Sign in to follow this  
Akash

Xafladii ku Dhawaaqida Awdal State ee Canada

Recommended Posts

Akash   

Xaflada Dabaaldega Munaasibada Awdal State oo si xamaasad leh uga dhacday wadanka Kanada

 

Edmonton(Saylac.com)- Xaflad si weyn loo soo agaasimay ayna iskugu yimaadeen dadweyne lagu qiyaasay inay tiradoodu gaadhaysay dhawr boqol oo qof ayaa maalintii shalay ka dhacday magaalada Edmonton ee cariga Kanada. Munaasibadan oo dadweynuhu in badan sugayeen waxa ka hadlay xubno iskugu jira gudiga qabanqaabada Xaflada Awdal State, Aqoonyahano, Ururka Bulshadu ka kooban tahay sida Haweenka, Dhalinyaro iyo waliba waxgarad kale oo xafladda kasoo jeediyey hadalo kala duwan oo ka turjumahayey xamaasada iyo soo dhaweynta ismaamulka Awdal State.

 

Xaflada waxa kale oo kasoo qayb galay Cidaacadaha Caalamiga ah laamahooda afsoomaaliga sida BBC, VOA, Radio Canada International Wakiilka Cidaacada Caalamiga ah ee aadka loo daawado Aljasiira iyo Shabakada Caalamiga ah ee Saylac.com.

 

Hadaba anagoo idiinsoo gudbin doona habsamada ay u dhacday Xafladu waxaad nagula sugtaan qadarkan sawirada ah ee aanu halkan idiinku soo bandhignay oo ka turjumaya jawiga xamaasadu weheliso ee Awdal State Edmonton.

 

Wararka Intooda kale waqtiyada inagu soo dhaw kala soco Saylac.com

 

Saylac.com

Edmonton, Canada

 

awdal4.jpg

awdal3.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Akash   

Declaration of Awdal State In Edmonton Canada.

Xaflad balaadhan oo loo sameeyay gooni isutaaga awdalstate ayaa maanta oo bishu ahayd 25 march 2011 ka dhacday magaalada Edmonton ee dalka Canada,

xafladaasi oo lagu qabtay hotel Chateau Louis hoolkisa shirarka ayaa waxa ka soo qayb galay dhamaan bulshada reer awdal qaybaheeda kala duwan,

waxana halkaasi lagaga dhawaaqay ismaamul goboleedka AWDALSTATE

 

Hadaba waxa ka mid ahaa dadkii ka hadlay xafladaasi Col Xasan Riiraash oo qudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka soo jeediyay halkasi.

waxa ka mid ahaa waxyaabhihii uu ka hadlay col xasan sababaha keenay wakhtigan in lagu dhawaaqo awdalstate iyo in la gaadhay wakhtigii ay ugu munaasib sanayd

in ay dad wayna reer awdal salal iyo gabilay ay ka tashan lahaayeen danahooga una madax banaanaan lahaayeen danahooda gaarka ah iyo horumarka gobaladooda.

waxana uu halkaasi kaga dhawaaqay col xasan gooni isu taaga AWDALSTATE .

 

waxa kaloo halkaasi ka hadlay prof Idiris Madar oo isaguna aad uga hadlay waxbarashada iyo qiimaheda, iyo dhaliyarada reer awdal ay waxbarasha

ku dadaalaan laguna dhiiri galiyo waxna lataro dhalinta dalkii ee waxa barashada kaga jirta dugsiyada iyo jaamacadaha dadka awdal , waxa kale oo uu intaas ku daray qalinku in uu yahay power lamida awoodaha ka jira dunida iyo in laga faaiidaysto xooga dhaliyarada

waxa kale oo uu sheegay in hawshan gooni isu taaga awdalstate ay bilaabeen bari hore isaga iyo rag dhalin yaro ah hase yeeshee ay barigaasi u suuro gali wayday

oo uu aad ugu faraxsanyahay in uu maanta kasoo qayb galo xafladan ku dhawaaqitaanka awdal state aadna uu u taageersan yahay

 

waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay maxamed daahir oo isagu ka mid ahaa aqoonyahanka reer awdal state ee ku nool magaaladan edmonton isla mar ahaantaana

sheegay aadna uga hadlay arimaha dhaqaalaha ee gobolka iyo dhibaatooyinka xaga dhaqaalaha ka haysta dadka, iyo sida looga bixi karo .

waxana uu intaa ku daray in ay awdalstate tahay meel isku filan dhaqaale ahaan, ayna leedahay khayraad dabiici ah oo ku filaan kara dadwaynaha reer awdalstate hadii si fiican looga faa’iidaysto.

