Sign in to follow this  
Kamaavi

Prof. Gandi First Elected President of Azania State of Somalia

Recommended Posts

Somalina   

Kulan looga soo Horjeedo Maamulka Azaaniya ee Gobollada Jubooyinka iyo Gedo oo ka dhacay Degmada Bu’aale

 

kulan ay maanta isugu yimaadeen odoyaasha dhaqanka beelaha dega magaalada Bu’aale ee gobolka J/dhexe ayaa waxa looga soo horjeeday Maamul goboleedka Azaaniya Satate ee gobollada Jubooyinka iyo Gedo.

 

Kulanka oo ka dhacay hoolka shirarka ee magaalada Bu’aale ayaa waxa kasoo qeybgalay nabadoono, ugaasyo iyo salaadiin ka kala socotay beelaha ku dhaqan magaalada Bu’aale, waxaana guud ahaanba odoyaashii halkaasi ka hadlay ay cambaareen dusha kaga tuureen maamulka Azaaniya State iyagoona ku eedeeyay in maamulkaasi uusan wada shaqeyn la lahayn odoyaasha beelaha degan G/J/dhexe oo kamid ah gobollada loo dhisay maamulkaasi cusub.

 

Ugaas Xuseen Ugaas Max’uud Qorane oo kamid ahaa ugaasyadii halkaasi ka hadlayayaa isagu si kulul u cambaareeyay maamulka Azaaniya isagoona ku eedeeyay maamulkaasi in uu yahay maamul ay dhisteen dad aan u dhalan Jubooyinka, waa siduu hadalka u dhigaye.

 

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo ceynkan oo kale ah oo mudooyinkan danbe ay yeelanayeen odoyaasha beelaha ku dhaqan Jubooyinka iyo Gedo kuwaa oo looga soo horjeeday maamul goboleedka Azaaniya ee gobollada Jubooyinka iyo Gedo kaa oo dhawaan looga dhawaaqay wadanka Kenya.

 

Xasan Nuur Max’ed,

 

Kismaayo- Somalia

Filed Under: Wararka Kismaayo24

 

-------

 

http://amiirnuur.com/index.php?option=com_content&view=article&id=4161:goaano-ka-dhan-ah-maamulka-azaaniya-oo-kasoo-baxay-shir-ay-yeesheen-waxgaradka-jubbooyinka&catid=48:wararka

 

---------

http://somalimidnimo.com/2011/04/11/war-murtiyeed-ay-soo-kala-saareen-qabiillooyinka-dega-jubbooyinka-gedo-iyo-qabiilka-talomoge-********-oo-sheegay-in-azaaniya-gooni-u-tahay-gaandi/

 

---------

http://gaafo.com/51244

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

cabdiqani-kabojecel-150x150.jpg

 

Wararka naga soo gaaraya raca hore ee ciidamada maamul goboleedka Azaniya ayaa sheegay in raxan hor leh oo Shabaabka ka tirsan isa soo dhiibeen. Waa markii labaab mudo isbuuc ka yar oo ay isa soo dhiibaan dhalinyarada Shabaabka u dagaalanta ee Jubbooyinka.

 

Khilaafyo hoose, daacadnimo daro iyo sad bursi xaga mansabka iyo dhaqaalaha ah ayaa hareeyay maamulka Shabaabka iyada oo ay u dheertahay in madaxda Shabaabka aanan lagu arag amaba galin dagaalada jiida hore badalkeedase diraan dhalinyaro yar yar oo qaarkood aanan qaan gaarin.

 

Dhinaca kale waxaa la soo sheegayaa in Shabaabka ka wel welsan yihiin tayada iyo tirada ciidamada maamul goboleedka Azaaniya oo aanay u babac dhigi karin dagaaladii ugu danbeeyay ee aaga Dhoobleeyna ku waayeen in badan oo saraakiishooda ka mid ah.

 

Baxsadka Shabaabka ayaa u muuqda mid soo badanaya iyagoo qaarkood miciin bideen in ey Shabaabka isaga tagaan halka ey dagaal ku dhiman lahaayeen.

