Dalmar1

Nomads
  • Content Count

    944
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    7

Everything posted by Dalmar1

  1. Lol, Che is on the full throttle in defending his Ina Adeer Gaas, walee i swear even those who act holier than thou cannot hide their qabilisto tendencies.
  2. Wuxuu yiri Prof. Gaas , "wiil ka yimid Xudur, Diinsoor, Buurhakaba oo qaba kabo dacas ah nagu ma xukumi karo dalkayaga", dad baanna u sacbiyay. Sida adiga oo Dhuusamareeb ka yimid aad u xukunto dhul aadan ku dhalan ayuu wiilkaas dacaska qaba, kuwa badan oo aan xitaa dacas heysan, kana imaann degmooyin, ee ka yimid tuulooyin ka sii yar ayaa xukumi doonna. Dhibka jira ayaa ah Soomaaliyada kuu sawiran iyo tiisa ayaa aad u kala duwan. Waxaa ayaan daro in qof isku sheega masuul, aqoonyahanimo hadana ku hadaaqo hadalo deel qaaf iyo meel ka dhac ah iyadoo weliba uu isticmaalaayo ereyo bahdilaad ah hadii su,aal laga keenana meelo aan loo jooey kula aadi doona marwalba taariikhda waa mid ma dhamaato ah kuna keydsan yihiin waxii lasoo marey . Maamulka Putland markuu yimaado xifaaltan siyaasadeed ee Soomaalida gudaheeda waxay sheegtaan iney Putland tahay Hooyadii Fedraaliska Soomaaliya . Mar hadey sidaa tahay masuulkooduna uu noqdo qofaan ka xishoonin cunsuriyada iyo meelka dhaca joogtada ah sida hada inooga muuqata Madaxweynaha Maamul Gobaleed Putland C/weli Gaas qofka nuucaan ah oo looga fadhiyey inuu wada maareeyo bulshada qeybaheeda kala duwan maxaanu ku tilmaami karnaa waxaa jirta xigmad Soomaaliyeed ayaa oraneysa HADII DABKII DHAXMOODO MAXAA LAGU DIIRIYAA hadii horjoogigii sidaa ku hadaaqey maxaa moodaa taageerayiisha waa ayaan daro weyn . Bulsha weynta kasoo jeeda deegaanada KGS waa kuwo ku dhiban meelo kala duwan mar hadii sidaa ay tahay maxaa idinla gudboon , aan isku dayo jawaabta idinku quman oo ku aadan dulmiga qaawan aan geed loogu soo gaban oo ay ku hadaqaan dadka aad la nooshihiin inaad u hiilisaan Maamulka aad kasoo jeedaan kuna boorisaan iney wax ka qabtaan amniga iyo cadaalada waxaan oran lahaaa tashada ma teeco ee ogaada inuu degaankiina aad wax ku tihiin hadii saas ay noqon waxaa u tagey tashan weydiyee waa laguu talin ama daranyo lakala qeybsado jiritaankooda . Maamulka KGS waa inuu jawaab deg deg ah ka bixiyaa hadala meel ka dhaca oo kasoo yeerey Horjooga Maamulka Putland oo ka xishoon waayey inuu si bahdilnimo ah uga hadley bulsho ganacsi u joog ah ee ku sugan halka uu ka sheegey warkaasi ee Gobalada Bari ee Sooomaaliya. Masuuliyiinya ahana musharixiinta waa iney ka dhiidhiyaan hadalada qadafka oo lagu weeraryo dadyowga aad masuulka ka tihiin waxaan rajeynayaa in looga jawaabi doono.waxaa hubaal in maanta ay wada daawadeena oo dhageysateen intiina badan oo ay dheregsan tihiin dhacdadaasi ee cidna ma maaqo qalinkeena waxaan ka hadalnaabi waa xaqiiq jirta oo dhab ah. http://baidoanews.com/articles/36577/CUNSURIYADDA-QAAWAN-MAXAA-U-XAL-AH
  3. MMA, There is no addressing this failed relations between the central government and regional states, as we all know the real answer to this failure of relations is the Cancerous Federalism. Yesterday (metaphorical) the Somalia Government had problems with President Faroole's anti Somalia Stance, then when guards changed in Puntland, we all hoped for President Gaas being the better person to lead Puntland toward Somalia Government since he was a former PM of Somalia, but nooooo, he became far worse then President faroole, Gaas even became the Head of the regional rebel states, an idea he himself created, and Gaas was the one who even said that Somalia Government cannot replace UAE, as UAE is replaceable......Gaas: “ma jirto cid noo buuxin karta kaalinta Imaaraadka” And then came change of guard in Hiirshabelle with President Cosoble anti Somalia Government stance, since Hiirshabelle is a baby state, it was easy to change, and the Govermnet of farmaajo installed Waare hoping for a change of leadership, but again noooooo the federalism corrupted Waare too, like it corrupted Gaas. What i am saying MMA is that this habit of regional states going against the Somalia Government will continue, even if the current leaders are replaced with new leaders, as we have seen with the cases of Faroole to Gaas, and Cosoble to Waare, on how they were all new and then corrupted by the power of Federalism to against the Somalia Government.
