-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Murrashaxa xisbiga WADDANI oo noqday Hoggaamiyihii u Horreeyay ee hambalyeeyay Go’aamada Beesha East Burco Clan Hargeysa(Qaran news)- Murrashaxa madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa soo dhaweeyay go’aamada ka soo baxay Beesha bariga Burco. Murrashaxu wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu soo saaray oo u dhignaa sidan;- “Waxa aan dhambaal hambalyo ah u dirayaa go’aamada bayaanka ka soo baxay Shirka tala-wadaag ee Beelweynta East Burco Clan ee ay saaka ka soo saareen magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer. Dhammaan madax-dhaqameedka,waayeelka, waxgaradka, culimada iyo nin garboodka ka qeyb galay Shirkaa masiiriga ah iyagana waan hambalyeynayaa sida lexojeclada leh ee ay dalka iyo dadkaba u badbaadinayaan goor walba.” Qaran News
-
Musharrax Madaxweynaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa si weyn u soo dhaweeyay go’aamada ka soo baxay shirka beesha East Burco Clan uga socday magaalada Burco Murrashax Cirro ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku yidhi sida tan: “Waxa aan dhambaal hambalyo iyo bogaadin ah u dirayaa go’aamada bayaanka ka soo baxay Shirka tala-wadaag ee Beelweynta East Burco Clan ee ay saaka ka soo saareen magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer. Dhammaan madax-dhaqameedka, waayeelka, waxgaradka, culimada iyo nin garboodka ka qeyb galay Shirkaa masiiriga ah iyagana waan hambalyeynayaa sida lexojeclada leh ee ay dalka iyo dadkaba u badbaadinayaan goor walba.” Source
-
Afgooye (Caasimada Online) – Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya weeraro kala duwan oo ay xalay dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ka fuliyeen saldhigyo ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa TMIS ay ku leeyihiin gobolka Shabeelaha Hoose. Weerarka koowaad oo ah mid xoogan ayaa waxaa lagu qaaday xero ay ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka ATMIS ay ku leeyihiin deegaanka Daanow, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidankii ku sugnaa xerada iyo maleeshiyaadka weeerarka qaaday. Saraakiil ka tirsna milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka uga yimid kooxda Al-Shabaab, welina ay joogaan deegaanka. Sidoo kale weerarka labaad ayaa ka dhacay deegaanka Janaale, kadib markii ay weerar gaadmo ah xubno ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen fariisin ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda, waxaa isna xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay labada dhinac. Al-Shabaab oo war kasoo saartay weerarkaasi waxa ay shaacisay inay ku dishay askar ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigtay. Dhankooda ciidamada dowladda ayaa sheegtay inay khasaare gaarsiiyeen xubnaha weerarka soo qaaday, haatana ay wadaan howlgallo amni xaqiijin ah. Xaaladda aya maanta deggan, inkastoo lasoo wariyay ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS inay howlgallo ka bilaabeen qaybo badan oo kamid ah gobolka Shabeelaha Hoose. Gobolkan oo ay weli ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa inta badan ka dhaca dagaallo khasaare gaysta oo ka dhasha weeraro ay soo qaadeen maleeshiyaadka kooxdaas. The post Wararkii ugu dambeeyay ee dagaallo ka dhacay Sh/hoose appeared first on Caasimada Online.

