Sign in to follow this  
Somalina

Mogadishu 2011

Recommended Posts

Somalina   

somali-students.jpg

 

Talaado, November 01, 2011 (HOL) — Dowladda Turkiga ayaa ka hirgelisay magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya iskuul dugsi sare ah oo ay wax ku baranayaan arday Soomaaliyeed, kaasoo la furay maalintii Isniinta ahayd ee lasoo dhaafay.

 

Wasaaradda waxbarashada ee Soomaaliya ayaa soo dhaweysay furitaanka iskuulka iyadoo dowladda Turkiga ay sheegtay iskuulkan uu hordhac u yahay qorshayaal ay ku doonayso inay uga hirgeliso Soomaaliya iskuullo waxbarasho oo kala duwan.

 

"Tani waa wax la yaab leh... ardayda iyo waalidiintu waa kuwo ku faraxsan inay helaan waxbarasho tayo leh," ayuu yiri wasiirka waxbarashada ee Soomaaliya Axmed Caydiid Ibraahim oo wareysi gaar ah siiyay wargeys kasoo baxa dalka Turkiga.

 

Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka baranaya iskuulkaas ayaa Isniintii xaadiray fasallada iskuulka iyadoo ay u billaabatay waxbarashada dugsiga sare, waxaana hirgeliyay iskuulkan hay'adda Nile Organization oo xarunteedu tahay dalka Turkiga.

 

Hay'adda Nile ayaa sheegtay inay codsiyo ka heleen arday fara badan oo Soomaali ah kuwaasoo doonaya inay wax ka bartaan iskuulkan, waxayna xuseen in qorshaha iskuuulka uu yahay inay wax ku bartaan 250-arday oo keliya.

 

Maamulka iskuulkan cusub Bülent Ergüneş ayaa sheegay in luuqadda wax lagu baranayo ay tahay Ingiriis, laakiin la barayo ardayda sidoo kale luuqadda dalka Turkiga, wuxuuna ku daray in ardayda ay sannadka hore ay qaadan doonaan waxbarasho deg-deg ah.

 

"Xisaab, bay'oloji, kambiyuutar, kimistiri iyo fiisigis ayaa ka mid ah casharrada ay qaadanayaan ardayda, iyadoo casharradan ay noqon doonaan kuwo si xowli ah ku socon doona afarta bilood ee uug horreeya," ayuu yiri maamulka iskuulka.

 

Iskuuulkan ayaa wuxuu qayb ka yahay qorshaha ay dowladda Turkiga ku doonayso inay kaga caawiso shacabka Soomaaliyeed dhinaca waxbarashada iyadoo boqolaal arday Soomaaliyeed ah u qaaday dalka Turkiga si ay waxbarasho jaamacadeed oo tayo leh u helaan.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Jacpher;769019 wrote:
^TFG's future leaders??

 

The irony of a man enjoying the sea he once poisoned.

There's no proof of that. He sued for defamation incase you didn't know.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this