayo, laakiin hal uun-baan u hubaa saaxibtinimadeenu way jiraysaa, haddii aan kursiga ku kala tegno xitaa waan sii ahaaneynaa saaxibo” ayuu uga jawaabay su’aashan ra’iisul wasaare Xamza Cabdii Barre. Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Aniga taan hubo inay jirayso waa tan saaxibtinimada, laakiin kursiga ma ogi”. Waxaa kale oo uu ka hadlay saaxibtinimadooda iyo halka ay kasoo bilaabatay, maadaama ay soo wada shaqeeyeen kahor siyaasadda iyo hadda oo ay yihiin madaxda sare ee dalka. “Horay madaxweyne Xasan Sheekh iskuma baranin kursiga, kahor ayaan saaxibo ahayn siyaasadda inaan isla soo galno ayaan saaxibo ku ahayn” ayuu mar kale yiri Xamza. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, xilli xasaasi ah, isla markaana la hadal haayo dood weyn oo ka dhalatay wax ka beddalka dastuurka KMG ka ah ee Soomaaliya, ayada oo la doonayo in meesha laga saaro xilka ra’iisul wasaaraha, loona guuro nidaam cusub oo madaxweyne iyo madaxweyn ku xigeen ay markii ugu horreysay yeelaneyso Soomaaliya. Si kastaba, inta badan waxaa dhacda inay is qabtaan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, taas oo keenta in ugu dambeyn meesha laga saaro wasiirka koowaad, sida horay u dhacday marka leego muddo xileedkii hore ee Xasan Sheekh iyo tii Farmaajo. The post Xamza oo ka Jawaabay “ma hubtaa in Xasan Sheekh aad isla dhamaysanaysaan” + Video appeared first on Caasimada Online.
  2. Beledweyne (HOL) - Hundreds of families in Hiiraan region's Jalalaqsi district have begun evacuating their homes following the flooding of the Shabelle River in the district's neighbourhoods on Wednesday, according to residents. Source: Hiiraan Online
  3. Delegates from nearly 200 countries will convene this week for the COP28 climate summit in Dubai, where conference host and OPEC member the UAE hopes to sell the vision of a low-carbon future that includes, not shuns, fossil fuels. Source: Hiiraan Online
  4. Mogadishu (HOL) - The Somali Civil Aviation Authority has refuted claims of a plane crash near Merca town in the Lower Shabelle region on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  5. American and British officials issued warnings to ships operating in regions ranging from the Indian Ocean to the Gulf of Aden in response to the recent series of incidents and reports of increased activity in the region. Already known as an area of increased risk for merchant shipping, several lines have acknowledged recent changes in their operations due to the increased activity as well as the threats due to the Israeli war against Hamas. Source: Hiiraan Online
  6. Save the Children unveiled a distressing analysis Wednesday that indicates extreme weather events in 2022 propelled more than 27 million children into hunger and malnutrition across countries heavily affected by the climate crisis. Source: Hiiraan Online
  7. Estonia has raised concerns about the alleged manipulation of immigration by Russia along Europe’s eastern borders, pointing to an increase in asylum seekers attempting to enter Estonian and Finnish territories. Source: Hiiraan Online
