Sign in to follow this  
Bashiir

Shabaabkii Gedo oo Noqday Tusbax Furtay

Recommended Posts

wyre   

Taleexi;700194 wrote:
Waxaa ii muuqda Maandeeq inay foolanayso
:)
waxay dhalose we all shall wait and see.

Maandeeq dhashaye mexey dhashay? dhicis

Sheekada wexey ku socotaa in ey soo laabatay coloniztion kii 1963 eynu ka farxalannay

Ethiopia baan gumeysi u nahay

 

Ciidamada Ethiopia ee Alshaab kasaaray magaalada Baladxaawo ayaa lagu soo waramayaa in xabsiga u taxaabeen hogaamiyaashii ciidamada oo kala ah Col. Bare Hiiraale iyo Sayid Adan .

Barre hirale: dhulki qabsannaye, dib u laabta itoobiyee

Ethiopia: ma laabaneyno ee dalka dhan baan qabsaneynaa, waanan idin gumeysaneynaaAdigana xabsiga gal

Share this post


Link to post
Share on other sites
wyre   

Maxaa keenay dad dhanoo dagaal ku jira oo taliyeyaasha u weyn ah in halmar la casilo iyadoo dagaal adagi socdo?

ma is weydiisen su'aashaas?

Share this post


Link to post
Share on other sites

wyre;700261 wrote:
Maxaa keenay dad dhanoo dagaal ku jira oo taliyeyaasha u weyn ah in halmar la casilo iyadoo dagaal adagi socdo?

ma is weydiisen su'aashaas?

Dad daacad mahan.. Fiqhi iyo Farmaajo ayaa codsaday in la casilo, dad howsha daacad uu ah ayaa la keenayaa meesha

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Habeenkii labaad ayaa madaafiic lagu weeraray magaalada Dhoobleey ee xadka ku taala taasoo kasoo dhacaysay dhanka xuduuda Kenya

 

 

Ciidamo taabacsan Sh. Axmed Maxamed Islaam oo xadka dhankiisa kale ku sugan ayaa lagu soo waramayaa in ay madaafiicda ku garaacayaan dhufeysyo ay Alshabaab ka qoteen magaalada xili ciidamadani ay isu diyaarinayaan in ay magaalada dagaal kula wareegaan

 

Magaagalada Dhoobleey ayaa waxaa ku sugan ciidamada Shabaabka oo kaliya kadib markii ay ka qaxeen dadkii magaalada deganaa, dadka qaarkiis oo bogani la hadlay ayaa sheegay in aysan jirin meel loo qoxo maadaamaa kenyana ay xuuduuda xiratay

 

Duqeynta magaalada waxa ay bilaabay maqribkii xalay, waxayna socotey illaa cishihii, lama oga qasaaraha ka dhashay, mana jiraan illo madax banaan oo xog rasmi ah ka keeni kara magaalada xili saxaafada ay gobolka kasoo qaxday, hey’adihii gargaarka iyo dadkiina ay sidoo kale aysan joogin meesha.

 

Wararka kale ee Dhoobleey ka imanaya ayaa sheegaya in Shabaabka ay geedaha quracda dushooda saareen rag shiishka fartoogtayaal ku ah oo loogu talogalay in ay kaliya toogtaan Sheekh Axmed Madoobe iyo saraakiisha la socota, Shabaabka oo awoodooda Jubooyinka oo dhan isugu keeney magaalada Dhoobleey

 

Xogaga Shabaabka dhexdooda laga heley waxa ay sheegayaan in xitaa haddii dagaalka aysan ku guuleysan, ay xaqiijiyaan in ay qaarijiyaan Sh. Axmed Madoobe “Taas ayaa guul nooga filan” ayaa laga soo xigtey Sheekh Xassan Yacquub oo ah gudoomiyaha maamulka Kismaayo.

 

Axmed Madoobe waa ninka ay ugu cabsida badanyihiin Shabaabka, waana ninka ku haya halista ugu weyn, wararka ay KismaayoNews heyso waxa ay tibaaxayaan in khilaaf xoogan oo dhex yaala Shabaabka waxyaalaha la’isku hayo uu qeyb ka yahay Axmed Madoobe, rag Shabaabka ka tirsan ayaa Yacquub iyo qolooyin kale ku heysta sababta ay u diideen waanwaantii lala gali lahaa Axmed Madoobe markii uu joogey Janaa Cabdalla, waxayna ku eedeynayaan in maanta aysan ka walwaleen in gobolka gacantooda laga saaro haddii Axmed Madoobe aanan la gaaleysiin lahayn oo lasoo dhaweysan lahaa, waxay shaqsiyaadkani Shabaabka ka tirsan ku doodayaan in markii Axmed Madoobe la eryey ay Shabaabka lumiyeen taageeradii Shacabka ah oo dhan.

