Sign in to follow this  
NASSIR

The Building Blocks: Xingalool declares a self-autonomous Region call Xadeed

Recommended Posts

NASSIR   

Axmed-Gigaroor.jpg

 

 

Wax-garadka iyo Siyaasiyiinta Degmada Xingalool oo Ku Dhawaaqay Gobolka Cusub ee Xadeed (Dhagayso)

Siyaasiyiinta iyo isimada Degmada Xingalool ayaa shaaca ka qaaday in ay ku dhawaaqayaan gobol cusub oo kusoo biiraya gobolada soomaaliya kaas oo ay ku magacaabeen gobolka Xadeed arrintan oo si rasmi ah maanta loogaga dhawaaqey xafladii xidhitaanka dugsiga hoose dhexe ee Liibaan.

 

Ku dhawaaqida gobolka cusub ayaa timi kadib shirar is daba joog ah oo ay yeelaneen waxgaradka degmadu maalmihii aynu soo dhaafnay waxayna si weyn isula lafa gureen xaalada siyaasadeed ee degmada iyo waliba gobollada sanaag iyo haylaan oo labaduba daris la ah degmada xingalool.

 

Axmed Siciid Gigaroor oo ka mid ah aqoonyahanka kasoo jeeda degmada Xingalool ayaa isagu maanta si rasmi ah uga sheegey xafladii dugsiga mashruuca gobolkan cusub isaga oo ballan qaaday iney geyn doonaan xafiisyada maamulka Puntland si ay degmadu u hesho xuquuqdii ay ku lahayd maamulka Puntland.

 

Hadaba maanta ayaa waxaa waraysi la yeeshey Mr. Gigaroor idaacada One Nation Radio ee ka hawl gasha magaalada Boosaaso waxa uuna waraysigaa kaga warbixiyey degmadu waxa ay tabanayso isaga oo dhaliishana tusha uga tuuray masuuliyiinta maamulka Puntland u qaabilsan gobolada sanaag iyo haylaan oo iyagu ka gaabiyey iney si siman ugu adeegaan degmooyinka gobolka isla markaana ay deegaanada qaar u xag liyeen.

Waraysiga oo dhamaystiran halkan ka dhagayso (Guji Halkan)

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Strides in public sectors like Education and Health of Xadeed state

 

Xingalool-School-24.jpg

 

Saturday, May 28th, 2011 | Posted by Maamulka

Xafladii Xidhitaanka Sanad Dugsiyeedka ee Liibaan School oo Xingalool Lagu Qabtay (Daawo+Dhagayso)

 

Waxaa maanta ka dhacday xarunta dugsiga hoose dhexe Liibaan ee Degmada Xingalool xaflad si weyn loosoo agaasimey taas oo dulucdeedu ahayd xidhitaanka sannad dugsiyeedka 2010/2011 isla markaana abaal marin lagu gudoonsiiyey ardaydii kaalimaha hore galay imtixaankii sanad dugsiyeedkan.

Xafladan ayaa waxaa kasoo qeyb galay culimaa’u diin, waalidiin, arday, ururada bulshada, aqoonyahanka deegaanka, iyadoo aaney meesha ka maqnayn* masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland oo uu ka mid yahay gudoomiyaha degmada xingalool Yuusuf Siciid Faarax, Taliyaha qeybta booliska gobolka sanaad Gaashaanle Cawad Baalcade, Wasiir ku xigeenkii hore ee dawladaha hoose iyo horumarinta reer miiga Cali Naaji Axmed Faarax, Taliyaha booliska Degmada C.risaaq Xaaji Maxamed iyo masuuliyiin kale.

Dhamaan masuuliyiinta ka hadlay xafladan ayaa si weyn ugu hambalyeeyey ardayda wacdaraha muujiyey ee wax ka barta dugsiga hoose dhexe ee Liibaan Xingalool, waxayna waalidka ku boorriyeen iney is garab taagaan aqoonta iyo goobaha waxbarasho isla markaana ay ka fakaraan sidii loo horumarin lahaa.

Maamulaha Dugsiga Liibaan Mursal Siciid ayaa isagu ka warbixiyey taariikhdii dugsiga iyo heerarkii uu soo maray tan iyo sanadii 1992-dii oo ahayd markii ugu horreysey ee dugsigan la yagleeley.

Sheekh Xasan Xuseen oo ka mid ah culimada deegaanka ayaa kalmad wacyi galin ahayd ka jeediyey xaflada waxa uuna sheekhu ka hadlay ahmiyada ay leedaha barashada cilmiga labada nooc ee maadiga iyo diinigaba.

