Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,214
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Ku dhawaad 4.4 milyan oo qof ayaa halis gaajo ku wajahaya Soomaaliya bisha Juun, gaar ahaan abaarta awgeed, sida lagu shaaciyay warbixin ay taageerto Qaramada Midoobay. Tiradaas oo ka dhigan koror hal milyan oo qof ah marka loo eego xaaladda hadda jirta, waxay ka timid Qiimeynta Heerarka Amniga Cuntada ee Isku-dhafan (IPC), oo ah qiimeyn ay taageerto QM. “Waxaan ka digeynaa xaalad amni cunto oo sii xumaaneysa oo ka jirta dalka,” ayuu yiri afhayeenka xoghayaha guud ee QM, Stephane Dujarric. Roobabka ka hooseeya heerkii la rabay, qiimaha cuntada oo sarreeya, colaadaha, iyo amni darrada cuntada ayaa horseedi doona tirada 4.4 milyan ah, taasoo ka dhigan 23 boqolkiiba dadweynaha dalka, sida lagu sheegay warbixinta. Warbixintu waxay xustay in tiradaas la gaari doono inta u dhaxeysa April iyo Juun. Soomaaliya waa mid ka mid ah dalalka ugu saboolsan caalamka, waxaana ay la daalaa dhacaysaa tobanaan sano oo dagaal sokeeye ah, kacdoon dhiig badan ku daatay oo ay waddo Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida iyo masiibooyin cimilada oo soo noqnoqda. Warbixinta IPC ayaa sidoo kale lagu qiyaasay in ku dhawaad 1.7 milyan oo carruur ah oo da’doodu ka yar tahay shan sano ay la kulmi doonaan nafaqo-xumo ba’an sanadka 2025 (koror afar boqolkiiba ah tan iyo 2024), oo ay ku jiraan 466,000 oo kiis oo nafaqo-xumo ba’an oo aad u daran. “Abaarta oo sii xumaaneysa, roobabka aan joogtada ahayn, iyo colaadda socota ayaa burburinaya hab-nololeedyada, iyaga oo qoysaska ku riixaya xaalad adag,” ayuu yiri Etienne Peterschmitt, wakiilka Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee QM (FAO) ee Soomaaliya. Hay’adda QM ayaa ka jawaabeysa xaaladda iyada oo kordhineysa taageeradeeda wax-soo-saarka beeraha, kor u qaadeysa xalalka cimilada-u-fiican, iyo xoojinta nidaamyada cuntada-beeraha ee adkeysiga leh,” ayuu yiri. Sida ay sheegtay QM, ku dhawaad lix milyan oo Soomaali ah ayaa u baahan doona gargaar bani’aadannimo sanadka 2025. Hase yeeshee ayadoo ay jirto maalgelin yaraan joogto ah, baaq la soo saaray dhammaadka Janaayo ayaa ku baaqaya 1.43 bilyan oo doollar si loo taageero kaliya 4.6 milyan oo ka mid ah kuwa ugu nugul.
  2. Ciidamada Daraawiishta Galmudug, kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo ciidamada deegaanka ayaa saaka weerar ballaaran ku qaaday magaalada Bacaadweyne ee koofurta gobolka Mudug. Howlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada ee ka howlgala deegaannadaas. Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ciidanka xoogga dalka, howlgalka ayaa lagu beegsaday kooxo ka tirsan Al-Shabaab oo is aruursanayay, waxaana lagu dilay xubno badan oo ka tirsan kooxdaas. Dagaalka ayaa weli ka socda gudaha magaalada, iyadoo wararka hordhaca ah ay sheegayaan in ciidamada huwanta ay ku guuleysteen inay qabsadaan inta badan magaalada Bacaadweyne. Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka weli lama xaqiijin, maadaama howlgalku uu weli socdo. Saraakiisha ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgallada ilaa iyo inta laga saarayo kooxda Shabaab ee ku sugan deegaannadaas. Source: goobjoog.com
  3. Mogadishu (HOL) – Somali security forces recaptured Ba’adweyne, a strategic district in the southern Mudug region, on Friday following a large-scale military operation to dislodge Al-Shabaab militants who had held the town for years. Source: Hiiraan Online
  4. Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay jeediyay khudbad ku saabsan dagaalka Cirib-tirka Argagixisada ayaa caddeeyay in ay jiraan odayaal dhaqameed, ganacsato iyo culimo magaalooyinka Puntland uga shaqeeya Kooxda Daacish. “Waxaan rabaa halkan in aan baaq uga diro dadka Soomaaliyeed ee reer Puntland ee ururka Argagixisada Daacish la shaqeynaya oo magaalooyinka ku sugan ee aan furimaha dagaalka joogin kuwaasi oo Argagixisada u qaabilsanaa taakulada, dhaqaale ururinta, soo gudbinta xubnaha ku biiraya oo ay ganacsiyo u fureen.” “Dadkaasi waxaan ugu baaqayaa in ay mudda 7 cisho ah in ay laamaha Amniga la soo xiriiraan in ay hawshaasi ka baxeenna caddeeyaan, liisaskooda waan haynaa, magacyadooda waan haynaa, waxaan u sheegaynaa mudda 7 cisho gudahood ah ciddii ku imaan weyda in aan tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doono” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Siciid Deni. “Dadkaasi waxay isugu jiraan bahda dhaqanka, Culimo iyo ganacsato waxa sidoo kale ku jira dad kala duwan oo bulshada jaah ku dhex leh oo aanan halkaan ka faahfaahin doonin, waxaan rabnaa fursaddaasi in aan siino qaladka ilaahay baa ma qaldame ah; qof kasta oo qaladkiisa ka soo noqda waa cafin doontaa dowladdu” ayuu sii raaciyay Deni. Halkaan hoose ka daawo Hadalka Madaxweyne Deni PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo 7 cisho u qabtay Odayaal dhaqan, ganacsato iyo culimo magaalooyinka Puntland uga shaqeeya kooxda Daacish appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Dr. Maxamed Yuusuf Xasan, oo kamid ahaa haldoorka bahda caafimaadka qaranka. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa ka tacsiyeeyay geeridda naxdinta leh ee ku timid Dr. Maxamed Yuusuf, isagoo ku sifeeyay “adeegga bulsho” oo waqtigiisi u huray badqabka bulshada Soomaaliyeed. “Innaa-lillaahi wa innaa ileyhi Raajicuun, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyska, ehelkiisa iyo bahda caafimaadka geerida ku timid Alle ha u naxariistee Dr. Maxamed Yuusuf, oo muddo badan ahaa Agaasimaha Isbitaalka Madiina, bare iyo badbaadiye soo saaray arday Soomaaliyeed oo aqoon durugsan u leh caafimaadka,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza. Waxa uu intaas kusii daray “Marxuumku wuxuu waqtigiisa u huray u adeegidda bulshada Soomaaliyeed, isaga oo hormuud ka ahaa gurmadkii caafimaad ee la gaarsiiyay dadkii ku waxyeelloobay masiibooyinkii kala duwanaa ee ka dhacay dalkeenna.” Mudane Xamza ayaa Alle uga baryay marxuumka inuu Janatul Fardowsa ka waraabiyo qoyskiisa, qaraabadiisa, iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo. Sidoo kale, Wasiirka Amniga Gudaha XFS, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa isna ka tacsiyeeyay geerida Allaha u naxariistee marxuum Dr. Maxamed Yuusuf, agaasimihii hore ee Isbitaalka Madiina oo kamid ahaa hormuudka dhakhaatiirta Soomaaliyeed. “Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxariistee Marxuum Dr. Maxamed Yuusuf oo ka mid ahaa hormuudka dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee dalkooda iyo dadkooda u khidmeynayey sanadaha badan, laguna xasuusan doono kaalintii uu ka soo qaatay horumarinta iyo daryeelka caafimaadka bulshada,” ayuu yiri Wasiir Fartaag. Wasiirka ayaa sidoo kale marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
  6. A letter from King Charles immediately set a warm tone to discussions between Keir Starmer and Donald Trump at the White House today, with the pair seemingly heading towards agreements on a number of issues. Trump joked that Starmer had “worked hard” over lunch to try and convince him not to implement tariffs on the UK, before saying that he envisages a trade deal with the UK without the threat of tariffs attached. On Ukraine, the US president told reporters that he thinks a ceasefire agreement with Russia will be agreed “soon” or “won’t be at all”. Peace in Gaza was also on the agenda, and the pair agreed that a deal for long lasting peace can be the only solution in the region. Starmer pledged to boost defence spending just before heading across the Atlantic, and he earned praise from Trump for it. On the Chagos Islands deal, Trump suggested he is “inclined to go along with” it should the UK present a plan to him. Tomorrow, it’s Ukrainian President Volodymyr Zelensky’s turn to visit the White House. He’s in Washington to sign a minerals deal. Trump appeared to set the tone for friendlier discussions after rowing back on an earlier declaration that Zelensky is a “dictator”. We’re closing our coverage for tonight, but we’ll be back to cover Zelensky’s trip in full. In the meantime, here’s some reading to cast your eye over: CLICK HERE: Trump says he’s hopeful for Ukraine peace deal and UK trade deal after Starmer talks Qaran News
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa shalay dib ugu laabtay dalkiisa, kadib markii uu yimid oo wada-hadallo kula yeeshay Muqdisho Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Villa Somalia, kulanka labada hoggaamiye ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo arrimaha bulshada. Waxay sidoo kale adkeeyeen xiriirka taariikhiga ah iyo derisnimada soo jireenka ah ee labada shacab, iyagoo ku saleynaya is-ixtiraam qaranimo iyo ka fogaanshaha faragelinta arrimaha gudaha ee dal kasta. Muddoyinkii u dambeeyay, Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa u muuqday inay xalliyeen khilaaf u dhexeeyay, kaasi oo ka dhashay heshiis is-afgarad ahaa oo hore u dhex maray Itoobiya iyo Somaliland. Booqashadan waa tii labaad ee rasmi ah ee uu Abiy Ahmed ku yimaado Soomaaliya tan iyo markii uu xilka qabtay. Safarkiisii ugu dambeeyay ee rasmiga ahaa wuxuu ahaa sanadkii 2018, in kasta oo uu marar kale Muqdisho u yimid shirar ay ka mid ahaayeen caleema-saarkii Xasan Sheekh Maxamuud sanadkii 2022, iyo shir ay Muqdisho ku yeesheen dalalka Bariga Afrika sanadkii 2023. Si kastaba ha ahaatee, booqashadan ayaa ah tii labaad ee rasmi ah ee uu Abiy Axmed ku tago Muqdisho. Booqashadan waxay daba socotaa safarkii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud bishii Janaayo ku tagay Addis Ababa, booqasho lagu gaaray heshiis dib loogu soo celinayo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada waddan, iskaashi amni oo la xoojiyo, iyo wadahadalladii Ankara oo la sii ambaqaado. Farqiga booqashadan iyo tii 2018 ee xilligii Farmaajo Sanadkii 2018, markii uu Abiy Axmed booqday Soomaaliya, waxa uu shir jaraa’id oo ay wada qabteen Madaxweynihii hore, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ku sheegay in labada dal ay sameyn doonaan iskaashi ballaaran oo dhinacyo badan leh, oo ay ka mid tahay is-dhexgalka bulshada. Labada hoggaamiye waxay markaas ku dhawaaqeen guddi heer wasiir ah oo dhaqso u hawlgala, si loo fuliyo qodobadii ay ku heshiiyeen. Qodobka 7-aad ee heshiiskaas ayaa ka mid ahaa kuwa ugu muhiimsanaa, isaga oo xusayay in labada dal ay ku heshiiyeen maalgashiga ilaa afar dekedood iyo dhismaha waddooyin laami ah oo isku xira Itoobiya iyo Soomaaliya. Sidoo kale, qodobka 12-aad wuxuu xusayay in labada dal ay si buuxda ugu heshiiyeen ixtiraamka madaxbannaanida, qaranimada, iyo xornimada siyaasadeed ee dal kasta, iyo sidoo kale xoojinta midnimada Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, heshiisyadii ku saabsanaa maalgashiga dekedaha iyo dhismaha jidadka lama hirgelin. Booqashada Abiy Axmed ee Muqdisho waxay kusoo beegantay xilli heshiis laga gaaray tirada ciidamada Midowga Afrika AUSSOM ee ka howlgalaya Soomaaliya. Ciidamada Itoobiya ayaa qeyb ka sii ahaan doona hawlgalkan, kadib markii dowladda Soomaaliya oo markii hore diidaneed ay ugu dambeyn aqbashay inay Itoobiya ka mid ahaato ciidamada nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika. Booqashadan waxay sidoo kale kusoo aadaysaa iyadoo labada dal ay gaareen heshiis lagu xallinayo khilaafaadkii hore, iyagoo isku dayaya inay xoojiyaan xiriirkooda iyo iskaashiga labada dhinac.