  8. Nairobi (Caasimada Online) – Shirkadda diyaaradaha Kenya ee Kenya Airways ayaa ka laabatay qoraal muran badan dhaliyey oo ku saabsan dib u bilaabidda duulimaadyada Muqdisho iyo Nairobi. Qoraal kaas ayey Kenya ku sheegtay inay duulimaadyada Muqdisho-Nairobi dib u billaabeyso 14-ka Febraayo 2024, balse qiimaha ticket-ka uu yahay $1050, taasi oo hadal hayn badan ka abuurtay baraha bulshada. Qoraalkaas ayey hadda ka laabatay shirkadda, waxaana qoraal cusub oo ay soo dhigtay barteeda twitter-ka ay ku sheegtay in qiimaha duulimaadka uu ka billaabanayo $420. “Waanu idin dhegaysanay, waanu idin daryeeleynaa. Laga billaabo 14-ka Febraayo 2024, uga duula Nairobi-Muqdisho, saddex mar todobaadkii si aan kala joogsi lahayn Kenya Airways, Isniin, Arbaco iyo Sabti kasta. Ku raaxayso qiimaha gaarka ah ee ticket-ka ka billaabanayo oo ah $420. Hadda gooso,” ayey shirkadda ku tiri qoraal ay soo dhigtay twitter-ka. Dib u billaabidda ayaa imaneysa kadib markii duulimaadyada la hakiyey bishii August ee 2020, sababo la xiriira cudurka Coronavirus. Madaxa dhanka ganacsiga iyo macaamiisha ee Kenya Airways Julius Thairu ayaa sheegay in tallabadani ay daba socoto ganacsiga sii kordhaya iyo tirada sii kordheysa ee isu socodka hawada ee Kenya iyo Soomaaliya. “Waxaan aad ugu hanweynahay in aan dib u yagleeli karno isku xirka Muqdisho iyo Nairobi iyada oo ay sahleyso KQ. Diyaaradda Kenya Airways waxaa ka go’an inay macaamiisheena siiso adeeg tayo sare leh, si aan uga wada shaqayno sidii aan u kobcin lahayn ganacsiga iyo maalgashiga si loo helo kobac joogto ah.” Dib-u-soo-celinta duullimaadyada Muqdisho waa qayb ka mid ah istaraatiijiyadda ballaarinta shabakadda Kenya Airways iyo ballan-qaadka looga gol leeyahay horumarinta isku xirka qaaradda Afrika si ay shirkadda gacan uga geysato horumarka dhaqaale ee mustaqbalka fog. Ku dhawaaqista ayaa ku soo beegantay saddex bil kadib markii Kenya iyo Soomaaliya ay kala saxiixdeen heshiis laba geesood ah oo dhinaca duulimaadka ah, taasi oo xoojin u ah shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways oo dadaal ugu jirtay in ay duullimaadyo ka bilowdo Soomaaliya. The post Kenya Airways oo ka laabatay arrintii muranka dhalisay ee duulimaadyada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  9. The death toll from heavy rains and floods in Somalia has risen to 101 with 1 million people displaced and 1.5 million affected nationwide, Somali President Hassan Sheikh Mohamud said late Wednesday. Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Maalmo kahor ganacsatada magaalada Muqdisho ayaa lagu amray in ay goobohooda ganacsi ku xiraan kaamiradaha muuqaallada duuba ee loo yaqaanno CCTV, iyadoo dowladdu ay sheegtay in loogagol leeyahay sababo ami. Muddadii loo qabtay ganacsatada in ay ku xiraan muuqaal duubayaasha ayaa soo idlaatay, iyadoo haatan albaabada la’isugu dhuftay dukaamo badan oo ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Ganacsatada ayaa ku doodaya in ay noqdeen dherigii labada dhinac ka gubtay, iyadoo dhinaca kale Al-shabaab ay soo saareen awaamiir ay ganacsatada uga digayaan in ay meheradahooda ku xiraan kaameradaha ay dowladdu amartay. Waxaa soo baxayay warar sheegaya in qaraxyo lagu xiray goobo gancsi oo kaamerado lagu xiray iyo kuwo la qarxiyay intaba. Mid kamida ganacsatada oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in ay saameyn weyn ku yeelatay amarrada kala duwan ee loo adeegsanayo ganacsatada iyo in ay meel dhexe ku dhumaan. “Muddo laga joogo toddobaad ayaa nalagu amray in aan kaamiradu ku xirno goobeheenna ganacsi, anagana wey suura geli weyday, waxaana noo timid qolo noo sheegtay in ay yihiin nabad sugid,” ayuu yiri nin kamid ah ganacsatada. Wuxuu sheegay ganacsadahaan in nabad sugidda Soomaaliya ay ku amartay milkiilayaasha dukaamada in ay xirtaan kaamirooyinka CCTV, amaba ay la kulmi doonaan ganaaxyo culus. Arrintaan ayay sheegeen in ay saameyn ku yeelatay ganacsiooda maadaama la gaaray waqti uu sheegay in loo qabtay si ay amarka u fuliyaan. Dowladda Soomaaliya ayaa sababo amni ku macneysay amarka dul yaalla