Sign in to follow this  
Dr_Osman

Hassan Culusow Has Shown His Tribal Face. Shocking Cuqdad On Puntland Education Success. AUDIO

Recommended Posts

Dr_Osman   

Fadeexad— Drs. Maryan Qaasim Wasiirada horumarinta Bulshada oo Isbitaal la dhigey ka dib dhibaato kasoo gaartey markay amaantey heerka Waxbarasho ee Waxbarashada Puntland

 

Muqdisho–21 Juun,2013–Puntlandi-- Wasiirada Horumarinta Arimaha Bulshada ee Dowlada Federaalka ah Drs. Maryan Qaasim ayaa Shalay Isbitaalka loo la cararay ka dib markii ay sarajooga ka dhacdey iyadoo sabab looga dhigey weerar iyo Culeys ay saareen shaqaalaha Villa Soomaaliya iyo hanjabaad ku aadan inay Xilkeeda waayayso, maxay tahay sababtu??

 

Howlwadeenada Puntlandi ee dhinaca dublamaasiyada ayaa heley Xogta Rasmiga ah ee ka dambeysey in Wasiirada dhiigu ku karo oo ay sara joog u dhacdo ka dibna Isbitaalka loola cararay oo ay ilaa hada jiifto.

 

Arbacadii ayaa Wasiiradu iyadoo ka khudbaynaysa hoolka uu ka socdo Shirka Waxbarashada Soomaaliya waxay khudbadeeda u badisey oo si qodo dheer uga hadashey Heerka Waxbarasho ee Puntland, Waxay tiri “Waxbarashada Puntland waa mid tusaale fiican u noqotay Soomaaliya, waxay guul ka gaareen Waxbarashada iyo Adeega caafimaadka, waxayna mudan yihiin in arimahaas iyaga wax laga waydiiyo lagalana tashado, waayo Dadkaas waxay dhisteen hab wanaagsan oo Waxbarasho iyo xitaa Adeegyada Caafimaadka.”

 

Hadalkaan ayaa aad uga xanaajiyey Villa Soomaaliya waxaana Wasiirada Khamiistii looga yeerey Xafiiska Madaxweynaha Waxaana si cad loogu yiri sidaan..

 

Waxaad hoos u dhigtey hamigii Dowlada, ma ahayn inaad amaan intaa le’eg aad u jeediso Dowlad goboleedka Puntland waayo amaantaasi waxay wax u dhimaysaa sumcada iyo siyaasada Dowlada, Shirka waxaan u qabanay inaan muujino kaalinta Dowlada hadase waxaad hoos u dhigtey sumcadii Dowlada, lagaamana fileyn inaad lid ku noqonayso siyaasadeena,.

 

Erayadaas waa qaar kamid ah Erayadii Drs. Maryan Qaasim ay kala kulantay Villa Soomaaliya khamiistii (20 Juun,2013) waliba waxaa loogu darey hanjabaad iyo in lagu kala kaco fadhiga, Wasiiraduna aad uga xumaato arintaas.

Wasiiradu inta ay aad uga xumaatay Hadalada aysan ka fileyn Wasiirada ayay ku jawaabtey “Mida kowaad Shirka inagu ma aynaan qaban waxaa qabtey Qaramada Midoobey inaga magaca iyo isku xirka uun baa la ina siiyey, tan kale Gobolada Dalku sow kuwaan Masuuliyiinta unahay ma ahan, ma garanayo in la qariyo Waxa jira, qofkuna wuxuu sameeyo waa lagu amaanaa si ay kuwa kale ugu daydaan” Waxayna kasoo baxdey Villa Soomaaliya iyadoo Xanaaqsan.

 

Intaas loogama harin Wasiirada ee shalay oo shirka lasoo gabagabeynayay uuna Madaxweynuhuna goob joog ka ahaa ayaa Wasiirada Markii ay kasoo baxaysay Xafladii gunaanadka waxaa u yimid qaar kamid ah Odoyaasha Beesha ****** oo arinta dhacdey ka war heley waxayna ku yiraahdeen “Shaqadaada waad gudan waydey mise Garowe ayaa lagaaga yerey, Madaxweynuhu waa inuu keenaa booskaaga qof qaranka u shaqayn kara oo daacad ah”.