  8. Equiti, a leading global fintech group, has introduced stock CFDs on some of the most innovative and high-potential companies across the Middle East and North Africa, listed on major markets such as the Dubai Financial Market (DFM) and Abu Dhabi Securities Exchange (ADX). In recent years, the MENA region has emerged as a global hotspot for investment, driven by rapid economic development, a thriving business environment, and ambitious government-led projects. By enabling clients to tap into the MENA market’s high growth potential, Equiti ensures traders can explore a broader range of opportunities alongside other fast-growing global markets. “Equiti’s mission is to connect traders with the world’s most lucrative markets,” Equiti Group co-founder, Iskandar Najjar, stated. “MENA isn’t just growing—it’s evolving into a global powerhouse. From groundbreaking economic projects to unstoppable momentum, this region is a frontier for visionaries. With MENA stock CFDs, we’re not just offering access; we’re giving traders the chance to be part of history in the making.” The addition of MENA stocks reflects Equiti’s dedication to innovation and client success. By offering an exceptional trading experience with advanced trading platforms, competitive pricing, and dedicated support, Equiti enables traders to diversify their portfolios with confidence. “With the MENA region’s rapid development and innovative spirit, this new offering is a chance for traders to capitalise on its unique growth potential and aspiring economic transformation,” added Brian Myers, Equiti Group’s Chief Commercial Officer. Equiti’s portfolio of products is designed to meet the needs of modern traders, from beginners to seasoned professionals. With this latest addition, Equiti is set to reinforce its position as the go-to partner for traders worldwide, delivering the tools, products, and educational resources needed to succeed in today’s dynamic financial markets. Visit Equiti’s website for more information on the MENA shares offering: Trade top MENA & UAE stock CFDs online. About Equiti Equiti is the brand name of ‘Equiti Securities Currencies Brokers LLC’, a leading provider of online trading services regulated by the Securities and Commodities Authority (SCA). Equiti Securities Currencies Brokers LLC is part of the global Equiti Group. The Equiti Group offers trading technology, payment software, virtual assets, asset management and physical commodity solutions with a presence in Africa, Asia, Europe and the Middle East. Qaran News
  9. Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay khudbad ka jeediyay magaalada Boosaaso ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay wejiga saddexaad ee dagaalka Cirib-tirka Argagixisada Daacish, kaddib markii uu si guul ah ku soo dhammaaday wejigii labaad ee dagaalkaasi. Madaxweyne Siciid Deni oo bogaadiyay dhammaystirka wejiga labaad ee hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ee maalmo ka hor lagu qabtay Taliskii Dhasaan ayaa ku dhawaaqay in maanta oo taariikhdu tahay 28 Febraayo 2025 uu bilaaban doono wejiga saddexaad ee dagaalka, kaasi oo firxadka dagaallamayaasha Daacish ee baxsadka ah lagaga sifaynayo degaannada Puntland. “Waxaa rabaa maanta in aan halkaan uga dhawaaqo in wejigii labaad ee dagaalka uu soo geba-gaboobay, sidoo kalena berrito oo 28 bisha Febraayo uu wejigii saddexaad ee hawlgala bilaabanayo ilaa laga cirib-tirayo cid argagixiso ah oo Puntland dhaq dhaqaaq ku leh waa soconayaan wejiyada dagaalka markii mid dhammaado oo mid bilaabanayana waan u sheegi doonaa bulshada” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland. Madaxweyne Siciid Deni oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale hambalyo u diray dhammaan ciidamada Soomaaliyeed ee kooxaha Argagixisada kula dagaallamaya degaannada kala duwan ee Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaanna Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ee dagaalka xooggan kula jira mileeshiyaadka Al-shabaab. Halkaan ka daawo ku dhawaaqidda PUNTLAND POST The post Madaxweyne Siciid Deni oo ku dhawaaqay wejiga saddexaad ee dagaalka cirib-tirka Argagixisada Daacish appeared first on Puntland Post.
