-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ankara (Caasimada Online) – Türkiye iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan sahaminta shidaalka iyo gaaska gudaha dalka, taasoo ah tallaabo weyn oo hor leh oo lagu xoojinayo iskaashiga sii xoogeysanaya ee labada dal ee dhinaca tamarta. Heshiiskan oo Khamiista maanta ah lagu saxiixay magaalada Ankara, ayaa shirkadda shidaalka qaranka Türkiye ee Turkish Petroleum Corporation (TPAO) siinaya oggolaansho ay ku sahamiso saddex aag oo dhuleed oo ku yaalla Soomaaliya, kuwaas oo guud ahaan baaxaddoodu gaareyso ku dhawaad 16,000 kiiloomitir oo laba jibbaaran. Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Türkiye, Alparslan Bayraktar, iyo Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa si rasmi ah u kala saxiixday heshiiskan, kaasoo ah tillaabo cusub oo lagu ballaarinayo iskaashiga labada dal ee dhinaca tamarta. “Heshiiskan wuxuu billow u yahay iskaashi cusub oo dhinaca dhulka ah,” ayuu yiri Bayraktar. “Waxaan ku bilaabi doonnaa baaritaanno seismic ah oo laba-iyo-saddex-cabbir ah, iyadoo aan si degdeg ah ugu tallaabi doonna qodista marka aan helno xog dhammeystiran.” Tani ma aha markii ugu horreysay ee labada dal ay ka wada shaqeeyaan arrimaha tamarta. Xagaagii hore, Türkiye iyo Soomaaliya waxay kala saxiixdeen heshiis wadaag ah oo ku saabsan sahaminta shidaalka badda. Türkiye waxay markaas u dirtay markabka sahmintaee Oruç Reis, oo ah mid ay dalka gudihiisa ku horumarisay, si uu baaritaanno uga sameeyo biyaha Soomaaliya. Markabkan ayaa weli ka shaqeynaya saddex aag badeed oo guud ahaan dhul ahaan gaaraya qiyaastii 15,000 kiiloomitir oo laba jibbaaran. “Ilaa hadda, mashruuca waxaa la dhameystiray boqolkiiba 78,” ayuu yiri Bayraktar. “Waxaan hiigsaneynaa in baaritaannada seismic-ka la dhammeeyo bisha May. Marka xogta la falanqeeyo, ayaa la go’aamin doonaa tallaabooyinka xiga ee qodista.” Iskaashi ka baxsan shidaalka Labada dal waxay sidoo kale eegayaan fursado iskaashi oo ka baxsan shidaalka iyo gaaska. Wasiir Bayraktar wuxuu sheegay in Türkiye ay rajaynayso in iskaashiga lagu ballaariyo qeybta macdanta. “Waxaan dooneynaa inaan xiriirka sare u qaadno, annagoo bilaabayna mashaariic la taaban karo oo dhanka macdanta ah,” ayuu yiri. “Iskaashigan wuxuu ka tarjumayaa aragti dheer oo ku wajahan horumar waara iyo xasillooni goboleed.” Wasiirka Soomaaliya, Daahir Shire, ayaa ku tilmaamay heshiiskan mid taariikhi ah, wuxuuna sheegay in uu sare u qaaday heerka xiriirka labada dal. “Heshiiskan wuxuu xiriirkeena u gudbinayaa marxalad cusub,” ayuu yiri. “Waxaan ku faraxsanahay inaan si wadajir ah u horumarino khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya, si ay labada dhinacba uga faa’iideystaan. Markii shuruucdeenna iyo habraacyadeenna sharciyeed ay diyaar noqdaan, waxaan si diirran u soo dhoweyn doonnaa shirkadaha macdanta ee Turkiga.” Bayraktar wuxuu intaa ku daray in wafdiga Soomaaliyeed ay Türkiye sii joogayaan dhowr maalmood si ay u booqdaan xarumo muhiim ah oo ay kamid tahay markabka qodista ee Fatih. Türkiye sidoo kale waxay dadaal xooggan ku bixineysaa horumarinta iskaashiga caalamiga ah ee tamarta. Bisha May 2-deeda, magaalada Istanbul waxay martigelin doontaa Shirka Caalamiga ah ee Khayraadka Dabiiciga ah, halkaas oo wasiirrada tamarta iyo shirkadaha waaweyn ee caalamka ay ka wada hadli doonaan fursado cusub. Shirka waxaa marti-gelin doona Madaxweynaha Türkiye Recep Tayyip Erdoğan. “Türkiye waxay garab istaagtay Soomaaliya xilliyadii ugu adkaa,” ayuu yiri Bayraktar. “Hadda, waxaan ku faraxsanahay inaan garabkooda ku sii soconno xilli ay u jiheysanayaan mustaqbal ifaya.”
-
Somalia is located in a very strategic location crucial not only for the success of the ongoing operations to contain Houthis and deter their attacks on trade vessels in the Red Sea and Gulf of Aden, but also to protect Somalia's natural resources and destroy Houthi bases in Somalia and their reported influence in the region. Furthermore, due to proximity, Somalia can play a pivotal role in the operation by providing both human resources and military bases for the coalition. Thus, Somalia benefits from this operation and helps protect global order and security. Source: Hiiraan Online
-
ANKARA, Türkiye—Türkiye and Somalia have signed a new agreement for onshore oil and gas exploration, taking another big step in their growing energy partnership. The deal, signed Thursday in Ankara, gives Türkiye’s national oil company, Turkish Petroleum Corporation (TPAO), the green light to explore three land blocks in Somalia covering around 16,000 square kilometers. Turkish Energy and Natural Resources Minister Alparslan Bayraktar and Somali Minister of Petroleum and Mineral Resources Dahir Shire Mohamed signed the agreement, which adds a new layer to the countries’ ongoing cooperation in energy. “This agreement marks the start of a new onshore partnership,” Bayraktar said. “We’ll begin with two- and three-dimensional seismic surveys, and based on what we find, we’ll move quickly to drilling.” This isn’t the first time the two countries have teamed up on energy. Last summer, Türkiye and Somalia signed a production-sharing deal for offshore exploration. Türkiye sent its locally developed seismic vessel, Oruç Reis, to Somalia’s coastal waters. That vessel is still at work, surveying three offshore areas that span about 15,000 square kilometers. “So far, the project is 78% complete,” Bayraktar said. “We’re aiming to finish the seismic surveys by May. Once we’ve analyzed the data, we’ll decide on the next steps for drilling.” Looking beyond oil Both countries are also eyeing future opportunities beyond oil and gas. Minister Bayraktar said Türkiye hopes to expand the partnership into the mining sector next. “We’re preparing to take this relationship to the next level by launching concrete mining projects,” he said. “This isn’t just about energy—it’s about long-term development and building regional stability.” His Somali counterpart, Minister Dahir, echoed those thoughts and called the agreement a historic moment. “This deal takes our relationship to a whole new level,” he said. “We’re excited to develop Somalia’s natural resources in a way that benefits both sides. And once our legal frameworks are ready, we’re looking forward to welcoming Turkish mining companies to Somalia.” Bayraktar added that Somalia’s delegation will stay in Türkiye for a few more days to visit key facilities, including the Fatih drillship. Türkiye’s commitment to global energy cooperation is also moving forward. On May 2, Istanbul will host the International Natural Resources Summit, where energy ministers and major companies worldwide will explore new opportunities. The summit will be held under the patronage of President Recep Tayyip Erdoğan. “Türkiye stood by Somalia during its most difficult times,” Bayraktar said. “Now, we’re proud to walk alongside them as they move toward a brighter future.”
