Sign in to follow this  
Che -Guevara

Sharif Going to Garowe

Recommended Posts

Deg-Deg: Madaxweyne Shariif Oo Socod Dheer Ku Dhexmaraya Xarunata Puntland ee Garowe

 

 

Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo maanta gaarey magaalada Garowe, ayaa waxaa loogu soo dhaweeyey halkaas si weyn. Madaxweynaha ayaa markii uu soo gaarey albaabka Magaalada Garowe ka soo degay gaarigii uu saarnaa, waxaana uu ku lugeeyey wadada laamiga ah ee magaalada dhexmarta, waxaana socodkaas ku weheliyey Raysalwasaaraha Soomaaliya Dr.Cabdiweli Cali Gaas iyo Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole.

 

Madaxe´weynaha Soomaaliya ayaa socodkiisa ka soo bilaabey halka loo yaqaan Enjida waxaana uu ku tagey ilaa barxadda Garowe, kadib waxa uu booqasho ku maray qaar badan oo ka tirsan Wasaaradaha Puntland, waxaana uu hadda booqanayaa Isbitaalka guud ee Garowe, kadib ayaa la filayaa in Madaxweynuhu tago Aqalka Madaxtooyada halkaasna kula hadlaan saxaafadda.

 

Sawiro iyo warka oo faahfaahsan gadaal ayaan ka soo daabacaynaaa

 

Horseed

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Che -Guevara;743181 wrote:
^AS came into being few years ago, who do we blame the preceding years?

Che we will never be able to fix anything if we hold on to the past that much, of course the past is very important. But lets deal with what is happening today, and maybe we can go back, and talk about what went wrong 20 years ago!!! To survive Somali people need stable country today. Enough with that blame game.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Oke, lets get serious JB which one would you like to talk about:

 

1) What happened in Waqooyi Galbeed between 1980-1989

2) What happened in Muqdisho 1989-1991

3) The warlord era

4) The Al Shabaab period

5) Or do you like to talk about: Gaajada iyo macaluusha ummadda Soomaaliyed haysata maanta

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Che -Guevara;743176 wrote:
Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo gaaray Garowe

 

Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Amb Agoustine Mahiga ayaa gaaray Magaalada Garowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, xilli halkaas ay wada gaareen Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha.

 

Madaxweyne Shariif oo markii u horeysay gaaray Garowe ayaa waxaa uu durba kormeer ku tagay xerooyinka barakacayaasha, isagoo ilaa Hal KM socod ku maray wadooyinka Magaalada Garowe, oo ay hareer-taagnaayeen dadweyne fara badan oo u sacba tumayay.

 

Socdaalka Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya oo ah mid isku ujeedo ah ayaa la filayaa in kulan saddex geesood ah ay wada qaateen Madaxweynaha, Ra'iisul wasaaraha, Madaxweynaha Puntland iyo Wakiilka Qaramada Midoobey.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in socdaalka Madaxweynaha oo horu dhac u yahay socdaal iyana la filayo in Madaxweynaha Puntland iyo xubno ka tirsan Maamulkiisa ay ku yimaadaan Magaalada Muqdisho bisha soo socoto, iyadoo safarka heerka sare ee Madaxweynaha uu u muuqdo mid qancin ah.

 

Arrimaha sida gaar uga hadli doonaan ayaa waxaa ka mid ah shirka wada tashiga Aayaha Soomaaliya oo 4-ta bishan ka furmi doono Magaalada Muqdisho, waxaana jiray in Puntland ay ku doodeysay in shirkaas lagu qabto Garowe, hase ahaatee ay ku guuldareysatay.

 

Kulamada labada dhinac ayaa noqonaya mid lagu turxaan bixiyo xiriirkii hore ee labada dhinac u dhaxeeyay, kaasoo horay tashwiish ku yimid, markii Puntland ay xiriirka u jartay Dowladda Soomaaliya.

 

La soco wixii ku soo kordha

 

Jowhar.com

 

Loooooooool i told u!

