Sign in to follow this  
General Duke

Somalia: British Delegation visited Garowe, meet SSC elders..pics

Recommended Posts

Somalia: British Delegation visited Garowe

29 Mar 29, 2011 - 3:25:50 PM

 

Matt_Bough.jpg

 

Matt Baugh, senior representative for Somalia.

Delegation from UK led by Britain's senior representative for Somalia, Matt Baugh visited Garowe, the capital city of Puntland, a semi-autonomous state of Somalia on Tuesday, Radio Garowe reports.

 

Baugh and his delegation met Puntland’s President Abdirahman Mohamed (Farole) and members of his ministers. Sources told Garowe Online that they discussed the worsening conflict between Puntland and Somaliland, a break-away republic in northern Somalia.

 

Baugh visited Puntland marine forces base in Garowe, who were distributing water and food aid to the people affected by the pre-longed droughts in the areas under Puntland authority. He congratulated to their humanitarian aid efforts.

 

Meanwhile the delegation including British Government officials and top security officers had dinner with Puntland president and his deputy Abdisamad Ali Shire and clan elders from Sool, Sanaag and Cayn regions in Puntland state of Somalia.

 

The elders handed a letter to the delegation and appealed them to make sure Somaliland troops to leave Laascaanood city. They said that they are the real traditional elders from Sool, Sanaag and Cayn regions and they are opposed Somaliland forces to stay and control Laascaanood city.

 

They accused Somaliland forces the use the humanitarian aid from Britain against the people from their regions and appealed to Britain to take care of what they give as humanitarian aid to Somaliland, a break-away republic in northern Somalia.

 

Britain's senior representative for Somalia, Matt Baugh said that his government doesn’t request to lift army embargo from Somaliland.

 

GAROWEONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sarkaal ka socda UK oo la kulmey odayaasha Sool

29 Mar 29, 2011 - 12:12:05 PM

 

Matt Baugh oo ah qabsanaha arrimaha Somalia ee dowlada Ingriiska iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta 29.03.2011 booqasho ku yimid magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

 

Wafitagaan ayaa markii ay kasoo dageen gagida diyaardaha Garowe kulan muddo labo saacadood ah socdey la qaatey madaxweynaha Puntand iyo xubno ka tirsan golihiisa Wasaiirada.

 

 

Wararka kasoo baxaya kulankaan ayaa sheegaya in labada dhinac wadahadalkooda diirada ku saarayeen arrimaha Somalia gaar ahaan khilaafka u dhexeeya Puntland iyo Somaliland.

 

U qaybsanaha UK arrimaha Somalia ayaa kulankaan kadib booqasho ku tagey xero ay dagan yihiin ciidamada badda ee Puntland kuwaasoo howlo bini'aadnimo ka wada degaano abaar ba'an saameysay.

 

 

Mr. Matt Baugh ayaa warbixin ka dhageystey sarakiisha hogaamineysa ciidamadaan isaga oo u mahad celiyey howlaha bini'aadnimo oo ay wadaan.

 

Dhinaca kale waftigaan ka socdey dowlada Ingriiska oo isugu jira diplomaasiyiin iyo saraakiil ka socota hay'adahooda amniga ah ayaa kulan casho sharaf ah la qaatey Madaxweynaha Puntland iyo ku-xigeenka Cabdisamada Cali Shire. Casho sharaftaan ayaa waxaa goob joog ahaa odayaal dhaqameedyada gobolka Sool iyo Ceyn kuwaasoo hadal ka jeediyey halkaas.

 

Odayaasha ayaa waraaq u dhiibey madaxa waftigaan iyagoo hoosta ka xariiqey in dowlada ingriiska cadaadis ku saarto maamulka Somaliland iney isaga baxaan magaalada Laascaano.

 

Odey dhaqamdeekaan ayaa sheegey in iyagu yihiin kuwa rasmiga ah ee gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn islamarkaana diidan yihiin in maamulka Somaliland sii joogo magaalada Laascaano.

