Sign in to follow this  
Bashiir

Shabaabkii Gedo oo Noqday Tusbax Furtay

Recommended Posts

Bashiir   

Ciidamada isbahaystay ee DKMG iyo kuwa Ahlu sunna waljamaaca ayaa saaka aroornimadii hore la wareegay gacan kuhaynta magaalada Luuq ee Gobolka Gedo kadib markii xalay saqdii dhexe ay ciidamadii shabaabku isaga guureen magaalada.

 

Ma aha magaalada Luuq oo kaliya ee waxay sidoo kale faaruqiyeen magaalooyinka Ceelwaaq iyo Garbahaareey.Firxashada Alshabaab ee Gobolka Gedo ayaa timid kadib markii dagaalo culus magaalada Baladxaawo kula galeen isbahaysiga DKMG iyo Ahlu sunna oo taageero dhanka madaafiicda ka helayay cutubyo katirsan ciidamada Ethiopia.Dagaalkaas oo sababay in Baladxaawo ka baxdo gacanta Alshabaab.

 

Ciidamadii Alshabaab ee lagu soo jabiyay Gobolka Gedo ayaa lafilayaa inay markale difaac ka galaan magaalada Baardheere hadii difaaca la jabsadana ay xoogoodu isugu geeyaan magaalada isiraatijiga ah ee Kismaayo oo ah meesha dhaqaalahooda ugu badan ka helaan.

 

Dhanka magaalada Dhoobley ayaa waxaa kasocda diyaar garoow dagaal kii ugu dambeeyay iyadoo xaaladu ay tahay keeb layuurur wakhti kastana lafilayo in dagaal qarxo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

War deg deg ah :Ciidamada Axmed madoobe oo maalmahan korfadhiyay magaalada Dhoobley ayaa caawa muda kooban duqeeyay Dhoobley iyadoo aan la ogeyn khasaaraha kadhashay duqeyntaas.Duqeyntan ayaa loo badinayaan inay tahay baaq loogu baaqayo shacabka reer Dhoobley inay dagaalo culus magaalada kusoo fool leeyihiin sidaa darteedna ay lagama maarmaan tahay in shacabku baneeyo magaalada.

 

Wixii kasoo kordha kalasoco wararkaanaga danbe

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Ciidamada Ethiopia ee Alshaab kasaaray magaalada Baladxaawo ayaa lagu soo waramayaa in xabsiga u taxaabeen hogaamiyaashii ciidamada oo kala ah Col. Bare Hiiraale iyo Sayid Adan .

 

Wali wax faah faahin ah oo kasoo baxday xadhiga labadan nin oo ah xildhibaano katirsan DKMG majirto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Taliyeyaasha xilkooda waayay waxaa ka mid ah

 

1. Sareeyo Guuto Axmed Jimcaale Geedi : Taliyaha Xooga dalka

2. Sareeye Guuto Maxamed Sheekh Xassan Xaamud : Taliyaha Nabad Sugida

3. Sareeye Guuto Cabdullaahi Macalin Cali : Taliyaha Asluubta

4. Sareeye Guuto Cali Maxamed Xassan Looyaan: Taliyaha Police

 

Waxaa wali xilkiisa sii haya Sareeye Guuto Faarax Qarre oo ah taliyaha ciidamada Badda. Lama sharixin sababta xilka looga qaaday xili ciidamada dowlada ay dagaalo kula jiraan xoogaga Alshabaab. Laakiin sida uu qaanuunka qabo, madaxweynaha ayaa ah taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

The complex civil war has no fruits and it is getting worse, therefore a peaceful revolutions by the Somalis for the Somalis is much needed now....

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Bashiir;700141 wrote:
Ma sida hufan ee loo qoray, mise dhacdada lafteeda?

Farshaxamaynta iyo falka dhacayba waa taageersanahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Taleexi, taageerada ka sowkow maxaa kuu muuqda markaad dhacdooyinkan xiisaha leh isku hal xidhmo ka dhigto? ,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Maandeeq, magac wanaagsana. :)

 

Taleexi, ma laga yabaa inay dheeraato ama farsamo yaqaankii ka dhalin lahaa uusan weli dhalan?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Su'aal adag baad shaqo guridii i sugaysay iigu dartay balse ka aragti ahaan Soomaalidu kama aradna farsamo yaqaankii Maandeeq ka dhalin lahaa balse hore bay ugu maahmaaheen boqol iyo afar tobankaan aqaanaa, oo waayahee yaa kaa akhrisanaya Sidaas darteed aan jawaabta su'aashadii ku soo dhowaado'e arrinta murugsan ee ina haysataa mar waa la yaab, marna waa yaabka yaabkiis, marna waa amankaag fadlan meelaha banaan buuxso oo war murtiyeedka dhuux. Waxaan kaloo kaaga tegeyaa maahmaah tolow mise waa murti saddexley ah, tay doonto ha ahaato maxaa iga galay :)