Nabadoon C/wabax oo ku hadlayay magaca isimada ayaa u duceeyey ardayda isaga oo kuna baraarujiyey iney dadaalaan si ay horumar uga gaadhaan nolosha waxaa isna sidaas oo kale dhalinyarada wacyi galin usoo jeediyey sheikh C/raxmaan ciise maareeyaha shirkada golis xingalool oo ka mid ah waalidiinta waxa uuna amaan usoo jeediyey macalimiinta iyo hawl wadeenada dugsiga.

Xafladan ayaa waxaa hadal ka jeediyey taliyaha qeybta booliska gobolka Sanaag gaashaanle Cawad Baalcade, taliyaha ayaa kula taliyey dadweynaha ku dhaqan degmada xingalool iney booliska iyo hay’adaha amniga kala shaqeeyaan sugida amaanka, isaga oo sheegey hadii aaney iskaashan bulshada iyo laamaha amnigu in aan marnaba amniga la sugi karayn.

Axmed siciid Gigaroor oo ka mid ah aqoonyahanka deegaanka ayaa hadal uu xaflada ka jeediyey waxa uu dhaliil usoo jeediyey Maamulka Puntland sida uu ula dhaqmay degmada xingalool, waxa uuna sheegey in masuuliyiinta deegaanku ay tabanayaan in aaney helin degmada xingalool xaqii ay ku lahayd dawlada puntland oo ay ka tirsan tahay.

Mr. Gigaroor ayaa shaaca ka qaaday in degmada xingalool aaney ka helin qeybtii ay xaqa ugu lahayd gobolada sanaag iyo haylaan midnaba isla markaana ay maanta ku dhawaaqayaan gobol cusub oo la magac baxya gobolka Xadeed, kaas oo ay xarun u tahay degmada xinglaool go’aankaas oo dadweynihii xaflada kasoo qeyb galay ay aad ugu riyaaqeen.

Waxaana ka mid ahaa ereyadiisii: **Guji Ama Riix Halkan)

Gaba gabadii xaflada ayaa waxaa abaalmarinta ardayda gudoonsiiyey Gaashaanle Cawad Baalcade, Gudoomiyaha degmada Yuusuf Faarax,waxayna xafladu ku dhamaatey jawi farxad iyo wanaag uu ka muuqdo.

Halkan ka dhagayso cod ahaan xafladii oo dhamaystiran: Guji Halkan

Daawo Sawirro badan oo Kamarada XingaloolNews ay xafladda kasoo qaaday:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Odd to say the least. Why would Makhiir folks divide their land further into Haylaan, Xadeed iwm. Perhap to get more representation from the TFG cabinet next time?

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Politically, It has nothing to do with that. This is simply taking care of one's own districts in terms of bolstering the local institutions that have long been functioning well in this particular setting in order to maintain law and order, guarantee free access to international agencies and to provide for services as well as building Somalia from within. I support the building block model of governance 100%.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Saalax;736368 wrote:
Odd to say the least. Why would Makhiir folks divide their land further into Haylaan, Xadeed iwm. Perhap to get more representation from the TFG cabinet next time?

Why don't you ask successionists of yours why divide their lands into Salaal, Oodweyene, Sararaar and many little more peaces...

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Ururka Horumarinta Xingalool (HDO) oo Muujiyey Hawl Karnimo iyo Waxqabad (War murtiyeed)

HDO.jpg

 

Degmada Xingalool ayaa waxaa si rasmi ah uga hawl gala urur lagu magacaabo Hingalool Development Organization oo magiciisa loo soo gaabiyo H.D.O, ururkaas oo ah urur ay ku bohoobey dhalinyarada degmada Xingalool gaar ahaanna intooda ku hawllan waxbarashada.

Masuuliyiinta ururka ee Degmada Xingalool ayaa shalay marti qaad u fidiyey Mudane Maxamuud Xaaji Maxamed (Jiinje) oo ah xubin ka tirsan jaaliyadda qurba joogta ah ee reer Xingalool iyo waliba Mudane Axmed Shaakir oo ah macallin ka tirsan Dugsiga H/dhexe Liibaan isla markaana ka mid ah hawl wadeennada webka XingaloolNews.Com

Afhayeenka ururka Xamse C/qaadir (Xaambuuse) iyo Maxamed Cabdi Budhcad aya halkaa kasoo jeediyey hadallo koob kooban iyaga oo ka warbixiyey ururka wakhtigii la aasaasey iyo waliba hawlaha uu u hayo bulshada ku dhaqan degmada xingalool.

waxa uu gudoomiyaha ururku sheegey inuu yahay ururkani mid ay ku bohoobeen da’yarta ku hawllan waxbarashada ee degmada xingalool iyagoo cududa ugu weyn ee ururka ka dhex muuqataa ay tahay ardeyda Xingalool Secondary wax ka barata, waxa uuna gudoomiyuhu intaa ku daray in ay sameeyaan waxbarasho bilaash ah oo ay u didiyaan dadka danyarta ah iyo waliba dadka waaweyn ee aan hore fursad waxbarasho u helin.

