-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Addis-Ababa (Caasimada Online) – Midowga Afrika iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa oggolaaday in Soomaaliya loo diro 2,500 askari oo Itoobiyaan ah, kuwaas oo qayb ka noqon doona ciidan cusub oo nabad-ilaalin ah, si loo xoojiyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab. Ciidamadan ayaa ka hawlgeli doona howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Taageerada Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo si rasmi ah u billaabmay bishii Jannaayo ee sannadkan, islamarkaana socon doona ilaa dhammaadka sannadka 2028. Sida uu dhigayo qaraar uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ansixiyay dabayaaqadii sannadkii hore, howlgalka AUSSOM wuxuu taageero siin doonaa ciidamada ammaanka Soomaaliya, gaar ahaan goobaha laga qabsaday Al-Shabaab, oo xiriir dhow la leh Al-Qaacida. Tirada guud ee ciidamada la ansixiyay waa 12,626 askari, taas oo ka yar tiradii hore ee ATMIS, arrintaas oo muujinaysa rabitaanka sii kordhaya ee Soomaaliya in ay la socoto ciidamada shisheeye ee dalkeeda jooga. Uganda ayaa ciidanka ugu badan ku biirinaysa howlgalka, iyadoo soo diraysa ilaa 4,500 askari, halka Masar ay filayso inay ku biiriso ku dhawaad 1,100 askari. Jabuuti iyo Kenya ayaa sidoo kale ka qayb qaadan doona howlgalka, iyagoo kala diraya 1,520 iyo 1,410 askari sida ay u kala horreeyaan. Guddiga Isku-xirka Howlgallada Soomaaliya (SOCC) ayaa xaqiijiyay tirada rasmiga ah ee ciidamadan. Warbixin uu soo saaray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa muujisay in ilaa Agoosto 2024 ay Soomaaliya joogeen wax ka yar 13,000 oo askari oo ATMIS ka tirsan. Ka qaybgalka Itoobiya ee howlgalka ayaa markii hore muran galay kadib markii Itoobiya ay heshiis muran badan dhaliyay la saxiixatay Somaliland, kaas oo Addis Ababa siinaya marin biyoodka Badda Cas iyadoo loo badinayo inay beddelkeeda aqoonsato madaxbannaanida Somaliland. Soomaaliya ayaa markii hore kasoo horjeesatay doorka Itoobiya ee howlgalka AUSSOM iyadoo ka walaacsan arrimo la xiriira madax-bannaanideeda, balse mowqifkaasi ayaa isbeddelay kaddib wadahadallo Turkigu uu dhexdhexaadiyay oo lagu gaaray heshiiska Ankara. Ka sokow ciidamada militariga, boqollaal askari oo boolis ah oo ka socda Masar, Nigeria, iyo Sierra Leone ayaa lagu geyn doonaa magaalooyinka muhiimka ah sida Muqdisho, Jowhar, iyo Baydhabo si ay uga qayb qaataan sugidda amniga iyo xasilinta deegaannadaas. Doorka ciidamada Masar Ciidamada Masar ee Soomaaliya loo dirayo—oo qayb ka ah heshiis ballaaran oo difaac oo suurta galinaya in ilaa 10,000 oo askari oo Masar ah la geeyo Soomaaliya—ayaa muujinaya isbeddel ku yimid awoodaha Geeska Afrika. Mas’uuliyiinta Masar ayaa sheegaya in ujeedkoodu yahay inay gacan ka geystaan xasilinta Soomaaliya, balse falanqeeyayaashu waxay tilmaamayaan in arrintani qayb ka tahay tartanka muddada dheer soo socday ee u dhexeeya Masar iyo Itoobiya. Khilaafka ka taagan biyo-xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD), oo Masar ay u aragto khatar ku ah ammaankeeda biyaha, ayaa Masar ku riixay inay iskaashiyo cusub ka raadiso Bariga Afrika. Iyadoo Masar ay joogitaan ciidan oo toos ah ku yeelato Soomaaliya, waxay heshaa awood istiraatiiji ah oo dheeraad ah, gaar ahaan iyadoo Itoobiya ay isku dayeyso inay hesho marin dekadeed iyo saameyn badeed oo gobolka ah. Dowladda Soomaaliya ayaa mowqif adag ka qaadatay shuruudaha ku saabsan joogitaanka ciidamada shisheeye. Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in heshiisyadii dhowaan la saxiixay ay hubiyeen in ciidamo ku filan ay joogaan, si loo gaaro tirada ugu yar ee 11,000 askari ee loo qoondeeyay howlgalka AUSSOM, xitaa haddii ay dalal qaarkood ka baxaan heshiiska. Soomaaliya ayaa sidoo kale si adag u dalbanaysa in waddan kasta oo ciidamo diraya uu si buuxda u ixtiraamo maamulka dowladda Federaalka Soomaaliya. Inkasta oo Itoobiya ay hore ugu lahayd Soomaaliya in ka badan 20,000 askari oo hoos yimaada ATMIS, haddana Muqdisho ayaa ku adkeysatay in ciidamada cusub ay hoos yimaadaan heshiisyo cad sida heshiiska cusub ee heerka ciidamada (SOFA), kaas oo damaanad qaadaya ilaalinta danaha qaranka Soomaaliya. Maal-gelinta howlgalka Maalgelinta ayaa weli ah arrin muhiim ah oo walaac leh. Habka maalgelinta ayaa noqon doona mid isku-dhaf ah, iyadoo Qaramada Midoobay ay dabooli doonto ugu badnaan 75%, inta kalena laga heli doono Midowga Afrika iyo dalalka kale ee caalamiga ah. Mas’uuliyiin Mareykan ah ayaa walaac ka muujiyay suurtagalnimada in laga gudbo xadkaas, taas oo walaac ka dhalisay ku saabsan joogtaynta howlgalka. Dhanka kale, Midowga Yurub, Turkiga iyo Shiinaha ayaa sii wadaya bixinta taageero dhaqaale iyo mid saadka ah. Soomaaliya ayaa sidoo kale la daalaa dhacaysa kala qaybsanaan gudaha ah oo ka jirta dowlad-goboleedyada, kuwaas oo qaarkood aad ugu tiirsan taageerada ciidamada shisheeye ee ammaanka gudaha. Maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku adkeysanaya in qaabka nabad-ilaalinta ee “Soomaalida hoggaaminayso” uu xoojin doono hay’adaha dowladda isla markaana uu furi doono waddo u horseedaysa in Soomaaliya ay mustaqbalka isku filnaansho buuxda ka gaarto dhinaca amniga. Sida uu sheegay la-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya, howlgallo wadajir ah oo u dhexeeya ciidamada AUSSOM iyo kuwa Soomaaliya ayaa durba socda, iyadoo lagu bartilmaameedsanayo deegaannada weli gacanta ugu jira Al-Shabaab, kuwaas oo weli halis weyn ku haya amniga dalka. Inkasta oo muddo ku dhow labaatan sano ah ay jirto faragelin caalami ah, Al-Shabaab ayaa wali gacanta ku haysa qaybo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Kooxda ayaa dhowaan fulisay weerarro waaweyn oo uu ka mid yahay weerar lagu qaaday kolonyo uu la socday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud bartamihii Maarso. Weerarada sii kordhaya ayaa keenay in dib loo xoojiyo howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, sida duqeymo cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Mareykanka, Turkiga, iyo Itoobiya.