Share this post


Link to post
Share on other sites

If true this is good development. I see the Turks are working hard to bring Somalis together. This is the result of PM Erdogan visit to Mogadishu and with Turkey raising $500 million capital for Somalia, there may be indeed a light under the tunnel.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abdul   

These leaders meeting is a positive development.Somalis must meet and move forward to heal this fractured nation.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Soomaaliya oo booqasho saacado qaatay oo uu ku tegay Garowe kaddib dib ugu noqday Muqdisho

 

Axad, August 28, 2011(HOL): Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo wafdi uu hoggaminayay oo maanta booqasho saacado qaadatay ku tegay magaalada Garowe ee xarunta u ah Dowlad goboleedka Puntland ayaa wuxuu dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii uu gaaray Garowe waxaa si weyn u soo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole , Ra’iisal Wasaaraha C/weli Maxamed Cali Gaas iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowlad goboleedka Puntland, wuxuuna kaddib booqday xarumaha dadka soo barakacay oo ku yaalla Garowe iyo weliba xarumaha wasaaradaha Puntland.

 

Madaxweyne Shiikh Shariif ayaa kaddib waxay kulamo wada qaateen Madaxweyne Faroole iyo Wakiilka gaarka ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire Augustine Philip Mahiga, kaasi oo isna saaka gaaray Garowe.

 

Kulankan mas’uuliyiintan ayaa wuxuu ku saabsanaa xiriirka Dowladda Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Puntland iyo arrimo kale oo ku saabsan shirka wadatashiga ah ee la qorsheynayo in loo qabto gudaha Soomaaliya, iyadoo ay horay u jireen warar labada dhinaca ka soo kala baxay oo kala taageerayay in shirkaas Muqdisho lagu qabto in Garowe lagu qabto.

 

Labada madaxweyne oo kulankaas kaddib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in waxyaabihii yar yaraa ee ka dhex jiray Dowlad Goboleedka Puntland iyo Dowladda dhexe ay meesha ka baxeen, haatan wixii ka dambeeyana ay wada shaqeyn doonaan.

 

Madaxweyne Faroole oo hadalka ku soo dhaweeyay madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in deegaannada Puntland ay yihiin meel laga jecel yahay qof kasta oo Soomaali ah, uuna taasi ka garan karo sidii loo soo dhaweeyay ee heerka sarreysay.

 

Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole wuxuu intaas ku daray in heshiis ay wada gaareen labada dhinac ay sii lafo-guri doonaan Xukuumadda Ra'iisal Wasaare C/weli Gaas iyo xukuumadda Puntland, ayna ugu dambeynta ka soo saari doonaan qoraal.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif oo isna hadal kooban jeediyay ayaa sheegay in uu uga mahadcelinayo madaxda iyo shacabka Puntland sida diirran ee ay u soo dhaweeyeen, wuxuuna caddeeyay in aanu jirin wax naceyb ah oo si gaar ah loogu qabo dowlad goboleedka Puntland, hayeeshee dadka marka uu kala maqan yahay uua kala sawiranayo muuqaallo aan sax ahayn, sidaas darteedna wuxuu sheegay in haatan kaddib uu labada dhinaca dhexmari doono iskaashi iyo wada shaqeyn.

 

Intaas kaddib wuxuu sheegay madaxweynaha Soomaaliya in shirkii wada tashiga ahaa ee markii hore la isku maan-dhaafay halka lagu qabanayo ay ku heshiiyeen in lagu qabto wejiga hore Magaalada Muqdisho, wejiga xigana Magaalada Garowe.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii uu ka soo duulayay garoonka diyaaradaha Garowe waxaa soo sagootiyay Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole, ku xigeenkiisa C/samad Cali Shire, xubno ka tirsan labada gole ee dowlad goboleedka Puntland iyo dadweyne aad u faro badan oo markii horena soo dhaweeyay.

 

Saalad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

They had to throw the Imam a bone...lool

 

Showqi- Ignoring the causes of this conflict and hoping for quick fixes will only lead us back to where we are now.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join us Facebook

Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Garowe, Dibna Uga Dhoofey Isla Maanta [sAWIRO]

 

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe, xarunta Puntland. Diyaarad waxyar ka hor soo fariisatey intaanu imaan Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa la socdey wefdi ka tirsan Qaramada Midoobey oo uu hoggaaminaayo Dr.Augustina Mahiga. Waxaa horey ugu sugnaa magaalada Garowe wefdigii Raysalwasaaraha Soomaaliya Dr.Cabdiweli Cali Gaas kuwaas oo u gogol xaarayey wefdiga Shiikh Shariif.