  4. Golaha Iskaashiga dowlad-gobolleedyada oo dowladda Federaalka ku eedeyay inay faragelin ku heyso arrimaha ka jira Galmudug Talaado, September, 18, 2018 (HOL) –Golaha iskaashiga dowlad-gobolleedyada dalka ayaa walaac ka muujiyay xaaladda qasan ee ka taagan dowlad-gobolleedka Galmudug,iyagoo muujiyay xaaladda ka taagan gobolka si dhow inay ula socdaan. Golaha ayaa ku eedeyay dowladda dhexe ee federaalka "in dhaq-dhaqaaqyada aan wax dhisayn ee socda ay la jaan-qaadayaan baaqii madaxweyne Farmaajo ee munaasabaddii furitaanka golaha shacabka si cad ugu ballan-qaaday Guddoomiyeyaasha Golayaasha Baarlamaanka Galmudug iyo Hirshabeelle 'in uu kala shaqeyn doono' wax uu madaxweynuhu ku sheegay 'Danta Guud'." Waxaa kalo ay ku baaqeen golaha iskaashiga dowlad-gobolleedyada ' in si daahfuran loogu dul-shaqeeyo sharciyada iyo Dastuurka dowlad-gobolleedka Galmudug ay ku midoobeen'. War-saxaafadeedka golaha iskaashiga dowlad-gobolleedyada ayaa sidoo kale ku baaqay in laamaha ammaanka dowladda federaalka ay si deg deg ah ku joojiyaan faraggelinta Galmudug, wixii khilaaf ah ee jirana lugu xalliyo qaab dastuuri ah. Hoggaanka sare ee maamulka Galmudug ayaa khilaafka u dhaxeeya halkii ugu sarreeysay gaaray toddobadyadii u dambeeyay,kaddib markii Baarlamaanka dowlad-gobolleedka oo labo garab u kala jabey uu garab kasta xilka ka qaaday hoggaanka sare. War-saxaafadeedka golaha iskaashiga dowlad-gobollleedyada:
  5. Lol, Anyway we can both drag each other under the Mud and dirty ourselves or we can let this pointless jabs on each other slide, as KG is much as mine as it is your, i see it unnecessary for us Compatriots to go against each other, when we should be working with each other for our collective interest for the region! P.S we Iljeex dont hold grudges, and also as for our (Iljeex) being ''kicked out'' in Koonfur Galbeed i would say it is otherwise, we are now more entrenched in Bay and Bakool more then ever before thanks to Federalism.
  6. Kissing arse wont score you points here, as i'm sure you folks in puntland have mastered that art (With the Yemeni, Italian and Ethiopian expeditions) to perfection. @Oodweyneis right, Af-maay is an illegitimate language, most definitely it will be addressed in the near future once a proper Government is installed.
  7. You know your iljeex crew well, Lol. But in a serious note, you highly underestimate the Iljeex crew, they have changed alot from the hey days of Gun-slinging Caydiid up to present day now, they evolved Poltically from Aggressive African Approach to a Western Approach of Political eliteness (HAG) of maneuvers, Farmaajo is in all fact chose, brought, introduced, groomed, and then elected by non other then us. Don't let my opposition stance fool you into believing i dislike Farmaajo, infact i support him 100%, its just our ever appetite hunger of greed that makes us go after anything containing Power such as the PM role. Farmaajo has so far done an outstanding Job, more then we had hoped for, Farmaajo for 2020! P.s. Unlike the other Somalis, you will never see an Iljeex wearing 1 Shirt Politically, we are everywhere in Politics, Federalists, Centralists, Rebels, Balkanizationists, Wadanis, SFG's, Oppositions etc's, one for all, all for one.