 

Saddex saddex waydiiso waad ka helaysaaye, saddexse saddex ha waydiisan kama helayside

Naag guur waydiiso waad ka helaysaaye, Allow yay ila dagaalamin ha waydiisan kama helayside

Alle janno waydiiso waad ka helaysaaye, inuu ku waariyo ha waydiisan kama helayside

Wadaad cilmi waydiiso waad ka helaysaaye, xoolo ha waydiisan kama helayside

 

Haddii layga yeelayo waxaan ku darsan lahaa

 

Soomaali caddaalad ku dhaq way ku yeelayaane, qabyaalada iska daaya ha waydiisan kama helayside.

 

War Bashiirow waa ka baxay ee haddaad Illaahay nabad ka doonaysid su'aal ha igu soo celin :)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Waxaa gabi ahaanba dalkii iyo dadkii Soomaaliyeed aafeeyey dagaalo sokeeye oo sahaydey masaakiin badan. Maanta afarta jaho ayay kasocotaa waxaana la gaadhey heer ciidamadii Ethiopia ee shalay lala dagaalamayay loo arkayo iney yihiinba ciidamo Soomaaliyeed oo ay xitaa dhimatay Xasaasiyaddii wadaninimo iyo Islaanimo.

 

Dagaalada Socda Maanta

 

Goboladii Somaliland la isku odhan jirey waxaa ka bilawdey colaad aan horey loo arag oo gaadhey in ay ku dhintaan dad aad ubadan qaar badanna ku barakaceen. Ciidamo beeleedyo is aruursadey oo iyagu kaso soo jeeda gobolada Sool Sanaag iyo Ceyn iyo Somaliland ayaa gacmaha iskula tagay. Dhibaatadan ayaa ka bilaabatey dhul degaan ah iyo daaqsin ah balse markii danbe dawladdii Somaliland soo faragalisey oo dagaal adag ka dhacay.

 

Somaliland iyo Puntland ayaa iyaguna arimahaas iyo kuwa aan ka fogeyn ku dagaalamaya agagaarka Laascaanood meel ay ku dambeyna lama oga.

 

Laandheer iyadana dagaal baa kasocda aan la ogeyn inta uu qaadan doono. Dhanka Muqdisho iyo Koonfurta Soomaaliya dhiig baa qubanaya waxaana inta badan xabadda isla hortaagn waa dad walaalo ah oo Soomaaliyeed oo magacyo iyo dana gaar ah oo aan meela gaadheynin wata.

 

Dagaalada ugu adag waxey dhexmarayaan Xarakada Alshabaab oo iyadu soo liqdey dhamaan waxii Islaamiyiin ahaa ee waddanka joogey kuna qasabtey in qaarkood kala tagaan qaarna dawladda ku biiraan meesha qaarna ay colaaddii Ethiopia dabada galiyeen. Maalmihii ugu danbeeyey oo dhan waxaa yeeraya reenka madaafiic aan loo meeldayin oo iska hoobaneysa iyo dagaalo masaakiinbadan ku dhamaanayaan..

 

Dagaalkii Baladxaawo ayaa noqdey mid dad badani ku hoobteen waxaana la sheegeyaa in ciidamo Ethiopian ahi ay dabada kariixayeen kuwa Soomaali ah oo Alshabaab u ciilqabay.

 

Dagaalku intaas kuma eka waxaana la sheegayaa in Waddanka oo dhan uu saameyn doono meelo badanna la isku arki doono.

 

Hadaba qormadeenani waxey bildhaamineysaa dhibaatada shacabka heysata iyo dhiigga Muslimiinta la daadinayo labada dhinacba. Waxii eebbe xaaraantimeeyey haddii aan xalaaleysano Illaahay inaga ayuu isku keen salliday waana ayaandaro. Bal Maxey Isku leynayaan oo kukala ka maqan.

 

Gabgabadii xitaa haddii Alshabaab loo itaal sheegto waxaan kala bixi karin oo ay is dagaali doona Dawladda KMG ah ciidamadooda Kuwa Al Sunnah Wal Jameeca Maleeshiyo beeleedyada midwalba isku arko iney waddanka ugu muhiimsan yihiin.

