Carafaat

SSC Conference Khaatumo2: The final part.

Recommended Posts

Carafaat   

Garaad Abshir: Qalad Baanu U Aragnaa In Dhul****** Gooni u Tashado" Garaad Abshir

 

http://jidbaale.com/index.php?option=com_content&view=article&id=1928:qalad-baanu-u-aragnaa-in-***********-gooni-u-tashadoq-garaad-abshir&catid=42:wararka-af-somali

 

 

Friday, 14 October 2011 11:08

 

 

Garoowe(Jidbaale):-Waraysi xiiso badan oo laga qaaday isimada qayb ka mid ah Isimada Garoowe, ayey kaga hadleen baaqoodii Khaatumo2.Halka ka Dhagayso

 

Waraysigan waxay kaloo Isimadu ku sheegeen waxa ay ka qabaan Shirweynaha Khaatumo2, Puntland iyo talada Dhulb****..

 

Isimada aad ku maqli doontaan waraysigan waxa ka mid ah: Garaad Abdillahi garaad Soofe, Garaad Saleebaan Buraale, Ugaas Abdillahi Ciise,Garaad Abdisalaan, Garaad Abshir Salaax.

 

Waraysigan oo ah mid aad u xiiso badan.. shacabka SSC na ay ka dheehan karaan waxa dhabta ah ay aaminsanyihiin Isimada SSC ee jooga Garoowe.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

A_khadar, is is true that Isimada want Puntland to participate in the Conference?

 

If some are bringing adeero to the shir. Then I demand as the abti to be invited as well.

That would be only fair.:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Ha la yaabin waa jaceyl ka dhexeesa muwaadiniinta.

 

You guys should know, as you post or react on the the most SL threads after JB and XX. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

There a lot of shops in Lasanod owned by SSC.:D

 

But if you are talking about setting up an own Governance structure. Lasanod and Sool already their own local and regional goverments. It has local and regional Police, Prisons, courts, regional health and educational offices, etc.

 

Would be silly to create another double structure, dont you think?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Xaqiiqo La Helay: Yaa Usoo Dhiibey Garaadada Garoowe Waraaqdey Inoo Akhriyeen

 

http://allssc.com/?p=16723

 

Ilaahbey mahad oo dhami u sugnaatey, nabadgelyo iyo naxariisina nabigiisii Maxamed ahaa korkiisa ha ahaato.

 

Baadhitaan dheer ka dib oon sameeyey ayaan waxaan ku soo ogaadey soona heley xaqiiqada cida usoo dhiibtey garaadada garoowe martida ugu ah beesha maxamúd saleebaan waraaqdii la yidhi ka hor akhriya tv-ga beesha ee Somali chanal waxeyna u dhacdey arintu sidatan:

 

Hadaan ku bilaabo hawshan waxa bilowgeeda ilaa dhamaadkeeda wada waxa ugu horeeya iskana kaashadey niman waaweyn oo qurba jooga oo qaarkood taliskii siyaad bare madax ka ahaayeen, dhawaana bayaan ay beel aysanba u warheyn ku been abuurteen kuna soo saarey webka loogu adeego danaha beesha maxamud saleban ee taleex ku xaar iyo ninka webkaasi u furanyahay ahna hoosjiifaha Faroole waa Cabdisamed Cali Shire’e.

 

Horta waxaa laga dhaadhiciyey odayaal reer buuhoodle ah iyo odey kale oo reer boocame ah kana mushahar qaata faroole, musharkaana uu ugu soo dhiibo hoosjiife C/samed Cali Shire, iney diidaan in shirka dhulkooda lagu qabto ka dibna uu garaadku yidhaaho anaa shirka idiin casumaya si loogu qabto meel aan Garoowe (caasimad beesha) ka fogeyn oo uusan maraba *********** uga bixi karin qoolka loo sudhay beesha Puntland.

 

Intaa markey ku guuleeysteen oo dhulbahantoo dhami isagoo eegaya masiibada iyo hooga ay ku rideen labada beelood ee SSDF iyo SNM iyagoo adeegsanaya wax ma garato magaca inala sheeganaysa ayaa hadana waxaa la gudagaley sidii loo keeni lahaa arin kale oo dadka caqliga saliimka leh aan u cuntami karin in la keeno si shirkaa beesha looga fashiliyo waxeyna timi kadib shirdheer oo xaga telefonnka ah oo leysugu soo noqdey labo jeer kaasoo dhexmarayey Ina Cali shire iyo odoyaasha bayaanka ku qoraa ee qurba joogta ahaa waxeyna ka soo saareen shirkoodii waraaqdii Garaadada loo nisbeeyey ee la yidhi *********** noo maqashiiya.

