Sign in to follow this  
Bashiir

Shabaabkii Gedo oo Noqday Tusbax Furtay

Recommended Posts

Bashiir   

Wararkii ugu dambeeyey ee Diif naga soo gaaraya waxa ay sheegayana in ciidamada Shabaabka ay baneeyeen tuulada Diif kadib markii boqolaal ciidamo tabobar cusub kusoo qaatay Siyaloow ay soo gaareen tuulada Diif Korma Shalay.

 

 

Halkaasi waxaa horey ugu sugnaa ciidamada Xarakada Kaambooni oo uu horkacayo Sheekh Axmed Maxamed Islaan oo maalmo ka hor dib uga soo baxay Diif , wariyaheena Diif Korma ku sugan ayaa arkay in labbada ciidan ay aad isugu dhowyihiin, islamarkaasina ay muuqato wadashaqayn dhex maraysa balse ay labbo meel kala degenyihiin

 

Waxa uu wariyaha intaasi ku daray in Ciidamada Xarakada Shabaabka ay magaalada Diif baneeyeen kadib markii ay ******** cududa military ee la dulkeeney, Shabaabka ayaa la sheegey in ay gaareen deegaanka Shabaax oo Banka Jiiro agteeda ah, halka warar kale ay sheegayaan in ay dhanka Dhoobleeyna aadeen.

 

Markii ay magaalada ka baxayeen Shabaabka waxa ay afduubteen 3 gaari oo nooca UD-ga loo yaqaano oo ay kala leeyihiin ganacsato deegaanka u dhalatay, mid ka mid ah gaariga waxaa leh nin lagu magacaabo Xaaji Iimaan oo reer Diif ah iyo Joon Cabdullaahi Askar oo reer Afmadoow ah, ma heyno magaca qofka leh gaariga sedexaad.

 

Gaadiidka ay Alshabaab dadkii lahaa ka qaadatay ayaa la sheegey in ay ku daad gureeyeen ciidamadooda iyo sahay kale kadib markii gaadiid ay dhanka kismaayo ka filayeen uu kasoo gaari waayay xiligii ay rabeen.

 

Magaalada Diif oo haawanaysay maalmihii lasoo dhaafay oo ay illaa shalay ku sugnaayeen illaa 3 qoys ayaanan wali dib loogu laabanin, iyadoo baabuurtii biyaha dhaamineysay ay cabsi darteed shaqadii u joojiyeen iyagoo iska hoganaya Diif Korma.

 

Magaalada waa mid haawanaysa, walina ciidamada dhanka kale jooga uma aysan dhaqaaqin dhanka Diif, laakiin sargaal aan dooneynin in magaciisa la xigto ayaa wariyaheena u sheegey in mudo 3 maalmood ah ay kula wareegayaan Kismaayo.

 

Saraakiisha hogaamineysa ciidamada Siyaloow ka yimid ayaa naloo sheegey qaar ka mid ah magacyadooda waxayna kala yihiin Col. Cabaas, Col. Jaamac Gaal iyo Col. Gaboobe.

 

Dhanka kale haweeneey ka mid ah dadkii ka qaxay diif dagaalada dartood ayaa foosha ku geeriyootey meel Diif miyigeeda ah, waxaana lagu aasay gudaha Diif, wararka waxa ay sheegayaan in caafimaad darro iyo daryeel la,aan ay gabadhaasi u dhimatay.

 

Wixii war ah ee kasoo kordha la soco dhawaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Sida uu kusoo waramayo wariyaheena Diif Korma tirada ciidamada Siyaloow kusoo tabobartay ayaa kor u dhaafaya 2400 (labo kun iyo afar boqol oo kun) kuwaasoo lagu geeyey halkaasi wax ka badan 20 gaadiidka waaweyn ee Loriyada loo yaqaano

Kolonyada gaadiidka ee ciidamada waday ayaa kasoo gudubtey meel Wajeer dusheeda ah iyadoo markii ay Wajeer soo marayeen shaah iyo waxyaalo kale ka iibsaday, qaar ka mid ah dadka deegaanka ayay buskud u qeeybiyeen sida ay wararka sheegeen

 

Laakiin Police-ka Wajeer ayaa xirey dhowr ka mid ah ciidamada kadib markii ay isku dayeen in ay baxsadaan, magaalada oo ay ku dhex carareen ayaa qarin weysey oo laga soo dhex heley.