 

Waxaa la rumeysanyahay in ciidamada Shabaabka kuwa badan oo ka tirsan oo Jubooyinka kasoo jeeda ay hoosta ka taageersanyihiin Axmed Madoobe, ayna suurogal tahay in ay karkaarka weeydaariyaan haddii uu hormar ka sameeyo dagaalada, sidaasi darteed ayaa qaar badan oo ka mid ah loogu badalay in ay ka dagaalamaan deegaano kale

 

Dhanka Kale Shabaabka waxa ay markii ugu horeysey dib u eegis ku samaynayaan siyaasadooda in magaalo kasta loo dirro qof aanan u dhalanin si uu halkaasi u xukumo, arrintani waa mid ka mid ah sababaha ay u lumiyeen taageerada shacabka inta baddan, gobolada Jubooyinka ayaa la sheegayaa in markani laga yaabo in Shabaabka ay usoo magacaabaan rag gobolka kasoo jeeda, siyaasada ah in qof kasta loo dirro deegaanka uu kasoo jeedo si dadka ay iyaga isu maamulaan waxaa qaadatay dowlada oo haatan ciidamada iyada taageersan dufcad kasta ku beegtey deegaanka ay kasoo jeedaan

 

Rag baddan oo Shabaabka mansab iyo xil ka waayay oo la gacan bidxeeyey ayay hadda u badantahay in loogu yeerto in ay badbaadiyaan markabka sii quusaya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

wyre;700260 wrote:
Maandeeq dhashaye mexey dhashay?
dhicis

Sheekada wexey ku socotaa in ey soo laabatay coloniztion kii 1963 eynu ka farxalannay

Ethiopia baan gumeysi u nahay

 

 

Barre hirale: dhulki qabsannaye, dib u laabta itoobiyee

Ethiopia: ma laabaneyno ee dalka dhan baan qabsaneynaa, waanan idin gumeysaneynaa
Adigana xabsiga gal

Horta wyre sidhaas ala gaarta inaad sijui tahay :) 1960 iyo 1963 ee independence kenya baad kala saari kari weydhey :) matako wewe!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Wasiirka GaashaandhigaCabdikariim Fiqi , ayaa qirtey in dagaalka dhulka waxbo looga qaadi karin Shabaabka sidaas darteedna loo baahanyahay in cirka laga duqeeyo

 

Waxa uu baaq u jeediyey wadamada ay saaxiibada yihiin ee taageera in ay cirka ka duqeeyaan Shabaabka

 

Dhanka kale waxa uu sheegey in uu geeriyoodey Abuu Mansuur Al-Amriki oo ah nin Maraykan ah oo Shabaabka xil sare ka haya “Balse ma hubo 100%” ayuu yiri Fiqi

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Maamulka Dowladda KMG ah ee gobolka Gedo ayaa markii ugu horeysay ka hadlay isbedelada kajira degmooyin iyo deegaanno katirsan Gobolka Gedo oo ka baxay gacanta xarakada Al Shabaab.

 

Gudoomiyaha degmada Doolow u qaabilsan dowladda KMG ah Cabdi Rashiid Xasan oo galabta saxaafadda Gedo khadka taleefanka shir jaraa’id ugu qabtay ayaa sheegay in ay wax weyn ka qaban doonaan arrimaha amaanka iyo horumarinta bulshada.

 

Gudoomiyaha ayaa ugu baaqay shacabka kabarakacay degmooyinka Beled-Xaawo iyo Luuq in ay dib ugusoo laabtaan guryahooda si ay u wataan ganacsigooda iyo waxbarashada.

 

Wuxuu balan qaaday in ciidamada Dowladda aysan wax dhibaata ah ugeysan doonin shacabka islamarkaana ay si wanaagsan u maamuli doonaan.

