Sign in to follow this  
The Zack

Remember that German dude that was arrested in Hargeisa recently?

Recommended Posts

The Zack   

Yes.. you guessed it right! He has been released couple of days ago.

 

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo cafis u fidiyay nin u dhashay Jarmalka oo u xidhnaa falal dhaqan-xumo

 

Sabti, Feberaayo 26, 2011 (HOL) – Xukuumadda Somaliland ayaa sii-daysay Nin u dhashay dalka Jarmalka oo loo xukumay falal ka dhan ah dhaqanka iyo Diinta Islaamka, taas oo hore loo sheegay inay Maxkamadda kaga hor caddaadeen.

 

Wasiirka Caddaaladda Somaliland Ismaaciil Muumin Aare ayaa sheegay in ninkan la sii daayay Khamiistii dorraad, ka dib markii uu cafis u fidiyay Madaxweyne Siilaanyo. Wasiirku wuxuu intaa ku daray in sii-daynta ninkani ay ka dambaysay ka dib markii Wefti ka kooban 16 Safiir oo dalalka Caalamka ka kala socda oo toddobaadkii dhammaaday socdaal ku yimi Somaliland ay ka dalbadeen Madaxweynaha in la sii daayo Bischoss Guntar oo u dhashay dalka Jarmalka, una xidhnaa in uu macaamil dhinaca Jinsiga ah la sameeyay Hablo Soomaali ah.

 

Maxkamadda Gobolka Hargeisa ayaa 13 January 2011 ayay ninkan ku xukuntay afar sannadood oo xadhig ah iyo 10,000 oo Dollar iyo in la masaafuriyo marka uu xukunka dhammaysto, halka ay gabadh Soomaali ah oo falalkan kula eedaysnaydna lagu xukumay hal sanno oo xadhig ah iyo 5-Milyan oo Shilinka Somaliland ah.

 

Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online

barqad@hiiraan.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

OO waxaad ileedahay the sixteen safiir uma iman recongnition ee dan kaley wateen? Meetinka Siilanayo with the sixteen safiir ay JB iyo NG balada ka dhigayeen was all about the porno guy. :D

 

Hadde ninkan tol baa u gurmadayee gabadhaa yaa u tol ah?

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Jacphar LOOL haaheey. The 16 ambassadors worked it out and somehow got the German porn star out of the Hargaisa prison. Still no recognition though. NGONGE iyo kooxdiisa sheekada wey noo gaddiyeen :D :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Hargeysa (Berbera PRess)Xukuumada Somaliland ayaa shaacisay inay sii daysay ninkii u dhashay Dalka Jarmalka oo ay Maxkamada Gobolka Hargeysa ay ku heshay inuu galay falal anshax daro ah oo ka dhan ah diinta islaamka iyagoo sheegay inay dalka ka mastaafuriyeen.

 

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Xasan Jaamac Aadan oo u waramay Telefishanka Caalamiga ah ee Horn Cable Tv ayaa sheegay in la sii daayay ninkii jarmalka sababo la xidhiidha caafimaadkiisa, waxaana uu xusay inay tani ka danbaysay markii ay la soo xidhiidhay Madaxweynaha Somaliland Safaarada Dalka Jarmalku ku leeyahay Magaalada Addisa Ababa, waxaana uu Xeer Ilaaliyuhu yidhi

 

Ninkani waxa uu ahaa nin da'weyn oo 70-jir ah, waanuu ku dhex xanuunsaday jeelka Mandheera dhexdiisa isagoo aanu ka baqanay inuu dhinto, waxaana hada cafiyay Madaxweynaha Somaliland oo ay la soo xidhiidhay Safaarada Jarmalku ku leeyahay Magaalada Addisa ababa oo codsi cafis ah soo qortay, markaa Madaxweynuhuna wuu cafiyay

 

Ninkan Jarmalka ah oo lagu magacaabi jiray Gunter Alberto Bishof oo ah 70-jir ayaa faafiyay sawiro qaaqaawan oo uu ka qaaday Haween u dhashay Somaliland oo la samaynayay falal anshax daro, kaasi oo xukun ku riday Maxkamada Degmada Mandheera.

 

 

Wararka Hargeysa ee Berbera PRess.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ismahaan   

Ninkani waxa uu ahaa nin da'weyn oo 70-jir ah, waanuu ku dhex xanuunsaday jeelka Mandheera dhexdiisa isagoo aanu ka baqanay inuu dhinto

Haduu dhinto who cares markii horeba in la dal dalo baay ahaayde. Alla soomaali maxaay jilicday. :(

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

^NO WAY.

 

Where is Polyani when you need him. Waar ninka dhagax ku dil. Waa kan kuu soo dhowaaday imika. Germany waa un dhowr tallaabadadood.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sheeko kasta oo Hargeisa ka dhacdaa oo ay xuman u eekaysiinkartaa xiisay u leedahay Hiiran online sababtoo ah waxay kaga yara jeedsanayaan dhibta iyo Misariga iyaga Haysta.

Ma ogtihiin in ninkan ay uga jabnaan lahayd inta 16 safiir ay Hargeisa tagayaan in loo IIBIYO qiimaha jeelka sidii kuwii Ruushkuba ay sameeyeen.

Ma se ogtihiin in ninkan Jarmalka ahi uu isagu diiday inuu iibsado xukunka ku dhacay oo uu yedhi abiil baan qaadanayaa waanan ka guulaysanyaa maxkamadan qalooca loo qaaday.

Isaga ayaa rabay inuu jeelka ku sii jiro ilaa iyo intay gartiisu cadanayso. but Imagin white man 70 years old in Madhera prison mudo dheer ma ku noolan karo mana sugi karo abiil

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Wiil Cusub;698227 wrote:
Imagin white man 70 years old in Madhera prison mudo dheer ma ku noolan karo mana sugi karo abiil

So since he is old and "white" he couldn't live in a Somali prison even though he has been convicted? Bal na fahansii waxaaad sheegeyso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Incredible that the man was released and "pardoned" by SNM Mujahid Siilanyu after all he did to the Somali women of that region.

 

Shame on you Siilanyu and the secessionist are all quite, what will they not do for recognition?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this