malistar2012

Nomad
  • Content Count

    2,754
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by malistar2012

  1. more stories by haters ................ Geeedi family alwawys had money since siad barre era , wealth was never a issue
  2. Is time for reconciliation, Mohamed dhere was founder of the TFG Handsdown , he welcome TFG in jowhar . Mohamed Dheer did more for the TFG then Abdiwali and Farmajo
  3. Today was good day , Politian’s and Army stuff , the Founders of TFG all showing support to Shiekh Sharif Ahmed
  4. The Generals and police force came out show their support , They know what’s good on the ground and who fits for the job
  5. Heavyweight , mans with differences unite to support Sharif Ahmed
  6. No Leader enjoyed this much respect and honor in recent history in Somalia, This is the man post transition . President sheikh sharif Ahmed will unite country .
  7. Mudane C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga oo Munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa ku ammaanay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed waqtigii uu ku bixiyey dib u dhiska Ciidammada Qalabka Sida waayo buu yiri hadii uusan dib u dhisi laheyn Ciidammada Qalabka Sida Dalku maanta ma lahaan laheyn Ciidan cadowga ka xoreeya. “waxaad ogtihiin guullaha laga gaaray howlgallada dalka ka socda oo looga xoreynayo Maleeshiyada Al-Qaeda,dalka intiisa badan waa xor maanta,shaqsiyanna waxaan ku ammaanayaa juhdigii uu ku bixiyey dib u dhiska Ciidammada Qalbka Sida iyo iskukeenidii saraakiishii hore ee Ciidammada oo dalka dibaddiisa uu kasoo kala ururiyey hadii uusan sidaasi yeeli leheynna maanta guushaan lama gaareen,dalkuna ciidan ma yeesheen”ayuu yiri Mudane C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga. Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Khudbadda Wasiirkii Hore Ee Gaashaandhigga Mudane Fiqi
  8. “Madaxweyne Shariif runtii heshiisyadan maanta dowladnimadan aynu kusoo gaarnay isaga ayaa sabab u ahaa waayo wuxuu soo dhisay xukuumaddo kala duwan sida xukuumaddii Tayo,Bad-baado Qaran intaba isaga ayaa keenay runtii guullaha la gaaray ma ahan mid qarsoon waxaanna aaminsanahay sanadaha soo socda hadii uu xilka sii hayo inuu guul badan keeni doono,anigoo ah Xildhibaan Mustaf Maxamed Dhuxuloow ah waan Codeeyey” ayuu Xildhibaanka hadalkiisa kusoo gebagebeeyey. Riix Halkaan Si Aad U Dhageysatid Khudbadda Xildhibaan Mustaf Dhuxuloow Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo Munaasabadda isaguna Khudbad ka jeediyey ayaa ugu horeyn xusay in isaga ay Madaxweyne Shariif si gaar ah saaxiibo u ahaayeen islamarkaana ay islasoo mareen marxalado kala duwan balse uu yahay nin howlkar ah islamarkaana dulqaad badan. “runtii aniga Shariif Sheekh Axmed si gaar ah ayaan saaxiibo u aheyn waanna soo wada shaqeynay mudo badan,hotelkan aan hada wada joogno ayaan hada ka hor iskusoo sharaxay balse maanta isaga ayaa iga mudan waan u tanaasulay,waxaanna rajeynayaa inuu xilka ku guuleysto,waxaan ku leeyahay mudane Madaxweyne Hambalyo markale na hogaami”ayuu hadalkiisa kusoo gebagebeeyey Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka. Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Khudbadda Gudoomiyihii Hore Ee Baarlamaanka Shariif Xasan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed oo ugu dambeyntii Munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey shacbiga Soomaaliyeed kalsoonida ay u muujiyeen iyo sida ay u doonayaan inuu markale xilka qabto sidaasi darteedna uu ka aqbalay inuu umadda usii shaqeeyo. “ugu horeyn waxaan shacbiga Soomaaliyeed idinkaga mahad celinayaa kalsoonidiina,runtii waxaan aaminsanahay kaligeey inaanan waxba qaban hadii aysan dhammaantiin shacab,ciidan iyo mas’uuliyiin I garab istaagi laheynna waxaan aaminsanahay inaanan waxba qaban laheyn, aad iyo aad ayaan idinkugu mahad celinayaa” ayuu ku bilaabay khudbadiisa Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed. Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyey gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka tanaasulkii uu sameeyey waxaana uu si gaar ah ugu ammaanay Shariif Xasan Sheekh Aadan sida uu ulasoo shaqeeyey mudadii uu gudoomiyaha Baarlamaanka ahaa iyo ka horba lagasoo bilaabo xiligii Maxkamadaha. “shacabka Soomaaliyeed maanta waa xaqiiqo iney isbedel u baahanyihiin,waxadna ogtihiin in isbedelka maanta dalka uu ku jiro aysan si sahal ah ku imaan oo aan usoo bixinay juhdi farabadan waayo shalay markaan imaaneynay ma dhisneyn ciidan na difaaca oo noo dagaalama,manoo jirin heykal dowladeed,dalka gudihiisana intaan isuguma imaan Karin maantase Alle mahadii waxaan gaarnay guul weyn”ayuu hadalkiisa sii raaciyey Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed. Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri”CHANGE WEE NEED waa xaqiiqo isbedel waan u baahannahay laakiin isbedelka ma wuxuu ku imaankaraa howlihii aan bilownay inaan dhameystirno mise wuxuu ku imaankaraa in qof hada aan la socon xaalada dalka intuu boors soo qaato inuu yiraahdo isbedel ayaan dooneynaa” Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa xusay in Afarta sano ee soo socota u qorsheynayo in la dhameystiro howlihii horey usoo bilowday sida dhismaha Ciidammada.xoreynta dalka iyo iskusoo dhoweynta shacbiga Soomaaliyeed,si loo amba qaadana midnimada umadeeda la dhameystiri doono wadahadallada walaalaha waqooyi Galbeed Somaliland si arimahaasi loo helana uu xildhibaannada Sharafta leh ka codsanayo iney dib u doortaan. Hadaba Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa ukala qaaday dhowr qodob waxyaabaha uu qabanayo Afarta sano ee soo socota hadii uu ku guuleysto xilka waxaana qodobadaasi ay kala yihiin. Dib U heshiisiinta Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa tilmaamay in si gaar ah uu muhiimad usiinayo dib u heshiisiin Qaran oo dhexmarta qeybaha kala duwan ee shacbiga Soomaaliyeed taasi oo uu aaminsanyahay iney waxbadan kaalin ka ciyaari doonto iskusoo dhowaanshaha iyo isfahamka shacbiga Soomaaliyeed si hormar guud loo wada gaaro. Tayeynta Ciidammada Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa xusay in mudadii uu xilka hayey uu waxbadan waqti ku bixiyey islamarkaana uu xooga saaray dib u dhiska Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed taasina uu la kaashaday Saraakiishii hore ee Ciidammada oo uu tilmaamay iney ka ogolaadeen iney dalkooda dib ugusoo laabtaan islamarkaana talooyinkii laga helay ay keentay hormarka maanta laga gaaray dib u dhiska Ciidammada. Madaxweynaha ayaa xusay in mudada Afarta sano ah ee soo socota uu xooga saari doono *****lidda baahida Ciidammada Qalabka Sida,baahidoodana hada ay ku koobantahay kaliya tababarro iyo Qalabeyn si taasi loo helana uu heshiisyo lasoo saxiixday dalal dhowr ah oo Soomaaliya saaxiibo la ah kuwaasi oo ka taageeri doona Dowladda qalabeynta Ciidammada halka dhanka tababaradana uu xusay in qorshihiisu yahay in tuullo walba oo dalka ka mid ah uu ka hirgeliyo xerro Ciidan. Kheyraadka iyo Wax Soo Saarka Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa xusay in mudada Afarta sano ee soo socota uu ku kalsoonyahay in Umadda Soomaaliyeed ay ka faa’ideysan doonaan kheyraadkooda maadaama uu dalkeenna yahay dal qani ah eebana uu igu maneystay kheyraad farabadan, xiliganna aqoonta dadka Soomaaliyeed oo soo dhisantay aawgeed uu aaminsanyahay in laga faa’ideysan doono. Midnimada Umadda Soomaaliyeed Mar uu Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ka hadlayey qorshihiisa ku aadan midnimada Umadda Soomaaliyeed ayuu xusay in si loo adkeeyo midnimada umadda Soomaaliyeed mudadii uu xukunka hayey uu awooda saaray sidii Soomaalida dhexdeeda isfaham iyo heshiis buuxa u wada gaari laheyd sida wadahadalladii lala galay walaalaha waqooyi Galbeed Somaliland iyo heshiisyadii kale ee gudaha dalka ka dhacay sida magaalooyinka Garoowe,Gaalkacyo iyo Muqdisho si hadaba midnimada Umadda Soomaaliyeed loosii helo uu sii ambaqaadi doono wadahadalladaasi lala galayo walaalaha Waqooyi Galbeed Somaliland. Bixinta Deymaha Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu dambeyntii ballan qaaday in mudada Afarta sano ee soosocota ay ka go’antahay bixinta daymaha Soomaaliya lagu leeyahay taasina uu aaminsanyahay in la gaari karo hadii laga faa’ideysto kheyraadka dalka.
