malistar2012

Nomad
  • Content Count

    2,754
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by malistar2012

  1. Somaliya (AllPuntland)- Madaxweynaha dawlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Mudane CabdiRAXMAAN Shiikh Maxamuud (CabdRAXMAAN-Faroole) oo ay aad u hadal hayeen dadka aadka ula socda siyaasada Soomaaliya inuu isu soo taagi doono tartanka doorashada madaxweynaha Dawlada Federaalka ee Soomaaliya oo hadda ololeheedu sidda weyn uga socdo Soomaaliya ayaa go'aansaday in uusan ka qaybgalin tartankaas. Waa maxay Sababtu: Madaxweyne Faroole iyo la taliyayaashiisa siyaasada Puntland ayaa gabi ahaanba goostay in ayan Puntland xiligaan raadin helida jagooyinka Madaxweynaha iyo tan Raysal wasaaraha dawlada Federaalka iyagoo ku sababeeyay in dawladihii kumeel gaarka Federaalka ee 2005 ilaa 2012 ay Puntland soo qabatay jagooyinkaas, ayna hadda haboon tahay inay u dhaafaan Somalida kale waa sidda ay hadalka u yiraahdeen masuuliyiiin sare oo ka tirsan xafiiska Madaxtooyada Garoowe. Maxay Rabaan? Ilo wareedyo jooga Garoowe, Muqdisho iyo Nayroobi ayaa AllPuntland.com u xaquujinaya inay Puntland sannadkaan u tartamayso xilka Gudoomiyaha Barlamaanka Federaalka. Musharaxa Madaxweyne Faroole uu taageersan yahay: Warar aanu ka helnay ilo wareedyo AllPuntland oo ka hawlagala xafiista madax-weyne Faroole waxay noo xaqiijiyeen in madaxweynuhu si weyn ugu istaagay taageerada sidduu uu ugu guulaysan lahaa Musharaxnimaddiisa Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya uu isu soo sharaxay Xildhibaan Cabdirsaaq Cusmaan Xasan (Juurille) oo isaguna todobaadkaan ku dhawaaqay Musharaxnimadiisa xilkaasi. Taageero Maaliyadeed: Warar iska hor imaanaya ayaa hadda saaran miiska warraka AllPuntland ee xafiiska Kobenhagen oo u xilsaaran warkaan, kuwaas oo noo sheegayaan ilo wareedyo si weyn wargal u ah, waxaanu hadda ku raadjoogna kala saarida wararkaas iska hor imaanaya ee xqiijinta wararkaas nala soco 24-ka saac ee socda haddii RABBI idmo. Warkaan waxaa isku duway Xafiiska APL ee Yurub
  2. Somaliya (AllPuntland)- Ilaa shalay AllPuntland waxay ku raad joogtay ogaanshaha xaqiiqada warar is burinaya oo la xiriiray in Puntland ay ku taageerayso dhaqaale musharax Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya u tartamaya. Xildhibaan Cabdi-RISAAQ Cusmaan Xasan (Juurille) oo isagu todobaadkaan ku dhawaaqay Musharaxnimadiisa xilkaasi ayaa Garoowe joogay dhawaan, wuxuuna kulama isdaba yaal la lahaa madaxda Puntland ugu saraysa, Prof. Cabdi-RISAAQ Juriile oo lagu yaqaan la jaanqaadida kolba dabaysha siyaasadeed ee socota Soomaaliya, si weyna uga dhex muuqday dawladihii dalka soo maray oo dhan ayaa xaqiijiyay helida xildhibaanimadiisa Baarlamaanka Federaalka ka hor intii uusan ka duulin Garoowe. Maxaa sababay u Tartamida xilka Gudoomiye-nimada Baarlamaanka Federaalka ee Prof. Juriile: Ka dib markii uu isu soo taagay isla xilkaas Gudoomiyanimada Baarlamaanka Prof. Cali Khaliif Galayr, maamulka Puntland durba waxay bilaabeen inay dib uga fakaraan sidda uu noqon karo natiijada dawlada Federaalka haddii madaxdeda sare uu kusoo biiro Prof. Galayr iyagoo ka eegaya natiijadii dawladii Carte oo Prof. Cali Raysalwasaaraha ka ahaa, taasoo ay markii dambe go'aansadeen inay taageerooda siiyaan Prof. Juriile. Taageero Dhaqaale Saraakiil Wargal ah oo ay ku lee dahay APL wasaarada Maaliyada Puntland iyo Bangiga dhexe ee Puntland oo ah labada goobood oo laga ogaan karo lacagaha dawlada ka baxa, waxay noo xaqiijiyeen in aysan jirin kolay ilaa hadda lacago dheeraad ah oo ka baxsan miisaaniyadii caadiga ahayd oo baxay. Wararkaan waxaa soo uruuriyay wakiilo iyo ilo wareedyo ku sugan Nairobi, Muqdisho, Garoowe iyo Boosaaso AllPuntland.
