Sign in to follow this  
Maaddeey

Kaalia

Recommended Posts

Maaddeey   

images?q=tbn:ANd9GcSWMgHQMMJFHUcGHxKoqaE

 

Nin aa asoo tarbuush leh oo eeyaha ka cabsado si gardarro ah gurigiisa loo gubaa, dembi aas leheenna lagu xiraa. Xabsiga aas Strong Man ku naqanaa, illaa aas birta laabo saxankana jeexo. Intuu Xabsiga ku jiro dadkii dad u xigay waa ka rooraayaan, dad dadowna waa soo dhoweysanayaan, meeshaas ayuu wuxuu ka tirinaa tix gabay ah:

 

Bowdada markii aan ka jabay, boqonka taaggiisa

Habeenkiiba waa i bidhan lahaa, bahalkii cawlnaaye

Raggii buurta dheer igala baxay, beerka ka ogsooni

 

Bah-Cillaamo goortay dhammaan, iga dul booyaysey

Bah-Sadhaysna "baga" inay i tidhi, beerka ka ogsooni

 

Ninkii Burunji inuu iga cuno, ii barriidinaayey

Ee aan bar kale ii tarayn, beerka ka ogsooni

 

Ninkii Belad shisheeye iga jiray, ee soo bixi waayey

Ee in aan bogsado uun jeclaa, beerka ka ogsooni

 

Laxaad waa badhaadhee hadduu, ii bogsado xooggu

Haddii uu biixiyaha Eebbahay ,isugu kay beego

 

Abaal badh ah abaal bur ah abaal bur iyo dheeraad ah

Ninba kiisa kaan ugu beddeli, beerka ka ogsooni

 

Markuu xabsiga ka soo baxo waxaas naqanaa tuug wayn (Don), lakin tuugada kale lees dhacaa, masaakiintana waa u gargaraaraa. Waa wiil yaroo Ceel Wareegoow ku dhashay, kuse koray The city of brotherly love!, wax love ahse kuma arkin meeshaas, taasaana u keentay inuu naqdo sida aas naqday!.

Maxaa ka fahantay?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Yunis   

^Its sign of the Argagixisada Afka duuban and their desperation - they are no longer misinterpreting Quran, now, gabaygii Xaaji Xaddi bay inspiration ka dhigteen...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Lol...Yunis....is this Maaddey-gii la yaqaanney? Mise waa hooskiisii?:D Maaddeey, waan ka helay ararta aad u samaysay...lol bir la laabo iyo saxan la jeexo.....Raggii buurta dheer igala baxay beerka ka ogsoonine waad ku soo gebegebeysey....Waxaan u fahmey xaaladdu waa idinku xun tahay, laakiin hannoo dardaar werin, insha Allaah no more is qarxis soon, waayo kuwa waxa la qarxiyo diyaariya oo dhan farahaa laga gooynaa!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Lol, Abwaanow si xaasidnimo & negative-nimo ka buuxdo ayaad u fasiratay weliba si ula kac ah (bah sadheysna* inay baga i tiri beerka ka ogsooni).

 

Saaxibkay Ngonge ayaan ka sugayaa inuu sida saxda ah u sharxo, with style, monday morning, of course, bacdal qaxwa dabcan!. :D

-----

* baraxley ku bedel bah sadheys.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Maaddeey;842448 wrote:

-----

* baraxley ku bedel bah sadheys.

Maya. Sina-dhaqo (iyadaaba u dhawaaq dhaw) iyo Geed-kama-xaggeeyo ku beddel :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juxa   

it is famous gabey, wuxuu ku qornaa buuga suugaanta ee iskuulada laga dhigi jirey no?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Its famous because buugaas suugaanta!. Gabayadeenna famous'ka ahaa famous maaha saa laguma qorin buuggee, no?.

Sheekada maxaa kaaga baxay?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Shabaab ma filmantii, fankii iyo sugaanti so gashay. Last time they were blowing up youth in cinemas, for watching film hindi and football.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Roob magaalo ku hooray ramaas sooma bixiyee laamiguu ku raftaa.

 

Gabeygaas iyo woxoogaa gabayo ah oo uu Sayid Maxamed Cabdulle Xasan iska leeyahay ayuun baan ka xasuustaa gabayadii iskoolka lagu dhigi jiray, intii kale ilaahay ha u naxariisto waan iloobay. Mise tollow waa da'da...:D

 

PS. Kaaliya great movie, the Indian version of Robin Hood

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ Maxaad ka fahantay ba lago yedhi, not what's the history of the poem, Juxa. :P

I have to admit that I didn't understand much of it. Ma filin hindi baa? A down trodden man rises up to beat his gathering foes? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this