Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhismaha Madaarka Boorama oo la Bilaabay Boorama (Qaran news)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dib u bilawday dhismaha Madaarka Diyaaradaha Aadan Isaaq ee Magaalada Boorama, kaasi oo xidhnaa muddo aad u badan. Hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland ayaa shaacisay inay dib u bilawday dhismaha garoonka diyaaradaha ee Boorama, waxaana maanta(shalay) halkaasi ka soctay shaqo culus oo lagu bilaabay dhismaha jidka ay diyaaraduhu adeegsadaan ee (rain way) oo la arkayay gaadiidka ciida qaada oo halkaasi ku mashquulsan si ay u buuxiyaan jidkaasi. Hay’adda Duulista iyo Madaarada ayaa sidan ku sheegtay war qoraal ah oo ay maanta soo saartay iyada oo bulshada ku wargalisay in la dhisayo madaarka diyaaradaha ee magaalada Boorama. Wakhti dhawayd ayay ahayd markii wafti uu hogaaminayo Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxaman Cabdilaahi Ismaaciil Saylici iyo xubno ka mid ah golaha wasiirada ay dhagax dhig ku sameeyeen madaarka Boorama si loo bilaabo dhismihiisa, taasi oo ay dhagax dhigaasi ka jawaabtay Hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland oo ay haatan bilawday dhismihiisa. Garoonka diyaaradaha magaalada Boorama ee Aadan Isaaq Airport ayaa xidhnaa wakhti aad u badan, balse waxa jirtay marar badan oo ay Hay’adda Duulista iyo Hawada Somaliland ay shaqooyin ka qabatay sida xayndaabka dhuleed ee madaarka oo ay xaqiijisay, balse hadda ay dhismihiisa si rasmi ah loo bilaabay Qaran News
  2. Fadhigii Golaha Guurtida Somaliland oo kooram la’aan u baaqday Hargeysa(Qaran news)- Fadhigii saaka ee golvaha Guurtida Somaliland ayaa u baaqday kooram la’aan, taas oo macnaheedu yahay in tirada xidhibanada soo xaadiray ay gaadhi waayeen tiradii la doonay in sharciyan goluhu ku furmo.. Golaha guurtidda Somaliland, oo ka kooban 82 xildhibaan, ayaa inta badan fadhiyada golahaasi waxaa uu sharcigu dhigaya 42-mudane, ahna tirada koramka, islamarkaana haddii tiradaasi la waayo aanay suurogal ahayn in fadhigaasi furmo. Caadi ahaan koramka la doonayo in uu ku buuxsamo fadhiga maalinlaha ah ee golaha guurtiddu ayaa ah 42 muddane. Xughayaha guud ee golaha guurtidda Somaliland, garyaqaan Cabdinaasir Aadan Beegsi, ayaa mid mid u xaadiriyay magacyada 82-ka mudane ee golahaasi ka kooban yahay. Guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha guurtidda Mudane Siciid Jaamac Cali, oo shir-guddoominayay fadhigii saaka ee golahaasi ayaa sheegay in koramku aanu buuxsamin, waxaanu mudanayaasha aan koram soo xadirin uu ku wargeliyay in ay maalinta Sabtida ee toddobaadka soo socda soo dadaalan haddii ALLE Idmo. Qaran News
  3. Garoowe (Caasimada Online) – Golaha Wakiilada Dowlad-goboleedka Puntland ayaa maanta iskugu yimid fadhigoodii caadiga ahaa, kadib markii uu maalintii Khamiistii uu buuq xooggan hareeyay fadhiigoodii. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 11-aad ee kal-fadhiga 53-aad Golaha Wakiillada Dowlad-goboleedka Puntland. Fadhiga maanta ayaa waxaa soo xaadiray 48 mudane, waxaana looga hadlay arrimaha siyaasadda iyo amniga maamulka. Sidoo kale waxaa maanta la hakiyay xeerka doorashooyinka ee uu gadaal ka riixayo madaxweyne Saciid Deni. Sida qorshaha uu ahaa fadhiga maanta ayaa lagu wadday in looga doodo wax-ka-bedelka Xeerka doorashooyinka Puntland, hase yeeshee guddiga loo xilsaarey xeerka doorashooyinka ayaa soo jeediyey in la hakiyo xeerkaas, maadaama waxyeelo u geysan karo amniga, taasi oo keentey in afhayeenkii baarlamaanka uu banaanka uga baxo shirka. Soo jeedinta guddiga ayaa waxaa u codeeyay illaa 34 Xildhibaan. Fadhiga oo qaatay wakhti dheer ayaa la isla qaatay in Xildhibaannada dib loogu soo wargeliyo fadhiga dambe, si loo dhammeystiro shaqooyinka Golaha horyaal maalmaha soo socda. Inkasta oo shir-guddoonka baarlamaanka Puntland la fahamsan yahay inuu la dhacsan yahay xeerka doorashooyinka, ayaa waxay xildhibaano badan qabaan in aan wax go’aan ah la soo saarin