White star in blue

Nomads
  • Content Count

    7
  • Joined

  • Last visited

  1. Haha.. Mohamed Haji Adan seems under duress. a week ago he told media that SL is more realistic in search of "reaching their borders" near Yoocada, a more 20 miles to Garowe. Now he is being coached by Nugaal governor, Ina Farawayne. All Puntland presidents arrested Mohamed Hajji Adan during their tenure in presidency except president Gaas. Waar odayga maxay sidaas ugu galayaan. kkkkk
  2. LOL. We used to call Cubans during Ogaden war debacle "Kuubo naaswayn" meaning Cubans are gyncomatsiac. Siad Barre ordered Cuban and Soviet advisors in Somalia to leave within 48 hrs accusing them betraying communist Somalia.
  3. A right step to right direction.This means the organic union that Somalia needs desperately is in the offing.
  4. http://horseedmedia.net/2013/01/10/dib-u-eegid-buugga-cusub-xusuusqor-ee-siciid-cismaan-keenadiid-aun/
  5. Buuggaas Sayidka lagu caayayo iska daaya ee raadsada kan: Dib-u-eegid Buugga cusub “Xusuusqor” ee Siciid Cismaan Keenadiid – AUN Daahfurka Buugga ee London UK 13.01.2013 – [Halkan ka akhri] Waxaa dhawaan la daabacay buuggii noociisu ugu horreeyay ee ku saabsan maalmihii ugu dambeeyay Dowladdii Soomaaliya iyo bilowgii dagaalada sokeeye –(30.12.1990 – 06. 1994). Waa jiraan buugag laga qoray dagaalada sokeeye ee soomaaliya oo afaf kala duwan ku soo baxay. Kanise waa xusuusqorkii ugu horreeyay ee ay ku uruursan yihiin dhacdooyinkii xilligaas kor ku xusan. Xusuusqorkii qoraaga ee uu habayn iyo maalinba wax ku qori jiray, ayaa maanta isagoo buug laga dhigay soo baxay. Dhacdooyinka waxaa lagu uruurshay Xamar (Mogadisho) oo goob dagaal ah, qoraaguna Xamar ayuu ku sugnaa muddadaas oo dhan. Intaanan u gudbin faallo iyo falanqayn, waxaa xusid mudan oo aan hordhaca buugga kasoo xiganayaa, siduu ahaa ku talagalkii hore ee qoraaga ee ku saabsanaa goorta ugu habboon ee uu rabay in la daabaco. “… In dhacdooyinka naxdinta leh sida gumaadka la daabaco goor dibuheshiisiin iyo xasillooni la gaaray oo la miyirsaday, waase ayaandarro ee, colaaddii iyo dagaaladii ayaa sii laba-jibbaarmay. Soomaalidu way uun ciribtirmi weyday mooyee, waxay u muuqataa ummad xukuman…” Buuggu wuxuu si dulmar ah usoo gudbinayaa sida cudurka qabyaaladdu u dilooday bulshada soomaalida. Su’aal ku qoran magaca buugga hoostiisa ayaa ruux kastoo garaad leh si dhab ah u taabanaysa. Su’aasha iyo labada jawaabood ee ku hoos qoran ayaa ku siinaya farriinta ballaaran ee uu xusuusqorkani xambaarsan yahay : “Goormaa qof lala colloobaa” 1- Goortii uu dagaal idin dhexmaro (waagii hore) 2- Goortii qabiilkiisa la ogaado (maanta)” Waxaa gogoldhigga 1aad ee buugga ku xusan arrin fahmiddeedu ay muhiim tahay. Waxaa jira quraafaad ay soomaalidu iska dhaadhiciyeen, oo ay badankood rumaysan yihiin. Waxaa ka mid ah, tusaale ahaan, inay jiraan qolooyin aan masku qaniinin; kuwo sayn leh – qorismaris; xungurufta iwm. Si sahlan oo kooban oo kaftan ku dheehan yahay ayaad senenka (superstition) soomaalida uga boganaysaa…. Waxaa akhristuhu ka heleyaa arrimo, macluumaad iyo dhacdooyin (qubane ah); tusaale, Qorshihii Benito Mussolini ee uu rabay in Yuhuudda la dejiyo Soomaaliya – ka hor dagaalkii 2aad ee adduunka, Yuhuudduna ay diidday waagaas, iyagoo ku andacoonaya inay degi doonaan dhulkii Eebbe u balanqaaday. Soomaali arrintaas maqlay baa yiri:” Oo weynnu sigannaye!” Mid kalaa ka daba yiri: “Maya, Yuhuudda ayaa sigatay!!!” Sidoo kale, ololkii caasimadda, bililiqooyinkii soo dhacay –tus. Hobyo 1903, Xamar 1947 iyo 1948, Hargaysa 1988, Xamar 1990, qabashadii, sigashadii iyo samatabixii qoraaga, dibuheshiisiin, cilmidhegood, xifaale dagaal – tusaale: …”Waxaan Xamar loogu adkaysan karin maahan dagaallada oo keli ah, ee waa xabbadaha 24ka saac – dagaal iyo dagaal la’aanba – iska dhacaya.” Iyo sidoo kale qormooyin ku saabsan horyaalnimo beelaha dhexdooda ah iwm. “Nabad waxaa u dambeeyay waagii ay qabaa’ilku isxifaalayn jireen” Dhacdooyinka buugga waxaa qaarkood la socda faallooyin iyo ama isweydiimo. Si guudmar ah,oo aysan warxume-tashiilku ama colaad-huriyuhu adeegsan