  3. is too late !!!!!! Ali is not havin it .... its Ali seasone
  4. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Shiikh Shariif ayaa kulamo kula qaatay Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde qeybta VIP-da Danjirayaal ka kala socoday wadamada Mareykanka,Ingariiska iyo Midowga Yurub. Kulanka uu Madaxweynha la qaatay danjirayaasha oo irdaha ay u xirnaayeen ayaa ka warbixiyay kadib kulanka waxa ay isla soo qaadeen,waxaana uu sheegay in kulankooda ku saleysnaa dhameystirka xubnaha ka dhiman Baarlmaank si loo dhameystiro dedaalada loogu jiro madaxtinimada dalka,waxaana uu madaxweynahu sheegay in ay isla afgarteen hadii la celiyo xubnaha hada maqan aysan wax saameeyn ah ku yeelan doonin mustaqbalkooda taasi oo loola jeeday in wax danbi ah aysan lehey. “Wada hadalkeenu waxaa uu ku saabsanaa liiska inta hartay sidii loo xalin lahaa iyo in aragti la iska dhaafsado marka hore in liiska uu soo yaraado oo meeshaan uu soo gaaro waxaa ay aheyd guul marka labaadna in laga wada shaqeeyo liiska dhameystirka inta dhiman wada hadalkiisna la sii wado dadka la heystana in aan loo heysan danbiyo ay ku xakuman yihiin,Maxkamadana aysan aheyn,xitaa qofkii ka haraan noloshiisa saameyn aysan ku yeelan doonin”Ayuu yiri Madaxweyne sheikh Shafiir. Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maalmahan u guntaday sidii shacabka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen dowlada buuxda oo aan KMG aheyn taasina la gaari doono marka uu Baarlamaanka doorto hogankiisa iyo Madaxweynaha jamhuuriyadda iyo xukumada Soomaaliya.
  5. Madax weynaha dlka Uganda Yoweri Kaguta Museveni oo ah nin miisaan culus ku leh siyaasada Soomaaliya ciidamada ugu badana ay ka joogaan ayaa si cad uga hadlay isbadalka cusub ee lagu doonayo in ay Soomaaliya ay ku yeelato dowlad rasmi ah oo la wada aqoonsan yahay. Museveni ayaa si cad ugu sheegay xubno ka kala socday USA iyo EU in uu ciidamadiisa kala bixi doono dalka Soomaaliya hadii aan madax weyne loo dooran Sheekh shariif Sheekh Axmed , kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in USA iyo EU ay doonayaan in ay kursiga madax weynaha ku fariisiyaan nin ay iyaga wataan oo siyaadooda ku shaqeynaya , aysana raali ka aheyn shacabka Soomaaliyeed. Museveni ayaa qiray in Sheekh Shariif wax weyn qabtay, isla markaana uu bedelay jawigii cakirnaa ee ay ku sugneyd siyaasada soomaaliya, loona baahan yahay in uu sii shaqeeyo si loo dhameys tiro wax qabadkiisii 4- ta sano ee geesinimada iyo dul qaadka ku dhisnaa. Beesha uu ka dhashay Sheekh Shariif ee ****** aad bey noola shaqeeyeen , gacan balaarana wey na siiyeen taas oo noo suura gelisay in aan ka guuleysan AL SHABAAB kana saarno gobolo fara badan, halka ay ciidamada ETHIOPIA oo 40 kun gaaraya ay dagaalbalaaran kula jireen kaas oo keenay in ay wax horumar ah gaari waayaan : ayuu yiri Museveni oo sheegay in loo baahan yahay in xaqiiqda la abaaro. Museveni ayaa ugu dambeyntii sheegay in aanu dooneyn in la bur buriyo wax qabadkoogii iyo guulihii ay gaareen sidaa darteed loo baahan yahay in Sheekh Shariif mar kale uu noqdo madax weynaha soomaaliya maadaana uu heysto taageerada ugu balaaran shacabka soomaaliya, wuxuuna ugu dambeyntii sheegay in uu ciidamadiisa uu kala bixi doono soomaaliya hadii aan sheekh shariif loo dooran madax weynaha Soomaaliya. Muse Mohamed osman Kampala - uganda Maxamuud Axmed Xasan Web Updating, Somaliweyn Website xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com www.somaliweyn.com
  6. Duke and Mooge If Galayre Wins speaker of the Parliament , What is Puntland stand on that and also are you guys going to accept new Government. Prof: Mohamed Sheikh Osman Jawaari supporters are abdiwalli subclan on seriouse note you and I now this . Rest of the Parliament will vote for Galayre most likely jus to eliminate Gas politics .
