Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeisa (HOL) — Regional officials from Ethiopia and Somaliland are accelerating efforts to develop a key trade route connecting the Port of Berbera to Addis Ababa, a project expected to transform trade flows and economic integration in the Horn of Africa. Source: Hiiraan Online
  2. Garowe (HOL) — Puntland has launched its own civilian identification authority, intensifying its standoff with Somalia’s federal government over the rollout of a national biometric ID system. Source: Hiiraan Online
  3. WASHINGTON, April 8 (Reuters) - President Donald Trump's administration on Tuesday moved to reinstate at least six recently canceled U.S. foreign aid programs for emergency food assistance, six sources familiar with the matter told Reuters. Source: Hiiraan Online
  4. Mogadishu (HOL) — Somalia’s Second Deputy Prime Minister Abdisalaan Abdi Ali visited wounded soldiers in Mogadishu hospitals on Wednesday, pledging full government support and urging Somalis across the country and abroad to contribute financially to the ongoing war against Al-Shabab and ISIS. Source: Hiiraan Online
  5. Dowladda Puntland oo baaq deg deg ah soo saartay ayaa ku dhawaaqday in abaar iyo biyo la’aan baahsani ka jirto dhammaan gobollada iyo degaannada Puntland. Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka dowladda Puntland ayay ku sheegtay in ay jirto abaar iyo biyo la’aan daran oo saamaysay dhammaan degaannada Puntland. “Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowladda Puntland ayaa baaq kasoo saartay xaaladaha abaaraha ee ka jira deegaanada puntland taas oo sababtay biyo la’aan baahsan oo saamaysay dhammaan gobolada iyo deeganada puntland,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Dowladda Puntland, waxay ka dalbatay bah-wadaagta hay’adaha ka shaqeeya arrimaha bini’aadanimada in ay gurmad iyo biya-dhaan deg deg ah gaarsiiyaan degaannada abaartu saamaysay, waxaana ay sheegtay in ay ku hawllan tahay ka hortagidda khatarta abaaraha iyo biya la’aanta jirta. “Wasaarada ayaa ugu baaqaysa hay,adaha bah wadaagta la,ah ee ka shaqeeya arimaha bini,aadanimada inay kawada qayb qaataan sidii Gargaar biyo dhaan ah loogu samayn lahaa dadka ay saamaysay abaartu .Wasaaradda ayaa ku hawlan sidii looga looga hortagi lahaa khataraha ka dhalankara abaaraha iyo biyo yarida ee ka jira deegaanada puntland” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka. PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo gurmad deg deg ah ka dalbatay hay’adaha ka shaqeeya Arrimaha bini’aadanimada appeared first on Puntland Post.
  6. The corridor project includes a road network that links Berbera Port in Somaliland with Ethiopia’s capital. It is expected to support regional trade and reduce reliance on other trade routes that Ethiopia currently uses. A forum on the East Africa Trade Corridor has officially opened in Addis Ababa, Ethiopia. The corridor connects the port city of Berbera in Somaliland with Addis Ababa and is considered a key trade route for the Horn of Africa. The event is being attended by mayors from various Ethiopian regional cities and representatives from cities in Somaliland The main focus of the forum is the development and improvement of infrastructure to facilitate trade and the movement of goods and people between the two regions. Shaafi Ahmed Macallin, the mayor of Jigjiga in Ethiopia’s Somali Regional State, stated that the corridor is important for Ethiopia and the broader Horn of Africa. “This route is indeed crucial for the entire Horn of Africa, connecting Ethiopia and Somaliland. It is expected to boost economic cooperation, improve regional integration and strengthen people-to-people ties,” he told the BBC. According to Mayor Shaafi, the forum provides an opportunity to discuss how to implement the corridor project effectively. “This conference serves as a platform to discuss studies conducted by universities — especially Jigjiga University — regarding the potential challenges this project might face, as well as the benefits it could bring,” he said. The corridor project includes a road network that links Berbera Port in Somaliland with Ethiopia’s capital. It is expected to support regional trade and reduce reliance on other trade routes that Ethiopia currently uses. In 2021, DP World, a Dubai-based logistics company, signed an agreement with Ethiopia’s Ministry of Transport to develop the corridor. The agreement outlined plans for infrastructure investment to support the connection between Berbera and Ethiopia. DP World announced that it would invest up to $1 billion over ten years to develop the corridor. The road will be connected to Ethiopia’s modern road system and is expected to strengthen the role of Berbera Port as a regional commercial gateway. Mayor Shaafi emphasised the importance of ensuring that all cities along the corridor benefit from the project. “The goal is to work collaboratively to maximize the economic advantages of this corridor by linking the cities it passes through and preparing them for potential future challenges,” he said. He also commented on the current progress of the road construction. “The project is progressing and has reached approximately 30 per cent completion. There is hope and confidence that the remaining work will be completed in the near future,” he said. Eastleighvoice Qaran News