  10. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka tacsiyeeyay geeridda naxdinta leh ee ku timid Dr. Maxamed Yuusuf Xasan, oo caawa ku geeriyooday Muqdisho. “Innaa-lillaahi wa innaa ileyhi Raajicuun, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyska, ehelkiisa iyo bahda caafimaadka geerida ku timid Alle ha u naxariistee Dr. Maxamed Yuusuf, oo muddo badan ahaa Agaasimaha Isbitaalka Madiina, bare iyo badbaadiye soo saaray arday Soomaaliyeed oo aqoon durugsan u leh caafimaadka, marxuumku wuxuu waqtigiisa u huray u adeegidda bulshada Soomaaliyeed, isaga oo hormuud ka ahaa gurmadkii caafimaad ee la gaarsiiyay dadkii ku waxyeelloobay masiibooyinkii kala duwanaa ee ka dhacay dalkeenna”, Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre. Mudane Xamsa, ayaa Alle uga baryay marxuumka inuu Janatul Fardowsa ka waraabiyo qoyskiisa, qaraabadiisa, iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo. Source: goobjoog.com
  11. Baidoa (HOL) – At least five government soldiers were killed Thursday in a landmine explosion in the Madooda area, south of Hudur, the administrative capital of the Bakool region, according to military sources. Source: Hiiraan Online
  12. United States President Donald Trump has hosted British Prime Minister Keir Starmer for the first time at the White House for talks about Ukraine’s security, trade relations and the future of the North Atlantic Treaty Organization (NATO). Source: Hiiraan Online
  13. Washington (Caasimada Online) – Kooxda “Saaxiibbada Soomaaliya” ee loo yaqaan “Quint,” oo ka kooban Mareykanka, Boqortooyada Ingiriiska, Imaaraadka Carabta, Turkiga, iyo Qadar, ayaan wax kulan ah yeelan tan iyo 11-kii Oktoobar 2024, markaas oo ay shir ku yeesheen Ankara. In kasta oo kulan lagu balamay inuu ka dhaco dhammaadkii sannadkii hore magaalada Dooxa, madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dalbaday in shirka lagu qabto Muqdisho halkii horey loogu qorsheeyay. Dalabkan waa la oggolaaday, balse bilo badan ayaa laga jooga, mana jiro wax taariikh rasmi ah oo ilaa hadda loo gudbiyay dalalka xubnaha ka ah kooxda Quint, oo ku aaddan qabsoomidda kulanka. Dib u dhaca shirka waxaa sabab u ah isbeddelka ku yimid hoggaanka Mareykanka, kaddib markii Donald Trump uu xafiiska la wareegay. Maamulka cusub ayaa weli ku kala qeybsan siyaasadda la xiriirta Soomaaliya iyo arrinta midnimada dalka. Qaar ka mid ah la-taliyeyaasha madaxweynaha cusub ee Mareykanka, oo uu ka mid yahay J. Peter Pham, ergaygii hore ee gaarka ahaa ee gobolka Harooyinka Waaweyn, lagana filayo inuu hoggaamiyo siyaasadda Afrika, ayaa cadaawad u qaba Soomaalida. Pham wuxuu si gaar ah u ololeynayey, muddo isaga oo lacag ka qaadanaya, in Somaliland si rasmi ah loo aqoonsado. Hase yeeshee, lama qabaan fikraddiisa xubno kale oo ka tirsan maamulka Trump. Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale si hoose ula macaamila, una taageera ololeyaasha madaxbannaanida Somaliland, inkasta oo aanu banaanka soo dhigin, halka UK, inkasta oo aysan ahayn siyaasadda dowladda, ay siyaasiyiin badan taageeraan Somaliland. Labada dal ee kaliya ee ku jira kooxda, ee si buuxda uga go’an tahay madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya waa Turkiga iyo Qadar. Si kastaba ha ahaatee, kulankii ugu dambeeyey kooxda oo ka dhacay Washington, ayaa bayaan ka soo baxay waxa uu si cad u muujiyay sida beesha caalamku ay uga go’an tahay ilaalinta madaxbannaanida, midnimada dhuleed, iyo wadajirka Soomaaliya, iyada oo diiradda la saarayo arrimaha amniga gobolka. “Xulafada Quint ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta hay’adaha amniga ee Soomaaliya. Iyaga oo la jaan-qaadaya himiladan, waxay garab istaageen dadaallada dowladda federaalka ee lagu dhisayo ciidan xirfad leh, hufan, oo lala xisaabtami karo,” ayaa lagu yiri bayaanka. “Taageeradan ayaa lagama maarmaan u ah Soomaaliya, maadaama ay weli la tacaaleyso halista ay kooxaha argagixisada ahi ku hayaan amniga dalka iyo gobolka. Isku-dubaridka tababarada caalamiga ah ee ciidamada Soomaaliya ayaa muhiim u noqon doona in la xoojiyo awooddooda hawlgal, taasoo sii xoojinaysa kartida dalka ee sugidda amnigiisa muddada fog.”
  14. Police in Eldama Ravine are investigating a suspected case of human trafficking syndicate after seizing a vehicle ferrying 20 women under unclear circumstances. Source: Hiiraan Online
  15. Dowladda Puntland oo shaacisay in uu si guul ah u dhammaystirmay wejigii labaad ee hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ISIL ayaa ka warbixisay Taliskii u danbeeyay ee laga qabtay kooxdaasi. Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay khudbad ka jeediyay magaalada Boosaaso ayaa sheegay in wejigii labaad ee dagaalka Cirib-tirka Daacish uu si guul ah ku soo dhammaaday, kaddib markii Argagixisada laga saaray Taliskii ugu danbeeyay ee Dhasaan, oo ay ka hoggaamin jireen hawlgallada Caalamiga ah. “Wejigii labaad ee hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada wuxu ku soo dhammaaday magaalada Dhasaan, oo ay ka hoggaaminaysay Argagixisada Daacish dhammaan hawlgallada Geeska Afrika iyo guud ahaan Caalamka, waana meesha lagu tababari jiray kuwa falalka isqarxinta ah ka fuliya dunida dhan” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland. Madaxweyne Siciid Deni ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan dagaalyahanno laga diray Taliska Dhasaan, kuwaasi oo weerarro Argagixiso ka fuliyay gudaha dalka Mareykanka, waxaana uu intaasi ku daray in Dhasaan ay xarun u ahayd hoggaamiyaasha sare ee mileeshiyaadka Argagixisada ah ee Daacish. Halkaan ka daawo Hadalka Madaxweyne Deni PUNTLAND POST The post Puntland oo shaacisay in ay gacanta ku dhigtay Taliskii guud ee Daacish ka hoggaamin jirtay Hawlgallada Dunida appeared first on Puntland Post.
