Sign in to follow this  
malistar2012

Ra’iisal Wasaaraha oo kulamo is daba joog ah madax sare sare kula yeeshay Addis Ababa (Sawirro)

Recommended Posts

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo booqasho rasmi ah ku jooga Addis Ababa isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa kulamo is daba jooga ah la qaatay madax sar sare ee urur gobeleedka IGAD, Midowga Africa, Madaxweynaha Jabuuti iyo madaxweynaha dawlad geedaanka Soomaalida Itoobiya.

 

Ra’iisal Wasaaraha ayaa casho sharaf la yeeshay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Hailamariam Daselegn iyo madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Cashadan ayaa ahayd mid lagu gunaanadayo munaasabadii dhismaha hay’ad loogu magac daray Meles Foundation.

 

Ra’iisal Wasaaraha oo ay wehliso Marwo, Xildhibaan Caasha Xaaji Cilmi iyo xubnaha golaha Wasiirada ee safarkiisa ku wehliya ayaa dhanka kale kulan qado ah la qaatay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana kulankan qadada ah uu ka dhacay qasri uu ku leeyahay dalka Itoobiya Madaxweyne Ismaaciil.

 

Qado sharaftan ayaa ahayd mid saaxiibtinimo isla markaana looga arrinsaday iskaashiga dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti, waxaana kulankan ka horeeyey booqasho rasmi ah oo Ra”iisal Wasaaraha iyo wafdigiisu ay ku soo mareen dalka Jabuuti ka hor intii aysan soo gaarin magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya.

 

Dhanka kale, Ra’iisal Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa xalay ka qeybgalay caasuumaad casho ah oo uu sameeyey madaxweynaha dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo ay wehliyeen xubno maamulkiisa ka tirsan, xildhibaano deegaanka iyo kuwa dawlada federaalka ah waliba iyo ganacsatada deegaanka. Waxaa kaloo cashadan ka soo qeyb-galay Cabdifitaax Sheekh Cabdullahi oo ah wasiirka shaqaalaha iyo arrimaha bulshada dawlada Itoobiya iyo Sagaye Barhe la-taliyaha Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ee arrimaha amniga.

 

Cashadan oo aheyd is barasho iyo kala warqaadasho ayaa markii ay soo gabagabowday waxaa warbaahinta la hadlay Ra’iisal Wasaare Saacid, isaga oo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay kulankan caawa, isla markaana uu muhiim u yahay is dhexgalka iyo iskaashiga dawladda Soomaaliya iyo dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

 

“Aadbaan ugu faraxsanahay casuumaada uu noo fidiyay madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar, waxaana rajeynayaa in cashadan oo kale aanu ugu sameyno Muqdisho” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo xusay inay booqashan doonaan xarunta dawlad degaanka Soomaalida ee Jigjiga.

 

Dhanka kale, Ra’iisal Wasaaraha ayaa galabta kulan rasmi ah la qaadanaya Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Hailamariam Deselegn, waxayna kulankan uga wadahadli doonaan arrimaha dalka Soomaaliya, gaar ahaana iskaashiga dhinacyada amniga, Dhaqaalaha iyo horumarka labada wadan.

 

 

 

Garad Salad Hersi

Press officer, PM office

Addis ababa, Ethiopia

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Ra’iisal Wasaaraha ayaa casho sharaf la yeeshay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Hailamariam Daselegn iyo madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Cashadan ayaa ahayd mid lagu gunaanadayo munaasabadii dhismaha hay’ad loogu magac daray
Meles Foundation

Yep, serious talks have been held, Somalia is back :D :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

The Zack;935982 wrote:
Yep, serious talks have been held, Somalia is back
:D
:D

loool The real talk was in the best part of the day........Men have to eat soomaaha .

