Sign in to follow this  
Che -Guevara

Sharif Going to Garowe

Recommended Posts

Madaxweyne Shariif oo ku sii jeeda Magaalada Garowe

 

Diyaar garow ballaaran oo lagu soo dhoweynayo wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo maanta lagu wado inuu booqdo Garowe ayaa soconaya, iyadoo ammaanka si weyn loo xaqiijiyay.

 

Ilo wareedyo ku dhow dhow Xafiiska Madaxtooyada ayaa u sheegay Shabakada Jowhar.com in Madaxweyne Shariif uu saacadaha soo socda uu u baqooli doono Magaalada Garowe ee xarunta Gobolka Nugaal.

 

Booqashada Madaxweynaha ayaa waxaa maalintii jimcaha shaaciyay Ra'iisul Wasaare Dr. C/wali Gaas oo labo cisho ku sugan Garowe, kaasoo uu ku sheegay in socdaalkiisa Garowe uu gogol xaar u yahay booqasho Madaxweynaha ku aadi doono.

 

Diyaar garow xoog leh ayaa ka socota Magaalada Garowe oo lagu soo dhoweynayo Madaxweyne Shariif oo markii u horeysay booqan doona Puntland.

 

Lama oga inta ay qaadan doonto booqashada Madaxweynaha, hase ahaatee waxay imaaneysaa xilli Puntland ay horay u dhaliishay siyaasada Madaxweyne Shariif ee ku aadan Maamulkooda.

 

Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ayaa soo dhoweeyay booqashada uu ku tagay Garowe Ra'iisul Wasaare Dr. C/wali Gaas.

 

Puntland ayaa horay xiriirka ugu jartay Dowladda Federaalka, iyadoo ka mamnuucay inay deegaanadeeda yimaadaan shaqsiyaadka Dowladda ka tirsan, hase ahaatee waxaa iminka muuqanaya ifafaalo isu soo dhowaan ah iyo xiriir cusub oo labada dhinac u bilowday.

 

http://www.jowhar.com/news.php?readmore=2562

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku wajahan Xarunta Puntland ee Garoowe

 

Axad, Ogoosto 28, 2011 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay gaaraan magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, halkaasoo uu ku sugan yahay raiisul wasaare C/weli Gaas.

 

Wafdiga madaxweynaha oo isugu jira wasiirro, xildhibaanno iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada ayaa lagu wadaa inay kulammo la yeesheen madaxda Puntland oo uu ka mid yahay C/raxmaan Faroole. Waana safarkii ugu horreeyay ee uu Seekh Shariif ku tago Puntland tan iyo markii loo doortay madaxweynaha Soomaaliya.

 

Maamulka Puntland iyo DKMG ah ayaa waxaa u dhexeeyay xilliyadii ugu dambeeyay khilaafyo, waxaana khilaafkoodu uu soo billowday sannadkii hore, kaddib markii uu maamulka Puntand ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay ka baxday heshiis ay ku kala saxiixdeen magaalada Gaalkacyo.

 

Sheekh Shariif iyo Faroole ayaa lagu wadaa inay si qoto-dheer uga wada hadlaan shirka wadatashiga ah ee lagu wado inuu ka dhaco gudaha dalka, iyadoo DKMG ah ay doonayso in shirkaas uu ka dhaco Muqdisho, halka Puntland ay doonayso inuu ka dhaco Garoowe.

 

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya C/weli Maxamed Cali ayaa tagay Garoowe Jimcihii lasoo dhaafay, wuxuuna socdaalkiisa ku sheegay mid uu ugu gogol-xaarayo safarka madaxweynuhu uu ku tagay Puntland.

 

Danjire Mahiga ayaa dhawaan Muqdisho ka sheegay in shirka wadatashiga ay uu aad u rajeynayo inuu ka dhaco caasimadda Soomaaliya, balse uu ka warsugayo shir ay ka yeelanayana halka uu ka dhacayo madaxweyne Sheekh Shariif iyo C/raxmaan Faroole.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

After more than 2 years in the office and 500 visits to other countries including 10 to Addis Ababa, Shariif Canbe has finally decided to visit somewhere, other than Aadan Cadde airport, in Somalia. It will probably take him another 2 years to visit the next Somali town.

 

Che, the word on the street says that this was Mahiga idea, after all the TFG has started taking orders from Mahiga after Farmaajo's departure.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Deg Deg: Madaxweyne Shariif oo markii u horeysay gaaray Garowe

 

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay maanta barqadii Magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland, kadib markii diyaarad gaar ahi ka qaaday Magaalada Muqdisho.

 

Madaxweyne Shariif ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/wali Gaas iyo Madaxweynaha Puntland iyo mas'uuliyiin kale.

 

Kooxda Muusikada Baambeyda ayaa astaanta qaranka u garaacay, iyadoo Madaxweynaha uu salaan ka qaatay Ciidamada Puntland.

 

Ammaanka Garowe ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana qaban qaabada soo dhoweynta Madaxweynaha ay aheyd mid ilaa shalay socotay, isla markaana socdaalkiisa Garowe ahaa mid horay loo sii shaaciyay.

 

Laakiin Warbaahinta ku hadasha Afka Dowladda ayaa wax war ah ka sheegin socdaalka Madaxweynaha iyo diyaar garowgii dhinaca soo dhoweyne ee ka socotay Magaalada Garowe.

 

Waa markii u horeysay Madaxweyne Shariif uu gaaro deegaanada Puntland, isagoo Madaxweyne ah, waxaana booqashadiisa noqon doonta mid soo afjarta khilaafka Puntland iyo Dowladda KMG.

 

Jowhar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo gaaray Garowe

 

Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Amb Agoustine Mahiga ayaa gaaray Magaalada Garowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, xilli halkaas ay wada gaareen Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha.

 

Madaxweyne Shariif oo markii u horeysay gaaray Garowe ayaa waxaa uu durba kormeer ku tagay xerooyinka barakacayaasha, isagoo ilaa Hal KM socod ku maray wadooyinka Magaalada Garowe, oo ay hareer-taagnaayeen dadweyne fara badan oo u sacba tumayay.

 

Socdaalka Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya oo ah mid isku ujeedo ah ayaa la filayaa in kulan saddex geesood ah ay wada qaateen Madaxweynaha, Ra'iisul wasaaraha, Madaxweynaha Puntland iyo Wakiilka Qaramada Midoobey.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in socdaalka Madaxweynaha oo horu dhac u yahay socdaal iyana la filayo in Madaxweynaha Puntland iyo xubno ka tirsan Maamulkiisa ay ku yimaadaan Magaalada Muqdisho bisha soo socoto, iyadoo safarka heerka sare ee Madaxweynaha uu u muuqdo mid qancin ah.

 

Arrimaha sida gaar uga hadli doonaan ayaa waxaa ka mid ah shirka wada tashiga Aayaha Soomaaliya oo 4-ta bishan ka furmi doono Magaalada Muqdisho, waxaana jiray in Puntland ay ku doodeysay in shirkaas lagu qabto Garowe, hase ahaatee ay ku guuldareysatay.

 

Kulamada labada dhinac ayaa noqonaya mid lagu turxaan bixiyo xiriirkii hore ee labada dhinac u dhaxeeyay, kaasoo horay tashwiish ku yimid, markii Puntland ay xiriirka u jartay Dowladda Soomaaliya.

 

La soco wixii ku soo kordha

 

Jowhar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Dabrow;743160 wrote:
Its about time. Somalia needs to stand united,

We are getting there. Now that Al Shabaab the main obstacle is gone

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this