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta booqasho hal maalin ah ku tagay dalka Uganda kaddib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaasi, ayaa wada-hadallo miro-dhal ah la yeeshay Madaxwaynaha martida loo yahay Mudane Yoweri Museveni. Kulanka labada Madaxwayne ayaa waxaa ka soo baxay qodobbo ay ka mid yihiin: 1. Labada Madaxwayne ayaa bogaadiyay xiriirka qotoda dheer ee laba geesoodka ah iyo iskaashiga dhaw ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Uganda. 2. Labada Madaxwayne ayaa ka wada-hadlay xaaladda amniga ee gobolka iyaga oo hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo ilaalinta xasilloonida iyo amniga gobolka geeska Afrika. 3. Labada Madaxwayne ayaa si wadajir ah u soo dhaweeyay billaabashada hawlgalka cusub ee AUSSOM. 4. Labada Madaxwayne ayaa adkeeyay dardargalinta taageerada caalamiga ee ku aaddan dhaqangalinta Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya iyo kobcinta awoodda Ciidamada Xoogga Dalka. 5. Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale is-dultaagay is-afgaradkii iskaashiga difaaca ee ay labada dal kala saxiixdeen, iyaga oo faray hay’adaha ku shaqada leh in ay dardargaliyaan dhaqangalintiisa. 6. Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa uga mahad celiyay dhiggiisa Uganda soo dhawaynta diirran ee loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa, isaga oo casuumaad rasmi ah oo uu ku imaanayo magaalada Muqdishu u fidiyay Madaxwayne Museveni. 7. Dhankiisa, Madaxwane Yoweri Museveni ayaa Madaxwayne Xasan Sheekh uga mahad celiyay booqashadiisa, isaga oo dhanka kale aqbalay casuumaadda rasmiga ah ee uu ku imaanayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdishu muddada soo aaddan. Source: goobjoog.com
-
Masjid 30 jir ah oo ku yaala deegaanka Kaluunka ee magaalada Muqdisho ayaa maalintii Jimcihii lagu tukaday salaaddii jimcaha ee ugu dambeysay iyadoo amar lagu soo rogay in la dumiyo. Masjidka oo ku yaalla dhul ay dowladdu leedahay ayaaay dawladda Xasan Sheekh xaraashtay. Culimada diinta ayaa ka digaya in la burburiyo goobtan xurmada leh. Masjidkani ayaa marka la dumiyo laga dhisi doonaa goobo ganacsi iyo Hotel iyo dukaamo Imaamka masjidka ayaa madaxweyne Xasan Sheekkh fariin saxaafada u mariyay isaga oo u sheegay in uu misaajidka bad baadiyo madaama oo uu ka mid ahaa ragii ku tukan jiray misaajidka. Culimada deegaanka ayaa iyaguna si kala gaar gaarbah uga hadlay arinkani waxana at dhaleeceeyeen masaajidkasi la duminaayo ee la iibiyay oo ku yaala xaafadda Kaluunka ee magaaladda Muqdisho. Qaran News
-
Mogadishu (HOL) — Seven players from Somalia's U-17 national football team have returned to camp after briefly disappearing from their team hotel during the ongoing TotalEnergies U-17 Africa Cup of Nations in Morocco, casting a shadow over what was already a turbulent campaign for the Ocean Stars. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — The road to Mogadishu runs through shattered towns and makeshift outposts that have changed hands too many times to count. However, Al-Shabaab's recent offensive in central Somalia is threatening to destabilize the capital, Mogadishu, as Somalia's overstretched forces struggle to contain a surge in militant attacks, a new report by the Soufan Center warns. Source: Hiiraan Online
-
XASAN SHIIKH OO BILAABAY INUU MUSAAJIDDADII XAMAR MID KA MIIDA UU KA IIBIYO GANACSATO. Waxa sare u QAYLIYAY IIMAAMKII iyo guddigii musaajidka weyn ee ku yaalla xaafadda kalluunka kadib markii lagu wargeliyay in musaajidka ganacsato uu ka iibiyay madaxweyne Xasan Shiikh, sidaas awgeedna ay alaabta ka gurtaan IIMAAMKII musaajidka Shiikh Cali Axmad oo ay ka muuqato tiiraanyo diimeed ayaa ku dhawaaqay inaanay alaabta iyo kutubta midna ka gurayn ee uu siduu doono kale yeelo. Waxa aynu sugnaa waa jawaabta ay ka bixiyaan mucjisadan HALISTA ah ee ay dawladdu ku xaraashtay musaajidka xaafadda kalluunka. MAHADSANID. CABDI BACAW. GUUL ALLE. LONDON Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa u safray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo uu kula kulmay safiirrada dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya ee fadhigoodu yahay Nairobi. Ilo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in safarka Axmed Madoobe uu ku tegay Kenya ay ogolaatay dowladda federaalka Soomaaliya, oo hadda ka soo dabacday mowqifkii adkaa ee dagaalka Axmed Madoobe. Waxaa suurtagal ah in Axmed Madoobe uu ka mid noqdo madaxda ka soo qeyb gelaysa gogosha wadahadalka ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku baaqay, safiirrada beesha caalamka ayaa la sheegay inay dhexdhaxaadinayaan Axmed Madoobe iyo dowladda federaalka. Markii ay weji yeelato arrinta Axmed Madoobe ayaa la qorsheynayaa in la raadiyo Saciid Deni, keenidda hoggaamiyaha Puntland waxaa Iyana ka shaqeyn doona xubnaha beesha caalamka. Xasan Sheekh ayaa habeenkii ciidda ku baaqay gogol siyaasadeed oo wax faahfaahin aan laga bixin ilaa hadda ciidda kasoo qeyb gelaysa, balse wuxuu cadeeyey in hoggaamiyaasha siyaasadda iyo bulshada rayidka ay isugu imaan doonaan. Sidoo kale, goorta iyo goobta ayaa la aaminsan yahay in dowladda federaalka ay shaaci doonto, markii go’aan laga gaaro arrimaha Jubbaland iyo Puntland ee quseeya kasoo qeybgalka gogoshaas. Xasan Sheekh wuxuu habeenkii uu ku baaqay gogoshaan sheegay in looga hadli doono dagaalka Khawaarijta iyo masiirka siyaasadeed ee dalka, taas oo farxad gelisay dhamaan saamileyda siyaasadda oo si isku mid ah u soo dhaweeyey gogoshaas. Sidoo kale, siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa dalbaday faahfaahin dheeraad ah, sida cidda lagu casuumayo gogoshaas iyo waxyaabaha mudan in looga hadlo, balse hal arrin oo si weyn ay u soo dhaweeyeen ayaa aheyd in midnimo lagu wajaho dagaalka argagixisada. Arrinta ugu xiisaha badan ee isha lagu wada hayo waa sida xal looga gaari doono khilaafkii dowladda federaalka iyo Axmed Madoobe oo gaaray gacan ka hadal dhiig badan ku daatay, waaran maxkamadeed iyo in Axmed Madoobe lagu shaabadeeyey inuu Shabaab yahay.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta booqasho hal maalin ah ku tagay dalka Uganda kaddib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaasi, ayaa Shir la yeeshay Madaxwaynaha martida loo yahay, Yoweri Museveni. Madaxtooyada Soomaaliya oo Warsaxaafadeed soo saartay ayaa shaacisay in Shirka labada Madaxwayne ay ka soo baxeen qodobbo ay ka mid yihiin: 1. Labada Madaxwayne ayaa bogaadiyay xiriirka qotoda dheer ee laba geesoodka ah iyo iskaashiga dhaw ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Uganda. 2. Labada Madaxwayne ayaa ka wada-hadlay xaaladda amniga ee gobolka iyaga oo hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo ilaalinta xasilloonida iyo amniga gobolka geeska Afrika. 3. Labada Madaxwayne ayaa si wadajir ah u soo dhaweeyay billaabashada hawlgalka cusub ee AUSSOM. 4. Labada Madaxwayne ayaa adkeeyay dardargalinta taageerada caalamiga ee ku aaddan dhaqangalinta Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya iyo kobcinta awoodda Ciidamada Xoogga Dalka. 5. Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale is-dultaagay is-afgaradkii iskaashiga difaaca ee ay labada dal kala saxiixdeen, iyaga oo faray hay’adaha ku shaqada leh in ay dardargaliyaan dhaqangalintiisa. 6. Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa uga mahad celiyay dhiggiisa Uganda soo dhawaynta diirran ee loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa, isaga oo casuumaad rasmi ah oo uu ku imaanayo magaalada Muqdishu u fidiyay Madaxwayne Museveni. 7. Dhankiisa, Madaxwane Yoweri Museveni ayaa Madaxwayne Xasan Sheekh uga mahad celiyay booqashadiisa, isaga oo dhanka kale aqbalay casuumaadda rasmiga ah ee uu ku imaanayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdishu muddada soo aaddan. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Casumaad Rasmi ah u fidiyay dhiggiisa Madaxweyne Yoweri Museveni appeared first on Puntland Post.
-
MINNEAPOLIS, Minn (HOL) — A federal judge has ordered the Trump administration to return a Maryland man who was wrongly deported to El Salvador, citing an "illegal act" that violated a 2019 court order protecting him from removal and criticizing government lawyers for failing to justify the deportation. Source: Hiiraan Online
-
Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta booqasho hal maalin ah ku tagay dalka Uganda, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaasi, ayaa wada-hadallo miro-dhal ah la yeeshay Madaxwaynaha martida loo yahay Mudane Yoweri Museveni. Kulanka labada Madaxwayne ayaa waxaa ka soo baxay qodobbo ay ka mid yihiin: Labada Madaxwayne ayaa bogaadiyay xiriirka qotoda dheer ee laba geesoodka ah iyo iskaashiga dhaw ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Uganda. Labada Madaxwayne ayaa ka wada-hadlay xaaladda amni ee gobolka, iyagoo hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo ilaalinta xasilloonida iyo amniga gobolka Geeska Afrika. Labada Madaxwayne ayaa si wadajir ah u soo dhaweeyay billaabashada hawlgalka cusub ee AUSSOM. Labada Madaxwayne ayaa adkeeyay dardargalinta taageerada caalamiga ee ku aaddan dhaqangalinta Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya iyo kobcinta awoodda Ciidamada Xoogga Dalka. Labada Madaxweyne ayaa is-dultaagay is-afgaradkii iskaashiga difaaca ee ay labada dal kala saxiixdeen, iyaga oo faray hay’adaha ku shaqada leh in ay dardargaliyaan dhaqan-galintiisa. Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa uga mahad celiyay dhiggiisa Uganda soo dhawaynta diirran ee loo sameeyay, isaga iyo wafdigiisa, isagoo casuumaad rasmi ah oo uu ku imaanayo magaalada Muqdisho u fidiyay Madaxwayne Museveni. Dhankiisa, Madaxwane Yoweri Museveni ayaa Madaxwayne Xasan Sheekh uga mahad celiyay booqashadiisa, isaga oo dhanka kale aqbalay casuumaadda rasmiga ah ee uu ku imaanayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho muddada soo aaddan.