Carafaat

The Somalia-Somaliland talks Thread

Recommended Posts

Carafaat   

Che, I support the Unity of Somalia. In fact Somaliland and Somalia are talking. But what is left if jubbaland leader Madoobe takes his orders from Nairobi rather then Muqdisho. The Unity of Somalia wa muqadis. Tolaay, Ya wax u sheega kuwa Kikuyaha ka amar qaata.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

The talks are failing. Culusoow has some very bad advisors. I was hoping, wishing and praying for a political deal. A pity really. :(

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxwayne Siilaanyo ayaa mahad naq balaadhan u soo jeediyay dhamaanba xubnaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE sida qiimaha leh ee ay u soo qaban qaabiyeen xafladaasi shirka aan caadiga ahayn. Waxaanu sheegay in xisbiga KULMIYE uu yahay xisbi fac aad u wayn iyo taariikh ku leh dalka isla markaana aan awoodiisu aad u balaadhan tahay.

 

Mudane Axmed Maxamed Maxamuud waxa uu mar kale ku celiyay inaanay Somaliland ka qeyb geli doonin shirka London, waxaanu yidhi “Shirka London sidii aan hore u sheegnay kama qayb gelayno, oo waxaanu u aragnaa in aanu na khusaynin, danina aanay ugu jirin qaranka Somaliland”.

 

Madaxweynuhu waxa uu intaasi ku daray “Wada hadalada Somaliland iyo soomaaliya waxa ahaayeen barnaamij socda oo ka soo bilaabmay shirkii London 12-kii bishii February ee sanadkii 2012-kii, kaasi oo ay dunidu fagaare ku go’aamisay in Somaliland iyo Soomaaliya ka wada hadlaan mustaqbalkooda siyaasadeed, intaasi ka dib waxa dhacay labadii kulan ee London iyo Dubia, waxaanan ku kala saxeexanay qodobo dhaxal gal ah hor dhacna u ahaa wada hadaladaa.”

 

“Mana jiraan wax iska kaaya bedelay diyaarna waanu u nahay in loo wada hadlo si siman, mana jirto cid nagu khasbaysaa wax aanay dani ugu jirin ummadayada,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland Oo Ku Dhawaaqday Inay Somaliya Wada-hadalo Kula Yeelanayso Dalka Turkiga Laba Toddobaad Ka Dib

 

Hargeysa (Ramaas) Apr 1,2013 – Wasiirka Wasaarada arimaha dibada Somaliland, ayaa goor dhawayd ku dhawaaqay in Somaliland iyo Somaliya ay laba toddobaad ka dib wada-hadalo uga furmayaan dalka Turkiga.

 

Wasiirka arimaha dibada Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo shir-jaraa’id ku qabtay Aqalka Madaxtooyada Somaliland, ayaa shaaciyey in dawladda Turkigu ku casuuntay in labada dawladood ee Somaliland iyo Somaliya ay dalkeeda ku wada-hadlaan, taasina ay labada dhinacba aqbaleen.

 

Wasiirka oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Dawladda Turkiga oo saaxiib la’ ah Somaliland iyo Somaliya waxay labada dawladood ku marti qaaday inay dib u bilaabaan wada-hadaladii hore u bilaabmay, labada geesoodna arinkaasi way soo dhaweeyeen, markaa waxaanu qaadanay in muddo aan ka badnayn 2 toddobaad gudahood ka dib ay labada waddan ku wada hadlaan dalka Turkiga, markaa waxaan doonayaa inaan shacabka iyo beesha caalamkaba ku wargalino in martiqaadkaasi dawladda Turkiga aanu aqbalnay, si aanu qadiyada Somaliland uga midho dhalino”

 

Ramaasnews Desk

 

Hargeisa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xukuumadda Oo Shaacisay In Wada hadaladii Somaliland & Soomaaliya ay dib uga furmayaan Turkiga

April 1st, 2013

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiiirka Arrimaha dibada iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa shaaca ka qaaday in wada hadaladii hore ugu bilaabmay Somaliland iyo Soomaaliya mar kale dib uga furmayaan dalka Turkiga muddo laba todobaad gudahood ah.

 

Wasiirku waxa uu sidaasi ka sheegay shir jaraa’id oo uu caawa ku qabtay xarunta madaxtooyadda Somaliland.

 

Wasiirka Arrimaha dibaddu waxa uu sheegay inay marti-qaad rasmi ah ka heleen dawlada Turkiga isla markaana ay ka qeyb geli doonaan wada hadaladaasi oo uu tilmaamay inay yihiin qaar waxtar u yeelan doona qaranimada Somaliland.