  8. Kulankii BF oo si xun loogu weeraray xukuumada Farmaajo Kulanka 2aad, kalfadhiga 4aad ee Golaha Shacabka ayaa maanta ka dhacay xarunta golaha waxaa soo xaadiray 168 xildhibaan, waxaa looga hadlayaa amniga. Doodda oo aad u kululeyd, waxaan halkan idiinku soo gudbin-doonnaa qaar ka tirsan khudbadihii ay Xildhibaannada goobta ka jeediyeen. Xildhibaan Warsame Joodax: Waxaa muhiim ah in la xisaabtan dhamaystiran aan la samayno dhinacyada amaanka ku howlan. Xildhibaan Maxamed Isaaq Afaraalle: Dowladu halkii ay weerar ku ahaan lahayd Al-shabaab iyagaa weerar nagu ah, saxna ma ahan Habdhowraha golaha shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdulaahi xasan nuux waxaa uu sheegay in xoojinta amniga golaha shacabka dartiis lagu soo kordhiyay amniga eeyaha waxbaara Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla: Arrin la aqbali karo maahan in eeyo gaawaarideena baaran, eyna la maciin bido, sax ma ahan. Xildhibaan Cismaan Xaaji: Dowladu jidkay ku carartaa markay Afgooye aadeyso waydana kusoo carartaa, Magaalada amnigeeda waa sii xumaaday waxaana cadayn u ah iydoo la si dilaayo ayaa flim la iska duubayaa, Wadooyinka Muqdisho jid Cadde furan ma jiro xaaladaasna waqti badan ayaan ku jirnay inaan ku sii jirnaana sax maahan. Xildhibaan Maxamed Ganey oo ka hadlayey kulanka amniga ee golaha shacabka waxaa uu yiri “fadlan ra’isul wasaare is casil waad fashilantay” Xildhibaanka waxaa uu intaasi raaciyey “Shaqada dowladu waxa uu ku soo aruuray facebook iyo Twiter”. Xildhibaan Maxamed Ganey waxaa uu intaasi ku daray “Dalka Al-shabaab ayaa maamusha, waxaana sabab u ah iyagaa dadka canshuur ka qaada, xitaa dhinaca garsoorka iyagaa loogu adaa Tooratoorow”. Xildhibaan Caasho Koos oo hadashay waxaa erayadeeda ka mid ahaa “Kalsooni kuma qabno ciidamada dowlada ee wadooyinka jooga, Qaarkood iyagaan ka baqnaa.” Xildhibaan Cismaan Xaaji: in qof 2012kii ciidanka soo galay maanta Genaraal lagu dhigo ayaan maraynaa Xildhibaan Faadumo Odowaa: Waa inaan shacabkeena ku wacyi gelinaa wax ka qabashada amniga ilaa aan ka gaarsiinayno in ilmaha yari wax kastaa soo sheegaan xitaa cida geriskooda ku soo biirtay. Xildhibaan Axmed Macalim Fiqi: Amnigu faraha ayuu ka baxay waxa uu marayaa heer shabaabku dadka baadaan, Ra’isul wasaaraha amnigu uu sheegayo ma ahan amnigii saxda ahaa ee dalku u baahnaa, isagu geesaha ayuu iska marinayaa wiilal looo geliyay dhar isu eg. Madaxweynuhu wuxuu noo sheegay in laba sano gudohood uu ku soo afjari doono shabaab hadana waxaa ka dhiman 4 bilood ama wax ku dhow hadana halkaas ayaan maraynaaa Mudane Fiqi waxaa uu intaas ku daray “Alshabaab magaalada ayay soo buux dhaafiyeen magaalada, sababtaasna waxaa waaye hal sano Al-lshabaab dagaal laguma qaadin. Waxaa dhacday labo kun oo askari in laga qaaday dalkaa aanan laba ogeyn waxa laga dhigayo, danta laga leeyahay ma Alqaa’idaa laga dhigaa ma Daacish garan mayno. Waxaa layaab leh in nin taliye ah hal maalin shaqadii laga eryay darajadiina laga baabi’ iyay, dalkana kama bixi kartid la yiraahdo, mudana dalkaan ka soo shaqeeyay, Kuwo yaryarna garaado aysan mudnayn la siiyay Xildhibaan Shiikh Aadan Madoobe: Shacabku markay ku hun-goobeen rajadii dawlada ay ka qabeen, Al-shabaabkiina sii xoogeystay ayey bilaabeen shacbku inay Shabaab iska laaluushaan. Xildhibaan