  16. Kenya and Somalia are discussing a trade facilitation agreement meant to eliminate irregular non-tariff barriers between the neighbouring countries. Source: Hiiraan Online
  17. Ethiopia's Prime Minister Abiy Ahmed arrived in Somalia's capital Mogadishu on Thursday to hold discussions with President Hassan Sheikh Mohamud, Somalia's presidency said, following a thaw in icy relations. Source: Hiiraan Online
  18. Anchorage (Caasimada Online) – Maxkamad federaal ah ayaa xukuntay in Hay’adda Socdaalka iyo Kastamka Mareykanka (ICE) ay si sharci-darro ah u xirtay qaxooti Soomaaliyeed oo magangelyo doon ah, waxayna amartay in si degdeg ah loo sii daayo. Go’aankan wuxuu muujinayaa khilaafaadka ka dhex jira siyaasadda socdaalka ee Mareykanka. Roble Ahmed Salad, oo 27 jir ah, ayaa tan iyo 5-tii Febraayo ku xirnaa xabsiga Anchorage ee gobolka Alaska, kadib markii ICE ay qabatay isaga oo qeyb ka ah olole socdaalka lagu adkeynayo oo ka dhacay xilligii maamulka Madaxweyne Donald Trump. Si kastaba ha ahaatee, Garsoore Kyle Reardon oo ka tirsan maxkamadda federaalka ayaa xukumay in sii haynta Salad ay jabinayso sharciga federaalka, maadaama dowladda aysan caddeyn in Soomaaliya si joogto ah u aqbalayso dadka laga masaafurinayo. “Dhoofintiisu lama saadaalin karo waqti dhow,” ayuu garsooruhu ku qoray xukunkiisa, isagoo xusay in haddii aan la haynin qorshe rasmi ah oo lagu masaafurinayo, dowladda aysan sharci u haysan in ay xabsiga ku sii hayso. Garsooruhu wuxuu soo jeediyay in maxkamadda gobolka Alaska ay ogolaato sii deyntiisa iyadoo lagu xiro shuruudo kormeer. Salad oo ku jira xaalad sharci la’aan ah Salad wuxuu Mareykanka soo galay sanadkii 2022 isaga oo ka soo gudbay xadka Mexico si uu u dalbado magangelyo. Codsigiisa waa la diiday, waxaana maxkamadda socdaalka ay sanadkii 2023 soo saartay amar masaafurin ah. Si kastaba ha ahaatee, xaaladda amni-darro ee ka jirta Soomaaliya ayaa ka hortagtay in dib loogu celiyo. Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa qiray in dalkaasi weli khatar yahay oo aysan suurtagal ahayn in dadka lagu celiyo si khasab ah, taasoo Salad gelisay xaalad sharci la’aan ah. Kadib sii deyntiisii hore, wuxuu u guuray Anchorage, halkaas oo uu shaqo ka helay xarun daryeel oo lagu xanaaneeyo dadka waayeelka ah. Sidoo kale, wuxuu codsaday Xaaladda KMG ah ee La Ilaaliyo (Temporary Protected Status – TPS), taasoo u ogolaanaysa dadka ka yimid dalal ay ka jiraan dagaallo ama xaalado adag in ay si ku meel gaar ah ugu sii nagaadaan Mareykanka. Iyadoo weli la sugayo natiijada codsigiisa TPS, ayaa ICE bishan gudaheeda mar kale xirtay Salad, iyagoo ku andacoonaya in Soomaaliya ay hadda si wanaagsan u aqbasho dadka la masaafurinayo, kadib isbeddelladii lagu sameeyay siyaasadda socdaalka ee Trump. ICE waxay ku dooday in Salad uu weli ku jiro liiska dadka la masaafurinayo, sidaas darteedna ay sharci u leeyihiin xiritaankiisa. Si kastaba ha ahaatee, garsoore Reardon wuu diiday dooddaas, isagoo xusay in dowladda aysan caddeyn in Soomaaliya ay si joogto ah u aqbali doonto dadka laga soo celinayo. Wuxuu ku dhawaaqay in sii haynta Salad ay tahay sharci-darro, maadaama uusan jirin qorshe cad oo lagu masaafurin karo. “Sidaa darteed, codsaduhu wuxuu xaq u leeyahay in si degdeg ah loo sii daayo, iyadoo la raacayo xeerar kormeer oo habboon,” ayuu garsooruhu ku xusay xukunka. Xukunka oo dood abuuray Kiiska Salad wuxuu soo jiitay dareenka ururrada u dooda xuquuqda muhaajiriinta, kuwaas oo u arka in ICE ay adeegsanayso xeelado xirxirid adag, xitaa gobollada sida Alaska oo aan inta badan lagu arkin hawlgallada waaweyn ee la xiriira socdaalka. “Xukunkan wuxuu xoojinayaa mabda’ aasaasi ah: dowladda ma hayn karto qof si aan xad lahayn haddii aysan jirin wax suurtagal ka dhigaya in la masaafuriyo,” ayuu yiri mid ka mid ah qareennada Salad. Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Anchorage weli kama hadlin haddii uu racfaan ka qaadan doono xukunka. Haddii dowladda ay racfaan qaadato, Salad waxaa laga yaabaa in uu sii ahaado xabsiga ICE inta maxkamadaha sare ay go’aan ka gaaraan. Hadda, xukunka maxkamadda federaalka waa mid cad: Salad waa in si degdeg ah loo sii daayo, iyadoo la sugayo ansixinta rasmiga ah ee maxkamadda gobolka Alaska.
  19. Abu Dhabi (Caasimada Online) – La-taliyaha diblomaasiyadeed ee madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Anwar Gargash, ayaa Arbacadii sheegay in dib-u-dhiska Gaza aanu suurtagal noqon karin haddii aan la helin waddo cad oo lagu gaaro xal laba dowladood oo ay ku heshiiyaan Israa’iil iyo Falastiiniyiinta, sida ay werisay Reuters. Isagoo ka hadlayay shirweynaha maalgashiga Investopia 2025 ee ka qabsoomay Abu Dhabi, Gargash wuxuu carrabka ku adkeeyay in maalgelinta mashruucu uu ku xirnaan doono xasilloonida siyaasadeed. “Waa caddahay in xasillooni siyaasadeed iyo hannaan qorsheysan ay lama huraan u yihiin hirgelinta maalgashi ballaaran,” ayuu yiri Gargash. Dowladaha Carabta ayaa ka fiirsanaya qorshe cusub oo ku aaddan Gaza marka dagaalku dhammaado, si ay uga hortagaan hindisaha madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, oo la sheegay inuu doonayo in marinka Gaza dib-u-habeyn lagu sameeyo lana hoos geeyo xukunka Mareykanka, taasoo keeni karta barakicinta Falastiiniyiinta—arrin si weyn uga carreysiisay hoggaamiyeyaasha gobolka. Sida ay ilo xog-ogaal ah u sheegeen warbaahinta, hindisaha uu hoggaaminayo Masar ayaa laga yaabaa inuu ka koobnaado maalgelin gaareysa illaa $20 bilyan oo laga heli doono waddamada gobolka muddo saddex sano ah. Masar iyo Urdun ayaa todobaadkii hore shirar kula yeeshay dalalka Khaliijka magaalada Riyadh si ay uga arrinsadaan hindisahan, kahor shir degdeg ah oo lagu qaban doono Masar 4-ta Maarso, kaasoo si gaar ah diiradda loogu saari doono dib-u-dhiska Qaza. “Waa lagama maarmaan in la helo caddeyn siyaasadeed kahor inta aan la maalgelin balaayiin doolar, si aysan xaaladdu ugu soo noqon khilaaf kale,” ayuu yiri Gargash. “Waxaan u arkaa in mowqifkaasi aad u cad yahay.” Markii la weydiiyay in qorshaha Trump uu si ula kac ah u kiciyay dowladaha Carabta si ay iyagu qorshe ula yimaadaan, Gargash wuxuu ku jawaabay: “Madaxweyne Trump waa siyaasi wax ka beddela xaalado badan, nidaamka dowladaha Carabtana wuxuu la jaanqaaday caqabaddaas. Waxaan aaminsanahay in taasi ay fursad siisay nidaamka dowladaha Carabta inuu door firfircoon qaato.”