-
Wasiirka Batroolka iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Soomaaliya, Mudane Daahir Shire Maxamed, ayaa maanta kulan heer sare ah la yeeshay wafdi ka socday Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Jamhuuriyadda Turkiga. Kulankan ayaa ka dhacay xarunta wasaaradda Turkiga, waxaana lagaga hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee dhanka tamarta. Kulanka kadib, labada dhinac waxay qaadeen tallaabo muhiim ah oo kor u qaadaysa iskaashiga istaraatijiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiga. Waxaa si rasmi ah loo saxiixay heshiis u dhexeeya Shirkadda Dawooyinka Batroolka Turkiga (TPAO) iyo Hay’adda Maamulka Batroolka Soomaaliya, heshiiskaas oo loogu magac daray: “Heshiiska Sahaminta iyo Soo Saarista Hydrocarbon-ka ee Dhulka Hoostiisa ku jira ee Soomaaliya.” Iyadoo heshiiskan la fulinayo, TPAO waxay ka hawl-geli doontaa saddex aag oo dhulka gudaha Soomaaliya ah, kuwaas oo wadartoodu tahay 16,000km². Waxa ay shirkaddu ka samayn doontaa sahamin dhameystiran oo laba iyo saddex-cabbir leh (2D & 3D seismic surveys). Marka la helo xogta muhiimka ah, waxaa la guda geli doonaa howlgalka qodista ceelasha shidaalka. Source: goobjoog.com
-
Washington (Caasimada Online) – Guulo dhowaan ah oo ay ka gaareen falaagada Islaamiga ah ee Soomaaliya ayaa sababay in qaar ka mid ah saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ay soo jeediyaan in la xiro safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, isla markaana laga daadgureeyo inta badan shaqaalaha, si looga hortago khataraha amni, sida ay sheegeen ilo-wareedyo xog-ogaal u ah wadahadallada gudaha oo la hadlay New York Times. Hase yeeshee, masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Trump, gaar ahaan kuwa ka tirsan Golaha Amniga Qaranka, ayaa ka digaya in xiritaanka safaaradda uu dhaawici karo kalsoonida lagu qabo dowladda dhexe ee Soomaaliya, isla markaana uu sababi karo burbur degdeg ah. Taa bedelkeeda, waxay taageersan yihiin in la kordhiyo howlgallada Mareykanka ee Soomaaliya si loogu sii xoojiyo dagaalka lagula jiro kooxda Al Shabaab, sida ay sheegeen ilo-wareedyada. Doodaha is khilaafsan waxaa hurinaya xusuusta dhacdooyin xanuun badan oo hore u dhacay, sida weerarkii 2012 ee koox Islaami ah ku qabsatay xarunta Mareykanka ee Benghazi, Liibiya, iyo burburkii lama filaanka ahaa ee xukuumaddii Afghanistan xilligii ciidamada Mareykanka ay ka baxayeen dalkaas sannadkii 2021. Tani waxay sidoo kale muujinaysaa caqabadda ballaaran ee hortaagan maamulka Trump marka uu dejinayo istiraatiijiyadda siyaasadda Mareykanka ee Soomaaliya — dal ay hareeyeen khilaafaadyo qabiil iyo kala dambeyn la’aan, halkaas oo Mareykanku muddo labaatan sano ku dhow ku waday dagaal xadidan oo ka dhan ah argagixisada, balse horumar muuqda aan laga gaarin. Arrintan ayaa u muuqata inay iska hor keenayso la-taliyaha sare ee Madaxweynaha ee la-dagaalanka argagixisada, Sebastian Gorka — oo taageersan in si adag loo wajaho kooxaha Islaamiyiinta ah — iyo xubno kale oo xag-jir ah oo ka tirsan isbahaysiga siyaasadeed ee Trump, kuwaas oo ka soo horjeeda dagaallada “aan dhammaan” ee bilowday kadib weeraradii 11-kii September 2001, kuna dooda in Soomaaliya aysan ahayn mid dan weyn ugu fadhida Mareykanka. Toddobaadkii hore, Gorka ayaa shir isugu yeeray saraakiil ka kala socota hay’adaha dowladda ee ay khuseyso, si looga arrinsado jihada siyaasadda Mareykanka ee Soomaaliya, sida ay sheegeen mas’uuliyiin xog ogaal u ah wada-hadalladaas, kuwaas oo codsaday inaan magacyadooda la shaacin maadaama arrintu tahay mid xasaasi ah. Shirkaas ayaa la sheegay inuu ku dhammaaday iyadoo aan la gaarin go’aan rasmi ah. Dowladihii Mareykanka ee kala dambeeyay ayaa raacay siyaasad ku qotonta taageeridda dowladda dhexe ee Soomaaliya, iyagoo tababar iyo qalab u fidinayay unugyada gaarka ah ee Danab, sidoo kalena adeegsanaya diyaarado aan duuliye lahayn si ay u siiyaan taageero cirka ah marka ay la dagaallamayaan kooxda Al-Shabaab oo xiriir la leh Al Qaacida. Siyaasaddan ayaa loogu talagalay in ay dhidib u dhigto awoodda dowladda Soomaaliya si ay mustaqbalka u sugi karto ammaankeeda. Laakiin, sida dhacday meelo kale oo ay ka mid tahay Afghanistan, yoolkaasi wali ma rumoobin. Xaaladdu waxay kasii dartay warar sheegaya in qaar ka mid ah ciidamada Soomaaliya aysan dagaalka u istaagin, iyo in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud lagu eedeeyay inuu ka leexday taageerayaal ka tirsan beelaha mucaaradka iyo xitaa kuwa garabkiisa taagnaa. Golaha Amniga Qaranka iyo Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaan ka jawaabin codsiyo falcelin ah oo arrintan la xiriira. Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa Arbacadii sheegay in safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ay “si buuxda u shaqeyneyso” isla markaana wasaaraddu ay “si joogto ah u qiimeyso ugana falceliso xogaha la xiriira khataraha, iyadoo la waafajinayo tallaabooyinka ammaanka iyo howlgalka.” Maureen Farrell, oo horey u ahayd masuulka siyaasadda Afrika ee Wasaaradda Difaaca xilligii maamulka Biden, ayaa sheegtay in Al-Shabaab aan lagu jabin karin kaliya awood milatari. Waxay ku talisay in Mareykanku diiradda saaro xubnaha xagjirka ah ee halista leh, iyadoo lagu dadaalayo in inta kale ee kooxda lagu qanciyo wadahadal siyaasadeed. “Haddii aan ka fekerayno in aan yareyno joogitaankeenna, waa in aan ka faa’iideysanaa fursaddaas si aan cadaadis ugu saarno horumar dhab ah oo lagu gaaro himilooyinkeenna,” ayay tiri Farrell, oo haatan ah madaxweyne ku xigeen ka tirsan shirkadda la-talinta amniga ee Valar Solutions. “Waa fursad naadir ah oo aan si daacad ah u sheegan karno in aan diyaar u nahay in aan baxno haddii isbedello la taaban karo aan la helin.” Muddadii ugu badneyd ee xukunkiisa hore, Madaxweyne Trump wuxuu xoojiyay howlgalka milatari ee Mareykanka ee Soomaaliya, isagoo ka qaaday xayiraado xilligii Obama la saaray duqeymaha. Balse toddobaadyadii ugu dambeysay ee xafiiskiisa, wuxuu si lama filaan ah u amray in inta badan ciidamada laga saaro Soomaaliya, marka laga reebo tiro yar oo ilaalinaysa safaaradda. Ciidamadii ayaa dib loogu daabulay Kenya iyo Jabuuti, hase yeeshee si wareegto ah loogu soo celinayay gudaha Soomaaliya si ay u taageeraan ciidamada Soomaaliya ee Mareykanku tababaray. Sannadkii 2022, kadib markii hoggaanka milatariga ay sheegeen in gelitaanka iyo ka bixitaanka dalka uu khatar yahay, Madaxweyne Joe Biden ayaa oggolaaday in ciidamada Mareykanka dib loogu celiyo joogitaan rasmi ah gudaha Soomaaliya. Waxaa haatan gudaha Soomaaliya ku sugan 500 ilaa 600 oo askari Mareykan ah, sida uu sheegay Taliska AFRICOM. Maamulka cusubna wuxuu fuliyay dhowr duqeyn oo ka dhan ah xubno ka tirsan kooxda Daacish oo ku sugan waqooyiga dalka. Toddobaadyadii la soo dhaafay, guulo dagaal oo ay gaareen Al-Shabaab ayaa keenay in kooxda ay ku soo dhowaato magaalada Muqdisho, taas oo keentay walaac ku saabsan ammaanka safaaradda Mareykanka — xarun si weyn loo ilaaliyo oo ku taalla gudaha garoonka diyaaradaha. Roobabkii xilli roobaadka ayaa hakiyay dagaalka, taas oo bixisay waqti dheeraad ah. Omar Mahmood, falanqeeye sare oo ka tirsan Hay’adda Crisis Group una qaabilsan Soomaaliya iyo Geeska Afrika, ayaa sheegay in weerarradii ay Al-Shabaab bilaabeen dabayaaqadii Febraayo ay si lama filaan ah ugu dhaceen dowladda, taas oo keentay in kooxda ay dib u qabsato qaar ka mid ah tuulooyin ay horey u weysay laba sano kahor. Si kastaba, wuxuu sheegay in guulaha la sheegayo ay yihiin kuwo la buunbuuniyay, isla markaana kooxda aysan hadda u muuqan inay Muqdisho bartilmaameedsanayso. “Dowladdu si dhab ah ayay ula tacaaleysaa xaaladda – ciidamadii dhawaan la tababaray ma aysan la falgelin dagaalka si wanaagsan, siyaasadduna si xun ayay u kala firdhan tahay – balse cabsi laga qabo in Muqdisho la qabsado waa mid si weyn loo buunbuuniyay,” ayuu ku yiri email. “Tani waa wax ku caadi ah Soomaaliya, gaar ahaan dhexdeeda saaxiibada caalamiga ah, in marka ay wax yar qaldamaan, ay dadku si degdeg ah ugu rido cabsi iyo saadaal xun.” Si kastaba, qaar ka mid ah saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa wali taageersan in safaaradda la xiro, lagana daadgureeyo shaqaalaha si nidaamsan, si looga fogaado baahi degdeg ah oo lagu sameeyo howlgal samatabixin, sida tii ka dhacday garoonka diyaaradaha ee Kabul, Afghanistan, bishii Agoosto 2021. Waxaa kale oo jirta cadaadis lagu saarayo Wasaaradda Arrimaha Dibadda in ay isku ururiso howlaheeda safaaradeed ee qaaradda Afrika. Sidaa darteed, ururinta shaqaalaha Mareykanka ee Soomaaliya meel kale oo Bariga Afrika ah, sida Kenya ama Jabuuti, ayaa u adeegaysa yoolka dhimista kharashaadka dowladda, sida ay sheegeen masuuliyiin arrinta ka warqabay. Qaybo ka mid ah Soomaaliya ayaa si iskood ah isugu caleemo saaray maamullo madax-bannaan. Mid ka mid ah ikhtiyaarrada la tixgelinayo ayaa ah in qaar ka mid ah xarumaha iyo hantida Mareykanka la geeyo saldhig militari oo wakhtigii Soviet-ka laga dhisay Somaliland. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhawaan u soo jeediyay maamulka Trump inuu la wareego saldhigyo ciidan iyo dekedo, oo ay ku jirto mid ku taalla Somaliland, inkastoo dowladda federaalka aysan maamul u lahayn dhulkaas, sida ay Reuters daabacday dabayaaqadii Maarso. Shirkii toddobaadkii hore, Gorka ayaa la sheegay inuu si adag uga hor yimid fikradda ah in la yareeyo joogitaanka Mareykanka, isagoo ku dooday in aan la aqbali karin in Al-Shabaab ay dalka la wareegto, isla markaana soo jeediyay in la kordhiyo weerarada lagu beegsanayo dagaalyahanada kooxda. Isbedel kasta wuxuu saameyn ku yeelan karaa xiriirka Mareykanka la leeyahay dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya. Itoobiya, Imaaraadka Carabta, Turkiga, iyo Masar ayaa leh ciidamo ka qeyb qaata dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, halka Kenya ay si toos ah u la kulantay weerarro ay kooxdaasi ka