Maryan Macalin: Xildhibaano dhamaanteen aan dagaalka galno, yaanaan iska fafadhininin oo qoryaha qaadano, Xaalada ammaankana cidna laguma eedeyn kato, Waa masuuliyan ina wada saaran. Xildhibaan Baqdaadi: Goluhu wuxuu ku haboonaa in irdaha loo xiro, waayo hada hadallada iyo dhaliilaha la sheegayo, Cidkastaa ayaa ka faa iideysan karta, waana laga fiicnaa. Xildhibaan Xuseen Carab Ciise: Amniga gudaha iyo kan dibadda khatarbaa ka jirta, isaga oo intaas ku daray Dalkaan waxaa ka jira cadaalad darro wayn iyo musuqmaasuq ballaaran, anigan oo xildhibaanka ah ayaa dhulkaygii la iigu haystaa oo sharciyo been la iisoo samaystay, Dadkuna iney shabaab u garsoor tagaan waa cadaalad darrada jirta iyo musuqa. Kulankii BF oo si xun loogu weeraray xukuumada Kheyre (Aqriso hadalladii ugu kululaa ee xildhibaanada) Waxaa xoogaa ka hor furmay kalafdhigii 4-aad ee Xildhibanada Golaha Shacabka oo dhawaan uu furay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Kulankaan ayaa waxaa kasoo qeybgalay ilaa 168 Xildhibaan iyadoo aysan soo xaadirin xildhibaano badan oo qaarkood ay dalka joogaan halka kuwa kalana ay maqan yihiin. Anjadaha kulanka Maanta ayaa ahaa Amniga Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho waxaana halkaas khudbado ka jeediyey qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya. 168 Xildhibaan halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay Xukuumadda Soomaaliya ku fashilmatay qabashadi shaqadii loo xil saaray, wuxuuna si deg deg ah Ra’isulwasaaraha uga codsaday inuu is casilo. Xildhibaan Maxamed Gabey oo ah Xildhibaanka Ra’isulwasaaraha ka codsaday inuu is casilo ayaa ku eedeeyey dowladda inay kusoo aruurtay kaliya Baraha Bulshada sida Facebook iyo Twitter. “Fadlan Ra’isul wasaare is casil waad fashilantay” ayuu yiri Gabey. Sidoo kale wuxuu raaciyey “Shaqada Dowladda waxay kusoo aruurtay Facebook iyo Twitter”. Todobaadkii hore ayay aheyd markii Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare uu u sheegay in amniga Muqdisho aanan la isku haleyn karin, isla markaana Xildhibaanada is ilaaliyaan.
  9. Garabka Madaxweyne Farmaajo ayaa bilaabay olole balaaran oo ay ku doonayaan iney baarlamaanka ku horgeeyaan mooshin xilka looga qaadaa Ra'isulwasaare Xasan Cali Kheyre oo ay ku eedeeyeen qodobadda hoos ku qoran. 1- Inuu xiriir toosa la yeeshay Emirate-ka Carabta. 2- Inuu soo dhaweeyn u sameeyay Madaxweynahii hore `Xasan Sheekh Mohamud isagoo u diray xubno ka tirsan Wasiiradiisa. 3- Inuu ka shaqeeyay khilaafka heerka xun gaaray ee Villa Somalia iyo maamul goboleedyadda u dhaxeeya. 4- Inuu diiday isku shaandheeyn Madaxweyne `Farmaajo ka codsaday inuu ku sameeyo gollahiisa Wasiiradda. 5- Inuu ka horyimid in Xisbigga Tayo noqdo Xisbigga kooxda Nabad iyo nolol loo diiwaangelinaa Xisbiyadda Qaran. 6- Inuu bilaabay olole uu ku furanaa Xisbi magaciisu yahay NABAD & NOLOL taas oo ka dhigan inuu yahay Musharaxa sanadka 2020 u tartamaya Madaxweynenimadda Somalia. khilaafka ayaa xoogiisa soo shaac bixi doono todobaadyadda soo socda waloow caawa Muqdisho lagu qarxiyay Nin ka mida Xildhibaanadii qoraayey mooshinka xilka tuurista Ra’isulwasaaraha oo la filaayo in todobaadkaan baarlamaanka loo gudbiyo. Sikastaba ha ahaatee, waxaa la eegayaa garabyadda Farmaajo iyo Kheyre kan xoog badnaada.
