Sign in to follow this  
Fiqikhayre

SNM militia taken out of Buuhoodle

Recommended Posts

Dr_Osman   

Naxar Nugaaleed;774768 wrote:
Pathetic is an understatement

wallahi waan yaabay markan aqriyay security guards defeated somaliland military which they showing off about on SOL. if security guards what u think about the military?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Over 30 counted dead and many wounded for the re-treating SNM militias. Both sides preparing for assault as anti-aircraft fire is used and other shelling. The Buuhoodle people have many reinforcements coming/arriving from other parts of Cayn and Sool.

Share this post


Link to post
Share on other sites

First of all the troops that went into buhoodle were from las canod: so if anyone died: your own clans men died...at this moment in time: From what we know Somaliland has control of the town: but from your side there are conflicting reports...so lets wait and see when one side can be proven entirely wrong...lets wait and see. these are the latest reports:

 

Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Gudaha U Galaya Magaalada Buhuoodle Iyo Warar Iskhilaafsan Oo Soo Baxaya. Buhoodle (Ramaas) Jan. 15, 2012- Wararka ka imanaya degmada Buhoodle, ayaa sheegayaa in cutub ka tirsan ciidanka Qaranka Somaliland oo uu ho

 

Buhoodle (Ramaas) Jan. 15, 2012- Wararka ka imanaya degmada Buhoodle, ayaa sheegayaa in cutub ka tirsan ciidanka Qaranka Somaliland oo uu hogaanimayo abaanduulaha ciidanku Ibraahim Caydiid Dhab-dhab in ay gudaha u galeen Magaaladaas oo ay ka socdaan ilaa hadda dagaao l qadhaadh oo dhexmaraya ciidamada Somaliland iyo kuwa jabhada SSC.

 

 

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidanka Qaranaka Somaliland ay muddo kooban la wareegeen gacan ku haynta Magaaladaas, laakiin ay markii dambe kaga baxaan sababo lagu sheegay xeelado dagaal, laakiin waxa taas beeniyay qaar ka mida taliyaasha falaagada oo la hadalay saaxafada.

 

 

 

Qax ballaadhan ayaa ka bilaabamay Magaalada Buhoodle,iyada oo boqolaal qoys oo afka saareen dhanka dhulka ku jira gudaha dalka dariska ah ee ETHIOPIA, gaar ahaan deegaanka Laandheer, waxaana ay dulsaar yihiin ku noqdeen dad ay qaaroobo yihiin oo xool dhaqada ah.

 

 

 

Ramaasnews Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

as a pirate lander: its also rich that Somaliland sits 18-20 miles from your capital and yet you still think you can talk. if you have anything..i like to see you come to las canod if not sit back down as this doesnt concern you its an internal somaliland matter.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Somaliland oo korfadhiya degmada Buhoodle

 

15 Jan 15, 2012

 

Saakey aroortii 15 Jan,2012 ayaa waxaa magaalada Buhoodle weerar ku soo qaadey ciidamo ka tirsan Somaliland kuwasoo la sheegey in khasaaro nafeed iyo mid hantiyeedba gaysteen.

 

Wararka Buhodle ka imaanaya oo aan la xaqiijin ayaa xusaya in dagaal dhexmarey maleshiyaad weerar kusoo qaadey ciidamadii Somalilnd ee soo galey degmadaas ay keentey dhiamsho gaareysa 7 qof halka dhaawacu gaarayo 20 kale.

 

Ciidamada Somaliland oo duqeyn u gaystey magaalada inta aysan soo galin saaka ayaa bur-bur hantiyeed u gaystey guryo halkaas ku yaala iyadoo wararku sheegayaan in dadkii halkaas daganaa u qaxeen dhinaca Ethiopia.

 

Dhinaca kale warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland halkaas ka jiiteen madaafiicda goobta iyagoo dhinaca kale gubey gadiid ay kaxeysan waayeen.

 

Weerarkaan ayaa yimid maalin kadib markii madaxweynaha Somaliland Siilaanyo kulan uu Barlamankiisa la yeeshey ku eedeeyey wadahadalda qabaa'ilka *********** uga socda magaalada Taleex isagoo xusey in talaabo ka qaadi doonaan xubnaha soo abaabuley.

 

Weeerarka Somaliland u gaysatey saaka Buhoodle ayaa xubno ka tirsan siyaasiyiinta gobolka oo ku sugan magaalo madaxda Puntland ee Garowe dusha ka saaray mas'ulayadiisa xubnaha horboodaya shirka ka socda Taleex kuwaasoo ciidamada degaanka difaacyey u soo kexeystey goobta kulanku ka socda.

 

Wararka ka imaanaya kulanka ka socda Taleex ayaa sheegaya sidoo kale in jahawareer uu galey maanta kadib markii wararka weerarkaan lagu qaadey Buhoodle soo gaarey madasha iyadoo maleeshiyaad ku sugnaa goobta shirka u gurmadeen degaanka dagaalka lagu soo qaadey.

 

GAROWEONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidanka S/lland oo saaka weeraray Magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn

 

January 15, 2012

 

Buuhoodle:-Ciidanka S/lland ayaa saaka waxaa ay weerar balaaran ku soo qaaday magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn halkaas oo uu dagaal ku dhexmaray dadka degaanka, dagaalka oo ahaa mid xooggan ayaa markii hore waxaa u suurta gashay ciidanka S/lland in ay la wareegaan gacan ku haynta Buuhoodle iyadoo markii danbe dagaal rogaal celin ah ay xoogagga SSC ee Buuhoolde ay dib ula wareegeen magaalada.