fulisay gudaha dalkooda. Yaraynta howlgallada ayaa sidoo kale keeni karta su’aalo ku saabsan in hay’adda CIA ay sii wadi karto hawlaheeda gudaha Soomaaliya. Xusuusin ahaan, weerarkii Benghazi, kooxaha weerarka geystay waxay weerareen xarunta CIA-da ee ku taallay meel u dhow safaaradda Mareykanka. Si kastaba ha ahaatee, dhammaan arrimahan waxay ku xiran yihiin go’aanka siyaasadeed ee Mareykanka ka qaadanayo Soomaaliya: in la sii wado siyaasadda hadda jirta si Al-Shabaab loo xakameeyo, in si weyn loo kordhiyo duqeymaha ka dhanka ah kooxda, ama in la yareeyo joogitaanka iyadoo la ilaalinayo awoodda lagu fulin karo weerarro fogfog oo lagu beegsanayo bartilmaameedyada argagixisada. Qayb muhiim ah oo ka mid ah su’aashu waxay tahay: haddii Al-Shabaab ay la wareegto dhul ballaaran oo ka mid ah Soomaaliya, ma ku ekaan doonaan xukun gudaha ah, mise waxay bilaabi doonaan weerarro dibedda ah ama martigelin doonaan kooxo argagixiso ah oo sidaas sameeya? Kooxda Al-Shabaab waxay ka dhalatay fowdadii siyaasadeed ee Soomaaliya bartamihii 2000-meeyadii, waxayna 2012-kii daacad u noqotay Al Qaacida. Qaar ka mid ah garabyadeeda ayaa weerarro ka fuliyay meel ka baxsan Soomaaliya, sida toogashadii 2013 ee ka dhacday xarunta Westgate Mall ee Nairobi, Kenya, iyo weerarkii 2020 ee lagu qaaday saldhig Mareykanka leeyahay oo ku yaalla Manda Bay, Kenya, kadib markii maamulka Trump uu kordhiyay duqeymaha. Soomaaliya waxay ka soo horjeeddaa gacanka Cadan, dhinaca dalka Yemen, halkaas oo maamulka Trump uu kordhiyay duqeymaha ka dhanka ah Xuutiyiinta ay Iran taageerto, kuwaas oo khatar ku haya marin-biyoodka ganacsiga caalamiga ah ee Suez. Taliyaha Taliska AFRICOM, Gen. Michael E. Langley, ayaa toddobaadkii hore u sheegay Congress-ka in milatarigu uu si dhow ula socdo calaamado muujinaya xiriir suurtagal ah oo u dhexeeya Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta. Charlie Savage wuxuu wax ka qoraa arrimaha ammaanka qaranka iyo siyaasadda sharciga. Eric Schmitt waa weriye ka tirsan The New York Times oo ku takhasusay arrimaha ammaanka qaranka, isaga oo si gaar ah diiradda u saara howlaha milatari ee Mareykanka iyo arrimaha la xiriira la-dagaallanka argagixisada ee dibadda. Wuxuu ku hawlanaa tabinta mowduucyadan muddo ka badan soddon sano.
-
Mas’uuliyiinta degmada Rako Raaxo ee gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegay in ugu yaraan afar qof ay dhinteen ka dib marki i uu halkaasi ka dilaacay xanuun soo ritay dadka deegaanka, kaas oo aan ilaa hadda noociisa la garan. Guddoomiyaha degmada Rako Raaxo ee gobolka Karkaar, Cabdirashiid Cumar Siciid ayaa VOA u sheegay in xanuunka uu wato qufac iyo qandho daran, taas oo sababtay in, inta ay xaqiijiyeen, afar qof oo labo ka mid ah ay yihiin dumar ay u dhinteen. Waxa uu la hadlay wariyaha VOA, Yuusuf Maxamuud Yuusuf. 49d07f5a-e0fb-4b6e-3544-08dd5c897904_hq Qaran News
-
Kuwait (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la saxiixatay Sanduuqa Lacagta Carabta (Arab Monetary Fund – AMF) heshiis looga cafinayo dayn gaaraysa $306.5 milyan, tallaabo muhiim ah oo ay dowladda ku tilmaantay guul istaraatiiji ah oo kaalin weyn ka qaadaneysa barnaamijka dib-u-habaynta dhaqaalaha dalka. Soomaaliya, oo muddo tobannaan sano ah la daalaa-dheceysay dagaallo sokeeye iyo burbur baahsan, ayaa hadda ku jirta dadaallo dib-u-dhis dhaqaale. Dhibaatada waxaa sii xumeeyay abaaro, fatahaado iyo weerarro xagga dalagga ah oo ayaxa geystay sannadihii u dambeeyay. Heshiiskan wuxuu qayb ka yahay dadaallada socda ee Soomaaliya ay ugu jirto cafinta deymaha culus ee dalka ku dhacay tobannaan sano kahor, xilli uu burbur ku yimid hay’adihii dowladda kaddib markii uu billowday dagaalkii sokeeye sanadkii 1991. Intii u dhaxeysay, Soomaaliya waxay ka baxday nidaamka maaliyadeed ee caalamka, iyadoo aan lahayn awood ay ku maamusho daymaha ama ay ku hesho deeqo iyo maalgelin caalami ah. Sanadkii hore, Soomaaliya waxay ku guuleysatay in laga cafiyo 99% dayntii ay ku lahayeen waddamada xubnaha ka ah Paris Club – tallaabo lafdhabar u ahayd dadaallada ay ku dooneyso in ay dib ugu biirto nidaamka maaliyadeed ee caalamka. Heshiiska ay la gashay AMF—oo xarunteedu tahay Abu Dhabi, islamarkaana hormuud u ah xasilloonida maaliyadeed iyo horumarka dhaqaale ee dalalka Carabta—ayaa salka ku haya dib-u-habayn lagu sameynayo deynta ay Soomaaliya ku lahayd sanduuqaas, sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu AMF soo saaray. Balse, faahfaahin dheeraad ah lagama bixin heshiiska. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Imaan Cige, ayaa sheegay in heshiiskan uu muhiim u yahay dadaallada Soomaaliya ee dhinaca cafinta daymaha, isla markaana uu yahay “tallaabo aasaasi u ah dib-u-xirirka Soomaaliya la leedahay sanduuqa.” Saxiixa heshiiskan oo Arbacadii ka dhacay magaalada Kuwait, ayaa sidoo kale “ka tarjumaya kalsoonida sii kordheysa ee beesha caalamka ay ku qabto jihada cusub ee dhaqaalaha Soomaaliya iyo dadaallada dib-u-habaynta.”
