Cambuulo iyo bun

Nomads
  • Content Count

    2,223
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Cambuulo iyo bun

  1. dadkaaneeti moryaanka ku qabiilka shariif iyo kuwaan kale ee galmudug ximan iyo xeeb xamar waaka dacwootay mays tiraahdeen abaay abaay meesha kawaan ee ka dhigeen liiska dilaaya ruuxi la rabo
  2. Ciidamada Dowladda KMG ah ayaa saakay ku guuleystay howlgal ay ku soo qabanayeen nin magaciisa lagu soo koobay Fanax oo la sheegay inuu isagu bixiyay amarka lagu dilay weriye C/Salaan Xiis, waxaana ninkaasi saakay ay ciidamadu ka soo qabteen isagoo ku sugan gurigiisa. Howlgalkaan oo ahaa mid qorsheysan, ayaa la sheegayaa in ciidamadu ay si xeeladeysan ku soo wadeen ninkaasi oo ay la socotay ilaalo aad u xoogan, iyadoona arrinta ugu yaabka badan ay ahayd kaddib markii la geeyay xcarunta CID-da kaddibna lagu amray ilaaladiisa inay hubka dhigaan, kuwaasi oo qaatay awaamiirta madaxda xaruntaasi. Ninka lagu magacaabo Fanax ayaa la sheegayaa inuu isagu ahaa ninkii amarka ku siiyay gacan ku dhiiglaha dilay Weriye C/Salaan Xiis inuu dilo, isla markaana isagu ka mid ahaa ilaaladiisa, hase yeeshee mid ka mid ah saraakiisha CID-da ayaa ka gaabsaday inuu wax faahfaahin ah ka bixiyo xariga eedeysane Fanax. Ninka lagu tuhmayo inuu ku lug lahaa dilka Weriye C/Salaan Xiis ayaa la sheegayaa inuu ahaa Taliyaha ciidamada duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), kaasi oo isaga iyo ilaaladiisaba xabsiga CID-da loo dhaadhiciyay. Dhinaca kale amarka lagu soo qabtay ayaa la sheegayaa inuu bixiyay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo isagu horay u ballanqaaday inay si degdeg ah gacanta ugu soo dhigayaan isla markaana cadaaladda hor keenayaan shaqsigii dilay Weriye C/Salaan Xiis oo uu sheegay inay saaxib ahaayeen.
  3. looooooooooooooooooooooooooooooool ka xaaxaabi hee igaaryow, kulaha eyl pirates waa sneaky *******s kuwa harardherena kuye waa dadkii black hawk down lool
  4. which clan is he? If he's my kin i will vote for him if not macasalaama
  5. Al shabaab losers TFG big losers, PL losers, Galmudug losers, Azaniyaah biiiig losers, ximan iyo xeeb winners
  6. Che -Guevara;767014 wrote: ^How's war going on anyway other than killing toddlers and bombing IDP camps.
  7. The pro sakiin mps lost today they ran back to their base [ guriga muudeey] walibana guddomiye ku xigeenka labaad Axmed casoowe siding with the madoobe nuunow group, sad day for sakiin
  8. 6 month aa ka hari summer 2012, a lot of things can change ani waxaa ku dhihi lahaay xaalada la socda hadda hadiis fiirisid meesha waa nabad gaar ahaan hodan, h/wadaag ii wadajir iyo zoonahaas horta waa amaan buuxdo waqooyiga iyo dhanka heliwaana waxaan ka sheego ani ma aqaan
  9. Al-Fanaan Axmed Naaji Oo Xamar Yimid Submitted by SONNA on Wed, 12/21/2011 - 16:02 DaabacoSaaxib u *** Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho ayaa waxa maanta sidiiran loogu soo dhaweeyay fanaanka qaran ee Soomaaliyeed Al-Ustaad Axmed Naaji Sacad oo tan iyo bur burki dowladi dhexe ee Soomaaliya aan soo caga dhigan gayiga Soomaaliya. Mu’alif, Mulaxamiiiste, Al Ustaad Axmed Naaji Sacad ayaa marki diyaaradi siday ay kasoo degatay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho waxa halkaa kusoo dhaweeyay Shacab jadbeesan una qiireysan imaanshaha fanaanka oo booqashadiisa kadhigan shumac nabadeed oo dib uga soo iftiimay Magaalada rabshadaha ragaadiyeen ee Muqdisho. Fanaanka ayaa lagu wadaa inuu astaan unoqdo dib unooleenta fanka Soomaaliyeed iyadoo lafilayo in kulamo kusaabsan wacyigalinta bulshada uu laqaato guud ahaan qeybaha kala gedisan ee bulshada Soomaaliyeed. Axmed Naaji Saacad oo kamid ah tiirarka fanka Soomaaliyeed ee xiligaani nool ayaa tan iyo bur burki dowladi dhexe ee Soomaaliya uusan marnaba ka caajisin wacyi galinta bulshada isagoo koox loogu magac daray nabada ka aas aasay Dalka Yeman halkaasi oo fanaanka xarun u aheyd. Axmed Naaji Sacad oo heeso badan oo kiciya quluubta shacabka sameeyay, sida, “Eebow Unukoo Nabadaa”, Allow Baal Naga Gey Wixi Balaayo Buufihaayo”, iyo heeso kale oo xiiso badan . Ustaad Axmed Naaji ayaa safarki muqdisho maanta kusoo gaaray ayaa kadhigan mdi taariikhi ah oo shacabka Muqdishana u ah yadadiilo nabadeed, Soomaalida qurbaha gaar ahaan fanaaniinta qaranka Soomaaliyeed unoqon doonto Xusuus kuyasho mudan.