  20. Istanbul (Caasimada Online) – Magaalada ugu weyn ee Kurdiyiinta ku badan yihiin ee Koonfur Bari Turkiga waxaa ka dhacay dareen isku dhafan oo murugo iyo farxad leh, iyadoo dadweynuhu sacab tumayeen, halka kuwo kale ay ilmaynayeen. Taageerayaashu waxay ka falcelinayeen baaq uu jeediyay hoggaamiyaha muddada xabsiga ku jiray ee PKK, Abdullah Ocalan, kaas oo ugu yeeray kooxdiisa in ay is kala dirto, dagaalyahanadiisuna ay hubka dhigaan. Baaqa taariikhiga ah ee Ocalan waxaa lagu akhriyey shir jaraa’id oo ka dhacay Istanbul, iyadoo codkiisa si toos ah looga sii daayay makarafoonno waaweyn oo lagu xidhay magaalooyinka Koonfur Bari Turkiga, halkaas oo tobannaan sano oo colaado hubeysan ah ay waxyeello ballaaran ka geysteen. “Dhammaan kooxaha waa in ay hubka dhigaan, PKK-na waa in ay is kala dirtaa,” ayuu yiri Ocalan, iyadoo hadalkiisu uu ka soo baxay xabsigiisa jasiiradda Imrali, halkaas oo uu tan iyo 1999-kii ku xirnaa si keli-nimo ah. Baaqa ayaa yimid afar bilood kadib markii dowladda Ankara ay muujisay fursad nabadeed oo la siinayo hoggaamiyaha Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan (PKK), oo hoggaaminayey kacdoon hubeysan oo Turkiga ka dhan ah muddo tobannaan sano ah, dagaalkaas oo galaafay in ka badan 40,000 oo naf. “Waxaan jeedinayaa baaq la xiriira in hubka la dhigo, waxaana garwaaqsanahay masuuliyadda taariikhiga ah ee arrintan,” ayuu yiri, iyadoo hadalladiisa ay akhriyeen xildhibaanno ka tirsan xisbiga DEM ee u ololeeya xuquuqda Kurdiyiinta, kuwaas oo Khamiista maanta ah kula kulmay xabsiga. Fal-celinta shacabka “Maanta waa maalin barakeysan,” ayay tiri Emine Atac oo 45 jir ah, kuna hadlaysay luuqadda Kurdishka, xilli ay ku sugneyd magaalada Diyarbakir oo ay isugu soo baxeen 3,000 oo qof si ay u dhageystaan hadalka Ocalan. Qaarkood ayaa farxay halka kuwo kale ay ilmeynayeen. “Aad baan u faraxsanahay. Waxaan rabnaa nabad iyo xorriyad,” ayay tiri Atac. Dhinaca kale, Ferha Akbuyuk, oo 65 jir ah, ayaa bogaadisay hadalka Ocalan, iyadoo ku tilmaantay mid dhiirrigelinaya “nabad iyo walaaltinimo” dhex mara Turkiga iyo Kurdiyiinta. “Wuxuu ahaa farriin bini’aadannimo, oo ku saabsan xuquuqda, sharciga, caddaaladda iyo sinnaanta,” ayay tiri, iyadoo muuqatay mid rajo leh. Si kastaba ha ahaatee, Sukru Erdogan, oo 52 jir ah, ayaa dareen ka duwan ka muujiyay farriinta, isagoo sheegay in aysan wax badan u qabin Kurdiyiinta. “Ma aysan xusin wax la xiriira federaal ama xuquuqda dhaqanka. Waa niyad jab,” ayuu yiri isagoo gacmaha kor u taagaya. Isbeddel taariikhi u ah colaadda Baaqa Ocalan waxaa si diirran u soo dhaweeyay madaxweynaha Kurdistaan-ta Ciraaq, Nechirvan Barzani, kaas oo ku booriyay PKK in ay u hoggaansanto farriinta hoggaamiyahooda, wuxuuna ku ballan qaaday “in uu si buuxda u taageerayo geeddi-socodka nabadda.” Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jarmalka ayaa sidoo kale soo dhoweysay hadalka Ocalan, iyagoo ku tilmaamay “fursad taariikhi ah” oo lagu soo afjari karo colaadda muddada dheer socotay. Khabiirada ayaa ku tilmaamay arrintan guul weyn oo diblomaasiyadeed. “Baaqa Ocalan ee ah in PKK hubka dhigto oo is kala dirto waa isbeddel taariikhi ah. Kaliya Turkiga ma ahan, oo muddo dheer la dagaallamayay kooxdaan, balse waa isbeddel saameynaya gobolka oo dhan,” ayuu yiri Hamish Kinnear, oo ah falanqeeye sare oo ka tirsan Verisk Maplecroft. Su’aasha ugu weyn ayaa ah sida uu baaqa Ocalan uga hirgeli karo dagaalyahanada PKK, kuwaas oo inta badan hoggaankooda militari uu fadhiyo buuraleyda Waqooyiga Ciraaq. Taariikh-yahan Faransiis ah oo lagu magacaabo Boris James, kuna takhasusay arrimaha Kurdiyiinta, ayaa sheegay in jawaabaha ka imanaya PKK ay noqon karaan kuwo aan toos u muuqan. “Hoggaanka militari ee PKK wuxuu si rasmi ah u aqbali karaa baaqan, balse macnaheedu ma ahan in uu saameyn toos ah ku yeelanayo dagaalyahanada ku sugan goobaha dagaalka,” ayuu u sheegay AFP. Qodobka si gaar ah loogu walaacsan yahay ayaa