  10. Maamulka Soomaaliland ayaa Maanta Wakiilka Soomaaliland u jooga dalka Mareykanka waxa uu u Magacaabay Sarkaal ka tirsanaa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Sarkaalka ayaa waxaa lagu Magacaabaa Bashiir Good,waxaana Maanta uu la wareegay xilkaas oo uu horay u haayey Masuul kale oo lagu Magacaabo Rashid Garuf. Magacaabistan Sarkaalka ka tirsanaa Xafiiska Ra’iisul Wasaare kheyre ee loo Magacaabey Wakiilka Soomaaliland ee dalka Mareykanka weli wax war ah kama soo saarin Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.
  11. MMA i am with you 100%, that every federal states MP's waa illiterate tuugo, who are very opportunistic and only after the money no matter from whom. But the question, everyone keeps asking, is why does Farmaajo only attacks Galmudug and Hiirshabelle, and not Puntland or Jubaland (directly), i am asking this hard question that everyone has in mind, because when something does happen to farmaajo in Mogadishu because of the backlash, you and those alike will say that the HAG Mafia done this and so because of qabyaalad, when farmaajo is the blame, for playing with fire........... so before we reach that, let us correct this mistake called farmaajo in sense-able and civilized manner and depose him by not co-operating with him until his near 2 year term ends. p.s. Farmaajo was selected and not elected, thus he can always easily be unselected.
  12. Bro, you do realize that this motion was brought by only a minority 49mps conducted illegally by an deposed speaker (motioned by 150 mps officially) in a dusty dark room faraway from the Parliament Estate. The story Farmaajo and his langaab stooges beesha Dayniile want to play out, is an scenario where they illegally depose the rightful President Xaaf and then name in a rush a new President that Hails from the same clan as Xaaf, in the hopes that Galmudug will face an internal disputes and chaos. Farmaajo is playing with fire, in distabilising Galmudug and Hirshabelle, while Installing a murder Abu Mansoor as the President of Koonfur Galbeed, this amateur Farmaajo is walking on a thin ice, as his term is almost up, a backlash will be severe. Its unfortunate that we wasted another 4 years with another weak ineffective President (farmaajo).
  13. Hotel Uu Dagnaa Md Shariif Sakiin Oo La Weerarray Madaxweynaha Shariif Sakiin oo la garaacay Waxaan cambaareynayaa sirdoonka dowlada keyna oo xaley ku xadgudbay madaxweeynaha dowlad Goboleedka Konfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan qol uu Ka degnaa hotel ku yaala Magaalada Nairobi ee dalka Kenya sida ay ii xaqiijiyeen masuuliyiin la socta Shariif Xasan, waxaa madaxweeynaha u soo dhacay qolkiisa rag hubeysan oo gaaraya 18- nin oo ah ciidanka gaarka ee sirdoonka keyna waxay gudaha u galeen qolka waxay kala baxeen boorso uu lahaa Shariif Xasan oo ay ku jireen decomentiyo iyo lacag . ciidamada oo ku jira baaritaanka ayaa waxaa gudaha qolka u soo galey Shariif Xasan oo isku deyey inuu lahadlo isaga iyo agaasimaha Madaxtooyada KGS oo safarka ku wehliyay waxay isku deyeen inay hakiyaan arintan oo ay la hadlaan masuuliyiinta hotelka durbadiiba waxaa Telefon la soo baxay masuul kale oo la socday Shariif oo qolka banaanka Ka joogay inta uu xiriir saameynin waxaa amar bixiyay taliyaha watey ciidnkaasi isgoo ku amray cidamadu inay dhamaan ka qaadaan telefoonada gacanta, Madaxweeyne Shariif Xasan markii telefoonka gacanta laga qaadey wuxuu isku deyey askariga inuu kula dhego telka askariga ayaa awood u sheegtay Shariif Xasan waxaa soo dhexgaley is jiid jiidka askari kale, wuxuu kala tuuray Madaxweeyne Shariif Xasan, dhaawac yar oo dhinaca muruqa lugta ayaa Ka soo gaarey Shariif Xasan jaran jaro qolkiisa u dhoweyd oo uu ka soo dhacay, Taliyaha watey ciidankaasi ayaa u sheegay shariif xasan inuu is dejiyo, oo ciidanka u hogaansamo baarinaat yar oo ay qolkiisu ay ka wadaan, waxaa loo sheegay inuu tuhun soo gale qolkiisa oo la soo geliyay lacag, baaritaanka ka dibna la fasixidoono hadii dembi lagu waayo, waxay hore u qaateen ciidamadu agabkiisa iyo lacagta, xaalada caafimaad ee Madaxweeyne Shariif Xasan ayaa hada mid iska caadi ah, saakey ayaa isbitaal la geeyey, si loo hubiyo wixii gaarey sida hadalkan uu ii xaqiijiyay masuul ka tirsan Xafiiska Madaxweeyne Shariif Xasan , Maalinta berri ayaa lafilayaa in loo soo kaxeeyo magaalada Muqdisho shariif xasan iyadoo aan weli wax jawaab ah laga helin sirdoonka keyna dibna uguma soo celin gabkii iyo lacgihii ay kala baxeen qolkiisa .