A Kenyan court has declared as unconstitutional a 1.5% housing levy that was imposed by the government as part of a finance law in July. Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay guddi uu magacaabay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, kaasi oo ah “guddiga wada-xaajoodka arrimaha doorashooyinka.” Saciid Deni oo xiisad xooggan kala dhaxeyso siyaasiyiinta mucaaradka, ayaa xeer madaxweyne ku soo saaray magacaabida guddigan oo 7 xubnood, kuwaasi oo inta badan uu kasoo xushay golihiisa wasiiradda. Guddigan ayaa waxa uu Saciid Deni guddoomiye uga dhigay Cabdi Faarax Siciid Juxa, oo ah wasiirka arrimaha gudaha dowlad-goboleedka Puntland, sidoo kalena waxay u badan yihiin xubno ku mayal adag qabashada nooca doorasho ee uu rabo madaxweynaha billooyinka u harsan yihiin. Lama oga waxa ay guddigan ka goyn karaan ismari-waaga doorashooyinka ee u dhaxeeya mucaaradka iyo Deni, ayada oo horey siyaasiyiinta mucaaradka ay u diideen in ay wada-hadal la galaan madaxweyne Deni, oo ay sheegeen in uusan diyaar u aheyn wada-hadalka hanaanka doorasho ee la isku haya. Haddaba, Sidee looga fal-celiyay? Cabdirisaaq Xaashi: “Puntland wiiftooyinkii ayaa ka bilawday.” “Deni iyo kooxdiisa fashilantey waxaan leeyahay idinkuu waqtiga idinku socdaa gudi been ah haku meereysanina ee doorasho la isla ogol yahay qabta,” ayuu yiri Qaasim Isxaaq Xasan. Saciid Ciise Axmed: “Isu eekaa ayaamuhu waxaan xasuusta xilligii Farmaajo doorashadiisi iyo waraaqihii tira beelka ahaa oo uu soo saari jiray xilliyada danbe habeenkii.” “Waa war wanaagsan in ay bilowdaan wada-hadalka xukuumadda iyo Mucaaradka,” ayuu yiri Danjire Maxamed Kaarad. Cabdirashiid Cartan: “Dawladnnimada Puntland waxa ay u baahan tahay dib u qaabayn. Nin walba in uu tiisa wataa maaha wax soconaysa. Puntland shacabkeedu waxa ay rabaan doorasho la isla ogol yahay.” Faysal Faarax Shire ayaa isna waxa uu yiri “Macno soo kordhin mayaan guddigaa waayo Deni ma rabo xal ee wuxuu rabaa tiisa ama burbur.” “Madaxweyne hadaa haysaa jidkii wanaagsanaa waa soo dhaweyneyna guddigana waxaa rajeyneyna inay noqdaan kuwo shacabkooda iyo dadkooda nabad waarta u keena oo la dareen ah,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Somali. Saciid ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Madaxweynuhu wada-hadalna waa sheegaa markasta hadana hawshiisa ayuu wataa oo abaabul ciidan iyo laaluush baarlamaan ayuu ku hawlan yahay, si tiisu u meel marto. Ha kala daayo arimaha.” “Deni ma dadkii laga cabanayay ayaa xoojinaya wada-xaajoodka war Allah ayaa Somalia madax uga dhigin.” ayuu yiri Bicir Xaashi Dhoore. The post Fal-celin culus oo ka dhalatay tallaabadii uu qaaday DENI appeared first on Caasimada Online.

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladii KMG aheyd Cali Maxamed Geedi ayaa shaaciyay in Dastuurka KMG ah uu caqabad weyn ku yahay dhismaha qarannimada. Cali Geedi oo wareysi siiyay warbaahinta qaranka, ayaa soo dhoweeyay in wax ka beddel lagu sameeyo dastuurka, lana dhameystiro, maadaama uu muhiim u yahay dowlad dhiska Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay. “Caqabada hortaagan in dowlad dhiska Soomaaliya la dhameystir, imisa sanno ayaa dowlad dhis Soomaali lagu jiraa, intaas oo sano ayuu kumeel-gaar ahaa, caqabad kale ma jirto waa dastuurka,” ayuu yiri Cali Geedi. Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa waxa uu sheegay in Dastuurka KMG ay inta badan qoddobadiisa iska hor imaanayaan, taasi oo caqabad ku noqotay in la dhameystiro dowladnimada Soomaaliya. “Dastuurka qoddobadiisa iska hor imaanayan weeyi caqabad kale ma jirto, oo dowladihii oo dhan madaxa iyo mijaha la isku galiyay, marka waan jeclaan lahaa in wax laga beddelo, lana dhameystiro,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cali Geedi. Sidoo kale waxa uu Xildhibaanada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay si deg deg ah uga howl-galaan arrintaan, si dastuurka uu uga baxo kumeel-gaarka. “Waxaan ugu baaqayaa Baarlamaanka 11-aad ee Labada Aqal inay ku deg-degaan oo dastuurka ka saaran kumeel-gaarnimada oo dhameystiraan, si umadda Soomaaliyeed dhibaatada uga baxdo. Waxaana la gudboon Xildhibaanada iyo guddoonka labada Aqal ee Baarlamaan in ay fahmaan in caqabada hortaagan in dowlad dhiska Soomaaliya la dhameystiro dastuurka waaye, marka waa inay maslaxada umadda Soomaaliyeed fiiriyaan.” Waxa uu intaas kusii daraya “Dastuurka Qur’aan ma ahan, marwalba wuxuu la saan qaadaya danaha shacabkaas iska leh waana la beddela. Maanta in qodob la beddelo ayaa loo baahanaya, berri in la beddelo loo baahanayaa, marka waa in maslaxada umadda Soomaaliyeed lagu saleeyo, oo waa in la saxo dastuurka.” Hadalka Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa imanaya xilli ay dowladda Xasan qorsheynayso in Baarlamaanka la horgeeyo wax ka beddelka Dastuurka, si loo waafajiyo heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee 27-kii May ee sanadkaan. Hoos ka daawo muqaalka The post Daawo: Cali Maxamed Geedi oo shaaciyay arrin caqabad weyn ku ah dowlad dhiska appeared first on Caasimada Online.

Aabbe si arxan darro ah u dilay seddax hablood oo uu dhalay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Aabe ku nool dalka Faransiiska ayaa qirtay inuu dilay saddex hablood oo uu dhalay, kadib markii uu u gacan galay booliska. Ninkaan ayaa iskiis iskugu dhiibay booliska, waxaa sidaas sheegay ilo-wareedyo ka tirsan dacwad oogayaasha iyo booliska. Ninkan oo 41 jir ah, ayaa tegay saldhigga booliska ee magaalo xeebeedka waqooyi ee Dieppe “si uu u sheego inuu dilay saddexdiisa carruur,” waxaa sidaas yidhi dacwad oogaha magaalada. Booliska ayaa sheegay inay meydka saddexda hablood ka heleen gurigiisa magaalada Alfortville, oo ku taalla duleedka koonfurta bari ee magaalada Paris. Laba ka mid ah carruurta ayaa midi lagu dilay, sida ay sheegeen booliska, halka mida kale loo maleynayo inuu naqaska kudhajiyay. Ninkan ayaa la dhigay xabsiga booliska, sida ay sheegeen dacwad oogayaasha. Source -
Challenging the stereotype associated its tumultuous past, Somalia is now championing for a non-permanent seat at the United Nations Security Council (UNSC). The last time Somalia served as a non-permeant member in the UNSC was 1971-1972. Given the significant time gap since Somalia's last term, the opportune moment has arrived to actively pursue a seat within the UNSC. This is a significant opportunity for Somalia to demonstrate its commitment to global peace and security, and it is essential for the country to develop effective strategies to secure this seat. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ballaarinaya la-tashiyada ku aaddan xaqiijinta hiigsiyada dalkeenna ayaa kulamo la qaatay dhallinyarada, aqoonyahanka iyo hormuudka bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa uga warbixiyey dhallinyarada iyo aqoonyahanka uu la kulmay arrimaha uu muudnaanta siinayo, kuwaasi oo ay ugu horreyaan; Xoojinta fursadaha shaqada Kobcinta dakhliga Yareeynta saboolnimada Cirib-tirka Khawaaijta Al-Shabaab Dhammeystirka dastuurka Xaqiijinta hiigsiga Soomaali heshiis ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale waxa uu ku ammaanay dhallinyarada Soomaaliyeed sida ay uga go’an tahay difaaca dalka iyo xoojinta dowladnimada. Waxa uu si gaar