 

Madax dhaqameedkaan goboladaan ayaa xubnaha waftigaan u sheegey in dowlada Ingriiska fiiro gaar ah siiso tageerada ay maamulka Somaliland u fidiso taasoo ay u isticmaalaan cabaurinta dadka dagan magaalada Laascaano iyo nawaaxigeeda.

 

Odayaasha dhaqanka oo ka qayb galey kulankaan ayaa waxaa kamid ahaa:

 

1- Garaad Saleebaan Garaad Maxamad

2- Ugaas Cabdulahi Ciise Nuur

3- Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamad

4- Ugaas Farah Maxamad

5- Garaad Maxamud Warsame

6- Boqor Cabdulahi Axamad

 

Dhamaan odayaashaan ayaa fariinta ay gudbinayeen waftiga ka socda dowlada Ingriiska ay ku wajahneyd sidii maamulka Somaliland uga bixi lahaa magaalada Lascaano.

 

Dhinnaca kale u qaybsanaha dowlada Ingriiska arrimaha Somalia "Senior UK "representative to Somalia" oo dhinaciisa hadal kooban ka jeediyey ayaa sheegey in been aan sal iyo raad toona aheyd in dowladiisu codsatey in cunaqabateyn dhinaca hubka ah laga qaado Somaliland.

 

Matt Baugh ayaa xusey dhinaca kale in dowladiisu tahay midda ugu badan oo bixisa gargaarka bini'aadnimo ee loogu deeqo wadanka Somalia.

 

Kulankan ayaa ugu dambeyntii kusoo gabagaboobey jawi wanaagsan iyadoo wakiilka dowlada Ingriiska u qaabilsan arrimaha Somalia ka codsadey odayaasha dhaqanka iney soo jeediyaan talo ku wajahan qaabkii loo xalin lahaa khilaafka magaalada Laascaano.

 

GAROWEONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garoowe:(Allpuntland)-iyadoo mudooyinkii lasoo dhaafay ay deegaanada SSC ka taagnaayeen caro ka timid shacabka deegaanadaas oo ay taabteen warar sheegaya in dawlada Ingiriisku ay qoshaynayso inay golaha amaanka ee qaramada midoobey horgeyso qorshe cuna qabataynta hubka si gaar ah looga qaadayo Somaliland ayaa ay dawlada Britain markii ugu horaysay warkaas si rasmi ah uga hadashay una beenisay warkaas oo ay ku tilmaantay mid been abuur ah oo wax loogu dhimayo isku xirnaanshaha wadamada Soomaaliya & Britain.

 

Wakiilka gaar ka ah ee dawlada England u qaabilsan wadanka Soomaaliya Mr. Matt Baugh oo maalinkii labaad isaga & wafti balaaran oo uu hogaaminayo ayna kamid yihiin safiirka dawlada England ee Kenya & saraakiil katirsan laamaha amaanka ee dalkaas ayaa warkaas si rasmi ah u beeniyey,waxaana uu sheegey in aysan marna macquul ahayn in dawladiisu ay kala godobsato dhinacyada Soomaaliya ee ay dhibaatooyink si saf balaaran ah u wada saameeyeen.

 

“Warkaas sheegaya in aanu doonayno in cunaqabataynta hubka laga qaado Somaliland waanu maqlnay….Waa been aan sal & raad toona lahayn warkaasi,taasi marna macquul ma noqonayso waayo soomaalida oo dhan annaga waa ay noo simanyihiin wayna na taabanaysaa dhibaatooyinkoodu”Ayuu yiri Mr. Matt Baugh oo xalay kulan casho ah la qaatay odayaasha dhaqanka ee deegaanada SSC oo uu kala hadlay xaalada deegaanadaas.

