Sign in to follow this  
Somalina

Mogadishu 2011

Recommended Posts

Carafaat   

Munaasabadda xuska sannad-guuradii 68-aad ee aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo maanta Muqdisho ka dhacday

 

Munaasabadda xuska sannad-guuradii 68-aad ee aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo maanta Muqdisho ka dhacday iyo Madaxweyne Shiikh Shariif oo ka qaybgalay Munaasabadaasi (Daawo Sawirada).

 

Waxaa magaalada Muqdisho maanta lagu qabtay xuska sannad-guuradii 68-aad ee aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, iyadoo uu madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ka soo qaybgaleen Munaasabadaasi, iyagoo ka soo duulay Magaalada Garoowe oo ay shalay gaareen.

 

Xuska sannad-guuradii 68-aad ee aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay xarunta Iskool Buluusiyo ee magaalada Muqdisho, iyadoo xubno fara badan oo dowladda KMG ah ka tirsan ay ka qeybgaleen oo isugu jira wasiirro, xildhibaanno, mas'uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir, taliyeyaasha ciidamada iyo marti-sharaf kale oo lagu casuumay munaasabadaasi.

 

IMG_6182.jpg

 

IMG_61751.jpg

 

IMG_6120.jpg

 

IMG_6009.jpg

 

IMG_6066.jpg

 

IMG_60831.jpg

 

IMG_6137.jpg

 

IMG_6003.jpg

 

IMG_6173.jpg

 

IMG_6031.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Somalina;766199 wrote:
DSC03360.jpg

Inna lillaahi wa innaa ilaihi raajicuun, illaahay ha u naxariisto marxuunka.

 

I am really curious why are the people wearing the red and white bandans?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Showqi;766396 wrote:
Inna lillaahi wa innaa ilaihi raajicuun, illaahay ha u naxariisto marxuunka.

 

I am really curious why are the people wearing the red and white bandans?

Suxuufiyiinta lagu xasuuqaayo Soomaaliya dhan ayey ka soo horjeedaan, mudaaharaad iyo duugis oo isku jirta waaye, 2 for 1, calaamada gaduudka waxey u taagan tahay dhiiga suxuufiyiinta oo daatey, cadaankana waa cadaalad ayaan rabnaa camal. I'm guessing here of course. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Somalina;766598 wrote:
mudaaharaad iyo duugis oo isku jirta waaye, 2 for 1, calaamada gaduudka waxey u taagan tahay dhiiga suxuufiyiinta oo daatey, cadaankana waa cadaalad ayaan rabnaa camal. I'm guessing here of course.
:D

Somalina, thanks for the clarification, somehow I thought that they were wearing the red bandanas because they wanna take revenge. But your explanation makes more sense. And I like the fact that it is two for one (Demanding justice, and at the same time a silent demonstration).

Share this post


Link to post
Share on other sites

Axmed Naaji Sacad arrives in Muqdisho

 

Fannaanka weyn ee Soomaaliyeed Ustaad Axmed Naaji Sacad ayaa muddo 21 sano ah kadib maanta dalka ku soo laabtay.

 

Ustaad Axmed Naaji Sacad oo ah Fannaan, Mulaxan, Musikiste, iyo Abwaan ayaa duhurnimadii maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha Muqdisho kadib 21 sano oo uu dalka ka maqnaa.

 

Axmed Naaji oo ka mid ah faanaaniinta Soomaaliyeed ee xilligan nool kuwooda ugu da’da weyn ayaa hadana lagu xasuustaa kaalintii uu ka soo qaatay horomarinta fanka Soomaaliyeed.

 

waxaana sidoo kale uu sameeyay muddadii uu dalka ka maqanaa heeso farabadan oo wadani ah oo uu ku muujinayay sida uu uga xunyahay dhibaatada dalka ka dhacday kuna baraarujinayay ummadda Soomaaliyeed.

 

Fanaanka Axmed Naaji Sacad ayaa la filayaa mudada uu joogo Muqdisho in la kulmo fanaaniinta iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

19.12.11

 

DUBAI — The Turkish Airlines this week said it will add flights to and from the Somali capital at the beginning of January in 2012 as it tries to draw more African passengers.

 

Turkish Airlines (THY) CEO Temel Kotil told Anatolia news agency that THY will fly to Mogadishu twice-daily. The announcement follows as the government of Turkey deployed engineers to renovate and modernize the airport in Mogadishu.

 

The Turkish government announced dozens of development projects for Somalia including hospitals, schools, scholarships, roads and other key infrastructures. Ankara says its vision for Somalia is more than just the infrastructure.

 

The Somali public has hailed the Turkish initiatives and expressed their gratitude to the Turkish government and people for their generous support. Somalis are excited about the THY’s expansion plans. Since the visit by the Turkish Prime Minister Recep Tayyip Erdoğan to Mogadishu in August to rise awareness about the Somali crisis–the Somali people no longer feel forgotten. Somalis are optimistic and feel a wind of change is on its way. Turkey might rescue Somalia from itself. The Turkish nation has promised to leave no stone unturned until Somalia achieved a lasting peace.