 

jubbalandnews.com

 

Dhoobleey

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Minneapolis, April. 10.2011

April /10/11 Waxaa Ka dhacay Magaalooyinka Mataanaha ee St paul , Minneapolis Casho Sharaf Lagu Taageerayay Maamul Goboleed Azaania ee uu Madaxwaynaha Ka yahay Prof Maxamed Xaaji Gaandi. Madashaa waxaa isugu yimid dad ka badan 250 qof Kuwaas oo aay ka mid ahaayeen aqoonyahayno Salaadiin arday dumar oo dhamaantood ka soo jeeda deegaanka Azaania waxaa Qudbado xasaasi ah oo taariikh xanbaarsan ka soo jeediyay Magacyada Hoos ku qoran

 

IMG_036411.jpg

 

1-Garaad Suladaan Cali sonkor

2-Xuseen mataan (wasiirkii Hore ee gaashindiga dowladii mMaxamed Siyaad Barre

3-Caaqil Maxamed Canshuur

4-Aqoon yahan Maxamed Cumar Sabuuli

waxaa kale oo halkaa taariikh badan oo ku saabsan deegaanka Azaania halkaa ka akhriyay aqoonyahano arigti dheer u leh xaaladaha kala duwan ee uu soo maray deegaanka Azaania.

 

IMG_03611.jpg

 

Waxaa kaloo mudnaan badan leh shacabwaynihii Reer Azaania ee Madashaa xaadirka ku ahaa oo aan si la koobi kari Maqsuud ugu ahaa maamul goboleedka Azaania waxaa aay aad ugu sa caba tumayeen ooguna riyaaqsanaayeen talaabada lama ilaawaanka ah ee aay ku talaab sadeean aqoonyahniinta reer Azaania ee illaa laba sano iyo badh ku soo jiray halgan aay ku doonayeen in aay helaan xuquuq dooda una madax banaanaadaan iyo ka tashiga aayahooda taasoo aay kaga guulaysateen cadawgii kala dagaalamayay ka tashiga aayahooda

 

IMG_03671.jpg

 

waxaa kale oo aay baaq ujeediyeen dowlada ku meel gaarka ee Soomaaliya in aay taagerto si buuxda oo aay ilaaliso jaartarka Soomaaliya oo dhigaya in waxii ka badan laba gobol aay samaysan karaan maamul goboleed ay u madax banaan yihiin.

 

IMG_03731.jpg

 

Waxaa kale oo aay canbaarayn u jeediyeen cid alla cidii doonaysa inaay fashiliso suurta galnimada maamulka Azaania Inaay la dagaalamayaan oo aay il gooni ah ku fiirinayaan oo aanay marnaba u dulqaadan doonin ku xad gudubka shacabka reer Azaania.

 

Jubbalandnews.com

 

Minneapolis, USA

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Baarlamanka-TFG41-150x150.jpg

 

Xildhibaanada golaha baarlamaanka ay ka soo jeedo gobolada jubbooyinka ayaa maanta shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa shirkooda waxay iskula soo qaadeen sidii ay Dowladdu u taageeri lahayd dhaqdhaqaaqyada ka socda gobolada Jubbooyinka iyo maamulka Azania ee dadka goboladaas sameysteen.

 

Kaddib markii uu dhammaaday kulanka Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka ee ka soo jeeda gobolada Jubbooyinka, ayaa waxaa Saxaafadda uga hadlay shirkaasi iyo go'aanada ka soo baxay Xildhibaan Hilowle Aadan Maxamuud oo sheegay in kulankooda ay uga hadleen xaaladda gobolada Jubbooyinka iyo sidii looga xoreyn lahaa xarakada Al-Shabaab.

 

"Dowladda KMG ah labadeeda Gole waa inay taageeraan ciidamada Jubbooyinka ka dagaalamaya iyo maamulka Azania ee dadka goboladaas sameysteen" ayuu yiri Xildhibaan Hilowle Aadan Maxamuud.

 

Askarigii ku geeriyooda caruurtiisa ay daryeesho, midkii ku dhaawacma ay ku tabarucdo daryeel caafimaad ayuu yiri Xildhibaanka.

 

Dhinaca kale shirka mudanayaasha Baarlamaanka ee u dhashay Jubbooyinka, ayuu sheegay Xildhibaan Hilowle in sidoo kale Dowladda KMG ah golayaasheeda kala duwan ay taageeraan maamul goboleedka cusub ee Azaniya oo ay sameysteen dadka gobolka u dhashay, wuxuuna sheegay Xildhibaanka in dowladda KMG ah ay tahay dowlad dib u heshiisiin, dastuurkana uu dhigayo in maamul goboleed uu ku dhismi karo laba gobol iyo wixii ka badan, sidaasna sharcigu u ogolaanayo jiritaanka maamul goboleedka Azaniya.

