Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Breaking News: Mad Man Throws Grenade Into Hargeisa's Busy Market

Recommended Posts

Hargeysa(Waaheen) 11 qof oo marayay badhtamaha suuqa Hargeysa ayay soo gaadheen dhaawacyo kala gedisan oo ka soo gaadhay bamboo uu nin waalani laalaadsanayay oo ku qaraxday isgoyska u dhaw fooqa Indhadeero iyo Geelle Arab ee ku yaala Khayriyada.

 

Ilaa hada lama oga dhab ahaantii inta uu leeg yahay khasaaraha ka dhasahay bamkaasi hase yeeshee waxa dadkii dhaawacu soo gaadhay loola cararay Cisbitaalka Hargeysa si loo daweeyo.

 

Cisbtaalka ayaa la ceeryoonsan dadweyne farabadan oo doonaya inay ogaadaan dadka dhaawacu soo gaadhay inay ku jiraan eheladoodii, waxaanay arrintani ku keentay dadkii suuqa marayay argagax

 

Ninka waalan ayaa la sheegay inuu ilaa saaka la dhex meeraysanayay bambadan oo uu gacanta ku sitay kaasoo lagu dhici waayay in laga qaado. Waxaanu markii danbe ku dhuftay wadadii uu marayay oo ah meesha ugu samxada badan leh, kaasoo sababay in isaga iyo dadkii ka ag marayayba ay mar kaliya dhulka galaan.

 

Khasaaraha ay geystaan dadka waalani ayaa aad uga yar marka loo eego tirade dadka waalan ee meeraysta Suuqyada ee aan helin daryeel caafimaad.. inkastoo ay dedaal badan muujiyeen dad is-xilqaamay oo ka furtay caasimadda gobo badan oo lagu dabiibo dadkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Magaalada Hargeysa, suuqa ganacsiga ee bartamaha ayaa saaka nin la sheegay inuu cudurka dhimirka qabo oo sitay Bombo gacmeed ay ka qaraxday.

 

Shaqaalaha Cisbitaalka guud ee Hargeysa waxay BBC u xaqiijiyeen in sagaal iyo toban qof dhaawacyo fududi ka soo qaadheen

falliidhadii bambadaasi oo uu ku jiro ninkii watay bombada, dhaawacaasi oo lagu daweeyay cisbitaalka.

 

Taliyaha Guud ee Ciidanka Boliiska Somaliland General Cilmi rooble Furre ayaa BBC-da u sheegay inay baadhitaan wadaan,

ninka bombada siteyna dhakhaatiir baarta loo geeyay oo uu xiranyahay isagoo dhaawac ah.

 

Weriyaha BBC-da ee Hargeysa, Axmed Saciid Cige, oo markiiba tegay Cisbitaalka guud ee Hargeysa ee dhaawaca lagu

daweynaayo qaraxaasi ayaa wuxuu wareystay, Dr Axmed jaamac Samatar, oo ka mid ahaa dhakhaatiirta la kulantay

ninka qaraxaasi geystay iyo dadka kale ee dhaawac ahba.

 

Dhakhtarka ayaa sheegay in dadka dhaawacmay ay dhaawacyadoodu u badan yihiin kuwo fudud.

 

 

BBC

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Soomaaliya dadka waalan iyo dadka fiyow makala soocna dhakhtarka xagee ku yaal?

hadda ka hor baan nin waalan laygu yiri ninkaasu dad buu laayay dhabarka surwaalka ku wata.

sanad ka dib baan magaaladii ku noqdaymaraasuu isoo ag fariistay asagoo qori wata oo la yiri waa la quraan saaray hadda waa roon yahay shaahiiba waa iga dagi waayay!!!

 

intii wax ku noqotay allaha u fududeeyo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Xaaji Xunjuf;709147 wrote:
Jb Ninka walaan Bam gacmeeedka ma Marketki bacadlaha downtown bey ka dhacday qaraxu?

Xagguu ka keeney grenade-ka? askari waashey miyuu ahaa?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

General Duke;709345 wrote:
AUN to the dead..

 

 

General Duke nobody died in the grenade blast just some minor & severe injuries. Anyhows most of them are fine now alhamdullilah and were treated in the Hargeysa hospital.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Taas ayaaba ka daran. Nin waalan yaa hubeeyey? haddaadan ka jawaabi karin awoowe is ok, waan fahmi karaa.

 

That story is just a crock! kii Hargeysa wax ku qarxiyaba waa mentaly ill!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this