 

Ugu danbeyn goormuu Dhiigga qof Muslim ah noqondoonaa mid Laga fiirsado oo illaahay dartiis lagu badbaadiyo?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Somalia's president claimed victory over Islamist insurgents Monday as forces nominally allied with the government took control of two border towns in recent days.

 

By The Associated Press and The New York Times

 

 

2u53zwn.jpg

Somali President Sheik Sharif Sheik Ahmed

 

MOGADISHU, Somalia — Somalia's president claimed victory over Islamist insurgents Monday as forces nominally allied with the government took control of two border towns in recent days.

 

Residents said the insurgents had abandoned two more towns Monday. African Union (AU) peacekeepers and government soldiers also have wrested three key positions from insurgent control after heavy fighting in the capital of Mogadishu.

 

Somali President Sheik Sharif Sheik Ahmed told reporters in the capital that the extremist group al-Shabab was on the verge of defeat.

 

"Our victories are consecutive, and our troops continue to defeat the enemy," said the president, dressed in military fatigues. He called for the "final elimination" of al-Shabab.

 

Still, the transitional government of Somalia seems to be in disarray. On Monday, the president abruptly fired several top Somali security officials for poor performance in recent days. His office said they included the commander of the armed forces, the police commissioner, and the head of Somali intelligence.

 

Somalia has been mired in conflict since 1991, when warlords toppled the country's last central government and then turned on each other.

 

The government is almost entirely dependent on foreign donors to pay, equip and provide ammunition to its army, a ragtag force backed up by heavily armed AU peacekeepers. The recent gains along Somalia's borders have been made by Ahlu Sunnah Wal Jama, a fractious militia whose leaders have an uneasy alliance with the government.

 

An unknown number of government troops and insurgents and 53 peacekeepers have been killed since the pro-government offensive began Feb. 18. The operation aims to slice into the Islamist rebels' grip on large swaths of Somalia's southern and central regions.

 

But the Islamists have often made tactical withdrawals before, only to launch counter attacks later.

 

On Monday, residents said the Islamists had abandoned El Wak and Sheik Mohamed ****. A commander of the pro-government militia said his forces entered the town of Luuq without a gunbattle.

 

Luuq is 55 miles east of Belet Hawo, a town that the pro-government militiamen overran Saturday. It is a gateway to any push to capture other towns in the Gedo region and beyond.

 

Pro-government fighters are also gathering near Belet Weyne, a town in the west near a strategic road linking Ethiopia and Somalia, said local commander Tawene Ahmed.

 

 

 

Such battleground successes are considered a morale booster for Somali government troops and their allied fighters.

 

But al-Shabab says the success of the pro-government militia is because they are receiving support from neighboring Ethiopia, a mainly Christian country whose soldiers were stationed in mainly Muslim Somalia during an unpopular two-year occupation that began in 2006.

 

"Ethiopia has again invaded Somalia. I am urging our mujahedeen army to be get ready for a bigger war against Ethiopian troops," said al-Shabab spokesman Sheik Ali Mohamud Rage.

 

Kenyan authorities have been tightening security along the border, and say they have recently captured several al-Shabab fighters trying to flee into Kenya.

 

On Monday, Kenyan officials said a spate of recent grenade attacks inside their country was the work of Kenyan insurgents who had been trained by al-Shabab.

 

Also

 

Anti-piracy push: China and Russia are leading a new effort at the United Nations to curb the threat of piracy off the coast of Somalia and defeat al-Qaida-linked terrorists fighting to seize control of the Horn of Africa nation. Russia has circulated a draft resolution that would commit the U.N. Security Council to "urgently" begin talks on creation of three courts for piracy cases. The measure also would urge construction of two prisons for convicted pirates and demand that all nations enact laws to criminalize piracy.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Soomaali caddaalad ku dhaq way ku yeelayaane, qabyaalada iska daaya ha waydiisan kama helayside.

Mar haday qabyaalad doorteen cadaaladna kaa yeeli maayaan talexow waxaase ku haboon meeshaas qabiil iska daa kaa yeeli maayaan waayo qabiilku waxba ma dhibohadaan la qabyaaladayn si kastaba maandeeq waxaa ka dhalin kara doctor magaciisa la yidhaahdo midnimo iyo laba kalkaaliye oo lagu magucaabo cadaalad iyo sinaan.

 

Sunna wal jameeca qabyaaladdu way gali kartaa waana u sahlan yihiin tfg weyba ku dhisan tahay alshabaabna caalamka yaan lala macaamilin xooladohooduna waa xaaraan bay ku caan baxeen.

 

su aashu waxay tahay xagee 3daas fayo dhowr laga heli karaa?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this