 

Dhinaca kale wakiilka Soomaaliya ee Britain wuxuu sheegey in dawladiisu ay markasta garab taagantahay taageerista Soomaalida,waxaana uu sheegey in ay bixiyaan taageerada ugu badan ee uu aduunku siiyo Soomaalida,isagoo sidoo kalena sheegey in ay ka xunyihiin colaadaha dabo dheeraaday ee ka taagan koonfurta Soomaaliya & abaaraha guud ahaanba dalka oo idil saameeyey.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

The Queen is not their Mother...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Odey dhaqamdeekaan ayaa sheegey
in iyagu yihiin kuwa rasmiga ah ee gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn
islamarkaana diidan yihiin in maamulka Somaliland sii joogo magaalada Laascaano.

 

:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hooyada ninkii qabo-------------ii wad sheekada

oo asagana ku dhalin ------------ii wad sheekada

Maxaas ku yahay ------------adeer

Maxaas kuu yaha----------adeer

 

I dheh I dheh Waryaa ADEER INGIRIIS I DHEH

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Dowladda Ingriiska oo waddaa dadaallo lagu xalinayo khilaafka soohdinta ee u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland

 

Arbaco, Maarso 30, 2011 (HOL) – Dowlada ingriiska ayaa wada dadaallo la xiriira in maamulada Puntland iyo Somaliland ay ka heshiiyaan khilaafaadka dhinac soohdinta ee ka dhaxeeyay sanadihii ugu danbeeyay.

 

Wafdi heer sare ah oo uu hogaaminayay wakiilka arimaha Soomaaliyaha u qaabilsan Ingiriiska Matt Baugh iyo xubno la socda ayaa shalay soo gaaray magaalada Garowe ee caasimada Puntland.

 

"Puntland waxey soo dhawaynaysaa cid kasta oo doonaysa in laga gudbo dhibaatada bur-burka ee dalka la hartay "ayaa lagu sheegay war kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Garowe.

 

Shir ay wada qaateen wafdigan ingiriiska ka socda iyo madaxwaynaha Puntland ayaa waxa uu ka dhacay Rukhsan Squere oo ah halka ay ku nastaan ajaanibta soo gaarta gobolka,iyadoo uu ahaa mid ay albaabadu u xiranyihiin.

 

"Waxaa labada dhinac ay wada qaateen shirar looga hadlayo arimaha Soomaaliya ka taagan ee la xiriira dhinaca khilaafaadyada "ayuu yiri wasiirka waxbarashada Puntland oo warbaahinta la hadlay.

 

Sidoo kale waxaa shirkaasi la sheegay in lagu soo hadal qaaday sidii meesha looga saari lahaa khilaafka labada maamul oo la filayo in ay isku arki doonaan shir ka dhici doona Nairobi oo dhinacyada Soomaalida lagu kulansiinayo.

 

Wakiilka arimaha Soomaaliya u qaabilsan dowladda ingiriiska ayaa isna sheegay in ay wax badan la qaban doonaan Soomaalida si looga gudbo dhibaatooyinka hada jira.

 

Ugu danbayntii shirarkii labada dhinac dhexmaray waxaa kaloo lagu soo hadal qaaday abaaraha ka jira Soomaaliya iyo sidii dowladaha deeqaha bixiya ay gacan uga gaysan lahaayeen arimahaas ,iyadoo ay jiraan xoollo badan oo u le'anaya abaarta awgeed.

 

Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online

Boston@hiiraan.com

Boosaaso, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Buuhoodle,(Lasanod Online)- Magaaladda Buuhoodle ayaa hadda degan, iyadoo duhurnimadii maanta uuka dhacay mudaharaad balaadhan oo ay soo qaban qaabiyeen..

bulshadda reer buuhoodle qeybaheeda kala duwani.

Mudaharaadkan ayaa looga soo horjeeday koox isimo ah oo ka socdatey maamulka Puntland oo ay weheliyeen xildhibaano iyo saraakiil kale oo maamulka puntland ka socday.

Inta uusan bilaaban mudaharaadkan waxay shacabka reer buuhoodle ka codsadeen Suldaan Garaase iyo Garaad Cabdilaahi Cali Ciid in aanay magaaladda Soo gelin ooy dib ugu noqdaan magaaladoodii Garoowe hase-yeeshe dhag jalaq uma aysan siin.

