malistar2012

Nomad
  • Content Count

    2,754
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by malistar2012

  1. Madaxweynaha dowladda Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta ka hadlay shaqada guddiga farsamada iyo xulitaanka baarlamaanka iyo dhammeystirka marxaladda KMG ah, kaddib kulan uu la qaatay ergayga qaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Dr. Agostine Mahiga. Shir jaraa’id oo ay madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo Danjire Mahiga ku qabteen xarunta madaxtooyada ayuu madaxweynuhu ku sheegay in guddiga TSC-du ay shaqadoodu tahay kaliya inay hubiyaan in xubnaha baarlamaanku ay buuxiyeen shuruudihii lagu heshiiyay (criteria), shirarkii Garowe, Galkacyo, Adis Ababa iyo Nairobi. “Waxaan isla garanay in 20-ka Agoosto marka loogu yaryahay Baarlamaanka aan heysano, heshiisyadii Garowe, Gaalkacyo, Adis Ababa iyo Nairobi in la ixtiraamo, guddiga farsamadu waxay leeyihiin inay criteria-da dadka u fiiriyaan, awood intaas ka baxsan malaha, hadday wax khilaafa yimaadaana guddiga odayaasha ah ee u xilsaaran ayaa iska leh” ayuu yiri madaxweynuhu. Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale sheegay inaan la aqbali Karin in shaqsiyaad gaar ah la bartilmaameedsado oo loo diido inay baarlamaanka ka mid noqdaan, wuxuuna yiri. “(Waxaan ka wada hadalnay) Inaysan jiri Karin lana aqbali Karin in qof ama shaqsi ama koox la bartilmaameedsado, wax walbana ay ku dhammaadaan sidii loogu talo galay” Madaxweynaha ay saxaafaddu weydiisay in baarlamaanka cusub ay ka mid noqon karaan hoggaamiye kooxeedyadii dalka, wuxuu sheegay in loo baahan yahay inaan la siyaasadeyn arrinta ee loo fiiriyo qof kasta inuu buuxiyay wixii lagu heshiiyay. “ Marka la rabo qof in la eedeeyo waa in maxkamad caddaalad ah ay xukuntaa, marka qof ay maxkamad caddaalad ah xukuntay ma jiraa oo la dhihi karo dambiile waaye, waxaa laga hadlaayayna waxay ahaayeen dambiilenimo, marka waxaa la rabaa inaan la siyaasadeyn oo qorshaha sida uu yahay loo wado” ayuu yiri madaxweynuhu. Danjire Mahiga oo ka hadlay shirka jaraa’id ayaa sheegay in masuuliyadda soo xulidda baarlamaanka ay leeyihiin kaliya odayaasha dhaqanka, isla markaana aan la aqbali Karin in si gaar ah loo bartilmaameedsado shakhsiyaad ama dad gaar ah. “ Waa odayaasha dhaqnka kaliya, kuwa iska leh masuuliyadda magacaabidda 275-ta xildhibaan, sida madaxweynuhu sheegay ma jiri karto wax qof bartilmaameedsi ah, tanina waa waddada kaliya ee horay loogu soconayo” ayuu yiri Danjire Mahiga oo sheegay in madaxweynaha uu leeyahay hoggaaminta dhammeystirka marxaladda KMG ah. ——— Dhammaad———
  2. Degmooyinka marka la magacaabayo waxaa soo diyaarisa wasaaradda arrimaha gudaha, kaddibna waa soo gudbiyaan, haddii lagu qanco wixii ay soo gudbiyeen inay sax yihiin waa la magacaabaa, haddii meelaha qaar su’aalo loo baahdana waa la weydiiyaa kaddibna waa la magacaabaa, Golaha wasiiradu wax shaqo ah oo ay ku leeyihiin malaha, waligeed shaqo kuma yeelan” ayuu yiri. President states this plan was put forward by the Minister of Interior. In my opinion this is PR Campaign .Ina Gas wants to stay in the news , President cannot resign due the difficult situation Somalia is facing. Election , war on Alshabaab And Strengthening security and stability.