 

Sidoo kale waxa iyaguna xafladaasi ka hadlay marti sharafta reer SSC maakhir oo hambalyo iyo bogaadin u soo jeediyaya shacabka reer awdal state waxan ay carabka ku dhufteen in uu jiro xidhiidh soo jireen ah oo ka dhaxeeyay iyaga iyo dadka reer awdalstate, aadna ay ugu faraxsan yihiin inay maanta kala soo qaybgalaan xafladan bulshada reer awdalstate ay ku hananayaan gooni isu taagooda.

 

Kadib iskugana wax halkaasi ka hadlay Maxamad Cismaan Dhiirane oo aad u qaadaa dhigay taariikhda dheer iyo doorkii ay reer awdal kulahaayeen dunida iyo gobolkaba

wuxu sheegay inaan cidnaba loo daba fadhiisan dooni gooni isu taaga awdalstate iyo danaha umada reer awdal ,

waxa kale oo uu intasi ku daray in caalamku uu u diyaariyay somaaliya nidaam cusub , cidwalbaana ay isu diyaarinayso buu yidhi mr dhiirane sidii ay uga qayb gali lahayd nidaamkaasi cusub reer awdalna ay ka mid yihiin uun goboladaasi iyo dadkaasi soomaaliyeed ee walaalahooda waxna la qaybi doonaan iyagoo u madax banaan cidkalena aanay wakiil ka noqon doonin.

 

Waxa kale oo halkaasi lagu soo bandhigay sugaanta noocyadeeda kala duwan sida gabayo, buraanbur iyo cayaaraha hidaha iyo dhaqanka gaar ahaan cayaarta sayliciga ee ay

reer awdal caanka ku yihiin.

 

Ugu danbayntii xafladaasi oo ku dhamaatay jawi farxadeed dhamaana ay ka muuqatay wajiyada dadkii kaso qayb galay farxad iyo damaashaad aan laso koobi karin ,

iyagoo watayna ama warfinayay calanka quruxda badan ee astaanta u ah AWDALSTATE. ayaa waxa lagu soo gunaanaday wacdi diini ah oo uu soo jeediyay sheekh mustafe.

 

xafladaasi oo video ama daawasho ahna waan idiin soo gudbin doona sida ugu dhakhsaha badan insha allah .

 

www.awdalstate.com

ALI_4322-500x332.jpg

ALI_4429-500x332.jpg

ALI_4421-500x332.jpg

ALI_4421-500x332.jpg

ALI_4417-500x332.jpg

ALI_4412-500x332.jpg

ALI_4363-500x332.jpg

ALI_4339-500x332.jpg

ALI_4326-500x332.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Hambalyo iyo Bogaadin Awdal State of Somalia

 

Guul iyo Gobanimo Awdal State of Somalia

 

Hanoolatu Awdal State of Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Congratulations to the people of Awdal state, the historic and ancient rule of Cifad state has indeed been reinstated. A good move, indeed.

 

The mistake of denying your old history should never been repeated. Halkaa ka sii wada, from Boon to Boorame...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sensei   

Let no one be held hostage.....be it Awdal, SSC, or others being subjugated by AS.

 

I love me my PL, but we have not done enough to help the SSC cause. It is time to step to the plate, all Malis.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Masha allah reer awdal intaas ka badan afduub ugama maqnaan karaan walaalahood waa dad aan laga maarmin taariikhdooda iyo aqoontooda iyo halgankoodiii wadani nimo siiba wakhtigan adag ee soomaaliya ku jirto. waana lagu yaqaanay weligood inaysan ahayn dad si sahala loo marqaamin karo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this