 

Laakiin mooraalka ciidamada intooda badan ayaa ahaa mid heer sare ah sida ay dad aan la hadalney noo sheegeen, waxay ahaayeen kuwa dadka u gacan haatinaya islamarkaasina u qeeybinaya buskud iyo waxyaalo kale sidii ciidamadii UNISOM ee mar dalka soo galay

 

Waa dufcadii ugu dambeysey oo ciidamo Kenya lagu tabobaray kuwaasoo qaarkood ay hadda ku suganyihiin magaalada Ceelwaaq

 

Alshabaab ayaa markii ay ka warheshey cududa ciidamadani baneeyey fariisinkii ay ku lahaayeen Diif.

 

Wariyaheena Diif Korma ku sugan ayaa kusoo waramaya in saacadaha soo socda Dhoobleey ay dagaal ku qaadi doonaan ciidamadani

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Cabdirashiid Xidig ayaa saxaafadda u sheegay inay DKMG ka go’antahay inay Xarakadda Alshabaab mar aan fogayn kala wareegayso gobollada Jubbooyinka.

Wasiir ku xigeenka Arimaha Bulshada, Shaqada, Shaqaalaha, dhalinyada iyo Isboortiga Cabdirashiid Xidig oo asagu ka soo jeeda gobollada Jubbooyinka ayaa carabka ku adkeeyay damaaciga DKMG ee ku aadan Jubbooyinka, asagoo soo hadal qaaday guluf halkaasi ku waajahan.

 

Wuxuu sidoo kale daaha ka rogay in ciidamada iyo hogaamihaha Xarakadda Kaambooni Sh. Axmed Madoobe ay kamid yihiin ciidamada Dawladda, isla markaana ay wali jihooyin kala gadisan ka kulaalayaan deegaanka Diif oo dhawaan gacan ku hayteeda ay kala wareegeen Xarakada Alshabaab.

 

Sheegashada Xidig ee ah in ciidamada Kaambooniyiintu ay kamid yihiin ciidamada DKMG ayaa waxay burinaysaa waraysi uu todobaadkii hore siiyay idaacadda BBC-da sargaal ka tirsan Xarakad Kaambooni ee deegaanka Diif dagaalka kula gashay Xarakada Alshabaab. Sargaalka oo lagu magacaabo Sh. Daahir ayaa sheegay inay wadashaqayni ka dhaxayso DKMG, balse ay ayagu yihiin Xarakada RaasKaambooni.

 

Isku soo duuboo, DKMG ayaa in badan ka dhawaajisay inay guluf ku bixinayso gobollada Jubbooyinka si ay halkaasi ugala wareegaan Xarakada Alshabaab, laakiin wali ma dhaafsiisna hadal iyo sheegasho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Dagaalkii ugu horeeyay ee ciidamada DKMG ay ku qaadaan gobollada Jubbooyinka oo ahaa kii ay saaka mar kula wareegeen gacan ku haynda magaalada Dhoobleey ayaa noqday mid ayna wax natiijo ah ka korodhsan.

 

 

Sababta ugu weyn, waxaa lagu sheegay kala ahdaaf iyo ujeedooyin duwanaanta ciidamada dhexdooda iyo waliba hogaankooda sare. Maadaama DKMG ay ku salaysantahay nidaam qabiil, waxaan meesha ka madhnayn jilaafooyinka iyo caqabada dhinaca qabiilka ee curyaamiyay horusocod kasta ooy samayn lahayd DKMG.