illaa inta ay socoto waan-waanta mucaaradka iyo Deni, taasi oo hadda ay waddaan Isimmada SSC-Khaatumo. Isimada SSC ee hadda waan-waanta u yimid Garoowe ayaa sheegay in meel wanaagsan wax u marayaan, islamarkaana ay la kumeen xukuumadda Deni, dallada mucaaradka, xisabiyada xukuumadda taageersan iyo bulshada rayidka ah. Sida ay ogaatay Caasimada Online, shir-guddoonka oo shalay Madaxtooyada kula shiray madaxweyne Saciid Deni iyo ku-xigeenkiisa Axmed Karaash ayaa waxay la wadaageen sida meel-marinta qorshahaan u adag yahay, gaar ahaan marka la eego xeer-hoosaadka baarlamaanka in la meel-mariyo xeerka doorashada, ee uu gadaal ka riixayo madaxweyne Saciid Deni. Dhinacyada ayaa ku ballamay in hadda xaaladda la dejiyo, islamarkaana la sameeyo sidii wax lagu socodsiin karo, xilli laga cabsi qabo in xiisadda ay markale isku rogto gacan ka hadal ka dhaca Garoowe. Mucaaradka iyo maamulka Deni ayaa isku-mari la’ nooca doorasho ee maamulkaasi, iyada oo mucaaradka uu rabo inay ku qabsoomto hanaankii hore ee ku yimaadeen madaxda hadda joogta, halka Deni uu rabo taasi beddelkeeda. Arrintan ayaa sidoo kale keentay inay shacab fara badan ka baracakaan guryahooda, iyaga oo ka cabsi qaba in mar kale uu dagaal culus ka dhaco halkaasi. Si kastaba, dhinacyada isku haya arrimaha doorashooyinka Puntland ayaa loogu baaqay inay iskugu yimaadan miiska wada-hadalka, ayada oo beesha caalamka ka digtay rabshado kale oo ka dhaca Garoowe, uguna baaqday in wax weliba lagu dhammeeyo wada-hadal iyo deganaan. “Ma jirto wax marmarsiinyo ah oo loo haysto rabshad ama hanjabaad xoog. Cabashada waa in lagu dhammeeyaa si nabad ah oo loo marayo wada hadal. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay khilaafkooda ku xalliyaan qaab nabadee,” ayaa lagu yiri farriinta xubnaha beesha caalamka. “Waxaan si dhow ula soconaa xaaladda, waxaana ku baaqaynaa in si deg-deg ah loo dejiyo xiisadda iyo wadahadallo degdeg ah oo ay yeeshaan madaxda siyaasadda iyo kuwa kale ee deegaanka.” The post Baarlamanka Puntland oo qaaday tallaabo wiiqday qorshihii madaxweyne Deni appeared first on Caasimada Online.
  4. Derek ChauvinImage caption: Derek Chauvin Derek Chauvin oo ahaa sarkaal ka tirsanaa booliiska Minneapolis, oo lagu helay dilka George Floyd, ayaa lagu tooriyeeyay xabsiga Arizona, sida ay sheegayso warbaahinta Mareykanka. Ilo wareedyo kala duwan ayaa wakaaladda warrarka ee AP u sheegay in 47-jirkan uu si xun u dhaawacay maxbuus kale. Wargeyska New York Times oo soo xiganaya laba qof oo xaaladda wax ka ogaa ayaa sidoo kale sheegay in la weeraray sarkaalkan horey booliska uga tirsanaa. Chauvin oo cadaan ah, ayaa xukuno kala duwan loogu riday dilka ninkii madowga ahaa ee George Floyd, kaas oo dhaliyay mudaaharaadyo waaweyn oo looga soo horjeedo naxariis darada iyo cunsuriyadda booliiska. Xafiiska Xabsiyada ayaa bayaan uu soo saaray ku xaqiijiyay in maxbuus ku jiray xabsiga federaalka ee magaalada Tucson la tooriyeeyay 12:30 wakhtiga maxaliga ah (19:30 GMT). Jimcihii.Wakaaladdu waxay sheegtay in shaqaaluhu ay hayeen dhacdada, “tallaabooyin lagu badbaadinayo nolosha” ayaa lagu sameeyay maxbuuska, kaddibna waxa loo qaaday isbitaalka, lama sheegin magaca maxbuuska. Ma jirto cid kale oo wax ku noqotay, Chauvina waxa la sheegay in uu ka badbaaday weerarka. Xeer Ilaaliyaha Guud ee Minnesota Keith Ellison, oo uu CNN-ku soo xigtay, ayaa xaqiijiyay in Chauvin la tooriyeeyay, wuxuuna sheegay in xaaladiisu ay wanaagsan tahay. Qaran News