karin ayuu dhacdooyinka u qoray. Waxaa buugga laga reebay arrimo badan oo qoraagu isyiri, waxay beddeli karaan, khaldi karaan ama qaloocin karaan hadafka, nuxurka iyo qiimaha xusuusqorka. waxaa si aada ii taabtay sida qoraagu uu hadba u cabbirayay aragtidiisa ku aaddanayd dagaalada sokeeye, tusaalooyin: 26.11.1991 - “Odayaal heerka qabiilka ka garasho sarreeya, oo soomaalinimo isku bahaysta, ma laga waayay dadka Xamar deggan…” - “Tan iyo hadda kooxaha xoogooda mideeyay oo aan qolo qolo isu takoorin waa burcadda iyo tuugada…” 30.11.1991 “Xalay: Tan iyo aroortii wuxuu ahaa habeenkii uu hubka culusi ugu dhicid badnaa. “Xamar arrintiisu waxay maraysaa: Woqooyiga magaalada Cali Mahdi Maxamed ayaa u taliya, koofurna Maxamed Faarax Caydiid. Dhinac walbana waxaa burburinaya kan dhinaca kale u taliya. Dadka aan labadaas ahayn oo magaalada la baabbi’inayo wax ku leh, waa kuwo aan taag iyo talo hayn”. Meel kale ayuu sidatan ku leeyahay: “Meeshii hadba dhibaatada timaadda wax laga qaban lahaa ayaa, af iyo addinba, dhibaatada lafteeda la isku jaangooyaa, si loola qabsado“ Buugga waxaa ku qoran dhacdooyinkii waagaas iyo taariikhda ay mid waliba dhacday. ( tus. 17.11.1991 – bilowga dagaalkii afarta bilood). Waxaa intaas dheer oo ku jira wararkii iyo waraysiyadii idaacadaha xamar iyo BBCda; wararkii gobolada kale ee soomaliya; shirarkii isdabajoogga ahaa ee la kala shirayay; heshiisyadii aan marna lugu heshiin; go’aamadii aan marna lugu guulaysan; madaxdii iyo hoggaamiye jabhadeedyadii jeerkaas ka dhex muuqday weegaarrada siyaasadda iyo dagaalada; wasiiradii, xildhibaanadii, dadweynaha xamar (gaar ahaan kuwa xamar jadiid ); gurigii uu ku noolaa – qoyska reer Cismaan, deriskii (aan la illaawi karin), ehelkii, qaraabadii, asxaabtii, socotadii, dhibbanayaashii,iyo xataa xoolihii ay dagaaladu saameeyeen qaarkood. Si gaar ah waxaa dareen kuu gelinaya ereyada iyo oraahyada ay dhegaheennu maanta u barteen, oo jeerkaasna la isticmaalayay sida xabbad-joojin, midnimada soomaalidu waa muqadas, dowlad loo dhan yahay, maleeshiyo beeleedyo, xasuuq, gumaad, bililiqo, barakac, qaxooti, burcad, beelo isku dhacay, mujaahid, baaqyo, dibuheshiisiin, qaramada midoobay, beesha caalamka, maraykanka, talyaaniga, amxaarada, faragelin shisheeye iwm. Murti uu Siyaasiga mudane Cumar Carte Qaalib soo xigtay mar uu ka khudbaynayay Hotel Guuleed (bogga 42), ayaan akhristayaasha (intooda aan horey u maqal) usii iftiiminaya. „Ninkii maska u tababaray si uu dambiisha uga soo baxo,illooweyse inuu baro sidii dambiisha loogu celin lahaa…ninkaas markii dambe maskii baa cunay“ Waxaa dalalka India, Pakistan iyo kuwa deriska la ahba ka jira niman intay muusig u tumaan masaska(sida Kobrada) maddiideeya (hypnotise). Nimankaas waxaa loo yaqaan Snake charmers. Koobradu markii ay maqasho dhawaqa turumbada ayay dambiisha ka soo baxdaa oo dhaqdhaqaaq kala duwan sameysaa oo cidna ma qaniinto haddii xataa afkeeda loo dhowaado. Keddibna dhawaq kale ayay si tartiib ah dambiisha ugu noqotaa. Xusuusqorka waxaa la socda lifaaq taariikheed oo ku saabsan Gobanimadoonkii Shabeellada Dhexe. Qoraaga ayaa inoo sheegaya hadafka uu ka lahaa lifaaqa: „Waxaa looga maarmi waayay si akhristaha aan xog’ogaalka ahayni uusan u moodin in habdhaqanka dagaal ee soomaalidu uu weligiis ahaa ‘Soomaali soomaali kale leynaysa’“ Daahfurku wuxuu ka dhacayaa: Taariikh 13-01-2013. Saacada 16:00–19:00 Magaalada London, faahfaahin dheeri ah la xiriir Tel: +44 7985 111 384 [YUSUF NOR] adareeska: halka lagu soo bandhigayo BUUGA waa [4-5 Lismore Circus London NW5 4QF] Diyaariye: Xaashi Yaasiin Cismaan
  6. Walaahi waa nasiibdarro waayo qorayaashii iyo aqoonyahanadii kuwii sheeganayay baa sii tiimbanaya godkii qabyaalada. Buugga uu ninkaasi qoray waa kab shaydaan ka faniintay waayo wax macno ah ma soo kordhinayo oo aan ka ahayn inuu qaldo jiilka soo koraya oo ku barbaaray in sayidkii ahaa halyeey Soomaaliyeed.
  7. Madaxwaynuhu waa caqliloow waayo wuxuu keenay PM dadkii hore ah oo sariiganaya. Alla mindhaa muxuu hoosta ka gubanayaa Mr. Saacid. Xasan qoslaaye weli waa qoslayaa! Ever-smiling president.