 

Ciidamada waxaa lagu soo ururiyay hab beeleed, waxayna ku hawl galayaan magac dawladeed, askari kasta iyo sargaal kastana waxaa jira qorshe iyo damac ka sareeya kan DKMG oo ayada laftirkeedu ku dhisan nadaamka faashilka ah. Hadaba, wararka aan helayno ayaa tibaaxaya in markii ay magaaladu u gacan gashay ciidamada DKMG uu markiiba banaanka u soo baxay khilaaf dhaliyay in si ka sahlan sidii ay ku qabsadeen magaalada looga qabsado.

 

Dhanka ciidamada Xarakada Alshabaab ayaa ah kuwa hal fikir iyo hal hogaan leh, taasi oo u sahlaysa inay mar kasta waajahaan quwad kasta oo usoo mudh baxda inay awood ku muquuniso.

 

Ciidamada Kaambooniyiinta ayaan dagaalka maanta ka qayb galin, taasoo ayana abuuraysa su’aal ku saabsan xidhiidhka dhabta ah ee ka dhexeeya ciidamada DKMG iyo kuwa Kaambooniyiinta ee Sh. Axmed Madoobe hogaaminayo oo ayagu mudooyin badan uu dagaal kululi dhexmaray Xarakada Alshabaab.

 

Dagaalkii maanta wuxuu ahaa tijaabadii ugu horaysay ee dhex marta Xarakada Alshabaab iyo ciidamada DKMG, ayadoo noqotay tijaabo dhiiri galisa ciidamada Alshabaab, jabisana mooraalka ciidamada DKMG, fashilna qarka u saarta damaca DKMG.

 

Khasaare lixaad leh ayaa ka dhashay dagaalka; ayadoo dhinacyada dagaalamay ay kala gaareen inta la ogyahay 35 dhaawac ah iyo 17 dhimasho ah isku darka labada dhinac, halka dhinaca shacabka magaaladana la sheegayo dhimashada dhawr ruxuux iyo dhaawaca tiro kale, waxaana sidoo kale ku basbeelay dhawr guri ooy ku habsadeen madaafiicdii ay is waydaarsanayeen labada garab.

 

Isku soo duubo, dagaalkii maanta wuxuu ahaa mid ay ku hungowday DKMG, wuxuuna noqday mid ay ka faa,iidaan xinjiro dhiig leh iyo waxay korodhsadaan halkeeda ha joogtee inay ayagii galeen maynis (-). Shacabka deegaanka wuxuu u ahaa maalin balaayo, maalin qax iyo maalin khasaare naf iyo maal. Alshabaabna wuxuu u ahaa maalin guul, maalin ay ka faydanto kurbada ay ku haysay cududda ciidamada lagu tababaray Kenya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Duqeyn xoogan ayaa xiligan kusocota magaalada Dhoobley oo shalay dirir khadhaadhi kudhexmartay ciidamada Alshabaab iyo ciidamo taabacsan DKMG oo lagu soo tababaray dalka Kenya dirirtaas oo ay guushii kuraacday ciidamadii Alshabaab.

 

Madaafiicdan ayaa la aaminsanyahay in laga soo tuuray dhanka Kenya oo saldhig u ah ciidamada Isiyelow.Magaalada ayaa ilaa iyo saaka daganeyd waxaynu duqeyntu ku bilaabatay muda yar kahor.Lama oga in madaafiicdan magaalada lagu bilaabay ay hordhac utahay dagaal iyo inkale.

 

Wixii kasoo kordha lasoco wararkaanaga dambe

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Waxaanu xiriiro badan lasameeynay meelo kaladuwan si aan wax uga ogaano xogta dhabta ah ee la xiriirta sidii uu udhacay duulaankii baryahanba loo shintirinaayay iyo sababaha fashilka ku keenay.Waxaanu xogtan kasoo aruurinay khuburo ciidan iyo mas'uuliyiin kusugan jiida hore ee dagaalka.