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, ehelada, Ciidanka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed, geerida Alle ha u naxariistee, Gaashaanle Sare Nuur Maxamed Gaabow (Nuur Farey), Taliyihii Guutada 14-Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa xusay in Taliye Nuur Farey uu ahaa halgamaa daacad ah oo nolol iyo nafba u huray difaaca Qaranka iyo xorriyadda shacabka Soomaaliyeed, isagoo Alle uga baryay inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo dhammaan shuhadada Ciidamada. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka ay wado baaritaan dhameystiran oo ku saabsan weerarkan argagixisanimo, waxa uuna adkeeyey go’aanka adag ee dowladda ee ku saabsan in la sii laba jibbaaro dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ah ee cadawga ku ah nabadda iyo xasilloonida dalkeenna. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xogo dheeraad ah ayaa laga helayaa sida uu u dhacay dilka Taliyihii guutada 14-ka October, G/Sare Nuur Farey oo maanta lagu toogtay aagga deegaanka Lambar 50 ee gobolka Shabeellaha Hoose, geerida sarkaalkaas muhiimka ah ayaa gilgishay dalka oo dhan. Ninkii ka dambeeyey dilka Taliyaha ayaa la xaqiijiyey in uusan aheyn askari ka tirsan ciidamada qaranka, waxaana la sheegay in goobta lagu dilay ay deganaayeen ciidan kale. Taliyaha ayaa goortii la dilay ku sugnaa xerada guutada Cumar bin Khadaab, ninka dilay ayaa ka soo dhex baxay ciidankaas, wuxuuna ku lebisnaa tuutaha ciidamada xoogga dalka. Ciidankii la socday Taliyaha la dilay ee guutada 14-ka October iyo ciidankii xerada loogu yimid ee guutada Cumar Binu Khadaab oo aan is aqoonin ayuu ka dhex faa’iideystay ninka dilka geystay, wuxuuna toogtay Taliye Nuur Farey oo shir kula jiray saraakiisha kale ee guutadaas. G/Sare Nuur Farey wuxuu ahaa sarkaalka ugu sareeya dhamaan ciidamada dowladda ee ka howlgala gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana lagu dhex toogtay qol ku dhex yaallay xerada ciidamada guutada Cumar buni Khadaab, halkaas oo saraakiisha guutadaas uu kula shiraayey. Ninka dilay Taliyaha ayaa dhaawacay Taliye kale, intaas kadib wuxuu isku dayey inuu baxsado, waxaa la dagaalamay ciidamadii goobta ku sugnaa, kuwaas oo labo kale uu ka dilay, iyaguna dilay markii dambe. Intaas kadib meydkii Taliyaha, dhaawaca labo askari, hal sarkaal iyo meydkii dhagarqabaha dilka geystay ayaa diyaarad militeri looga soo qaaday xerada, waxaana laga soo dejiyey Muqdisho, waxaa la bilaabay baaritaan lagu ogaaday natiijo hordhac ah. Waxaa la garan waayey wajiga ninkii dilka geystay oo qeybaha sare ee jirkiisa rasaas badan lala dhacay, taasi oo shaki abuurtay, waxaa ciidanka lagu sameeyey tirakoob lagu ogaaday in ninkaas uusan askari dowladda u diiwaan gashan aheyn, sidoo kale waxaa la ogaaday in qoriga dilka lagu geystay aysan dowladdu laheyn. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta amar ku bixiyey in lasoo xiro ilaaladii taliyaha la dilay iyo dhamaan wixii ciidan iyo saraakiil goobta joogay, si baaritaan loogu sameeyo. G/Sare Nuur Farey oo ahaa sarkaal qaali ah wuxuu heystay tababarro sare oo Turkiga, Talyaaniga iyo dalal kale oo waaweyn uu ku soo qaatay, wuxuu aad ugu dhowaa oo qaraabo iyo saaxiib dhow uu la ahaa madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, oo soo saaray qoraal uu ku codsaday in baaritaan deg deg lagu ah lagu sameeyo ciddii ka dambeysay dilka Taliyaha.
-
Culimada Islaamka ee ugu caansan adduunka ayaa si wadajir ah u soo saaray fatwo aan caadi ahayn, iyagoo ugu baaqay dhammaan Muslimiinta iyo dowladaha Muslimiinta in ay qaadaan jihaad ka dhan ah Israa’iil, kadib 17 bilood oo dagaal lagu baabi’inayo Falastiiniyiinta ku sugan marinka go’doonsan ee Gaza. Sheekh Cali al-Qaradaghi, xoghayaha guud ee Ururka Caalamiga ah ee Culimada Muslimiinta (IUMS), oo horey u hoggaamin jiray caalimkii weynaa Yusuf al-Qaradawi, ayaa Jimcihii ugu baaqay dowladaha Muslimiinta “inay si degdeg ah uga falceliyaan dhibaatada Gaza — milatari ahaan, dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba — si loo joojiyo xasuuqa iyo burburka baahsan, taasoo waafaqsan masuuliyadooda sharciyeed.” “Ku guuldareysiga dowladaha Carabta iyo Islaamka ee garab istaagga Gaza xilli la baabi’inayo, waxay shareecada Islaamka u aqoonsan tahay dambi weyn oo lagula kaco walaalaheen la dulmiyay,” ayuu yiri Qaradaghi, oo hadalkiisa uu qayb ka ahaa fatwo ka kooban 15 qodob Qaradaghi, oo ka mid ah culimada ugu ixtiraamka badan gobolka, ayaa fatwooyinkiisu culeys weyn ku leh dunida Muslimka ah, gaar ahaan 1.7 bilyan oo Muslimiin Sunni ah. Fatwo, waa go’aan sharciyeed aan khasab ahayn oo uu bixiyo caalim sumcad leh, laguna saleeyo Qur’aanka Kariimka ah iyo Sunnada — hadallada iyo ficilladii Nabi Muxammad (NNKH). “Waa xaaraan in lala safnaado cadowga gaalka ah” “Waa xaaraan in lala safnaado cadowga gaalka ah [Israa’iil] xilli uu dabar-goynayo Muslimiinta Qaza, nooca taageeradu ha ahaato sida ay doonto.” Qaradaghi waxa uu si gaar ah u xusay: “Waa mamnuuc in hub la siiyo, in loo fududeeyo marinada badda, dekedaha, ama hawada, sida Kanaalka Suweys, Baab al-Mandab, Kanaalka Hormuz, ama marin