 

Waxaa taas ka sii daran Waxaa iyana isla wakhtigaas Wasiirada hadalo kulkulul ku yiri Qaar kamid ah Shaqaalaha Xafiiska Madaxweynaha, taasaana dhalisey iney Wasiiradu markay ka baxaysey Hoolkii shirka Waxbarashada oo ay gurigeeda u socotay ay sarajooga ka dhacdo loolana Cararo Isbitaalka oo ay ilaa hada ku jirto.

 

Waxaase kasii Cajiibsanaa in Madaxweynu uu khudbadiisa kusoo darey Erayadii ay Wasiiradu eedsatay isagoo ka duulaya Xanaaqii Wasaiirada kuna qancinaya iyada, ama uu ula jeeday si dublamaasiyadeed, maadaama Wasiiradu ay horey Xaqiiqda uga hadashey.

 

Sida aan ka helney Dublamaasiyiin jooga Muqdisho Wasiiradu waxay waaayi doontaa Xilkeeda ama waxaa lagu qancin doonaa Wasaarada Haweenka oo qura.

 

Puntlandi.com

 

Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Muqdisho

 

Madaxa D.F.Somalia oo ka xumaaday horumarka waxbarasho ee Puntland [Maqal]

 

War hoose oo aanu ka helnay Villa Somalia ee Muqdisho ayaa waxa uu sheegayaa madaxwaynaha Somaliya iyo qaar ka mid ah wasiirada xukumada Cabdi Farax Shirdoon Saacid,inay si kal iyo laab ah uga caroodeen horumarka muuqda ee waxbarashada iyo caafimaadka ay gaartay dowlada Puntland ee Soomaaliyeed.

 

Shirwaynihii qaran ee waxbarashada Somalia looga hadlayay,kuna soo dhamaaday magalada Xamar ayaa ka marqaati ka cay in Puntland guul wayn ay ka gaartay dhanka waxbarashada iyo Caafimaadka,waana tan keentay in Madaxwayne Xasan Shiikh uu ka carooday in shirkaasi Puntland lagu ammaano.

 

Drs.Maryan Qaasim Axmad oo ah masuulka ugu sareeya wasarada horumarinta addeega bulshada dowlada dhexe ee Somalia ayaa lagu soo warayaa in isbitaal la dhigay,ka dib markii ay madaxtooyada Somalia kala kulantay cadaadis iyo xanaan kulul oo ku aadan sababtee ugu ammanta shirka Puntland iyo waxqabadkeed.

 

Dad badan ayaa arintaasi aragtiyo kala duwan ka baxshay,waxayna qaarkood tilmaamayaan inay tahay arin aan horay looga baran madaxda dowlada,balse ay salka ku haysa siyaasada dalka,maadama Puntland madaxdeeda ay marmar badan dowlada Xasan Shiikh ku tilmaamen dowlad jabisay sharciga dalka ,caburinna shacabka ku haysa.

 

Wasiirad Maryan ayaa waxay dhankeeda sheegtay inay mudan tahay in la sheego gobal kasta oo Somaliya ka tirsan horumarka uu gaaray,waxayna shirka qaran furitaankiisa khudbad ay kasoo jeedisay aad ugu ammaantay madaxda Puntland horumarka lixaadka leh ee ay gaareen,isagoona sheegay inay ku dayasho mudan yihiin.

 

''Mamulka Puntland waxaan ku ammaanayaa waxbarashada culayska ay saareen iyo nidaamka waxbarasho ee ay abuureen,waxa hada Puntland wax ka barta in ka badan 150-kun oo arday,oo iskugu jira hoose dhexe,iyo sare ,jaamacadiina way dheer yihiin,habka ay imtixaanaadka u qaadaan ayaa ah mid cajiib ah,waan ku ammaanaya wana arin ku dayasho mudan''Drs,Maryan Qaasim Axmad.

 

Drs.Maryan ayaa sheegtay inay aad u liidato waxbarashada konfurta Somaliya,loona baahan yahay sidii kor loogu soo qaadi lahaa,wuxuna hadalkeeda u dhacayay in lagu daydo Puntland oo fikir iyo taloba laga qaato.