 

Wefdiga Madaxweynaha waxaa garoonka ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, kuxigeenkiisa iyo dhamaan xukuumadda Puntland iyo Golaha wakiilada, sidoo kale waxaa ka mid ahaa dadkii soo dhaweeyey Raysalwasaaraha Soomaaliya oo magaalada uga soo horeeyey, Raysalwasaaraha Soomaaliya iyo Ergayga Qaramada Midoobey Soomaaliya u qaabilsan Augistina Mahiga.

 

Madaxweynaha ayaa salaan sharaf ka qatey cutub ka tirsan ciidanka Puntland, kadibna waxaa loo galbiyey magaaalada Garowe, Madaxweyhana ayaa markii uu soo gaarey kadinka laga soo galo Garowe ama afaafka hore waxa uu ka degtey gaarigii uu saarnaa waxaana uu lug ku dhexmaray wadada dheer ee laamiga ilaa laga gaarayo barxadda caanka ah ee Garowe.

 

Shacabka Garowe ayaan u kala harin soo dhaweynta Madaxweynaha waxaana dad badan ay ruxayeen calanka Soomaaliya, dadka qaar ayaa doonaayey in ay si toos ah u arkaan Madaxweynaha oo Garowe dhexlugeynaaya.

 

Madaxweyhne Shiikh Shariif ayaa booqdey xeryaha ay ku jiraan dadka ka soo barakacay koonfurta Soomaaliya, waxaana uu halkaas kaga dhegaystey qaar kamid ah masuuliyiinta Puntland iyo dadka ku jira Kaamamkaas xaaladda ay ku sugan yihiin. Madaxweyha ayaa sidoo kale booqdey Isbitaalka guud ee magaalada, waxaana warbixin halkaas ku siiyey Wasiirka Caafimaadka, waxaana uu madaxweynuhu booqdey dadkii bukaanka ah qaar kamid ah.

 

Shiikh Shariif Ayaa sidoo kale booqdey Wasaaradda Waxabarshada iyo barbaarinta Puntland iyo Wasaaradda Hormarinta Haweenka iyo Arrimaha qoyska, waxaana uu u kuurgalay xaaladda waxbarasho iyo weliba daryeelka haweenka iyo caruurta isaga oo warbixno kooban kaga dhegaystey halkaas masuuliyiinta wasaaradahaas.

 

Ugu Danbeyntii Madaxweynaha iyo wefdigiisi ayaa lagu soo dhaweeyey qasriga Madaxtooyada Puntland, waxaana ay halkaas ku wada qabteen shir jaraa’id oo ay kula hadleen saxaafadda, Madaxweyhaha Soomaaliya ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu soo booqdo Puntland oo ah qaybkamid ah Soomaaliya, waxyaabaha uu u yimid ay ka mid tahay in Puntland laga raali geliyo ku qabashada shirka wadatashiga iyo dhamaystirka arrimaha qabyda ah ee lagu qabanaayo hadda Muqdisho, waxaana uu sheegay in uu ka codsadey Madaxweynaha Puntland in uu aqbalo cudurdaarkaas kana soo qaybgalo shirka, dhamaana uu ka raaligelinaayo bulshada Puntland, oo markii hore isu diyaariyey soo dhaweynta shirkaas, waxaana Madaxweynaha Soomaaliya tibaaxey in sababta Muqdisho shirka loogu wareejiyey ay tahay in xaaladdii Muqdisho isbedeshey.

 

Madaxweyne Shiikh Shariif ayaa sheegay in loo baahan yahay in la iska ilaawo wixii hore, isla markaana laga wada shaqeeyo amniga iyo midnimada Soomaaliya, meelna looga soo wadajeesto kuwa cadoiwga ku ah jiritaanka qarankii Soomaaliyeed.

 

Shiikh Shariif ayaa sheegay in hadda iyo wixii ka danbeeya deeqaha Soomaaliya la gaarsiin doono dalka oo dhan oo aysan ku koobnaan doonin meel gaar ah.

 

Madaxweyne Shiikh Shariif ayaa isla maanta dib uga dhoofey Magaalada Garowe, waxaana garoonka u taagneyd diyaaraddii uu ku yimid. Waxaa weli ku sugan magaalada Garowe wefdigii uu hoggaaminaayey Raysalwasaaraha Soomaaliya.

 

Maxamed Siciid Yusuf

Horseed Media

Garowe, Puntland

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this