kale oo dhul, cir ama bad ah.” “Guddigu wuxuu soo saaray fatwo waajib ka dhigaysa in cunaqabateyn buuxda — dhanka cirka, badda iyo dhulka — lagu soo rogo cadowga qabsaday, si loogu hiiliyo walaalaheen Gaza,” ayuu sii raaciyay. Baaqan waxaa si wadajir ah u taageeray 14 caalim oo kale oo Muslimiin caan ah, kuwaasoo sidoo kale ugu baaqay dowladaha Muslimiinta “inay dib u eegaan heshiisyadooda nabadeed ee ay la galeen Israa’iil,” iyagoo Muslimiinta ku nool Mareykankana ugu yeeray inay cadaadis ku saaraan Madaxweyne Donald Trump si uu “u fuliyo ballanqaadyadiisii ololaha ee ahaa joojinta gardarrada iyo sugidda nabadda.” “Gaza si aamusan ayaa loo dabar-goynayaa” Inkasta oo Donald Trump uu marar badan ololihiisa ku ballanqaaday in uu joojin doono dagaalka, sidoo kalena uu horraantii xafiiska ku guuleystay in uu ku meel gaar ah u hirgeliyo xabbad-joojin, haddana warar la helay ayaa sheegaya in bishii la soo dhaafay uu si buuxda u oggolaaday in Israa’iil ay dib u billowdo weerarka. Tan iyo markii la jebiyay heshiiskii xabbad-joojinta, Israa’iil waxay dishay in ka badan 1,200 oo Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan boqolaal carruur ah. Guud ahaan, laga bilaabo Oktoobar 2023, tirada Falastiiniyiinta la dilay ayaa ka badan 50,000. Jimcihii, ciidamada Israa’iil ayaa sii waday duqeymaha ka dhanka ah Gaza, iyagoo dilay ugu yaraan 30 qof laga bilaabo waaberigii, sida ay sheegeen ilo caafimaad iyo waaxda difaaca rayidka ee Gaza. Weerarradii ugu dambeeyay ayaa lagu bartilmaameedsaday iskuullo, xarumo hoy ah, isbitaallo, xarumaha cunto qaybin, meelaha ay Israa’iil sheegtay inay yihiin “goobo ammaan ah,” iyo warshad biyo macaaneysa. Sawirro iyo muuqaallo laga soo qaaday duqeymaha ayaa muujinayay burbur baahsan oo ka dhacay xaafado si aad ah u ciriiri ah. Falastiiniyiinta ayaa baraha bulshada ku wadaagayay fariimo ay ugu yeereen “macasalaama” ay la hadlayaan caalamka. Weriyaha Maxamed Abu Mustafaa ayaa bartiisa bulshada ku qoray fariimo uu ku muujinayay niyad-jab iyo cadho: “Nabadgelyo beesha caalamka ee ugu khiyaanada badan taariikhda. Saacado kadib, Gaza way baaba’aysaa. Kaliya jannada ayaad naga heli doontaan.” Suxufiga iyo u dhaqdhaqaaqaha Falastiiniyaanka ah ee Aboud Battah ayaa ku baaqay in la hadlo: “Ka hadla xaaladdeena. Ilaahay baan ku dhaartaye, si aamusan ayaa nala dabar-goynayaa.” Netanyahu: “Cadaadiska waan kordhinaynaa” Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa ballanqaaday in Israa’iil ay sii kordhinayso weerarada ay ku hayso Gaza, si ay ugu cadaadiso Xamaas in ay sameyso tanaasul dheeraad ah. “Waqtigan waxaan kala jaraynaa Marinka Qaza, cadaadiskana si tartiib tartiib ah ayaan u kordhinaynaa si ay u soo celiyaan la haystayaasheenna,” ayuu ku yiri muuqaal uu diray Arbacadii. Netanyahu waxa uu dalbanayaa in Xamaas ay siidaayso 59-ka la hayste ee Israa’iil, si loogu beddelo maxaabiis Falastiiniyiin ah iyo gargaar bini’aadantinimo — balse isagoo aan ballanqaadaynin in dagaalka la joojinayo ama ciidamada la laabanayo. Israa’iil waxay dalbanaysaa in heshiiska xabbad-joojinta lagu xiro shuruud ah in Xamaas hubka dhigto — arrin ay Xamaas ku tilmaamtay “xariiq cas” — iyadoo sidoo kale si cad u taageeraysa qorsheyaal ay kula wareegayso amniga Qaza isla markaana lagu barakicinayo Falastiiniyiinta. Xamaas ayaa ugu baaqday in lagu soo laabto heshiiskii hore ee saddexda weji lahaa, iyagoo sheegay inay diyaar u yihiin inay mar qura siidaayaan dhammaan la haystayaasha haddii la helo xabbad-joojin buuxda. Source
-
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Wakiillada Somaliland Mudane Cali Xaamud Jibriil oo safar shaqo ku jooga dalka Maraykan ayaa waraysio uu bixiyay waxa uu kaga waramay xaqa ay Somaliland u leedahay inay hesho Aqoosi buuxa sida dalalka la midka ah ay u heleen oo kale, sidoo kale waxa uu ka jawaabay hadalada ah in Soomaaliya ay ka hor istaagi karto Somaliland Aqoosi, waxaanu xusay in ay Soomaaliya tahay mid aan iskeed isku maamulin waxaani sheegay Waxaanu yidhi.“Aaya ka tashigu shucuub kasta wuu u furan yahay waad ogayd Elatariya, waad ogayd Suudaanta Koonfureed 2011-kii, wax u diidaya Somaliland ma jiraan, tan dalka aad leedahay Soomaaliya way idiin diidan yihiin, xagee bay iyadu Soomaaliya maraysaa Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xukuumadiis waad ka war qabtaa halka ay marayso, qabyo ninkeedaa dhamays tira, markaa halka la kala marayo waad og-tahay”. Dhinaca kale gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Wakiillada Somaliland Mudane Cali Xaamud Jibriil ayaa aad ugu dheraaday amniga, xasiloonida iyo Doorashooyinka ay Somaliland ku naaloonaysay mudada badan waxaanu tilmaamay Waxaanu yidhi.“Rajada dawlada Soomaaliyeed halka ay marayso waa la arkayaa oo isma maamuli karaan, Somalilandna waad aragtaa halka ay taagan tahay maanta, waxa aanu haysanaa dawlad shuruudaheegu u dhamays tiran yihiin, waxa aanu dunida tusnay in badan in tallada dalku ay tahay mid qori isku dhiib ah, waxa aanu galnaa doorashooyin qof iyo cod ah, taasi oo aan dunida inteeda badan aan suurtagal ka ahayn”. Gebo’gabadii gudoomiye ku xigeenka golaha wakiillada Somaliland Cali Xaamud Jibriil ayaa sheegay in madaxwaynaha Somaliland oo hayo jidkii nabada cid kasta oo Somaliland ka maqan iyo bulshada Laascaanoodba lagu soo dabaalayo wada hadal iyo nabad, sidaasi xuduudaha dalka lagu sugayo waxaanu sheegay Waxaanu yidhi.