  7. The sudden death of General Shegow Ahmed Ali — may Allah grant him mercy — has left a profound sense of shock and suspicion in its wake. Enveloped in uncertainty, the details of his arrest, prolonged detention, and the ensuing unjust verdict have ignited widespread concern and scepticism. Source: Hiiraan Online
  8. 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐉𝐒𝐋 𝐨𝐨 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐥𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧 𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐫-𝐚𝐝𝐚𝐠 𝐢𝐲𝐨 𝐂𝐚𝐲𝐧𝐚𝐛𝐨 𝐤𝐚𝐠𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛-𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐦𝐮𝐧𝐚𝐚𝐬𝐚𝐛𝐚𝐝𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦𝐚𝐲𝐧𝐚𝐲𝐞𝐲 𝐪𝐚𝐲𝐛𝐨 𝐤𝐚 𝐦𝐢𝐝 𝐚𝐡 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐝𝐚𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐚𝐝𝐢𝐢𝐝𝐤𝐨𝐨𝐝𝐢𝐢 𝐃𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚. Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi iyo Waftigii u hoggaaminayo ayaa maanta deegaanka Tuurka ee Degmada Gar-Adag kaga qaybgalay munaasabad ballaadhan oo lagu qaramaynayey Ciidamo Madani ah iyo Gadiidkoodii dagaalka. Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo halkaasi ka hadlay ayaa u mahad naqay bulshada degaanka Tuurka, maadaama ay door mihiim ah ka qaateen qaramaynta Ciidanka Madaniga. Geesta kalena Madaxweyne Ku-xigeenka JSL iyo Weftiga uu hoggaaminayey ayaa gaadhay Xarunta Gobolka Saraar Caynaba, halkaasi oo ay kaga qayb-galeen xaflad ballaadhan oo lagu Qaramaynayey Dufcadii ugu horraysay ee Ciidanka maddaniga ah ee Gobolka Saraar iyo gadiidkoodii dagaalka, kuwaasi oo si toos ah loo qarameeyey, isla markaana lagula kala wareegay Degmada Oog. Ugu dambeyntii Madaxweyne Ku-xigeenka JSL oo halkaasi hadalo dhinacyo badan taabanaya ka soo jeediyey ayaa si weyn ugu dheeraday Qorshaha Xukumadda Waddajir iyo Wax-qabad ee Qaramaynta Ciidanka Maddaniga ah, waxana uu yidhi: “Xukumadda Waddajir iyo Wax-qabad waxa ka go’an in ay qaramayso guud ahaanba Ciidamada Maddaniga ah iyo gadiidkoodaba, arrintaasi waa qorshe culus, balse Xukumaddu iyada oo cusub waxa ay door biday in uu Qaranka JSL yeesho hal ciidan oo adag oo wakhtigan xaadirka ah ku fillan difaaca iyo amniga Qaranka JSL.” 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇, 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫) 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News
  9. Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland siciid Cabdullaahi Deni ayaa wareegto uu soo saaray ku sameeyay Hay’adda lagu sheegay inay ka shaqayn doonto bixinta aqoonsiga dadweynaha deegaanadaas. Dhismaha hay’addan oo lagu magacaabo PID ayaa ku soo beegmaya xilli Puntland ay dhowaan diiday in dadka ku nool deegaannadeedu ay qaataan kaarka aqoonsiga qaranka ee ay bixiso Hay’adda NIRA. Madaxweynaha Puntland ayaa horay u sheegay in maamulkiisu uu sameysan doono lacag u gaar ah, sidoo kalena wasiirro ka tirsan Xukuumaddiisa ayaa sheegay in xalka Soomaaliya uu ku jiro in dalku noqdo dowlado kala madaxbannaan, balse iskaashi ka dhexeeyo. Source: goobjoog.com
  10. Mogadishu (HOL) – The Somali National Army (SNA), supported by local militia fighters, successfully recaptured the Geelgub area in the Middle Shabelle region on Wednesday morning, following a coordinated assault against Al-Shabaab militants who had occupied the area for several days. Source: Hiiraan Online
  11. Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Boosaaso ayaa maanta soo saaray xeer madaxweyne oo ku saabsan dhismaha hay’adda Aqoonsiga dadweynaha Puntland ee (PID). Wareegto ka soo baxday Xafiiska madaxweyne Deni oo ku taariikhaysan 9 April 2025 ayaa lagu dhisay hay’ad cusub oo dowladda Puntland u qaabilsan Aqoonsiga dadweynaha Puntland, taasi oo magaceeda loo soo gaabiyo PID. “Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 04 ee 9-Ka April 2025 kuna saabsan Dhismaha Hay’adda Aqoonsiga Dadweynaha Puntland (PID)” ayaa lagu yiri wareegtada ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland. Dhismaha hay’addan cusub ayaa la go’aamiyay, kaddib markii madaxweyne Deni uu arkay baahida loo qabo in la helo hay’ad qaabilsan Aqoonsiga dadweynaha Puntland, islamarkaana uu tixgeliyay soo jeedinta wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo maanta dhisay hay’ad qaabilsan Aqoonsiga dadweynaha Puntland appeared first on Puntland Post.
