Sign in to follow this  
malistar2012

Kn:Ciidamo ku jooga gawaarida gaashaaman oo uu horkacaayo Col. Cabaas Talxe oo gaaray magaalada Kism

Recommended Posts

Published: March 7, 2013

 

Kn:Ciidamo ku jooga gawaarida gaashaaman oo uu horkacaayo Col. Cabaas Talxe oo gaaray magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka soo baxaaya warar is khilaafsan.

 

Ciidan kan oo shalay ka anbabaxay magaalada Ceelwaaq oo fariisin u ahayd ayaa isla shalayba mooday magaalada Dhoobleey, kadibna cagta saaray jidka Habaar waalid, ayagoo ku sii hakaday magaalada Hoosingow.

 

Col. Cabaas iyo ciidanka uu hogaaminaayo oo soo gaaray Beerxaani, lana filaayo inay subaxnimada barri soo gaaraan Kismaayo ayaa wararka aan helayno waxay sheegayaan inay Kismaayo ku imaadeen qorshe ay isla ogolaadeen IGAD iyo maamulka kumeel gaarka ee ka arimiya Kismaayo.

 

Warar kale ayaa sheegaaya in ciidamadan ay si gadood ah ooga soo tageen aagga Ceelwaaq oo la filaayay in kadib shirka ka furmay Kismaayo ee maamulka loogu dhisaayo Jubbooyinka iyo Gedo, markaasi weerar looga qaado magaalada Baardheere ayadoo laga hujuumaayo deegaanka Buusaar oo u dhaxaysa Ceelwaaq iyo Baardheere.

 

Labada war waxaa la naawilayaa inuu sax yahay midka hore, ayadoo horay ay u jirtay inay ciidamadan isku day sameeyeen ay ku doonayeen inay Kismaayo ku soo aadaan, laakiin ay deegaanka Diif ka celiyeen Kenyaanka, markanse ay wadada ku mareen is afgarad guud oo ay isla gaareen ciidamada huwanta ee Kismaayo ku sugan iyo waliba urur Goboleedka IGAD. Fikirka ka danbeeya ciidamadan ayaa ahaa in la isku dheeli tiro ciidamada Kismaayo ku sugan oo la sheegay inay u badanyihiin hal beel, maadaama la doonaayo in la yagleelo maamul guud oo ay ku midaysanyihiin sadexda Gobol.

 

Ciidamadan ayaan la kulmin wax cimil gal ah iyo weeraradii ku dhufo oo ka dhaqaaqda ahaa ee looga bartay ciidamada Xarakada Alshabaab oo ku dhuumaalaysanaaya inta badan dhulka kayma leyda ah ee gobolka Jubbada Hoose.

 

KismaayoNews.com

 

http://kismaayonews.com/2013/03/07/col- ... oo-gaaray/

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

loool.

 

the same stories of coloneel hebel baa halkaan ka duulay, iyo hebel baa Kismayo gaaray is 1990s nafaqo stuff ninyoow. loool. the aksariyayn and carrying the boots of HAG masters will not work for gedo people this time ninyoow. the community woke up and that is the reason they are utterly divided and the voice of reason will eventually win and the shameless bootlicker faction will be a minority. reconsider your HAG strategy of using poor proxies because that game is done ninyoow.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntlandpost propoganda

 

Kismaayo: (pp)- Wararka nagaa sooraya Jubbooyinka ayaa sheegaya in Col. Cabbaas iyo ciidan 230 gaaraya oo ku hubeysan gadiid dagaal oo dhan 4, 5 gaari oo xamuul ah iyo gaari booyad ah ayaa shalay ka soo dhaqaaqay degmada Diif.

 

Ciidamadan ayaa ku u soo jeeda magaalada Kismaayo ee gobolka jubbada hoose. Ciidamadan oo ah kuwii dowladda uga dagaalgeli jiray gobolka gedo ha yeeshee soo goosashada ciidamadan ayaan weli si macquul ah loo sababeyn iyadoo war hoose ay sheegayaan in ciidamadan iyo Col. Cabbaas ay qeyb ka yihiin raggii hubeysnaa gadoodka iyo qaska ka sameeyay magaalada Kismaayo labo asbuuc ka hor.

 

Ciidamadan ayaa lagu tuhunsanayahay ineey ka mid yihiin qorshe ay dooneyso dowladda federalka ineey ku majo xaabiso dadaalka loogu jiro in gobollada Jubbooyinka loogu dhiso ismaamul dowladdeed ka qeyb ah nidaamka federaalka ee dastuurka dalka dowladda federaalka loogu dhisay.

 

Maamulka kumeelgaarka ee Jubbooyinka ayaan weli ka hadlin ciidamaddan uu hoggaaminayo Col. Cabbaas. Col. Cabbaas ayaa wararku sheegayaan inuu haatan ku sugan yahay tuulada Hoosingo ee Gobolka Jubbada Hoose waxaana laga filayaa maamlmahan inaku soo aadan degmada Kismaayo.

 

Xarakada Alshabaab ayaa lagu soo warramay ineey siiyeen marin ciidankan. Tan ayaa lagu fasiri karaa in siyaasadda alshabaab ay tahay cadowgaaga cadowgiisu waa saaxiibka, halka warar kale ay sheegayaan in Alshabaab ay isku siyaasad ka yihiin in la maja xaabiyo maamulka laga doonayo in laga dhiso deegaanka Jubbooyinka.

 

Xarakada Shabaab oo aan lagu aqoon siyaasadda noocaan ah ayaa la ogyahay had iyo jeer ineey aad uga faa’iideystaan isku dhacyada qabaa’ilka taaso haadda u muuqata in arrintu ay halkaas la gashay oo siddaas ay ku taageerayaan Ciidamada la sheegayo inuu wato Col. Cabaas.

 

 

Puntlandpost, Kismaayo, Jubbaland

 

http://www.puntlandpost.com/kismaayo-co ... i-gudbaan/

Share this post


Link to post
Share on other sites

HAG is playing politics to the highest level having saacid and general diini as the top commander is not a coincidence, empowering the gedo community halting the clan federalism state in Jubbaland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Corneal Cabas is well known figure in Jubba areas, he is leading 1,000 well trained Government soldiers, they are currently at airport area.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I welcome Colonel Cabaas.

 

It is bit confusing how the good Colonel come through Alshabaaab :D, : internet portals are reporting clan nonsense. But given the grand strategy for Jubbaland State, it appears there is a strategy to create more inclusive security force for the soon to be established state.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Correction: The number of the troops are 300 men....I had to call Kismaayo to confirm. Also, the Raskamponi camp wanted to attack at least two times but the Kenyans had to intervene.

 

@Xiin

 

Apparently Alshabaab knew all their move so they let them go wishing for a clash.....!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this