“Dagaal sokeeye wuu dhacay oo wax la beenin karo maaha, laakiin maantaba waa nagaa hawsha madaxwayne ku xigeenkii Qaranka loo diray Bariga in ciidamadii Madaniga ahaa meesha laga saaro oo ciidanka Qaranka ay ka mid noqdaan, si hagid iyo maamulida ciidanku mid u noqdaan, dabadeedna walaalahayga Laascaanood iyo inta Somaliland ka maqan wada hadal lagu soo dabaalo, sidii 2007-dii madaxwaynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Daahir Rayaale Kaahin uu nabada ugu soo dabaalay iyada oo aan dhiig daadan, taasi teedii buu madaxwayne Cabdiraxmaan Cirro wadaa, in aan dhiig lagu qabsan karin dadkan, laakiin wada hadal, nabad iyo wada hadal iyo is qancin lagu wada hadlo xuduudaha Somalilandna la soo sugo”. Source
-
Xukuumadda Somaliland ayaa mamnuucday in dadka rayidka ahi hub ku dhex qaataan degmada Ceel-afwayn ee gobolka Sanaag, kaddib markii uu iska hor imaad dhowaan ku dhexmaray beelo deegaankaas wada dega. Xukuumaddu waxay amaradan soo rogtay kaddib shir dib-u-heshiisiin ah oo dhexmaray dadka deegaanka, kuwaas oo ay hore u dhexmareen dagaallo soo noqnoqday. “Galabta hawlgalkii ayaanu bilaabaynaa. Cid kasta oo degmada Ceel-afwayn lagu qabto iyadoo qori wadata, waxa laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan. Lama arki karo ciidan madani ah oo hub magaalada ku dhex sita ama lasoo galay,” ayuu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha gobolka Sanaag, Axmed Cabdi Muuse. Waxa uu sidoo kale sheegay in ciidamada madaniga ah ee ku sugan deegaanka Ceel-afwayn, ee aan weli la qaramayn, loo samayn doono xeryo ay ku sugnaandoonaan inta la qaramaynayo, isla markaana haddii magaalada lagu arko qof xidhan labis ciidan oo aan ka tirsanayn ciidanka rasmiga ah, lagaga saari doono suuqa dhexdiisa. Guddoomiye Muuse waxa uu xusay in guul weyn laga gaadhay qorshaha nabadaynta gobolka Sanaag iyo magaalada Ceerigaabo, islamarkaana gobolka ay ka socoto hub ka dhigis guud oo lagu samaynayo shacabka si loo xoojiyo nabadda iyo wada-noolaanshaha dadka deegaanka. Xukuumaddu waxay sidoo kale gogol nabadeed dhigtay magaalada Ceerigaabo, kaddib markii la qaramay ciidamadii madaniga ahaa ee halkaas ku sugnaa. Waxa kale oo ay ugu baaqday ku dhawaad 45,000 oo qof oo magaalada ka barakacay in ay dib ugu soo noqdaan. Source
-
Mas’uuliyiin Masri ah ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay si ula kac ah u hurinayso xiisado, kadib markii ay si been ah u sheegtay in dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ka socda waqooyiga Sinai ay jabinayaan heshiiskii nabadeed ee labada dal ay gaareen. Diblomaasi sare oo ku sugan Qaahira ayaa u sheegay Middle East Eye (MEE) in xiriirka Masar iyo Israa’iil uu hoos u dhacay ilaa heerkii ugu liitay tan iyo markii uu billowday dagaalka Gaza, iyadoo cabsi laga qabo in duullaanka cusub ee Israa’iil uu hordhac u yahay qorshe barakicin qasaba ah oo lagu saari karo Falastiiniyiinta ka harsan gudaha Gaza. Falanqeeyayaal Israa’iiliyin iyo Falastiiniyiin ah ayaa sidoo kale ka digay in maamulka Israa’iil uu xoojinayo khilaafka si uu u beddelo ra’yiga shacabka oo uu uga dhigo mid ka soo horjeeda Masar — arrin lagu micneeyay in lagu fududeynayo barakicinta Gaza, isla markaana lagu horumarinayo yoolalka istiraatiijiyadeed ee Israa’iil ee gobolka. Assaf David, agaasimaha barnaamijka “Israel in the Middle East” ee Machadka Van Leer ee magaalada Jerusalem ahna bare ka tirsan Jaamacadda Cibraaniyada, ayaa MEE u sheegay: “Hurinta waa muuqataa. Waxaan aaminsanahay in xukuumadda Netanyahu ay si dhab ah ugu go’an tahay qorshaha nadiifinta qowmiyadeed.” “Haddii dareenka shacabka Israa’iil ee ku wajahan Masar is beddelo, arrintu way u fududaanaysaa. Sidaas darteed, dagaal lagu abuuro Masar wuxuu dhigayaa salka qorshahan.” Warbixino marin habaabin ah Warbaahinta Israa’iil ayaa toddobaadkan werisay in Masar ay kordhisay joogitaanka ciidan ee waqooyiga Sinai — xuduudda Gaza — iyadoo ka tallaabeysa xaddiga ciidanka ee lagu oggol yahay heshiiska, isla markaana la dhisay kaabayaal cusub oo ku yaalla dekedaha iyo saldhigyada cirka. Mas’uuliyiin Israa’iili ah ayaa sheegay in arrimahan lala wadaagay Qaahira iyo Washington. Wasiirka difaaca Israa’iil, Israel Katz, ayaa Khamiistii sheegay in Israa’iil aysan oggolaan doonin in Masar ay jebiso heshiiskii Camp David ee 1979. Balse sarkaal sare oo hore oo Masar ah ayaa u sheegay MEE in aysan jirin wax jabin ah oo dhacay, isagoo xusay in joogitaanka ciidan iyo dhaq-dhaqaaqyada kale ee milatari ay waafaqsan yihiin heshiiskii asalka ahaa iyo wax-ka-beddelladii xigay. Janaraal Ahmed Ibrahim Kamel — oo hore u soo noqday madaxa hay’adda sirdoonka milatari ee Masar iyo ku xigeenka agaasimaha guud ee sirdoonka — ayaa sheegay in isbeddel lagu sameeyay heshiiska sanadkii 2005 uu Masar u oggolaaday inay geyso hal cutub oo ka tirsan ciidanka ilaalinta xuduudaha, kuwaas oo si buuxda u hubeysan, isla markaasna la geeyay xadka Gaza kadib markii Israa’iil ay ka baxday halkaas. Wuxuu sidoo kale sheegay in howlgaladii la dagaalanka argagixisada ee Sinai muddadii u dhexeysay 2013 ilaa 2021 ay ahaayeen kuwa si buuxda loola kaashaday Israa’iil. Kamel wuxuu MEE u sheegay: “Sida caadiga ah, Israa’iil iyo warbaahinteeda