-
Horaa Loo Yidhi; “RIYO HADAY DUB LEEYIHIIN DABADOODA AYAY KU QARIN LAHAAYEEN” Dalka Waan Aqaanaa Bahal Iga Da’ Waynoo Dad Cun ihi Ma Joogee Ma Dido Eh Harkoolow Haygu Tumin Durbaanada Iyo Daasadaha Madhan Dawladda Muqdisho Xaalkeeda Waynu Og Nahay. Todobaadyadii Ugu Dambeeyay Afgooye Al Shabaab Baa Ka Qabsaday. Oo Weliba Soo Dhaafay Oo Ceelashii Biyaha U Soo Gaadhay. Ilaa Shalay Al Shabaab Muqdisho Ayay Hoobiye Ku Garaacayeen. Xasan Sheekh Oo Madaxwayne Isu Haystana Waa Tii La Ogaa Ee Muqdisho Dhexdeeda Jidgooyada Looga Galay. Nin Sigtay Ma Nabadgelin. Muqdisho Ayaa La Wada Joogaa Alshabaabna Waa Xaadir. Dhawaan Suuqyada Xamar Cadeey Ayaa La Is Dhex Baacsan Doonaaye Iga Qora. Oo Heedhe Muxuu Daaran Yahay Horta Booqashada Khayre Ee La Inoo Buunbuuninayaa taniyo Shalay.? Hadii Aanu Nin Soo Qaxay Ahayn Xasan Sheekhna Ku Soo Dabajirin Anigu Maan Fahmin. Hadaa Ma In Laascaanood Ay Hiil Taraan Bay U Socdaan? Taa Dameero Loo Sheeg. Horaa Loo Yidhi RIYO HADAY DUB LEEYIHIIN DABADOODA AYAY KU QARIN LAHAAYEEN. Somaliland Waa Dheeldheel Ee Safarka Khayre Wuxu Geeri Uga Dhigan Yahay Nimankii Shalay HIIL HARTI Ku Soo Dagaalgalay Ee Markii Sool clan Laascaanood Isku Hubsadayne WID La Yidhi Ee Majeerteen, Maantana Laga Dulbooday Dawladii Xasan Sheekh Oon Dabka La Kala Qaadan Loo Soo Horgalay. Anigu Baga Odhan Maayo Oo Waa Digasho Cali Guray Aragti Shakhsi Ah Caligurey Qaran News
-
Ukraine oo sheegtay in ay qabatay askar u dhalatay Shiinaha
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Ciidamada Ukraine ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen laba muwaadin oo Shiinaha u dhashay, kuwaasi oo u dagaallamayay ciidammada Ruushka ee gobolka Donetsk, bariga Ukraine, sida uu sheegay Madaxweynaha dalkaasi, Volodymyr Zelensky. Talaadadii ayaa madaxweynaha Ukraine waxa uu tilmaamay in ay hayaan xogo muujinaya in tirada ciidanka Shiinaha ee ka barbar dagaallamaya ciidammada Ruushka ” ay laba qof ka badan tahay.” Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ukraine, Andrii Sybiha, ayaa sheegay in ciidammada Shiinaha ee ku sugan carrada Ukraine “ay su’aal gelinayaan mowqifka Shiinaha uu ka taagan yahay aaddan doorka nabadda” isagoo intaas ku daray in wakiillada shiinaha ee Kyiv loo yeedhay si sharaxaad loogu helo dhacdadan. Eedayntan ayaa noqonaysa tii ugu horraysay oo rasmi ah oo Ukraine u jeediso Shiinaha. Ruushkuna ayaan ilaa hadda ka jawaabin xogta uu Zelensky soo bandhigay Arbacadii. Bbcsomali Qaran News -
Muqdisho (Caasimada Online) – 24-kii saac ee la soo dhaafay, Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee Macawiisley waxay casharro lama ilaawaan ah u dhigeen kooxda Al-Shabaab. Howlgalladan ayaa si gaar ah uga dhacay duleedka degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe iyo deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan, halkaas oo geesiyaasha Xoogga iyo kuwa deegaanka ay Shabaabka ugu dhigeen cashir lama ilaawaan ah. Deegaanka Aboorey Argagixisada ayaa lagu gaarsiiyay khasaare culus, kaddib dagaallo dhowr jeer la isku noqday oo socday muddo saddex maalmood ah. Waa deegaanka keliya ee argagixisada lagu gaarsiiyay jabkii ugu cuslaa tan iyo muddooyinkii u dambeeyay, iyagoo cududdooda isugu geeyay halkaas. Waxaa la sheegay in kooxdaasi ay halkaas keeneen ajaaniibtii ugu badneyd, kuwaas oo u badnaa Oromada. Muhiimadda deegaanka Aboorey u lahayd argagixisada waxay ahayd laba ujeeddo: Marka koowaad, inay deegaankaas kaga tallaabaan dhanka Yasooman, halkaas oo ay ku taallo dhul buuraley ah si ay weerarro uga fuliyaan deegaanada kale ee gobolka Hiiraan ka tirsan. Marka labaad, in ay gurmad degdeg ah ka helaan dhanka galbeed, gaar ahaan jiinka webiga Shabeelle. Gurmadkooda wuxuu ka imaan karaa deegaanada galbeedka Hiiraan sida Buq-Aqable, taasoo muujineysa istiraatiijiyadda muhiimka ah ee deegaanka Aboorey u leeyahay kooxdaasi. Aboorey waxaa hadda ku sugan ciidamada qaranka iyo xoogagga xaq u dirirka deegaanka, waxaana mar kale la jebiyay Al-Shabaab, oo dib u gurtay kaddib markii ay ku guuldarreysteen weerarkii rogaal-celiska ahaa ee ay markale ku soo qaadeen deegaankaas. Dagaalka Aadan Yabaal Shalay duleedka degmada Aadan Yabaal wuxuu ahaa goob ay argagixisadu isku dayeen inay ku yareeyaan cadaadiska ay ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka ku saareen Aboorey, si aysan u helin gurmad. Labada dagaal oo isku waqti dhacay waxay muujinayaan sida sare ee uu u yahay mooraalka iyo isku xirka ciidamada. Saraakiishii hoggaaminaysay labada dagaal waxay muujiyeen adkeysi iyo dhiiranaan si ay u xaqiijiyaan ujeeddada dagaalka. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Jeneraal Odawaa, iyo saraakiil kale oo ka tirsan XDS, NISA, iyo Macawiisley oo ku sugnaa Aboorey, waxay isku dhaarsadeen in argagixisada aan laga joojin xabbad iyo hub culus ilaa godadkooda laga soo saaro iyagoo meyd ah. Howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa maalmihii u dambeeyay sii xoogeystay, iyadoo dagaalka lagu xoojiyay diyaarado casri ah, kuwaas oo garab siinaya ciidamada Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka si loo ciribtiro kooxaha argagixisada.