  3. Xuseen Ciise Carab "Xukuumaddu waqtigeeda waa dhammaaday, waxaana la sugayaa in R/wasaaruhu ku dhawaaqo is casilaadiisa" Xuseen Ciise Carab oo ah R/wasaare ku-xigeen & wasiirka gaashaandhiga xukuumadda federaalka ayaa ka horyimid, kuna tilmaamay arrin sharciga khilaafsan in C/weli Gaas oo madax ka ahaa xukuumadda federaalka ee waqtigeedu dhammaaday uu sii sheegto R/wasaarenimo. Xuseen Ciise wuxuu xusay in R/wasaaraha uu si automatically ah xilkiisa u dhammaanayo waqtigan, isagoo sheegay in aysan jirin kala qeybsanaan xukuumadda dhexdeeda. "Sharcigu ma ahan wax qof jeebka ugu jiro ama la jiifiyaana banaan, la joojiyaana banaan, xukuumaddu waqtigeeda waa dhammaaday, waxaana la sugayaa in R/wasaaruhu ku dhawaaqo is casilaadiisa" ayuu yiri Xuseen Ciise Carab. Xuseen wuxuu sheegay in muddadii uu xilka R/wasaarenimada hayey C/weli in ay jireen shaqooyin muhiim ah oo la qabtay, guulna ku dhammaaday. "C/weli Gaas muddadii uu hayey xilkaasi waxaa lagu guuleystay in magaalada Muqdisho laga xorreeyo qolooyinkii nabad-diidka ah" ayuu yiri Xuseen Ciise Carab
  4. 5 days left for election both Madaxweyne Shariif And prime ministers Gass are showings signs of irresponsible and Selfishness . Gass is trying to drag president into a dirty politics , dividing TFG inorder to get sympathy .
  5. Waxaa sii kordhaya Qilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Dowlada KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Raizul Wasaare Cabdi Wali gaas kaa oo ku saleesan awooda labada Masuul ee ku aadan magacaabista Degmooyinka iyo diidmada daba taal. Raizul Wasaare gaas ayaana Caawa durba ka jawaabay soona saray Degreeto uu mar kale sharci daro uga tilmaamayo in Wareegtooyinkii Madaxwerynaha uu horey usoo saaray. Madaxweyne Shariif oo Maanta Shir jaraa’id muqdisho ku qabtay waxa uu sheegay in aysan jirin Xukuumad awood leh oo wax diidi karta waxna ogolaan karta shaqana ku laheyn in ay ka horyimaadaan Wareegtooyinkii uu ku magacaabay degmooyinka kuna dalacsiiyay Saraakiisha. Dikreetada Raizul Wasaare Gaas aya au qorneed Sida Tan.
  6. Welcome back Shariif Sheekh Axmed Gass was told to mind his own business don’t intervene with lion of somalia , Since you no longer hold any position or power. Shariif Ahmed states Recent acts of intimidation towards Parliament committee is nothing but a bluff . Constitution Minister Mr. Xoosh: You are Safe in Xamar don worry about Shariif saakiiin. “Qof dhowr sano xildhibaan soo ahaa haddii la yiraahdo xildhibaannimo waa weysay, wax kasta afkiisa way ka soo bixi karaan, marka yaanan u qaadin wax walba inay sida la sheegay u dhici doonaan” ayuu yiri madaxweynaha oo sheegay in guddiga xulidda baarlamaanka ku howlan ay dowladdu sugeyso ammaankooda. Madaxweynaha waxaa wax laga weydiiyay degmooyinka cusub ee gobollada dalka qaarkood lagu kordhiyay iyo kaalinta ay golaha wasiiradu ku leeyihiin sharci ahaan, wuxuuna sheegay in ay soo jeedinta leedahay wasaaradda arrimaha gudaha, marka la hubiyo macluumaadka ay soo gudbisay kaddibna la magacaabo. Wuxuu sidoo kale sheegay in golaha wasiiradu aysan saameyn laheyn mar haddii uu is sharraxay R/wasaaruhu. “Degmooyinka marka la magacaabayo waxaa soo diyaarisa wasaaradda arrimaha gudaha, kaddibna waa soo gudbiyaan, haddii lagu qanco wixii ay soo gudbiyeen inay sax yihiin waa la magacaabaa, haddii meelaha qaar su’aalo loo baahdana waa la weydiiyaa kaddibna waa la magacaabaa, Golaha wasiiradu wax shaqo ah oo ay ku leeyihiin malaha, waligeed shaqo kuma yeelan” ayuu yiri . “ Arrinta labaadna waxay tahay xukuumadda mar haddii uu R/wasaaruhu Musharrax noqdo, xukuumaddu waxay noqoneysaa mid aan saameyn lahayn, qaraarna maba soo saari karto”.