marin-habaabinta ahi ma bixinayaan xaqiiqooyinka oo dhan, gaar ahaan isbeddellada lagu sameeyay lifaaqa milatari ee heshiiska. Waxay si joogto ah u diidaan inay Masar u aqoonsadaan la-hawlgalaha nabadda, iyagoo doorbidaya inay ku muujiyaan Masar mid dhibaatada qayb ka ah. Taasi waxay si gaar ah ugu muuqatay xasaradda Gaza ee sanadkii iyo bar ee la soo dhaafay.” Sayed Ghoneim, oo ah cilmi-baare ka tirsan Machadka Daraasaadka Sare ee Ciidanka Masar iyo janaraal hore, ayaa isna u sheegay MEE in Israa’iil ay si qaldan u fahantay qodobbada heshiiska. Wuxuu xusay in ay jiraan hannaan sharci ah oo u oggolaanaya Masar iyo Israa’iil inay wax ka beddelaan abaabulka milatari iyadoo aan la baabi’in heshiiska, isagoo tusaale u soo qaatay ciidamadii Masar ee loo diray xuduudda Rafax sanadkii 2021. MEE waxay la xiriirtay Ciidanka Caalamiga ah iyo Kormeerayaasha (MFO), hay’adda caalamiga ah ee la aasaasay si ay u kormeerto fulinta heshiiskii 1979, si loo weydiiyo haddii ay diiwaangeliyeen wax jabin ah oo dhowaan dhacay. Hase yeeshee, wax jawaab ah lagama helin waqtiga la daabacayay warbixinta. Safiiro maqan Cabsi sii kordheysa oo laga qabo in Israa’iil ay qorshaynayso barakicin qasab ah oo loogu raro Falastiiniyiinta Gaza dhanka Sinai — taasoo ay sal u tahay soo jeedintii hore ee Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump — ayaa sii xumeysay xiriirka labada dal. Diblomaasi Masri ah oo codsaday in magaciisa la qariyo ayaa u sheegay MEE in xiriirka hadda uu ka xun yahay sidii uu ahaa tan iyo 7-dii Oktoobar 2023. Wuxuu sheegay in Masar ay diiday inay aqbasho waraaqaha aqoonsiga safiirka cusub ee Israa’iil, Uri Rothman, oo la magacaabay bishii Sebtembar ee la soo dhaafay. Shaqaalaha safaaradda Israa’iil ee Masar iyo wadamada kale ee Carabta ayaa intooda badan laga daadgureeyay sababo la xiriira amniga, iyadoo Israa’iil ay kaliya si kooban u joogto safaaraddeeda Qaahira. Masar iyaduna ma hayso safiir rasmi ah oo jooga Israa’iil kadib markii aan la magacaabin beddelka Khaled Azmi, oo si qarsoodi ah uga tagay xilka toddoba bilood kahor. Si kastaba, falanqeeyayaal ayaa sheegay in ay jiraan arrimo kale oo ka baxsan barakicinta shacabka Gaza oo sidoo kale saameynaya xiriirka labada dal. Assaf wuxuu qiray in yoolka ugu weyn ee Israa’iil uu yahay in la abuuro xaalad horseedaysa in dadka Gaza loo raro dhulka Masar. Laakiin wuxuu sidoo kale xusay in arrintu ay muujinayso khilaafyo siyaasadeed iyo is-qabqabsi ka dhex jira dowladda Israa’iil, iyo sidoo kale loollanka Masar iyo Qatar ee ku saabsan doorka dhex-dhexaadinta wadahadallada xabbad-joojinta ee u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas. Wuxuu intaas ku daray in xiriirka Masar iyo Israa’iil inta badan gacanta ugu jiray hay’adaha milatari iyo amniga ee Israa’iil, kuwaasoo xiriirkaas u maareeyay si masuuliyadi ku dheehan tahay, iyagoo sal ka dhigaya heshiisyada nabadeed ee labada dhinac. Assaf wuxuu sidoo kale sheegay in fadeexadda loo yaqaan “Qatargate” — taasoo lala xiriiriyay la-taliyeyaal ka tirsan xafiiska Netanyahu oo lagu eedeeyay xiriirka saraakiil Qataari ah — ay muujineyso in laga yaabo in xukuumadda Israa’iil ay qorsheyneyso in Masar laga riixo doorka dhexdhexaadinta. Xariiqda cas ee Sisi Ameer Makhoul, u dhaqdhaqaaqe Falastiini ah oo qoraa ka ah Israa’iil, ayaa sheegay in Israa’iil ay doonayso in xaalad degdeg ah lagu barakiciyo shacabka Gaza, iyada oo la adeegsanayo duqeymo xooggan si ay ugu qasbanaadaan inay u guuraan dhulka Masar. Wuxuu sidoo kale xusay in Israa’iil ay raadinayso yoolal istiraatiiji ah oo ay ka mid yihiin ballaarinta dekedda Ashdod si ay u gaarto Gaza — qeyb ka ah mashruuc lagu sameynayo marin ganacsi oo isku xira Aasiya iyo Yurub iyada oo loo marayo jasiiradda Carabta — iyo la wareegidda ilaha gaaska badda ee xeebaha Gaza. Sidoo kale, qorshuhu wuxuu ka mid ahaa dhismaha kanaal cusub oo la tartama kanaalka Suweys — oo laga bilaabo Deir al-Balah ee Gaza loona mariyo dekedda Eilat ee Badda Cas — taasoo sidoo kale ku lug leh barakicinta beelaha Bedouin ee Negev. “Dhammaan arrimahani waxay khatar ku yihiin ammaanka qaranka Masar waxayna wiiqayaan istiraatiijiyadda gobolka. Arrintaas waxay Israa’iil ku khasbaysaa inay xiriirka ku adkayso ama Masar isku daydo inay cabburiso,” ayuu yiri. Masar iyo dalalka kale ee Carabta ayaa si adag u diiday in Falastiiniyiinta laga raro Gaza, iyadoo Masar ay soo jeedisay qorshe kale oo ay taageerayso Jaamacadda Carabta oo ku saleysan in Gaza dib loo dhiso iyadoo aan dadkeeda laga raraynin. Madaxweyne Abdel Fattah el-Sisi ayaa barakicinta ku tilmaamay “xariiq cas” oo khatar ku ah ammaanka qaranka Masar. Israa’iil ayaa mar kale qaaday duullaan ballaaran oo ka dhan ah Gaza, iyadoo Qaramada Midoobay Khamiistii sheegtay in laba-meelood meel dhulka Gaza ah lagu soo rogay amarro barakicin ah ama uu noqday “goob mamnuuc ah,” waxaana ka mid ah magaalada Rafax iyo inta badan koonfurta Gaza. Source
-
