Sign in to follow this  
Jacaylbaro

SOOYAAL - Ina Cabdulle Xassan Ma sheekh buu ahaa mise .... ??

Recommended Posts

Khadafi   

Walleeey maadey meel ayuu gaaray, Sheekh Aweys iyo culumadi hore, dinta faafiyay in u necbanyahay waa la ogyahay, laakkin in isticmaarka talyaaniga qabrigiisa taar iyo raadiyo dhigeen waa waalida shabaabka haysto lol! , Maadey the boat is sinking, si u dhaqs badan ka boood!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Khadafi;873362 wrote:
Walleeey maadey meel ayuu gaaray, Sheekh Aweys iyo culumadi hore, dinta faafiyay in u necbanyahay waa la ogyahay, laakkin in isticmaarka talyaaniga qabrigiisa taar iyo raadiyo dhigeen waa waalida shabaabka haysto lol!

:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

The old man is talking about how the people of Bay and Bakool resisted and finally repelled M A Xassan forces. His father was among the men that fought against the Darwishes.

 

The Darwishes arrived where they lived via what is now Killil5 and demanded the locals hand over livestock. The locals asked why and the answer was the livestock "belonged to Allah" and the Darwishes were "servants of Allah". The locals then asked their Mullahs (who happened to have studied with the "sayidka") to talk to the Darwishes. The local Mullah gave the Darwishes chapters and verse from the Qur'an why they do not have to hand over their livestock on the bogus "servants of Allah" premise. The Darwishes attacked and took the livestock forcefully. The locals decided to organise themselves and call men who knew how to fight using guns - just in case the Darwishes make another raid on them. When Darwishes made another attempt, they were defeated by the then prepared forces.

 

The old man also confirmed the "sayidka's" contempt for the people of Bay and Bakool and his condescending views on their language.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Walaahi waa nasiibdarro waayo qorayaashii iyo aqoonyahanadii kuwii sheeganayay baa sii tiimbanaya godkii qabyaalada. Buugga uu ninkaasi qoray waa kab shaydaan ka faniintay waayo wax macno ah ma soo kordhinayo oo aan ka ahayn inuu qaldo jiilka soo koraya oo ku barbaaray in sayidkii ahaa halyeey Soomaaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Buuggaas Sayidka lagu caayayo iska daaya ee raadsada kan:

 

 

Dib-u-eegid Buugga cusub “Xusuusqor” ee Siciid Cismaan Keenadiid – AUN

 

 

Daahfurka Buugga ee London UK 13.01.2013 – [Halkan ka akhri]

 

Waxaa dhawaan la daabacay buuggii noociisu ugu horreeyay ee ku saabsan maalmihii ugu dambeeyay Dowladdii Soomaaliya iyo bilowgii dagaalada sokeeye –(30.12.1990 – 06. 1994).

 

Waa jiraan buugag laga qoray dagaalada sokeeye ee soomaaliya oo afaf kala duwan ku soo baxay. Kanise waa xusuusqorkii ugu horreeyay ee ay ku uruursan yihiin dhacdooyinkii xilligaas kor ku xusan.

 

Xusuusqorkii qoraaga ee uu habayn iyo maalinba wax ku qori jiray, ayaa maanta isagoo buug laga dhigay soo baxay. Dhacdooyinka waxaa lagu uruurshay Xamar (Mogadisho) oo goob dagaal ah, qoraaguna Xamar ayuu ku sugnaa muddadaas oo dhan.

 

Intaanan u gudbin faallo iyo falanqayn, waxaa xusid mudan oo aan hordhaca buugga kasoo xiganayaa, siduu ahaa ku talagalkii hore ee qoraaga ee ku saabsanaa goorta ugu habboon ee uu rabay in la daabaco.

