Sign in to follow this  
Samafal

Xassan Dahir Aways denounces union of Al-shabab with Al-qaida

Recommended Posts

Samafal   

http://shabelle.net/2012/03/31/xasan-daahir-oo-ka-soo-horjeestay-fikirka-al-shabaab-iyo-al-qaacida-dhageyso/

 

Xasan Daahir oo ka soo horjeestay fikirka Al Shabaab iyo Al qaacida ( Dhageyso)

Shabelle Media Network March 31, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh.M.Network) - Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah saraakiisha Xarakada Al Shabaab ayaa ka soo horjeestay fikirka Xarakada Al Shabaab isagoo ku baaqay in aan dadka lagu gumeysan shaarka Al Qaacida. Xasan Daahir oo shalay ka hadlayay Masjid kuyaala Duleedka Magaalada Muqdisho kadib salaadii Jimcaha ayaa waxa uu qudbadiisa uga hadlay dhowr waxyaabood oo uu sheegay in ay haboontahay in isagu uu diirka ka qaado maadaama sida uu sheegay dadka kale ay ka cabsanayaan in ay arimahaasi ka hadlaan. Sheekh Xasan ayaa ugu horeyn waxa uu ka hadlay bayaan dhawaan ka soo baxay xarakada Al Shabaab kaasi oo uu sheegay in uu ka soo horjeedo, xiligaana aan loo baahneyn in Jihaadka la siyaasadeeyo oo qofkii ka horyimaada la qaarijiyo. Sheekh waxa uu dib ugu laabtay xili uu sheegay in muslimiinta Caalamka ay raadinayeen in ay soo celiyaan Jameecal Islaamiya, markaasi oo uu xusay in ay sameysmeen xarakaaad badan balse Xasan waxa uu is weydiiyay Culumadii xiligaasi jirat in ay gaaleysiin jireen oo ay dili jireen dadka ka horyimaada. Waxa uu sheegay in inta arintaasi raadinteeda lagu guda jiray ay jireen jameecooyin badan oo isku dayay in ay ku dhawaaqaan in ay iyagu yihiin Jameecal muslimiin balse laga hor istaagay laguna wargaliyay in ay ka midyihiin oo kaliya balse aysan kaligood hogaamin karin. Xasan Daahir ayaa sheegay in qof kasta ama xarakaad kasta cida ay doonto heshiis ay la gali karto balse waxa uu diiday in aysan jirin heshiis caalami ah oo muslimiinta oo dhan ay wada gaareen, waxaana uu carabka ku dhuftay in haatan ay jiraan xarakaad isku gali yeelaya arintaasi oo uu tilmaamay in ay ku baneysanayaan dadka dhiigooda taasina ay tahay sababta ku kaliftay in uu arintaani uga hadlo.

 

Warkaasi war dhahan, ma’ahan, dadaalkaani waan ku wada jirnaa laakiin qof gaar ah inta uu shaar gashto dadka yaan lagu waxyeeleyn, iyada oo uu shaarkaasi wali sameysneyn, yaana lagu dilin dadka” ayuu yiri Xasan Daahir. Waxa uu dhinaca kale sheegay in jihaadka lagu jiro haatan uu yahay mid dadka oo dhan laga doonayo balse waxa uu meesha ka saaray in qolo galikood ay isku gali yeelaan Jihaadka cidii ka soo horjeesatana ay awood u adeegsadaan ama ay dilaan. Qudbadda Xasan Daahir Dhageyso adiga ayaa ka sii boqon doonee.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Dadka waa ku dilaa iyo handadaad waxba loogama qaadi karo kulahaa. Dadku waa mu'miniin ee ha loo naxariisto kulahaa. Shaatigii Al-Shabaabka uu rabaa dhakhso in uu iskaaga siibo. Nasiib xumo waa wakhti ay Xeedho iyo Fandhaal kala dheceen. Mr. Abbees mar hore ayaa la doonayey in aad sidaas u hadasho. Mar aad ummaddi Xamar iyo Baydhabo ku nooleyd kala badhkood liqday ayaad dooneysaa in aad khurafaadkan naga iibiiso. Nacaskan hadii uu ciidanka xooga gacantooda soo galo xabsi ha lagu tuuro ayaan odhan lahaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Showqi;812513 wrote:
Dadka waa ku dilaa iyo handadaad waxba loogama qaadi karo kulahaa. Dadku waa mu'miniin ee ha loo naxariisto kulahaa. Shaatigii Al-Shabaabka uu rabaa dhakhso in uu iskaaga siibo. Nasiib xumo waa wakhti ay Xeedho iyo Fandhaal kala dheceen. Mr. Abbees mar hore ayaa la doonayey in aad sidaas u hadasho. Mar aad ummaddi Xamar iyo Baydhabo ku nooleyd kala badhkood liqday ayaad dooneysaa in aad khurafaadkan naga iibiiso. Nacaskan hadii uu ciidanka xooga gacantooda soo galo xabsi ha lagu tuuro ayaan odhan lahaa.

He should be shot without any fuss or ceremony.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

General Duke;812520 wrote:
He should be shot without any fuss or ceremony.

If every one is being shot dead, Sh sharif would have been shot dead long time ago. He should be given a chance to redeem himself, I say

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sheikh Xasan danta unbaa ku khasabtaye ma filayn in uu ahaa qof ay Shabaab isku madhab noqon kareen. Hase yeeshee nasiib daro political space-ka Somalia ayaa cariiri la galiyey - ama ku biir the illegitimate government of Shariif ama Shabaabka raac.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Khalid-Jnr;812528 wrote:
Sheikh Xasan danta unbaa ku khasabtaye ma filayn in uu ahaa qof ay Shabaab isku madhab noqon kareen. Hase yeeshee nasiib daro political space-ka Somalia ayaa cariiri la galiyey - ama ku biir the illegitimate government of Shariif ama Shabaabka raac.

Xasan Dahir is running around like a headless chicken. Young Sharif outsmarted him and now is applaying a great deal of pressure on him in Ceelasha Biyaha..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

The Zack;812532 wrote:
An Airport should be named after his name
:)

Cuqdada jooji

 

It's funny because of where you hail from, the brightest among us. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

The Zack;812532 wrote:
An Airport should be named after his name
:)

Mogadishu, is out of the question. Dhusa-Mareb and Guriceel are in the hands of Ahlu Sunna and they would rather entertain mass suicide than entertain Xasan Dahir.

 

 

Maybe Afmadow[ and Dhoobley airstrips should be named after him.. Since you seem to love the guy so much...:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this