Sign in to follow this  
Jacaylbaro

SOOYAAL - Ina Cabdulle Xassan Ma sheekh buu ahaa mise .... ??

Recommended Posts

Xaflad Lagu Gardaadinayey Buug Laga Qoray Qayb Ka Mid Ah Dhaliilihii Sayid Maxamed Cabdalla Xasan Oo Caawa Lagu Qabtay Hargeysa+ SAWIRO

 

 

 

 

Hargeysa (OWN)- Xaflad lagu gardaadinayay buug la magac-baxay “SOOYAAL” oo uu qoray Cabdiraxmaan C. Faarax (Guribarwaaqo) oo naqdiyaya gabayadii aflagaada u badnaa iyo habdhaqankii xumaa ee Ina Cabdle Xasan ku hayay dadkii uu xiliigaa la noolaa, ayaa caawa lagu qabtay jaamacadda Hargeysa.

DSC085061.jpg

Bandhigga loo sameeyey buuggaan SOOYAAL, ayaa waxa ka soo qayb galay maamulka jaamacadda Hargeysa, qoraayaal, aqoonyahanno iyo martisharaf kale oo tiro badan.

DSC08485.jpg

Qoraagga buugga SOOYAAL Cabdiraxmaan C. Faarax (Guribarwaaqo) oo halkaa ka hadlay ayaa sharraxaad qotodheer ka bixiyey tubtii uu u maray qorista buugga, isaga oo sheegay in qoraayaashii anaajibka ahaa iyo kuwii soomaalida ahaa ee Sayid Maxamed Cabddala Xaxan wax ka qoray in aanay waxba ka qorin gabayadii cayda ahaa iyo habdhaqankii xumaa ee ina Cabdalla Xasan adeegsan jiray.

DSC084911.jpg

Waxa uu sheegay in markii uu ina Cabdalla Xasan Berbera uu yimid inuu sheekh sheegtay, isla markaana sheekh looga baahan yahay inuu dadka diinta baro, inuu dadka isu keeno, in aanu dadka isku dirin, isaga oo xusay in ina Cabdalla Xasan inuu intaa seegay.

Waxa uu tilmaamay in musheekhdii kale ee Soomaalida diinta bartay sida Sheekh Aways, sheekh Kawnayn, Shaakh Madar, Sheekh Maxamed Cabdi Makaahiil, Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Nuur iyo sheekhyadii kale inay dadka diinta si fiican u bareen, isaga oo sheegay inaan la soo sheegin ciidan ay saareen oo ay dad geliyeen.

DSC08498.jpg

Qoraagu waxa uu tilmaamay in lix reer ah oo Somaliland ka soo jeedda oo Ingiriiska heshiis la galay si ay ammaan u helaan in taariikhdaa laga been-sheegay oo weliba in Cabdalla Xasan-na dadkaa la diriray oo dagaal culus la galay.

Waxa uu tilmaamay in markii uu Berbera yimi ee dadka seekha u sheegtay inuu dadkii ku amray waxyaabo badan oo qaldan, isaga oo sheegay inay xilligaa dad badani ******** in diintu ku yartahay.

“Haddii uu sheekh yahay miyuu dadka ciidan gelin lahaa? Maxamed Cabdalla Xasan wax ayuu basaasi jiray, diintuna ma ogola in wax la basaaso. Waxa uu Cali Jaamac Haabiil u diray rag soo basaas iinta uu leeyahay. Diintu xoolo xalaal xun ayay ina tidhi, laakiin Sheekhu { ina Cabdalla Xasan} xoolo xaaraan ah ayuu cuni jiray. Wixii uu ku faanayay waxa ay ahaayeen xoolo uu dhacay ee may ahayn qaar uu dhaqday.” Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Guribarwaaqo.

DSC08507.jpg

Waxa uu intaa raaciyey oo uu yidi; “Taariikhada uu qoray Aw Jaamac Cumar Ciise waxaad ogaanaysaa inaanay ahayn mid lagu kalsoonaan karo marka loo fiirsado qaladaadka uu samayn jiray ina Cabdalla Xasan. Waxa uu qoray taariikh been ah oo aan isku hallayn lahayn.” Ayuu yidhi Guribarqaaqo.

“Arrimaha kale ee mugdiga geliyey taariikhda ina Cabdalla Xasan waxa ka mid ahaa guur badan oo ka badan inta diintu ogoshay in la guursado oo ah afar buug. waxaan buugga ku hayaa dhawr iyo soddon haween ah oo uu qobay taana diintu ma ogola. Waxa ka mid ah waxayaabaha sheekh looga fadhiyo inaanu ku kicin dilka bilaa sababta ah, oo uu samayn jiray.” Ayuu yidhi Guribarwaaqo.

DSC08493.jpg

Waxa uu qoraagu aad ugu dheetaaday gabayo badan oo ina Cabdalla Xasan dadka ku aflagaadeeyey, kuwaas oo uu xusay inuu cirdiga dadka ku aflagaadayn jiray, isaga oo tilmaamay in buugga SOOYAAL wax badan uu ka qorayo taariikhdii qaldanayn ee ina Cabdalla Xasan ka tagay.

