Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Saado cali insults and curses khatumo website editors

Recommended Posts

Aaliyyah;824742 wrote:
Mr scripe, this is what you wrote "im puzzled what does this word mean" and now you are saying oh i was just amazed that you used such a word. Clearly you have such a short term memory. Make up your mind. Actually never mind I careless..ii dhaaf

 

Makulaalow, lol ma sidaasba.

horta waa loo baahnaa gabar nimankan indhaha u fiiqda, but don't be provoked by them, we don't want to miss you like Somalina. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

horta waa loo baahnaa gabar nimankan indhaha u fiiqda, but don't be provoked by them, we don't want to miss you like Somalina.

lol@ "we dont want to miss you like somalina" ..ina faroole, ma waxa ileedahay forumkan anaga iska leh, oo ma hadli karo oo kuma odhan karo ilma faroole dhaafa khaatumo. Waa layaab. meshu ma dictatorship baa??horta shekadu ma shekadii sultanka la dilay baa socota.Somalina way maqantahay waxba haka hadlin qof maqan.

 

Anyways, way too many scripts are filling this place lately including adiga laftiga (joined jan 2012) loool

 

waaban iska bixi. hani macanaato.

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

FREE The Suldaan: Suldaan C/Qaadir Ciise oo Warlord Faroole Ku Tilmaamay Mid Aan Dhageysan Shacabka

 

suldaan-cabdiqaadir-ciise.png

 

 

Ha la sii-daayo Suldaan C/qaadir Ciise (Baaq ka soo baxay Beesha oo Shacabkamedia la soo gaarsiiyay)

 

Dhamaan aqoonyahanadda,Culimadda,Isimadda,Dhalinyaradda iyo Haweenka Beesha Ugaar-Saleebaan ee daafaha Dunidda ku-dhaqan,waxay cambaareynayaan Maamulka Puntland oo si sharci-darro ah u xiray Suldaan C/qaadir Ciise oo ka mid ah Isimadda Beesha Ugaar-Saleebaan ee la karaameeyo.

Beesha ayaa ugu baaqayso Madaxweynaha Puntland iyo Xukuumadiisa inay si deg-deg xornimadiisa ugu soo celiyaan Suldaanka oo shalay lagu xiray Magaaladda Garoowe,xili uu booqasho halkaas ku soo gaaray,waxayna ka codsanayaan Isimadda Puntland inay wax ka qabtaan xariga sharci-daradda ah ee Suldaanka lagula kacay.

Suldaanka ayaa loo heystaa hadalo mucaaradnimo ah oo dhawr-jeer uu ka sii daayay Teleefishinka Somali-Channel,isagoo eedeeyay Madaxweynaha Puntland iyo Golihiisa Wasiiradda,lamana yaqaan xiliga la siideyn doono,inkastoo warar soo gaaraya Shacabkamedia ay xaqiijinayaan inuu Suldaanka waqti xaadirankan uu ku sugan-yahay guri qasri ah oo bartahama Garoowe ku-yaal,halkaasna ay su*aalo ku weydiinayaan Ciidamadda Amniga ee Puntland,lamana yaqaan xiliga la sii-deyn-doono.

Wixii ku soo kordho xaaladda Suldaanka Isha-ku-haay Webka loogu jecel-yahay Soomaalidda ee Shacabkamedia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

VIDEO: Suldaan C/qaadir Ciise Axmed (Dhagas) oo Warlord Faroole Ku Tilmaamay Mid Aan Dhageysan Shacabka Qeybihiisa Waxgalka Ah

 

uldaan C/qaadir Ciise [Dhagas] oo ka mid ahaa Ismadii Puntland ee ay ku caana Shubteen Beel ka mid ah Beelihii Dhistay PL ayaa Garoowe lagu xidhay.

Suldaanka wuxuu ahaa nin aad u dhaliila Siyaasad Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud [Faroole] waxana uu Warbaahinta lasyak Arko ka sheegi Jiray Hadalo dhaliil ah oo ku Socda Hogaanka PL

Suldaan C/Qaadir wuxuu Mudo ku Noolaa dalka UK halkaasi oo aad uga dhex Muuqday Barnaamijkii Ka Bixi Jiray TV-ga Somalichannel ee loogu Magac daray ‘Puntland iyo Maanta’

Xadhiga Suldaankaasi kama aysan hadlin Dowlada Puntland Gaar ahaan Laamaha Amaanka ee Maamulkaasi.

GalGalanews ayaa Dhowr Jeer Baahisay Codad uu leeyahay Suldaanku isaga oo Xidhiidh la Soo Samayn Jiray Wariyaasha Mareegtan.