Taasina waxa ay sababtay in dhalinyaro gadoodsani ay Baabuurtii iyo lacag fara badan oo loogu talo galey in shacabka lagu kala furfuro, ay ka qaadeen kuwaas oo dhinac Jiidaha Ciidanku fadhiyo ula dhaqaaqay. Balse Dadaal uu sameeyey Xidhiidhiyaha labadda Gole Xariir Aw Cali iyo cuqaal kale ayaa dib ugu soo celiyey xubnahan baabuurtoodii.

Madaxweynaha Puntland ayaa la sheegay inuu soo diray Isimaddan ayna ka kamid ahaayeen kuwa ka soo jeeda SSC, iyaga oo wadey qorshe aan la ogeyn uu soo dajiyay maamulka puntland.

 

white.gif
Xafiiska Wararka Laascaanood

Laascaanood Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Faah faahin Wajigabaxii kaga dhacay Buuhoodle Kooxdii Suldaan Garaase iyo gawaadhidii oo laga wareegay.{Warbixin}.

Garaase-300x200.jpgBuuhoodle:{Jidbaale.com}:Waxaa abaaro 11:subaxnimo soo gaadhay magaalada Buuhoodle koox uu hogaaminayey Suldaan Siciid Garaase oo ka soo kicitimay magaalada Garoowe. Kooxda isimkani hogaaminayey ayaa waxaa ay wadeen shirqool ka dhan ah shacabka Buuhoodle iyo guud ahaan kan SSC.

Markii ay magaalada Soo galeen ayey la kulmeen kumanyaal dad ah oo mudaharaadaya kuwaasoo ku qaylinaya erayo ka dhan ah maamulka Faroole iyo odayaashan soo horgalayba. SHacabka ayaa isla markiiba dhagax tuur, qaylo iyo weliba gacan ka hadal kala hortagay Kooxdan dilaalinta ah.

 

Waxaana shacabka rasaas ku furay ilaaladii Madaxdhaqameedkan iyo xubnaha barlaamaanka ah ee la socdey, iyo weliba kooxyar oo ilaalisa Madiidin ina Faruur oo asagu ah shakhsi si daacadnimo leh ugu adeega Faaroole, waxaana taasi ay dhalisay in qaar ka mid ah ciidamada deegaanka Buuhoodle ay xoog kula wareegaan gaadhigii uu saarnaa Garaase ayaa la sheegay in xoogaga ciidanka koowaad ee Guutada difaaca Maygaagle ay gaadhigiisa la wareegeen ayagoo asagana afka cida ugu daray meel banaanka ka ah suuqa weyn ee Buuhoodle.

Shacabkii ayaa ka dibna erayadey Kooxdii Garaase, ayadoo ay gudaha u galeen saldhiga booliska ee magaalada Buuhoodle, halkaasoo ay kooxda calooshood nu shaqaystayaasha ah ee ina Faarax Faruur ku ilaalinaya, shacabkii iyo ciidamada SSC oo hubaysan ayaa ku gadaaman hareeraha saldhiga ayagoo dalbanaya in magaaalada ay kooxdan deg deg uga baxaan maadaaba la fahmay ujeedka socdaalkooda oo warbaahinta SSC ay xalayba ka warheshay.

Gaadhiga ayaa waxaa lagala degay lacag lagu qiyaasay $60,000 taasoo ay si rasmi ah u qaniimaysteen ciidanka jiida hore, waxaana lacagtan ujeedkeedu ahaa in loo adeegsado saxeex qaadida madaxdhaqameedka Buuhoodle iyo weliba cuqaasha qaarkood.

Wariyaal isku dayey inay la hadlaan Suldaan gaaraase oo hada ku sugan Saldhiga magaalada Buuhoodle ayuu si kullul ula hadlay waxaana ka mid aha erayadiisii" Dadkaan Garoowe ku biili jirey aan Masruufka ka bixinayney ayaa aniga maanta sidaas ii galaya" ma fileyn in dad *********** ahi ay maanta naga maarmaan oo in ay noo shaqeeyaan mooyaane aysan noola dhaqmaan " ayuu si cadho leh u yidhi Suldaanku.