  9. Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay oo lagu taageerayey in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed uu markale ku guuleysto xilka Madaxweynaha Dalka ayaa maanta ka dhacday magaalada Muqdisho. Munaasabadan ballaaran oo ka dhacday hotelka City Palace degmada C/casiis ee gobolka Banaadir ayaa waxaa kasoo qeybgalay inta ugu badan Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya,siyaasiyiin horey xilal kala duwan ugasoo qabtay Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen,Ra’isulwasaarihii hore Prof Cali Maxamed Geedi, Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Mudane C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi,Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan,Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudud Cabdi Xasan Cawaale Qeydiid,Gudoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan,gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere),wasiirro ka kala tirsanaa xukuumadihii hore,waxgarad,hooyooyin,dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Munaasabadda ayaa waxaa si aad ah uga dhex muuqday sawirro ka turjumayey waxqabadka Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed mudadii uu xilka hayey gaar ahaan waxyaabihii uu ka qabtay dhinacyada Ammaanka,dib u dhiska Ciidammada Qalabka Sida,Ka xoreynta gobollada Maleeshiyada Al-Qaeda,xiriirka Dibadda,gurmadkii Abaaraha,wanaajinta xiriirka maamullada, booqashooyinkii kala duwanaa ee ay madaxda Caalamku Muqdisho ku yimaadeen,in dalku uu yeesho Dastuur sanado kadib, in gudaha dalka lagu doorto hogaanka laguna dhiso dowlad rasmi ah, in dalka laga saaro KMGka iyo in shirarkii dalka dibadiisa lagu qaban jirey gudaha dalka loosoo weeciyey ayadoo munaasabadaba sidoo kale lagusoo bandhigay suugaan kala duwan oo waxqabadka Madaxweyne Shariif iyaguna ka turjumayey. Ugu horeyn Munaasabadda waxaa khudbaddo kala duwan ka jeediyey waxgarad iyo aqoonyahanno kuwaasi oo dhammaantood muujiyey in lagama maarmaan ay tahay in si loo dhameystiro dadaalladii uu Madaxweynaha soo bilaabay uu markale doorashada ku guuleysto waxaana ay u rajeeyeen inuu maalinnimada berri ah doorashada ku guuleysan doono. Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah Culumaa’udiinka Soomaaliyeed oo Munaasabadda Khudbad ku daah furay ayaa ugu horeyn xusay in Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed uu waqti farabadan ku bixiyey wacyigelinta dadka maadaama faham diimeed dadka lagu qaldi jirey isaguna uu aqoontiisa diimeed uusan ka hagran shacabkiisa. Mudane C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga oo Munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa ku ammaanay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed waqtigii uu ku bixiyey dib u dhiska Ciidammada Qalabka Sida waayo buu yiri hadii uusan dib u dhisi laheyn Ciidammada Qalabka Sida Dalku maanta ma lahaan laheyn Ciidan cadowga ka xoreeya. “waxaad ogtihiin guullaha laga gaaray howlgallada dalka ka socda oo looga xoreynayo Maleeshiyada Al-Qaeda,dalka intiisa badan waa xor maanta,shaqsiyanna waxaan ku ammaanayaa juhdigii uu ku bixiyey dib u dhiska Ciidammada Qalbka Sida iyo iskukeenidii saraakiishii hore ee Ciidammada oo dalka dibaddiisa uu kasoo kala ururiyey hadii uusan sidaasi yeeli leheynna maanta guushaan lama gaareen,dalkuna ciidan ma yeesheen”ayuu yiri Mudane C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga. Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Khudbadda Wasiirkii Hore Ee Gaashaandhigga Mudane Fiqi Prof Cali Maxamed Geedi Ra’isulwasaarihii hore ee dalka oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa ugu horeyn tilmaamay in waxqabadka Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ay qeyb ka tahay oo aysan u baahneyn hadal in maanta magaalada Muqdisho ay ku suganyihiin inkabadan 20 musharax oo badankood qurbaha ka yimid hadii uusan waxqabaneyn laheynna aysan musharixiintaasi xamar imaan laheyn. “runtii waxqabadka dowladda uu hogaaminayey mudane Shariif Sheekh Axmed waa marqaati ma doonto waxaan ognahay iska dhaaf iney dalka yimaadaan madax sarre safiirro ayaan Nairobi ugu tagi jirney oo lagula soo kulmi jirey hadana maanta Soomaali iyo Ajaaniibba Muqdisho iney yimaadaan ayuu sabab u ahaa,waxaanna aaminsanahay iney Baarlamaanku dib u soo dooran doonaan hadii ay doonayaan in howlahan la dhameystiro oo aan dib loo noqon”ayuu yiri Prof Cali Maxamed Geedi Ra’isulwasaarihii hore ee Dalka. Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Khudbadda Ra’isulwasaarihii Hore Pr Geedi Prof Maxamed Cumar Dalka oo ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa ugu horeyn tilmaamay in uu goob joog u ahaa mudadii uu xilka hayey Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed waxqabadkiisa taasina ay tahay marqaati ma doonto waayo buu yiri awood ahan xitaa awoodda dowladeed sida ay maanta tahay ineysan aheyn markuu xilka qabanayey. “runtii waxqabadka Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed waa mid hada cid walba ay qiri karto oo ma qarsoona waxaana marqaati ah inta qofood oo uu guryahooda u xoreeyey ,shaqsiyanna waxaan aaminsanahay in hadii uu maanta meesha ka baxo ciidammada maanta sii dhaafaya Marka iney KM4 difaaca Dowladda kusoo noqon doonto”ayuu hadalkiisa raaciyey Prof Maxamed Cumar Dalxa. Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Khudbadda Xildhibaan Prof Dalxa Xildhibaan Mustaf Dhuxuloow oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa isna khudbad uu ka jeediyey madasha waxa uu Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed si gaar ah ugu ammaanay doorkii uu kulahaa heshiisyadii kala duwanaa ee maanta lagu dhisayo dowladan cusub isaga oo sigaar ah uga xusay in mudo Afar cisho ah uu magaalada Garoowe usoo seexday isfahmka umadda Soomaaliyeed.
  10. Why would sharif sakin support farmajo and abdiwalli when clearly they are underdog , stick to where you fit . it’s all politics . sharif sakin unfortunately is heavyweight his votes count.
  11. Faroole ee ahaa in hadii Madaxwayne uu noqdo cid aan ahayn cida ay taageerayaan ay qaadan doonaan tilaabo uu qorayo Dastuurka maamulkaasi sida uu yiri oo uu ula jeeday inay ka goosan doonaan Soomaaliya inteeda kale . what is he gonna break with water whales
  12. Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Galmudug Gen. Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa maanta Shir jaraaaid ku Qabtay Magaalada Muqdisho, wuxuuna ka hadlay Arrimo dhowr ah sida Arrimaha Burcad badeeda, Al-Shabaab la dagaalankooda iyo hadal Xalay ka soo yeeray Madaxwaynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole. Md. Cabdi Qaybdiid waxa uu si kulul ugu horeyntii uga hadlay hadalkii ka soo baxay Faroole ee ahaa in hadii Madaxwayne uu noqdo cid aan ahayn cida ay taageerayaan ay qaadan doonaan tilaabo uu qorayo Dastuurka maamulkaasi sida uu yiri oo uu ula jeeday inay ka goosan doonaan Soomaaliya inteeda kale . Qaybdiid ayaa waxaa uu intaa ku daray in uu uga digayo Faroole in uu Caqabad ku noqdo Hanaanka Nabadeynta Soomaaliya iyo dowlada la soo dhisayo uu joojiyo hadalada xiisadaha abuuri kara ee kala fogayn kara shacabka Soomaaliyeed. Dhanka kale Madaxwayne Cabdi Qaybdiid ayaa mar uu ka hadlayay dhinaca Burcad badeeda ku xoogan deegaanada uu Maamulkaasi ka arimiyo ayuu sheegay in maamulkiisu uu la dagaalamayo Burcad badeeda uuna ka cirib tirayo Deegaanada uu gacanta ku hayo in kastoo uusan meesha ka saarin in laga gacan siiyo la dagaalankooda. Maxamuud Axmed Xasan Web Updating, Somaliweyn Website xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com www.somaliweyn.com
  13. everyone came out to show support . From the military in attendance are General Ahmed Ismcail Ahmed aka Ahmed cariir, iyo general Mohammed Salax Defense minister hussein Carab Ciise. Sharif sakiin , Mohamed Dheere , Geedi , Prof Dalax . Abdirashid Xidig , abdi qaybiid and many more
  14. From the military in attendance are General Ahmed Ismcail Ahmed aka Ahmed cariir, iyo general Mohammed Salax all came to support Sharif Ahmed
  15. Sharif Xassan" aniga iyo Madaxweyne waa iis naqaana mar marna taako ayaan isky diigna laakin asaga taako weyn ii diigaaye
  16. Abdirashid Xidig speakin we vote for Shiekh Sharif Ahmed listen to the speech