 

Siyaasi ku sugan magalada Muqdisho oo lasoo xariiray Dunidaonline xafiiska Muqdisho,ayaa sheegay isku dhaca soo kala dhex galay madaxwayne Xasan iyo Wasiirka adeega bulshada inuu salka ku haya ''Puntland maxaad u aqoon satay Jubbaland iyo faraha kala baxa Dastuurka'',sidoo kale masuulkaas oo codsaday in magaciisa la qariyo ayaa sheegay xaalada ammaan ee magalada Muqdisho inuu yahay mid faraha kasii baxaya.

 

Isku soo wada duuboo siyaasada madaxwaynaha Somaliya ayaa hada u eg mid sii xumanaysa,ka dib markii la ogaaday inuu dalka dib ugu celinayo 1991-iyo wixii ka dhacay Soamlia.

 

Halkan ka dhagayso Maryan oo waxbarashada Puntland ammanaysa

http://dunidaonline.com/index.php?id=9845

 

Maxamad Xaaji

Dunidaonline.com

Xafiiska Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Only cuqdad driven mad man can deny Puntland education success. This state has one exams for all its highschool and primary school students. It has 150,000 active students. Primary and Secondary school all study from an accredited Puntland Curriculum that is recognized by a number of universities. A Puntland high school student can take his shahado from Puntland and automatically enter kenya, sudan,yemen, turkey,ethiopia university without a question. Because it is a quality education. Even the IDPS are trained everyday with a number of skills such small business, manual work, fishing,and other careers. There is a number of Puntland studens graduating from technical schools that are constructing Puntland limousines and gaining technical skills and small business trading skills. Anyone who denies Puntland Health and Education success is lunatic

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maan fahmin slaanta cisbitaal ba la dhigay markay Puntland amaantay marka calashaan sidee ma mid HAG a ba feedhay mise way iska xanuunsatay Osman bal sheekada ino faah faahi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

as funny as it sounds, credible people are saying this is a fact. she has been attacked emotionally by qoslaye's close relatives.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tallaabo   

I think Somalia needs Sheikh Shariif to come back to Villa Somalia. He was simple, hardworking, avoided conflict, and tried his best to please everyone even if that meant enlarging his family by bringing in more wives;) It is because of those qualities of the former president, Somalia was able to pass the transition stage and into a permanent government with more international support and recognition.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ Culusow is doing a good job its just Sahal people are very anti the govt , because he does not entertain their form of governance. Sh dalxis was to miskiin, it seems culusow knows what he is doing. Dalxiis loved to appease Faroole, Culusow does not really care i mean when he named Axmed cabdisalaan as the ambassador to Ethiopia. U know where its heading. Culusow also has his own religious groups like Damuljadiid and others.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;963418 wrote:
^^ Culusow is doing a good job its just Sahal people are very anti the govt , because he does not entertain their form of governance. Sh dalxis was to miskiin, it seems culusow knows what he is doing. Dalxiis loved to appease Faroole, Culusow does not really care
i mean when he named Axmed cabdisalaan as the ambassador to Ethiopia. U know where its heading
. Culusow also has his own religious groups like Damuljadiid and others.

Explain..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tallaabo   

Actually if you look closely at the current president's record in the last eight months, there is nothing of value which can be attributed to his name. Everything his government did was either started by the last government or by the international community. Sheikh Shariif came into Mogadishu when it was completely controlled by Alshabaab and he not only liberated it and most of the South, but also laid the foundation for all the policies and institutions we see today in Somalia. He is one hell of a wadaad;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Tallaabo;963423 wrote:
Actually if you look closely at the current president's record in the last eight months, there is nothing of value which can be attributed to his name. Everything his government did was either started by the last government or by the international community. Sheikh Shariif came into Mogadishu when it was completely controlled by Alshabaab and he not only liberated it and most of the South, but also laid the foundation for all the policies and institutions we see today in Somalia. He is one hell of a wadaad;)

Tallaabo y'all somalis expect everything to happen at once remember sheikh shariifs government in the beginning was slow too they where focusing a lot to strenghten their international relations thats the same hassan sheikh is doing now.. Leading a government in somalia is not easy thing marka patience is a virtue

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this