ah u dul istaagay fursadaha ugu jira dhallinyarada Soomaaliyeed ka mid noqoshada Dalladda Bulshada Bariga Afrika, wuxuuna ka rajeeyey in ay si mug leh uga dhex muuqan doonaan Dalladan, maadaama dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku tilmaaman yihiin hal-abuur, firfircooni iyo adkaysi. Haldoorka uu la kulmay Madaxweynuhu ayaa dhankooda soo bandhigay aragtida ay ka qabaan arrimaha qaran ee uu la wadaagay Madaxweynaha Jamhuuriyaddu, iyagoo xusay ahmiyadda ay u leedahay dalkeenna in la dhammeystiro dastuurka, xoreynta deegaannada, qaadista cunaqabateynta hubka, deyn cafinta iyo dib u dhiska ciidamada. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shalay magaalada Muqdisho ka daah-furay Hiigsiga Soomaaliya ee 2060-ka, kaasi oo saldhig u ah horumarinta nolasha, xoreynta iyo xasilinta, dhismaha kaabeyaashe dhaqaalaha iyo dowladnimada dalkeenna. Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in uu muhiim yahay hiigsigan oo isku xiraya jiilasha maanta iyo kuwa mustaqbalka. “Maanta, waxaan bilaabaynaa safar cusub, safar u horseedaya dalkeenna barwaaqo iyo horumar. Hiigsiga Qarn ee 2060-ka waxa uu muujinayaa sida ay nooga go’an tahay in aan ka gudubno caqabadaha hadda jira, annagoo aasaas adag u abuurayna jiilasha soo socda,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. The post Xogta kulan wada-tashi oo maanta ka dhacay Villa Somalia + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Mareykanka ayaa sheegay inuu gacanta ku dhigay budhcad badeed Soomaali ah, kuwaas oo isku dayay in ay qabsadaan markab xamuul ah oo lala xidhiidhinayo Israa’iil, laba maalmood ka hor. Maraykanka ayaa markii hore ku eedeeyay inay ka dambeeyaan weerarkaas dagaalyahannada Xuutiyiinta ee dalka Yemen. Afhayeenka Pentagon-ka Brigadier General Patrick Ryder ayaa xusay in Mareykanku aanu meesha ka saarin xidhiidhka Xuutiyiinta ee isku dayga afduubka budhcad badeeda Soomaalida. “Waan sii wadeynaa qiimeynta, laakiin calaamadaha bilowga ah ee aanu hayno, waxayna muujinayaan in shantaan qof ay yihiin Soomaali,” ayuu yidhi Ryder. “Sida cad waa dhacdo la xidhiidha budhcad-badeednimada,” ayuu raaciyay. Isku dayga Afduubkan ayaa kusoo beegmaya xilli Xuutiyiinta Yemen oo taageero ka helaya Iran ay weerarro is-daba joog ah ku qaadeen maraakiibta gacanka caddan. Source
-
Qatar ayaa ku guuleysatay in laba maalmood oo dheeraad ah lagu daro xabad-joojintii 4ta maalmood ahayd oo ku eekayd Isniintii. Maanta oo Salaasa ah ayaa lagu wadaa in lasii daayo maxaabiis dheeraad ah sida ay ku heshiiyeen Xamaas iyo Israa’iil. Xalay ayaa lasii daayey 11 carruur iyo haween u dhashay Israa’iil iyo 33 dhalinyaro reer Falastiin ah. Maanta ayaa la filayaa in Xamaas siideyso 10 maxbuus oo dheeraad ah, halka Israa’iil laga filayo inay soo deyso 50 Falastiiniyiin ah. Dhinaca kale Israa’iil ayaa sare u qaaday duulaanka ay ku heyso Daanta Galbeed ee Falastiin iyadoo ka faa’iideysaneysa xabad-joojinta Gaza. Ugu yaraan 2 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa xalay lagu dilay Daanta Galbeed. Tiradda deegaankaasi lagu dilay tan iyo 7dii Oktoober ayaa gaadheysa 240 Falastiiniyiin ah. Israa’iil ayaa sidoo kale sii wada raafida Falastiiniyiinta Gaza iyadoo tan iyo 7dii Oktoober xabsiga dhigtay 3000 qof. Dadkaasi oo aan kamid ahayn kuwa ay xabsiyada kasoo deysay. In ka badan 6000 oo Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan kumanaan carruur ah ayaa weli ku jira xabsiyada Israa’iil oo ay kala kulmaan tacadiyo badan. Source
