Sign in to follow this  
Bashiir

Shabaabkii Gedo oo Noqday Tusbax Furtay

Recommended Posts

Bashiir   

Maalmihii aynu soo dhaafnmay colaad ayaa ka jirtey nawaaxiga magaalada Dhoobley colaadaas oo keentay inay dadka shacabka ah dibadda uga baxaan magaalada gudaheeda una daldashaan tuulooyinka ku dhowdhow Dhoobley iyagoo ogaaday in hardan dhax mari doono kooxda mucaaradka aheyd ee haystay magaalada iyo ciidamada dowladda Soomaaliya + kuwa deegaanka.

 

Sheekh Axmed -Madoobe hoggaamiyaha raaskaambooni ayaa ku guuleystay inuu ka adkaado kooxdii dagaalku ka dhaxeeyey iyadoo ay u rumowday go`aankiisii ahaa inuu deegaanada Jubbooyinka kasaari doono kooxda Alshabaab oo dagaal muddo dheer dhaxmay, waxaana u suuragashay inuu dib ugu noqdo deegaanadii hore looga soo saaray oo ay kamid tahay magaalada xuduudka ku taal ee Dhoobley.

 

Alshabaab ayaa duleedka magaalada dhufeysyo ka sameystay way isku aamini waayeen kadib markii ay ka warheleen gantaallo iyo xoog aan loo babacdhigi karin in ay dul fadhiyaan.

 

Lama oga halka ay ku sugan yihiin maamulkii Alshabaab ee mudadda dheer maamulayey Dhoobley.

 

warkan oo dhammeystian filo goor dhow .....

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Deegaanka Diif oo dagaalo culus shalay kadhaceen ayaa saaka degan iyadoo magaalada Diif ay weli gacanta kuhayaan ciidamadii Axmed madoobe halka ciidamadii Alshabaabna ay diyaar garoow xoogan kawadaan Dhoobley.

 

Ciidamada Axmed madooba ayaa iyaguna dhankooda kawada is abaabul iyadoo lagu soo waramayo inay sugayaan ciidamo dheeraad ah oo xoojin doona.

 

Dagaaladii shalay ayaa ahaa kuwo culus oo labada dhinac aysan waxba iskula hadhin waxaana dagaaladaas ku gacan sareeyay kuwa Axmed madoobe oo ay usuurta gashay inay xoog kusaaraan ciidamadii Alshabaab oo gelinkii hore magaalada Diif qabsaday kuna celiyaan deegaamadii ay kasoo duuleen .

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Wararka naga soo gaaraya deegaamadda Jubooyinka ayaa tibaaxaya in diyaarado ay dul-wareegayaan xadka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaliya dhanka goballadda Jubooyinka, diyaaradahan ayaa lagu soo waramayaa inay yihin kuwo ciidan.

 

Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in ciidamado wata tanks iyo gawaaradda gaashaan ay xadka soo dhoobmeen isla markaasna aan la ogayn inay yihin kuwo u soo galaya goballadda Jubooyinka.

 

Ciidamaddan ayaa ku soo aadaya xilli dagaal xoogan ay ka dhaceen deegaamadda Diif isla markaasna xoogaga Alshabab ay halkaas ka huleeleen, waxaana la sheegayaa in ciidamadda Kismaayo ku sugnaa ee Alshaabab ay walaac xoogan soo foodsaartay iyadoo aan wax gurmad ah aan ka filaynin dhanka gobaladda Soomaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

nvbgg3.jpg

 

Wararka ka imanaya degmada Afmadow ee gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in roob xoogan uu ka da’ay Afmadow iyo nawaaxigeeda. Roobkan ayaa sida wararku sheegayaan dhaliyey daadad waaweyn laakiinse lama soo sheegin wax khasaara ah oo uu geystay.

 

Dadka shacabka ah ee deegaanadaasi ku dhaqan ayaa aad u soo dhaweeyay Raxamada Ilaaheey ugu deeqay.

 

Roobkan ayaa yimid xilli aad loogu baahnaa oo ay deegaanadaasi ka jireen abaaro ba’an oo dad iyo duunyaba galaaftay .