  7. Ali Khalif Galayr is working hard in Xamar to get Speaker of the Parliament position , Ali Khalif Galayr is the talk in Mogadishu today Rumours is he will win by a landslide . He has the support of major players and unlimited votes .Farmoajjo is working 24 hrs , meeting the dblock elders , asking them to stop Ali Khalif Galary from running. Khatuum will benefit if Galayr wins as their territory is occupied , Rer Khaatuum are back in Somali politics as they are causing earthquake Mogadishu .
  8. Madaxweyne Shariif has no connection to the warlord , lets get that clear . Madaxweyne Shariif is not selecting mps its the Elders ..... The President has to accepted wish of the elders , thats all their is . Madaxweyne Shariif did not include any warlords into his administration unlike prior administration.. Its was TFG and the International world that brought the warlords back When Madaxweyne Shariif chased them out of Somalia .. abdiwali camp is playing with fire ..... he almost cheated his way to the top position with help of TSC
  9. Shariif sakiin is in the parliment ? hasan Abashir , Galary .........ETC Madaxweyne Shariif is real waadani , president is tryin solve stituation peacefull way . The Guys that are reject by Abdiwali /TSC have significant influence over their elders , NOw the Elders pressuring President or they wont accepted any outcome.
  10. 7-ka mid ah ilaa 64-mudane oo ay dib u celiyeen Gudiga farsamada ee soo xulista Baarlamaanka ayaa maanta dib u helay kaararkooda aqoonsiga, kadib dadaal ballaaran oo uu sameeyay Madaxweynaha. Xubnaha 7-da ah ayaa ahaa garabyada Madaxweynaha ee Aala-Sheekh, iyadoo loo heystay arrimo la xiriira dambiyo iyo inay ahaayeen Islaamiyiin sida ay sheegayaan wararka. Inkastoo Madaxweyne Shariif saddex maalmood ee u dambeeyay waday dadaalo arrimahan la xiriiray iyo sidii xayiraada lagu qaadi lahaa ayuu xubno ka mid ah ku guuleystay. Xubnaha helay Kaararka aqoonsiga ee Xildhibaanimada ayaa waxaa ka mid ah Wasiirkii hore Arrimaha Gudaha C/qaadir Cali Cumar, Wasiiru Dowlihii Madaxtooyada Xasan Macalin Maxamuud, Maxamed Cabdulle Faarax, Maxamed Maxamuud Ibraahim, Naciimo Maxamed Gacal, sidoo kale xubnaha qaar waxaa ku jira xubno horay Xildhibaano u ahaa sida C/rashiid Maxamed Xidig. Arimahan oo dhami waxay ka danbeeyeen marki guu madaxweynaha shalay kulan adag la qaatay xubno ka socday beesha caalamka oo uu u sheegay in arrintu aysan wanaagsanaan doonin hadii la diido xildhibaanada la celiyey. Maantana kulan ay Muqdisho ku yeesheen madaxweyne Sharif iyo Augustine Mahiga ayey kaga hadleen dhameystirka xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka. Wali waxaa dhiman Xildhibaano kale oo gaaraya kontomeeyo oo ay ku jiraan raggii hogaamiye kooxeedyada horay u ahaa, iyadoo ay isugu jiraan beelaha kala duwan ee Soomaaliyed, kuwaasoo liiskooda ay horay u
  11. Abdulahi Yusuf Aun , first Somali warlord was elected as president i dident seen anybody crying ? Warlod? Somalia has chance today , Abdiwali and farlo camp , The games they are playin my change everything Bring as back to ground zero ., President accepted Growe 1 ,2 etc trying to apease for sake of Somaliweyn .,
  12. Gudiga TSC are uselss they have to accept Mahiga and the President Order , they either work for Farol or TFG , The likes of Xoosh are not gonna play us . Notice how puntalnd Media uses Title Madaxweynaha wakhtigiisii dhamaaday Shiriif Sh. Axmed , Horseed Media Madaxweyne Shariif iyo Danjire Mahiga , Hiiraan com
