Sign in to follow this  
NASSIR

Former PM Farmajo- Major Powers don't expect Somalia to have a central Government

Recommended Posts

NASSIR   

Ra'iisul wasaarihii hore Mudane Farmaajo oo sheegay in caalamku uusan doonayn dowlad ka dhalata Soomaaliya

 

Sabti, July 23, 2011 (HOL) – Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa sheegay in calaamku uusan doonayn in Soomaaliya ay nabad ka dhalato, isagoo faragelinta caalamka ku hayo Soomaaliya eedeeda dusha ka saaray madaxda dowladda Soomaaliya.

 

"Beesha calaamku raalli kama ahan inay Soomaaliya dowlad ka dhalato... taasna waxaa mas'uul ka ah madaxda Soomaalida oo aqbalaya go'aan walba oo loosoo jeediyo," ayuu yiri Farmaajo oo sheegay in shirkii lagu qabtay Kampala ee isaga uu xilka uga tagay iyo shirarkii ka dhacay Nairobi ay yihiin faragelin lagu hayo Soomaaliya.

 

Mudane Maxamed Farmaajo wuxuu sheegay inaan la eedeyn beesha caalamka, balse ay Soomaalidu ka fekerto inay midnimo sameyso oo ay iyadu si gaar ah aayaheeda uga tashato.

 

Ra'iisul wasaarihii Soomaaliya, wuxuu sheegay inay tahay inuu taageersan yahay xukuumadda cusub ee lasoo dhisay uuna la shaqeynayo, isagoo shacabka ka dalbaday inay la shaqeeyaan si ay wax uga qabato xaaladda dalka Soomaaliya.

 

"Shacabka Soomaliyeed waa inay ka fogaadaan qabiileysiga iyo goboleysiga, waayo dunidu maanta waxay ku socotaa inay midowdo. Shacabkeyguna waa inay ogaadaan in midnimo oo keliya wax lagu heli karo," ayuu Farmaajo hadalkiisa dabo-dhigay.

 

Mudane Farmaajo wuxuu soo jeediyay in 18-ka wasiir ee la magacaabay aysan waxba qaban karin haddii aysan shacabka ka helin taageero iyo wadashaqeyn. Wuxuuna xusay in lala shaqeeyo si aysan uga liidan xukuumaddii uu isagu madaxda ka ahaa.

 

"Anigu waxaan ahay muwaadin. Ma ahayn in aqoon gaar ah iyo darajo gaar ah aan wax ku qabtay, balse waxay ahayd inaan xoogga saaray sidii Soomaalida gudaha iyo kuwa dibadda aan ku mideyn lahaa," ayuu yiri Farmaajo oo midda keliya ee lagu mideyn karo Soomaalida ay tahay iyadoo laga fogaado nin jecleysiga.

 

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay inuu rumeysan yahay inuu qaban karo wixii uu horay u qabtay iyo wax ka badan, balse uu mar walba u baahan yahay taageerada shacabkiisa. Sidaas oo kalena ay xukuumadda cusub ugu baahan tahay taageerada shacabka.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   
""Beesha calaamku raalli kama ahan inay Soomaaliya dowlad ka dhalato... taasna waxaa mas'uul ka ah madaxda Soomaalida oo aqbalaya go'aan walba oo loosoo jeediyo," ayuu yiri Farmaajo oo sheegay in shirkii lagu qabtay Kampala ee isaga uu xilka uga tagay iyo shirarkii ka dhacay Nairobi ay yihiin faragelin lagu hayo Soomaaliya."

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

I have actually said that previously..yacni somali qaska ka socota in laga danbeeyo oo marnaba shacabka somaliyeed dantooda laga fakareen! laakin hadana somali axmaq ah uun aya lugu shaqeesan kara marka anaga uun aan si edeeno..

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Aaliyah, Every true and sensible person not only understands but is bothered deeply by the unjust policies subjected on the Somali nation. We have to stand up for our rights, expose and shame the agents of these policies. They are nothing but Africa's 21st century Quislings running amok in Mogadisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Timur   

This news is great. A centralized Somali gov't is bad for progress, it is what destroyed Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abdul   

Centralized or not we just need a government that works for its people.It is a shame that after 20 yrs the leaders have failed to come up with a formula for a working gov.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

War ninkaan yaa naga aamusiya, wixii la rabo ayaa la iskaga hadlayaa....Marna waxuu leeyahay beesha Caalamka ayaa nala jirto iyo argagixiso ayaan ka hortaagannahay adduunka marna sidaan buu u hadlayaa....!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Che -Guevara;736061 wrote:
^LooooooooooooooL...You seem to be angry at him, what did he do to you?

No personal issue but maalayacnigiisa ayaan nacay saaxiib. Bahasha beenta ah iyo hadalladaan laga fiirsan ma fiicna!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abdul   

Its true Oodweyne,the only people to blame for this are corrupt and greedy leaders who put money and clan before everything.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Faafan   

Its ironic that Somali leaders find the courage to say these things about Somalia after they leave or are forced to leave power.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this