-
Mas’uuliyiin ka tirsan Waaxda Arrimaha dibadda Mareykanka (State Department) ayaa soo jeediyay in la xiro safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, islamarkaana shaqaalaha iyo diblomaasiyiinta laga daad-gureeyo, kaddib markii ay walaac xooggan ka muujiyeen xaaladda amni ee Muqdisho. Wargeyska New York Times oo xiganaya ilo wareedyo ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa sheegay in xubno kamid ah Waaxda Arrimaha dibadda (State Department) ay soo jeediyeen in la xiro safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, islamarkaana shaqaalaha iyo diblomaasiyiinta laga daad-gureeyo, sababo ammaan dartood, kaddib markii argagixisada Al-shabaab kaabiga u yimaadeen Muqdisho. Mas’uuliyiinta dowladda Mareykanka ee uu soo xigtay wargeyska New York Times ayaa xaqiijiyay in argagixisada Al-shabaab ay kaabiga u yimaadeen magaalada Muqdisho, kaddib dhaq dhaqaaqii ay dhawaanahan ka wadeen gobollada Shabeellooyinka ee deriska la ah Muqdisho, kuwaasi oo ay degaanno badan ka qabsadeen ciidamada dowladda. Xubnahan ayaa Wargeyska u sheegay in walaac amni oo dhab ah loo qaadanayo dhaq dhaqaaqa sii kordhaya ee dagaallamayaasha As ka wadaan gobollada deriska la ah Muqdisho, sidaasi darteedna ay tahay in la xiro safaaradda Mareykanka lagana daad-gureeyo shaqaalaha iyo diblomaasiyiinta ku sugan. PUNTLAND POST The post Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho oo la soo jeediyay in sababo amni loo xiro lagana daad-gureeyo diblomaasiyiinta appeared first on Puntland Post.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya ayaa martigelisay shir muhiim ah oo lagu gorfeynayo horumarinta marinka ganacsi ee muhiimka ah ee isku xira dekedda Berbera (Somaliland) iyo magaalada Addis Ababa (Itoobiya). Shirka waxaa ka qeyb-galay maayarro iyo mas’uuliyiin ka kala socday Dowlad-deegaanka Soomaalida iyo Somaliland. Ujeeddada ugu weyn ee kulanka ayaa ahayd sidii dib-u-habeyn iyo horumarin loogu sameyn lahaa kaabayaasha dhaqaalaha, si loo fududeeyo ganacsiga, isu-socodka dadka iyo badeecooyinka. Marinkan ayaa loo arkaa inuu yahay xariiq istiraatiji ah oo xoojin kara xiriirka dhaqaale iyo bulsho ee ka dhaxeeya labada dhinac. Faa’iidooyinka mashruuca iyo aragtiyaha mas’uuliyiinta Injineer Shaafi Axmed Macallin, maayarka magaalada Jigjiga, ayaa sheegay in marinkan uu xambaarsan yahay muhiimad weyn oo dhaqaale iyo istiraatiji ah, isagoo tilmaamay in uu fure u noqon karo isku xirka bulshada iyo kor u qaadidda iskaashiga gobolka. “Waa mashruuc la isku hallayn karo oo wax weyn ka beddeli doona dhaqaalaha gobolka. Waxaa la rajeynayaa in dhammaan magaalooyinka uu marayo ay si wadajir ah uga faa’iideystaan,” ayuu yiri Injineer Shaafi oo la hadlay BBC-da. Wuxuu sidoo kale xusay in shirkan lagu falanqeynayo caqabadaha iyo fursadaha mashruuca, iyadoo jaamacadaha maxalliga ah, sida Jaamacadda Jigjiga, ay sameeyeen daraasado ku saabsan saameynta iyo faa’iidada uu leeyahay. Dekedda Berbera iyo doorka Itoobiya ee gobolka Mashruuca dhismaha waddada isku xirta Berbera iyo Addis Ababa ayaa bilowday sanadkii 2021, kaddib heshiis dhex maray shirkadda DP World iyo Wasaaradda Gaadiidka ee Itoobiya. Shirkadda DP World ayaa ku dhawaaqday maalgelin dhan $1 bilyan oo doollar, taasoo la qorsheeyay in lagu fuliyo muddo 10 sano ah si loo horumariyo kaabayaasha ganacsi ee marinka muhiimka ah. Dekedda Berbera, oo shirkadda DP World si weyn u ballaarisay, ayaa kaalinta 165-aad kaga jirta dekedaha ugu sarreeya caalamka, sida uu sheegay Bangiga Adduunka. Sidoo kale, waxay noqotay deked si weyn ula tartami karta kuwa kale ee gobolka Geeska Afrika. Itoobiya, oo leh dad kor u dhaafaya 100 milyan, ayaa si weyn ugu baahan dekedo wax ku ool ah si ay uga soo dejiso badeecooyin iyo ugu dhoofiso wax soo saarka dalkeeda, sida bunka. Inkasta oo Itoobiya muddo dheer ku tiirsaneyd dekedaha Jabuuti iyo Suudaan, haddana waxaa muuqata in ay dooneyso in ay balaadhiso xulashooyinkeeda, iyadoo qorsheyneysa in ay la wareegto saami ka mid ah dekedaha ay leeyihiin dalalka dariska ah.