  7. (Mogadishu, Somalia, Aug, 15, 2012) Madaxweynaha Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kaddib markii uu ka soo qeyb galay shirka waddamada Islaamka oo ka dhacay dalka boqortooyada Sacuudi Carabiya. Dadweyne badan oo sita calanka dalka iyo sawirka madaxweynaha ayaa isugu soo baxay waddada Maka Al-Mukarrama kuwaas oo soo dhaweynayay madaxweynaha, sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo ay ku jiraan Wasiirka Difaaca Xuseen Carab Ciise,Wasiirka Shidaalka C/qaadir Dhicisow, wasiirka Maaliyadda C/naasir Maxamed Cabdulle iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan sidoo kale Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida, Taliyaha Ciidamada Amisom iyo shacab kale ayaa garoonka ku soo dhaweeyay madaxweynaha. Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa socod lug ah ku soo maray waddada Maka Al-Mukarrama oo uu ku gacan qaaday dadweyne hareeraha waddada isugu soo baxay, kuwaas oo ku dhawaaqayay hal ku dhigyo ay madxweynaha ku taageerayeen. Shir jaraa’id oo uu madaxweynuhu saxaafadda ugu qabtay madaxtooyada ayuu ku sheegay in shirka dalalka Islaamka looga hadlay dhibaatooyinka ka jira dalalka Islaamka sida Suuriya, Burma, Sudan, Maali iyo Soomaaliya. Wuxuuna sheegay in la isku raacay in laga taageero sidii ay dhibaatada uga bixi lahaayeen. Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed wuxuu ka hadlay xaaladda uu dalku marayo, wuxuuna rajo ka muujiyay in 20-ka Agoosto ka hor ay diyaar noqdaan xildhibaanada Baarlamaanka si loo qabto doorashada madaxda. Sidoo kale wuxuu ka hadlay cabashooyinka ka soo yeeray guddiga xulitaanka Baarlamaanka iyo hanjabaad la sheegay in loo jeediyay. “Qof dhowr sano xildhibaan soo ahaa haddii la yiraahdo xildhibaannimo waa weysay, wax kasta afkiisa way ka soo bixi karaan, marka yaanan u qaadin wax walba inay sida la sheegay u dhici doonaan” ayuu yiri madaxweynaha oo sheegay in guddiga xulidda baarlamaanka ku howlan ay dowladdu sugeyso ammaankooda. Madaxweynaha waxaa wax laga weydiiyay degmooyinka cusub ee gobollada dalka qaarkood lagu kordhiyay iyo kaalinta ay golaha wasiiradu ku leeyihiin sharci ahaan, wuxuuna sheegay in ay soo jeedinta leedahay wasaaradda arrimaha gudaha, marka la hubiyo macluumaadka ay soo gudbisay kaddibna la magacaabo. Wuxuu sidoo kale sheegay in golaha wasiiradu aysan saameyn laheyn mar haddii uu is sharraxay R/wasaaruhu. “Degmooyinka marka la magacaabayo waxaa soo diyaarisa wasaaradda arrimaha gudaha, kaddibna waa soo gudbiyaan, haddii lagu qanco wixii ay soo gudbiyeen inay sax yihiin waa la magacaabaa, haddii meelaha qaar su’aalo loo baahdana waa la weydiiyaa kaddibna waa la magacaabaa, Golaha wasiiradu wax shaqo ah oo ay ku leeyihiin malaha, waligeed shaqo kuma yeelan” ayuu yiri . “ Arrinta labaadna waxay tahay xukuumadda mar haddii uu R/wasaaruhu Musharrax noqdo, xukuumaddu waxay noqoneysaa mid aan saameyn lahayn, qaraarna maba soo saari karto”.
