Sign in to follow this  
Taleexi

Ha I Furin!

Recommended Posts

Taleexi   

Wq. Axmed Ismaaciil Maxamuud

(Axmed Deeq)

April 30, 2012

 

Waa habeen badh hurdana haba sheegin. Laabtu way hugmaysaa. Maanku way ducanayaa. Afku way hud hudayaa. Qallinkuna qoraal diid ee haddaba maxaan sameeyaa? Horta dhacdooyinka murugta leh maxaa igu weegaaray aniga? Sidii ay dhiillo ii timid maxaan dhabanada la haystaa? Maxaa ii diiday inaan ooridayda Aniisa si habsami ah isaga ag seexdo? Ma garan karo, laakiin sheekadan intii itaalkay qoraalkeeda waan ka meermeeray, inay igu koobnaatana waan isku dayay. Hase yeeshee, waan ka gam’i waayay oo waxay igu noqotay waran wadnaha igaga likaysan iyo waajib tunka iga saaran. Taasaa u sabab ah inaan kuu soo bandhigo ee bal illa dhugo.

 

Bal halkan ka sii akhriso http://wardheernews.com/Sheeko_Gaaban/Axmed_Deeq/April_30_12_Ha_I_Furin.html

Share this post


Link to post
Share on other sites
Blessed   

^Ma dhici karto, Taleexi waa qumay, mise inaguu isu keen xawaasheeyaa tolow? Lovely piece of writing. Axmed Deeq, Allah ha daayo. Raga dhaqanka xun inay raga kale u maan celiyaan ayaa qurux badan. Thanks for sharing, T. :)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juxa   

I just can't imagine Somali woman saying please ha ifurin

 

The man waa dayuus

Share this post


Link to post
Share on other sites
wyre   

Haddaba Illaahay dumarka ma wuxuu u abuuray in lagu raaxaysto oo marka ay duqoobaana laga dal doorsado? Miyaanay cuqubo ahayn gabadhaa waxa ku dhacay, gabdho kale oo badanna haystaa? Miyaanay damiir la’aan iyo dadnimo ka bax ahayn sida ay u fikiraan rag badan oo wadaaddo isku sheeg ahi? Sheekadani wax la qarsan karo miyaanay ka xanuun badnayn? Diinta Rabbi se in lagu gabbado oo dano gaar ahaaneed lagu fushadaa miyaanay qiyaame ahayn? Xilligan aan joognose haddii qofka Eebbe adduun siiyay, garashana u dhaliyay inuu shan dumara guursado miyaanay ka habboonayn inuu dhawr dhallinyaro ah oo xaaraan isugu tagta markii ay guur awoodi waayeen isku xalaaleeyo? Bal adba!

Really heart-touching sheeko Qoraa iga dheh

 

The other thing dadka diinta ku qaraabta shaqadaas wey caadeysteen, Burburki somalia wax badan buu na baray oo anshaxa iyo ibnu-aadam nimadaba ka baxsan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coofle   

axmed deeq is very talented...I always read his articles, it is relieving to know there are young writers interested in Somali language, plus his style is unique I recommend "Bahal Gadh leh" it is very nice piece;

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Thanks guys..

 

Wyre : Maya ma qorin wayse wacnaan lahayd sidaa heerka sare ah, ee farshaxamaysan, ee qoraa Deeq ugu fara yaraystay inaan wax u gudbin karo. Anigu beri baan gabadh jeclaaday markaas baa kulankayagii iigu horeeyey aan indhaha ka fiiriyey, mise wax laga jeensan karo ma aha, dhabannadaan ka eegay mise kaba daran, intaan Alshabaabku ina qabsan bay ahaydoo dumarku guntiino iyo dirac waxna ku tusaya, waxna kaa qarinaya bay wadan jireen, oo aniga oo aan is ogayn baan arkay indhahaygii oo hoos u dhaadhacay markaas maba ogiye show gabadhii waa ila hadlaysaa, doqon aan dantiisa sheegan karayn bay i qortay oo dabadeedna iska sii jaqaafisay. Maalintii, xigtay, anigoo diyaarsan oo B, T, iyo J ilaa Y siday isugu xigaan u xafidsan waxaan u sheegi lahaa bay i hortimi, illeyn nin sida Axmed Deeq afkiisa ku ciil bixi kara ma ihiye daawasho uun baan ugu dhaqaaqay dabadeedna quus bay i qortay illeyn gabar garoorkaaga meeqa waaye la oran waayey baa ugu darane !

 

Axmed Deeq baa sheekada iska leh calaa iyo xaal haddii aanan sheeko bililiqsi doon ahayn :)

 

 

Blessed: Adiga ma kolay qumaynimadaydu wax ku yeelaysaa :) kuwa "say wallaahayda" baan beryahan ku mashquulsanahaye .... adiguse odayga wax Ha I Furin arrinta gaarsiiya ha ku samayn :)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Juxa;825013 wrote:
I just can't imagine Somali woman saying please ha ifurin

 

The man waa dayuus

Juxa: Saaka malaa maad qaxwayn !

Share this post


Link to post
Share on other sites
raula   

Nice piece. I would like to agree w/Juxa laakin dumarka qaarkood intey qabiil, qaraabo iyo qiil raga xun xun uu raadinaayan mise uu sacab tuumaayan iyo qaar aad moodid in laf dhabarka laga siibe..bey uu badan yihin..marka some will be stuck w/slanted notion's. Kuwana dan nolaaleed (i.e. dependence especially if she's poor & has children) baa ku qasbi iney noloshaa qaabka daran kusii jiraan. Laakin caraweelo baa kareyse koleytaba.

 

In any case..good reminder indeed. Koleytaba ani waxaan ku jiraa former Mrs Bobbitt's camp

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

Althou my somali is perfect reading a whole page in somali gives me a headache lol...bal aan akhiryo oo nigu soo laabto..from what i read the comments mid baa tidhi "please ha ifurin"..oo miyey is nacday..lol

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites
Garnaqsi   
The title put me off! I know we shouldn't judge a book by its cover and all, but it put the whole picture of the first part of 'Ragoow aarsi haween u adkaaysta markiina' on my mind, which I think captures one of the dark parts of the Somali culture pretty well.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

amazing article. I enjoyed reading it..finally finished reading it. The article was a bit too long to my liking.

 

laakin aad iyo aad ayaad ugu mahadsantahay. Odeyga laga hadlayo shiekhnimo ayuu ku qaraabsanayey sida naxdin leh uu ufray his wife ayaa iga yaabisay. Yaduna inta ee u amusneed oo ay diin dartii ula joogtay asna in uu saa ugalo xaqdaro bay aheed. saan filayona shekadan bari hore bay dhacday..hada islamaha jooga yagaaba ifur dhahaya kibir heerey ka qabaan taasi wa qaar. Anyhow, miskiinta danbi buu ka galay...haduu sheikhyahay sida ninka wax qoraya so jeediyey ayu sameen laha oo dhalinyaro ayuu ka shaqeeyn laha suu isku dari laha meshu asagu ka qaraabanayo. lol

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites

wyre;825015 wrote:
Really heart-touching sheeko Qoraa iga dheh

 

The other thing dadka diinta ku qaraabta shaqadaas wey caadeysteen, Burburki somalia wax badan buu na baray oo anshaxa iyo ibnu-aadam nimadaba ka baxsan

intaas waa run waa qoraa sax ah ninkaan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

^ LOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOL...xalay baad laheed dhagdheer socotay oo rudy waa nabad. maantana ma yadii baad furi over a text? isku xishood at least call her LOL

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this