ah mustaqbalka dagaalyahanada PKK ee ku sugan Waqooyiga Suuriya, kuwaas oo ka tirsan Ciidamada Difaaca Suuriya (SDF) ee uu Mareykanku taageero. Ciidankaan ayaa cadaadis kala kulmaya dowladda Dimishiq oo rabta in la hubka dhigo, halka ay dagaal kula jiraan maleeshiyaad ay Turkigu taageeraan. “Waxa ugu muhiimsan ayaa ah sida ay PKK-da Turkiga ugu hoggaansanto baaqa Ocalan,” ayuu yiri Kinnear. “Haddii inta badan xubnaha PKK ee Turkiga ay u hoggaansamaan baaqan, waxaa la filan karaa in dagaalyahanada PKK ee Ciraaq iyo kooxaha xiriirka la leh ee Suuriya ay iyaguna raacaan,” ayuu raaciyay. Jawaabta taxaddarka leh ee Ankara Dowladda Turkiga weli si rasmi ah ugama aysan jawaabin baaqa Ocalan, balse Efkan Ala, oo ka tirsan xisbiga AKP ee Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, ayaa muujiyay rajo taxaddar leh. “Haddii ururkan argagixisada ah uu baaqan dhegeysto, hubkana dhigo, isna kala diro, Turkiga wuxuu ka xoroobi doonaa silsiladahaas,” ayuu yiri, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Anadolu. Tan iyo markii la xiray Ocalan sanadkii 1999, waxaa jiray dadaallo kala duwan oo lagu soo afjarayo dagaalladii qarxay 1984-tii, kuwaas oo ay ku dhinteen in ka badan 40,000 oo qof. Wareeggii ugu dambeeyay ee wada-hadallada nabadeed ayaa burburay 2015-kii, waxaana dib u qarxay dagaalka. Dowladda Turkiga waxay muddo dheer cadaadis saartay mucaaradka, iyadoo xirtay boqolaal siyaasiyiin, u dhaqdhaqaaqayaal iyo saxafiyiin, waxayna xilka ka qaaday 10 duq magaalo oo dhowaan la doortay, kuwaas oo dhammaantood lagu eedeeyay xiriir argagixiso. Inkasta oo ay jiraan xarigyo ballaaran, haddana dad badan ayaa rajaynaya in baaqa Ocalan uu keeni karo tanaasul ballaaran oo Kurdiyiinta loogu fidiyo xuquuq siyaasadeed iyo bulsho, iyadoo Kurdiyiintu ay ka kooban yihiin 20% shacabka Turkiga oo gaaraya 85 milyan.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Shaki iyo hadal heyn badan ayey abuurtay booqashadii Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed ay maanta ku tageen xeebta Liido, iyadoo halkaas looga qaaday sawir ka saameyn batay wax kasta oo maanta dhacay, dadkuna ay siyaabo kala duwan ugu faaqideen baraha bulshada. Siyaasiyiinta sida qotada dheer u cabiray dareenka laga akhrisan karo sawirkaas waxaa kamid ah Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Xasan Sheekh ku tilmaamay masuul aan u dhaqmeyn sidii laga rebay hoggaamiyaha Soomaalida u jooga xafiiska uu joogo. Arrinta kale ee maanta laga argagaxay waxay dhacday markii ciidamada ammaanka ee labada masuul ay toogteen wiil yar oo badda ku dabaalanayey, kaas oo sida la sheegay ay uga shakiyeen in dhankooda uu u soo orday, dhiigga wiilkaas oo geeriyooday ayaa ku darsamay biyaha badda oo gaduud noqday. CC Shakuur ayaa ka soo sheekeeyey sidii Xasan Sheekh uu arrimaha Itoobiya u wajahay sanadihii lasoo dhaafay oo 2024 ay ugu dareyd iyo sidoo kale heshiisyo uu la galay Itoobiya oo aan miro dhalin. “Madaxweynaha, maanta wuxuu inoo sheegayaa in ay Itoobiya walaal tahay, wax kastana iska kaashanayno, waa su’aale; soo shacabkii uu shalay kiciyey, kuna abaabulay cadawtinimada Itoobiya xaq uguma laha inuu ka shaafiyo, una sharraxo sababta loo aaminayo Itoobiya?” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan CC Shakuur. Sidoo kale Cabdiraxmaan wuxuu hoosta ka xariiqay labo qodob oo kala ah: 1- In uu shacabka yaraysanayo, danna ka lahayn waxay ka aaminaan go’aannadiisa is burinaya, maadaama aysan lahayn awood ay kula xisaabtamaan, hay’adihii kale ee dowladdana la dhufaanay. 2- In uusan kala garanaynin farqiga u dhexeeya isaga shaqsiyaddiisa iyo hay’adaha dowladda ee loo wakiishay in uu hoggaamiyo oo uu isku maleeyo in uu isagaba dowladdii yahay. Dadweyne badan ayaa falanqeeyey sawirkii maanta ay labada masuul ku galeen xeebta iyo si guud booqashada uu Abiy ku yimid Muqdisho, su’aalaha ugu badan waxay ku saabsanaayeen sababta xeebta Liido loo geeyey oo badda loo tusay.