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo la kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada Kismaayo, ayaa ku boorriyey in ay hormuud u noqdaan dagaalka lagu qaadayo Al-shabaab oo dhawaan uu wajigiisa labaad ka bilaaban doono deegaannada Jubaland. Ra’iisul Wasaaraha ayaa bulshada qeybaheeda kala duwan ee uu la kulmay uga warbixiyey dadaallada xukuumadda ee la xiriira dowlad-dhiska Soomaaliya, dagaalka dalka looga saarayo waxa uu ugu yeeray argagixisada iyo gurmadka dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen roobabka daadadka wata ee ka da’aya dalka El-Nino. Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa dhanka kala sheegay arrimaha waaweyn ee horyaalla Xukuumadda in ay kamid yihiin qabyo-tirka dastuurka KMG ah, dayn cafinta oo dhammaad ku dhow iyo amniga oo ay ugu horreyso ciribtirka Khawaarijta iyo la wareegidda amniga Qaranka marka ay baxaan ciidanka ATMIS dhammaadka sanadka danbe. Dhankooda, kamid ah qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah oo kulanka ka hadlay ayaa bogaadiyey dadaallada xukuumadda ee la xiriira, sugidda amniga, dagaalka lagula jiro kooxda, u gurmadka dadka dhibaateysan iyo dadaalka dowlad-dhiska Soomaaliya, xilli Jubbaland ay wajahayso fatahaado. Source: goobjoog.com
-
Maxkamadda Caalamiga ah ee Danbiyada ICC ayaa Isniintii shaacisay inay gebi ahaan xidhay baadhitaankii danbiyadii dhacay doorashadii Kenya 2007-2008. Rabshadihii 2007-2008 ka dhacay dalka Kenya ayaa lagu eedeeyey siyaasiyiinta uu ku jiro Madaxweynaha hadda xilka haya William Ruto. Rabshadaha xilligaasi ka dhacay Kenya ayey ku dhinteen in ka badan 1.200 qof. Sidoo kale Madaxweynihii hore Uhuru Kenyatta ayaa kamid ahaa xubnaha ay maxkamadda dacwada kusoo oogtay. Hase yeeshee dacwadaha ku saabsan labadaasi hoggaamiye ayaa fashilmay kadib markii la waayey markhaatiyashii. Waxayse Maxkamada weli baadhitaan ku waday xubno kale oo kamid ahaa kuwii danbiyada kicinta shacabka lagu eedeeyey. Xubnahaasi ayaa waxaa kamid ahaa suxufiyiin; Joshua Arap Sang iyo Walter Barasa iyo Qareeno Paul Gicheru iyo Philip Kipkoech Bett. Dacwad oogaha Maxkamada ICC, Nazhat Shameem Khan ayaa qoraal uu soo saaray Isniintii shalay ku sheegay in kiiskan si rasmi ah loo xidhay. Source
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanka ayaa howl-gal qorsheysan oo khasaare lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab ka fuliyay bariga gobolka Galgaduud. Howl-galkaan oo dhacay xalay ayaa lagu bartilmaameydsaday fariisin kooxda ay ku lahayd deegaanka Ceel Xasan Cali oo dhanka koonfur kaga beegan magaalada Budbud ee bariga gobolka Galgaduud. Sida uu warbaahinta dowladda u sheegay Hagar Barre oo hogaaminaayey ciidanka deegaanka ee howl-galka la fuliyey ciidanka xoogga dalka, waxaa kooxda lagu gaarsiiyay howl-galkaan khasaare xooggan, illaa haddana uu socda. Ciidamada ayaa toogtay Lix kamid ah dagaal-yahaanada Shabaab ee ku sugnaa xarunta la weeraray, halka sidoo kale gacanta looga dhigay Hubkii ay adeegsanayeen dagaal-yahaanada howl-galka lagu Khaarijiyey. Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in ciidanka ay weli dhulka howdka ah ku sii baacsanayaa firxadka kooxda ka haray kuwii ku baxay gacanta ciidanka xoogga iyo dadka deegaanka. Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda howl-gallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo garab ka helaya saaxibada caalamiga ah, kuwaasi oo lagu laayay Shabaab badan. Si kastaba, Howl-gallada sifaynta Al-Shabaab ee Galmudug ayaa si isdaba joog ah looga gaaray guulo ballaaran, iyada oo lagu sii dhawaanayo meelaha kooban ee kooxda ku sugan tahay, sida ay horey u shaacisay dowladda. The post Howl-gal qorsheysan oo lagu beegsaday fariisin ay Al-Shabaab ku laheyd… appeared first on Caasimada Online.