  12. Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan magaalada Kuwait City ayaa maanta ka qeyb galay munaasibadda furitaanka shir hay’adaha Maaliyadda Dalalka Carabta oo sanadkani ay marti-galinayso Dowladda Kuwait. Shirkaan oo sanadle ah ayaa waxaa inta badan diiradda lagu saaraa arrimaha horumarinta dhaqaalaha iyo maalgalinta, iyada oo ay si joogta ah uga soo qeyb galaan Dowladaha, Hey’adaha iyo Ururo Caalami ah ee ka shaqeeya arrimaha dhaqaalaha iyo maalgalinta. Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa sidoo kale la filayaa inta uu socdo shirkan, in uu kulamo doceedyo la yeelan doono qaar ka mid ah Madaxda matalaya Dowladohooda iyo Hey’adaha caalamiga ah ee shirka ka soo qeyb galay, kulamadaas loo la filayo in ay natiijo wax ku ool ah ay ka soo baxaan. Source: goobjoog.com
  13. Jowhar – Waxaa goordhow dab xoogan uu ka kacay xarunta Baarlamaanka Maamul Goboleedka Hirshabeelle ee magaalada Jowhar. Dabka ayaa sida la xaqiijiyay si xowli ah ugu fidaya qeybaha kala duwan ee dhismaha Baarlamaanka, waxaana uu haatan kusii sii fidayaa guryaha ku dhow xarunta. Goobjoogayaal ku sugan meesha uu dabku ka kacay ayaa u sheegay goobjoog.com in aan ilaa iyo hadda la arkin wax gaadiid dab-damis ah oo goobta gaaray, taas oo cabsi weyn ku abuurtay dadka deegaanka. Waxaa sidoo kale jirta baqdin laga qabo in dabku uu saameeyo dhismayaal kale oo muhiim ah oo ku dhow xarunta. Wali lama oga waxa sababay dabkan, mana jiraan warar rasmi ah oo kasoo baxay maamulka Hirshabeelle ama laamaha amaanka ee gobolka. Dadka deegaanka ayaa codsanaya gurmad degdeg ah si loo xakameeyo fiditaanka dabka oo laga cabsi qabo in uu sababo khasaare baaxad leh. Waxii faahfaahin ah ee kusoo kordha warkan kala soco wararkeena dambe. Source: goobjoog.com
  14. Intuusan geeriyoonin wuxuu Jaamac Maxamed Qaalib ahaa bare sare oo taariikhda siyaasadda Soomaaliya ka dhiga jaamacad ku taalla Muqdisho Qaalib: “Waddaniyiin badan, sida tusaale bare-sare Ibraahim Maxamuud Abyan, oo 20 sano mucaad ku ahaa maamulklii ka taliska ayay miliishiyo beeleed ku sarqaansan colaadda Daarood-Mogadishu Clan si arxandarro ah u dileen.” Mudisho (Faallo PP) — Jaamac Maxamed Qaalib, oo geeriyooday sanadkii 2022kii, wuxuu soddon sano ka hor qoray buug (The Cost of Dictatorship: The Somali Experience – “Khasaaraha Kelitalis: Waaya-aragnimada Soomaalida”) ku saabsan noloshiisii siyaasadeed 1960-1991kii. Buuggu wuxuu soo baxay 1994kii, sanad ka hor intuusan noqonin Wasiirkii Arrimmaha Dibedda ee maamulkii loo yiqiin Salballaar oo koonfurta Muqdisho uu 1995kii Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid kaga dhawaaqay. Qaalib wuxuu billowgii soddomaadkii qarnigii hore ku dhashay Sanaag. Wuxuu jiray 5 sano markii aabbiihiis geeriyooday. Wuxuu jiray 14 sano markii hooyadiis ay geeriyootay. “Qaangaar baan ku dhowaa markaas laakiin waan u ooyay si dadku maqli kareen. Dalkeenna ragga waaweyn waxaa laga filayaa inay dhabta nolosha iyo dhibaatooyinkeeda wajahaan oo dareenkooda xakameeyaan. Walaalkay oo 5 sano iga waynaa oo ooyaya intii tacsidu socotay ayaan arkayay” ayuu Qaalib qoray. Kaddib wuxuu u soo wareegay Haregysa inkastoo uu markii hore kaga cagajiiday: “Waa suurtaggal inaan ahaa wiil hooyo koolkoolisay laakiin ugu dambayntii waan baxay oo u bareeray nolosha magaalada.” Dhammaadkii kontomaadkii qarnigii 20aad Qaalib waxaa loo diray kooras tababbar xirfadeed oo ka dhacayay degmada Sheekh. Halkaas wuxuu kuu sii kororsaday aqoontiisii af Ingiriiska oo wuxuu bartay xog sharciyeed sida Habraaca Xeerka Dambiyada, Xeerka Ciqaabta iyo Sharciga Caddeynta. Wuxuu kale oo tababbar u aaday London gaar ahaan degmada Hendon oo ay ku taallo meel booliska lagu tababbaro. Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke wuxuu Ra’iisal Wasaaare Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal u sheegay inuusan wax shaqo ku yeelanin seejooyinka Hartiga ee Waqooyiga si la mid ah sida uusan kaalin ugu lahayn seejooyinka Koonfurta. Midnimada 1960kii kaddib Aadan Cabdulle Cismaan ayaa loo doortay Madaxwenaha Soomaaliya. Qaalib wuxuu noqday Madaxa Sirdoonka. Shaqooyinka lagu xusuusto waxaa ka mid ah inuu fasax ka soo qaatay baarlamaanka Soomaaliya si hay’addiisu u dhegeysato telefoonka Safaaradda Itoobiya oo basaasiin Soomaali telefoonno u soo diri jireen. Hawlgalkaas wuxuu Qaalib ku burburiyay shebeked Soomaali ah oo Itoobiya xog u soo ururin jirtay. Xilkaas markii laga qaaday waxaa beddelay Faarax Sugulle. Waxaa xusid mudan in Jeneraal Maxamed Siyaad Barre uu ahaa madaxii ugu horreeyay ee sirdoon Soomaalidu yeelatay. “Una Lista Unica” Qaalib wuxuu ka faalloonayaa sida dowladdii rayidka ugu dambaysay (1967-1969) gacanta ugu wada haysay maamulka siyaasadda dalka. Doorashadii ugu dambaysay Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Yasiin Nuur Xasan Bidde, oo ahaa Wasiirkii Arrimaha Gudaha waxay u sheegeen Ra’iisal Wasaaare Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal inuusan wax shaqo ku yeelanin seejooyinka Hartiga ee Waqooyiga “si la mid ah sida uusan kaalin ugu lahayn seejooyinka Koonfurta”. Madaxweyne Aadan Cabdulle Cismaan wuxuu ka dhowray SYL inuu noqdo xisbi aan lala tartami karin. Xisbiga talada hayay, SYL, waqtigaas wuxuu dejiyay hab doorasho oo loo yiiqiin una lista unica, oo awood u siinayay SYL in qofka ay doonayaan oo keliya uu seejo ka tartarmi karo. Ku falaadka dimuqraadiyadda uu taliskii Cabdirashiid iyo Cigaal geystay ayay askartii xukunka qabsatay 21kii Oktoobar 1969kii u cuskadeen sabab lagu baabbi’yay xisbiyadii siyaasadda ka jiray Soomaaliya. Ra’iiisal Wasaare Cigaal wuxuu u hoggaansamay amarkii SYL ka dhigayay xisbi aan lala tartami karin. Dowladdii Kacaanka ayaa Qaalib u magacawday taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed billowgii toddobaatanaadkii. Qaalib waxba kama qorin sida taliskii kacaanku uga faa’iidaystay xogtii sirdoonkii dowladda rayidka hayeen. Sarreeye Gaas Maxamed Siyaad Barre tallaabadii kowaad uu qaaday Janaayo 1970kii waxay ku saabsanayd la wareegista qoraalladii yaallay xafiiska sirdoonka. Qoraalladaas waxay fursad u siiyeen Siyaad Barre inuu ogaado dadka warbixinnada ka soo qori jiray intuu ahaa taliyihii ciidanka xoogga dalka; inta jeer ay madaxdii dowladdii rayidku ka hadleen isaga. Xogtaas waxaa isku shaandheeyay dad uu ku kalsoonaa oo kaashanayay dad af Talyaaniga yaqaanna oo gorfaynayay galalka xogta sirdoonka oo dhammaantood af Talyaani ku qornaa. Sarreeye Gaas Maxamed Siyaad Barre wuxuu gacanta ku dhigay galalkii sirdoonka Soomaaliya intii u dhexeysay 1dii Luulyo 1960 ilaa 21 Oktoobar 1969kii. Dowladdii kacaanka ayaa Qaalib u magacawday Wasiirka Horumarinta Reer Miyiga. Markaas kaddib xil kale looma dhiibin. Qaalib wuxuu ka sheekaynayaa sida rag ka mid ahaa ururkii Somali National Movement ula soo xiriireen isaga. Xogaha ay isdhaafsadaan wuxuu ku qarin jiray sanduuq uu ku lahaa naadi goolafka lagu ciyaari jiray oo ku yiil safaaraddii Maraykanka ee Muqdisho. Marar badan ayuu Qaalib ka fekeray in sirdoonka Soomaalida ay iska soo dhigi karaan xubno naadiga ka tirsan si ay u jabsadaan sadquuqa una helaan xogta ku saabsan ururkii SNM. Aad buu uga feejignaa in taasi dhacdo. Xirfaddiisii sirdoonnimo baa caawinaysay. Si kooban ayuu Qaalib wax uga qoray gaboodfalladii taliskii kacaanku geystay. Qaalib wuxuu ka soo horjeeday isku dayga kala goynta Soomaaliya oo si aan ka fiirsasho lahayn Burco looga dhawaaqay 18kii Maajo 1991kii. Inkastoo uu ahaa siyaasi saameyn ku lahaa siyaasadda Soomaaliya muddo dheer, buuggiisu runta wuu ka kaga dhow yahay kuwa ay qoraan taariikhyahannada iyo xeeldheerayaasha culuunta siyaasada oo Soomalida ah badankood, gaar ahaan kuwa wax ka qorayay Soomaaliya kaddib 1990kii. Taliskii kacaanku wuxuu soo saaray warqaddii Kowaad ee Kacaanka si uu u baabbi’yo xisbiyada siyaasadda. Qaalib wuxuu soo bandhigay dood saameyn weyn leh oo dulucdeedu tahay sidan: “Waddaniyiin badan, sida tusaale bare-sare Ibraahim Maxamuud Abyan, oo 20 sano mucaarad ku ahaa maamulkii kelitaliska, ayay miliishiyo beeleed ku sarqaansan colaadda Daarood-Mogadishu Clan si arxandarro ah u dileen.” The Cost of Dictatorship waa buug dib u akhrin badan u baahan si loo fahmo sida laablakac, awood-urursi iyo isla-xisaabtan la’aan ay u yihiin sababaha ugu waaweyn ay Soomaalidu ugu heshiin la’dahay nabad ku wada noolaansho. © Puntland Post, 2025 The post Soddon Guurada Buuggii Uu Jaamac Maxamed Qaalib Qoray appeared first on Puntland Post.
