Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Golaha Wakiillada Somaliland ayaa si adag uga hadlay safarka uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ku tegay magaalada Laascaanood, iyaga oo ku tilmaamay arrin halis ku ah nabadgelyada, iyo karaamada Somaliland. Golaha ayaa sheegay in tallaabadaas ay si buuxda u muujinayso faragelin toos ah oo lagu sameynayo arrimaha gudaha ee Somaliland, taasoo si cad uga hor imanayso dhammaan xeerarka iyo mabaadi’da caalamiga ah. Golaha Wakiillada ayaa ugu baaqay xukuumadda Somaliland inay si rasmi ah u laasho wadahadalladii iyo wada-xaajoodyadii u socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland. Waxa ay sheegeen in wadahadalladaasi aanay wax faa’iido ah u lahayn shacabka Somaliland, isla markaana Dowladda Soomaaliya aanay marna muujin daacadnimo iyo ixtiraam ay u hayso qaddiyadda Somaliland. Taa beddelkeed, waxay muujinaysaa ficillo iyo hadallo si cad uga turjumaya damac siyaasadeed oo lagu doonayo in lagu wiiqo jiritaanka Somaliland. Golaha Wakiillada ayaa sidoo kale xusay in shacabka Somaliland ay si buuxda u garab taagan yihiin xukuumaddooda. Ugu dambayn, Golaha Wakiillada Somaliland waxa uu beesha caalamka u diray fariin cad oo ku aaddan in laga waantoobo taageerada aan meelna ka soo galayn ee ay u muujiyaan Dowladda Soomaaliya, iyada oo aan laga fiirsan saamaynta ay arrintaasi ku yeelan karto degganaanshaha guud ee gobolka. Source: goobjoog.com
  2. Abdalla had read translated summaries of Special Branch reports that hinted at measures intended to curtail Soviet influence within the Somali National Army. Mogadishu (PP Obituary) — Brigadier Ahmed Suleiman Abdalla (aka Dafle), who passed away earlier this week, was the founding commander of the National Security Service (now the National Intelligence and Security Agency ‘NISA’). Abdalla was born in Togdheer in 1937. He attended Sheikh Secondary School. His contemporaries described him as a quick learner and highly conscientious — two qualities that served him well upon joining the Somali Army and during his training in the United Kingdom. During the first nine years of the 1960s, when Somalia was experimenting with parliamentary democracy, Abdalla served as an officer in the Somali National Army, at one point being tasked with overseeing military intelligence. Before 1969, he married the daughter of Somali Army Commander Mohamed Siyad Barre, who would later overthrow the last democratically elected Somali government in 1969. Abdalla’s name appeared on the list of junta members that came to be known as the Supreme Revolutionary Council, which seized power on 21 October 1969 in a bloodless coup. The year 1970 marked a significant milestone for the military regime. It took control of all intelligence reports previously compiled by the former Special Branch, first led by Major General Jama Mohamed Ghalib and later by Colonel Farah Sugulle. Although the Special Branch was primarily tasked with collecting intelligence on foreign threats to the Somali Republic, a substantial number of its reports dealt with “possible” links between some Somali politicians and foreign governments. The seizure of the Special Branch files provided Major General Barre, Chairman of the SRC, with an opportunity to connect the dots between the military intelligence reports he had previously read and the Special Branch files he had not had access to. Abdalla was appointed to head the National Security Service founded on a presidential decree issued in 1970. He secured the appointment based on a confidential recommendation he had written to the SRC Chairman, proposing the centralisation of the state’s intelligence apparatus. “The compartmentalisation denied political leaders the privilege of knowing more about military intelligence, and left army commanders in the dark about external threats to Somalia,” Abdalla argued, seeking to highlight the risks posed by having separate intelligence services within the regime. Abdalla with the the late Puntland State President Mohamud Muse Hersi circa 2007. Abdalla had read translated summaries of Special Branch reports that hinted at measures intended to curtail Soviet influence within the Somali National Army. He was not an Italian-speaking officer. These reports dated back to 1967, when Abdirashid Ali Sharmarke was elected president. Sharmake appointed Mohamed Haji Ibrahim Egal as Prime Minister. The Special Branch reports alluded to meetings between Egal and senior members of his government with British and American diplomats, who tied support for the Somali National Army to verifiable reductions in Soviet influence. Sharmarke reportedly balked at suggestions made by Egal to downgrade ties with the Soviet Union, which had played a key role in strengthening Somali military intelligence capabilities. The abolition of political parties, as proclaimed in the first Charter of the Somali Revolution, was informed by the failure of the last Somali civilian regime, which monopolised power to such an extent that it rendered all political opposition irrelevant. The introduction of a single-list candidate system (una lista unica), which allowed the ruling Somali Youth League to block rival candidates from other parties from contesting seats in constituencies, foreshadowed the one-party rule in Somalia under the Somali Revolutionary Socialist Party (1976–1991). Misconceived democracy paved the way for military dictatorship. Abdalla is remembered for transforming the NSS into a professional intelligence service, whose operations benefited from synthesising intelligence reports from both the pre- and post-coup eras, particularly between 1966 and 1975. The National Security Court, headed by the late Mohamud Gelleh Yusuf, used NSS intelligence reports as evidence against so-called “counter-revolutionaries.” Abdalla was known to be anti-communist but did not rock the boat; he understood that President Barre was not a committed communist but used scientific socialism to retain power. Other intelligence policy innovations introduced by Abdalla included issuing Somali passports to members of the Eritrean Liberation Front and granting refugee status to Ethiopians fleeing the Red Terror under Colonel Mengistu Haile Mariam. In the Lower Shabelle region, the NSS ran a centre where officers held monthly meetings with Ethiopian political refugees, some of whom became teachers in private schools in Mogadishu. Unemployed Ethiopian political refugees received allowances and medical care from the Somali state. The former President of Somalia, Sharif Sheikh Ahmed, the President of Puntland State, Said Abdullahi Deni, the Chairman of the Somaliland administration Parliament Yasin Haji Mohamud Hiir, the current Director of NISA, Abdullahi Sanbalolshe; and the former NISA Director, Fahad Yasin, all sent their condolences to the family of Brigadier General Ahmed Suleman Abdalla. © Puntland Post, 2025 The post Somalia’s First Centralised Intelligence Service Chief Dies Aged 87 appeared first on Puntland Post.
  3. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kala qeybgalay Madaxda Caalamka, furitaanka Madasha Diplomaasiyadda Antalya ee dalka Turkiga. Madashan oo ka mid ah fagaareyaasha caalamiga ah ee ugu muhiimsan iskaashiga dhanka amniga iyo siyaasadda ayaa wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mudnaan siinayaan xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee caalamiga ah, isdhaafsiga khibradaha maamul iyo sidii Soomaaliya ay doorkeeda uga qaadan lahayd arrimaha caalamiga, iyadoo la xaqiijinayo midnimada iyo danaha dalkeenna. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu mahadceliyey dowladda iyo shacabka Turkiga martiqaadka iyo soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan doceedyo la qaadan doona madaxda iyo hoggaamiyeyaasha ka qeyb-galaya Madashan. Source: goobjoog.com
  4. Ra’iisul wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, oo ay weheliyaan wasiiro iyo mas’uuliyiin dowladeed ayaa maanta oo Sabti ah gaaray magaaladda Laascaanood ee xarunta Maamulka SSC-khaatumo. Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre waxaa garoonka diyaaradaha Laascaanood ku soo dhaweeyay hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye, mas’uuliyiin ka tirsan, Xukuumadda Federaalka, Maamulka SSC-Khaatumo iyo dadweynaha magalaada. Safarka Ra’iisul wasaare Xamse ayay dowladda Soomaaliya ku tilmaantay mid lagu xoojinayo midnimada iyo wadajirka sidoo kalena inta uu Ra’iisul wasaaruhu joogo wuxuu kulamo la qaadan doonaa qaybaha kala duwan ee bulshada iyo madaxda SSC-khaatumo. Sidoo kale Mudane Xamsa Cabdi Barre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu dhagax dhigo mashaariicyo kala duwan, kuwaas oo qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka iyo bulshada. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maanta gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta SSC-khaatumo appeared first on Puntland Post.
