Sign in to follow this  
Saalax

Man from Somalia who claimed to be a Prophet taken to Hargeysa Court - Somaliland

Recommended Posts

Saalax   

Maxkamad Degmada Hargeysa Oo Maanta Markii Ugu Horeysay Taariikhda Bilowday Dhageysiga Dacwada Nin Nebinimo Sheegtay Oo La Horkeenay.

 

Hargeysa (Ramaas)Apr. 11, 2011- Maxkamada degmada Hargeysa, ayaa maanta si rasmi ah u bilowday dacwad ka dhan ah nin dhawaan sheegay in uu yahay Nebi ilaahay soo diray, kaasoo ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada amaanku.

 

Ninkan ayaa magaciisa la yidhaahdaa Shariif Axmed Cabdi kana soo jeeda dalka Soomaaliya, isaga oo Somaliland ku sugnaa muddo sannado ah sida ay xaqijiyeen dad u aqoon u leh, ninkan oo muuqaal wadaad leh, ayaa sida oo kale la sheegay inuu sannadihii u dambeeyay ahaa macalin diinta bara carrurta.

 

Waxa ay saaka ay markii ay furantay maxkamadu uu garsoorihii dacwada qaadayay sheegay in kiiska wadaadkan loo cuskan doono xeerka ciqaabta iyo shareecada Islaamka, maadaama oo uu ku xadgudbay diinta oo ah muqadas ka fog xumaan ka sheegid ahna caqiidada ay aaminsanyihiin shacabka Somaliland, iyada oo maalinta bari ah go’aan laga gaadhi doono dacwadan.

 

Kiiskan oo ah kii uga layaabka badnaa oo soo mara taariikhda dacwadaha maxkamadaha dalka, iyada oo ay arrintan noqotay mid amakaag ku riday guud ahaan dadweynaha reer Somaliland oo u dhagtaagaya sida loo maarayn doono kiiskan ninkan.

 

 

 

Ramaasnews Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Saalaxoow, dadka Soomaaliland ka buuxa ee illaahay, diinda iyo nabigaba caaya. goorma iyagana maxkamad la soo saari?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

JB, ninkani kii dadka suuqa maraya bomka gacanta ku dhufanayey waxba ma dhamee maa Soomaalida cayda iyo dacaayada laga daayo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Dee kii kaleba isaga oo aan maxkamadii gaadhin sowdigii Waalidiisii qiray, oo dhakhtarka u diray maaha Jow!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Nimankanu waa yaqaanaan ninka waalan ayagoon dhakhtar gayn,,,, ee dulucda sheekadu waa intan hoose

 

Ninkan ayaa magaciisa la yidhaahdaa Shariif Axmed Cabdi kana soo jeeda dalka Soomaaliya, isaga oo Somaliland ku sugnaa muddo sannado

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this