  15. Laascaanood si weyn looga dareemayo u diyaar garowga soo dhoweynta Ra’iisul Wasaare Xamsa Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ahna Magaala-madaxda maamulka SSC-Khaatumo waxaa ka socda diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee soo dhoweynta Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre. Amniga guud ee deegaanada SSC ayaa si weyn loo adkeeyay, ayadoo waddooyinka iyo fagaareyaasha magaalada Laascaanood lagu xardhay sawirka Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka warfaafinta Maamulka SSC-Khaatumo oo dhowaan ka hadlay booqashada Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa qeybaha kala duwan ee bulshada iyo laamaha ammaanka faray inay si weyn ugu diyaar-garoobaan soo dhoweynta wasiirka koobaad ee dalka, asagoo dhanka kale eedeyn culus u jeediyay Soomaaliland. Wararkii ugu dambeeyay ee laga helay Laascaanood ayaa sheegaya in la filayo in saacadaha soo socda uu magaaladaas gaaro wefdi hordhac u ah booqashada Ra’iisul Wasaare Xamsa oo aan weli rasmi ah loo shaacin xilliga uu halkaa tagayo. Masuuliyiinta aamulka SSC-Khaatumo, waxgaradka, iyo guud ahaan bulshada deegaanka ayaa si weyn u soo dhoweeyay booqashada la filayo in mid kamida madaxda ugu sarreysa dalku uu ku tago Laascaanood taniyo xilligii dowladdii kacaanka. Source: goobjoog.com
  16. Ibraahim Maxamuud Yuusuf Agaasimaha cusub ee Xafiiska Warfaafinta Baarlamaanka dowladda Puntland ayaa loo magacaabay suxufi Ibraahim Maxamuud Yuusuf, kaddib markii agaasimihii hore ee xafiiskaasi lagu helay shaqa-xumo iyo xil gudasho la’aan. Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa sida ku qoran dikreeto uu soo saaray waxa uu xilka qaadis ku sameeyay agaasimihii hore ee xafiiska Warfaafinta Baarlamaanka Puntland Cabdiweli Gooni, kaddib markii lagu helay eed ku saabsan shaqa-xumo iyo xil gudasho la’aan. Guddoomiye Cabdirisaaq Axmed ayaa sidoo kale agaasimaha cusub ee xafiiska Warfaafinta Baarlamaanka Puntland, waxa uu u magacaabay Ibraahim Maxamuud Yuusuf oo ah suxufi dhawr iyo tobankii sano ee u danbaysay ka soo shaqeeyay qeybaha kala duwan ee warbaahinta. PUNTLAND POST The post Ibraahim Maxamuud Yuusuf oo loo magacaabay Agaasimaha cusub ee Warfaafinta Baarlamaanka Puntland appeared first on Puntland Post.
  17. Santo Domingo – Ugu yaraan 98 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen, halka in ka badan 150 kalena ay ku dhaawacmeen, kadib markii saqafka sare ee goob lagu caweeyo oo caan ah oo lagu magacaabo Jet Set uu soo dumay habeenimadii xalay. Goobtan oo ku taalla caasimadda Jamhuuriyadda Dominican ee Santo Domingo, ayaa la sheegay in ay buux dhaaftay xilli bandhig faneed uu halkaas ka waday fanaanka caanka ah ee Rubby Pérez. Rubby Pérez, oo caan ku ahaa heesaha merengue, ayaa la sheegay inuu ku dhintay isla goobta markii saqafku dumay. Goob joogayaal ayaa sheegay in ay maqleen daryaan weyn iyo qeylo, kahor inta aysan arkin qeybaha dhismaha oo hoos u dhacaya si lama filaan ah. Dad kale ee magac leh meesha ku dhintay waxaa ka mid ah Badhasaabkii gobolka oo ka mid ahaa martidii bandhigga ka soo qeyb gashay. Wararka ayaa intaas ku daraya in weli dad ku hoos jiraan burburka dhismaha, iyadoo kooxaha gurmadka degdegga ah ay wali ku jiraan dadaallo lagu samatabixinayo dadka kale ee laga yaabo in ay nool yihiin. Mas’uuliyiinta dowladda ayaa shaaciyay baaritaan degdeg ah oo lagu sameynayo sababta keentay dhicista saqafka, iyadoo la saadaalinayo in cilad dhanka dhismaha ah ay sabab u noqon karto musiibadan. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dominican ayaa ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroor diiq qaran ah, isaga oo tacsi u diray qoysaska dadka ku naf waayay dhacdadan naxdinta leh. waddankaan wuxuu ku yaalla Waqooyiga Ameerika qeybteeda koonfureed ee badda Caribbean-ka. Caasimaddiisa waa Santo Domingo Waa dal caan ku ah dalxiiska, muusikada merengue, iyo dhaqanka firfircoon ee reer Caribbean. Jamhuuriyadda Dominican waxay xuduud dhuleed oo keliya la leedahay Hal dal oo keliya, waana: Haiti Waxay isla wadaagaan jasiiradda Hispaniola, oo ay kala qaybsadaan labada dal.Xuduudda kale ee Jamhuuriyadda Dominican waa biyo. Source: goobjoog.com