 

http://www.kismaayotimes.com/modules/news/article.php?storyid=284

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Kadib dagaalkii Dhoobleey lagu qabsaday iyo halgaado aan badneyn oo Taabdo ka dhacday xaalada gobolka Jubbada Hoose waa ay deganayd ficil iyo hadal intuba.

 

Laakiin KismaayoNews ayaanan cag dhigin intaasi bal si bulshada looga haqabtiro waxa daaha gadaashiisa ka socda, bal aan kala qaadqaadno.

 

Alshabaab

 

Tiknikadii Alshabaab badankooda waxaa loo raray Janaa Cabdalla oo ah meel Kismaayo iyo Afmadoow kala barta oo labbada magaalaba u jirta min lixdan kilo mitir, sababtana waxaa lagu micneeyey xili roobaadkii la filayay oo bilowdey iyo cududa ciidan ee Shabaabka kasoo horjeeda oo ka awood badan sidii markii hore Shabaabka ku tashanayeen.

 

Sidoo kale maadaamaa halka ugu muhiimsan ee ay Shabaabka difaacayaan ay tahay Kismaayo, waxaa daruuri noqotey in magaalada dabada lala galo oo si adag loogu dagaalamo inta hal nin oo ka mid ah ay cududiisa ciida ka sarayso.

 

Ciidamada Shabaabka waxaa loo kala qeeybiyey wax ka badan 3 qeeybood, arrinta xiisaha gaarka leh waxa ay tahay in qeyb kasta uu hogaaminayo mid ka mid ah hogaamiyeyaasha ugu sareeya ee Alshabaab, tusaale ahaan qeyb ka mid ah waxaa hogaaminaya Sheekh Muqtaar Rooboow Abuu Mansuur, halka qeyb kalana uu hogaaminayo Sheekh Xassan Daahir Aweys.

 

Qaar ka mid ah dadka xogaha siiyey KismaayoNews waxa ay ku micneeyeen qeybaha in ay wax kasta ay ka shabahaan qaabka jabhadaha, walloow markii horaba ay Shabaabka Jabhad ahaayeen hadane waxaa meesha ka muuqata in ay isu rogayaan dad duur-ku-jir ah oo u diyaargaroobaya jabhadayn ku dhufo-oo-ka-dhaqaaq ah.

 

Qeybinta waxaa lagu micneeyey in si awooda ciidan uusan u jabin, islamarkaasina loo yareeyo qasaaraha ay daruuri noqotey in ciidanka aanan hal meel iyo hal hogaan lagu hoos heynin.

 

Maalmahan waxaan tabineynin in Shabaabka ay isohortaageen gaadiidkii u kala gooshi jirey meelaha ay heystaan iyo meelaha laga qabsaday ee gobolada Gedo iyo Jubba Hoose, hadda Shabaabka alamtaro ayay soo dhaafeen, oo maxay sameeyeen?

 

“Dhul gaalo in loo haajiro waa xaaraam” ayay ku yiraahdeen boqolaal qof oo dalka kasoo baxsanayay kuwaasoo la sheegey in qaarkood Muqdisho loo celinayo, dadkani waxa ay usoo socdeen xerooyinka qaxootiga ee Kenya.

 

Azania

Maamul goboleedka Azania ee hormuudka ka ah dagaalada jubooyinka lagula jiro Alshabaab, waloow ay xogtiisa tahay mar kasta mid qarsoodi ah oo aanan in badan shacabka lala wadaagin inta ay wax qabsoomayaan, hadane waxaan idiinkaha heeynaa waxoogaa xogo ah.

 

Illo wareedyo ka agdhow maamulkani waxa ay noo sheegeen in maamulka uu u guurayo gudaha gobolka dhawaan xitaa ka hor inta aysan ciidamada la wareegin in badan oo gobolka ka mid ah.

 

Waxay illahani noo sheegeen in maamulka uu kusii shaqayn doono magaalada Afmadoow ee gobolka Jubbada Hoose tan iyo inta la qabanayo gobolka intiisa kale, gaar ahaan Bu’aale oo lasoo jeediyey in xarunta laga dhigo iyo Kismaayo oo ah magaalada gobolka ugu weyn uguna muhiimsan taasoo ay soo xoogeynsanayaan dhinacyada doonaya in iyada xarunta loo daayo.