ganacsatada, hase yeeshee ganacsatadu waxa ay qabaan aragti taas kaduwan. “Annagu ma diiddanin in aan kaameradaha xiranno, hase yeeshee sababo amni ayeysan noogu suura geli karin culeysyo kale ayaa jira, amniga waddankana waan iska ognahay xaaladdiisa, qolana in ay ku tiraahdo kaamerado xir qolana ay diidaan waa mid annaga dhib nagu ah”. Mar aan weydiinnay in ay jiraan digniino kaga yimid dhinaca Al-shabaab ayuu yiri, “Inta aan kawar qabo majirto digniin shaqsiyan noosoo gaartay marka lagasoo tago tan dowladda, laakiin waxaa jira warar badan oo baraha bulshada la’isla dhex marayo cabsina nagu abuuri kara”. Macaamiisha dukaamadooda ayey sheegeen in u baahanyihiin dukaameysi, isla markaana ay lasoo xiriirayaan, waxaase ay sheegeen in aysan awoodi karaan in dukamaada ay furaan si ay wax u iibiyaan. “Dowladda waxa aan leenahay haddii aad rabtaan in aad amaan sugtaan kameradihiinna ku xirta tabeellooyinka ku yaalla magaalada, cadaadiska iyo cabsi gelinta hanaga daayaan”, ayuu yiri ganacsadahau ku daray hadalkiisa. Waxa uu sheegay in ay joojinayaan dhamaan ganacsiga haddii uu khatar ku yahay naftooda isla markaana ay reerohooda biilka uga raadin doonaan meelo kale, haddii dowladdu aysan si wax ku ool ah war ugasoo saarin aarrintan. Dhinaca kale war qoraal ah oo kaso baxay ururka Al-shabaab ayaa lagu sheegay in aysan raali ka ahayn in ganacsatadu kaamirooyin ku xiraan meharadahooda. Dhinaca kale xiriir aan la sameynay afhayeenka taliska booliska ee Soomaaliya ayuu noo sheegay in arrintan aysan qoseynin booliska balse ay tahay amar kasoo baxay ciidamada nabad sugidda. Xiriir kale oo aan la sameynay saraakiil katirsan nabad suggida Soomaaliya ayey iyaguna ka gaabsadeen in ay ka jawaabaan cabashada ganacsatada. Balse waxay sheegeen in arrintaan ay u sameynayaan hagaajinta amniga darteed. Dawladda Soomaaliya ayaa xilliyo hore isku dayday inay kaamirooyinka CCTV ku xirto qaar kamid ah waddoyinka Muqdisho, balse al Shabaab ayaa ku qaaday weeraro iyaga oo qaraxyo ku rakibayay tabeelayaal qaas ah oo loo muday kaamirooyinka. Dawladda ayaa wadda dagaal ka dhan ah al Shabaab kaas oo ay uu madaxweyne Xassan Sheekh ku sheegay inuu doonayo inuu u cirib tiro ururka. Isha: BBC The post Amaro kasoo kala baxay dowladda iyo Al-Shabaab oo jahwareer ka abuuray Xamar appeared first on Caasimada Online.
  11. Nairobi (Caasimada Online) – Shirweynaha Beesha East Burco Clan ee degta bariga gobalka Togdheer ee Somaliland ayaa kusoo gebo-gaboobay magaalada Burco. War-Murtiyeed laga akhriyay dhamaadka Shirka isla markaana nuqul kamid ah lala wadaagay Warbaahinta ayaa lagu sheegay in beeshaasi aanay duulaan ku ahayn SSC-Khaatumo isla markaana ay difaacan doonaan deegaanadooda. Go’aamada shirka ayaa sidoo kale kujira qodob sheegaya in Beeshaasi Aqoon-san tahay Qarannimada Somaliland iyo Xuduudaheeda taasi oo lagu tilmaamay halka uu ka dhutinayo baaqoodu. Horey Isimada SSC-Khaatumo ayaa dhawrkii bilood ee lasoo dhaafay dhawr mar Baaqyo Nabadeed u jeedisay Beeshaasi balse wax jawaab ah dhankooda lagama hayn tan iyo inta colaaduhu aanay ku fidin reer miyi’ga. Dagaaladii ka dhacay Buq-Dharkayn ayaa laga digayaa in ay ku faafaan dhulka Miyi’ga kuwaasi oo Dabo-dheeraan kara hadii aan xal waara laga gaarin. Hogaamiyaha Somaliland, Muuse Biixi iyo Gudoomiyaha Guurtida, Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa horey siyaasiyiinta Somaliland iyo Dhaqankuba ugu eedeeyeen in uu hurinayo colaad u gudubta reer guuraaga. The post Beesha HABAR-JECLO oo go’aan cusub ka qaadatay dagaalka lagula jiro Khatumo appeared first on Caasimada Online.