  8. Must see video Madaxweyne shariif gives speech and raises Soldiers morals . Madaxweyn shariif Leader we need today , " frameborder="0" allowfullscreen>
  9. Madaxweyne shariif oo boqday furumaha dagaal.30.04.2011.mpg " frameborder="0" allowfullscreen> Madaxweyne shariif Leader / Rebel / Hero
  10. Warbixinada la Xiriira: Madaxweyne Shariif oo booqday Boondheere, 2012/02/16 Muqdisho: Madaxweyne Shariif oo booqday fariismo militari, 2011/11/07 Madaxweyne Shariif oo booqday Cusbitaalka Xalane, 2011/07/30 Madaxweyne Shariif oo booqday Jiidda hore ee dagaalka, 2011/03/22 Madaxweyne Shariif oo booqday deegaano ka mid ah Jiida dagaalka, 2011/03/09
  11. Thanks to madaxweyne Sharif Shekh Axmed Siyaasadda Somaliya waa markii ay ugu fiicneyd muddo 22 sano ah oo rag maalintaas cararay iyo kuwo ka hor ka lexa-jecleystay dalka ayaa maanta u soo shaqo doontay oo raba inay horumarkiisa ka qeyb qaataan waana wax lagu farxo inay aqoonyahandeenna noo soo wada noqdaan, waana waxyaabaha dadka taariikhda qoraan ay sheekh Shariif ku xusuusan doonaan inuu yahay kan fidiyey gogoshaan nabadeed ee hadda lagu dul tartaamaya.
  12. GOOBAHA AY HORUMARISAY DKMG EE UU HOGAANKA U HAAYO MADAXWEYNE SHARIIF 1- Dhismaha Wadooyinka iyo soo celinta amaanka Magaalada Muqdisho 2- Howl-galinta Ciidamada Dowlada Somalia kadib 20-Sanno markii la waayay Dowlad daryeesho Ciidanka xooga dalka Somalia 3- Dib u dhisida xarumaha waxbarashada, Ganacsiga, iyo waliba bad-baadinta Bulsho weynta 4- Ciribtirka Kooxaha Mucaaradka iyo nabad kusoo dabaalida Gabi ahaan magaalada Muqdisho iyo daafaheeda
  13. Madaxweyne Shariif iyo seddex sano kadib Maqaalkan gaaban waxaan ku eegeynaa waxqabdkii, waaba hadduu waxqabad jiree, shariif Shekh Axmed, madaxweynaha xilka ka sii dhammaanaya oo hadda u muuqda inuu markale nagu soo noqon doono. Madaxweyne shariif waxaa si cad loogu doortay dalka Jibuuti 2009kii iyadoo rajo aad u weyn laga qabay inuu wax badan ka qaban doono dalkan burbursan, baaba’asan ee ummadiisu ay gaajada, xabadaha iyo cuddurada ku goobteen.Ma jirin hay’ad shaqeyneysay xelligaas waxaana dadka ku socotay xabbad ma naxda ah oo qofkii damiir waddanimo leh uu soo xusuusto xanuun ku qabata. Haddaba annagoo u daneyneyna dalkeenna iyo dadkeenna ayaan waxan qalinka caaradiisa ku xisaabineynaa inaan seddex sano ka hor aan ka fiican nahay iyo inaan ka xunnahay waana sida dadka caqliga leh ay u xisaabtamaan intey danaha shakhsiga ah meel iska dhigaan iyagoo garasho iyo dhug u leh inay qaran xisaabinayaan. Waxaan ka duuleynaa in dalku uu ahaa baaba’a khater ku sii socday oo degmo waliba ay ay tan kale colaad kala dhaxeysay, reer walibana uu iswka jiray reeraha ay deriska yihiin, iyadoo qabiil waliba uu dhexdiisa ka dagaalsanaa. Dhinaca kale dalalka deriska nala ah oo mid waliba jecleyda inaan sii burburno si ay danahooda nooga qunsadaan. Gobollo iyo degmooyin ku taamayey inay qabiilkoda ka gooyaan