  5. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah uga degay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, halkaas oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay. Booqashadan ayaa noqoneysa tii ugu sarreysay ee uu ku tago magaalada tan iyo markii loo magacaabay xilka Ra’iisul Wasaaraha. Markii uu ka degay garoonka diyaaradaha ee Laascaanood, waxaa si sharaf leh u qaabilay mas’uuliyiin heer gobol iyo heer federaal ah, waxaana uu salaan sharaf ka qaatay cutub ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed . Ciidanku waxay muujiyeen heegan iyo niyad-wanaag sare oo ka tarjumaya xaaladda amni ee gobolka. Kumanaan qof oo shacabka reer Laascaanood ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka waaweyn ee magaalada si ay u muujiyaan taageeradooda iyo soo dhaweyntooda Ra’iisul Wasaaraha. Dadka deegaanka ayaa muujiyay dareen ay ku muujinayaan rajo, isbedel, iyo taageero buuxda oo ay u hayaan dowladda dhexe. RW Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale salaan gaar ah la yeeshay dadkii soo dhaweeyay, oo ay ka mid yihiin xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Federaalka, madaxda heer gobol, odayaal dhaqameed, haween, iyo dhalinyaro. Booqashadan ayaa lagu tilmaamay mid taariikhi ah oo dhabbaha u xaaraysa xoojinta wada-shaqeynta dowladda federaalka iyo shacabka gobollada Waqooyi ee dalka. Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu filayaa inuu kulamo la yeesho qaybaha kala duwan ee bulshada si uu u dhageysto aragtidooda, islamarkaana uu uga warbixiyo qorshayaasha dowladda ee ku aaddan horumarka, dib u heshiisiinta, iyo xoojinta adeegyada dowladda ee dalka oo dhan. Source: goobjoog.com
  6. Marxuum Cabdirashiid Xuseen Cabdiraxmaan oo kamid ahaa dhalinyarada da’ yarta ah ayaa xalay lagu dilay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kaddib markii ay toogteen laba nin oo hubaysan. Qoraal kooban ka soo baxay ciidanka Booliska gobolka Mudug ee dhinaca Puntland ayay ku sheegeen in ay gacanta ku dhigeen laba eedaysane oo loo haysto dilka marxuumkaasi da’da yar ee lagu dilay waqooyiga Gaalkacyo, islamarkaana sida ugu dhakhsaha badan loo horgeyn doono hay’adaha garsoorka. “Ciiddanka Pol mudug ayaa ku guulaystay inay gacanta kusoo dhigaan 2 eedaysane kuwaas oo ka danbeeyay dilkii Marxuun C/rashiid Xuseen C/raxmaan oo Salaadii Maqrib ee Gaalkacyo lagu dilay. kuwaas oo xiligan kujira Gacanta Police ka Gobolka Mudug, waxaana si dhaqsaa loo horgayn doonaa Hay’adaha Garsoorka” ayuu sheegay Booliska gobolka Mudug. Dhinaca kale, ciidanka Booliska gobolka Mudug