  10. Axmed Naaji Sacad arrives in Muqdisho Fannaanka weyn ee Soomaaliyeed Ustaad Axmed Naaji Sacad ayaa muddo 21 sano ah kadib maanta dalka ku soo laabtay. Ustaad Axmed Naaji Sacad oo ah Fannaan, Mulaxan, Musikiste, iyo Abwaan ayaa duhurnimadii maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha Muqdisho kadib 21 sano oo uu dalka ka maqnaa. Axmed Naaji oo ka mid ah faanaaniinta Soomaaliyeed ee xilligan nool kuwooda ugu da’da weyn ayaa hadana lagu xasuustaa kaalintii uu ka soo qaatay horomarinta fanka Soomaaliyeed. waxaana sidoo kale uu sameeyay muddadii uu dalka ka maqanaa heeso farabadan oo wadani ah oo uu ku muujinayay sida uu uga xunyahay dhibaatada dalka ka dhacday kuna baraarujinayay ummadda Soomaaliyeed. Fanaanka Axmed Naaji Sacad ayaa la filayaa mudada uu joogo Muqdisho in la kulmo fanaaniinta iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Muqdisho.
  11. Fannaanka weyn ee Soomaaliyeed Ustaad Axmed Naaji Sacad ayaa muddo 21 sano ah kadib maanta dalka ku soo laabtay. Ustaad Axmed Naaji Sacad oo ah Fannaan, Mulaxan, Musikiste, iyo Abwaan ayaa duhurnimadii maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha Muqdisho kadib 21 sano oo uu dalka ka maqnaa. Axmed Naaji oo ka mid ah faanaaniinta Soomaaliyeed ee xilligan nool kuwooda ugu da’da weyn ayaa hadana lagu xasuustaa kaalintii uu ka soo qaatay horomarinta fanka Soomaaliyeed. waxaana sidoo kale uu sameeyay muddadii uu dalka ka maqanaa heeso farabadan oo wadani ah oo uu ku muujinayay sida uu uga xunyahay dhibaatada dalka ka dhacday kuna baraarujinayay ummadda Soomaaliyeed. Fanaanka Axmed Naaji Sacad ayaa la filayaa mudada uu joogo Muqdisho in la kulmo fanaaniinta iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Muqdisho.
  12. what does riwaayad have to do with drought and never ending violence?? u kebaabis are weird walahi
  13. ^^^looooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooool
  14. carafaat ninkaaneeti maadey waxoow rabyaa in barbaarta ee isqarxiyan oo dhamaadaan ee iney baashaalan wax bartaan nabad iyo xornimo ku nooladaan uu diidan yahi walibana uu moodaa iney diintu saas tahi
  15. Inkastoo duqeymaha lagu aslalay Deegaanka Hooshingow ee Gobolka Jubbada Hoose ay khasaarooyin xoogan ka soo gaareyn dad rayid ah, ayaa waxaa hadana dhinaca kale ay khasaarooyin ka soo gaareyn rag ka tirsan Xarakada Al Shabaab. Laba diyuuradood oo nooca miigag ah ay lee-dahay Dowladda Kenya, ayaa waxay abaarihii 5-tii galabnimo ee shalay ay duqeymo xoogan ka geysteen Deegaanka Hooshingow, oo ay ka arrimiso Xarakada Al Shabaab. Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa waxay xaqiijiyeen in Gudoomiyihii Deegaanka Hooshingow ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Saciid C/Laahi uu ku dhintay, duqeymihii xooganaa ee shalay galab lagu asqeeyay Deegaanka Hooshingow. Sheekh Saciid C/Laahi ayaa waxaa la-sheegay in isaga iyo rag kale oo ka tirsan Al Shabaab oo ku sugnaa guri ku yaalla Deegaanka Hooshingow, in lala hellay gantaal ay soo tuurtay mid ka mid ah diyuuradihii shalay duqeymaha fulliyay. Afhayeenka Guud ee Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Kenya Major Emmanuel Chirchir, oo wareysi siiyay Idaacada BBC-da, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay dilleen in ka badan 15 ruux oo Shabaab ka tirsan. Ragga ay dilleen ayaa wuxuu qeexay inay isagu jireyn Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan Al Shabaab, isagoo xusay in ragga ay dilleen dilleen uu ku jiray Gudoomiyihii Deegaanka Hooshingow ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Saciid C/Laahi. Sidoo kale wuxuu ka gaabsaday inay dad masaakiin ah ku dilleen Deegaanka Hooshingow, marka laga reebo khasaaraha soo gaaray Xoogaga Shabaab, hase ahaatee wuxuu ku nuux-nuux-saday inay jab xoogan u geysteen Xoogaga Shabaab. Xarakada Al Shabaab ayaa waxay maanta Dowladda Kenya ay ku eedeysay inay xasuuqday dad masaakiin ah, isla-markaana waxay ku hanjabeen in Dowladda Kenya ay u geysan doonaan jab xoogan.