  12. Xoghayeyaasha WADDANI oo Kulan la Yeeshay Ardayda Dugsiga Rayaan ee Degmada Axmed Dhagax Hargeysa(Qaran news)-Xoghayaha dhallinyarada iyo ciyaaraha Xisbiga WADDANI Yuusuf Nuux Yuusuf tadhase, xoghayaha arrimaha bulshada Maxamed Sidiiq Dhamme iyo guddoomiye kuxigeenka garabka dhallinyarada gobolka Maroodijeex Taqayadiin Maxamed Jaamac ayaa galabta kulan la qaatay ardayda dugsiga hoose ee Al Rayaan ee degmada Axmed Dhagax. Maamulka dugsiga ayaa masuuliyiinta ku casuumay kulan todobaad leh waxaanay madaxdu ardayda u jeedisay hadallo dhiirigelin iyo dardaaran ah oo ku aaddan ahmiyadda ay aqoontu leedahay waxaanay ku boorriyeen in ay ku dadaalan waxbarashada. Qaran News
  13. Shirkii Daneeyeyaasha Carruurta oo lagu Qabtay Hargeysa Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda JSL Md Saleebaan Warsame Guuleed ayaa maanta furay shirkii bilaha ahaa ee daneeyayaasha bahda caddaaladda caruurta (Justice for children thematic work group) Ujeedada Shirka ayaa ahayd in lasoo bandhigo xogtii laga soo uruuriyey saldhigyadda booliska iyo Xabsiyadda Dalka. Sidookale Waxa Lagu Falanqeeyey xogtii laga soo uruuriyey xabsiyadda iyo saldhigyadda ee jamhuuriyadda somaliland. Shirkan oo ay bil walba qabato wasaaradda caddaaladda JSL ayaa diradda lagu saraa sidii loo yarayn lahaa danbiyadda ay galaan caruurta sharciga khilaafta isla markaana xadhigood loogu badali lahaa xarumo dhagan celineed oo wax lagu baro si loo helo caruur bad-qabta. Waxana Kulankaa Kasoo Qaybgalay Xubno ka socday Wasaarada Arimaha Gudaha, Maxkamada Sare, Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Wasaaradda Ciyaaraha, Booliska, Clidanka Asluubta, Xeer ilaalinta, MESAF, HAVAYOCO ,UNICEF , UNSOM, BAAHI-KOOB, KOMISHANKA XUQUUQUL INSAANKA, AWDO, S.Y. PEER & Gudida Xaafadaha, Badiba Gudida Xaafadaha Caasimada Hargaisa & Social Workers. Qaran News
  14. Wasiir Siciid Sulub oo Dhagax Dhigay Dhismeyaal Cusub Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta reer miyiga Siciid Sulub Maxamed ayaa dhagax dhigay Dhismaha Mashruuca Barwaaqo ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga, Markaana Ay dhisaysay shirkadda dhismaha Al karaama Constraction & Constract Company. munaasibadda lagu dhagax dhigayey Mashruuca waxa goob joog ahaa Agaasimaha guud ee wasaaradda, madaxda Mashruuca Barwaaqo iyo Qaar ka mida Agaasime waaxedyada Wasaaradda. Ugu horayn Waxaa Madasha ka hadlay Ibraahin Cumar Cismaan Cabdiqaadir Maxamed Guuleed oo ka socday Mashruuca Barwaaqo kanna waramay dhismayaasha la dhagax dhigayo iyo faa’iidada Mashruuca Barwaaqo oo qaranka waxtar u leh iyo dadka ka faa’iidaysanaya Mashruuca Axmed Maxamuud Cismaaan oo ka socday ayaa ballan qaday inay hirgalin doonan dhisme tayo leh kunna dhamayn doonan wakhtiga loo qabtay dhismaha xarunta. Agaasimaha guud ee wasaaradda Xannaanada xoolaha iyo Horumarita Reer Miyiga waxaannu sheegay in dhismahani wax ka tari doono baahiyaha wasaaradda lagunna adeegi doono bulshada. Wasiirka wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Siciid Sulub Maxamed isaga oo ka waramay qaabka dhismaha iyo sida ay uga faaiidaysan doonan mashruucan. Qaran News