-
ADDUUNYADU WAXAY LA YAABANTAY HABDHAQANKA FOOSHA XUN EE UU XASAN SHIIKH ULA DHAQMAY MAAMMULADII SOOMAALIYA IYO S. LAND. Xasan shiikh wuxuu dhabanna hays ku riday caalamkii iyo wax garadkii ummadda soomaaliyeed wuxuu u dhaqmayaa sidii hoggaamiye kooxeed (war lord) wuu dagaallansanyay waxba reebimaayo. Wuxuu ka bilaabay jamhuuriyadda s. Land oo uu dagaal qaawan oo nolosha ah uu la galay isagoo raadkiisa guray madaxweynihii hore ee s. Land si uu u go’doomiyo s. Land oo ilaa imminkana uu cirro kula jiro dagaal qaawan oo caalamiya kaas oo ay kaga guulaysatay s. Land Wuxuu argagixisada u go’doomiyay puntland oo dagaal culus kula jirta daacish, wuxuu ka jaray xitaa dhaqaalihii kabka ahaa ee ay dawladda dhexe siin jirtay iyo caawimooyinkii caalamiga ahaa intaba. Wuxuu si qaawan oo Soomaalinimada ka baxsan u weeraray axmad madoobe isagoo go’doon cirka ahna saaray oo aanay weli diyaaraduhu tegi karayn kismaayo. Wuxuu marayaa laascaanood oo aanay nololiba ka jirin inuu xamse u diro oo uu sawir ku soo galo, firdhiyene uu shaadh ka weyn u soo geliyo si ay xaaladda laascaanood u sii adkaato. Anigoo soo koobaya xasan cid kale ayuu u shaqeeyaa fidmaduna gondihiisa ayay imanaysaa ee maammuladu degdeg hawga tashadaan intay xaaladdu dhawday. Ummadda turkigu u haynmaayo waxa imandoonta xamar oo gacantiisa ka baxda. MAHADSANID. CABDI BACAW. GUUL ALLE. LONDON. Qaran News
-
Garowe (HOL) — Puntland’s regional government has issued an urgent appeal for humanitarian assistance as a worsening water crisis threatens lives and livelihoods across the northeastern Somali state. Severe water shortages, triggered by prolonged drought and failed seasonal rains, are forcing mass displacement, killing livestock, and endangering public health, particularly among women and children. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey heshiis u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Masar. Heshiiskan ayaa ku saabsan in labada dowladdood ay ka dhaafaan Baasaboorka diblomaasiga shuruudaha dal ku-galka, taas oo u oggolaanaysa in muwaadiniinta haysta ay si shuruud la’aan ah ku gali karaan, kagana bixi karaan muddo 90 maalmood ah. Kulanka oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka. Golah ayaa looga warbixiyay guulaha laga gaaray howlgallada ka socda qeybo kamid ah gobollada dalka, kuwaas oo jab xooggan lagu gaarsiiyey argagixisada, isla markaana ay geesiyaasha qaranku deegaanno badan ka saareen Al-Shabaab. Golaha Wasiirrada ayaa bogaadiyay geesiyaasha ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka ee ka qeyb qaadanaya halganka argagixisada lagu sifeynayo. Sidoo kale waxaa la xusay muhiimadda ay leedahay in la dardar-galiyo taageerada lagu garab istaagayo ciidamada, lana xoojinayo wada-shaqeynta hey’adaha amniga iyo bulshada. Golaha Wasiirrada ayaa dhawaan xaqiijiyay xoojinta howl-gallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada, iyadoo uu ra’iisul wasaaruhu magacaabay guddi taakulada geesiyaasha dagaalka kula jira Al-Shabaab iyo Daacish.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xirtay askar ka tirsan ciidamadeeda oo kasoo baxsaday furimaha dagaalka, gaar ahaan aagga gobolka Shabeellaha Dhexe, sida uu xaqiijiyay taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed. Mahad Cabdiraxmaan Aadan, oo loo yaqaan “Shub”, ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa Asluubta oo loo diray dagaalka ay si fuleynimo ah uga soo baxsadeen aagga hore, kadibna ay kusoo laabteen Muqdisho. Taliyuhu wuxuu ku tilmaamay falkaas mid ceeb ku ah askartaas, sida uu hadalka u dhigay. Taliye Shub ayaa xusay in askartii la qabtay lagu xiray xabsiga dhexe ee Xamar, si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan. “Rag isku mid ma aha, goobta dagaalka ayaa lagu kala baxaa. Kuwa fuleyda ahaa ee ka soo cararay jiidda hore annaga Muqdisho kuma dayn, waanu soo qabanay, waaran ayaana u jarnay, xabsiga ayaana ku shubnay,” ayuu yiri. Sidoo kale, taliyuhu wuxuu sheegay in weli ay baadi-goobayaan askari kale oo baxsad ah, isla markaana la filayo in mar dhow la soo qabto. “Waxaa jira nin naga fakaday oo aan weli raadineyno, waana heli doonnaa, isaguna wuxuu geli doonaa Gaal Shire,” ayuu yiri Taliye Shub. Dhanka kale, taliyaha ciidanka Asluubta ayaa ammaan u jeediyay askarta kale ee weli ku sugan furimaha dagaalka, isagoo ku bogaadiyay sida ay uga qayb-qaadanayaan howlgallada xoreynta ee ka socda gobollada dalka. Maalmo kahor ayaa Muqdisho laga sagootiyay ciidamo ka tirsan Asluubta, kuwaas oo loo diray furimaha hore si ay uga qayb-qaataan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, ayna garab siiyaan ciidamada milateriga iyo kuwa deegaanka ee dagaalka ku jira. Sidoo kale, ciidamo ka tirsan Booliska ayaa iyana lagu daray safka hore, si ay u xoojiyaan dagaallada ka socda gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay Al-Shabaab isku dayeen inay dib usoo abaabulaan. Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa guulo la taaban karo ka gaaray dagaalladii u dambeeyay, iyagoo xoreeyay deegaanno iyo degmooyin muhiim ah oo ka tirsan maamulka HirShabelle. Sidoo kale, waxaa lagu dilay tiro badan oo maleeshiyaad ah iyo horjoogayaal ka tirsanaa kooxda, iyadoo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay si rasmi ah u shaacisay maydadka qaarkood.
