Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Somalia: Somali revolutionist passes away in Bossaso Maxamed Saalax Deyr Ladane

Recommended Posts

GAROOWE: Madaxweyne Faroole ka tacsiyeeyey geerida Halgame Ladane Saalax Deer.

 

February 13, 2013

 

Garoowe: (pp)- Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole ayaa maanta 13 February,2013 waxa uu tacsi u direy eheladii iyo Qaraabadii uu ka geeriyoodey Alaha u naxariistee Ladane Saalax Deer oo kamida ahaa Halgamayaashii Xoriyada Somalia

 

ladan.jpg

Madaxweyne Faroole & Halgame Ladane mar ay ku kulmeen Degmada Carmo.

 

Magaalada Bossaso ayuu ku geeriyoodey waxana la sheegey in dhowaanahan uu la ildarnaa xanuuno maadaama uu da’a noqdey isagoona 100 kii sanno ku dhowaa.

 

”Aniga oo ku hadlaya Afkayga ,kan dowladda iyo shacabka reer Puntland waxaan halkan uga tacsiyeynayaa intii uu ka tagay Marxuum Ladane Saalax oo ahaa halgamaa Soomaliyeed” Ayuu yiri Dr.Farole.

 

Alle ayuu uga baryey madaxweynuhu in Marxuumka uu Jandiisa Fardowso ka waraabiyo isagoona dhinaca kale uga baryey in samir iyo imaan ka siiyo intii uu ka tagay.

 

Alaha ha u naxariistee Ururkii Dhalinyarada ee gobanimo u dirirrka Soomaliyeed ee SYL ayuu xilal kala duwan ka soo qabtey Marxuumka ,waxana lagu wadaa in maalinta beri ah lagu aaso magaalada Bossaso.

 

puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Biography of Haji Mohamed Salah Deyr

 

Taariikhdii Halgamaa Maxamed Salaax Deer(Xaaji Ladane)

 

February 14, 2013

 

Halgame, Mudane Maxamed Salaax Deer oo loo yaqaan Halgame Haji Ladane Salaax wuxuu ku dhashay Magaalada Kismaayo, Calanley 1914. Wuxuuna yaraantiisii ku barbaraay gobolada Bari iyo Mudug, halkaas oo quraanka iyo waxbarashada uu ka bilaabay. Mudane Ladane Salah Deer waxaa dhalinyaranimadiisii uu u wareegay dhulka Itoobiya halkaas oo uu waxbarashadiisii ka sii watay. Intuu dhulkaas ku noolaa Halgame Haji Ladane Saalax Deer wuxuu si fiican u fahmay macnaha dawladnimo iyo qaranimo iyo ku noolaanshaha waddan xor ah oon gumaysi ka talin.

 

 

ladane2222.jpg

Halyey Ladane

 

Halgame Haji Ladane Saalax wuxuu waddanka ku soo noqday markii dhaqdhaqaaqa gobanimo doonku biloowday. Inkasta oo uusan ku jirin 13kii halgame ee aasaasay ururkii gobanimo doonka ee SYL, Halgame Haji Ladane waxaa asaxabtii SYL ku tirisaa dadkii udub dhexaadka u ahaa guusha ay SYL gaartay. Waxaa xaqiiq ah 90% 13kii mudane ee SYL sameeyey in aysan aqoontooda dhulka Soomalidu dagto dhaafsaneeyn Mugdishu iyo magaalooyinka ku dhow dhow. Si loo helo dhaqaale lagu fuliyo hawlgalada ururka SYL waxaa muqadas ama daruuri noqotay in aaraada ururka lagu fidiyo dhulka Soomaalidu dagto si loo helo taageeraayaal xubin ka noqda ururka iyo dhaqaale lagu fuliyo howlaha ururka. Halgame Haji Ladane maadaama uu ahaa nin dhul yaqaan ah, dad badan oo saaxibo SYL ahna kasban kara waxaa madax looga dhigay gudiga dhaqaale uruninta iyo diiwaan galinta xubanaha SYL ee gobolada koofur ka xiga banaadir ilaa dhulka Soomalidu dagto ee Ethiopia.