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beene-beene ayaa ka warbixiyay wixii uu kusoo arkay deegaanada Jubbaland, oo xaalad adag ay ka taagan tahay. Wasiir Beene-beene oo khudbad ka jeediyey maanta xarunta Golaha Shacabaka ayaa waxa uu marka hore sharaxaad ka bixiyey xaaladda guud ee dalka iyo saameynta roobabka inta ay gaarsiisan tahay, isaga oo sheegay in aan la qiyaasi karin saameynta ka dhalatay roobabka guga ee dalka ka da’ay. “Inta aan dadka u tageynay maydad biyaha wadaan ayaa meelaha qaar laga qabanayey oo ah meelihii biyaha go’doomiyeen oo ay ku dhinteen, halka inta soo hartay aysan heysan dhar, guryo iyo biyo nadiif ah,” ayuu yiri Wasiirka oo ka warbixiyey socdaal uu ku tegay deegaanada magaaladda Kismaayo ku xeeran, oo si siman fatahaadda Webi Jubba u gaaray, meelaha qaarne dad ugu dhinteen. Maamulada sida saa’idka ah uu u saameyeen daadku ayuu ku sheegay Jubbaland, Koofur Galbeed iyo HirShabeelle oo gobolada labada webi maraan. Sidoo kale waxa uu xaalka magaaladda Buula-burte uu ku tilmaamy mid aan la qiyaasi karin oo boqolkiiba sagaashan (90%) ay biyuhu xadigii saxda ahaa kor u dhaafeen, dabooleenne Aafar ka mid ah 5 ceel-biyood oo magaaladdu laheyd. Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay wasiirka Qorsheynta XFS Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beene-beene in ay u gurmadaan oo garabsiiyaan walaalahooda ay saameyeen fatahaadaha iyo daadka ka dhashay roobabka guga ee dalka ka da’ay. Gedo ayaa kamid ah meelaha ugu daran ee ay haatan ka jiraan dhibaatooyinka ka dhashay xaaladda El-Niño, maadaama daadad xoogan yo fatahaado ay iskugu darsameen gobolkaasi. Meelaha xaaladaha bani’aadanimo laga soo wariyay ayaa sidoo kale waxaa kamid ah degmada Baardheere oo buundooyinkii ay go’een iyo Garbahaarey oo iyadna xaalad adag gashay. Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ayaa haatan wada dadaallo ballaaran oo loogu gurmanayo kumannaanka qoysaska ah ee ay dhibaatada daran ku wajahaya gobollada dalka, waxaana gurmadkaas hormuud u ah hay’adda maareynta musiibooyinka qaran ee SODMA. The post Wasiir Beenebeene oo ka warbixiyay xaalad daran oo uu dhowaan kusoo arkay… appeared first on Caasimada Online.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow ayaa soo saaray qormo uu ciwaan uga dhigay “Tallooyin Qaran oo ku socda Madaxweynaha, Madaxdii Hore, Mudanayaasha Baarlamaanka.” Xildhibaan Islow ayaa ugu horeyn Madaxweyne Xasan Sheekh kula taliyey in shaqada uu hayo uu daacad ka noqdo, sida wax ka bedelka dastuurka iyo dagaalka Khawaarijta, maadaama uusan u dhimanayn mansab dambe oo uu sii raadiyo. Farriinta labaad wuxuu Xildhibaan Maxamed Abuukar u diray madaxweynayaashii hore iyo siyaasiyiinta kale ee hadda aan ku jirin xukuumadda, wuxuuna kula taliyey inay dowladda kala shaqeeyaan sidii dalka loo gaarsiin lahaa guulaha la hiigsanayo. Farriinta 3-aad wuxuu Islow u diray baarlamaanka, wuxuu kula taliyey inay joojiyaan is kala qeybinta, isla markaana ay ka shaqeeyaan sidii loo dhameystiri lahaa dastuurka dalka oo baarlamaankii hore uu ku fashilmay inuu ka shaqeeyo. Ugu dambeyntii, Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow ayaa ka dalbaday xukuumadda, baarlamaanka iyo cid kasta oo awooda inay u gurmato dadka ay saameeyeen fatahaadaha dalka ku dhuftay. Hoos ka aqriso qoraalka Islow oo dhameytiran: Bismillaahi, Salaan kadib.. Waxaan halkan ku soo gudbinayaa xilligan xasaasiga ah tallooyin muhiim ah oo ku saabsan Xaaladda dalka, kuwaas oo toos ugu socda dhinacyada aan kor kusoo sheegay, waxaan ku bilaabayaa: FARRIINTA KOOWAAD MADAXWEYNE XASAN SHEEKH. Mudane Madaxweyne sida aad hore u sheegtay waxaad tahay mas’uul laba jeer Madaxweyne dalkan ka noqday oo Darajo aysan u harsaneyn, haddana doonaya inuu dalka iyo dadka uga tago taariikh. Waxaa ku hor yaallaa howlo Qaran oo ay ugu muhiimsan yihiin: Dagaalka