wax faahfaahin ah kama bixin sida uu u dhacay dilkaasi iyo sababta keentay, marka laga reebo in ay xaqiijiyeen qabashada labadii eedaysane ee loo haystay in ay ka danbeeyeen dilka marxuum Cabdirashiid Xuseen Cabdiraxmaan. PUNTLAND POST The post Puntland oo qabatay rag wiil dhalinyaro ah xalay ku dilay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  7. AQPfa-Otub5RUHj9FTw3m0LN1viVkaxYYu0swg7NkX3E8_fosBtOUvGuo5NfWTHc4GocpbnTPnU-lEu-_MolKcJ8 Qaran News
  8. Mogadishu (HOL) — A 26-year-old Somali man is recovering after undergoing a rare and complex brain surgery in India to remove a bullet that had remained lodged near his brainstem for nearly two months. Source: Hiiraan Online
  9. COLUMBUS, Ohio (HOL) — A Somali Muslim woman was violently assaulted by her neighbours outside her apartment complex in Columbus on March 20, prompting civil rights groups to call for hate crime charges and greater accountability from law enforcement. Source: Hiiraan Online
  10. 𝗗𝗜𝗪𝗔𝗔𝗡𝗚𝗔𝗟𝗜𝗡𝗧𝗜𝗜 𝗗𝗔𝗗𝗞𝗔 𝗗𝗔𝗟𝗞𝗔 , 𝗗𝗢𝗢𝗥𝗔𝗦𝗛𝗔𝗗𝗔 𝗪𝗔𝗞𝗜𝗜𝗟𝗔𝗗𝗔 𝗞𝗔 𝗛𝗢𝗥 𝗪𝗔𝗔 𝗜𝗡 𝗟𝗔 𝗦𝗔𝗠𝗘𝗘𝗬𝗔𝗔. 𝗟𝗮𝗯𝗮𝗱𝗶𝗶 𝗱𝗼𝗼𝗿𝗮𝘀𝗵𝗼 𝗲𝗲 𝗴𝗼𝗹𝗮𝗵𝗮 𝘄𝗮𝗸𝗶𝗶𝗹𝗮𝗱𝗮 𝗲𝗲 𝘂 𝗱𝗮𝗺𝗯𝗲𝗲𝘆𝗮𝘆 𝟮𝟬𝟬𝟱 𝗶𝘆𝗼 𝟮𝟬𝟮𝟭 𝗹𝗮𝗯𝗮𝗱𝗮𝗯𝗮 𝘄𝗮𝘅𝗮 𝗹𝗮𝗴𝘂 𝗴𝗮𝗹𝗮𝘆 𝘅𝗮𝗹 𝗶𝘆𝗼 𝗶𝘀-𝗾𝗮𝗻𝗰𝗶𝗻 , 𝗺𝗮𝗮𝗱𝗮𝗮𝗺𝗮 𝗴𝗼𝗯𝗼𝗹𝗮𝗱𝗮 𝗱𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗾𝗮𝗮𝗿 𝘄𝗮𝘅 𝘁𝗶𝗿𝘀𝗮𝗻𝗮𝘆𝗮𝗮𝗻 𝘁𝗶𝗿𝗮𝗱𝗮 𝗸𝘂𝗿𝗮𝗮𝘀𝗶𝗱𝘂 𝗸𝘂 𝘆𝗮𝗿 𝘁𝗮𝗵𝗮𝘆. 𝗔𝗱𝘂𝘂𝗻𝗸𝗮 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗮 𝗹𝗮 𝘀𝗮𝗺𝗲𝗲𝘆𝗮𝗮 𝗱𝗶𝘄𝗮𝗮𝗻 𝗴𝗮𝗹𝗶𝗻 𝗱𝗮𝗱𝘄𝗲𝘆𝗻𝗲 𝗼𝗼 𝗹𝗼𝗼 𝘆𝗮𝗾𝗮𝗮𝗻𝗼 ( 𝗖𝗲𝗻𝘀𝘂𝘀) 𝗸𝗮𝗮𝘀𝗶 𝗼𝗼 𝘀𝗵𝗲𝗲𝗴𝗮 𝘁𝗶𝗿𝗮𝗱𝗮 𝗴𝘂𝘂𝗱 𝗲𝗲 𝗱𝗮𝗹𝗸𝗮 , 𝗴𝗼𝗯𝗼𝗹𝗮𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗱𝗲𝗴𝗺𝗼𝗼𝘆𝗶𝗻𝗸𝗮 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗮𝗻𝗮 𝗹𝗮𝗴𝘂 𝗾𝗮𝘆𝗯𝘀𝗮𝗱𝗮𝗮 𝗸𝘂𝗿𝗮𝗮𝘀𝗶𝗱𝗮 𝗪𝗮𝗸𝗶𝗶𝗹𝗮𝗱𝗮, 𝗚𝘂𝘂𝗿𝘁𝗶𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗱𝗲𝗲𝗴𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮. 𝗧𝗶𝗿𝗮𝗸𝗼𝗼𝗯𝗸𝗮 𝗱𝗮𝗱𝘄𝗲𝘆𝗻𝘂𝗵𝘂 𝘄𝘂𝘅𝘂𝘂 𝗳𝘂𝗱𝘂𝗱𝗲𝘆𝗻 𝘂 𝘆𝗮𝗵𝗮𝘆 𝘁𝗶𝗿𝗮𝗸𝗼𝗼𝗯𝗸𝗮 𝗰𝗼𝗱 𝗯𝗶𝘅𝗶𝘆𝗲𝘆𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮 𝗼𝗼 𝗱𝗵𝗮𝘄𝗿 𝗴𝗼𝗼𝗿 𝗮𝘆𝗻𝘂 𝘀𝗮𝗺𝗲𝘆𝗻𝗮𝘆 , 𝗶𝘆𝗼 𝘀𝗮𝗮𝗺𝗶 𝗾𝗮𝘆𝗯𝘀𝗶𝗴𝗮 𝘀𝗮𝗹𝘂𝘂𝗴𝘆𝗮𝗱𝗮 𝗷𝗶𝗿𝗮 𝗲𝗲 𝗶𝗻 𝗯𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗹𝗮𝗴𝗮 𝗵𝗮𝗱𝗹𝗮𝘆𝗲𝘆. 𝗦𝗶𝗱𝗮 𝗱𝗵𝗮𝗯𝘁𝗮 𝗮𝗵 𝘅𝗮𝘀𝗶𝗹𝗼𝗼𝗻𝗶𝗱𝗮 𝗱𝗮𝗹 𝘄𝗮𝘅𝗮 𝗮𝘆 𝗸𝘂 𝘅𝗶𝗱𝗵𝗮𝗻 𝘁𝗮𝗵𝗮𝘆 𝘅𝗮𝘀𝗶𝗹𝗼𝗼𝗻𝗶𝗱𝗮 𝘀𝗶𝘆𝗮𝗮𝘀𝗮𝗱𝗲𝗲𝗱 𝗲𝗲 𝗱𝗮𝗹𝗸𝗮𝗮𝘀𝗶 𝗸𝗮 𝗷𝗶𝗿𝘁𝗮 , 𝘀𝗮𝗯𝗮𝗯𝘁𝗮 𝗼𝗼 𝗮𝗵 𝗺𝗮𝗿𝗸𝗮 𝗹𝗮𝗴𝘂 𝗵𝗲𝘀𝗵𝗶𝗶𝘆𝗼 𝗵𝗮𝗻𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗱𝗼𝗼𝗿𝗮𝘀𝗵𝗼𝗼𝘆𝗶𝗻𝗸𝗮 𝗲𝗲 𝘂𝘂 𝗹𝗲𝗲𝘆𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗵𝗮𝗯 𝗹𝗼𝗼 𝗿𝗮𝗮𝗰𝗼 , 𝘅𝗲𝗲𝗿 𝗹𝗼𝗼 𝗰𝘂𝘀𝗸𝗮𝗱𝗼 𝗶𝘆𝗼 𝘄𝗮𝗸𝗵𝘁𝗶 𝗴𝗼’𝗮𝗻 𝗼𝗼 𝗮𝘆 𝗱𝗼𝗼𝗿𝗮𝘀𝗵𝗼𝗼𝘆𝗶𝗻𝗸𝘂 𝗱𝗵𝗮𝗰𝗮𝗮𝗻 𝘄𝗮𝘅𝗮 𝗸𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮 𝗲𝗲 𝗹𝗮𝗴𝘂 𝗱𝗲𝗱𝗮𝗮𝗹𝗮𝘆𝗮𝗮 𝘀𝗶𝗱𝗶𝗶 𝗮𝗮𝗱 𝘂𝗺𝗮𝗱𝗮 𝘂 𝗸𝗮𝘀𝗯𝗮𝗻 𝗹𝗮𝗵𝗮𝘆𝗱. 