 

“Dowladda Kenya waxaan ku heshiinay in ay si deg deg ah ufurto xuduudka si shacabka labada dhinac isaga kala gooshaan sidaas darteed shacabka waxaan ugu baaqeynaa in ay dib ugusoo laabtaan magaaladooda”ayuu yiri Cabdi Rashiid Xasan.

 

 

 

Gudoomiyaha Doolow ayaa warbaahinta u sheegay in isaga loo xilsaaray dib u dejinta deegaanada ay ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya dhawaan kala wareegeen gobolka Gedo.

 

 

 

Daahir Guuleed Allgedo Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

a3dxk3.jpg

 

Dadweyne aad u badan oo boqolaal gaaraya ayaa maanta banaanbax culus ka dhigey dugsigii hore ee Finti Une Oktoobar kaasoo looga soo horjeedo hey’ada barnaamijka cunada aduunka ee WFP

 

Dadka oo ka mid ah dadkii abaaraha saameeyeen ayaa waxa ay ka cabanayaan in hey’adaasi aysan wax gargaar ah u fidin dadka tabaaleysay ee ay abaaruhu halakeeyeen

 

Dadka waxa ay codsanayeen in dalka laga saaro WFP, wuxuuna banaanbaxani imanayaa xili dhaleeceyn badan ay hey’adani kala kulmeyso siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada

 

Dhanka kale DKMG ah ayaa ka baxday shir ay soo qabanqaabiyeen hey’adaha qaramada midoobey ee WHO iyo Unicef iyo kuwa kale oo Nairobi lagu qabtay, dowlada ayaa sheegtey in aysan maleegeyn arrin qayaano qaran ah

 

Shirka oo sidoo kale lagu casuumey Puntland iyo Somaliland ayaanan la ogeyn waxa rasmiga ah ee ay dowlada diidantahay

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Dowladda Soomaaliya ayaa dagaallo xooggan la gashay mucaaradka kasoo horjeeda ee ku sugan Koonfurta dalka Soomaaliya gaar ahaan gobolada dhexe, gobolka Banaadir, Gobolada Baay iyo Bakool, Gobolka Gedo iyo gobolada Jubbooyinka.

 

Dagaalkan ay qaaday dowladda Soomaaliya waxay ku hanatay inta badan magaalada M;uqdisho waxayna guullo ka sheegteen saraakiisha dowladdu dagaaladii dhacay iyoagoo la wareegay saldhigyadii ugu waaweynaa ee mucaaradku ku lahaayeen Muqdisho.

 

Gobolka Gedo ayey dowladda Soomaaliya la wareegtay intiisa badan iyadoo weli socdan duullaan ay ku xaqiijinayaan ciidamada dowladdu hanashada gobolkaas oo dhan.

 

Degmada Yeed ee gobolka Bakool waxaa ka baxay ciidamo dowladda Kmg ah leedahay oo kusii jeeda gobolada Bakool iyo Baay.

 

Degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose waxaa dul fadhiya ciidamo tageera dowladda Somaaliya iyo ay deegaanku leeyihiin oo ka ammar qaata Sheekh Axmed- Madoobe kuwasoo loogu talo galay inay gacanta dowladda kusoo celiyaan gobolada Jubbooyinka dalka Soomaaliya.

 

Isku soo duuboo dowladda Soomaaliya oo kaalimo caalami ah ka heshay Midowga Afrika iyo caalamka xiiseeya arrimaha Soomaaliya ayaa haysata ciidamo farabadan oo leh tababar casri ah iyo qalab casri ah.

 

Raysul wasaaraha Soomaaliya ayaa hore u sheegay inuu gacanta dowlada kusoo celin doono goobaha ay ka taliyaan mucaaradka dowladdu.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegay in ay ciidamo farabadan oo kasocda Ugaanda ay soo buux dhaafiyeen xuduuda Kenya ay lawadaagto Soomaaliya dhanka Jubooyinka . Ciidamada Ugaanda oo ku hubeesan Taangiyada dagaalka iyo baabuurta gaashaaman ayaa soo kulaaley deegaano u dhow magaalada istaraatijiga ah Dhoobleey halkaas oo ay dhaq dhaqaaqyo kawadeen maalmihii u danbeeyay ciidamo taabacsan DKMG iyo Sheikh Axmed Madoobe

 

Wararka ayaa intaas kudaraya in ciidamadan taageeri doonaan ciidamadii dhaqdhaqyaada kawaday degaanada Jubooyinka oo taabacsanaa Sh. Axmed Madoobe iyo kuwa DKMG ah ee gulufka dagaal kawaday deegaanada jubooyinka. Abaabul ciidan ayaa laga dareemayaa degmada Dhoobley, halkaas oo Al-Shabaab si aan horay loo arag u soo buuxiyeen si ay u difaacdaan.