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa bilaabay dagaal ganacsi oo ka dhan ah adduunka, ka dib in ka badan laba bilood oo ay socotay qabanqaabada xafladda ku dhawaaqista canshuurahan. Khudbad uu ka jeediyay Rose Garden ee Aqalka Cad, ayuu ku sheegay ,in taariikhda lagu xasuusan doono maalinta xorriyadda marka barwaaqadu ay dib ugu soo noqoto Ameerika. Madaxweyne Trump waxaa uu sheegay inuu canshuuro cusub ku soo rogayo badeecooyinka Mareykanka ka soo gala dalalka kale ee caalamka. Dhaqaalayahanada ayaa ka digay in arrintan ay saameyn ku yeelan karto guud ahaan hanaanka ganacsiga ee caalamka, kadib tallaabada cusub ee uu qaaday Mareykanka. Khubarada dhaqaalaha ayaa ka digaya in noloshu ay hadda ku adkaan doonto qof walba, oo ay ku jiraan dadka Mareykanka ku nool, kuwaas oo bixin doona canshuuraha alaabaha dibedda laga soo dhoofiyo ee uu soo rogay Trump. Donald Trump wuxuu aaminsan yahay in xannibaadaha ganacsigu ay ku qasbi doonaan saaxiibbadiisa iyo cadawgaba in aanay le gelin heshiisyo, marka loo eego heshiisyo dhaqaale iyo kuwo dhulba. Waddamada lagu soo rogayo canshuuraha sare ayaa waxaa kamid ah xulafada dhow ee Mareykanka iyo sidoo kale kuwa ka soo horjeeda intaba,. Dhinaca kale, cashuurta uu Madaxweyne Trump soo rogay ayaa keentay jawaab celin degdeg ah, iyada oo dowladda Shiinaha ay ka soo horjeesatay cashuurta uu Mareykanka soo saaray, iyada oo sheegtay in ay qaadi doonaan tallaabooyin ka dhan ah Mareykanka, si loo ilaaliyo danaha Shiinaha. Sidoo kale, madaxweynaha golaha Midowga Yurub, Ursula von der Leyen, ayaa sheegtay in Canshuuraha uu Mareykanka soo saaray ay dhabar jab xooggan ku yihiin dhaqaalaha adduunka ayna saameyn taban ku leh malaayiin adduunka ku nool. Si kastaba, Canshuurahaan ayaa dalalka ugu badan ee ay saameyn doonto waxa ay u badan yihiin waddamada dhaca waqooyiga Ameerika iyo Aasiya. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa warsaxaafadeed ka soo saartay howlgallo ay ka fulisay lix goobood oo lagu dilay in ka badan 80 xubnood oo isugu jiray Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab. Sidoo kale, howlgalladaan ayaa sabab u noqday in toddobaadkii tegay la xakameeyo oo si buuxda looga hor tago dhamaan weerarradii joogtada ahaa ee Al-Shabaab. Howlgallada ayaa ka dhacay deegaano ka kala tirsan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose, iyadoona sidoo kale lagu burburiyey xarumo ay Shabaab ku dhibaateyn jireen shacabka Soomaaliyeed, sida lagu sheegay warbixinta NISA. Howlgalka koowaad wuxuu ka dhacay deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose, duqeymaha waxaa barbar socday howlgal toos ah oo ciidamada dhulka ee NISA ay fuliyeen, waxaana lagu dilay 21 Shabaab ah. Howlgalka labaad wuxuu ka dhacay goob ay ku shirayeen horjoogeyaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab oo ku taalla aagga degmada Al-kowthar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana lagu dilay dhammaan Horjoogeyaashii halkaas ku sugnaa, sida ay shaacisay NISA. Howlgalka seddaax wuxuu ka dhacay deegaanka Bursha Sheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana lagu khaarijiyay in ka badan 19 xubnood oo isugu jiray Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab. Howlgalka afaraad wuxuu ka dhacay isla deegaanka Bursha Sheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana lagu dilay, 17 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo markii la beegsaday go’doon ku ahaa deegaanka, qaarkoodna ay qabeen dhaawacyo ka soo gaaray weerarkii hore. Howlgalka shanaad ayaa ka dhacay deegaanka Aw-baalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana lagu burburiyay tiro Mooto FEKON ah oo lagu soo raray miinooyin, iyada oo isla goobta lagu dilay, 7 xubnood oo Khawaarijta ka tirsanaa, sida ku cad war-saxaafadeedka NISA. Howlgalka lixaad ayaa ka dhacay meel u dhow degmada Al-kowthar, xoogagga difaaca deegaanka ayaa weerar ku qaaday goob ay ku sugnaayeen Maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta, waxaana weerarkaas kadib isla goobtaas duqeymo ka fulisay NISA, waxaana lagu dilay 13 xubnood oo Shabaab ah. Dowladda Soomaaliya ayaa xoojisay duqeymaha Al-Shabaab, waxaana toddobaadkii tegay dhacay duqeymo tixane ah, kuwaas oo lagu naafeeyey kooxda Al-Shabaab, una diiday jaanis ay ku soo abaabulaan weerarro kale.
-
Shirkadda Shiinuhu waa inay iibisaa hawlaheeda Maraykanka 24-ka saacadood ee soo socda ama waxay wajaheysaa shaqo joojin. Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in ay jiraan dad iibsan kara, uuna ku kalsoon yahay in heshiis lagu gaadhi karo waqtigii loogu talagalay. App-ka caanka ah ee Shiinaha oo ay isticmaalaan 170 milyan oo reer Maraykan ah kuwaas oo rajaynaya in aan laga xirin shabakadaasi oo ay dhalinyarada si weyn u isticmaalaan. Sannadkii hore, maamulka Biden waxa uu dalbaday in la iibiyo app-ka Shiinaha ama wajaho mamnuucid waddanka oo dhan ah isagoo cuskaday arrimaha amniga qaranka. Markii uu soo dhawaaday waqtigii kama dambaysta ahaa ee Janaayo, app-ka si kooban ayaa loo xiray, laakiin wuxuu soo laabtay ka dib markii Trump uu saxiixay amar fulin ah oo lagu siinayo waqti dheeri ah. Wakhtiga kama dambaysta ah ee iibka waa 5ta Abriil. Ilaa hadda, Saraakiisha Shiinaha ayaa si cad uga soo horjeeda iibka waxayna si cad u sheegeen in xogta algorithm ee shirkadu ay tahay tignoolajiyada aan ka bixi karin gacanta Shiinaha. TikTok waa shirkad hoos timaada shirkada ByteDance oo si gaar ah loo leeyahay. Marka loo eego tirooyinka ay daabacday TikTok, ku dhawaad 60% ByteDance waxaa iska leh maalgashadayaasha hay’adaha, 20% kale waxaa iska leh aasaasaha shirkadda iyo 20% shaqaalaha ByteDance. Source