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱 𝗾𝗮𝗮𝗯𝗸𝗮 𝗱𝗼𝗼𝗿𝗮𝘀𝗵𝗼𝗼𝘆𝗶𝗻𝗸𝗮 𝗹𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗹𝗼 𝘄𝗮𝘅 𝘄𝗲𝘆𝗻 𝗯𝗮𝗮 𝗸𝗮 𝗱𝗵𝗶𝗺𝗮𝗻 𝘀𝗶𝗱𝗼𝗼 𝗸𝗮𝗹𝗲 𝘄𝗮𝘅𝗮 𝗸𝘂 𝗷𝗶𝗿𝘁𝗮 𝗾𝗮𝗯𝘆𝗼 𝗳𝗮𝗿𝗼𝗯𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗼𝗼 𝗮𝗮𝗻 𝗾𝗼𝗿𝘀𝗵𝗲 𝗹𝗼𝗼 𝘄𝗮𝗮𝘆𝗶𝗻 𝗹𝗮𝗮𝗸𝗶𝗶𝗻 𝗮𝗮𝗻 𝗹𝗮 𝗶𝘀𝗸𝘂𝗯𝗮 𝗱𝗮𝘆𝗶𝗻 𝗼𝗼 𝗮𝘆 𝗸𝗮 𝗺𝗶𝗱 𝘁𝗮𝗵𝗮𝘆 𝘁𝗶𝗿𝗮𝗸𝗼𝗼𝗯 𝗹𝗮𝗴𝘂 𝘀𝗮𝗺𝗲𝗲𝘆𝗼 𝘁𝗶𝗿𝗮𝗱𝗮 𝗴𝘂𝘂𝗱 𝗲𝗲 𝗱𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗷𝗮𝗺𝗵𝘂𝘂𝗿𝗶𝘆𝗮𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱. 𝗧𝗶𝗿𝗮𝗸𝗼𝗼𝗯𝗸𝗮 𝗱𝗮𝗱𝘄𝗲𝘆𝗻𝗮𝗵𝗮 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱 𝗶𝗻 𝗵𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗹𝗼𝗼 𝗱𝗵𝗮𝗾𝗮𝗮𝗾𝗼 𝘀𝗶𝗱𝗶𝗶 𝗹𝗼𝗼 𝘀𝗮𝗺𝗲𝘆𝗻 𝗹𝗮𝗵𝗮𝗮 𝘄𝗮𝗮 𝗾𝗮𝘀𝗮𝗯 𝘀𝗶 𝘂𝘂 𝗾𝗮𝗿𝗮𝗻𝗸𝘂 𝗵𝗼𝗿𝗲 𝘂𝗴𝘂 𝘀𝗼𝗰𝗱𝗼 𝗹𝗼𝗼𝗴𝗮𝗻𝗮 𝗯𝗮𝘅𝗼 𝗺𝘂𝗿𝘂𝗴 𝗶𝘆𝗼 𝗸𝗵𝗶𝗹𝗮𝗮𝗳 𝗱𝗮𝗺𝗯𝗲 𝗼𝗼 𝗶𝗻𝗮𝗴𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝗻𝗼𝗾-𝗻𝗼𝗾𝗱𝗮. 𝗠𝗔𝗫𝗔𝗔 𝗙𝗔𝗔𝗜𝗜𝗗𝗢 𝗜𝗡𝗢𝗢𝗚𝗨 𝗝𝗜𝗥𝗧𝗔 𝗧𝗜𝗥𝗔𝗞𝗢𝗢𝗕𝗞𝗔 ? 𝟭- 𝗦𝗶𝗱𝗮 𝗸𝘂 𝗰𝗮𝗱 𝗫𝗲𝗲𝗿 𝗹𝗿-𝟭𝟰 𝟮𝟬𝟮𝟭 𝗼𝗼 𝗮𝗵 𝘅𝗲𝗲𝗿𝗸𝗮 𝗮𝗻𝘀𝗮𝘅𝗮 𝗮𝗵 𝗲𝗲 𝗹𝗮𝗴𝘂 𝗴𝗮𝗹𝗮𝘆 𝗱𝗼𝗼𝗿𝗮𝘀𝗵𝗮𝗱𝗶𝗶 𝘂𝗿𝘂𝗿𝗮𝗱𝗮 𝘀𝗶𝘆𝗮𝗮𝘀𝗮𝗱𝗮 𝗲𝗲 𝟮𝟬𝟮𝟰 𝘄𝗮𝘅𝗮 𝘂𝘂 𝗱𝗵𝗶𝗴𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗶𝗻 𝘂𝗿𝘂𝗿𝗸𝗮 𝟮𝟬% 𝗸𝗮 𝗵𝗲𝗹𝗮 𝟰 𝗴𝗼𝗯𝗼𝗹 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝗺𝗶𝗱 𝗮𝗵 𝟲 𝗴𝗼𝗯𝗼𝗹 𝘂𝘂 𝘂 𝗴𝘂𝗱𝗯𝗮𝘆𝗼 𝗫𝗶𝘀𝗯𝗶 𝗾𝗮𝗿𝗮𝗻 , 𝗵𝗮𝗱𝗱𝗮 𝘄𝗮𝘅𝗮 𝗸𝘂 𝗺𝗲𝗲𝗹𝗴𝗮𝗮𝗱𝗵 𝗹𝗼𝗼 𝘀𝗶𝗶 𝗶𝘀𝘁𝗶𝗰𝗺𝗮𝗮𝗹𝗮𝗮 𝘁𝗶𝗿𝗼𝗼𝘆𝗶𝗻 𝗵𝗮𝗹 𝗱𝗵𝗲𝗲𝗿𝗶 𝗮𝗵 𝗼𝗼 𝘀𝗶𝗱𝗮 𝗮𝘆 𝘂 𝗸𝗮𝗹𝗮 𝘀𝗮𝗿𝗲𝗲𝘆𝗮𝗮𝗻 𝗰𝗼𝗱𝗮𝗱𝗸𝗼𝗼𝗴𝘂 𝗹𝗼𝗼 𝘀𝗼𝗼 𝗾𝗮𝗮𝘁𝗼 , 𝗮𝗺𝗮 𝗰𝗼𝗱𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗱𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗰𝗼𝗱𝗲𝗲𝘆𝗲𝘆 𝗹𝗮𝗴𝘂 𝘀𝗮𝗿𝗴𝗼𝗼𝘆𝗼, 𝗸𝗮𝗮𝘀𝗶𝗻𝗮 𝗺𝗮 𝘄𝗮𝗮𝗳𝗮𝗾𝘀𝗮𝗻𝗮 𝘀𝗵𝗮𝗿𝗰𝗶𝗴𝗮 , 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗮𝗯𝗮 𝘀𝘂𝘂𝗿𝗮𝗴𝗮𝗹 𝗮𝗵 𝗶𝗻 𝘀𝗵𝘂𝗿𝘂𝘂𝗱𝗮𝗵𝗮𝗻𝗶 𝘂𝘂 𝘂𝗿𝘂𝗿 𝗮𝗺𝗮 𝘅𝗶𝘀𝗯𝗶 𝗸𝗮𝗹𝗶 𝗮𝗵𝗶 𝗯𝘂𝘂𝘅𝗶𝘆𝗼. 𝟮- 𝗦𝗶𝗱𝗮 𝘅𝗲𝗲𝗿 𝟮𝟯/𝟮𝟬𝟭𝟵 𝗸𝘂 𝗰𝗮𝗱 𝗾𝗶𝗶𝗺𝗲𝘆𝗻𝘁𝗮 𝗴𝗼𝗯𝗼𝗹𝗮𝗱𝗮 𝗱𝗮𝗹𝗸𝗮 𝘁𝗶𝗿𝗮𝗱𝗮 𝗱𝗮𝗱𝗸𝘂 𝘄𝗮𝗮 𝗸𝗮 𝗺𝗶𝗱 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗮𝗻𝗮 𝗮𝘆 𝗳𝘂𝗿𝘀𝗮𝗱 𝘂 𝘁𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗾𝗶𝗶𝗺𝗲𝘆𝗻𝘁𝗮 𝗴𝗼𝗯𝗼𝗹𝗮𝗱𝗮 𝗰𝘂𝘀𝘂𝗯 𝗲𝗲 𝘂 𝗯𝗮𝗮𝗵𝗮𝗻 𝗶𝗻 𝗴𝗼𝗹𝗮𝗵𝗮 𝘄𝗮𝗸𝗶𝗶𝗹𝗮𝗱𝗮 𝗮𝗻𝘀𝗶𝘅𝗶𝘆𝗼. 𝟯- 𝗪𝗮𝘅𝗮 𝗮𝘆𝗻𝘂 𝗵𝗲𝗹𝗮𝘆𝗻𝗮𝗮 𝗵𝗮𝗯 𝗰𝘂𝘀𝘂𝗯 𝗼𝗼 𝗰𝗮𝗱𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱 𝗮𝗵 𝗼𝗼 𝗴𝗼𝗯𝗼𝗹 𝘄𝗮𝗹𝗶𝗯𝗮 𝗺𝗲𝘁𝗲𝗹𝗮𝗮𝗱𝗶𝗶𝘀𝗮 𝘄𝗮𝗸𝗶𝗶𝗹𝗮𝗱𝗮 𝗸𝘂 𝗵𝗲𝗹𝗼 , 𝗵𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗵𝗮𝗱𝗮 𝗮𝘆𝗻𝘂 𝗾𝗮𝗮𝗱𝗮𝗻𝗮𝘆 𝟴𝟮 𝗺𝘂𝗱𝗮𝗻𝗲 𝗼𝗼 𝘄𝗮𝗸𝗶𝗶𝗹𝗮𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗚𝘂𝘂𝗿𝘁𝗶𝗱𝘂𝗯𝗮 𝗸𝘂 𝘀𝗮𝗹𝗲𝘆𝘀𝗮𝗻 𝘁𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗼𝗼 𝗹𝗮𝗴𝗮 𝘁𝗶𝘅𝗿𝗮𝗮𝗰𝗮𝘆 𝘁𝗶𝗿𝗮𝗮𝗱𝗶𝗶 𝗸𝘂𝗿𝗮𝗮𝘀𝘁𝗮 𝗱𝗲𝗲𝗴𝗮𝗮𝗻 𝗱𝗼𝗼𝗿𝗮𝘀𝗵𝗼 𝗲𝗲 𝟭𝟵𝟲𝟬𝗸𝗶𝗶 ( 𝟯𝟯 𝗸𝘂𝗿𝘀𝗶 × 𝟮.𝟱 ). 𝟰- 𝗪𝗮𝘅𝗮 𝗸𝗮𝗹𝗲 𝗼𝗼 𝗮𝘆 𝗶𝗻𝗼𝗼 𝗳𝘂𝗱𝘂𝗱𝗲𝘆𝗻 𝗱𝗼𝗼𝗻𝘁𝗮𝗮 𝗶𝗻 𝗹𝗮 𝗱𝗮𝗮𝗱𝗲𝗷𝗶𝘆𝗼 𝗸𝘂𝗿𝗮𝗮𝘀𝗶𝗱𝗮 𝗱𝗼𝗼𝗿𝗮𝘀𝗵𝗼 𝗱𝗲𝗲𝗴𝗮𝗮𝗻 𝗲𝗲 𝗺𝗮𝗴𝗮𝗮𝗹𝗼𝗼𝘆𝗶𝗻𝗸𝗮 , 𝗧𝘂𝘀𝗮𝗮𝗹𝗲 ( 𝗛𝗮𝗿𝗴𝗲𝗶𝘀𝗮 𝟭𝟳 𝗞𝘂𝗿𝘀𝗶 𝘄𝗮𝘅𝗮 𝗾𝗮𝘆𝗯𝘀𝗮𝗻 𝗱𝗼𝗼𝗻𝗮𝗮 𝗱𝗲𝗴𝗺𝗼𝗼𝘆𝗶𝗻𝗸𝗮 𝗼𝗼 𝘂 𝗸𝗮𝗹𝗮 𝗾𝗮𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗱𝗼𝗼𝗻𝗮 𝘀𝗶𝗱𝗮 𝗮𝘆 𝗸𝘂 𝗸𝗮𝗹𝗮 𝗱𝗮𝗱 𝗯𝗮𝗱𝗮𝗻 𝘆𝗶𝗵𝗶𝗶𝗻 ). 𝟱- 𝗪𝗮𝘅𝗮 𝗹𝗮 𝗵𝗲𝗹𝗶 𝗱𝗼𝗼𝗻𝗮𝗮 𝗺𝗮𝗿𝘄𝗮𝗹𝗯𝗮 𝗼𝗼 𝗱𝗼𝗼𝗿𝗮𝘀𝗵𝗼 𝘀𝗼𝗼 𝗱𝗵𝗮𝘄𝗮𝗮𝘁𝗼 𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗶𝘀𝗸𝘂 𝗱𝗶𝘆𝗮𝗮𝗿𝗶𝗻𝗮𝘆𝘀𝗮 𝗶𝗻 𝗮𝘆 𝗱𝗼𝗼𝗿𝗮𝘀𝗵𝗮𝗱𝗮𝗮𝘀𝗶 𝗰𝗼𝗱𝗸𝗼𝗼𝗱𝗮 𝗱𝗵𝗶𝗶𝗯𝘁𝗮𝗮𝗻 𝗼𝗼 𝗹𝗮 𝗱𝗶𝘄𝗮𝗮𝗻𝗴𝗮𝗹𝗶𝗻 𝗱𝗼𝗼𝗻𝗮𝗮 . 