inta kale. Dunida oo cabsi nagala qabay. Calankeenna oo sii liicayey, caruurteenna oo aan waxbarasho iska daaye waxay cunaan la’aa iydoo aysan abaar jirin. Hogaamiye kooxeedyo dalka, dadka iyo diintaba u beec ahayd ayaa wadaadka lagula tufay jibuuti lana yiri adigaa indho, dhego iyo lugaba noo ah. Dhab ahaantii ma jirin khibrad dawlad aqoon ee waxa kaliya uu lahaa waxay ahayd khibrad dad iyo diin aqoon waana intaas inta uu hadda nagu soo gaarsiiyey heerkan aadka uga duwan maalintii uu qabtay hogaanka. Maanta dawlada yaqaan og wax ka maqan iyo halka uu hiigsanayo. Waxaa laga yabaa in dad badan oo dano leh ama mucaarid ama uu damac ka galay hadda in la hogaamin karo dalka inay noo sheegaan ka badan ayaa la qaban karay ee marna nooma sheegi karaan wax lama qaban oo xataa goobtan hadda lagu tartamayaa iyo in la tartamaaaba iska iman ee waa wax uu wadaadka ka shaqeeyey, kuna riyooday maanta suurageliyey isagoo kaashaday dad badan iyo dalal badan mahadi ha ka gaadhee. Madaxweyne Shariif waa hogaamiyhii ugu safarka badnaa intii na soo martay waayo waxaa uu qabtay hogaanka dal aan kumi meel u ool oo baryo joogto ah lagu wado. Waxaa uu nin wasiir ahaa ii sheegay inay soo martay xelliyo la waayo wax shidaal loogu iibiyo ciidamo dagaal ku jira oo ganacsadihii laga sii qaadi lahaana yiri haddaan idin siiyo waa la I dilayaa. Waxaa uu goostay hogaamiye shariif inuu barya tagaa waxaasa ka sii darneyd markii la waayey nooligii lagu gaari lahaa cidii uu soo baryi lahaa oo kharshii dayuuradda ayaa la waayey. Intaan waa inyar oo aan baawsi ku ogaaday haddiisa isaga la weydiiyo waxaan ogaan doonnaa inta uu habeen madow ku fekeray armaa dal hebel iyo hogaamiye hebel wax bil lagu joogo ka soo heshaa subaxdiinna uu u labistay inuu baxo. Haddaba muxuu qabtay madaxweyne Sharif Shekh Axmed? Siyaasadda Gudaha Waxqabadka la sheegi karo ee siyaasada gudaha waxaa ugu waaweyn: Horumarka ammaanka Horumarka aad ka weyn oo laga sameeyey dhinaca ammaanka ayaa ah wax run ahaantii ay qof waliba ku faraxsan tahay, kuna naallooneyso iyadoo magaalada Muqdisho ay gabi ahaanba gacanta u gashay xoogaggii shebaabka ee dawladda ka soo horjeeday marka laga reebo qeybta hoose ee Wardhiigley iyo degmooyin X/Weyne, X/Jajab iyo Wabari. Sido kale Madina waligood ma qabsan. Maanta Muqdisho waa magaalo u socota inya si xawli ah ugu soo noqoto bilicdii lagu yiqiinnay iyo iyadoo dadkeeda ugu adeegi jirtay hawo macaan, muqaal qurux iyo hooy debecsan. Madaxwenuhu Shariif waxaa uu mar waliba ku dadaalay inuu hogaanka magaalada muqdisho kolba uu qof dayo ilaa inta uu ka helayo shakhsi u muuqda inuu ku sameyn karo isbadallada degdeg ah ee ay u baahan tahay Muqdisho waxaanu soo helay Hogaanka hadda Mudqisho haya oo heerkan soo gaarsiiyey. Madaxweynaha waxaa uu intaas maamulka la daba joogay talooyin iyo toosin iyadoo dad badani ay lahaayeen ka qaad iyo ka wareeji xilka hogaanka hadda haya. Dhinaca