  18. Jowhar (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah aya kasoo baxaya weerar culus oo ay saaka ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ku qaadeen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay dhowaan soo galeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab, waxaana ka dhacay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac. Ciidamada huwanta ayaa dagaal ku galay Geelgub, waxayna si buuxda ula wareegeen guud ahaan deegaankaasi, sida ay goordhow shaacisay dowladda Soomaaliya. “Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa saakay hawlgal qorshaysan kaga saaray deegaanka Geel-gub ee Gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka Khawaarijta” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya. Qoraalka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada ay dhowr jiho ka weerareen deegaanka, iyaga oo kadib ka saaray gebi ahaan Shabaabkii soo galay halkaasi. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in khasaare culus la gaarsiiyay Khawaarijta, kadib dagaalkii culus ee saaka ka dhacay deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana maydadkooda ay daadsan yihiin goobihii lagu dagaalamay. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana lasoo wariyay in ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda ay isku fidiyeen duleedka Geelgub, iyaga oo sii baacsanaya firxadka maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab oo isaga cararay halkaasi. Qabashada Geelgub waxaa ka horreysay la wareegitaanka deegaanka Aboorey oo dhaca gobolka Hiiraan, kadib markii ay shalay dagaal ku galeen ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo sidoo kale khasaare lixaadleh gaarsiiyay maleeshiyaadka Shabaab. Xalay Aboorey waxaa ku hoyday ciidamada qaranka iyo xaq u dirirka dadka deegaanka, waxaana mar kale la jebiyey Al-Shabaab, oo dib usoo weerartay deegaankaasi, kadib dagaal rogaal celis ah oo ay soo qaaday. Waxaa sidoo kale ciidamada huwanta ay maalin kahor la wareegeen degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaa Dhexe oo hadda ku jirto gacanta dowladda Soomaaliya. Guulahan isdaba joogga ah ayaa ku ymid, kadib markii dowladda Soomaaliya ay xoojisay gulufka ay ka waddo HirShabelle, si looga hortago abaabulka kooxda Al-Shabaab oo soo gashay deegaanno ka tirsan maamulkaasi oo horay looga xoreeyay. La wareegitaanka deegaannada cusub ayaa sidoo kale waji cusub u yeelaya dagaalka, waana guul wayn oo ay howlgallada socda ka gaareen ciidanka dowladda iyo Macawiisleyda. Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa guud ahaan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo uu hoggaamintiisa gacanta ku hayo Madaxweyne Xasan Sheekh.
  19. Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa xaqiijinaya in deegaanka Geel-gub ay si buuxda ula wareegeen ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) iyo kuwa deegaanka. Deegaankaan ayaa hoos tagga degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Dagaal xooggan kadib kooxda Al-Shabaab laga saaray deegaanka, waxaana la sheegay in loo awood sheegtay isla markaana ay halkaas isaga carareen. Sidoo kale Wararka ka imaanaya Biya Cadde iyo Ceelbaraf ayaa sidoo kale muujinaya dhaq-dhaqaaq ciidan oo xoogan. Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa dhaqdhaqaaqyo ka wada hareeraha deegaannadaas, iyadoo la filayo in howlgallo ballaaran laga fuliyo si loo xaqiijiyo amniga guud ahaan gobolka. La soco wixii kusoo kordha. Source: goobjoog.com
  20. Mogadishu (HOL) – The African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM) has strongly condemned an attack by Al-Shabaab militants on its troops in Buurane village, located in the Mahaday district of Hirshabelle State, on Sunday. Source: Hiiraan Online
  21. Mogadishu (HOL) – Somali army forces, in coordination with local militia fighters, killed at least 30 Al-Shabaab militants in a series of military operations conducted Tuesday across the Hiiraan, Middle Shabelle, and Lower Shabelle regions, according to the Ministry of Defense. Source: Hiiraan Online
  22. Las Anod (HOL) – The SSC-Khaatumo administration has asserted full responsibility for the security of Somali Prime Minister Hamse Abdi Barre during his upcoming visit to Las Anod, amid growing tensions following warnings from the Somaliland administration. Source: Hiiraan Online
