Carafaat

SSC Conference Khaatumo2: The final part.

Recommended Posts

Carafaat   

Xaaji,

 

Xaglo and Sabriye are soon both exit. the idea is that a new more experienxed leadership is elected at the Khaatumo Conference.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Xaaji, sheekadu waas saas. Laakinse shirkaan waxa la raaba in garabyada jabhada, garabyada siyasiinta, garabyada beesha, garabyada nsum, iyo garabyada Somaliland iyo Puntland raacsan lagu wada mideeyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abdul   

Xaaji Xunjuf;747464 wrote:
waligay ma arkin jabhad laba nin u kala taliyan lol Mise tallow wa sheekadi caydiid iyo cali mahdi oo kale

Wishful thinking.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Deg deg: Taleex oo loo Igmaday in ay Noqoto halka lagu qabanayo Shirka Khaatum2.

 

 

War deg deg ah oo hada naga soo gaadhay magaalada Tukoraq ayaa sheegay in maanta ay go’aamiyeen xubnihii Ergada ahaa in magaalada Taleex ay noqoto halka shir weynaha Khaatumo2 ee Beelaha SSC uu ka dhici doono Octoberta fooda inagu soo haysa.

 

Kulan ay yeesheen xubno ka tirsan Garaadada Garoowe joogey iyo Ergada Khaatumo2 ayey kaga dhawaaqeen in shirku uu noqdo Taleex, waxaana dhawaan Rayi ururin ay samaysay shabakada Horufadhi ku ogaatay in Buuhoodle noqotay magaalada gashay kaalinta koobaad, halka Taleexna ay gashay kaalinta Labaad.

 

Dhawaan ayey gudidu sii gudbin doonaan nuqulka rasmiga ah ee Iclaamka halka shirka loo igmaday oo ay noqotay degmada Taleex ee taariikhiga ah.

kala soco Horufadhi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Xaklotoosiye oo ina shirka lagu qabto Buhoodle.

 

 

 

Dr: Xaglotoosiye iyo Wafdigiisii oo si aad iyo aad u heersareysa loogu soo dhaweeyey Buuhoodle(Daawo Sawiradda)

Buuhoodle(Allssc) Waxaa saaka subaxnimadii hore Laga dareemayey magaalada buuhoodle udiyaar garowga Isusoobax balaadhan kaas oo uu hore u iclaamiyey madaxwaynaha SSC Dr: Saleebaan Ciise Axmed(Xaglo toosiye)

Dhamaan dadwaynaha ku dhaqan magaalda buuhoodle Ayaa isaga yimid dhamaan xaafadaha magaalda waxaana joogsaday dhamaan isu socodka magaalada. Dadwaynahaa ayaa dhamaantood isu soo biyo shubtay Soona gaadhay Garoonka kubada cagta ee Xabado Stadium, Intaas kadib ayaa waxaa bilowday Gabayo iyo Buraanburo lagu soo dhawaynayo Madaxwaynaha iyo maamulka SSC isuguna jiray hanbalyo iyo bogaadin.

Intaa kadib ayaa waxaa halkaas kahadlay Dadwayne aad ufarabadan oo isugu jira Culimo, waxgarad, ururada Haweenka, Ururada dhalinyarada Iyo qaybaha kale ee bulshada G/cayn’

Sidoo kale waxaa dhankooda hadlay Wufiidii Lasocatay madaxwaynaha oo aad ugu mahad celiyey Dhamaan Shacabwaynaha ku Dhaqan magaalda Buuhoodle Sida ay uga Go’antahay Midnimada iyo xornimada Dhamaan Gobolada SSC,

iyagoo Dhankale soo dhaweeyay inlagu qabto Shirwaynaha Khaatumo 2 Magaalada Buuhoodle Sheegayna Hadii Jiri lahayd meel ka mudan Buuhoodle In maamulku Tegi lahaa!!!!

Intaas kadib ayaa waxaa Microphone ka ubaxay Madax waynaha Maamulka SSC markaas oo meeshiiba hadhaysay Sacab iyo sawaxan lagu soodhawaynayey Madaxwaynaha maadaama uu wadanka kamaqnaa mudo dheer!

Madaxwaynaha ayaa ugu horayntii ku salaamay dhamaan dadwayanaha kasoo qayb galay salaanta islaamka ASC

salaam kadib ayuu ugu Horayn tii u tacsiyeeyay Dhamaan dadwaynihii Ay dhibaatadu kasoo gaadhay Dagaalkii KALSHAALE sidoo kale Waxa uu ALLE uga baryey Mujaahidiintii ku geeriyootay Dagaalkaas in Eebe kawaraabiyo naxariistiisa maadama ay difaacayeen Naftooda iyo Dhulkooda

Madax waynuhu wuxuu hanbalyo baahsan udiray Ha’ada MSEF HOLAND Oo ah hayadii ugu horaysay ee soobooqata Buhoodle Tan iyo burburkii Soomaaliya

waxaakale oo uu usoo jeediyey Gudida Qabanqaabada SHirwaynaha *********** In Shirka Lagu Qabto Magaalada Buuhoodle Ee xarunta Gobolka cayn, Ayna Soo dhawaynayaan Shirka Maamul ahaan,

Geesta kale waxaa usoo jeediyey Dhamaan Dadwayanaha Kudhaqan magaalada buuhoodle In ay dhistaan maagalada Dhanka xuduudka Ethiopia Dhankaas oo aan dhisme badan lagu samayn waxaanu sheegay in uu guriga Ugu horeeya ka Dhisandoono Waxaanu kubaaqay in wax lala Qabsado Dawlada Degaanka Somaalida Sida Xaga Wax barashada, Caafimaad iyo horumarinta Arimaha Bulshada.

Isu soobaxan ayaa kusoo gebo geboobay Jewi Aad u wanaagsan Isagoo soconayey mudo Saacado ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Wardegdeg ah :- Gudigii Khaatumo2 oo ku dhawaaqay Madasha Shirku Kadhacayo

 

Kulan ay maanta yeesheen gudiga qaban qaabada shirweynaha khaatumo2 iyo qaar kamid ah isimadda SSC ayaa wuxuu ka dhacay degaanka Tukaraq.

 

kulankan oo looga hadlayay sidii loo qaban lahaa shirka khaatumo2, islamarkaana go’aamada kasoo baxa loo taageeri lahaa ayaa waxaa hadalo kooban iyo warbixino ka soo jeediyay xubno katirsan gudiga qaban qaabada shirweynaha khaatumo2.

 

Kulankan oo maalmahanba la sugayay qabsoomidiisa maadama la sugayay isimada kale iyo Garaad Saleeban Maxamed oo hore u codsaday inuu dhigo gogosha shirka khaatumo2, ayaa si rasmi ah galabta loogu dhawaaqay in degmada Taleex ee gobolka Sool noqoto magaalada martigelin doonta shirweynaha khaatumo2.

 

Waxaa sidoo kale iyana dib loo riixay maalinta la qabanayo shirka oo hore lo shaaciyey inay noqoto October 14, tasoo hadda oo lagu beegay 5 bisha November ee sanadkan.

 

Warbixino Faahfaahsan iyo Waraysiyo Dhawaan ayaan iidin soo gudbin doonaa hadii eebe idmo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.