𝟲- 𝗚𝘂𝗱𝗶𝗴𝗮 𝗱𝗼𝗼𝗿𝗮𝘀𝗵𝗼𝗼𝘆𝗶𝗻𝗸𝗮 𝘄𝗮𝘅𝗮 𝗮𝘆 𝗸𝗮 𝗰𝗮𝗮𝘄𝗶𝗻 𝗱𝗼𝗼𝗻𝘁𝗮𝗮 𝗶𝗻 𝘄𝗲𝗿𝘄𝗲𝗿 𝗹𝗮𝗴𝗮 𝗾𝗮𝗯𝗼 𝗶𝗻 𝗱𝗮𝗱 𝗸𝗮𝗹𝗲 𝗰𝗼𝗱𝗲𝗲𝘆𝗮𝗮𝗻 𝘀𝗶𝗱𝗼𝗼 𝗸𝗮𝗹𝗲 𝗺𝗮𝗮𝗹𝗺𝗮𝗵𝗮 𝗱𝗼𝗼𝗿𝗮𝘀𝗵𝗮𝗱𝘂 𝘀𝗼𝗰𝗼𝘁𝗼 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗹𝗮 𝗸𝗼𝗿𝗱𝗵𝗶𝗻 𝗸𝗮𝗿𝗮𝗮 𝘀𝗶 𝗾𝗼𝗳𝘄𝗮𝗹𝗶𝗯𝗮 𝗳𝘂𝗿𝘀𝗮𝗱 𝘂𝗴𝘂 𝗵𝗲𝗹𝗼 𝗵𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗵𝗮𝗱𝗮 𝗮𝘆 𝘁𝗮𝗵𝗮𝘆 ( 𝟭𝟮 𝘀𝗮𝗮𝗰𝗮𝗱𝗼𝗼𝗱 𝗼𝗼 𝗸𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮 𝗶𝗻 𝗴𝗼𝗼𝗯𝗮𝗵𝗮 𝗰𝗼𝗱 𝗯𝗶𝘅𝗶𝗻𝘁𝘂 𝗳𝘂𝗿𝗻𝗮𝗮𝗱𝗮𝗮𝗻 ) 𝗼𝗼 𝗱𝗼𝗼𝗿𝗮𝘀𝗵𝗮𝗱𝘂 𝗸𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝗴𝗲𝗯𝗮-𝗴𝗮𝗯𝗼𝘄𝗱𝗼. 𝗠𝗮𝘀𝘂𝘂𝗹𝗶𝘆𝗮𝗱𝗮 𝗱𝗮𝗹𝗸𝘂 𝘄𝗮𝘅𝗮 𝗮𝘆 𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗻 𝘁𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗵𝗮𝗱𝗯𝗮 𝘅𝘂𝗸𝘂𝘂𝗺𝗮𝗱𝗮 𝘁𝗮𝗹𝗮𝗱𝗮 𝗵𝗮𝘆𝘀𝗮 𝗶𝗻 𝗮𝘆 𝗾𝗮𝗯𝗮𝘁𝗼 𝘄𝗮𝘅𝗶𝗶 𝗱𝗮𝗹𝗸𝗮 𝘂 𝗺𝘂𝗵𝗶𝗶𝗺 𝗮𝗵 , 𝗶𝘆𝗼 𝗶𝗻 𝗮𝘆 𝗱𝗶𝘆𝗮𝗮𝗿𝗶𝘀𝗼 𝘄𝗮𝘅𝘄𝗮𝗹𝗯𝗮 𝗼𝗼 𝗱𝗼𝗼𝗿𝗮𝘀𝗵𝗼𝗼𝘆𝗶𝗻𝗸𝗮 𝗸𝗮 𝗾𝗮𝗯𝘆𝗼 𝗮𝗵 𝗮𝗺𝗮 𝗮𝗮𝗻 𝗹𝗼𝗼𝗴𝗮 𝗺𝗮𝗮𝗿𝗺𝗲𝘆𝗻 𝘀𝗶 𝗹𝗼𝗼 𝗵𝗲𝗹𝗼 𝗱𝗼𝗼𝗿𝗮𝘀𝗵𝗼𝗼𝘆𝗶𝗻 𝘅𝗼𝗿 𝗶𝘆𝗼 𝘅𝗮𝗹𝗮𝗮𝗹 𝗮𝗵 𝗼𝗼 𝗴𝘂𝘂𝗱 𝗮𝗵𝗮𝗮𝗻 𝗱𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗷𝗮𝗺𝗵𝘂𝘂𝗿𝗶𝘆𝗮𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱 𝗸𝘂𝘄𝗮𝗱𝗮 𝗾𝗮𝗻𝗮𝗰𝘀𝗮𝗻 𝘆𝗶𝗵𝗶𝗶𝗻 , 𝗹𝗼𝗼𝗴𝗮𝗻𝗮 𝗯𝗮𝘅𝗼 𝗻𝗶𝗱𝗮𝗮𝗺𝗸𝗮 𝘅𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗮𝗵 𝗲𝗲 𝗹𝗮𝗴𝘂 𝗴𝗮𝗹𝗮𝘆 𝗹𝗮𝗯𝗮𝗱𝗶𝗶 𝗱𝗼𝗼𝗿𝗮𝘀𝗵𝗼 𝗲𝗲 𝘂𝗴𝘂 𝗱𝗮𝗺𝗯𝗲𝗲𝘆𝗮𝘆 𝗲𝗲 𝘄𝗮𝗸𝗶𝗶𝗹𝗮𝗱𝗮. 𝗚𝗼𝗹𝗮𝗵𝗮 𝘄𝗮𝗸𝗶𝗶𝗹𝗮𝗱𝗮 𝗷𝗮𝗺𝗵𝘂𝘂𝗿𝗶𝘆𝗮𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱 𝘄𝗮𝘅𝗮 𝗹𝗮𝗴𝗮 𝘀𝘂𝗴𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗶𝗻 𝗮𝘆 𝗱𝗲𝗴-𝗱𝗲𝗴 𝘆 𝗱𝗶𝘆𝗮𝗮𝗿𝗶𝘆𝗮𝗮𝗻 𝘅𝗲𝗲𝗿𝗸𝗶𝗶 𝗱𝗶𝘄𝗮𝗮𝗻𝗴𝗮𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗴𝘂𝘂𝗱 𝗲𝗲 𝗱𝗮𝗹𝗸𝗮 ( 𝘁𝗶𝗿𝗮𝗸𝗼𝗼𝗯𝗸𝗮 𝗱𝗮𝗱𝘄𝗲𝘆𝗻𝗮𝗵𝗮) 𝘄𝗮𝗮𝘆𝗼 𝘄𝗮𝘅𝗮 𝗸𝘂 𝘅𝗶𝗱𝗵𝗮𝗻 𝗱𝗼𝗼𝗿𝗮𝘀𝗵𝗮𝗱𝗮 𝗱𝗮𝗺𝗯𝗲 𝗲𝗲 𝗴𝗼𝗹𝗮𝗵𝗮 𝘄𝗮𝗸𝗶𝗶𝗹𝗮𝗱𝗮, 𝗴𝗼𝗯𝗼𝗹𝗮𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗱𝗲𝗴𝗺𝗼𝗼𝘆𝗶𝗻𝗸𝗮 𝗰𝘂𝘀𝘂𝗯 𝗲𝗲 𝗴𝗼𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗹𝗮 𝗵𝗼𝗿𝗸𝗲𝗲𝗻𝗶 𝗱𝗼𝗼𝗻𝗼 𝘀𝗶 𝗮𝘆 𝘂 𝗮𝗻𝘀𝗶𝘅𝗶𝘆𝗮𝗮𝗻 𝗶𝘆𝗼 𝘀𝗮𝘅𝗮𝗹 𝗯𝗮𝘅𝗮 𝘀𝗮𝗮𝗺𝗶 𝗾𝗮𝘆𝗯𝘀𝗶𝗴𝗮 . 𝗡.𝗕 ; 𝗚𝘂𝘂𝗿𝘁𝗶𝗱𝗮 𝘄𝗮𝘅𝗮𝘆𝗻𝘂 𝘀𝗮𝗺𝗲𝘆𝗻 𝗸𝗮𝗿𝗻𝗮𝗮 𝗶𝗻 𝘁𝗶𝗿𝗼 𝗶𝘀𝗸𝘂 𝗺𝗶𝗱 𝗮𝗵 𝗴𝗼𝗯𝗼𝗹𝗮𝗱𝗮 𝗮𝘆𝗻𝘂 𝘀𝗶𝗶𝗻𝗼 𝘀𝗶𝗱𝗮 𝗦𝗲𝗻𝗮𝘁𝗲 𝗸𝗮 𝗺𝗮𝗿𝗮𝘆𝗸𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗼𝗼 𝗸𝗮𝗹𝗲 , 𝗹𝗮𝗮𝗸𝗶𝗶𝗻 𝗴𝗼𝗹𝗮𝗵𝗮 𝘄𝗮𝗸𝗶𝗶𝗹𝗮𝗱𝘂 𝘄𝗮𝗮 𝗾𝗮𝘀𝗮𝗯 𝗶𝗻 𝘀𝗶𝗱𝗮 𝗴𝗼𝗯𝗼𝗹𝗮𝗱𝘂 𝘂 𝗸𝗮𝗹𝗮 𝗱𝗮𝗱 𝗯𝗮𝗱𝗮𝗻 𝘆𝗶𝗵𝗶𝗶𝗻 𝗹𝗼𝗼 𝗸𝗮𝗹𝗮 𝗯𝗮𝗱𝘀𝗮𝗱𝗼. 𝗠𝗼𝗵𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗔𝗯𝗱𝗶 𝗝𝗮𝗺𝗮 𝗠𝗼𝗵𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗗𝗵𝗶𝗺𝗯𝗶𝗶𝗹 Qaran News
  11. Mogadishu (HOL) — Somalia's government says relations with Ethiopia are stable once again, months after a maritime deal between Addis Ababa and Somaliland triggered one of the worst diplomatic rows in years between the two Horn of Africa neighbours. Source: Hiiraan Online