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhoweyd magacaabay ergey cusub, kaasi oo lagu beddelay Maxamed Cabdi Waare, madaxweynihii hore ee HirShabelle. Madaxweynaha ayaa Ergeyga Gaarka ah ee u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka u magacaabay Xildhibaan Cumar Ibraahim Xaashi, sida ku cad wareegtadan oo ay goordhaweyd baahisay Villa Somalia. Ergeyga Xasilinta iyo Ilaalinta Rayidka ayaa u xil-saaran xakameynta qasaaraha rayidka ah ee ku sugan deegaannada ay ka socdaan howl-gallada xoreynta dalka iyo Xasilintooda. Madaxweynaha ayaa ergeyga cusub kula dardaarmay in uu si hagar la’aan ah ugu soo dhalaalo masuuliyaddan adag ee ay ku jirto badbaadada iyo amniga dadka Soomaaliyeed. Xasan Sheekh oo mudnaanta koowaad siinaya sidii deegaannada laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab ay u heli lahaayeen maamul, xasillooni iyo adeegyo bulsho ayaa faray Hay’adaha dowladda iyo Talisyada Ciidamada Qalabka Sida in ay si dhow waajibaadkiisa ugu gacan siiyaan Ergeyga Gaarka ah ee Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka. April 2023 ayay aheyd markii madaxweynaha uu madaxweynihii hore ee HirShabelle Maxamed Cabdi Waare u magacaabay ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada. Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo ay iska kaashanayaan ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda. The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka ka qaaday Waare, ku beddelay ergey cusub appeared first on Caasimada Online.
  6. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ergayga Gaarka ah ee u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka u magacaabay Mudane Xil.dhibaan Cumar Ibraahim Xaashi. Ergeyga Xasilinta iyo Ilaalinta Rayidka ayaa u xilsaaran xakameynta qasaaraha rayidka ah ee ku sugan deegaannada ay ka socdaan howlgallada xoreynta dalka iyo Xasilintooda , waxa uuna Madaxweynuhu kula dardaarmay in uu si hagar la’aan ah ugu soo dhalaalo masuuliyaddan adag ee ay ku jirto badbaadada iyo amniga dadka Soomaaliyeed. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo mudnaanta koowaad siinaya sidii deegaannada laga xoreeyey Alshabaab ay u heli lahaayeen maamul, xasillooni iyo adeegyo bulsho ayaa faray Hay’adaha dowladda iyo Talisyada Ciidamada Qalabka Sida in ay si dhow waajibaadkiisa ugu gacan siiyaan Ergeyga Gaarka ah ee Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka. Source: goobjoog.com
  7. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo,iyada oo ujeedku ahaa u kuurgelidda xaaladda fatahaadaha, diyaargarowga dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo arrimo kale. Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxwene ku-xigeennada maamulka Maxamuud Sayid Aada , Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Jubbaland ayaa qeyb ka ahaa soo dhoweynta maamulka. Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ee Jubbaland, waxaa uuna inta halkaasi joogay kulamo la yeeshay maamulka iyo qeybaha bulshada. Ra’isul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa inta uu kusugan yahay magalada Kismaayo waxaa uu ka qeyb qaadan doonaa xarig jarka iyo dhagax-dhigga mashaariic horumarineed iyo xoojinta wada-shaqeynta hey’adaha Federaal iyo kuwa dowlad-goboleed Jubbaland. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey Dowlad goboleedka Jubbaland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada soo dhaweynta diirran ee lagu qaabilay, waxaana safarkiisa magalada Kismaayo kusoo beegmayaa xilli Jubbaland Fatahaado ku rogmadeen. Source: goobjoog.com
  8. Garowe (HOL) - The Puntland regional state parliament rejected the amendment to the Puntland election law on Sunday, marking the second time lawmakers have opposed the law in a few days. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Csaasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayae gebi ahaanba meesha ka saaray in dowladdiisa uu wax wada-hadal ah uu dhexmari doono kooxda Al-Shabaab. Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in dagaal lagu cirib-tiro kooxda Al-Shabaab, halkii wada-hadal lala gali lahaa. Sidoo kale waxa uu xusay in gulufka socda ee ka dhanka Al-Shabaab laga gaaray guullo waaweyn, islamarkaana looga xoreeyay dhul ballaaran oo ay hadda dowladda ka sameysay barnaamijka xasillinta, taasi oo muujineysa rejada ah in Shabaab lagu suulin karo dagaal. “Si aan u istaagno sida xasilloon, waxaan leenahay laba door oo muhiim ah si aan u soo jiidano ficillada caalamiga ah. Waxaan u baahanahay inaan dalka ka xoreyno Al-Shabaab. Saaxiibada caalamku waxay ku siin karaan agabka sida cuntada, hubka iyo shidaalka laakiin nama siin doonaan ciidamada safka hore,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan oo xoojinaya isku tashiga gudaha. Mowqifka cusub ee Xasan ayaa meesha ka saaraya dabacsanaan uu muujiyay bartamihii sanadkaan, markaas oo uu sheegay “in ugu dambeynta” dowladdu la xaajoon doonto kooxaha xagjirka ah, gaar ahaan Al-Shabaab, taasi oo uu maanta meesha ka saaray. “Dowladdu waxay albaabada u furaysa xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee doonaya inay ka haraan gacan ka hadalka iyo fikirka xagjirka ah,” ayuu yiri madaxweynaha. Madaxweynaha ayaa hore u ballan-qaaday inuu ka adkaan doono kooxda Al-Shabaab, oo uu sheegay inay dib ugu xoogeysatay dalka intii ay ka talineysay dowladdii hore ee Farmaajo. Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dowladdu ay kooxda Al-Shabaab ku wajaheyso saddex siyaabood oo muhiim ah, kuwaasi oo kala ah mid milatari, mid fikir, iyo mid dhaqaale. Waxa kale oo uu sheegay in mudnaanta koowaad ay tahay amniga, isaga oo tilmaamay inay dowladdu dooneyso inay hirgeliso dib-u-heshiisiin bulsho iyo mid siyaasadeed oo ay ku jirto dastuur mideysan iyo dhismaha hay’addo dowli ah. Si kastaba, dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan ayaa guullo wax ku ool ka gaartay dagaalka Al-Shabaab, ayada oo kooxda lagu gaarsiiyay jab xooggan, iyada oo laga xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan ku jiray gacanta kooxda. The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo meesha ka saaray arrin la hadal hayey oo la xiriirta… appeared first on Caasimada Online.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil qorsheysan oo maanta ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho, kaas oo loo geystay wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Maxamed Axmed Yuusuf. Marxuumka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu toogtay gudaha degmada Dharkenley, waxaana dilkiisa ka dambeeyay kooxo hubeysan oo goobta ka baxsaday. Allaha u naxariistee Maxamed Axmed Yuusuf ayaa ka mid ahaa shaqaalaha wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka ee dowladda, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya oo howlgal ka sameeyay halka uu dilka ka dhacay oo u dhow guriga uu daganaa Marxuumka. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dilkaasi oo lagu eedeeyay inay ka dambeysay kooxda Al-Shabaab. Falkan dilka ah ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darri ee haatan ka dhacaya gudaha caasimada, waxaana ay ahayd xalay markii qarax miino uu ka dhacay degmada Hodan. Qaraxaas ayaa la sheegay in lagu xiray guri ku yaalla Waaxda Kacaan ee degmadaasi, kadibna la qarxiyay, waxaana degganaa sarkaal ka tirsan ciidamada Xoogga Soomaaliyeed, balse waxaa la sheegay in xilliga la qarxinayay uu ka maqnaa. Si kastaba, waxaa iyana dhankooda howlgallo amni xaqiijin ah wada ciidamada dowladda oo isku fidiyay magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda, si looga hortago amni darrada. The post Faah-faahinta dil maanta ka dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  11. Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mud. Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali oo uu weheliyo Hoggaamiye Ku xigeenka Maamulka Dr. Maxamed Cabdi Ismaaciil ayaa shir-guddoomiyey kulan gaar ah oo ay yeesheen Golaha Fulinta maamulka SSC-Khaatumo. Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubnaha Golaha Fulinta, Agaasimayaasha cusub ee Maamulka SSC-Khaatumo iyo Afhayeenka Hoggaanka Maamulka SSC-Khaatumo. Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa dhammaystirka shaqooyinka Maamulka iyo sidii loo dardar gelin lahaa hawlaha baaxadda leh ee horyaalla Maamulka SSC-Khaatumo. Hoggaamiyaha ayaa faray Agaasimayaasha cusub in ay si degdeg ah ula wareegaan shaqooyinka loo igmaday islamarkaana dedejiyaan adeeg bixinta Xafiisyada ay ka masuulka ka yihiin. Ugu danbayn, Hoggaamiye Cabdiqaadir ayaa shacabka SSC-Khaatumo uga mahadceliyey isgarabtaagga Maamulkooda, isagoona ugu baaqay in shacabku sii laban laabaan taageeradooda, si dhawna ula shaqeeyaan Maamulka SSC-Khaatumo. PUNTLAND POST The post Golaha Fulinta SSC-Khaatumo oo maanta kulan gaar ah yeeshay appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa abuurtay Channel WhatsApp ah, oo aad hadda kadib ka heli karto wararka iyo warbixinada ugu muhiimsan ee aan ku daabacno bogga. WhatsApp ayaa dhowaan soo kordhiyey qeyb Channels ah, oo aad ku follow gareyn karto warbaahinta aad xiiseyso, waxaana ka furnay bog u gaar ah Caasimada Online oo lasoo dhigo warbixinada webka lagu daabaco. Si aad u follow gareyso Channel-ka Caasimada Online, waxaad click sii link-ga hoos ku lifaaqan, kadibna qeybta sare ee dhanka midig, waxaad click siisaa follow, si aad noog xirnaato. Halkan click sii Marka aad follow tiraadho kadib waxaad mar walba channel-ka Caasimada Online ka booqan kartaa link-yada kore, ama adiga oo tegaya qeybta status-ka ama updates-ka ee WhatsApp, halkaasi oo aad Channel-ka ka arki karto, haddii aad follow ku tahay. Mar walba waad ku mahadsan tahay inaad ku xiran tahay Caasimada Online. The post Caasimada Online oo soo kordhisay Channel WhatsApp oo aad wararka ka heli karto appeared first on Caasimada Online.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha Ruushka u fadhiya Djibouti, islamarkaana Soomaaliya ka wakiilka ah, Mikhail Golovanov ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho. Safiirka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay masuuliyiin ka tirsan dowladda, oo ay kamid yihiin; wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska XFS, Daa’uud Aweys iyo agaasimaha waaxda Yurub ee wasaaradda arrimaha dibedda Danjire Cabdiraxmaan Diinaari. Mikhail ayaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka u yimid si uu dowladda federaalka Soomaaliya u guddoonsiiyo markab sida gargaar cunto, oo ay soo dirtay xukuumadda Moscow. Markabkaasi ayaa la filayaa inuu magaalada Muqdisho soo gaaro maalmaha socda, waxaana uu sidaa 25 kun oo tan oo sarreen ah ama qamadi. Gargaarkan cunto ayay dowladda Ruushka ku dhawaaqdey inay siinayso dalal Afrikan ah, oo ay Soomaaliya ugu horeyso dhowr bilood ka hor. Horraantii sanadkaan ayay aheyd markii ay billowdeen dhaq-dhaqaaqyo diblumaasiyadeed oo lagu soo celinayo xiriirka Soomaaliya kala dhaxeeya Ruushka. Ruushka ayaa mar ahaa saaxiibka ugu weyn ee Soomaaliya, wallow ay labada dal kala fogaadeen, intii uu socday dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee qarxay sanadkii 1977-kii, markaas oo Midowgii Soofiyeet ee Ruushka ugu tunka weynaa uu dhanka kale la soo saftay, taasi oo keentay in Soomaaliya ay Ruushka ka ceyriso dalka. The post Sawirro: Mas’uul sare oo ka socda Ruushka oo soo gaaray Muqdisho iyo qorshaha appeared first on Caasimada Online.
  14. Garoowe, November 26, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 11-aad ee Kal-fadhiga 53-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta ayaa waxaa soo xaadiray 48 mudane, waxaana looga hadlay arrimaha Siyaasadda Puntland, Amniga iyo sidii xildhibannada Golaha Wakiilladu door muhiim ah uga qaadan la haayeen ilaalinta midnimada & wadajirka Puntland si nabad iyo xasilooni ay ku jirto. Sida qorshaha ahaa fadhiga maanta ayaa lagu wadday in looga doodo wax-ka-bedelka Xeerka doorashooyinka Puntland, hasse yeeshee Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibril ayaa Xildhibaannada la wadaagay in wax-ka-bedelka xeerka la gelinayo la tashi guud. Fadhiga oo qaatay wakhti dheer ayaa la isla qaatay in Xildhibaannada dib loogu soo wargeliyo fadhiga dambe si loo dhammeystiro shaqooyinka Golaha horyaal maalmaha soo socda haddii EEBBE idmo. DHAMMAAD The post Baarlamanka Puntland oo war ka soo saaray Fadhigoodii Maanta oo Axad ah appeared first on Puntland Post.