Ururka ayaa ku shaqeeya qaab iskaaa-wax u qabso ah iyagoo iska ururiya lacag si loogu fuliyo hawlaha ururka, waxaana arrintaa si weyn usoo dhoweeyey Jiinje Xaaji Maxamed oo tilmaamey in aanu marnaba fileyn horumarkan iyo sida weyn ee dhalintu ay isu xilqaameen.

Jiinje dhiniciisa waxa uu ballan qaaday in dhalintu hadii ay hawlaha halkaa kasii wadaan ay jaaliyadda qurba joogta ka heli doonaan dhiirri galin iyo taageero wixii ay karaan, isaga oo intaa ku daray in jaaliyadduba ay tahay dad u danqaday sida dhalintan oo kale deegaanka isla markaana waxqabad ku ballamay.

Kulanka ayaa si farxad iyo reyreyni ku jirto kusoo dhamaadey iyadoo gabdho iyo wiilalba xubnaha ururku ay u mahad celiyeen booqashada iyo wakhtiga ay usoo hureen xubnaha maanta booqashada ku yimi xarunta ururka HDO ee Degmadan Xingaloo.

Dhanka kale waxaa shalay soo baxay war murtiyeed ay soo saareen qaar kamid ah*dhalinyarada reer Xingalool*oo ku sugan intooda badanin dalka dibaddiisa*kuwaas*oo ku dhawaaqey in farac cusub oo uu ururku leeyahay ay ka hirgalinayaan wadamadda ay ku sugan yihiin, waxaana lagu* shaaciyey war murtiyeedkan ay soo saareen ujeedooyinka loo aasaasey ururkan iyo waliba hawlaha uu ufulinayo buslhada reer Xingalool.

War murtiyeedka ayaa lagu magacaabey wakiillo uu yeelan doono ururka*ay k ubohoobeen dhalintu *kuwaas oo jooga qaar ka mid ah dalalka qurbaha iyadoo aaney meesha ka maqneyn wakiillo ku sugan maamullada Somaliland iyo Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Timur   

Utter savages. A three-hut village cannot be a maamul. Didn't an even bigger maamul "Maakhir" attempt that route and end up running into PL's arms to save it from self-inflicted starvation? Some people never learn that you can't run a state from your bedroom.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

A_Khadar Saraar was part of Sool so technically they wanted to create their own gobol different from the SSC folks. Were's Xadeed, Haylaan iwm share very close ancestory.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Hay’adda UNICEF oo Agab Waxbarasho Ugu Deeqday Dugsiga Liibaan ee Xingalool (Sawirro)

Written by Said A. Hanafi

Print E-mail Add comment

Xingaloolnews.com Hay’adda Qaramada midoobey ee* UNICEF ayaa soo gaadhsiisey Dugsiga Hoose Dhexe Liibaan ee Degmada Xingalool agab waxbarasho oo ay hay’addu ku caawisey waxbarashada Degmada Xingalool.

 

Deeqdan waxbarasho ee ay Unicef ku caawisey Dugsiga H/dhexe Liibaan Xingalool ayaa isugu jirtey kuraas iyo miisas loogu talo galay labo fasal oo ka mid ah iskuulka si ay ardeydu wax ugu bartaan.

 

Guddoomiyaha waxbarashada Degmada Xingalool isla markaana ah maamulaha Dugsiga Liibaan Mursal Siciid Cali ayaa mahad celin ballaadhan usoo jeediyey hay’adda Unicef tallaabadan wax ku oolka ah ee ay qaadday si ay u taageerto waxbarashada degmada isaga oo ku dhirrigaliyey in hay’adda* iyo hay’adaha kale ee ku hawllan waxbarashada ay dadka waxqadab la taaban karo u sameeyaan gaar ahaanna goobaha waxbarashada oo aaney jirin dawlad ama wasaarad si toos ah u daryeesha.

 

Masuuliyiinta hay’adda ayaa hore u ballan qaaday in ay qalabeyn doonaan fasallada Dugsiga H/dhexe Liibaan oo ka kooban 8 fasal, waxaana qalabka iminka soo gaadhey dugsiga loogu talo galay labo fasal oo kaliya.

 

Deeqdan waxbarasho ee soo gaadhey Dugsiga Liibaan ayaa ah tii ugu horreysey oo noocan oo kale ah tan iyo markii la aasaasey Dugsiga H/dhexe ee Liibaan bilowgii sannadihii sagaashameeyada, waxa uuna Dugsigu intaa ku soconayey taageerada hagar la’aaneed ee dadweynaha ku dhaqan Xingalool ay isla garab taageen hawl wadeennada waxbarashada Degmada Xingalool.

 

Xing-3.jpg

http://www.xingaloolnews.com/wp-content/uploads/2011/01/Xing.jpg[/img]

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this