 

“… In dhacdooyinka naxdinta leh sida gumaadka la daabaco goor dibuheshiisiin iyo xasillooni la gaaray oo la miyirsaday, waase ayaandarro ee, colaaddii iyo dagaaladii ayaa sii laba-jibbaarmay. Soomaalidu way uun ciribtirmi weyday mooyee, waxay u muuqataa ummad xukuman…”

 

Buuggu wuxuu si dulmar ah usoo gudbinayaa sida cudurka qabyaaladdu u dilooday bulshada soomaalida. Su’aal ku qoran magaca buugga hoostiisa ayaa ruux kastoo garaad leh si dhab ah u taabanaysa. Su’aasha iyo labada jawaabood ee ku hoos qoran ayaa ku siinaya farriinta ballaaran ee uu xusuusqorkani xambaarsan yahay :

 

“Goormaa qof lala colloobaa”

 

1- Goortii uu dagaal idin dhexmaro (waagii hore)

 

2- Goortii qabiilkiisa la ogaado (maanta)”

 

Waxaa gogoldhigga 1aad ee buugga ku xusan arrin fahmiddeedu ay muhiim tahay. Waxaa jira quraafaad ay soomaalidu iska dhaadhiciyeen, oo ay badankood rumaysan yihiin.

 

Waxaa ka mid ah, tusaale ahaan, inay jiraan qolooyin aan masku qaniinin; kuwo sayn

 

leh – qorismaris; xungurufta iwm. Si sahlan oo kooban oo kaftan ku dheehan yahay ayaad senenka (superstition) soomaalida uga boganaysaa….

 

Waxaa akhristuhu ka heleyaa arrimo, macluumaad iyo dhacdooyin (qubane ah); tusaale, Qorshihii Benito Mussolini ee uu rabay in Yuhuudda la dejiyo Soomaaliya – ka hor dagaalkii 2aad ee adduunka, Yuhuudduna ay diidday waagaas, iyagoo ku andacoonaya inay degi doonaan dhulkii Eebbe u balanqaaday.

 

Soomaali arrintaas maqlay baa yiri:” Oo weynnu sigannaye!” Mid kalaa ka daba yiri: “Maya, Yuhuudda ayaa sigatay!!!”

 

Sidoo kale, ololkii caasimadda, bililiqooyinkii soo dhacay –tus. Hobyo 1903, Xamar 1947 iyo 1948, Hargaysa 1988, Xamar 1990, qabashadii, sigashadii iyo samatabixii qoraaga, dibuheshiisiin, cilmidhegood, xifaale dagaal – tusaale:

 

…”Waxaan Xamar loogu adkaysan karin maahan dagaallada oo keli ah, ee waa xabbadaha 24ka saac – dagaal iyo dagaal la’aanba – iska dhacaya.”

 

Iyo sidoo kale qormooyin ku saabsan horyaalnimo beelaha dhexdooda ah iwm.

 

“Nabad waxaa u dambeeyay waagii ay qabaa’ilku isxifaalayn jireen”

 

Dhacdooyinka buugga waxaa qaarkood la socda faallooyin iyo ama isweydiimo. Si guudmar ah,oo aysan warxume-tashiilku ama colaad-huriyuhu adeegsan karin ayuu dhacdooyinka u qoray. Waxaa buugga laga reebay arrimo badan oo qoraagu isyiri, waxay beddeli karaan, khaldi karaan ama qaloocin karaan hadafka, nuxurka iyo qiimaha xusuusqorka.

 

waxaa si aada ii taabtay sida qoraagu uu hadba u cabbirayay aragtidiisa ku aaddanayd dagaalada sokeeye, tusaalooyin:

 

26.11.1991

 

- “Odayaal heerka qabiilka ka garasho sarreeya, oo soomaalinimo isku bahaysta, ma laga waayay dadka Xamar deggan…”

 

- “Tan iyo hadda kooxaha xoogooda mideeyay oo aan qolo qolo isu takoorin waa burcadda iyo tuugada…”

 

30.11.1991

 

“Xalay: Tan iyo aroortii wuxuu ahaa habeenkii uu hubka culusi ugu dhicid badnaa.

 

“Xamar arrintiisu waxay maraysaa: Woqooyiga magaalada Cali Mahdi Maxamed ayaa u taliya, koofurna Maxamed Faarax Caydiid. Dhinac walbana waxaa burburinaya kan dhinaca kale u taliya. Dadka aan labadaas ahayn oo magaalada la baabbi’inayo wax ku leh, waa kuwo aan taag iyo talo hayn”.

 

Meel kale ayuu sidatan ku leeyahay:

 

“Meeshii hadba dhibaatada timaadda wax laga qaban lahaa ayaa, af iyo addinba, dhibaatada lafteeda la isku jaangooyaa, si loola qabsado“

 

Buugga waxaa ku qoran dhacdooyinkii waagaas iyo taariikhda ay mid waliba dhacday.