  15. Isdhexgalka dhaqaale waa hannaan lagu mideynayo shuruucda iyo siyaasadaha dalalka si loo dhiirigeliyo ganacsiga, maalgeshiga iyo shaqoabuurka, waana taasi midda ay u taagan tahay dallada bulshada bariga Afrika ee ay Soomaaliya ku biirtay November 24, 2023, noqotana dalkii 8-aad. Dalalka qeybta ka ah ururkan ganacsi ayaa isku furran inta u dhaxeysa Badweynta Atlantika ilaa Badweynha Hindiya kuwaas oo kala ah; DRC, Kenya, Tanzania, Uganda, Rwanda, Burundi, South Sudan iyo Somalia, tani oo suurogelinaysa in dalkaasi ay ku midoobaan suuq, canshuue, lacag iyo arrimo bada. Faa’idada Dhaqaale ee Kubiirista EAC: (1). Soomaaliya waxaa ay ku biirtay ururkan EAC iyada oo wax laqeybgsan doonta suuq ilaa 300 milyan ah, waan shucuub kala dhaqan, diin iyo af ah. (2). Wax Sooraar: Faa’idooyinka kujira waxaa ka mid ah in dalagyada iyo guud ahaan wax soosaarka Soomaaliya la gaarsiiyo dalalkaasi kala duwan. Xoolaha, kalluunka iyo dhammaan dalagyada ayaa heli doona dhoofin iyo in ay fursad ka helaan suuqaasi. (3). Silsiladda Ganacsi: Ganacsatada Soomaaliyeed oo ah dad firfircoon ayaa fursad u heli doona in ay ku safraan, kana ganacsadaan bariga Afrika iyada oo laga qaaday caqabadihii ku hor gudbanaa. (4). Tartanka Ganacsi: Ku biirista EAC, waxaa ay horseedi doontaa in Soomaaliya ay tartan dhan walba ah la gasho ilaa 7 dal oo kale, waxaana soo kordhi doona arrimo ay ka mid Teknoloji, jidad iyo arrimo kale. (5). Maalgelin Bangiyo: Soomaaliya waxaa ay arrinkan dartii ku heli doonaa maalgelin caalami ah, sida East African Development Bank tan oo kor u qaadi doonta warshadaha, adeegyada, beeraha iyo dhammaan hanaanada wax lagu hormariyo. (6). Ka faa’ideysiga Gobollada Kale: Waxaa ay Soomaaliya fursad u heli doontaa in ay xiriir fiican la yeelato suuqyada Galbeedka iyo Koonfurta Afrika sida; COMESA iyo (SADC). (7). Maalgelin Toos ah: Arrimaha kale ee kubiirista ay faa’idada u leedahay waa helidda maalgelinta tooska ah ee foreign direct investment (FDI), taasi oo ku imaanaysa in suuqyada oo dhami ay furmaan, dhaqaalaha uu kordho, shaqoabuur la helo iyo arrimo kale. (8). Xoojinta siyaasadaha Macroeconomic: Dowladda Soomaaliya waxaa ay xoojineysaa ganacsiga yaryar si ay ula jaanqaado dalalka xubnaha ka ah, waxaana ka mid ah siyaasadaha lacagta in ay lasoo socdaan hiihsida dalalka, taasi oo keeneysa xasilooni maaliyadeed. (9). Deymo la kala qaato; Dalalka xubnaha ka ah ururka daladda bariga Afrika waxaa ay kala qaadan karaan deymo. Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa fursad u heli doona deymo ay ka qaataan bangiyo kala duwan oo Kujira dalalka xubnaha ka ah. Faa’idooyinka Siyaasiga ah: (1). Sameynta Go’aannada Gobolka: Soomaaliya waxaa ay fadhin doontaa goobta lagu gaarayo go’aanno masiiri ah ee gobolka, gaar ahaan dhaqaalaha iyo siyaasadda oo aan kala maarmin. (2). Wadashaqeynta iyo Diblomaasiyadda waa faa’ido kale oo laga helayo kubiirista Soomaaliya ee ururkan, waxaana aad usii xoogeysana xiriirka labogeesoodka ah iyo kan dhinacyada badan. (3). Xoojinta Dowlad Wanaagga iyo Dimoqraadiyadda waa ujeedo kale oo la faa’idi karo urur goboleedka ay Soomaaliya ku biirtay. (4). Nabadda iyo xallinta khilaafaadka waa faa’ido kale oo laga helayo ururkan, iyada dalalka bariga Afrika ay fursad u heli doonaan xallinta wixii khilaafaad ah ee jira, iyo kashaqeynta nabadda. (5). Xuquuqul insaanka: Arrimaha kale ee muhiimka ah eel aga faa’idayo ku biirista dalladan waxaa ka mid ah ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo sarreynta sharciga oo ka mid ah arrimaha aasaaska u ah xiriirka caalamiga ah. (6). Pan-Africanism: Ka mid noqoshada ururkan waxaa uu fursad siin doonaa in dadka Soomaaliyeed ay kusii dhowaadaan Afrikaan, iyada oo wax badan iska badali doonaan arrimaha isirka, dhaqanka iyo wixii la midka ah. Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar oo kamid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya ee kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ayaa xog ka bixiyay shirkii ay Baydhaba kula soo yeesheen madaxweynaha maamulkaasi, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo looga hadlay arrimo xasaasi ah. Xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday in kulankooda ay diirrada ku saareen fatahaadaham wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab iyo sidoo kale wax ka beddalka Dastuurka dalka. Aweys Maxamed oo u warramay Somali Gable ayaa wax laga weydiiyay guuxa ka dhashay shirkooda, maadaama uu kusoo aaday, xilli xasaasi ah, wuxuuna sheegay inay muujinayeen cududooda, gaar ahaan xildhibaanada uu haysto madaxweyne Lafta-gareen. “Runtii madaxweynaha Koonfur Galbeed sida aad ogtahay xildhibaano ayuu haystaa madaxweynayaasha maamul goboleedyada kale oo kale ma’aha, madaxweynaha cududiisa inuu mideeyo xildhibaanada cod mid ah ay ku yeeshaan waa waajib” ayuu yiri Xildhibaanku Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay isku dhaarsadeen hal arrin taas oo ah dhammeytirka Dastuurka, wuxuuna sheegay inay cod mideysan ka yeelan doonaan xildhibaanada kasoo jeeda Koonfur Galbeed, marka la keeno dooda Dastuurka. Xildhibaan Aweys oo sii hadlaya ayaa xusay inay yeelan doonaan guddiga gaar u ah xildhibaanada, kaas oo falanqeyn iyo aragti mid ah ka yeelan doono Dastuurka. “Waxaan ku heshiinay hadda in guddi xildhibaanadeena ah la saari doono Koonfur Galbeed ahaan marka la keeno ajendaha akhrino, ka doodno ka bacdina cod mideysan aan ka yeelano” ayuu mar kale yiri Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar. Mudane Aweys Maxamed Cumar ayaa sidoo kale yiri “Qasab waayay in dastuurka la dhammeeyo waana muhiim, maxaa yeelay dowlad sideeda waxay ku dhisan tahay shuruuc iyo qaanuun”. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo shalay guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe uu si rasmi ah u xaqjiiyey wax ka beddalka Dastuurka Soomaaliya, isaga oo xildhibaanada ka codsaday inay Kalfadhigga 4-aad siiyaan muhiimad gaar ah. The post Laftagareen iyo xildhibaanada kasoo jeedo K/Galbeed oo isku dhaarsaday hal arrin appeared first on Caasimada Online.
  17. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ergayga Gaarka ah ee u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka u magacaabay Mudane Xildhibaan Cumar Ibraahim Xaashi. Ergeyga Xasilinta iyo Ilaalinta Rayidka ayaa u xilsaaran xakameynta qasaaraha rayidka ah ee ku sugan deegaannada ay ka socdaan howlgallada xoreynta dalka iyo Xasilintooda , waxa uuna Madaxweynuhu kula dardaarmay in uu si hagar la’aan ah ugu soo dhalaalo masuuliyaddan adag ee ay ku jirto badbaadada iyo amniga dadka Soomaaliyeed. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo mudnaanta koowaad siinaya sidii deegaannada laga xoreeyey argagixisada Alshabaab ay u heli lahaayeen maamul, xasillooni iyo adeegyo bulsho ayaa faray Hay’adaha dowladda iyo Talisyada Ciidamada Qalabka Sida in ay si dhow waajibaadkiisa ugu gacan siiyaan Ergeyga Gaarka ah ee Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka. The post Madaxweynaha Soomaaliya oo magacaabay Ergey u qaabilsan Ilaalinta Arrimaha Rayidka appeared first on Puntland Post.