 

The national flag carrier airline of Turkey is yet to reveal the flight routes and dates when it will begin direct flights to Mogadishu. With the new connection offering direct flights to Somalia which was no-go-zone for the last two decades, the new THY connection will be ideal to many Somalis in the Diaspora. THY plans to carry 38 million passengers in 2012 and generate $7.8 billion in revenues.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

On to the Sports news.

 

The second leg qualifiers of the Peace Tournament are:

 

 

 

Wadajir vs Howl Wadaag

 

 

Wardhiigley vs Dharkenley

 

 

Shibis vs Hodan

 

 

Yaaqshid vs Waaberi

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Taliska booliska oo koox Wariyayaal ah uga waramay, rag loo qabtay dilka Wariye Xiis

 

Taliska Ciidanka booliska dowlada Soomaaliya ayaa maanta marki ugu horeysay koox wariyayaal ah oo baroor diiq usameynayay wariye Xiis waxey kaga warameen rag loo soo qab qabtay dilka Wariyahaasi oo dhawaan nin hubeysan muqdisho kudilay

Taliyaha waaxda baarista dembiyada ee CID G/Sare C/llaahi Xasan Bariise oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay xarunta CID da ayaa sheegay in ciidamada booliisku ay gacanta ku soo dhigeen shaqsi lagu tuhunsanyahay in uu ka dambeeyay kuna lug lahaa falkii lagu dilay Allaha u naxariistee C/salaan Xiis.

 

G/sare Bariise ayaa intaa ku daray in ay socdaan baaritaanno la xiriirta eedeymaha ka dhanka ah ninka loo xiray dilka C/salaan ‘Xiis’, taliyaha oo ka gaabsaday in uu shaaciyo magaca eedeeysanaha ayaa wacad ku maray in haddii lagu helo dambiga loo heysto ay sharciga la tiigsan doonaan.

 

Xarunta CID da ayaa xillgaasi waxaa ku sugnaa wariyayaal aad u farabadan oo maalmahanba dhigayay munaasabado ay ugu baroordiiqayaan Allaha u naxariistee wariye C/salaam Xiis.

 

Howlgalkaani kadhanka ah dilki Wariye Xiis oo ay fuliyeen Booliska dowlada Soomaaliya ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilli 18 kii bishan si bareer ah loogu toogtay weriyaha xilli wariyaha oo kuguda jiray howlihiisa shaqo.

 

Waxana sii kordhayay baaqyada ka imaanayo bahda Saxaafada, qoyska wariyaha ladilay iyo qeybaha kala gedisan ee bulshada kuwaasi oo si siman uga codsaday dowlada Somaliya iney talaabo adag kaqaado gacan kudhiiglihi dilay wariye Xiis iyo kuwi soo abaabulay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Iran_tababar_xamarweyne_19.JPG

 

Jamhuuriyadda Islaamiga Iiraan oo tababar u furtay haweenka Degmada X/Weyne

 

Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Dowladda Iiraan ayaa maanta furtay haweenka Degmada Xamar Weyne qaarkood, kuwaasi oo lagu tababarayo harqaanka iyo tolliinka dharka noocyadiisa kala duwan.

 

Munaasabad ballaaran oo lagu furayay tababarka haweenka Degmada Xamar Weyne oo ka dhacday isla degmadaasi ayaa waxaa ka soo qeyb galay, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka KMG Soomaaliya, madax iyo wakiilo ka socda Jamhuuriyadda Islaamiga Iiraan, mas'uuliyiinta iyo madaxda Degmada Xamar Weyne, bulshada ku dhaqan degmada X/Weyne iyo marti sharaf kale oo fara badan.

 

Sayid Mutabir Bin Hashim oo ka wakiil ah Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Dowladda Iiraan ayaa halkaasi ka jeediyay khudbad uu uga hadlay deeqda ay soo gaarsiiyeen degmada Xamar Weyne isla markaana haweenka degmada ay ku qaadanayaan tababarada makiinadaha dharka lagu tolo ee loo yaqaano Harqaanka.

 

Waxa uu sheegay in deeqdaani ay qeyb ka tahay mashruucyo fara badan oo ay ugu talo galeen shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in sidoo kale gargaar dhinaca daawooyinka ay soo gaarsiinayaan degmada X/Weyne iyo qeybo ka tirsan magaalada Muqdisho.

 

Xubnaha ka hadlay munaasabadda furitaanka tababarka haweenka degmada X/Weyne waxaa ka mid ah Xildhibaan Garweyne Kuulow Islow oo Dowladda Islaamiga ah ee Iiraan uga mahad celiyay sida ay u garab taagan dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan dalka gudihiisa, wuxuuna tilmaamay in Dowladda Iiraan ay muujisay walaaltinimada iyo xiriirka soo jireenka ah ee wadamada Soomaaliya iyo Iiraan.