Alshabaab oo aad bilowday iyo Dhammeystirka Dastuurka KMG ah, Deyn cafinta, sidii dalka looga qaadi lahaa cunaqabateyta Hubka, iyo Xoojinta Hay’adaha Dowladnimada. Adigoo ku mahadsan dagaalka Alshabaab ee aad dadaalka gelisay, waa inaad dhammeystirtaa oo horseed u noqotaa in caddowgaas dalka laga xoreeyo oo aanu nala dhaafin muddo xileedkan. Dhammeystirka Dastuurka oo muddo dheer aan lagu guuleysan, waa inaad Madaxweynow u wajahdaa Danta guud ee Qaranka darteed, kana ilaalisaa dano gaara ah. Wax ka bedelka Dastuurka, Qaab dhismeedka dowladda iyo Doorasho guud waa arrimo Qaran oo ka weyn rabitaanka Madaxweyne markaas xilka jooga. Waxaan Madaxweyne Xasan Sheekh kula talinayaa inuu dhammeystirka Dastuurka iyo wax ka bedelkiisa daacad ka noqdo. FARRIINTA LABAAD Farriinteyda Qaran ee labaad waxay ku socotaa Madaxdii hore ee dalka, Mas’uuuliyiinta xilalka soo qabtay iyo Siyaasi kasta oo doonaya inuu qabto xilalka dalka ugu sareeya ee hadda ka horjeeda qaabka ay hadda wax u socdaan. Walaalayaal, Madaxweyne, kasta ama mas’uul kasta wuxuu qeyb ka ahaa Geediga dowlad dhiska dalka ee weli socda, wuxuuna fursad u helay inuu dalka wax ka hoggaamiyo, balse nasiibdarro wuxuu ka tegay iyadoo Dowladnimada Soomaaliya weli cagaheeda isku taagin. Mas’uulkasta oo hore xil usoo qabtay wuxuu isku dayay, dadaalna u galay inuu isbedel ka sameeyo dhinacyada Amniga, Doorashooyinka, Dastuurka iyo dhinacyo kale oo badan, laakiin waxaa xaqiiqo ah in mar kasta Maamul Goboleedyo ama Siyaasiyiin ay mucaarad ku ahaayeen. Waxaa nasiib darro waxaa caado noqotay Mas’uul kasta mucaarad ku noqdo Madaxda ka danbeysa xitaa haddii ay wadaan isla Qorshihii uu isagu hore u doonayey inuu hirgeliyo markii uu xilka hayey, ujeedkiisuna yahay oo kaliya inuusan guuleysan madaxweynaha markaas joogo, taasoo Siyaasadda Soomaaliya ka dhigtay natiijo la’aan lugaha la is wada heysto. Saaxiibayaal aan wax isu ogolaano, dalkana u turno, cid kastoo talada heysana aan u siino fursad ay dalka hore ugu wado iyadoo laga fiirinaayo Danta guud ee Qaran darteed. Dowladnimadana waa qori isu dhiib qofka shaley joogey maanta ma joogo, midka maanta joogana Berri ma joogi doono. FARRIINTA SADDEXAAD Farriinteyda Saddexaad waxay ku socotaa Saaxiibadey Mudanayaasha Baarlamaanka Labada ee Gole BFS. Walaalayaal, waxaan metelnaa codka shacabka, haddana xaalad kasta oo siyaasadeed iyo muddo xileed kasta waxaan la kala safannaa dhinacyada iska soo horjeeda ee ajendayaasha kala duwan leh. Waxaa iga talo ah inaan u midowno Danteena guud, raacno tilmaamaha Dastuurka Qodobadda 136, 137, marka laga hadlayo wax ka bedelka iyo dhammeystirka Dastuurka KMG. Haddii la helo Mudanayaal xilku dhibayo oo Danta Guud kaliya ka shaqeynaya, waan hubaa inaan dalka ka gudbin karno xaaladda uu ku jiro. Xildhibaannada waxaa fashil ugu filan in Baarlamaanka 11-aad uu waqtigiisa dhammaado iyadoo Dastuurkii KMG ahaa ee lagu dhisay Baarlamaankii 9-aad aanu dhammaan. Mar kale Mudanayaal aan u midowno Danaha Dalka iyo Dadka Dartood, una shaqeyno si aan uga qeyb qaadano horumarinta dowladnimada. UGU DAMBEYN Mudanayaasha BFS waxaan usoo jeedinaaya inaan u istaagno gurmadka loo sameynayo shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatada kasoo gaartay fatahaadaha ELNINO. Gurmadka shacabka waxaay waajib ku tahay qof walbo oo Soomaali ah ay ugu horeeyan Xukumada iyo mudanayaasha Labada Gole. Mahadsanidiin The post Ducaale oo farriin u diray Xasan Sheekh, mucaaradka iyo xildhibaanada appeared first on Caasimada Online.