 

Sidey ku dhacdey iney garaadada Garoowe inta qol lagu soo xareeyey laguna kor akhriyey.

 

Waxey u dhacdey ka dib markii qoladii qurba joogta aheyd iyo Ina Cali Shire isla dhameeyeen qoraalkii waraaqda ayaa shaqada inta dhiman loo xilsaarey ina cali shire.

 

Isna wuxuu u tegey hogaamiyihiisa Faroole wuxuuna ku cabsi geliyey in uu arintan wax kala qabto hadii kale beeshii dhulabahnte ee isaga iyo maamulka SNM-tu ku heshiiyeen midna inuu magaceeda somali weyn kaga dhex qaraabto mucaawunadoodana gobolada beesha maxamud saleebaan loo leexiyo, Siilaanyo iyo SNM-na dhulka ku Ictiraaf raadsadaan iney maanta khatar ugu jirto iney ka far baxsato, maadaama shirweyne ay kasoo qeybgalaan waxgarad isku dhafani la filayo iney qabsadaan.

 

Faroole arintii wuu ka aqbalay, waxaana loo yeedhay garaadadii garoowe Faroole martida ugu ahaa inkasto garaadada qaarkood qadiyada hore ula socdeen hadana badankoodu war kamaheyn mu’aamarada Ina Cali Shire iyo qurba joogta taageertaa soo maleegeen.

 

Garaadadii qolka lagu soo xereeyey hadalka looma badin labaa la kala dooransiiyey:

 

1- In ay waraaqdan loo akhriyey saxeexaan fiidyowna laga duubto iyagoo ayidaya.

 

2- Hadeysan taa ogoleyn inuu sida ugu dhakhsaha badan ninwaliba Caruurtiisa, xaasaskiisa iyo xamaamtiisaba sida ugu dhakhsaha badan Garoowe uga uruurasado kana guuro.

 

Faroolana warkii ina Cali Shire buu intuu Istaagey yidhi waa sidaa naa’ibkeygu u yidhi, hadal badana kuma dirin.

 

Isla markiiba waxaa istaagey qaar garaadadii hawsha la socdey waanay ayideen wixii ku qoraa waraaqduu Ina Cali Shire ku dul akhriyey waxeyna balan qaadeen iney hawshaa loo direy fulindoonaan maadama bey yidhaaheen yihiin Isimo Puntland ah yihiin, aysana ogoleyn wax maamulkayaga wax u dhimaya.

 

Garaadada qeybtoodii aan waxba ka ogeyn arinka waxey ku noqotey afkalaqaad waxaana loo sheegey inuusan wax ka hadal arintaasi ah uusan uga banaaneeyn ee ay arintu tahay kala doorasho uun, berina xiligaa leysugu yimaado guri loo cayimay.

 

Garaadadii aan arintan ka wareysaney ee labada shirba fadhiyey waxey ii cadeeyeen kuna cabteen in meesha Garoowe maxas badani ka daadsantahay aysana ka maarmeynin degenaanshaheeda iyo biilka uu Faroole Ina Cali Shire ugu soo dhiibaba saa la’ajligeedna ay yihiin dad mar walba qasban.

 

Hadaba aniga waxaan fahmi kari waayey ileen *********** waa quruum farabadane sidey dantooda oo dhan ugu dabranaankarto afarsiyaasi iyo dhawr garaad oo SSDF iyo SNM u martiya, qaadkooda, qadadooda iyo biilka maatadoodana u hoos fadhiyaan beelahaa maamulada iyo horumarka sameystey.

 

sababtoo ah sidee buu mushatamaca intiisii kale ee aan aheyn nimanka SSDF-ta iyo SNM-tu u yaqaanaan’’dhulbahante hoo bariiska’’ uga badbaadi karaan gaajada, abaaraha iyo horumar la’aanta dhulkeenii ka jirta iyo qixida shacabkeenii u qaxayo ilaa afrikada koonfureed, waa su’aal akhristow lagaa sugayo jawaabteeda.

 

Mansuur Cali.

 

London

 

mansuurcali@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.