kale Muqdisho waxay madaxweyne shariif u haysaa laba mahadood oo laba jeer ayuu marna gacatiisa iyo qorigiisa ku xoreeyey marna hogaamintiisa iyo siyasadiisa. Waxaana madaxweyne shariif Shekh Axmed Muqdishu oo ah Caasimadda Ummadda Somaaliyeed iyo xaruuntii gobolka Banadir uu gaarsiiyey in waxgardkeedii (aqoonyahanno, Barfasoorro, culimo, haween iyo caruurba) ay maanta ku dhexdooran doonaan kuwii iyada xukumi lahaa muddo 43 sano kadib. Sidoo kale waxaa la xoreeyey gobollo iyo degmoyin badan oo dalka ah, iyadoo mar waliba lagu dadaalayey inaad loo yareeyo khasaaraha dadeed oo cid waliba ay xusuusato sidii loo qabtay Suuqa weyn ee Bakaaraha iyo Ceelasha biyaha si loo badbaadiyo nafta iyo hantida ummadda. Ciidamada xooga dalka Somaliyeed iyo kuwa boliiska oo kaashana nabadsugiida qaranka ayaa hawlo aad u qiimo badan ka qabtay caasimadda iyadoo aan la illaawi Karin gacantii ay AMISOM ku lahayd hawlahaas baaxadda leh. Dhinaca siyaasadda: Siyaasadda Somaliya waa markii ay ugu fiicneyd muddo 22 sano ah oo rag maalintaas cararay iyo kuwo ka hor ka lexa-jecleystay dalka ayaa maanta u soo shaqo doontay oo raba inay horumarkiisa ka qeyb qaataan waana wax lagu farxo inay aqoonyahandeenna noo soo wada noqdaan, waana waxyaabaha dadka taariikhda qoraan ay sheekh Shariif ku xusuusan doonaan inuu yahay kan fidiyey gogoshaan nabadeed ee hadda lagu dul tartaamayaa. Dhinaca dagaaladda sokeeye ma jirto beel mid kale ladagaalsan oo qoryaha u sidata waxaana mahadeeda iska leh hogaaminta Madaxweynne Shariif oo geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii caqabadaha dad sameega ah ee danaha raqiiska ah ku dhisan meesha looga saari lahaa si loo soo gaaro halkan aynu maanta joogno oo ah maalin aan leenahay Maanta maanta maataa waa maalin weyne maanta. Madaxweyne sharif waxaa uu u galay khater inuu isu soo dhaweeyo beelo Somaliyeed oo maryo dhiig leh kala furtay ama uu kala dhexgalo. Waxaa uu u soo jeeday habeenno badan inuu dhageysto dad u ooman inay hadlaan oo kaliya isagoo uga badalanaya inay fitnada ummadda ka joojiyaan. Waxaana maanta la joogaa dhinaca siyaasadda in Distuur qaran la ansixiyey, golhii shacbka ay dhammaad yihiin, kadib loo gudbayo doorasho madaxweyne muddo dheer oo aan badakeen wada xusuusan ka dib ka dhaceysa Jamhuuriyadda Somaliya. Dhinaca dalalka deriska ah: Dalka Itoobiya oo ay colaad soo jireen ah na dhextaallay oo uu madaxweyne Shariiif yimid iyagoo waliba gantaallo aan naxariis lahayn ku garaacaya wadnaha Muqdisho tasoo keentay in kumanaan hooyooyin iyo caruur u badan ay u qaxaan ceelasha Biyaha iyo meeshii ay ku badbaadi karaan, in badanna ay ku nafwaayeen ,hasa yeeshee maanta Itoobiyaanka waxay ka mid yihiin wadamada raba inay na dhinac istaagaan oo aan noqonno qaran ay ood wadaag yihiin kulana noolaado nabad iyo jaarnimo wanaagsan, iyagoo waliba u diyaar ah inay nala shaqeystaan oo naga iibsadaan ama naga badashaan badeeco