 

Ciidanka weerarka qaaday ayaa qiyaastii dhanaa 700 oo askari halka ciidamadi magaalada difaacanayay ay tiro taa udhiganta ahaayeen hadii aysan ka badnayn.Dagaalka ayaa bilaabmay abaarihii shantii subaxnimo iyada oo ay duqayn xoogan loogu sii gogol xaaray waxaana halmar isqabsady hugunka madaafiicda garbaha laga tuuro iyo dhawaaqa rasaasta darandooriga udhacda.Ciidamadii lagu soo tababaray Kenya ayaa muujiyay kalsooni iyo qaab dagaal oo casri ah waxayna muda kooban kadib jjabsadeen difaacii hore ee ciidamadii Alshabaab iyagoo xoog kugalay gudaha magaalada hadaba maxaa dhacay?

 

Ciidamada Alshabaab markii ay arkeen quwada, hubka iyo carcarta ciidamada dagaalka kulajira ayay islamarkiiba taaktiko cajiib ah dhigeen waxayna go'aansadeen inay baneeyaan gudaha magaalada una kala baxaan labo jiho oo kala gedisan.Ciidmadii duulaanka ahaa ayaa magaalada gudaha usoo galay waxogaa yar kadibna waxay xabad kabilaabantay gadaashooda oo waxaa soo dhabarjabiyay ciidamo uu hogaaminayo Dulyadeyn oo kujiray meel aan soo uga fogeyn magaalada waxaa kaloo soo rogaal celiyay ciidamadii magaalada kabaxay oo sugayey baaqa rasaasta dhabarjibinta halkaa waxaa kadhacay dagaal culus waxaana si adag isu difaacay ciidamadii Isiyeelow oo xabadu dhowr jiho kagasocoto iyagoo ay kusoo maaxatay maahmaahdii ahayd dib ugurasho waa xeelad dagaal waxayna dib ugu gurteen halkii ay kasoo duuleen iyagoo aan wax hub ah laga qabsanin dhaawacoodiina qaatay.

 

Guuldaradu way magacyo badantahay hase ahaatee khaladaadkii dhacay iyo sababihii fashilka keenay waxaanu kusoo koobnay dhowrkan qodob:-

 

1): Xog la'aan iyo deg deg : Saraakiisha dagaal gelinaysay ciidanka wax xog ah kama aysan haynin ciidankii kasoo horjeeday oo aan ka ahayn qiyaasta tiradooda iyo in gudaha magaalada kusugan yihiin.Ciidanka Alshabaab waxay isu qeybiyeen dhowr aag oo magaalada dusheeda ah waxaana gudaha magaalada kujiray ciidan kooban.Xog la'aantani waxay keentay in la ogaan waayo ciidankii dhabarjabinta sameeyay ee uu hogaaminayay Dulyadeyn. Khaladka kale ayaa ah deg deg waxay weerarka bilaabeen iyagoo muda 24 saac kayar kusugnaa deegaanka hadana wax sirdoon ah ujoogin goobta dagaalka

 

2): Kaarta xumi iyo Khibrad la'aan: Habdagaalanka ciidamada Alshabaab oo aysan waaya arag ama khibrad u lahayn. Waxay dagaalka ka qaadeen hal aag oo kaliya waxayna magaalada ka galeen hal dhinac taasoo sahashay in ciidankii Dulyadeyn dhabarjabinta sameeyo waayo hadii magaalada dhowr aag laga weerari lahaa waxay faktii horaba arki lahaayeen ciidanka Dulyaden ee geeska kale ee magaalada ku gabanayay.