 

Dhoobley waxay macno badan ugu fadhidaa cidii gacanta ku heysa Magaalada xeebta ku taal ee Kismaayo, halkaas oo qorshahu yahay in saldhigii u horeeyay ee Gobolada ka sameystaan Ciidamada AMISOM.

 

Warar hoose ayaa iyana sheegeya in Ciidamada Uganda dhinaca dhulka ka soo geli doonaan, si fariisimo uga dhigtaan Dekeda Kismaayo iyo Garoonka oo ah meel hada istiraatiiji u ah Alshabaabka, isla markaana dhaqaalaha ugu badan uu ka soo galo.

 

Kismaayo magaalada 3aad ee ugu weyn Soomaaliya ayaa hada waxaa ka socda diyaar garow ballaaran oo Maamulka Al-Shabaab ku doonayaan inay ku difaacdaan, iyadoo muhiimada ugu weyn ay tahay in Dowladda KMG ay xoogeeda isugu geyso Magaaladaas oo leh Xeeb.

 

Istiraatiijiyada milateri ee Dowladda KMG ayaa ah sidii xoog looga saari lahaa deegaanada ballaaran ee Xarakada Al-Shabaab maamulaan, iyadoo hada ay lumiyeen Shabaabku deegaano ka tirsan Gobolada Gedo, iyo Caasimada Muqdisho oo baro muhiim ah laga qabsaday.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Sheikh Mukhtaar Roobow (Abu Mansur) oo ka tirsan Saraakiisha sar sare ee Alshabab ayaa la sheegay in Ciidamadiisa uu ku wareejini rabo Odeyaasha beeshiisa.

 

Warar xog ogaal ah oo aan ka helnay mid ka mid xildhibaanada Dowlada KMG oo naga codsaday in annu magaciisa shaacinin kana soo jeedo Gobolka Bay ayaa noo sheegay in shir qarsoodi ah uu dhexmaray Abu Mansuur, Odeyaasha beeshiisa iyo qaar kamid ah xildhibaanada dowlada KMG. Abu Mansuur waxuu Odeyaasha iyo Xildhibaanada Beeshiisa u sheegay Jiritaanka Ururka Alshabab in uu marayo meel halis ah amaba la oroni karo wuu burburay , sidaas daraadeedna waxuu sheegay in loo baahanyahay in Ciidamadiisa iyo Hubkooda uu ku wareejiyo Odeyaasha , Si loo badbaadiyo Ciidamada iyo Hubkooda, maadaama ay yahiin ciidama xoogan oo qalabeysan isla markaana leh tabarfiican .Abu mansuur waxuu Odeyaasha u sheegay in Howshiisa uu soo gutay , Sharafta gobolada Baby iyo Bakoolna uu soo Celiyey hadana in loo baahanyahay nin karti leh oo mas’uuliyadaasi qaado oo ciidamada gacanta ku dhiga.

 

Odeyaashi iyo Xildhibaanadi madaasha joogay ayaa arintaasi aad u soo dhaweeyay waxaayna ku booriyeen Abu Mansuur in aysan dooneynin wiil dambe in uu kaga sii dhinta difaaca Alshabab , Sidoo kale waxaay sheegeen ciidamdan in ay yahiin kuwa ka soo jeeda bay iyo bakool nidaam kasta oo wadanka ka dhashana Shaarkiisa loo galiniyo oo iyagu ay wax dambi ah loo raacan doonin.

 

Abu Mansuur ayaa lagu xantaa Nin Maskax badan oo danta dadkiisa ka shaqeeya had iyo goor. Waxaa kale oo xusid mudan Abu Mansuur in uu Ciidamadiisa kala soo baxay Buulo -Xaawo markii uu arkay in xaalku xunyahay.

Abu Mansuur ayaa ahaa laf dhabarta kooxda xag jirka ah ee Alshabab , waxuuna ka soo qabtay xilaal sarsare, ka bixitaan kiisana waxay gabal keeda sii rideysaa kooxda cimrigeeda dhamaaday ee Alshabab.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this