Hoos waxaad ka Arakaysaan Muuqaalka Doodii ka Bixi Jirtay TV-ga Somaliya Channel waxana Doodaasi lagu qabtay Magaalada London, Doodaasi oo Looga hadlayay Markaasi Marxalada ay Puntland marayso waxa Suldaanka kala qayb Galay Eng Abshir Muuse oo ahaa Ragii Dhisay Puntland.

Hoos Ka Daawo Muuqaalka.

 

" frameborder="0" allowfullscreen>

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

 

Garoowe: Mid Kamida Salaadiinta Puntland oo Xabsiga La Dhigay

 

 

Suldaan lagu magacaabo Suldaan C/qaadir Ciise oo loo yaqaan Dhagas ayaa lagu xiray magaalada Garoowe ee caasimada dowlada Puntland.

 

Oday dhaqameedkan oo kamida Issimada Puntland wuxuu kasoo jeedaa beesha Muuse Saleebaan ee degta gobollada Bari iyo Karkaar, wuxuuna muddo dheer ku noolaa dalka Britain magaaladiisa London.

 

Suldaanka ayaa la qabtay xilli uu Garoowe soo galay, waxaana lagu hayaa xabsiga ayuu noo xaqiijiyey mid kamida ehelada Suldaan C/qaadir oo nala soo xiriiray.

 

Sababta ka dambeysa xiritaanka Issimkan si dhab ah looma oga, balse waxaa la aamisan yahay inay xiriir la leedahay inuu kamid ahaa dadkii kasoo horjeeday in xukuumada Madaxweyne Faroole iyo Baarlamaankaba ku darsadaan muddada xafiiska ay joogayaan Hal Sano oo dheeri ah.

 

Intii uu joogay Britain Suldaanku wuxuu sidoo kale si toos ah uga qayb qaadan jiray doodo, iyo barnaamijyo lagu dhaliilayo xukuumada Puntland, isagoo dhowr jeer kasoo muuqday barnaamij caan noqday oo lagu magacaabi jiray PUNTLAND IYO MAANTA oo ka bixi jiray taleefashinka Somali-Channel, Barnaamijkaas oo diirada lagu saari jiray khaladaadka xukuumada.

 

Billihii u dambeeyey waxaa sii kordhayey xariga loo geysanayo dad la aamisan yahay inay kasoo horjeedaan xukuumada Puntland walina ma jirto cid maxkamad loo soo taagay eedeyn ah inay dowlada ku kacsan yihiin ama khatar maleegayeen.

 

Wali waxaa xabsiga Boosaso ku jira Siyasi Bille Qabowsade oo xilal ka duwan kasoo qabtay xukuumada Puntland, iyo waliba wariye Cuuke oo u shaqayayey idaacada Codka Nabada.

 

Waxaa kaloo isagana wali gacanta dowlada ku jira nin xildhibaan Puntland ka ahaan jiray oo lagu magacaabo Maxamed Yusuf, kaasoo isagana aan wali lasoo taagin maxkamad.

 

__________________________________________

 

GalgalaNews:- Isimo Puntland ugu Baaqay inay Sii Dayso Suldaan C/qaadir iyo Siyaasi Bile Qabowsade DHEGAYSO

 

http://www.galgalanews.com/?p=11829

 

Garoowe (GalGalanews) – Suldaan Jaamac Xasan Ibraahim oo ka mid ah Duubabka dhaqanka ee Somaliyeed Mudona Degenaan Gobolada PL wuxuu ka hadlay Xadhiga Loo Gaystay Suldaan C/qaadir Ciise oo Ciidamada Amaanka Maamulka Puntland ku Xidheen Dhawaan Garoowe iyo Waliba Xadhiga Siyaasi Bile Maxamuud Qabowsade oo isna Bosaaso ku Xidhan. Suldaanka ayaa Dowlada Puntland Madaxdeeda Sare ugu baaqay inay dib u eegaan Xadhiga Labadaasi Ruux isla markaana Hadii ay Danbi Leeyihiin Sharciga La Hor keeno. Suldaan Jaamac wuxuu ka mid ahaa Duubab isna lagu xidhay Puntland sida uu sheegay weeyaane, wuxuu ku cel celiyay in Ismada dhaqanka aan la Fara Galin karin. Hadalka Duub dhaqameedkan ayaa imanaya xili uu Mudo xidhan yahay Siyaasi Bile Maxamuud Qabowsade kaasi oo lagu xidhay Magaalada Ganacsi ee Puntland. Sidoo kale Suldaan C/Qaadir waxa lagu xidhay Bosaaso isaga oo la Filayo in Suldaanka lagu haysto Warar uu Siiyay Warbaahinta layska arko isaga oo wakhtigaasi ku Sugnaa Magaalada London. Waraysi Suldaanka Hoos ka Dhegayso. suldaan faroole ka cabanaya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this