 

4):Qaabka ay dagaalka ugaleen oo ah qaab dowli ah (dagaal garbasiman ) oo aan loo isticmaali karin ciidamada Alshabaab.Alshabaab markii ay arkeen in xabada haysa hal dhinac ka imaanayso ayna yihiin ciidan isdaba fadhiya waxay baneeyeen wajahaadii ciidanka ee naartu kasoo afuufmaysay wxay ukala baxeen dhinacyada markii ciidamadii gudaha soo galeena dhinacyada ayay kaga dhufteen.Marka lasoo aruuriyo dagaalku dagaal culus buu ahaa ciidamadii Isiyeelowna been Allaa caayaye way geesinimo dirireen waayo way adagtahay in la arko ciidan la dhabarjabiyay oo dhaawiciisa qaata dhanka Alshabaab waxay muujiyeen khibrad iyo taatiko dagaal oo ah tan sababtay in dheeshii noqoto ciyaari waa gelin dambe guushiina kuraacdo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Dagaalkii shalay ka dhacay Dhoobleey wuxuu ahaa dagaalkii ugu khasaaro badnaa ee dhawaanahan ka dhaca Gobollada Jubbooyinka.

 

Qaxa, barakaca, kala roorka, burburka guryaha iyo baaba,a hantida dadwaynaha kasokow, wuxuu galaaftay oo aakhiro u diray, hawlgab joogta ah ama mid ku meel gaadh ah ugu yaraan 50 wiil oo isugu jira dhinacyadii dagaalamay.

 

Hadaba marka aan kala sarifno khasaaraha kala gaadhay labada dhinac ee dirirtu dhex-martay iyo shacabkii lagu kor hardamay, waxay kala yihiin;

 

DHIMASHO

 

· Shacabka waxaa ka dhintay hal ruux oo ahaa qof dumar ah oo madaxa looga jiro.

 

· Xarakadda Alshabaab waxaa ka dhintay 9 ay ku jiraan 3 u dhimatay dhaawac. Waxaa sidoo kale kamid ah Cali Bashir oo ahaa sargaal mar Qasnaji ka ahaan jiray maamulka Kismaayo.

 

· Ciidamada DKMG waxaa ka dhintay 11 ay ku jiraan 2 dhaawac u dhimatay iyo 2 ay maydkooda kaga carareen Dhoobleey.

 

DHAAWAC

 

 

· Shacabka waxaa ka dhaawacmay 7 ruux.

 

· Xarakadda Alshabaab waxaa ka dhaawacmay 15 oo ayna ku jirin 3-da dhaawaca u dhimatay.

 

· Ciidamada DKMG ah waxaa ka dhaawacmay 19 ayna ku jirin 2-da dhaawaca u dhimatay.

 

Madaafiic habeennimadii ay ciidamada DKMG ku garaaceen magaalada ayaa sababtay gubashada iyo burburka guryo dhawr ah, ayadoo sidoo kalana ay jiraan dhawr guri oo ayana ku burburay rasaastii iyo madaafiicdii ay magaalada dhexdeeda isku waydaarsanayeen labada dhinac. Barakac baahsan ayaa ka dhacay magaalada, waxayna dadku si dhuumasho ah ku talaabeen badankood soohdinta si ay uga fogaadaan rasaasta. Dad yar ayaa maanta dib ugu soo noqday guryahooda ayadoo wali ay dadka badankii ay duurka ku maqanyihiin cabsi ay ka qabaan dagaal mar kale ka dhaca magaalada.

 

Ma jiro wax gaadiid ah ooy kala qabsadeen labada dhinac, mana jiro wax maxaabiis ah oo u kala gacan gashay.

 

Ciidamada DKMG ah ayaa ahaa 3 urur oo min 300 ah, waxayna warar xog ogaal ahi sheegayaan inay dagaalka galeen 2 urur taasoo macnaheedu yahay in 600 oo ka tirsan ciidamada DKMG ay ka qayb qaateen dagaalkii shalay.

 

Xarakadda Alshabaab ayaa sidoo kale ahayd 1200 taasi oo u dhiganta 4 urur, waxaana dagaalkii shalay ka qaby galay 700 oo kaliya.