  12. Mogadishu (HOL) — Somalia’s Ministry of Transport and Civil Aviation has ordered emergency safety inspections and recertification of all aircraft operating in the country following a string of aviation accidents and growing concerns about airspace security. Source: Hiiraan Online
  13. Mogadishu (HOL) — Somaliland has threatened to take firm retaliatory action if Somali Prime Minister Hamza Abdi Barre proceeds with a planned visit to Las Anod, escalating a long-simmering territorial dispute over the city. Source: Hiiraan Online
  14. Mogadishu (HOL) — Ukraine and Somalia formally established diplomatic relations on Friday during the Antalya Diplomatic Forum in Turkey, signalling a new chapter in Kyiv’s efforts to expand ties across the African continent. Source: Hiiraan Online
  15. Mogadishu (HOL) — The Jubbaland regional government has voiced doubts about participating in a national political dialogue convened by President Hassan Sheikh Mohamud, casting renewed uncertainty over efforts to resolve long-standing political disputes between federal and regional authorities. Source: Hiiraan Online
  16. Dowladda Puntland oo qoraal rasmi ah soo saartay ayaa ku dhawaaqday in ay qorshaysay hawlgal culus, oo ay weheliyaan duqeymo waaweyn, kaasi oo lagu dhammaystirayo firxadka yar ee ka harsan mileeshiyaadka argagixisada ah ee Daacish. Qoraal ka soo baxay xafiiska Warbaahinta u qaabilsan Taliska ciidamada difaaca Puntland ayuu ku shaaciyay hawlgalkan xooggan, waxaana uu digniin u jeediyay reer guuraaga ku nool buuraha Calmiskaad, kuwaasi oo dowladdu ku wargelisay in ay mudda 24 saac gudahood ah isaga baxaan nawaaxiga dhulka uu ka socdo hawlgalka afjaridda firxadka argagixisada. “Iyadoo wejiga saddexaad ee Hawlgalka lagu sifeynayo Argagixisada Daacish ee ku dhuumalaysanaysa buuralayda Calmiskaad uu marayo meel gebogebo ah, lana qorsheeyay bilowga duqeymo waaweyn iyo hawlgalo baacsiga iyo soo afjarida firxadkooda, waxaan dadka reer guuraaga ah ee ku dhaqan buuralayda Calmiskaad ku wargelinaynaa 24-saac gudahood in ay isaga fogaadaan deegaannada u dhow dhulka hawlgalku ka socdo iyo meelkasta oo ay u cararto Argagixisadu.” “Waxaan si dhow ula soconaa in firxadka Argagixisada Daacish oo ka cararaya Hawlgalada cirka iyo dhulka in ay isku dayayaan in ay ku dhex dhuuntaan dadka shacabka ah ee reer guuraaga ah. Sidaasi darteed waxaa laga rabaa dadkeenna reer guuraaga ah in ay ka fogaadaan dhulkaasi hawlgalada ka socdaan (24saac gudahood” ayaa lagu yiri digniinta ka soo baxday dowladda Puntland. PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo ku dhawaaqday digniin culus oo ku saabsan dagaalka Daacish appeared first on Puntland Post.