  13. Madaxweyne Shariif iyo Danjire Mahiga oo ka hadlay Dhammeystirka Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay danjire Augustine Mahiga ayaa maanta yeeshay kulan ku saabsan sidii lagu dhammeystiri lahaa liiska xildhibaanada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya. Kulanka oo ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha KMG ah ee baarlamaanka, Jen. Muuse Xasan, wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka, C/samad Macalin Maxamuud iyo taliyaha ciidamada AMISOM Jen. Andrew Gutti, waxaana kulanka kaddib shir jaraa'id qabtay Shariif iyo Mahiga. “Kulanku wuxuu daba socday kulammadeenii hore, waxaana ka hadalnay sidii loo dhammeystiri lahaa qaybta ka dhimman xubnaha baarlamaanka iyo mashaakilka yar ee jira sidii loo xalin lahaa, waxaana isla garanay inay lagama maarmaan tahay in la dedejiyo dhameystirka baarlamankaa inay tahay mid lagama maarmaan ah,” ayuu yiri madaxweyne Shariif. Madaxweynaha Soomaaliya oo la weydiiyay su’aal ahayd in baarlamaanka cusub lagu darayo xubnihii ay soo celiyeen guddiga farsamo ee xulista baarlamaanka ay ku sheegeen inay dambi galeen ayaa sheegay inaan la oran karin cid aysan maxkamad xukumin dambiile. "Dambi waxaa lagu xaqiijiyaan qaab la yaqaano oo ugu dambeyn ah in maxkamadi xukunto dadka, mana jiraan dad xukuman oo liiska ku jira - in dad la yiraahdo dambiileyaalna waxay u baahanaysaa in xukun maxkamadeed la keeno... waxayna waxyeeleysaa in xilligaan oo kale wax yaabo noocaas ah la dhex-galo nabaddii iyo kalsoonidii dadka (waxayna keeneysaa) dadku waxay kasoo gudbeen in dib loogu celiyo, waxay kaloo wax yeeleysaa habkii dib u heshiisiinta iyo heshiis kasta oo suuragal ah in lala galo dad kasoo horjeeda dowladda, aragtidaasna waa inay meesha ka baxdaa,” ayuu yiri Shariif Sheekh. Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu yiri: “Waa inaan isha ku heynaa horumarka nabadda, isku kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ka dhex jirta, in si nabad ah loogu gudbo marxaladda cusub, iyadoon qof, koox iyo qolo gaar ah aan bartilmaameed laga dhiganayn.” Ugu dambeyn, dajire Mahiga oo isaugna shirka jaraa'id ka hadlay ayaa sheegay inuu kulamo la qaatay odayaasha iyo guddiga farsamada, kaddib markii uu shalay kulan la qaatay wakiilo ka socday beesha caalamka, isla markaana caawa ama ugu dambeyn berri subax la heli doono liiska xildhibaanada ka maqan baarlamaanka si isla berri loo dhaariyo. Guddiga farsamada ayaa waxay horay liiska xildhibaannada uga saareen xubno lagu sheegay inay dambiyo galeen, waxaana xubnahaas ka mid ahaa Maxamed Ibraahim Xaabsade oo sheegay in dib u soo celinta magacyadooda dano gaar ah laga lahaa. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  14. Warlod Started this process since 2000 . they elected Abdulahi Yusuf , Whats the different Now
  15. Madexweynaha dawlada Puntland Mudane C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo maanta boqolaal shacabka soomaaliyeed ee magaalada Garowe ku nool kula tukaday salaadii Ciidul-fitriga garoonka kubada cagta ee Mire aware ayaa khudbad dheer oo dhinacyo badan leh u jeediyay shacabka qaybihiisa kala duwan ee barxadan isugu yimid iyo kuwa kale ee gobollada ee Idaacada Tooska u tabaniya kala socday. Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faaroole ayaa sheegay in aan lagu dari karin xildhibaanada hogaamiye kooxeedyadda koonfurta Soomaaliya isagoona ku hanjabay in hadii lagu daro liiska xildhibaanda ay ka tashan doonaanaa Soomaaliya inteeda kale hadana ay u diyaarsan yihiin dastuur iyo nidaamkii ay ku go'i karno. Faroole ayaa sheegay in hogaamiye kooxeedyaddu ay yihiin kuwii kasoo qaxiyey guryahooda isla markaana laayey dadkoodii reer magaalka ahaa sidaa darteedna wax kale oo u yaalo aysan jirin oo aan aheyn maxkamad la hor keeno taana waxaan u sheegeynaa shaqsiyaadka u doodaayo in ay ka waantoobaan hadaladda macna darradda ah ee aan suurta galka noqon karin ayuu yiri madaxweyne Faroole. Anagaa sameynay nidaamka dariiqa nabadda si loo xakameeyo dadka nidaam diidka soomaaliyana loogu sameeyo dowlad federaal oo aan u aragno danta reer Puntalnd inay ku jirto asaga oo sheegay inay ka digayaan in la doorto dad uu u arko federaal diid waa sida uu hadal u dhigaye.