 

Dhinaca Xarakada Raaskaambooni ayaan ayadu ka qaby galin dagaalkii shalay walow ay jaal yihiin ciidamada DKMG. Sababta keentay inay Kaambooniyiintu ka qayb-gali waayaan dagaalkii shalay ayaa lagu sheegay in ciidamada DKMG ahi ay dalbadeen inay dagaalka ku kaliyaystaan.

 

Xarakadda Alshabaab waxaa xalay iyo saaka soo gaadhay gurmad, sahay iyo rasaas. Ciidamada DKMG ahna sidaas si le,eg waxaa soo gaadhay gurmad, sahay iyo saanad. Ciidamada Xarakada Kaambooniyiintana waxaa KismaayoNews loo xaqiijiyay inay qayb ka noqon rabaan Guluf mar kale ay qorshaynayaan inay xulufadu dib ugu baadhbaadho Dhoobleey.

 

Is qabqabsi iyo is eedaymo kadib waxaa taliska Ciidamada DKMG ah laga qaaday Col. Cabaas, waxaana lagu wareejiyay nin lagu sheegay magaciisa Gaboobe Faarax Daahir.

 

Isku soo duuboo, si lamid ah habeen hore waxaa caawa ku socda Dhoobleey madaafiic waxaana laga cabsi qabaa inuu dagaal kale dib uga qarxo magaalada, waxayna u egtahay markin koodii laga tugtugroonaada labada dhinac in caalsaaraha laga qaadanayo. Runtase ayna doonayn labada dhinac ee dirirtu u dhaxayso ayaa ah waxa isku dhimanaya inuu yahay wiilal Soomaaliyeed oo si kale looga faa,iidaysan lahaa hadii caqligu shaqeeyo.

 

KismaayoNews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Mid kamid ah wargeysyada kasoo baxa dalka Kenya oo soo xiganaya Booliska Kenya ayaa qoray in ciidamada Alshabaab ay gantaalo ku garaaceen saldhig ciidamada militariga Kenya ay kuleeyihiin xuduuda Kenya ay la wadaagto Somalia gaar ahaan deegaanada u dhaxeeya Libooyo iyo Dhoobley.

 

Ciidamada Kenya ayaa sheegay in madaaficdii ay soo tuureen Alshabaab ay burburisay keydkii biyaha ee saldhiga.Wargeysku wuxuu intaas raaciyay in ciidamadii Kenya ay katalaabeen xadka kadibna ay soo dileen 11 kamid ah ciidamadii Alshabaab.

 

Waa markii ugu horaysay ee ciidamada Kenya qirtaan in hawlgal ay kasameeyeen gudaha Kenya.Xarakada Alshabab ayaan iyadu kahadal warkan lagu daabacay wargeyska The standard ee kasoo baxa magaalada Nairobi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Wararka ka imanaya deegaanka Dhoobleey waxay sheegayaan in dadkii halkaasi ku noolaa intooda badan ay u qaxeen deegaannada ku dhow dhow Magaalada Dhoobleey oo iyadu hadda noqotay goob dagaal SII AKHRI/DHAGEYSO

 

Source: VOA Afsomali

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Ciidamo Cusub oo ay soo tababareen Kenya iyo Itoobiya ay ku soo wajahan gobolada Gedo iyo Jubbooyinka

 

Addis-ababa: Wakaaladda wararka Itoobiya ee Walta Information ayaa ku waramaysa in ku dhawaad 2-000 oo askari oo ka tirsan ciidamada dawlada KMGS oo ay si wada jir ah usoo tababareen wadamada Itoobiya iyo Kenya ay ku soo wajahan yihiin gudaha wadanka Soomaaliya gaar ahaan gobolada Gedo iyo Jubbooyinka oo koofurta Soomaaliya ku yaala.