 

Khasaaraha dagaalka ka soo gaaray xoogagga Buuhoodle ayaa ah 5 qof oo dhimasho ah halka ilaa 17 qof oo kalena ay ku dhaawac meen ciidanka S/lland aya la aqoon khasaaraha ka soo gaaray dagaalka maadaama ay dhaawacoodii iyo ciidankii ka dhintay ay qaateen, dagaalka saaka ayaa ku soo beegmay ka dib markii shalay madaxweynaha S/lland uu ku goodiyey in uusan ka raali noqon doonin shirka ka socda magalada Taleex oo beesha degta Sool ,Sanaag iyo Cayn ay kaga dhawaaqeen in ay ku samaysana yaan maamula ka madax banaan S/lland iyo Puntlland.

 

Dagaalka saaka ayaa waxaa kale oo uu khasaro ka soo gaaray guryaha magaalada oo hubka la isku ridayey ay qaarkood ku habsadeen xaalada magaalada Buuhoolde iyo Gobolka Sool ayaa laga dareemayaaa kacsanaan waxaaan dhamaan xiran goobihii ganacsiga ee magaalada Buuhoodle iyadoo laga cabsi qabaa in uu dib u bilowdo dagaal fool xun oo dad badan oo rayid ah galaafta.

 

Dadweynaha ku noolaa magaalada Buuhoodle ayaa ka barakacay magaalada waxaan ay qaarkood u gudbeen dhinac Itoobiya, ciidanka S/lland ayaa weli ku sgna duleedka magaalada Buuhoodle halka xoogagga SSC ee la dagaalamayna ay ku sugan yihiin isla duleedka magaalada.

 

M_M_Deeq

Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
peasant   

^ This guy has some serious issues, he is refuting all the media outlets that are reporting that SL troops have pulled out of Buhodle. Some of these media outlets are not even pro SSC or even pro puntland if that matters.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidanka Somaliland oo saaka waabarigii hore weerar ku soo qaaday degmada Buuhoodle.

 

(Buuhoodle, Jan 15, 2012 Ceegaag Online)

 

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Buuhoodle ayaa sheegaya in uu dagaal qadhaadh ku dhexmaray daanta Galbeed ee magaalada Buuhoodle Ciidamo madaniya iyo Ciidamada Maamulka Somaliland.

 

Mar'aan taleefoonka kula xidhiidhnay magaalada Buuhoodle ayaa naloo xaqiijiyay in uu dagaalkaa sababay qasaare maal iyo nafba leh. Dhinaca kale shacabka ayaa u qaxay dhinaca Itoobiya ee koonfurta magaalada Buuhoodle sida Tuulada Boqonka. Waxaa kale oo wararku sheegayaan in markii ciidamo reer miyi ah ay soo xoojiyeen shacabkii kula dagaalamayay ciidamada Somaliland magaalada Buuhoodle ay magaalada kasaareen haatana ay ku sugan yihiin baliga Shangale.

 

Dagaalka ayaa hada istaagay daqiiqado ka hor, sidaa darteed ma xaqiijin karno waxa ilaahada khasaare labada dhinac kala gaadhay. Shabakada Ceegaag uma suuro galin hada inay hesho khasaaraha dhabta ah ee uu dhaliyay dagaalkii maanta.

 

Ha ka fogaan Ceegaag.com wixii warar ee ka soo kordha xiisadan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Waaheen   

Hargeysa Jan 15, 2012 (WDN) - Wararka naga soo gaadhaya magaalada Buuhoodle ayaa sheegaya in dagaal aad u culusi uu saaka ku dhexmaray magaaladaasi ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland iyo kuwa degaanka. Ciidamada Somaliland oo iyagu soo weeraray magaalada ayaa la sheegayaa in uu hogaaminayay Kornayl Ibraahim Caydiid Dhabdhable oo ah abbaanduulaha ciidanka Somaliland, ahna nin ka soo jeeda degmada Buuhoodle. Waxa wararku intaas ku darayaan in ciidamada Somaliland ay weheliyeen ciidamo beeleed ka tirsan degaanka Buuhoodle oo dhawaan u goostay dhinaca Somaliland. Kuwaas oo uu horkacayay nin lagu magacaabo Curri.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland ay muddo kooban gudaha u soo galeen magaalada Buuhoodle. Kuwaas oo markii dambe la sheegay in ay ka baxeen magaalada ka dib markii ay iska caabbin xoog leh kala kulmeen ciidamda degaanka iyo kuwa SSC ee ku sugan magaalada Buuhoodle. Warar kale oo aan la xaqiijin ayaa iyana sheegaya in dagaalku weli ka socdo hareeraha magaalada, gaar ahaan meesha loo yaqaanno Qudhacyada oo illaa 5 km u jirta magaalada.

 

Nin ka ka mid ah dadka deggen magaalada Buuhoodle ayaa u xaqiijiyay WardheerNews in ciidamada Somaliland ay ka soo galeen dhinaca waqooyi magaalada, dagaalna ku dhexmaray iyaga iyo kuwa degaanka magaalada gudaheeda. Khasaaraha soo gaadhay labada dhinac iyo shacabka magaalada ayuu ninkaasi sheegay in aan illaa hadda la xaqiijin karin inta uu le'eg yahay.

 

Dhinacyada la sheegay in dagaalku ku dhexmaray magaalada Buuhoodle ayaan illaa hadda midna war rasmi ah ka soo saarin.

 

Dagaalkan Buuhoodle ka dhacay ayaa bilawday ka dib markii uu shalay madaxweynaha Somaliland khudbad uu u jeediyey goleyaasha barlamaanka Somaliland uu ku sheegay in uu maamulkiisu ka hortagayo go'aanka ka soo baxay shirka ka socda magaalada Taleex ee lagu sheegay in maamul goboleed u gaar ah deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn loo samaynayo. Kaas oo taabacsan maamulka dawladda kmg ah ee Soomaaliya.

 

WardheerNews, Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this