  23. President of the Republic of Somaliland, H.E. Abdirahman Mohamed Abdillahi (Cirro), today welcomed Mr. Ilyaas Malek, the outgoing Head of the UK Office in Hargeisa, along with his successor, Ms. Louise Hancock, at the Presidential Palace. This meeting, which builds on the deep and historical ties between Somaliland and the United Kingdom, focused on enhancing the enduring cooperation that has shaped the relationship between the two entities for decades. The UK has been a long-standing partner in Somaliland’s journey, particularly in areas of governance, development, and democratic progress. This partnership dates back to the colonial era, but even after Somaliland’s independence in 1991, the UK has remained a key ally in supporting the country’s aspirations. In today’s discussions, both sides underscored the importance of deepening collaboration in several critical sectors: Enhancing Bilateral Ties: Strengthening diplomatic and people-to-people connections to ensure long-term cooperation between Somaliland and the UK. Economic Cooperation and Investment: Exploring new avenues for UK investment in key sectors like renewable energy, technology, and trade, all vital to Somaliland’s economic growth. Regional Peace and Security: Working together to promote peace and stability in the Horn of Africa, ensuring a secure environment for sustainable development. Higher Education and Knowledge Exchange: Expanding academic collaborations and opportunities for Somaliland’s youth to access quality education and professional development. Governance and Social Development Support: Continuing the partnership in fostering democratic governance and promoting social progress across Somaliland, ensuring the country’s development aligns with international standards. Mr. Malek also took the opportunity to thank Somaliland for its warm hospitality during his tenure and praised the government’s efforts in maintaining peace, stability, and democratic processes. Both sides expressed optimism about the future of their partnership, with commitments made to continue collaborating on these priority areas. The meeting concluded with a shared vision for a prosperous future, marked by strengthened relations and an unwavering commitment to achieving regional stability and growth. Qaran News
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa isku dayeysa in ay si weyn u xoojiso awoodda ciidamadeeda milatari, iyadoo la sheegay in ay xiisaynayso inay ka iibsato Turkiga diyaaradda qumaatiga u kaca ee weerarka ah ee T-129 ATAK. Wadahadallo arrintan la xiriira oo socda ayaa muujinaya iskaashi difaaceed oo sii xoogeysanaya oo u dhexeeya labada dal, iyo dadaalka Soomaaliya ee ay ku doonayso inay ciidamadeeda ku qalabeyso hub casri ah si ay ugu guuleysato dagaalka ay kula jirto kooxda Al-Shabaab. Inkasta oo heshiiskaan aan weli si rasmi ah loo shaacin, suurta-galnimada in la helo diyaaraddan awoodda badan ee ATAK ayaa laga yaabaa inay si weyn u beddesho xaaladda amni ee dalka. Qoraalkani wuxuu sharxayaa waxa ay tahay diyaaradda T-129 ATAK iyo sababta ay ugu noqon karto qalab wax ka beddeli kara awoodda ciidan ee Soomaaliya. T-129 ATAK: Diyaarad dagaal oo casri ah oo loogu talagalay hawlgallada adag T-129 ATAK waa diyaarad qumaatiga u kaca oo loogu talagalay weerarka, waxaana soo saaray Turkiga iyadoo lagu dhisay naqshad asal ahaan Talyaani ah balse si weyn loogu horumariyay teknoolajiyad Turkigu leeyahay. Waxaa si gaar ah loogu talagalay dagaalka casriga ah, gaar ahaan xaalada dagaalka ka dhanka ah kooxaha fallaagada. Waxay leedahay awoodo muhiim ah oo ay ka mid yihiin: Degdeg iyo adkaysi: Diyaaraddu waxaa ku rakiban laba matoor oo xoog leh, taasoo u sahlaysa inay si dhakhso leh u duusho una shaqeyso xitaa meelaha cimilada kulul iyo buuraha dhaadheer ee la midka ah dhulka Soomaaliya. Waxa kale oo ay tahay diyaarad aad u leexleexan badan, taasoo ka dhigaysa mid adag in la beegsado. Sidoo kale, ATAK waxay leedahay difaac xoog leh oo badbaadinaya duuliyeyaasha iyo qalabkeeda muhiimka ah, iyadoo lagu daray nidaamyo elektaroonik ah oo la dagaalama halisaha. Aragti iyo dareen casri ah: ATAK waxaa ku rakiban nidaam bartilmaameed oo casri ah oo u oggolaanaya in ay si cad u aragto bartilmaameedka, xitaa habeenkii ama cimilada xun. Waxay isticmaashaa kamarado kuleylka dareema, kamarado caadi ah, iyo teknoolajiyadda leysarka. Taasi waxay u suurta gelinaysaa duuliyeyaasha inay si sax ah uga arkaan meel fog islamarkaana ay weeraraan cadowga iyagoo weli badbaado ku sugan. Sidoo kale, duuliyeyaashu waxay haystaan muraayado madaxa laga xiro oo u soo bandhigaya xog muhiim ah oo si toos ah indhahooda uga muuqata. Hub awood badan oo kala duwan: ATAK waxay qaadi kartaa hub kala duwan si ay uga hortagto haliso kala nooc ah. Waxay leedahay qori 20mm ah oo ku rakiban diyaaradda oo loogu talagalay bartilmaameedyada dhulka. Sidoo kale waxay siddaa gantaallo iyo roketo kala duwan oo ay