 

( tus. 17.11.1991 – bilowga dagaalkii afarta bilood).

 

Waxaa intaas dheer oo ku jira wararkii iyo waraysiyadii idaacadaha xamar iyo BBCda; wararkii gobolada kale ee soomaliya; shirarkii isdabajoogga ahaa ee la kala shirayay; heshiisyadii aan marna lugu heshiin; go’aamadii aan marna lugu guulaysan; madaxdii iyo hoggaamiye jabhadeedyadii jeerkaas ka dhex muuqday weegaarrada siyaasadda iyo dagaalada; wasiiradii, xildhibaanadii, dadweynaha xamar (gaar ahaan kuwa xamar jadiid ); gurigii uu ku noolaa – qoyska reer Cismaan, deriskii (aan la illaawi karin), ehelkii, qaraabadii, asxaabtii, socotadii, dhibbanayaashii,iyo xataa xoolihii ay dagaaladu saameeyeen qaarkood.

 

Si gaar ah waxaa dareen kuu gelinaya ereyada iyo oraahyada ay dhegaheennu maanta u barteen, oo jeerkaasna la isticmaalayay sida xabbad-joojin, midnimada soomaalidu waa muqadas, dowlad loo dhan yahay, maleeshiyo beeleedyo, xasuuq, gumaad, bililiqo, barakac, qaxooti, burcad, beelo isku dhacay, mujaahid, baaqyo, dibuheshiisiin, qaramada midoobay, beesha caalamka, maraykanka, talyaaniga, amxaarada, faragelin shisheeye iwm.

 

Murti uu Siyaasiga mudane Cumar Carte Qaalib soo xigtay mar uu ka khudbaynayay Hotel Guuleed (bogga 42), ayaan akhristayaasha (intooda aan horey u maqal) usii iftiiminaya.

 

„Ninkii maska u tababaray si uu dambiisha uga soo baxo,illooweyse inuu baro sidii dambiisha loogu celin lahaa…ninkaas markii dambe maskii baa cunay“

 

Waxaa dalalka India, Pakistan iyo kuwa deriska la ahba ka jira niman intay muusig u tumaan masaska(sida Kobrada) maddiideeya (hypnotise).

 

Nimankaas waxaa loo yaqaan Snake charmers. Koobradu markii ay maqasho dhawaqa turumbada ayay dambiisha ka soo baxdaa oo dhaqdhaqaaq kala duwan sameysaa oo cidna ma qaniinto haddii xataa afkeeda loo dhowaado. Keddibna dhawaq kale ayay si tartiib ah dambiisha ugu noqotaa.

 

Xusuusqorka waxaa la socda lifaaq taariikheed oo ku saabsan Gobanimadoonkii Shabeellada Dhexe. Qoraaga ayaa inoo sheegaya hadafka uu ka lahaa lifaaqa:

 

„Waxaa looga maarmi waayay si akhristaha aan xog’ogaalka ahayni uusan u moodin in habdhaqanka dagaal ee soomaalidu uu weligiis ahaa ‘Soomaali soomaali kale leynaysa’“

 

Daahfurku wuxuu ka dhacayaa: Taariikh 13-01-2013. Saacada 16:00–19:00 Magaalada London, faahfaahin dheeri ah la xiriir Tel: +44 7985 111 384 [YUSUF NOR] adareeska: halka lagu soo bandhigayo BUUGA waa [4-5 Lismore Circus London NW5 4QF]

 

Diyaariye:

 

Xaashi Yaasiin Cismaan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Odayga shaikh ha ahaado amabase yuusan ahaan laakiin waxaan marnaba laga murmayn inuu wadanka somalia iyo dadka somalidaba u soo halgamay. dadka qaar qabyaalad baa indhaha tirtay. qabiil nacayb bay nin boqol sano mayd ah ku caayayaan. walle waa yaab. Aniga waxaan layaabay hadaad somaliyo dhan waydiiso waxay ku leeyihiin odayga halgan buu ahaa oo xoriyada dadka soomaali iyo la dagaalanka gaalo buu dhawr iyo labaatan sano hayay ilaa aad ka gaarto gobolda waqooyi. Strange how their version of history conflicts with everyone else'.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this