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

2m4sqpg.jpg

 

Roobab ayaa ka curtey degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada Hoose xili lagu jirey mid ka mid ah abaarihii ugu dheeraa ee sanadihii dhawaa soo maray gobolka iyo Soomaaliya intuba. Wararka ka imanaya Afmadoow waxa ay sheegayaan in roobab lagu diirsaday ay halkaasi heleen, wixii faahfaahin ahna dib ayaan kasoo tabin doonaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Ilo wareedyo ku dhaw maamulka Xarakadda Alshabaab ee wilaayada Jubbooyinka ee saldhiggeedu yahay Kismaayo ayaa la sheegayaa inay ku jirto xaaladdii ugu qalafsanayd intii muddo ahayd ee soomarta, kadib markii maamulka sare ee Alshabaab ay ku dheheen idinka lee waaye difaacista Jubbooyinka iyo Gedo.

 

 

Qaylo dhaan iyo hanala soo gaadho badan oo ka tagtay maamulka Kismaayo ayaa jawaabta ay ka heleen maamulka ugu sareeya xarakadda waxay noqotay is dabara taasi oo ka xanaajisay qaar kamid ah xubnaha ugu sareeya Wilaayadda Jubbooyinka. Xubnaha maduxu faaray ee dacarta uga kharaaraatay jawaabta ay heleen ayaa waxaa kamid ah Sh. Xasan Yacquub.

 

Walwalka ugu badan ee maamulka haysta ayaa ah sidii ay gurmad u gaadhsiin lahaayeen ciidamadooda laga soo saaray sadexda Degmo ee ka tirsan Gobolka Gedo (Luuq, Balad-xaawo iyo Ceel-waaq) iyo sidii ay u xajisan lahaayeen degmooyinka gobolka Gedo ee ay wali gacanta ku hayaan.

 

Sidoo kale waxaa qayb niyad jabka ugu wayn ee soo gaadhay maamulka Wilaayada Jubbooyinka kamid ah ciidamo xoojin loo soo diray oo horkacayay saraakiil uu kimid ahaa Dulyadeyn oo deegaanka Diif ay ugu awood sheegteen Xarakadda Raaskaambooni. Dulyadeyn, wuxuu mar ahaan jiray wasiiru difaaca Xarakadda Kaambooni ka hor inta uusan ku biiran Xarakadda Alshabaab, waxaana la sheegay in doraad ka hor inta aan dib looga qabsan markii ay qabsadeen deegaanka Diif uu asagu laf ahaantiisa shacabka deegaanka ugu khudbadeeyay badhtamaha Diif, asagoo u sheegay shacabka inay xoogagga Alshabaab ee uu horkacayo ay deegaanka u yimaadeen inay sii qaadaan madaxa Sh. Axmed Madoobe

 

Waxaa la sheegay in Maamulka Sare ee Xarakada Alshabaab ay ku dhaliileen maamulka Kismaayo inay bari hore soo afjari waayeen ciidamada Xarakadda Kaambooniyiinta oo ayagu dagaal adag oo jabhadayn ah la galay xarakadda Alshabaab tan iyo intii laga fara-maroojiyay gacan ku haynta gobolka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Dhaqdhaqaaqii sida weyn looga baqi jirey ee Alshabaab ayaa cabsidii laga qabay illaahay ka siibey qalbiyada dadka kadib markii la qabjabiyey madaxtaagoodii.

 

Dhamaan gobolada dalka ayaa dadka degan u shintirinayaan dhamaadka waayaha Shabaabka oo mudo sanooyin ah loo wada afduubnaa. Tani waxay timid markii gobolada dalka oo dhan looga furey dagaalo safmar ah oo illaa hada looga sifeeyey meelo badan oo dalka ka mid ah laguna gaarsiiyey qasaarooyin baaxad leh.

 

Gobolka Gedo ayaa shabaabka lagu dul jiirsiiyey taangiyo iyagoo ku jira dhufeysyo, halka gobolka Jubbada Hoose baqahooda ay dhaawacyadii iyo meeydadkii saraakiishooda kaga carareen dagaalo culus.