  17. Mogadishu (HOL) – Somali President Hassan Sheikh Mohamud has invited the leaders of Somalia’s federal member states to attend the upcoming National Consultative Council (NCC) meeting in Mogadishu, set for May 1–2, to address the country’s overall political and security landscape. Source: Hiiraan Online
  18. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa markale si adag u cambaareysay safarka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre uu ku tegayo magaalada Laascaanood oo haatan uu ka taliyo maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo. Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa safarka Ra’iisul Wasaare Xamza lagu tilmaamay mid halis amni oo weyn ku ah nabadda iyo xasilloonida gobolka, isla markaana si toos ah u dhaawacayaa madax-bannaanida Somaliland. “Booqashadan aan waqtigeedu habboonayn waxay wiiqeysaa dadaallada socda ee lagu horumarinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka. Dowladda Somaliland waxay u aragtaa arrintan mid kacsan oo culus, waxayna si cad u sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay si buuxda uga masuul noqon doonto cawaaqib kasta oo ka dhasha xiisad iyo qalalaase amni,” ayaa lagu yiri bayaanka Somaliland. Somaliland ayaa ugu baaqday Midowga Afrika, Urur-Goboleedka IGAD, Qaramada Midoobay, Jaamacadda Carabta, iyo dhammaan saaxiibada caalamiga ah inay si cad u aqoonsadaan in ficillada mas’uuliyiinta Soomaaliya ay khatar toos ah ku yihiin nabadda iyo amniga gobolka. Sidoo kale waxay ugu baaqday hay’adaha mas’uulka ka ah ee goboleed iyo caalami ah inay si dhaqso leh, oo wadajir ahna uga fal-celiyaan ficillada wiiqaya xasilloonida ee ka imanaya Soomaaliya, sida lagu yiri bayaanka. Hoos ka aqriso bayaanka Somaliland Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay si adag oo aan mugdi ku jirin u cambaareyneysaa booqashada la qorsheeyay ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ku tagayo magaalada Laascaanood. Falkan kacsan wuxuu si toos ah u dhaawacayaa madax-bannaanida Somaliland wuxuuna halis weyn ku yahay nabadda iyo xasilloonida gobolka. Booqashadan aan waqtigeedu habboonayn waxay wiiqeysaa dadaallada socda ee lagu horumarinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka. Dowladda Somaliland waxay u aragtaa arrintan mid kacsan oo culus, waxayna si cad u sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay si buuxda uga masuul noqon doonto cawaaqib kasta oo ka dhasha xiisad iyo qalalaase amni. Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay ugu baaqeysaa Midowga Afrika, Urur-Goboleedka IGAD, Qaramada Midoobay, Jaamacadda Carabta, iyo dhammaan saaxiibada caalamiga ah inay si cad u aqoonsadaan in ficillada mas’uuliyiinta Soomaaliya ay khatar toos ah ku yihiin nabadda iyo amniga gobolka. Muddo tobannaan sano ah, Somaliland waxay dulqaad u muujisay falalka kicinta ah, iyadoo weligeed u taagnaatay tiir xasilloonida iyo awood dhisaysa nabadda gobolka. Dowladda Somaliland waxay ugu baaqeysaa hay’adaha mas’uulka ka ah ee goboleed iyo caalami ah inay si dhaqso leh, si wadajir ahna uga fal-celiyaan ficillada wiiqaya xasilloonida ee ka imanaya Soomaaliya. Haddii tallaabo deg-deg ah la qaadi waayo, waxa sii xoogeysan doona xaaladaha aan dawladnimadu gacanta ku hayn ee gobolka horey u nuglaa, taas oo sababi karta dhibaatooyin hor leh sida barakac, tahriib, musiibo bini’aadannimo, iyo khataro amni oo xuduud-dhaaf ah. Jamhuuriyadda Somaliland waxay mar kale caddaynaysaa inay ka go’an tahay nabadda, wada hadalka, iyo iskaashiga goboleed. Si kastaba ha ahaatee, waxay qaadi doontaa tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah si ay u difaacdo madax-bannaanideeda iyo ammaankeeda haddii khatar la kulanto.
  19. Somaliland Government Condemns the Planned Visit of the Prime Minister of Somalia to Las’anod. Apr 11, 2025 Hargeisa, 11th April 2025 – The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation of the Republic of Somaliland strongly and unequivocally condemns the planned visit by the Prime Minister of Somalia to Laas Anod. This provocative act constitutes a blatant violation of Somaliland’s sovereignty and poses a serious threat to regional peace and stability. Such an ill-timed visit undermines ongoing efforts to promote peace and stability in the region. The Government of Somaliland regards this as a serious escalation and firmly asserts that the Government of Somalia will bear full responsibility for any resulting tensions and destabilization. The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation of the Republic of Somaliland calls the African Union (AU), the Intergovernmental Authority on Development (IGAD), the United Nations (UN), the Arab League, and all international partners to recognize that the reckless actions of Somalia’s leadership continue to pose a direct threat to regional peace and security. For decades, Somaliland has withstood these provocations, steadfastly remaining a pillar of stability and a constructive force in the region. The Government of Somaliland calls on responsible regional and international actors to take swift and collective action to address Somalia’s destabilizing conduct. Failure to act will only deepen instability and enable the rise of non-state actors in this already fragile region, leading to intensified threats such as displacement, migration, humanitarian crises, and transnational security risks. The Republic of Somaliland reaffirms its commitment to peace, dialogue, and regional cooperation. However, it will take decisive actions in defense of its sovereignty and security against any threats. — END — Qaran News
  20. Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, ayaa magaalada Addis Ababa kulan rasmi ah kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Ukraine, Danjire Andrii Sybiha. Kulankan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim ah oo taariikhi ah, maadaama lagu shaaciyay dib u soo celinta xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal. Intii uu socday kulankaasi, labada mas’uul waxay saxiixeen heshiis rasmi ah oo ah hab-maamuus diblumaasiyadeed. Heshiiskaas ayaa u gogol xaaraya dib u bilaabashada xiriir rasmi ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Ukraine, kadib muddo xiriirkaasi hakad ku jiray. Saxiixa hab-maamuuskan diblumaasiyadeed wuxuu muujinayaa rabitaanka labada dowladood ee ah in ay dib u dhisaan, isla markaana xoojiyaan xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashi ee dhinacyada kala duwan. Waxay sidoo kale caddeeyeen sida ay uga go’an tahay in ay wada shaqeyn dhab ah yeeshaan. Wada-hadalka labada wasiir ayaa si qoto dheer diiradda u saaray sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga laba geesoodka ah. Waxay si gaar ah uga wada hadleen fursadaha horumarineed ee labada dal u dhaxeeya, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, iyo amniga. Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa ku dheeraaday sida ay Dowladda Federaalka uga go’an tahay in la yeesho xiriir diblumaasiyadeed oo miro dhal ah. Wuxuu xusay in xiriirka Ukraine uu muhiim u yahay siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya. Isaga oo hadalkiisa sii wata, wasiirka Soomaaliya wuxuu bogaadiyay dadaalka Ukraine ay muujisay ee ku aaddan furitaanka bog cusub oo iskaashi iyo isfaham ku dhisan. Wuxuu intaas ku daray in arrintani ay tusaale u tahay sida dalalka caalamku u daneynayaan in ay la shaqeeyaan Soomaaliya. Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ukraine ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay in uu si buuxda ula shaqeeyo Soomaaliya. Wuxuu carabka ku adkeeyay inay ixtiraamayaan madax-bannaanida, midnimada dhuleed, iyo qarannimada Soomaaliya. Danjire Sybiha wuxuu tilmaamay in xiriirka cusub uu horseedi karo iskaashi dhaqaale, taageero farsamo, iyo wax wada qabsi dhinacyo badan leh. Wuxuu sidoo kale sheegay inay diyaar u yihiin in ay sahamiyaan fursado cusub oo ganacsi iyo horumarin ah oo ka dhex dhalan kara labada dal. Kulanka labada wasiir ayaa sidoo kale lagu muujiyay sida xiriirka diblumaasiyadeed uu muhiim ugu yahay amniga iyo xasilloonida gobolka. Labada dhinac waxay isku raaceen in la sii wadayo kulamada iyo wada hadallada si loo xaqiijiyo horumar joogto ah. Ugu dambayn, heshiiskan cusub wuxuu calaamad u yahay bilow cusub oo xiriir wanaagsan oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Ukraine, taasoo ka tarjumaysa danta guud iyo rabitaanka labada dal in ay noqdaan saaxiibo dhow oo si hufan u wada shaqeeya.