Kooxdii ina Faarax Faruur iyo xubno kale ayaa isku dayey inay ka daba tagaan gaadhi, kuwaasoo iska hor'imaad ka dhacay ayaga ciidanka Deegaanka, waxaana ka dhashay dhawaac labo ruux oo weli aan la cadeyn dhinaca ay ka tirsan yihiin.

Wararkii ugu danbeeyey ee hada naga soo gaadhaya magaalada Buuhoodle, ayaa sheegaya in hada la wado waan waan ah, in loo ogolaado in ay si nabad ah uga baxaan magaalada Garaase iyo ciidankiisu.

Wararka dheeraad ah, Sawirada banaanbaxa, iyo weliba faah faahin kale dhawaan isha ku hay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Garowe admin can't just claim SSC people just becuause it has paid elders under its disposal. Many lives lost in the past few months over the fights between s/l militia and ssc and odayadaan Garoowe fadhiya are not the altimate representative of SSC people. It's better Garowe admin to leave the people alone and let them choose their fate.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Xaaladda Magaaladda Buuhoodle Oo Kacsan Ka Dib Ay Magaalada Yimaadeen Rag garoowe Laga Soo Abaabulay

 

Magaaladda Buuhoodle ayaa xaaladeedu circa isku shareertay ka dib markii ay magaalada yimaadeen rag laga soo abaabulay magaalada Garoowe oo uu horkacayey Ninka lagu magacaabo Suldaan Siciid Garaase iyo xubno kale oo maamulka Faroole ee Garoowe ka arrimayaa u soo diray gobolka Cayn si ay taageero ugu aadiyaan C/raxmaan Faroole.

 

Shacabka Magaalada ayaa kala hortagay ragga laga soo abaabulay Garoowe kacdoon iyaga oo sheegay in shacabku ka war hayo arrimaha ay usocdaan oo salka ku haysay sidii ay odayaal deegaanka uga hayaamin lahaayeen una geyn lahaayeen dhinaca Tukaraq iyo Garoowe si ay ugu saxeexaan C/raxmaan Faroole in uu isagu yahay madaxweynahooda arrintaas oo shacabka Gobolka Cayn diidmo ka muujiyeen.

Wararka naga soo gaadhaya magaaladda Buuhoodle waxay intaas ku darayaan in shacab gadoodsani u diideen in ay wadooyinka magaalada caadi umaraan ayna dib ugu noqdaan Garoowe iyo Faroole una sheegaan in aanay halkan ka socondoonin qorshayaasha kala qaybinta ee uu maamulka Garoowe baryahan danbe ka wado deegaanka Gobolka cayn, dhaqdhaqaaqan cusub ee uu bilaabay Faroole kana bilaabay gobolka Cayn ayaa waxa uu salka ku hayaa in uu muujiyo in maamulkiisu ka taliyo gobolka Cayn isla markaana matelo deegaanlka SSC ka dib markii uu cadaadisa kaga yimi labada jabhadood ee SNM iyo SSDF bulshada caalamka iyada oo mid walba lagu cadaadiyey in uu deegaanka SSC faraha kala baxo, iyada oo Faroole aad ugu tafaxaytay in uu helo qoraal cadaynaya in odayaasha SSC isaga taageersan yihiin, qorshahaas oo uu haatan u soo diray Suldaan siciid garaase oo ay isku Ciise Maxmuud yihiin Faroole sidii uu ugu adeegsan lahaa, iyada oo uu hore Faroole taageero uga helay Madax dhaqameedka uu ku xanaaneeyo Maxjarka Hutel Hoorshe eek u yaala magaalada Garoowe.

 

source: horufadhi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Interesting development, Suldan Garase deserves all he got and more. Why should he visit these regions and offer his help?

Also , no one from Garowe is claiming anything nor covets any part or people that do not want them. If the people of SSC do not want to be part of these regions an admin no one shall force them nor fight them..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this