iyo adeeg wixii karaankeenna ah, waxaana mahadadeeda iska leh Madaxweyne sh Shariif oo kula dhaqmay siyaasad aan colaadin iyo isu dhiib midna ku dhisneyn. Sidoo kale ciidama xoogga Dalka Soomaliyeed oo garabsanaya dalka Kenya waxay caawa kaabiga ku hayaan magaalada Kismaayo inay ku soo celiso gacanta Dawladda Somaliyeed oo kenyaanka wiilashadooda iyo gabdhahooda ayey u khatergeliyeen Somaliya kadib iyagoo ku qancay siyaasadda dareis wanaagga ee Madaxweyne Sh Shariif ee aan gardarrada ku dhisneyn in dhibka la is garabsado mooyee. Dhinaca kale waddamo badan oo albaabada naga xeran jiray iyo kuwa dhinac ay noo raacaan weysanaa ayaa maanta hiil iyo hooba nala garab taagan, kadib markii ay fahmeen in siyaasadda hogaaminta Somaliya ee madaxweyne Sh Shariif ay dalka u waddo meel wanaagsan oo keeni karta inuu noqdo dal ku istaaga lugahiisa oo ay dadkiisa barwaaqada dhex ceegaata ku noolaadaan. Waxayna waddamada dunida aad u sii gartaan hogaanka la siku halleyn karo oo ummaddiisa ka samata bixin kara xaaladda adag ee ay markaasi ay sugan yihiin si ay u gaaraan meel ka wanaagsan meeshii uu ka soo qaaday[/size]
  14. Muqdisho (RBC) Madaxweynaha waqtigiisu dhamaanayo ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ay wehlinayaan qaar ka mid ah la taliyaashiisa gaarka ah iyo saaxiibadiisa Aala Sheekh ayaa goordhow ka duulay garoonka diyaaradaha Muqdisho iyagoo ku sii jeeda wadanka Sacuudiga kadibna xarunta wadanka Ethiopia. Wafdiga madaxweynaha ayaa ka hor intii aysan garoonka ka duulin waxay kulan la yeesheen xubnaha guddiga xulista baarlamaanka oo fadhigoodu yahay xerada Xalane halkaasoo ay ku siiyeen warbixino ku saabsan halka ay mareyso hawsha xulista xildhibaanada cusub. Wararka ayaa sheegaya in madaxweynuhu marka hore tagayo wadanka boqortooyada Sacuudi Carabiya oo uu kaga qeybgali doono shir halkaasi ka dhacaya kadibna uu u duuli doono caasimada Ethiopia ee Addis Ababa. Khilaaf ka dhex taagan saxiixayaasha Safarka Sheekh Shariif ee Addis Ababa ayaa la xiriira khilaaf xoog leh oo markale soo kala dhexgalay kooxda lixda saxiixayaasha ee hogaamiya siyaasadda dalka waqtigan, sida Raxanreeb ilo wareedyo ku dhow madaxtooyada.
  15. Sharif Ahmed was born in 1964 in the southern Shabeellaha Dhexe region of Somalia. He is a member of the ****** clan.[1] Sharif began his education at the Sheikh Sufi Institute, which was associated with Al-Azhar University in Egypt. He then went to Sudan and entered Kordufan University in late 1992, where he pursued a bachelor's degree in the Arabic language (major) and geography (minor) in the city of Aldalanj. In 1994, the university was renamed to the University of Dalanj, and Sheikh Sharif left for Tripoli, the capital of Libya, after having completed only two out of the required four years. In Libya, he entered the Open University where he earned a bachelor's degree in Law and Islamic Shariah, graduating in 1998.