 

“Waxaan doonayaa inaan halkan ka cadeeyo in dawladda Turkiga oo la saaxiib ah labada dawladood ee Somaliland iyo Soomaaliyaba iskaashi iyo xidhiidhna la leh labada geesoodba inay ku marti-qaaday labada dal inay dib u bilaabaan wada hadaladii hore u dhex-maray.labada geesood-na arrintaasi way soo dhaweeyeen,”ayuu yidhi Wasiirka Khaarajigu.

 

Wasiirku waxa uu intaasi ku ladhay “Waxaan markaa qaadanay in labada dawladood ay muddo aan ka badnayn laba todobaad gudahood aanu ku wada hadalno dalka Turkiga, si loo sii ambo-qaado arrimihii berigii hore wada hadalka laga yeeshay.”

“Waxaan markaa jecel nahay inaanu shacbiga Somaliland iyo beesha caalamka ee kaleba sidaasi ku war-gelino in aanu dal ahaan annagu marti-qaadkaas Turkiga aqbalay oo aanu jecel nahay in wada hadalkii hore u bilaabmay la sii wado, si aanu himilada qarankani leeyahay aanu u gaadhi karno,”ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdilaahi.

 

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Sida laga war-qabo beesha caalamku waxay ku baaqday kal-hore in labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya ay wada hadlaan oo ka wada hadlaan mustaqbalkooda siyaasiga ah iyo iskaashiga labada dal dhex mari kara. Intaasi ka dib waxa labada dal bishii June ee sanadkii hore ay ku yeesheen Ingiriiska wada hadalkii ugu horeeyay muddo 21 sanadood ah, waxaanay ku heshiiyeen in qaabka loo wada hadlayaa ay noqoto qaab laba geesood ah, Somaliland oo dhinac ah iyo Soomaaliya oo dhinaca kale ah. Waxa ku xigay wada hadalo ay magaalada Dubia ee dalka Imaaraadka ku yeesheen madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, waxaanay isku raaceen in la sii ambo-qaado wada hadalada bilowga ah.”

 

Xukuumadda Somaliland ayaa hore u sheegtay inaanay ka qeyb gali doonin shirka London lagu qabanayo bisha May ee fooda inagu soo haysa, waxaanay ku doodeen in aanu shirkani wax masaalix ah ugu jirin Somaliland, balse uu yahay shir caalamka kaalmo iyo taageero dhaqaale loogu waydiinayo dawladda Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jabhada SNM Oo Galabta Sheegtay In Ay Wadahadal La Galayso Maamulka Xassan Sh Maxamuud (Daawo Maqal Muuqaal).

 

Hargaysa(Allssc): Jabahda SNM oo Galabta Hargaysa Saxaaafada isugu yeedhaya yaa sheegtay in ay wada hadal la galayso Madaxweynaha Bartamaha iyo Koonfurta Somalia Xassan Sh Maxamuud ayna wada hadalaya ka dhici doonaan Dalka Turkiga.

Dhanka kale waxaan isagu wax wara kasoo saarin Maamulka Culusow kaas oo mudaba muujinayay Dareeno Xanbaarsan Caadifad Qabiil iyo kala jajabin Dalka Somalia.

Halkan Hoose Ka Daawo

http://allssc.com/57926-2/

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland:New Round of Talks between Somaliland and Somalia to Start Soon in Turkey –SL Foreign minister

 

Somaliland minister of foreign minister Dr. Mohamed Abdillahi Omar at a press conference held tonight announced plans by Somaliland government to take part in a planned conference in two weeks’ time for new round of talks between Somalia and Somaliland in Turkey.

 

The foreign minister announced this new development a day after President Silanyo reiterate his government won’t take a part in the upcoming London conference next month during a ruling party(KULMIYE)convention to the jubilation of party supporters.

 

The reason given by the foreign minister for the sudden change of government policy and for re-engaging with the Somalia government he said “We expect to benefit immensely from these new round of talks ,our position is clear on matters pertaining the talks which is to find ways to foster close collaboration on issues of mutual interest with our neighbor as two distinct and different nations ‘which I believe is in our best interest, and does not diminish or damage our self-determination or sovereignty in anyway whatsoever”,.

 

Moments After the press conference, Somaliland foreign minister came short of admitting he meet with ministers from Somalia during a recent trip to the UAE during an interview with BBC Somali radio Journalist with Abdi Nur Sheik Isaak, this contravenes an earlier press conference the foreign minister gave to reporters after returning to the country from the UAE of which he staunchly denied meeting with Somali government officials.

 

During the interview with BBC Correspondent moments after the press conference the foreign minister admitted exchanging notes with his Somalia counterparts during his stay in Dubai ,this contrary to Somaliland constitution.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.