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

^That is fair... Cashadu waa fiican tahay. Casho with Iley, Casho at Meles Foundation event.. Cashadu ha socoto. Talks-kii mee?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Zack

 

don't be disappointed watch after this trip ..... result will be reach THE SOVEREIGNTY OF THE SOMALI PEOPLE. AND . All the sovereign authority belongs to the people of Somalia and may be exercised directly or indirectly ... NOT KENYANS

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nice pictures.It's great pleasure to see a Somali leader enjoying talks with his counterparts.

 

However Saacid could have made great strides and success, step by step he would've made progress and made the best out of these talks if it wasn't for his tight-locked hands by Dam-jadiid and Hassan Ulusow's narrow view of Somali politics. The man is not bad but handcuffed mentally, he needs to step up to the plate and free his mind.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Isniin, Abriil 08, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) oo safar shaqo ku jooga dalka Itoobiya ayaa kulan waqti dheer qaatay la yeeshay maanta ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Hailamariam Desalegn.

 

Kulanka labada ra’iisul wasaare oo ahaa mid labadooda u gooni ah ayay uga hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, waxayna kulankooda ku tilmaameen mid taariikhi ah, waji cusubna u furaya xiriirka labada waddan u dhexeeya, waxaana ra’iisul wasaaraha Somalia uu dhiggiisa ugu hambalyeeyay qabashada jagada guddoonka ururka Midowga Afrika oo dhawaan uu la wareegi doono.

 

“Mudane ra’iisul wasaare waxaan kuugu hambalyaynayaa fursaddan aad u heshay inaad qabato jagada guddoomiyaha ururka Midowga Afrika,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid. Isagoo intaas ku daray inay tahay mas’uuliyad weyn oo uu u qabanayo Afrika oo dhan.

 

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo si diirran u soo dhaweeyay ra’iisul wasaare Saacid ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay mar kasta garab-taagan tahay dowladda Soomaaliya. Waxaana uu sheegay in Soomaaliya ay yeelatay madax aad ugu ammaanan sida ay uga go’an tahay inay dalka Soomaaliya xasiliyaan dibna u soo dhisaan. Isagoo intaa raaciyay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin dad hal-abuur leh oo waqti yar gudihiis kaga soo kaban kara dhibkii soo maray kana qaybqaadan kara horumarka caalamku uu ku tallaabsaday.

 

 

 

“Soomaalidu waa dad hal-abuur leh kuna fiican ganacsiga, waqti sidaas u sii dheer kuma qaadanayso inay dib u soo kabtaan, dalkooda dhisaan, dunidana tartan la galaan. Waana ku faraxsanahay ra’iisul wasaare in xukuumaddaadu hormuud ka tahay Soomaaliyada cusub,” ayuu Daselegn hadlakiisa ku daray.

 

Ra’iisul wasaarayaasha ayaa sidoo kale kawada xaajooday arrimaha gobolka iyo kaalinta urur goboleedka IGAD uu kaga jiro. Iyagoo isla falanqeeyay xaallada sugidda ammaanka Soomaaliya iyo doorka ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ay ka qaateen. Waxayna isku af-garteen in dagaalka lagula jiro kooxda Al-shabaab uu muhiimadda koowaad kaga jiro qorshaha labada dal; maadaama ay caqabad ku yihiin nabadda iyo horumarka ay hig-sanayaan shacabka ku nool labada dal.

 

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay madax kale oo Afrikaan ah, kuwaasoo uu ku jiray madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana ra’iisul wasaaraha Somalia ku wehlinaya safarkiisan wasiirada arrimaha dibadda, arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, gaashaandhigga, wasiir ku-xigeenka ganacsiga iyo xubno kale.

 

Wafdiga ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa waxay berri u dhoofi doonaan dalka Uganda oo qayb ka ah dalalka uu booqanayo, waxaana uu uga sii gudbi doonaan dalka Burundi, waxaana dalalka uu marayo oo dhan ka jooga Soomaaliya ciidammo gacan siinaya dowladda Soomaaliya.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this