 

Warar kale waxa ay sheegayaan in maamulka Azania uu bilaabay qorista ciidamo cusub oo ku biiraya maamulka kuwaasoo laga qorayo Dhoobleey iyo deegaanada kale ee hadda Shabaabka laga qabsaday, ciidamadani ayaa sida la sheegey loo tabobari doonaa qeybaha kala duwan ee ciidamada maamulka sida Police-ka, Nabad Sugista, ciidamada badda, asluubta iyo waliba kuwa cirka oo maamulkani la sheegey in uu xooga saari doono islamarka uu howlgalo.

 

Raaskaanbooni

 

Xarakada Kaambooniyiinta oo iyaga olog la ah ciidamada dowlada ee Shabaabka la dagaalamaya ayay awoodeeda iyo saameynteeda isa soo taraysaa. Kasokow inay dhulka la isku haysto ku dagaalami yaqaanaan, waxaa la sheegaa inay yihiin cidda kaliya ee xeelad iyo tab taqaana dhamaan xoogagga ay is hayaan xarakadda Alshabaab.

 

Wararka aan heleyno waxa ay sheegayaan in xarakada ay ku biireen ciidamo cusub oo shacab ah iyo kuwa horey uga tirsanaan jirey oo markii hore magaalooyinka caadi isaga joogey kuwaasoo si tartiibtartiib ah usoo dusaya oo kusoo biiraya. Tani waxay u suuro galisay inay dib u soo laabato cududdoodii dhinaca ciidanka oo wiiqantay kadib dagaaladii ba`naa ee gobolka ku dhexmaray Alshabaab.

 

Todobaad kan gudihiisa ayay ahayd markii 10 askari oo ka tirsan Alshabaab ay u soo galeen dhinaca Kaambooniyiinta, inkastoo la sheegay inay ahaayeen kuwa ka soo jeeda deegaanka.

 

Guud ahaan

 

Dhawaan ciidamada oo dhan oo isku jira waxaa loo qeeybiyey mushaaraad ku filan, mushaarkaasi ayaa la sheegey in soo celiyey dhaqdhaqaaqii ganacsi ee dumey ee qeybo ka mid ah gobolka inta ay hadda ciidamada ka heystaan

 

KismaayoNews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

P1010042-150x150.jpg

Shalay oo ay taariikhdu ahayd 15ka April 2011 ayaa waxaa lagu qabtay magaalada London ee wadanka Ingiriiska shir si aad iyo aad loo soo agaasimay oo lagu taageerayay maamul goboleedka Azaniya ee dhawaan Kenya lagaga dhawaaqay.

 

Wakiilka UK ee Uruka qurba joogta Jubbooyinka (Jubbaland Diaspora Forum), Mudane Cumar Yusuf Qaladiid oo shirka furay aayado Quraanka Kariimka ka dib ayaa sheegay in ujeedada shirku yahay sidii loo muujin lahaa in Qurba Joogta Jubbooyinka garab taagan yihiin maamul goboleedka Azaniya is la markaana looga wada arinsan lahaa sidii hiil iyo hooba maamulkan cusub loogu garab istaagi lahaa wuxuuna u mahad celiyay marti sharafta kala duwan ee hoolka xaadirka ku ahaa iyo kuwii qalabka la iska arko uga qeeyb qaatay shirka.

 

Kulankan oo ay soo xaadireen qeeybaha kala duwan ee shacabka Jubbooyinka ayaa waxaa khudbado ka jeediyay qaar ka mid ah aqoonyahanka Jubbooyinka ee qurbaha ku nool iyo xildhibaano Jubbooyinka ka soo jeeda oo waqtigan ku sugan wadanka UK.

 

Ambassador Faarax Daahir Afeey oo ah xildhibaan Jubbooyinka ka soo jeeda ahaana xiligii dowlada Maxamed Siyaad Barre safiirka Soomaaliya ee Japan iyo wadamo kale oo reer galbeed ah oo hadal kooban jeediyay ayaa carabka ku adkeeyay in maanta umada Azania waa cusub u baryay is la markaana si shuruud la’aana loogu baahan yahay in gacmaha la is qabsado lana garab istaago dowlad goboleedka deegaanka u dhashay.

 

Prof Siyaad Maxamed Mursal ayaa isna sheegay in dowlad goboleedka Azaaniya meesha ka saartay dulmiga iyo kala danbeeyn la’aantii deegaanka ka taagnaa labaatankii sano ee ugu danbeeyay umada Jubbooyinkana noqdeen kuwa nasiib u hela in aqoonyahano dal iyo dibadka sumcad ku leh hogaanka u qabtaan.