 

Dhinaca kale Waxaa halkaasi ka hadlay Ambassador Muridi Golf, wuxuuna sheegay inay soo dhoweynayaan deeqda ka timid Dowladda Iiraan, wuxuuna tilmaamay in tallaabadaasi ay tahay mid ku dayasho mudan, isagoo ku booriyay haweenka degmada Xamar Weyne inay ka faa'iideystaan fursadaha uga imaanaya shacabka iyo dowladda Iiraan oo gargaar walaalnimo ku tabarucaya.

 

Guddoomiyaha Degmada X/Weyne Ibraahim Sahal Gardhuub oo ka mid ahaa madaxdii ka soo qeyb galay ayaa sheegay in dowladda Iiraan horumarinta ay ka waddo degmada X/Weyne iyo guud ahaan dalka oo dhan uu uga mahad celinayo, wuxuuna intaasi raaciyay in shacabka Soomaaliyeed aanay iloobi doonin gacanta bani'aadaminimo oo ay u fidiyeen walaalahooda reer Iiraan.

 

Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa degmada X/Weyne soo gaarsiiyay Qalabka dharka lagu tolo ee harqaanka loo yaqaano kaasi oo tiradiisu ka badan tahay boqol Harqaan iyo bundado dhar noocyo kala duwan ah.

 

In ka badan boqol haween ah oo ku dhaqan Degmada X/Weyne ayaa tababarkaasi ka faa'iideysanaya, iyadoo xariga uu ka jaray Sayid Mutabir oo ka socday Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, waxaana munaasabadaasi khudbado kala duwan oo loogu mahad celinayo horumarka ay dowladda Iiraan ka waddo degmada X/Weyne iyo guud ahaan dalka Soomaaliya ka jeediyay, qaar ka mid ah dadka degaanka oo ay ka mid yihiin culumaa'udiin iyo odayaasha degmada X/Weyne.

 

Iran_tababar_xamarweyne_3.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Inside Somalia: Order restored in Mogadishu

Tristan McConnell December 22, 2011 15:49

 

MOGADISHU, Somalia — Street stalls sell piles of plump mangoes and stacks of freshly baked bread, a bookseller has set up shop on sheets of newspaper laid on the ground. Sidewalk cafes offer cups of sweet tea beneath shady trees, freshly painted murals on shopfronts depict items for sale: watches, computers, mobile phones.

 

A work team plasters over bullet holes and slaps a new coat of whitewash on an old wall. The K4 roundabout at this city’s heart has been repainted in pastel pink and sky blue. Donkey carts, minibus taxis, cars and 4x4s clog the road, horns beep, drivers shout.

 

Watching this hectic scene by the roadside stand two children, arms around each other’s shoulders, eating ice lollies.

 

A little further up the road, at a place that two years ago was a frontline position, kids chase each other around abandoned sandbags.

 

There are still plenty of armed men around but almost all now have uniforms.

 

This is a different Mogadishu than in recent years. The city has been slowly coming back to life since August when African Union soldiers pushed Islamist insurgents from the city center ushering in a peace not seen since 2006 when the grassroots Islamic Courts Union briefly held power.

 

“The time of the Islamic Courts was a gift from Allah: It couldn’t last,” said Ali Guled, a truck driver. “But the Shabaab that came after was the worst time in all Somali history so at least now we have some peace.”

 

Read the rest at http://www.globalpost.com/dispatch/news/regions/africa/111220/somalia-news-mogadishu-comes-back-life

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Center in Mogadishu accommodates disabled Somalis

 

By Noora Faraj

 

Disability is perceived as an added burden in Somalia, a nation that lacks adequate medical provisions, a situation that makes it difficult for patients to get the help they need.

 

The physically and mentally disabled are usually stigmatized by their families, a stigma that extends to the rest of society, especially if they aren’t capable of caring for themselves.

 

This forces many of them to beg on the streets or sell some of their personal belongings as a means of survival.

 

A Turkish charity in Mogadishu which is backed by Presidency of Religious Affairs, however, is hoping to change that by running a center for the disabled, where they can eat and rest.

 

"Around 300 people come twice a day for a meal," said Kaya, a volunteer at the center.

 

Before seeking refuge at the charity center, Abdigadir Mohammed Sha’ir, who is partially paralyzed, lived on the streets and often went hungry. He says he is grateful for the help the center provides

 

The charity is seeing to expand to other parts of the city so that it can help more of the needy.

 

http://english.alarabiya.net/articles/2011/12/22/184034.html

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Update on the Mogadishu Districts Football Tournament for Peace

 

Hodan karbaashed Shibis 4-0.

IMG_6464.jpg

 

 

 

 

Dharkenley is through (PSO), good bye Wardhiigley.

IMG_6758.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this