 

Warkaan oo maanta lagu qoray wakaaladda wararka ee Walta ayaa waxaa lagu sheegay in gobolada Gedo iyo jubbadda hoose ay ku soo wajahan yihiin dhawaanahaan ciidamo ka tirsan kuwa dawlada KMGS oo dhawaan lagu tababaray wadanka Kenya isla markaana ay tiradoodu gaarayso 2,000 askari oo la sheegay inay koofurta Soomaaliya kasoo gali doonaan labo barood oo muhiim ah kuwaasoo kala ah dhanka degmada Ceel-Waaq iyo dhanka Dhooble oo ka kala tirsan gobolada Gedo iyo Jubbadda hoose.

 

Dawlada Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamadaan oo tababarkooda ay iska kaashadeen wadamada Kenya iyo Itoobiya in ujeedkoodu yahay inay ka qeyb qaataan dagaalada ay dawladu kula jirto Xarakadda Mujaahidiinta Al-Shabab.

 

Warku waxaa uu sheegayaa in la qorsheeyay in ciidamadaan ay xoojinayaan ciidamada dawlada iyo Ahlu Sunna ka jooga gobolada Jubooyika iyo Gedo kuwaasoo haatan dagaalo kula jira Xarakadda Al-Shabab.

 

Bilihii ugu dambeeyay dagaalo u dhaxeeya ciidamada dawlada KMGS oo garab ka helaya kuwa culumo Awdiinka Ahlu Sunna Waljameeca iyo dhanka kale ee Xarakatul Shababul Mujaahidiin ayaa ka dhacay gobolada koofureed ee Soomaaliyeed iyadoona willi saan saan dagaal laga dareemayo goboladaasi.

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.com

Muqdisho-Somalia

Tel:0025261-5573321

00252699995088

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Ciidamada Raaskambooniyiinta iyo kuwii lagu soo taba baray Isiyeelow ayaa saaka weerar laba dhabanle ah ku qaaday magaalada Dhoobley kadib markii difaacyadii Alshabaab ilaa xalay lala dhacayay madaafiic kasoo dhacaysa dhanka xadka Kenya.

 

Wararku waxay sheegayaan in dagaal kafool kafool ah kasocdo duleedka magaalada difaacyadii xarakada Alshabaabna wali la mari la'yahay.

 

Wariyaasheena oo nus saac kahor la xidhiidhay magaalada Libooyo ee dhanka Kenya ayaa loo xaqiijiyay in dagaalku weli socdo dhinacyadii weerarka qaadayna aysan wali wax hormar ah kasameynay dagaalka.

 

Wixii war ah oo kasoo kordha dib ayaan kasoo tabin doonaa hadii Alle idmo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Wararka dheeraadka ah ee goor dhaweyd nasoo gaadhay ayaa sheegaya in ciidamadii Alshabaab ay ku sugan yihiin gudaha Dhoobley dagaalkuna kasocdo labada fiid ee magaalada iyadoo lagu soo waramayo in ciidamada Kenya ee kusugan xuduuda ay diyaarado kiciyeen waloow aysan jirin wax duqeyn ah oo ay diyaaradahaas gaysteen.

 

Dagaalku weli wuu socdaa carcarta iyo dhiiranaantana waxaa wata ciidamada Alshabaab oo weerar culus kuhaya goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada taabacsan DKMG.

 

Wixii soo kordha kala soco warakaanaga dambe.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Ciidamada xarakada Alshabaab ay u hadhay gacan kuhaynta magaalada Dhoobley oo saaka weeraro culus kusoo qaadeen ciidamadii lagu soo tababaray dalka Kenya.

 

Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in ciidamadii Alshabaab ay usuurat gashay inay dib u celiyaan ciidamadii duulaanka ka ahaa islamarkaan ay ku celiyeen meeshii ay kasoo duuleen.

 

Ciidamada Alshabaab ayaa caawa si buuxda gacanta ugu haya Dhoobley halkii ciidamadii kalena ay kusoo nooqdeen xeradoodii.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Published: 1 April 2011

 

Ayadoo uu qiliil iyo gaasir yahay isgaadhsiinta Dhoobleey iyo deegaanada ku xeeran, ayna adagtahay hilitaanka saraakiisha kala hogaaminaysa ciidamada goradda isku daray magaalada Dhoobleey ayaa waxaa u suuro gashay warbaahinta KismaayoNews inay hesho xogo hordhac ah.