  16. “ Waa odayaasha dhaqnka kaliya, kuwa iska leh masuuliyadda magacaabidda 275-ta xildhibaan, sida madaxweynuhu sheegay ma jiri karto wax qof bartilmaameedsi ah, tanina waa waddada kaliya ee horay loogu soconayo” ayuu yiri Danjire Mahiga oo sheegay in madaxweynaha uu leeyahay hoggaaminta dhammeystirka marxaladda KMG ah. ——— Dhammaad——— Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale sheegay inaan la aqbali Karin in shaqsiyaad gaar ah la bartilmaameedsado oo loo diido inay baarlamaanka ka mid noqdaan, wuxuuna yiri. “(Waxaan ka wada hadalnay) Inaysan jiri Karin lana aqbali Karin in qof ama shaqsi ama koox la bartilmaameedsado, wax walbana ay ku dhammaadaan sidii loogu talo galay”
  17. Muqdisho [RBC] Kaddib markii xaley lagu arkay Internet-yada liis ay ku qoran yihiin magacyada ilaa 202 xubnood oo ka mid noqon doona baarlamaanka cusub, ayaa waxa arrintaas ka hadlay Guddiga Farsamada. Gudoomiyaha Gudiga Farsamada ee soo xuliska iyo soo gudbinta Magacyada Baarlamaanka Cusub Pro. C/laahi Xiiray oayaa sheegay in liiskaas aysan iyaga soo saarin, laakin liiska rasmiga ee ay ku qoran yihiin qaar ka mid ah xubnaha baarlamaanka uu soo bixin doono maanta oo ah Sabti. Liiskan waxa ka dhexmuuqda shaqsiyaad xubno horey uga tirsanaa baarlamaankii hore, musharixiinta hadda u taagan xilka madaxweynaha , waxana ka mid ah ra’iisal wasaare Cabdi wali Cali Gaas, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo kuwa kale oo ay xulafo yihiin. liiska la soo galiyay internet-ka waxa ay Gudiga farsamada lee yihiin ma ahan kii saxa ahaa, waxana uu si rasmi loo shaacin doonaa maanta oo Sabti ah. Si kastaba liiskan oo ay ka maqan yihiin dad horey looga bartay dowladda, ayaa ku soo aaday saacada uun markii madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Danjire Mahiga ayaa sheegayn in gudiga farsamada ay xaq u lahayn in dad gooni ah ay ka joojiyaan baarlamaanka cusub. Liiskan sidoo kale waxa ka maqan qoondadii ay ku lahayd dumarka ee ahaa 30% Wixii warar ee ku soo kordha wararkan kala soco Raxanreeb.com RBC Radio
  18. Whas sup Abdiwalli is it over for This N........
  19. “(Waxaan ka wada hadalnay) Inaysan jiri Karin lana aqbali Karin in qof ama shaqsi ama koox la bartilmaameedsado, wax walbana ay ku dhammaadaan sidii loogu talo galay” Strong Talks from the President
  20. “ Waa odayaasha dhaqnka kaliya, kuwa iska leh masuuliyadda magacaabidda 275-ta xildhibaan, sida madaxweynuhu sheegay ma jiri karto wax qof bartilmaameedsi ah, tanina waa waddada kaliya ee horay loogu soconayo” ayuu yiri Danjire Mahiga oo sheegay in madaxweynaha uu leeyahay hoggaaminta dhammeystirka marxaladda KMG ah. ——— Dhammaad——— Shariif Ahmed the Winner