ka mid yihiin: Gantaallo aan hagneyn oo lagu garaaco meelaha ballaaran si loo wiiqo cadowga. Gantaallo leysar ku hagan oo loogu talagalay weerarro sax ah oo ka dhan ah bartilmaameedyada fudud. Gantaallo lid-taanki ah oo masaafo dheer wax ku garaaca si loo burburiyo gaadiidka gaashaaman ama saldhigyada difaaca adag. Xitaa gantaallo hawada ka rida diyaarad kale oo cadow ah. Dagaal lagu tijaabiyay: ATAK ma aha oo kaliya fikrad warshadaysan, balse si toos ah ayaa loogu adeegsaday dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee Turkiga iyo dalal kale sida Filibiin iyo Nigeria, taasoo caddaynaysa waxtarkeeda dagaalka dhabta ah. Sababta ay ATAK muhiim ugu tahay amniga Soomaaliya Haddii Soomaaliya ay hesho diyaaraddan, waxay si toos ah uga jawaabi kartaa baahiyaha amni ee deg-degga ah ee dalka ka jira. Awoodaha ATAK waxay xal u noqon karaan caqabadaha ugu waaweyn ee la tacaalka Al-Shabaab: Taageerada ciidanka dhulka: ATAK waxay bixisaa garab cirka ah oo degdeg ah oo si dhow u taageeraya ciidamada lugta marka ay la kulmaan weerarro toos ah. Awoodda weerar ee diyaaraddan waxay ka caawin kartaa ciidamada inay jebiyaan cadowga kana badbaadaan in la garaaco. Raadinta iyo beegsiga halisaha: Diyaaraddu waxay kormeeri kartaa dhul ballaaran, waxayna ogaan kartaa dhaq-dhaqaaqyada cadowga, iyadoo si degdeg ah u beegsan karta bartilmaameedyada khatarta ah. Beegsiga hoggaanka cadowga: ATAK waxay awood u leedahay inay si sax ah u beegsato bartilmaameedyo muhiim ah sida hoggaamiyeyaasha kooxda, xarumaha taliska, ama kaydadka hubka — iyadoo yareyneysa halista waxyeellada dadka rayidka ah. Wada-hadalladan soo iibsashada diyaaraddan ayaa salka ku haya Heshiis Iskaashi Difaac iyo Dhaqaale oo ay Soomaaliya iyo Turkigu kala saxiixdeen bishii Febraayo 2024. Si kastaba ha ahaatee, faahfaahinta la xiriirta tirada diyaaradaha, qiimaha, nooca qalabka lagu rakibi doono, iyo waqtiga la keenayo weli lama shaacin waxayna sugayaan war rasmi ah. Turkiga: Saaxiib istaraatiji ah oo muhiim u ah amniga Soomaaliya Heshiiska suuragalka ah wuxuu muujinayaa doorka xooggan ee Turkigu ka ciyaarayo difaaca Soomaaliya. Iskaashigan ayaa lagu muujiyay dhowr arrimood: Xarunta TURKSOM: Turkigu wuxuu Muqdisho ka hirgeliyay xarun weyn oo tababar ciidan ah, taasoo muhiim u ah horumarinta xirfadda iyo anshaxa ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed. Tababar khaas ah: Warar ayaa sheegaya in saraakiil Soomaaliyeed lagu tababarayo Turkiga, taasoo laga yaabo inay ku jiraan diyaarinta shaqaale u qalma hawlgalinta diyaaradaha casriga ah ee ATAK. Taageeradii hore: Turkigu wuxuu horay Soomaaliya ugu deeqay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar Akıncı, kuwaasoo bixiya xog-ururin, kormeer, iyo weerarro sax ah. Helitaanka ATAK waxay noqon doontaa xoojinta ugu dambeysa ee awoodda cirka. Hadda, Ciidanka Cirka Soomaaliya waxay haystaan tiro kooban oo ah diyaarado duug ah oo u badan kuwo Talyaanigu horey u hibiyay. Inkasta oo ay waxtar u leeyihiin gaadiidka iyo saadka, diyaaradahaasi ma laha awood weerar, difaac, ama dareemayaal casri ah sida T-129 ATAK. Diyaaraddan cusub waxay Soomaaliya u keenaysaa heer dagaal cirka oo aysan horay u gaarin. Muuqaalka mustaqbalka: Caqabado iyo fursado is barbar socda Soo gelinta teknoolajiyaddan casriga ah waxay la imaan doontaa caqabado muuqda. Soomaaliya waxay u baahan doontaa inay dhisto nidaamyo dayactir iyo taageero farsamo oo lagu maareeyo diyaaradahaas, inay hesho maalgelin ku filan oo lagu iibsado iyo lagu sii shaqeysiiyo, iyo inay hubiso in diyaaradaha si wax ku ool ah loogu dhex daro hawlgallada CXDS iyadoo la adeegsanayo tababar joogto ah iyo istaraatijiyad ciidan oo ku habboon. Xiisaha ay Soomaaliya u qabto diyaaradda T-129 ATAK wuxuu muujinayaa go’aan siyaasadeed oo adag oo ku jihaysan xoojinta awoodda milatari ee dalka si loola dagaalamo Al-Shabaab. ATAK waxay isu keenaysaa xawaare, teknoolajiyad horumarsan, iyo hub kala duwan oo horey ugu guuleystay dagaallo la mid ah kuwa Soomaaliya ka jira. Inkastoo heshiiskaan weli u baahan yahay xaqiijin rasmi ah, islamarkaana ay jiraan caqabado hirgelin ah, haddii la helo diyaaraddan – iyada oo ay suurta-gelinayaan xiriirka amni ee sii xoogeysanaya ee Turkiga – waxay si weyn u kordhin kartaa awoodda Soomaaliya ee ilaalinta shacabka iyo difaaca dhulkeeda.
  25. Iran is ready to engage with the US at talks on Saturday over its nuclear programme "with a view to seal a deal", its Foreign Minister Abbas Araghchi has said. Source: Hiiraan Online