 

WARBIXIN:

 

 

Dagaal ka culus kana mugweyn kii kal hore ayaa saaka ka qarxay Dhoobleey.

 

Weerarka dagaalka waxaa lahaa ciidamada DKMG iyo kuwa Kaambooniyiinta.

 

Ka hor qaraxa dagaalka, ciidamada DKMG ayaa duqayn lixaad leh ku bilaabay magaalada xalay saq-badhkii ilaa iyo qadar yar ka hor waabarigii oo dagaalku qarxay.

 

Ugu yaraan 3 jeer ayay ciidamada DKMG iyo kuwa Kaambooniyiintu isku dayeen inay la wareegaan guud ahaan magaalada, mana dhicin inay si buuxda gacanta ugu dhigaan.

 

Ugu yaraan mid kamid ah diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa dagaalka ka qaby qaadatay taasoon la ogayn cidda iska leh, waxayna duqayn u gaysatay goobo ay kamid yihiin saldhiggii booliska.

 

Khasaaraha ay ilaa iyo hadda KismaayoNews xaqiijin karto waa 3 dhimosho ah oo ciidamada DKMG iyo kuwa Kaambooniyiintu kaga tageen magaalada iyo dhinaca Alshabaab oo iyana 4 ka dhimatay, waxaana ka mid ah Khaalid oo ahaa sargaal sare oo gudoomiye ka ahaa magaalada Salagle ee gobolka J/dhexe.

 

Si buuxda waxaa magaalada gacanta ugu haya Xarakadda Alshabaab, halka garabkii kalana ay dib ugu noqdeen fadhiisimihii ay ka soo duulaan tageen.

 

Magaalada waxaa gaaray burbur xoogan.

 

 

Khasaaraha iyo burburka uu dhaliyay dagaalkii maanta intan ma aha ee wuu ka badanyahay laakiin xogtani waa midda kaliya een ilaa hadda xaqiijin karno, wixii warar dheeraad ah ee ka soo baxana waan idinla wadaagi doonaa, hadii Alle idmo.

 

Dhinaca kale, dawladda Kenya ayaa xadka dhoobtay ciidamo aad u tiro badan iyo gaadiid dagaal, waxaana soohdinta hadba dhinac u yaacaya raxan diyaaradaha qumaatiga u kaca.

 

Si aad u hesho wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Dhoobleey oo saafi ah, xaqiiq ah oo miisaaman haka fogaan KismaayoNews.

 

KismaayoNews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

War deg deg ah oo hada kusoo dhacay qeybta warqabadka Dhanaan.com ayaa xaqiijinaya in dagaal culus saaka ka qarxay magaalada Dhoobley kaasoo u dhaxeeyay ciidamadii Raaskambooniyiinta iyo kuwa DKMG oo isku dhinac ah iyo kuwii xarakada Alshabaab.

 

Dagaalka ayaa qarxay abaarihii hal saac oo subaxnimo saacada geeska waxaan magaalada lala kala wareegay labadii saac ee subaxnimo.

 

Dagaalka saaka ayaa waxaa hogaaminayay xarakada Raaskambooniyiinta iyadoo wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in la isula baxay deegaanka taabta dagaalkuna uu hada yahay mid baadiyaha kasocda.

 

Wali lama hayo khasaaraha kadhashay dagaalka iyo sida labada dhinac wax ukala gaadheen.

 

Dagaalku wuxuu wali kasocdaa baadiyaha taabta waxaana la ogayn In ciidamadan Dhoobley qabsaday difaacan doonaan Dhoobley iyo inay dhici toonto sidii dagaaladii hore oo magaalada dib looga qabsaday.

 

Dhanaan.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this