  14. Garoowe– Xog gaar ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Cabdixakiin Cabdullahi Xaaji Cumar Camey ay isugu gacan qaadeen gudaha madaxtooyada maamulkaas. Arrintan oo mananta ah midda ugu hadal haynta badan Garowe iyo guud ahaan deegaanada Puntland, ayaa ku soo aadeysa xilli labada mas’uul ay aad ugu kala fogaadeen shikii Kismaayo oo ay dowlad gobolleedyadu wadashaqeyntii dowladda dhexe ugu hakiyen. Ilo ka ag dhaw xafiiska madaxweyne ku xigeenka Puntland oo la soo xiriiray Garowe Online ayaa sheegay in labada mas’uul ay isku maan dhaafeen xafiiska madaxweynaha, xilli Gaas uu su’aalo ka weydiiyey ku xigeenkiisa lacago uu kala baxay Bankiga markii uu bishii hore aaday magaalada Muqdisho. Hase ahaatee, Camey oo ka jawaabaya lacagta lagu eedeeyey ee uu kala baxay Bankiga dhexe ee Puntland ayuu ugu jawaabay “Yaa ku xisaabiya adiga?”, Isla markiiba waxaa ka xumaaday hadalkii labadooda waxa ayna is dhaafsadeen hadallo kul kul oo keetay in Camey istaago gacanna la aado Gaas. Waxaa labada mas’uul soo kala dhex-galay dadkii goobta ku sugnaa, oo u badnaa shaqaalahooda. Lacagta badan ee uu Gaas ku eedeeyey in Camey kala baxay Bangiga dhexe ee Puntland waxa ay imaaneysaa xilli uu Camey muddo ku sugnaa Muqdisho, isaga oo markii uu ka soo laabtay shir jaaa’id oo uu Garowe ku qabtay ku sheegay in uu Caasimadda Soomaaliya u aaday arrimo caafimaad iyo dhul uu ku lahaa magaalada. Dhinaca kale, Camey waxa uu ka soo horjeestay mawqifka Gaas ee dowladda dhexe xiriirka loogu jaray, waxaana aad baraha bulshada ugu baahay sawir ay isku salaamayaan garoonka diyaaradaha ee Garowe, balse muujinaya heerka uu khilaafkoodu gaarsiisan yahay. Camey ayaa la rumeysan yahay inuu aad ugu dhow yahay dowladda federaalka, hase yeeshee Gaas Ayaan wax ka qabin karin, xilkana ka qaadi karin maadaama Camey si gooni ah loo soo doorto.
  15. Golaha wasiirrada Puntland ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin dhaqan gelinta heshiiskii madaxda maamul goboleedyada, wada heshiisiinta shacabka Sool iyo qodobbo ku saabsan Somaliland, Al Shabaab iyo Daacish. Xukuumadda Puntland oo ka mid ah maamul goboleedyada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday in ay si rasmi ah u dhaqan galineyso heshiiskii ka soo baxay shirkii ay madaxda maamul goboleedyada ku yeesheen magaalada Kismaayo. Golaha wasiirrada oo shir deg deg ah ku yeeshay magaalada Garowe ayaa dhammaan hay’adaha dowliga ah iyo shaqaalaha xukuumadda Puntland ka mamnuucay iney ka qeyb galaan shirarka ka dhaca magaalada Muqdisho. Afhayeenka madaxtooyada Puntland ahna wasiirka xiriirka goleyaasha, Cabdullaahi Quraan ayaa sheegay in goluhu uu taageero buuxda u muujiyey go’aannadii ka soo baxay shirkii dhawaan lagu soo gaba gabeeyay Kismaayo. “Shirkii Kismaayo oo uu horayba uga qeyb galay madaxweynaha ayey Puntland si buuxda u taageertay, waxaa kale oo laga hadlay sidii loo wajihi lahaa cadawga faraha badan ee ay Puntland leedahay, sida Al-Shabaab, Daacish iyo Somaliland.” Ayuu yiri Quraan Jecel oo la hadlay BBC-da. Dhammaan madaxda maamul goboleedyada ayaa dhawaan warmurtiyeed ay ka soo saareen Kismaayo ku sheegay iney hakiyeen xiriirkii xukuumadda dhexe, taasoo qeyb ka ah khilaafaad u dhexeeya labada dhinac ee in dhawaaleba soo jiitamayay.