  22. 𝐖𝐀𝐑 𝐒𝐀𝐗𝐀𝐀𝐅𝐀𝐃𝐄𝐄𝐃 Hargeysa, 27.02.2025 . Shirkii Golaha Wasiirada Somaliland ee maanta oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa lagaga wada hadlay, diiraddana lagu saarayay arrimo door ah oo mudnaan u leh Qaranka JSL. * Ugu horrayn Goluhu waxa uu war bixin faah-faahsan ka dhegaystay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, oo ah xubin ka mid ah Guddi-Hawleedkii uu Madaxweynuhu dhawaan u xil saaray ka soo talo bixinta arrinta Shaqaalaha ku-meel-gaadhka ah. Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaaluhu waxa uu Golaha siiyey talo soo jeedinta Guddida si loo maareeyo arrinta Shaqaalaha ku-meel-gaadhka ah. * Sidoo kale, Golahu waxa uu war bixin ka dhegaystay Wasiirka Wasaaradda Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha oo ah xubin ka mid ah Guddi-Hawleedkii uu Madaxweynuhu dhawaan u xil saaray ka soo talo bixinta iyo fulinta cashuuraha iibka Adeegyada iyo Badeecadaha (GST). * Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ayaa Golaha warbixin waafi ah ka siisay go’aamadii iyo war-murtiyeedkii ka soo baxay Shir-weyne ahaa Madal-sare (HLDCF) oo aad loo agaasimay oo kulmisay Dawladda Somaliland, Deeq-bixiyayaasha iyo Daneeyayaasha Horumarka ee Caalamiga ah. Kulankan oo ahmiyad gaar ah u lahaa JSL ayaa lagu soo bandhigay arrimaha mudnaanta u leh Dawladda Somaliland, taas oo ay si fiican u soo dhaweeyeen Daneeyayaasha Horumarka ee Caalamiga ah ee ku sugnaa Madashan Heer Qaran. * Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha JSL ayaa isaguna Golaha uga xog warramay hab-sami u socodka hawlaha Wasaaradda iyo in loo baahan yahay in Xukuumad ahaan talo midaysan laga yeesho dib-u-habaynta Wakaaladaha Biyaha dalka ee ay Wasaaraddu gacanta ku hayso, xag maamul, xag wax soo saar iyo xagga tayada shaqadoodaba. * Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Dhulka ayaa isaguna Golaha war bixin dheer ka siiyey sidii Qaran ahaan loo ilaalin lahaa Tayada Dhismayaasha Dawladda, kormeerka iyo daba-galka mashaariicda dhismaha ee ay leedahay Dawladda Somaliland. Sidoo kale Wasiirku waxa uu ka war bixiyey dedaalladii ugu dambeeyey ee ay Xukuumadu ugu gurmanaysay dadkii ay waxyeelladu ka soo gaadhay dabkii qabsaday suuqa Idaacadda. * Wasiirka Wasaaradda Maalgashiga iyo Horumarinta Warshadaha ayaa Golaha Wasiirrada la wadaagey xogihii ugu dambeeyey ee xagga horumarinta maalgashiga dalka waxana uu sheegay in hoggaaminta iyo isku-dubbaridka arrimaha maalgashigu ay tahay masuuliyad ay leedahay Wasaaradiisu, sidaa darteedna loo baahan yahay in ay Wasaaradaha kale ay ka gacan siiyaan si dhawna ula shaqeeyaan si loo kobciyo rdhaqaalaha iyo maal-gashiga dalkeena. * Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska ayaa Golaha Wasiirrada warbixin qoto-dheer ka siiyey go’aamadii iyo war-murtiyeedkii ka soo baxay Shirweynihii Heer Qaran Waxbarashada Dhinaca Gacanta iyo Xirfadaha Shaqada oo ka socday Hotel Ambassador 26-27/02/2025. Dhinaca kale, Wasiirku waxa uu Golaha u qaybiyey nuqullo ah Siyaasadda Waxbarashada Qaranka (Af-Somali) si Wasiirradu ay u soo akhriyaan, dabadeedna loo ansixiyo. * Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa Golaha Wasiirrada faray in ay diyaariyaan, iskuna dubbaridaan arrimaha muhiimka ah, hor-tabintana leh ee Xukuumadda WADAJIR iyo WAXQABAD yoolka u ah 100-ka maalmood ee ugu horeeya Xukuumadda. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇, 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫) 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News
  23. Ciidamada difaaca dowladda Puntland oo maanta hawgal amni ka sameeyay degaanka Dhasaan ee degmada Qandala ayaa gacanta ku dhigay ilaa 2,000 oo gantaal, oo ay farsamaysay Argagixisada ISIS. Warxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidamada difaaca Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda oo hawlgal ka sameeyay degaanka Dhasaan ay gacanta ku dhigeen ilaa 2,000 oo gantaal, kuwaasi oo ay farsamaysay Kooxda ISIS, si ay ugu fuliyaan weerarro Argagixiso. “Ciidamada geesiyaasha ah ee Dowladda Puntland ayaa gacanta ku dhigay 2000 oo gantaal oo argagixisada Daacish ay sameysteen, kuwaas oo ay doonayeen in ay waxyeello ugu geysteen shacabka Puntland ee nabadda iyo horumarka jecel” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka. Taliska Ciidamada difaaca Puntland ayaa sidoo kale sheegay in gantaalladaasi ka heleen warshadii samaynta gantaallada u qaabilsanayd Argagixisada”Sidoo kale, Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay qeyb kamid ah warshaddiihii ay ku sameeyeen gantaaladan” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka. Dhinaca kale, Taliska Ciidamada Puntland gaar ahaanna Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ayaa sheegay in ay isla maanta nawaaxiga Dhasaan ka heleen mootooyin iyo fuustooyin shidaal ah oo ay ka carareen dagaallamayaasha Argagixisada ISIS. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo 2,000 kun oo gantaal ka helay warshad ay ka carartay Argagixisada ISIS appeared first on Puntland Post.
  24. ISTANBUL - Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed Ali arrived Thursday in Somalia for talks on critical issues of mutual interest at the bilateral and regional levels amid improving relations. Source: Hiiraan Online
  25. Mogadishu (HOL) — African defence ministers have approved a detailed deployment strategy for the African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM), marking a critical phase in Somalia’s security transition. Source: Hiiraan Online