Marwo Baarliin Deeq iyo Sahro Dable oo iyagu dhawaan ka soo noqday shirkii maamul goboleedka lagu dhisay ayaa xusay in qurba joogta Jubbooyinka looga fadhiyo taageero dhinac walba in ey barnaamijkan la garab istaagaan.Waxaa kaloo shirka ka hadlay wakiilada Puntland iyo Sool Sanaag iyo Ceyn ee UK oo muujiyay sida ey ugu faraxsan yihiin una ayidsan yihiin maamul goboleedka Azaniya.

 

Dhinaca khadka telefanka ayaa waxa shirka kaga qeeyb qaatay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Azaniya Prof Maxamed Xaaji Cabdi Gandi, Ugaas Xiiraay iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta Azaniya oo iyagu ku sugan wadanka Kenya.

Prof Gandi sharaxaad uu ka bixiyay maamul goboleedka Azaniya ka dib wuxuu u mahadceliyay ururka Qurba Joogta jubbooyinka (Jubbaland Diaspora Forum) dadaalada ey wadaan sidii deegaanodooda xasilooni iyo kala danbeeyn loogu soo rogi lahaa wuxuuna kula dardaamay qurba joogta in xoog iyo aqoonba dalka ula soo laabtaan. Shirka oo ahaa mid aad u qiimo badan ayaa jawi farxad iyo damaashaad ku soo gaba gaboobay.

 

Jubbalandnews.com

 

Email: jlandnews@gmail.com

London, UK

 

P10100461.jpg

 

P1010051.jpg

 

P1010047.jpg

 

P1010052.jpg

 

P1010053.jpg

 

P1010081.jpg

 

P10100791.jpg

 

P1010077.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

azaniapromo.png

 

Jubbaland Diaspora Forum (JDF) sends its congratulations to the new president of the Azania State of Somalia, Prof. Mohamed Abdi Gandhi. It also wishes the people of Azania State of Somalia, a new begining of democracy, the rule of law and justice.

 

JDF will work to support this new state with all its capability for the interest of the Somali people of these regions.

LONG LIVE AZANIA STATE - LONG LIVE SOMALIA

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Masuuliyiin ka tirsan maamul goboleedka Azaniya oo uu ka mid yahay Gudoomiyaha gobolka J/hoose Mudane Ilyas Badal ayaa soo gaaray magaalada Dhoobleey. Waftigan ayaa ka soo kicitimay magaalda Nairobi halkaa oo lagu soo unkumay maamul gobeleedka Azania.

 

Mudane Ilyas Badal ayaa horey u ahaa gudoomiyaha J/Hoose xiligii C/llaahi Yuusuf. Qeybaha kala duwan ee maamul goboleedka Azaniya ayaa is ku raacay in maamulka sadexda gobol loo daayo mudo labo sano ah maamuladii ka jiray xiligii C/llaahi yuusuf.

 

Maamul goboleedka Azaniya ayeey u dhameeystiran tahay qeeybaha kala duwan oo uu maamul dowli ah leeyahay. Qeeybaha kale ee dalka ayaa la filayaa in dhowaan gaaraan maamuladii loo soo igmaday.

 

Jubbalandnews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

KN:Maalinkii Sabtida ahayd ee taariikhdu ku beegneyd 8-da Bisha May waxaa lagu qabtey magaalada Leieceter ee waddanka UK shirweyn oo aad looga soo qaybgalay kaa soo lagu taageerey maamul goboleedka Azania ee madaxwaynaha uu ka yahay Prof Gaandi.

 

Shirkan oo ay ka soo qaybgaleen dadweyne ka kala yimid gobolada waddanka Ingiriiska kuwaasi oo isugu jiray siyaasiyiin, waxgarad iyo xildhibaano katirsan maamul goboleedka Azania.

 

Shirkan waxaa khadka teleefanka uga soo qaybgalay madaxweynaha maamul goboleedka Azania oo ka warbixiyey bilawgii maamulka iyo meesha hadda wax u marayaan.

 

Dhamaan dadkii ka soo qaybgalay shirkan ayaa u muuqdey kuwa aad ugu faraxsanaa maamulka Azania waxeyna balanqaadeen iney hiil iyo hooba la garab istaagayaan.

 

KismaayoNews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this