  16. Koonfur Galbeed oo hakisay xiriirkii ay la laheyd DF Koonfur Galbeed ayaa waxa ay sheegtay iyada oo tixraaceysa shirkii magaalada Kismaayo lagu soo gaba gabeeyay Sabtidii ina dhaaftay inay hakisay xiriirkii wada shaqeyneyd ee kala dhaxeeyay dowladda federaalka Soomaaliya. Go’aankan ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii shalay magaalada Baydhabo kulan deg deg ah oo waqtigiisa laga soo hormariyay ay ku yeesheen golaha wasiirada maamulkaasi, kaasi oo uu shir guddoominayay madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan. Koonfur Galbeed ayaa dhammaan shaqaalaha wasaaradaheeda ku wargelisay in aysan wax wada shaqeyn ah la sameyn karin dowladda federaalka Soomaaliya ilaa amar dambe. https://xogdoonnews.net/koonfur-galbeed-oo-hakisay-xiriirkii-ay-la-laheyd-df/
  17. MMA i think its clear that you and me haven't watched the same video, the Video were Farmaajo was speaking at the special occasion of the parliamentary opening, clearly showed that the chairs were empty and the reception was poor felt, due to heavy opposition against his term. As for the statement about not interlinking Somalia with Farmaajo, i simply wasn't, in-fact i love Somalia deeply, but i despise the weak no-back bone disgraceful of man called Farmaajo, its truly saddening that he hoodwinked us Somalis into becoming a President, its a well learned lesson of never again to elect any individual of his sorts! What i'm doing is called a constructive criticism where i defend Somalia from these so called ''train-wrecked'' officials in the highest office of the land,
  18. xildhibaanada baarlamaanka Galmudug ayaa shegay in ay Xilka ka qaadeen Gudoomiyaha Baaralamaanka maamulka Galmudug Cali gacal casir. xildhibaanada ayaa sheegay in ay rideen gudoomiyihii baarlamaanka galmudug islamarkaana uu maanta wixii ka dambeya uu yahay xildhibaan galmudug ah. Dhagayso 89 Xidlhibaano sheegay in ay xilka Ka Qaadeen Gudoomiyaha Baaralamaanka Galmduug. http://mudug24.com/2018/09/11/dhagayso-xidlhibaano-sheegay-in-ay-xilka-ka-qaadeen-gudoomiyaha-baaralamaanka-galmduug/ Shir jaraa’id uu maanta qabtay Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee golaha shacabka Galmudug Xareed cali xareed ayaa sheegay in uu soo gaaray Mooshin ay soo gudbiyeen Xildhibaano ka Tirsan Galmudug. Waxa uus sheegay in uu Mooshinkaan aqbalay ka dib markii ay soo gudbiyeen xildhibaano ka tirsan Galmudug. Dhagayso Gudoomiye ku xigeenka Galmudug oo Aqbalay Mooshin laga gudbiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug http://mudug24.com/2018/09/12/dhagayso-gudoomiye-ku-xigeenka-galmudug-oo-aqbalay-mooshin-laga-gudbiyay-gudoomiyaha-baarlamaanka-galmudug/
  19. Puntland Parliment agrees the Relations cut with Farmaajo's Somalia Central Government. Golaha Wasiirada Maamulka Puntland ayaa si buuxda u taageeray go,aankii ay madaxda Maamul Goboleedyada xiriirka ugu jaraan dowladda Federaalka Soomaaliya Kadib war murtiyeed kasoo baxay shirkii Kismaayo.