  21. Laascaanood (Caasimada Online) – Xildhibaano iyo Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Wafdigan oo hordhac u ah safarka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay hoggaanka maamulka iyo bulshada magaalada Laascaanood. Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) ayaa xarunta madaxtooyada ee maamulka SSC ku soo dhaweeyey wafdigaan, halkaas oo kulamo ay uga socdaan. Soo dhaweynta wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa si weyn looga dareemayaa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, iyadoo aad loo adkeeyay ammaanka magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo. Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ee Laascaanood ayaa loo arkaa mid si cad u muujinaysa in dowladda Federaalka ay si buuxda u garab taagan tahay maamulkan ku-meel-gaarka ah. Inta lagu guda jiro safarka, waxaa la filayaa in lagu dhawaaqo qorshe is-dhaafsi maxaabiis ah oo u dhexeeya labada dhinac ee SSC-Khaatumo iyo Somaliland. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Laascaanood ay ku xiran yihiin 283 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, halka magaalada Hargeysa-na ay hayso 67 maxbuus oo kasoo jeeda dhinaca SSC. Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku dhiirrigelin doonaa maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo inay dardar geliyaan habraaca dhismaha maamul goboleed rasmi ah oo si buuxda uga tirsan dowladda Federaalka. Arrintani waxay ka dhigan tahay tallaabo siyaasadeed oo muhiim u ah gobolka. Kulammo gaar ah ayaa sidoo kale la qorsheeyay in Ra’iisul Wasaaruhu la yeesho odayaasha dhaqanka ee kasoo jeeda deegaannada Baran, Dahar, iyo Laas Qoray. Ujeeddada kulammadan ayaa ah in la dhiso is-faham siyaasadeed oo ku saleysan awood-qaybsiga iyo nabadgalyada deegaanka. Mid ka mid ah yoolalka ugu waa weyn ee socdaalka ayaa ah in la dhagax dhigo ugu yaraan toban mashruuc oo horumarineed, kuwaasoo muhiim u noqon doona baahiyaha shacabka ee dhanka adeegyada aasaasiga ah sida caafimaadka, waxbarashada, iyo biyaha nadiifta ah.
  22. AQPZQgqJLqOuAMQqxpmN0_qVls4MLrjOWv8GfZCJz4ipW-4luo261rGiG2ofJSKIw-9sMfFBQJDmBFGOypW3KDK3 Qaran News
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka duulaya baaqii Midnimada iyo Wadatashiga Qaran ee 31-dii Maarso 2025, ayaa casuumaad u diray madaxda dowlad-goboleedyada si ay uga soo qaybgalaan Golaha Wadatashiga Qaranka. Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu yiri: “Madashan uu Madaxweynuhu ku baaqay oo ku muddeysan 1-da ilaa 2-da bisha Maajo (May), ayaa muhiim u ah xaqiijinta midnimada qaranka iyo sidii wadajir loogu dhammeystiri lahaa howlgalka xoreynta dalka iyo dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada.” Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale wadatashiyo la yeelan doona waxgaradka iyo qeybaha kale ee bulshada Soomaaliyeed, sida lagu xusay qoraalka. “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay adkaynaysaa sida ay uga go’an tahay in wada-tashi, wada-shaqeyn iyo iskaashi lagu xaqiijiyo danaha Soomaaliyeed, oo ay ugu horrayso xoreynta deegaannada ay weli haystaan argagixisadu, dhammaystirka dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka.” Xog aan helnay ayaa sheegeysa in casuumaadda loo diray dhammaan madaxda dowlad-goboleedyada, marka laga reebo madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe. Tani waxay waafaqsan tahay xogtii ay Caasimada Online baahisay xalay, taasoo sheegaysay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu diiday in uu casuumo Axmed Madoobe. Sida aan xogta ku helnay, Villa Somalia ayaa ku adkeysatay in la casuumayo oo kaliya madaxda sare ee Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada leh sharciyad dastuuri ah iyo awood go’aan-qaadasho. Waxay u aragtaa in Axmed Madoobe uusan haysan sharciyad. Go’aanka lagu reebay Madoobe wuxuu ka tarjumayaa mowqifka Villa Somalia ee ah in muddo-xileedkiisu dhammaaday, taasoo sii adkeynaysa khilaafka ka taagan hab-dhismeedka federaalka ee dalka. Inkasta oo khilaafaadka u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada aysan ahayn kuwo cusub, haddana waa markii ugu horreysay ee madaxweyne federaal ah si rasmi ah uga reebo hoggaamiye dowlad-goboleed ka qaybgalka shir qaran oo heer sare ah. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale diiday codsi uga yimid wakiillada beesha caalamka, gaar ahaan Mareykanka, oo ku saabsanaa in shirka uu noqdo mid loo dhan yahay.
  24. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya baaqii Midnimada iyo Wadatashiga Qaran ee 31-dii Maarso 2025 ayaa casuumaad u fidiyey madaxda Dowlad-goboleedyada, si ay uga soo qaybgalaan Golaha Wada-tashiga Qaranka, sida ku cad Qoraal Maanta oo Jimce ah ka soo baxay Madaxtooyada Villa Somalia. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya baaqii Midnimada iyo Wadatashiga Qaran ee 31-dii Maarso 2025 ayaa casuumaad u fidiyey madaxda Dowlad-goboleedyada, si ay uga soo qaybgalaan Golaha Wada-tashiga Qaranka.” “Madashan uu Madaxweynuhu ku baaqay oo ku muddeysan 1-da ilaa 2-da bisha Maajo (May) ayaa muhiim u ah xaqiijinta midnimo qaran iyo sidii wadajir loogu dhameystiri lahaa howlgalka xoreynta dalka iyo dardar-gelinta dagaalka ka dhanka argagixisada” ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada dowladda Federaalka Soomaaliya. “Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale wadatashiyo la yeelan doona waxgaradka iyo qeybaha kale ee bulshada Soomaaliyeed. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay adkaynaysaa sida ay uga go’an tahay in wada-tashi, wadashaqeyn iyo iskaashi lagu xaqiijiyo danaha Soomaaliyeed, oo ay ugu horreyso xoreynta deegaannada ay ku harsan yihiin argagixisadu, dhammaystirka dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka” ayuu sii raaciyay Qoraalkaasi. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Shir ku casumay Madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka appeared first on Puntland Post.
  25. Madaxweyne Xasan Sheekh oo casuumaad u diray madaxda dowlad goboleedyada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya baaqii Midnimada iyo Wadatashiga Qaran ee 31-dii Maarso 2025 ayaa casuumaad u fidiyey madaxda Dowlad-goboleedyada, si ay uga soo qaybgalaan Golaha Wada-tashiga Qaranka. Madashan uu Madaxweynuhu ku baaqay oo ku muddeysan 1-da ilaa 2-da bisha Maajo (May) ayaa muhiim u ah xaqiijinta midnimo qaran iyo sidii wadajir loogu dhameystiri lahaa howlgalka xoreynta dalka iyo dardar-gelinta dagaalka ka dhanka argagixisada. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale wadatashiyo la yeelan doona waxgaradka iyo qeybaha kale ee bulshada Soomaaliyeed. war qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada dalka ayaa lagu yiri “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay adkaynaysaa sida ay uga go’an tahay in wada-tashi, wada-shaqeyn iyo iskaashi lagu xaqiijiyo danaha Soomaaliyeed, oo ay ugu horreyso xoreynta deegaannada ay ku harsan yihiin argagixisadu, dhammaystirka dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka”. Source: goobjoog.com