-
Booliska gaarka ah ee gobolka Doollo ee dowlad degaanka DDS ayaa ku guulaystay qabashada Saadaq Cabdicasiis Nuur oo ku eedaysan in uu gaari Leyla-calaawi ah ka dhacay degmada Bursaalax ee gobolka Mudug. Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Faysal Shiikh Cali ayaa xaqiijiyay in saacado yar kadib gacanta lagu dhigay eedaysanaha oo xalay dhaca geystay islamarkaana lagu hayo degmada Gallaadi. “Waxaan u mahad celinayaa Maamulka iyo Ciidamada Booliska Gaarka ah ee Gobolka Doollo DDS oo ku guulaystay qabashada Eedaysanwe Saadaq Cabdicasiis Nuur oo ku eedaysane dhac Gaari Land Cruser ah oo uu ka gaystay Gobolka Mudug Gaar ahaan Dagmada Bursaalax”. “Taas oo ku timid iskaashiga amniga ee aan leenahay Maamulka iyo Ciidamada Gobolka Doollo ee DDS oo markasta u baahan in la xoojiyo si aan isaga kaashano wax kasta oo wax u dhimaya amniga labada deegaan” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland. PUNTLAND POST The post Booliska gobolka Doollo oo qabtay nin ku eedaysan in uu gaari ka dhacay degmada Bursaalax appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay arrimaha waaweyn ee horyaalla xukuumadda in ay kamid yihiin qabyo-tirka dastuurka KMG ah, xilli Baarlamaanka la horgeynayo heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran. Xamza oo xalay la kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada Kismaayo, ayuu sidoo kale waxa uu ka sheegay in dayn cafinta oo dhammaad ku dhow iyo amniga oo ay ugu horreyso cirib-tirka Shabaab iyo la-wareegidda amniga Qaranka marka ay baxaan ciidanka ATMIS ay kamid yihiin arrimaha ugu waaweyn ee horyaalla xukuumaddiisa. Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu ku boorriyey bulshada Kismaayo in ay hormuud u noqdaan dagaalka lagu cirib-tirayo kooxda Al-Shabaab oo dhawaan uu wajigiisa labaad ka bilaaban doono deegaannada Jubbaland. Sidoo kale wuxuu bulshada qeybaheeda kala duwan ee uu la kulmay uga warbixiyey dadaallada xukuumadda ee la xiriira dowlad-dhiska Soomaaliya, dagaalka dalka looga cirib-tirayo argagixisada iyo gurmadka dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen roobabka daadadka wata ee ka da’aya dalka. Dhankooda, qaar kamid ah qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah oo kulanka ka hadlay ayaa bogaadiyey dadaallada xukuumadda ee la xiriira, sugidda amniga, cirib-tirka Al-Shabaab, u gurmadka dadka dhibaateysan iyo dadaalka dowlad-dhiska Soomaaliya. Wejiga hore ee dagaalka Al-Shabaab ayaa hadda maraya meel gebo-gebo ah, waxaana dhawaan bilaaban doona wejiga labaad ee dagaalka, kaasi oo qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska. Wejigan ayuu horey madaxweyne Xasan Sheekh ku sheegay in uu noqon doono mid lagu soo afjarayo jiritaanka Khawaarijta Al-Shabaab, oo wejiga koowaad looga xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan gacanta ku haysay kooxda. The post Xamza oo shaaciyay 3 arrin weyn oo ay ka shaqeynayaan, halka mid buuq ka taagan yahay appeared first on Caasimada Online.