 

1945 ilaa 1960, Halgame Ladane Salaax Deer wuxuu safaro aan kala go’ lahay ku tagi jiray goboladaas oo dhan ood qiyaasi kartaan dhulka fogaantiisa, iyo gaadiid xumada waqtigaas jirtay. Waqtiyada uu sida gaarka ah u xuso marka la weeydiiyo hawshii uu qaranka Soomaliyeed u soo qabtay waxaa ka mid ah soo ururintii lacagtii lagu dhoofiyey ergadii uu hogaaminayey Halgame Cabdulahi Ciise oo ahaa saxiibkiisa qaaliga ahaa.

 

Haji Abdullahi Cise Mohamed oo fadhiya, Haji Mohamed Ahmed Ottavio iyo Haji Mohamed Salaax Ladane (11, 08. 1952, Mogadishu).

 

Halgame Haji Ladane wuxuu yiraahdaa- Gumeysigii Talyaanigu si xoog leh buu uga soo horjeeday bixitaanka Halgame Cabdulaahi Ciise oo ay SYL u diyaarinaysay in uu ka qaybgalo shirkii Ururada Qaramada Midoobay ee lagu go’aaminayey ayaaha Soomaaliya. Haji Ladane wuxuu yiri SYL lacag meel u taalay oo ay ku ambabixiyaan ergadii uu hogaaminayey Mudane Cabdullahi Ciise ma jirin, wax lacag haystana nalakuma arkin, niyad uun baan haynay”. Waxay noqotay in aan baxo oo lacagtii ka soo aruuuriyo gobolada oo dhan. Markaan soo noqday Halgame, Cabdirishiid Cali Sharmake oon saxiib ahayn, ogaana safarka dheer ee aan ka mid, baa ku farxay in Ilaah i soo nabad caliyey oon lacagtii ergada lagu dhoofin lahaana aan ka soo gaarsiiyey. Intuu si kalgacal leh iigu soo booday oo foolka iga dhunkaday buu wuxuu yiri Ladanow maanta lacagtaan la’aanteen Cabdulaahi iyo ergadiisu ma baxeen, hawsha SYL iyo xoraynta wadankaan aad u soo qabatay Ilaah ha kaa baal mariyo.Waxaan ku iri Cabdirishiid kuligeen Ilaah wadankeena oo xor ah Rabbi ha nawada tuso. Ilaahna waa naga aqbalay.”

 

Xoriyaddii Ka dib, Halgame, Ladane Saalax Deer wuxuu ka mid ahaa xubnihii barlaamnkii 1969, wuxuuna xisbigoodu oo lagu magacaabi jirey “Xisbiga Libaaxa” ka soo galay magaalada Buulo barde. Wuxuu siyaasadda ka fariistay markii ay xukunka la wareegeen Dawladdii uu hogaaminayey Marxuum Maxamed Siyaad Barre.

 

1970 Halgame Haji Ladane wuxuu u wareegay dhinaca beecmushstarka, oo uu guulo badan ka gaarey, sida shirkaddii Ladane-Magan Company Ltd oo keeni jirtey daawadda waddanka laga isticmaalo. Sidoo kale wuxuu aasaasey shirkaddii “Afro Arab International Group” oo iyaduna ahayd import-export company.

 

1991dii ayaa Halgame Haji Ladane Saalax iyo qaar ka mid ah reerkiisu u qaxeen Qahira kuna noolaa muddo toban sanno ah, ka dibna dalka Maraykanka oo uu degenaa todoba sanno.