  17. JEDDAH, Kingdom of Saudi Arabia, November 29, 2023/ — The Islamic Development Bank Institute (IsDBI) (https://IsDBInstitute.org) is pleased to announce the release of the French language edition of the book titled “The Islamic Development Bank and Dr. Ahmad Mohammad Ali: History of an Institution and Journey of a President”. Originally published in the Arabic language and later in the English language, the book documents the remarkable history and exceptional achievements of the Islamic Development Bank (IsDB), covering the key milestones the institution went through in the context of global and regional developments. Over the four decades of its existence until Dr. Ahmad Mohammad Ali’s retirement in 2016, the Bank transformed into a world-class institution leading development projects in its 57 member countries and 78 non-member countries. Total financial approvals stood at about US$ 122 billion by the end of 2016, while the Bank also succeeded in consistently obtaining the highest credit rating for more than 20 years. The book highlights these success stories and many more. It also covers the first IsDB President’s key initiatives and the ideas that he drew on in his determination to foster the socio-economic progress of the member countries and communities. Written in a simple yet very structured style, the book was authored by two retired senior IsDB staff members, Dr. Marwan Seifeddine and Mr. El Mansour Ben Feten, who worked previously as advisors to the first President and as departmental directors. In his comments on the release of the French version of the book, Dr. Sami Al-Suwailem, Acting Director General of IsDBI, said: “We are happy that this inspiring book is now available in three major languages – Arabic, English, and French. We hope that it serves as an excellent reference material and contributes to the pool of knowledge for the benefit of all stakeholders in our member countries and beyond.” The French edition of the book is available for purchase on the IsDBI website here (https://isdbinstitute.org/product/isdb-and-dr-ahmad-mohammad-ali-fr/). Qaran News
  18. The cooker manufactured in Adaado Adaado (PP News Desk) — To counter the desertification trend in Somalia, a Somali engineer has manufactured a cooker operating on used car oil. Abdiweli Nur Halane, an engineer based in Adaado, used materials available in Somalia to manufacture a new cooker to reduce the use of charcoal and cutting of trees that result in rapid desertification. Abdiweli being interviewed by a Universal TV reporter “I have manufactured this cooker to end the reliance on charcoal. I call this project Badbaadi Geed (Save a tree). It is safe to use it at home” said Abdiweli, who demonstrated how to use his invention. Charcoal use causes rapid desertification in Somalia Locals have placed orders with Abdiweli’s workshop, prompting questions about if he can fulfil the increasing orders for the cooker. Customers who have bought the cooker have not reported safety issues. “People who have used the cooker had told me that it cooks fast. Now I am ready to buy it” said a woman who came to the workshop to buy the cooker made in Adaado district of Galmudug State of Somalia. © Puntland Post, 2023 The post A Somali engineer manufactures tree-saving cookers appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay fatahaada ku dhufatay magaalooyin badan oo ka tirsan koonfurta dalka, isagoo faahfaahiyey khasaaraha ka dhashay. Madaxweynaha ayaa sheegay in 101 qof ay ku dhinteen fatahaadaha ku dhuftay dalka, waxaa barakacay dad ka badan hal milyan iyo bar, halka ay geysteen khasaare hanti oo aad u baaxad weyn. Xoolo nooc walba leh oo gaaraya 4,000 oo neef ayuu sheegay Madaxweynuhu inay ku dhinteen daadadka ku dhuftay gobollada dalka. “Soomaaliya maanta waxay ku jirtaa xaalad gaar ah, dadkaan 16 sano ayey argagixiso ku fadhisay oo u diiday inay nolol sameystaan, waxay dadkeena ku qasbeen inay gacmaha hoorsadaan iyagoo wax tacba kara, hadana waxay ka hor istaageen hey’adihii caawi lahaa,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Wuxuu madaxweynuhu intaas ku sii daray in abaaro baahsan oo laga cabsi qabay inay macaluul u dilaacdo ay Soomaaliya ka jirtay sanadkii hore, halka sanadkaan ay dardareen daadad ka dhashay roobka da’aya iyo fatahaadda wabiyada. 140,000 oo guri ayuu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh inay ku burbureen fatahaada dalkeena ku dhuftay, halka ay go’een buundooyin waaweyn oo Baardheere iyo Buurdhuubo oo gobolka Gedo ku yaalla uu ka xusay. Ugu dambeyntii madaxweynaha ayaa dadka Soomaaliyeed ee wax heysta ka codsaday inay u gurmaadaan walaalaha ay saameeyeen fatahaadaha ku dhuftay qeyb badan oo dalka ka mid ah oo ay ugu daran yihiin Beledweyne, iyo inta badan magaalooyinka gobolka Gedo. Hoos ka daawo The post Daawo: Xasan Sheekh oo war culus ka soo saaray arrinta… appeared first on Caasimada Online.