 

Magaalada Diif waxaa la sheegey in ciidamada Kaambooniyiinta ay dagaalka galeen iyagoo rucleynaya, mid ka mid ah dadkii goobjooga ka ahaa dagaalka ayaa yiri “waligeey ma arkin dagaal orod lagu galayo illaa sagaashankii.” Wixii hada ka horeeyey marka uu askari Shabaabka ah bartiisa la arko ayaa laga sii baqi jirey, laakiin hada dadka magaalooyinka dalka ayaa ku dhiiranaya in ay la doodaan askarta iyo madaxda Shabaabka oo ku yiraahdaan “waqtigiina isagaaba gabaabsi iska ahe, wajiga ha’iska xumeyn.” Tusaale ahaan gudoomiyihii sida weyn looga baqi jirey ee Kismaayo Xassan Yacquub ayaa maalin dhaweyd banaanbax ka dhacay Kismaayo ay dadka ka kala dareereen isaga oo hadlaya, taasina waxay keentey in ciidamada Xisbada ay dadka xoog ku celiyaan.

 

Si kastaba ha ahaatee waxaa muuqata in Shabaabka uu Shimbirkii ka duuley iyadoo taageerayaashooda dibada ku nool ay lumiyeen sumcadii ay dadka ku dhexlahaayeen iyagoo qaarkood bilaabay in ay dhuumaaleystaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Horjoogayaasha Maleeshiyada Alshabab ee Magaalada Kismaayo oo boorsooniyka xirxirtay kadib guul daradii ay kala kulmeen dagaalkii ay Diif ee ay kula galeen Mucaskarka Raaskaanbooni.

 

Wararka ka imanay degmada Kismaayo ayaa sheegaya in cabsi xoogan soo food saartay Horjoogayaasha kooxda Alshabab ee magaalada Kismaayo isla markaasna ay qorsheynayaan in ay magaalada ka baxsadaan inta aysan ku go’doomin.

 

Horjoogayaasha doonaya in ay baxsadaan waxaa ka mid ah Xasan Yacquub iyo Sheikh Abuukar Cali Adan , labadani nin oo ku kala magacaaban Gudoomiyaha Goblada Jubboyinka ee kooxda Alshabab iyo kan degmada Kismaayo ayaa waxa ay ka soo kala jeedaan Goblada Bay iyo Hiiraan.

 

Warar xog ogaal ah oo aynu ka helnay Kismaayo ayaa sheegayaa ay u baxsan rabaan dhanka gobolada ay ka soo jeedaan si ay ugu badbaadaan .

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya markab la sheegey in uu hub u sido maamul Jubooyinka laga dhisayo kaasoo kusoo xiranaya dalka Kenya

 

Raadiyaha Codka Jubba ayaa ka diyaariyey warbixin dheer , inagoo xiriiro la samaynay qaar ka mid ah dhinacyada ay arrintani quseyso

 

La soco warka Radio Codka Jubba oo idinku soo fool leh

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

b5nzlz.jpg

Wararka aan ka helayno Deegaanka Diif ayaa sheegaya in ciidamada Xarakadda Kaambooni ay xalayto faarujiyeen Saldhig ay ku lahaayeen Diif, halkaasi ooy dabayaaqadii todobaadkii tagay dagaal adag kula galeen Xarakadda Alshabaab.

 

Ciidamada Alshabaab ayaa gaadhay Diif kadib markii ay heleen xogta inay magaaladu haawanayso oo Kaambooniyiintu isaga hadaafeen.

 

Lama oga halka ay qabteen iyo sababta ay u faarujiyeen Kaambooniyiintu deegaanka Diif, balse wararka aan la xaqiijin ayaa sheegaya inay aag badasheen maadaama ay ku jiraan wali dagaalka dhuumaalaysi ah. Mid kamid ah dadka deegaanka oo KismaayoNews u waramay ayaa sheegay inay Kaambooniyiintu ka war heleen ciidamo badan oo dhinacooda ku soo maqan, sidaa daraadeedna ay u faarujiyeen saldhiggooda Diif, wuxuuna intaasi ku daray inay meel kale ka bus kicin doonaan goor aan fogayn.

 

Ma aha markii ugu horaysay ee Deegaanka Diif ay kala qabsadaan labada Xarako ee Kaambooniyiinta iyo Alshabaab, mana aha markii ugu horaysay ee Kaambooniyiintu iskood u faarujiyaan.

 

Dagaalka u dhexeeya labada Xarako ayaa daba dheeraaday, wuxuuna galaaftay boqolaal nafood, waxaadna moodaa inuu maalinba maalinta kasii danbaysa sii hulaaqayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this