  18. Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobe ee Somalia (United Nations University for UPEACE, Somalia Program), waxay daneeyayaasha Soomaaliyeed lawadaagasa in lafuray isdiiwaan-gelinta sanad waxabarshadeed Jaamacadda 2023-2024. sanadkan waxa ku jirto deeq waxbarsho oo uu sameeyey MW Dr. Hassan Sheikh Mohamuud taso ay kafalqaday bixint kharashaadka Hay’adda Qadar Charity. https://goobjoog.s3.eu-central-1.amazonaws.com/content/uploads/2023/11/26133157/UPEACE-FLYER-2023-2024-V2-2.pdf Source: goobjoog.com
  19. Kismayo (HOL) - A delegation led by Somali Prime Minister Hamsa Abdi Barre arrived in Kismayo on Sunday to assess the humanitarian situation resulting from the El-Nino floods and to accelerate anti-al Shabab operations. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax xalay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho, kaas oo si weyn jugtiisa looga maqlay inta badan xaafadaha degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa miino lagu xiray guri ku yaalla Waaxda Kacaan ee degmadaasi, kadibna la qarxiyay. Guriga la qarxiyay ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu degan yahay sarkaal ka tirsan ciidamada Xoogga, balse waxaa la sheegay in xilliga la qarxinayay uu ka maqnaa, Ma jiro wax khasaare ah oo nafeed ah oo ka dhashay qaraxan, marka laga reebo burbur soo gaaray dhismaha guriga lala bartilmaadeedsaday miinada. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goor dambe goota gaaray, kuwaas oo howlgallo sameeyay, balse ma jirto cid ay usoo qabteen qaraxaasi. Qaraxan ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darri ee haatan ka dhacaya magaalada Muqdisho oo ay sidoo kale howlgallo amni xaqiijin ah ka wadaan ciidamada dowladda. Waxaa qaraxan ka horreey mid kale oo todobaadkii hore ka dhacay degmada Yaaqshiid, kaas oo isna lagu xiray Farmashiye ku yaalla gudaha degmadaasi. Sababta loo beegsaday goobtaas caafimaad ayaa waxa lagu sheegay in lagu xiray kaamirooyinka CCTV, kadib amar kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya. Inta badan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ayaa beegsada xarumaha ganacsi ee ku yaalla magaalada Muqdisho, gaar ahaan kuwa ay isku qabtaan lacagaha baadda ah. Weerarada noocaan oo kale ayaa maalmihii u dambeeyay kusoo kordhayay caasimada, waxaana horay sidaan oo kale loo beegsaday xarumo ay leedahay Shirkadda Hormuud. The post Faah-faahinta guri ku yaalla Muqdisho oo la qarxiyay appeared first on Caasimada Online.
  21. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo, halkaas oo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxwene ku-xigeennada, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Jubbaland. Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ee Jubbaland ayaa la xiriira u kuurgelidda xaaladaha binu aaddantinimo ee ka dhalatay daadadka El-nino oo saameyn xooggan ku yeeshay deegaannadan, dardar-gelinta howl-galka wajiga 2aad ee ciribtirka Khawaarijta, xarig jarka iyo dhagax-dhigga mashaariic horumarineed iyo xoojinta wada-shaqeynta hey’adaha Federaal iyo kuwa dowlad-goboleed Jubbaland. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey Dowlad goboleedka Jubbaland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada soo dhaweynta diirran ee lagu qaabilay. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Xamsa oo lagu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo appeared first on Puntland Post.
  22. Mogadishu (HOL) - Somalia's military court has sentenced Hashi Garad Ali Aalin (Yahye) to ten years in prison for managing Al-Shabaab's extortion funds. Aalin, who joined Al-Shabaab in 2013, was found guilty of overseeing the finances in several districts within the Mudug and Galgaduud regions. Source: Hiiraan Online
  23. Maxkamadda Ciidamada ee darajada koowaad ee Somaliland ayaa dil ku xukuntay Cabdiraxmaan Ibrahim Aadan oo dhawaan Hargeysa ku dilay allaah. haw naxariisto Mustafe Ibrahim Adan Abees. Maxamed Baashe oo ku eedaysan in uu Gacan siiyay Gacan ku dhiiglaha ayaa isna lagu xukumay 5 sano oo xabsi Ah. Labada eedaysaneba Waa Askar ka tirsan Booliiska Somaliland. Source
  24. Garowe (HOL) - SSC-Khatumo traditional leaders have voiced optimism about finding a resolution in the ongoing Puntland election dispute. The SSC claims to have effectively maintained security in the state capital, Garowe, by separating government and opposition forces following previous armed confrontations. Source: Hiiraan Online