DSC08504.jpg

Waxa isaguna madasha buugga lagu soo bandhigayay ka hadlay Abwaan Axmed Aw Geed doo sheegay in dhawr iyo soddon sannadood baadhiyey taariikhda ina Cabdalla Xasan, isaga oo tilmaamay in Maxamed Cabdalla Xasan taariikh badan oo xun oo la hilmaamay in hore loo sheego ay jirto.

DSC08501.jpg

Waxa uu dheegay in ina Cabdalla Xasan uu dhibaato weyn u gaysan jiray dadkii xilligiisa la noolaa, isla markaana uu geella ka dhici jiray oo reeraha caydhayn jira.

“Markii uu yimi hawdka burco waxa la sheegay inuu maalintaa kaxaystay 300 oo geela oo uu ka dhacay dadkii deegaankaa degennaa.” Ayuu yidhi Abwaan Axmed Aw Geeddi.

DSC084912.jpg

Abwaanku waxa uu sheegay in ciidamadiisii ay dad badan oo isugu jira waayeen, haween uur leh iyo caruur-ba inay xasuuqi jireen, isaga oo halkaa ku soo bandhigay magacyada 32-ka dumarka ah ee uu ina Cabdalla Xasan qabi jiray.

Waxa uu soo jeediyey in taariikhdu dhinacyada badan ee ay leedahay la soo bandhigo, isla markaaa waxuu sheegay in guud haan gabayaashii ka gabyay Ina Cabdalla Xasan inay dhaliili jireen.

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abtigiis;872336 wrote:
There is also another book coming out in Nairobi this week. The title is "
Ina Cigaal ma wuxuu ahaa wadani mise fat.aal?
"

Awoow ha xanaaqin hana salfududaan sidaad noogu maahmaahi jirteen. Dhib ma leh ina Cigaal waa shaqsi shar iyo khayrba lahaa haddii uu hore prof Gees uu amaan badan uga qoray adna dhaliishisa waad sheegi kartaa F-word kaas uun baan meesha qaban.

Guri Barwaaqo waa qoraa wayn waxa uu dhinac inaga tusay wadaad ay hore qorayaashii acadamiyada dhaqanka ee Muqdisho si awr dhinac ka raran ah ay wax uga qoreen imikana awrkii uun baa dhinaca kale laga raray si loo dheeli tiro.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

LOL@the afartan gubatay ee elementary school classroom isugu timid. Sooyaaal iga dheh....

 

Adeer kan buugga qoray u sheega haddii Sayd Maxamed jiri laheyn in maanta magaciisa iyo kan aabihiis ahaan laheyn Paul John. Ninka dib u islaamiyay buu wax ka sheegi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Khadafi   

The Zack;872497 wrote:
LOL@the afartan gubatay ee elementary school classroom isugu timid. Sooyaaal iga dheh....

 

Adeer kan buugga qoray u sheega haddii Sayd Maxamed jiri laheyn in maanta magaciisa iyo kan aabihiis ahaan laheyn Paul John. Ninka dib u islaamiyay buu wax ka sheegi.

Ine Maxamed Cabdille Xassan was a man that had a foresight, but he was a ruthless murderor who instead of using peacefull means to unite Somalis used war and tribal divisions. I find his poems insulting other tribes filthy. But hey, he is your ina adeer and fought gaaalo, So he must be good? Liiska ku dar Maadeys favorite artist Xassan Daahir aweys and Fuad Shangole, they to are "fighting gaalo and using tribes against each other to achieve theire political objectives"Do you even know that Ina Maxamed Cabdille Xassan slaughterd one of the most well known religous leader in Somalia? Yaa dilay Sheekh Uweys Al -Qaadiri´al baraawi? Some people even suggest the man hade a taste for warming drinks Remember the poem " Markaan wab ka siiyo aan duula";)

 

 

We deeply need historical revision, 21 years of of D-block rule sidelined some historical events that can not be denied. . But to do some justice his poems are sometimes inspring and deeply patriotic, nevertheless the man is deeply divisive. What he did to to the people of Bay-Bakool and should not be ignored. Zack, reer baraawe and ****banadiri haa u sheegin Ina maxamamed cabdille xassan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wadani   

The Zack;872497 wrote:
LOL@the afartan gubatay ee elementary school classroom isugu timid. Sooyaaal iga dheh....

 

Adeer kan buugga qoray u sheega haddii Sayd Maxamed jiri laheyn in maanta magaciisa iyo kan aabihiis ahaan laheyn Paul John. Ninka dib u islaamiyay buu wax ka sheegi.

Wallahi i truly feel sorry for u if u believe this.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wiil Cusub;872407 wrote:
Diintu xoolo xalaal
xun
ayay ina tidhi, laakiin Sheekhu { ina Cabdalla Xasan} xoolo xaaraan ah ayuu cuni jiray.

diinta tidhi xoolo xalaal xun, talow wa diintee??

ma diinta meeytida oo laga dawa rucleeyaaa????? qoragaa buuga hala weydiiyo, iyo raga tagersan.,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,::confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this