-
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa lagu bogaadiyey howlgallada dalka looga sifeynayo kooxaha Shabaab ee ku dhuumaleysanaya qeybo kamid ah gobollada dalka. Kulanka oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka, gaar ahaan guulaha laga gaaray howlgallada ka socda qeybo kamid ah gobollada dalka, kuwaas oo jab xooggan lagu gaarsiiyey argagixisada, isla markaana ay geesiyaasha Qaranku deegaanno badan ka saareen Shabaab. Golaha Wasiirrada ayaa bogaadiyay geesiyaasha ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka ee ka qeyb qaadanaya halganka argagixiso lagu sifeynayo, iyada oo la xusay muhiimadda ay leedahay in la dardargaliyo taageerada lagu garab istaagayo ciidamada, lana xoojinayo wada-shaqeynta hey’adaha amniga iyo bulshada. Golaha, ayaa sidoo kale ansixiyey heshiis u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Masar, oo ku saabsan in labada dowladdood ay ka dhaafaan Baasaboorka diblomaasiga shuruudaha dal ku-galka, tani oo oggolaanaysa in muwaadiniinta haysta ay si shuruud la’aan ah ku gali karaan, kagana bixi karaan muddo 90 maalmood ah. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Allah ha u naxariistee, waxaa haatan socota qabanqaabada aaska marxuum Jeneraal Sheegow Axmed Cali, oo saaka maydkiisa lagu wareejiyay ehelkiisa, kaddib markii uu dhowaan geeriyooday isaga oo xabsi ku jiray gacanta dowladda Soomaaliya. Marxuumka ayaa salaadda Janaasada lagula tukaday isbitaalka Digfeer, waxaana aaska ka qayb-galay guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Liibaan Cali Yarow, xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan dowladda federaalka oo kasoo jeeda beesha uu ka dhintay. Maydka marxuumka oo dadweynuhu kasoo qaaday isbitaalka ayaa si lug ah loogu qaaday garoonka Aadan Cadde, halkaas oo diyaarad looga qaaday, waxaana ehelladiisu sheegeen in lagu aasi doono magaalada Jowhar oo uu deegaan ahaan kasoo jeeday. “Waxaa la isku afgartay in la dhameystiro aaskiisa, dowladdana waxay ogolaatay in Jananka lagu wareejiyo ehelkiisa,” ayuu yiri Dr. Mahad Hashim oo ka mid ah ehellada. Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray: “Beesha Jareerweyne ayuu ka dhintay AUN Jeneraal Sheegow, maydkiisana maanta waxaan ku aaseynaa magaalada Jowhar.” Sheegow ayaa horay loo sheegay in xanuunkiisu uu kasoo bilowday cagaarshow, balse uu ugu dambeyn u dhintay kansar, sida uu toddobaadkii hore warbaahinta u sheegay wasiir ku-xigeenka warfaafinta ee HirShabeelle, Cabdishakuur Shaashaa, oo Jananka qaraabo la ahaa. Inkasta oo dowladda Soomaaliya ay isbitaal geysay Jeneraalka, haddana ehelkiisu waxay ku doodayaan inuu u dhintay dayacaad caafimaad, maadaama uusan helin daryeel ku filan. Jeneraal Sheegow ayaa loo xiray iska horimaad Muqdisho ku dhex maray ciidamo uu hoggaaminayay iyo kuwa dowladda. Kaddib qabashadiisa, waxaa lasoo taagay Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday, wixii intaas ka dambeeyayna wuxuu ku xirnaa xabsi ku yaalla magaalada Muqdisho. Dhinaca kale, waxaa haatan socda dadaallo lagu doonayo in lagu sii daayo 22 dhalinyaro ah oo lala xiray Jeneraalka, kuwaas oo ehelladoodu codsanayaan in xorriyaddooda dib loo siiyo. “Waxaa kale oo jira 22 dhalinyaro ah oo maxaabiis ah, kuwaas oo dowladda u xiran. Howlo farsamo oo haatan socda ayaa jira, marka la dhameystiro iyagana waa la sii deyn doonaa,” ayuu mar kale yiri Dr. Mahad Hashim oo ka mid ah ehellada marxuum Sheegow.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Wasaaradda gargaarka ee maamul goboleedka Puntland ayaa maanta ku dhowaaqday xaalad adag oo ka taagan deegaannada maamulkaasi, taas oo sababtay barakac, dhimasho xoolo, iyo kororka cudurrada la xiriira biyo la’aanta. Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in abaar baahsan ay ku dhufatay guud ahaan Puntland, isla markaana xaalado adag ay ka jiraan dhammaan gobollada iyo deegaannada maamulkaasi. Qiimeyn la sameeyay ayaa sidoo kale muujinayso xaalad degdeg ah oo ku saabsan nafaqo-xumada sii kordhaysa gaar ahaan haweenka iyo carruurta ee Puntland. Wasaaradda ayaa soo saartay baaq deg-deg ah, si wax looga qabto xaaladaha bani’aadanimo ee hadda ka soo kordhyay Puntland-Soomaaliya. “Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowladda Puntland ayaa baaq kasoo saartay xaaladaha abaaraha ee ka jira deegaanada puntland taas oo sababtay biyo la’aan baahsan oo saamaysay dhammaan gobolada iyo deeganada puntland,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Sidoo kale waxa ay wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Puntland farriin culus u diray hay’adaha samafalka oo ay ugu baaqday inay qaataan doorkooda, una gurmadaan qoysaska ay soo wajahday xaaladda nololeed ee ku dhaqan maamulkaasi. “Wasaarada ayaa ugu baaqayso hay,adaha bah-wadaagta la,ah ee ka shaqeeya arrimaha bini’aadanimada inay ka wada qayb qaataan sidii gargaar biyo dhaan ah loogu samayn lahaa dadka ay saamaysay abaartu” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka. Waxaa kale oo lasii raaciyay “Wasaaradda ayaa ku hawlan sidii looga looga hortagi lahaa khataraha ka dhalan kara abaaraha iyo biyo yarida ee ka jira deegaanada Puntland”. Puntland ayaa markii hore ku jirtay xaalad dagaal oo ka dhan ah Daacish, waxaana kusoo darsoomay mid bani’aadanimo oo saameynteeda laga dareemay maamulkaasi. Si kastaba, Soomaaliya oo dhan ayaa lasoo warinayaa inay ka jirto abaar daran, waxaana di’in roobkii la filayay, taas oo uga sii dartay kuleelka iyo abaarta jira.
-
Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Iimaan Cige oo maalmahan safar shaqo ku joogay dalka Kuwait ayaa waxa uu kulamo miro-dhal ah la qaatay masuuliyiin Dowladeed iyo qaar ka mid ah madaxda Hey’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha maalgalinta. Wasiirka iyo wafdigisu waxa ay kulan gaar ah la qaateen madaxda Sanduuqa Horumarinta Dhaqaalaha Carabta ee Kuwait, kulan kaas oo diiradda lagu saaray sidii loo heli lahaa maalgalin ku saabsan ilaha dhaqaalaha dalka iyo hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda dalka oo dowladda Kuwait ay hore qeyb libaax uga qaadatay. Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga wada hadlay fursadaha maalgalineed ee u baahan in iskaashi gaar ah laga yeesho, iyada oo diiradda la saarayo maalgalinta ilaha wax soo saarka bulshada Soomaaliyeed ay aadka u danaynayaan si dhaqaalaha gudaha dalka uu sare ugu kaco. Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa mahadcelin kadib waxa uu tilmaamay in Sanduuqani uu door muhiim ah kulahaa in Dowladda Soomaaliya ay gaarto bartii kama dambeysta ee hannaankii deyn cafinta, sidoo kale Mudane Wasiir Biixi ayaa sheegay in kulanka ay hada la yeesheen Agaasimaha Guud ee Kuwait Fund Mr. Waleed Shamlan Al-Bahar ay warbixin guud ka siiyeen heerka maaliyadeed ee maanta ay taagan yihiin kadib deyn cafintii iyo qorshe yaasha maalgalineed ee Dowladda Soomaaliya ay mihiimadda siinayso. Sanduuqa Horumarinta Dhaqaalaha Carabta ee Kuwait waxa uu ka mid yahay Saaxibada Soomaaliya ee sida joogtada ah uga qeyb qaatay safarkii Dowladda Soomaaliya ee dib-u-habeynta Dhaqaalaha iyo hagaajinta hannaanka Maaliyadeed ee dalka. Source: goobjoog.com