 

2007, ayaa Marxuum Cabdulahi Yusuf Ahmed Madaxweynihii hore ee Dawladda Ku Meel Gaarka ahi ku Casumay Halgame Haji Ladane Saalax in uu noqdo guddoomiye ku xigeenka shirkii dib u hshiisiinta Soomaaliyeed ee lagu qabtay Muqdishu July 15, 2007 uuna la hogaamiyo Mudane Cali Mahdi Maxamed. Shirkaas waxaa ka so baxay qodobo saldhig u noqday furdaaminta qaranimaddii cakireeyd ee siyaasada Soomaliya.

 

Halgame Haji Ladane Salaax Deer waxaa uu ahaa gabyaa qarsoon, mar walbana tixo gabey ah ama afarey ah ka tiriya wacyiga soo marey. Waxaan tusaale u soo qaadanayaa markuu ka soo wareegay waddanka Mareykanka, soona degay Bosaaso iyo Carmo ka hor, wuxuu tiriyey tix afarey ah oo uu ugu magacdarey “ DALTABYO”, isagoo caddeynaya inuu wax walba ku haysto Mareykan, kuna jisaari Karin, haddana aan ku qanacsaneyn sii joogidda Mareykanka, ayuu yiri:

 

Damiirkaygu waa diiddan yahay dibad ku noolow eh

 

Dawo iyo daryeel waa helaa daacadda ilaahe

 

Danbi weeye inaan dayrsadaa dayrta maanta ahe

 

Dal-tabyaa I haysoo wax kale ima daweeyaane

 

Eebbow Dalkaygii I gee, kaa duraansadaye

 

Oo igu daryeel daa’imow deeqe waa adiye

 

Eebbow dul iyo hoos anoo aad iga daweysay

 

Oo duubyada caafimaad igu dalaqsiisay,

 

Eebbow dalkaygii I gee kaa duraansadaye.

 

Ilaahay subxaana wa tacaalaa ducaddiisii waa u qaadey.

 

Haaji Ladane wuxuu ummadda Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay nabadda ehel u noqdaan, waddanka kala dagaalamaan Jaadka oo sal u ah ciribtirka dhaqanka iyo dhaqaalaha, iyo baabi’inta jiilka soo koraya.

 

Haji Mohamed Saalax Ladane waxaa uu lahaa xaas qaali ah Maryan Dhore Gulled Cad Cad, wuxuuna ifka kaga tage saddex wiil, todoba gabdhood iyo labaatan iyo laba ay sii dhaleen oo uu awoowe u yahay.

 

Waxaanu rabi uga baryeynaa inuu qabrigiis u waasaciyo, janadii fardowsana ugu bishaareeyo. Samir iyo iimaana rabi naga wada siiyo dhammaanteen.

 

Warbixintan waxaa diyaarshey, Ambassador Ebyan Ladane, Waxaa isku dabaridey Sakariye Isticmaar.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bossaso: Aas Qaran oo ka dhacaya

 

14 Feb 14, 2013

 

Magaalada Bossaso xarunta gobolka Bari ayaa lagu wadaa maanta 14 February,2013 inuu ka dhaco Aaska Qaran ee Marxuum Maxamed Saalax Ladane oo shalay ku geeriyoodey halkaasi.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa habeenimadii xalay digreeto ka soo baxdey xafiiskiisa waxa uu ku magacaabay Guddi loo xilsaarey Aaska Qaran ee Marxuumka oo uu hogaaminayo Wasiirka Maaliyada Faarax Cali Jaamac,waxana sidoo kale hoos loo dhigaya calanka Puntland muddo saddex maalmood ah.

 

Halkan ka akhariso: Taariikh Nololeedkii Halgamaa Ladane

 

Qabuuraha Biyo Kulule ayaa lagu aasayaa Marxuumka ,waxana magaalada Bossaso laga dareemaya Mashquul badan iyo diyaargarowga Aaska Qaran.

 

Garowe Online wararkeeda danbe ayaan idiin ku soo gudbineynaa Faahfaahinta Aaska Halgame Maxamed Saalax Deer ''Ladane '' oo da'a kor u dhaafay 110 sanno ku dhintey kana mid ahaa dhalintii SYL ee xornimada Somalia u soo hoyey.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this