  20. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta furay shirweynaha sanadlaha ah ee Arrimaha diinta ee Puntland. Shirweynahan oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Cadaaladda, Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta Puntland, ayaa waxaa ka qeyb-galay culimaa’udiinka iyo hay’addaha kala duwan ee dowladda ee ku shaqo leh arrimaha diinta, cadaaladda, garsoorka, amniga, caafimaadka iyo haweenka. Madaxweynaha Saciid Deni ayaa boggaadiyey qodobada ugu weyn ee looga hadlayo inta kulanka socdo, kuwaasi oo kala ah nabad-gelyada, xoojinta doorka haweenka ee arrimaha diinta iyo maamul wanaag ku saleysan diinteenna suubban. Sidoo kale waxa uu ku baraarujiyey wasaaradda iyo culimaa’udiinka in la joogteeyo kulamada noocan oo kale ah. Culimaa’udiinka munaasabadda ka hadlay ayaa dhankooda waxay ku tilmaameen kulamada noocan oo kale ah kuwo baahi weyn loo qabay, laguna horumarin karo wacyi-gelinta bulshada. Waxay Madaxweynaha uga mahad-celiyeen wada-shaqeynta joogtada ah iyo ahmiyada uu siinayo doorka culimada. Shirweynahan ayaa ah mid sanadle ah, waxaana sanadkaan diirada lagu saarayaa nabad-gelyada, xilli ay xiisad siyaasadeed ka taagan magaalada Garoowe iyo maamul wanaag ku saleysan diinteenna suubban. The post Waa maxay ujeedka shirka uu maanta Saciid Deni ka furay Garoowe? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  21. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Salaasadii markale ku baaqay in gebi ahaan la joojiyo dagaalka Gaza. Antonio Guterres ayaa sheegay in xabad-joojinta maalmaha ah ay tahay tallaabo fiican balse ayna xal u noqon doonin dhibaatada bini’aadamnimo ee ka jirta Gaza. Xoghayaha guud ayaa sheegay in loo baahan yahay in dagaalka la joojiyo si deeq ku filan loo gaadhsiiyo dadka ku tabaaleysan Gaza. Dagaalka Gaza oo billaamay 7dii Oktoober ayey Israel ku dishay in ka badan 15.000 qof oo ay ku jiraan 6.150 caruur ah iyo 4.000 haween ah. Xamaas ayaa dhankeeda weerarkii ay ku qaaday dhulka Israel heysato ku dishay 1.200 qof oo isugu jira shacab iyo askar. Source
  22. Mareykanka ayaa salaasadii u soo diray Masar saddexdii diyaaradood ee ugu horreeyay oo gargaar bini’aadannimo u wada Gaza, isagoo ballan-qaaday inuu caawinayo Falastiiniyiinta inta lagu guda jiro xabbad-joojinta Xamaas iyo Israa’iil oo xulafada la ah Mareykanka. Duulimaadyada gargaarka ee siday cuntada, sahay caafimaadka iyo dharka qaboobaha ayaa ah kuwii ugu horreeyay ee oo ay leeyihiin militariga Mareykanka oo siday gargaar tan iyo markii ay billaameen weerarrada Xamaas ay ku qaadday Israa’iil 7-dii Oktoobar. Duulimaadyada ayaa billaamay maalin uun kadib markii madaxweyne Joe Biden uu sheegay inuu uga faa’iideysan doono kordhinta xabbad joojinta si uu gargaar badan u keeno Gaza, iyo iyadoo dadaallada caalamiga ah ay sii wadaan inay sii kordhiyaan xabbad-joojinta. “Baahiyaha bini’aadantinimo ee Gaza waxay dalbanayaan in beesha caalamku ay wax badan ka qabato. Maraykanka waxaa ka go’an dadaalkan,” ayuu warsaxaafadeed uu soo saaray ku yidhi Jake Sullivan, la taliyaha amniga qaranka Mareykanka. Source
  23. Garoowe (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa war kasoo saaray qarax maanta ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland. Booliska ayaa sheegay in ay ku dhaawacmeen saddex dhalinyaro ah, wuxuuna shaaciyay in qaraxa uu ka dhashay xabad nooca loo yaqaan (37), oo ay dhalinyarada ku qar-qaraaceen agagaarka wadada ka tagta Saldhiga Galbeed ee aada Bixin ee magaalada Garowe. Saddexda dhalinyaro ee ku dhaawacmay qaraxa ayaa sida uu shaaciyay Booliska waxaa lagu kala magacaaba; Ana’s Ahmed Jaamac Ahmed Jaamac Cabdi Ayuub Cawil Cali Booliska ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ay socoto baaris ay wadaan waaxda miina baarista ee Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Gobolka Nugaal ay wadaan baaritaano dheeri ah oo la xiriirta dhacdadaas iyo waxa sabababay. Saddexda dhalinyaro ee dhaawaca ayaa waxaa la dhigay isbitaalka, iyaga oo qaba dhaawacyo fudud, sida ay warbaahinta u sheegeen qoysaskoodu. The post Puntland oo shaacisay waxa uu ka dhashay qaraxii Garowe appeared first on Caasimada Online.