Sign in to follow this  
Mooge

Breakinig news - shariif behind the bombing

Recommended Posts

Mooge   

Qaraxii Saakay ka dhacay Golaha Murtida iyo madadaalada ee Magaalada Muqdisho ayaa qorshuhu wuxuu ahaa in Madaxweynuhu ka soo qayb galo , iyada oo tuhunka meesha ku jirana uu yahay isaga oo dib isugu dhigay.

 

Haddaba waxaa la isla dhex marayaa in Madaxweynuhu ka dambeeyey Falkaas ismiidaaminta ah , waayo wararku waxeey intaa ku darayaa in Gabadha Saakay ismiidaamisay aay dhawaanahaanba si mutadhawacnimo ah uga shaqayneysay Xaafiiska Madaxweynaha .

 

Qaraxa saakay ayaa ilo lagu kalsoon yahay sheegayaan in uu Maxaweynuhu rabay in lagu khaarijiyo Raiisulwasaare Cabdiweli gaas oo hardan siyaasadeed oo heer Madaxweyne ah ka dhaxeeyey .

 

Sidoo kale Tarsan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo meel kasta oo Xafladi ka jirto tagi jiray ayaan saakay tegin iyada oo sida la sheegay uu digniin ka helay Madaxweyne Shariif oo ogaa khasaaraha halkaas ka dhici doona.

Ma aha markii ugu horreysay ee Madaxweyne shariif uu dabin noocaan oo kale ah u maleego Masuul sare oo Dowladda ka tirsan , ee waxaa horay dirqi uga fakaday Dabin noocaan oo kale ah Raiisulwasaarihii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke oo uu ku yiri Shariifku ka khudbeey Xaflad lagu qabanayey Madaxtooyada , isaga oo ku mar marsiyooday in uu soo kormeerayo Furumaha Ciidamada , iyada oo inta uusan Sharmarke imaan Xafladdii uu qarax ka dhacay Ubaxii Miiska u saarnaa Meesha aay fadhiisan lahaayeen Madaxweynaha iyo Raiisulwasaaraha.

 

Sidoo kale Dhawaan ayey aheyd markii uu Madaxweyne Shariif booqasho ku tagay Magaalada Cadaado oo aay ahlusunno sheegtay in aay joogaan Alshabaab iyo kooxaha Burcad badeedda ah , taas oo muujineysa in uu Xiriir wanaagsane ka dhexeeyo Shariif iyo Alshabaab , iyada oo weliba wararka qaar sheegayaan in uu lacago ka soo qaatay ninka ugu tunka weyn Burcad badeedka Xasan Afrax si uu ololihiisa Madaxweyninmada ah ugu fushado.

 

Waxaa Cajiib ah in qaraxii saakay uu ka dhaco halkii uu ka istaagay Raiisulwasaare Gaas markii Khudbadda loogu yeeray , taas oo caddeyneysa Gaangistarnimada Shariif illeyn waa Macallimkii Shabaab wax soo baraye.

 

Warlalis.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

abow hilowlow, shariif can't get rid of abdiweli beause he doesnt have that power anymore. this is a coalition goverment built kampala power sharing.

 

 

KISMAAYONEWS.COM

 

Qaraxa gabadh ma gaysan, goobtaa lagu diyaariyay

Published: April 5, 2012

Kn: Afhayeenka xarakada Alshabaab Sh. Cali Dheere oo ceelasha biya kula hadlay saxaafadda ayaa sheegay in xarakadoodu ay qarixii Masraxa tiyaatarka ay ka danbeeyeen.

 

Inay fulisay qaraxa gabadh soo xiratay suunka qarxa ayuu ku tilmaamay dacaayad iyo borobagaando lagu jaa’ifaynayo dumarka muslimaadka ah, wuxuuna tilmaamay inay qaraxa ku sii diyaariyeen Masraxa ka hor inta aan xafladda albaabada loo furin.

 

“Qaraxa gabadh kama danbayn ee goobtaan ku sii diyaarinay” sidaasi waxaa yiri afhayeenka xarakada Alshabaab Sh. Cali Dheere - SHARIIF FRIEND SAID

 

Ma uusan sheegin qaabka ay oogu suuro gashay inay waxyaalaha qarxa ku rakibaan goobta iyo waliba cidda ka saacidday laakiin wuxuu been abuur ku sheegay wararka sheegaya inay gabadh ka danbaysay qaraxii shalay ruxay caasimadda.

 

Masuuliyiin u hadashay DKMG qaraxa kadib, saraakiisha ciidamada amaanka iyo waliba dad goobjoogayaal ahaa ayaa intuba isku waafaqay in qaraxa ay gaysatay gabadh da’yar oo ay ku xirnaayeen walxaha qarxa isla markaana gadaal ka soo gashay Masraxa.

 

Sh. Cali Dheere wuxuu shaaca ka qaaday inay sii wadayaan qaraxyada ay la beegsanayaan xarumaha DKMG iyo waliba ciidamada AMISON. Ma aha qarixii ugu horeeyay ee ay ku halaagsamaan dad u badan biri-magaydo oo aan waxba galabsan waxaana wali dadka maskaxdooda ka sii yoomaya halaaggii hotel Shamow iyo kii ardayda u socotay Turkiga lagu xasuuqay.

 

Qaraxan ayaa ku soo beegmaya maalmo uun kadib markii Sh. Xasan Daahir Aweys uu furka ku tuuray xarakada uu kamidyahay madaxdeeda, asagoo markaasi ka soo horjeedsaday qaraxyada lala beegsanayo goobaha dadka shacabka ah ku badanyihiin ama kusoo xoomeen.

 

KismaayoNews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

It wasn't Sheikh Shariif, but it was an inside job as the bomber is said to have had ID card and a uniform. Shariif has too much going right for him plus he's too weak for that kind of work.

 

Edit: Interesting read though, new theories coming out...

Share this post


Link to post
Share on other sites
peasant   

War shariif haduu rabo Gaas barkinta in uu hoos geliyo baa uga fudud in uu tiyaatarka dhigo bahasha..

;)

 

Dadka maxaa si ka ah?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

sharif and cali dhere were best friends and still best friends in secret. cali dheere said the bomb was prepared inside. sharif was notified to skip event.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

Maaddeey;815684 wrote:
Yes, Shariif was behind it, he's secretly working with Shabaab!. Iyagaa soo dirsaday, anaa huba!.

^Quraanka maa lagu sheegay mise hundreds of scholars baa bayaan ka soo saaray? LOL :D:D Astaaqfurulaah.

 

Relax people. The security ministry spoke on the issue. AS claimed responsibility. Somalia must go on to confront AS and clear them out of the country as the PM said.

Share this post


Link to post
Share on other sites
peasant   

“Qaraxa gabadh kama danbayn ee goobtaan ku sii diyaarinay” sidaasi waxaa yiri afhayeenka xarakada Alshabaab Sh. Cali Dheere - SHARIIF FRIEND SAID

Ma kula tahay in Celi dheere uu sheegayo sida uu bombka meesha ku soo geliyey? Haduu hada is kashifo hadhow kuwa kale uu soo wado xagee ayuu marin doona?

 

Somalida qaarkeed waxaadba is leedahay madaxa biyo ama cinjir baa uga buuxa!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

loool moge if you believe this you must really hate shiekh sharif...talow are you angry that he recognized Khaatumo?..

 

This is nothing but bs..like many already said if Shiekh Sharif wanted to get rid of your uncle he would have done it already.

 

so take a chill pill.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this